-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muddo dhaafka ku yimaada doorashooyinka Somaliland. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dhaqan u noqotay dib u dhaca doorashooyinka ku yimaada, isagoona ka dhawaajiyey sababaha hortaagan qabsoomida doorashada golaha wakiilada. Xildhibaan Xuseen ayaa dusha u saaray dibu dhaca doorashooyinka Xukuumada Madaxweyne Biixi, isla markaana eedeymo u jeediyey xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo dhawaan heshiis ka gaaray khilaafka doorashooyinka. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaal uu sheegay inay dowlada Somaliya ay kula jirto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland, wuxuuna yiri: “Waxaa dhaqan inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib u dhacaan, Doorashada Wakiiladana qodob badan oo loo baahnaa in la sii dhammeeyo ayaan ilaa hadda laga hawl-galin, sida saami-qaybsiga, maxaa yeelay Beelaha darafyadu waxay doonayaan inay Doorashada Wakiilada ku galaan saami-qaybsi, waxayna marar badan ku celiyeen in aanay galaynin Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya”. “Waxay ahayd inay Xukuumaddu mar horeba ka sii hawl-gasho, laakiin ilaa hadda umay dhaqaaqin oo caalamatul su’aal ayey galisay, waana kii Madaxweynuhu Beelaha Awdal ka codsaday in saami-qaybsi aan la sameeynin, ta kale Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyey in Komishankan la kala diro oo Komishan loo siman yahay la sameeyo, balse haddana calaamatul su’aal ayaa la galiyey”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo hadda isku noqday Xisbi qudha, ayaa haddana doonaya in aan Komishankana la kala dirin, Doorashadana sidii hore loo galo, Xisbiga Waddani sharci buu ku taagan yahay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu diyaar uma ah inay Doorashada dalka ka dhacdo, iyadana caalamatul su’aal galinaysa, qodob kasta oo ku xidhan qabsoomida Doorashada”. “Dawladda Somaliya, dagaal bay inagula jirta, waxayna rabtaa inay ka faa’iidaysto aqoonsiga aynaan wali Caalamka ka helin, ee si wada jir ah aynu u waajahano, oo waliba si wada jir ah aynu aqoonsigeena u raadino, oo aynu Wadamada kale duwan ee Caalamka aynu ka dhaadhicino sidii dalkeena loo aqoonsan lahaa, loona tusi lahaa inaynu ka madax banaan nahay Somaliya”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Abu Dubai (Caasimadda Online) – Wargeyska The Wall Street Journal ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa qoray inay dowladda Imaaraadka carabta kala baxday dalka Yeman qeybo kamid ah ciidamadii ka joogay iydoo ka cabsaneyso inay weeraro la kulanto maadaama uu dagaal ka dhex biowday Mareykanka iyo Iiraan. Wargeyskaan ayaa sheegay in asbuucyadii ugu dambeeyey ay Abu Dubai Yeman kala baxday Taangiyo, Diyaariyadaha dagaalka iyo boqolaal ciidan oo ka joogay Badda Cas, waxaana kamid ahaa ciidamada ay la baxday kuwii ku sugnaa Magaalo xeebeedka Al Hudaydah ee dalka yeman halkaas oo ah meesha laga dajiyo gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yeman oo ay dhibaateeyeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ah garabka Militari ee ugu muhiimsan oo ay heysato Dowladda Sacuudiga oo dagaal ku qaaday Xuutiyiinta Yeman ee taageerada ka helo Iiran tan iyo Maarso 2015, dagaalkaas oo lagu dilay kumanaan qof oo ka tirsan Shacabka Yeman, iyadoo ay dalkaas ka dhacday musiibo Bini’aadanimo tii ugu xumeyd caalamka sida lagu sheegay warbixinada hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Bixitaanka qaar ka tirsan Ciidamada Imaaraadka ee dalka Yeman ayaa kusoo aadayo xilli ay sii xoogeysatay Xiisadda Bariga Dhexe ee u dhaxeyso Iiraan iyo Mareykanka, inkastoo ay Washington iyo Tehran sheegeyn inaysan dagaal diyaar u aheyn, haddana waxaa socday weeraro lagu qaadayo Doomaha iyo Maraakiibta isticmaalo xeebaha Imaaraadka taasoo cabsi badan ku abuurtay Abu Dubai, waxayna dowlado ay kamid yihiin Mareykanka weeraradaas ku eedeeyeen Iiraan iyagoo ugu baaqay inay arrintaas joojiso. Wargeyska ayaa sheegay inay Imaaradka dareentay cabsi weyn kadib markii ay soo badatay diidmada Mareykanka ee dagaalka Militari ee Yeman, iyo iyadoo isku aragtay inay tahay bartilmaameedka koowaad oo ay Iiraan ku aargudan doonto haddii uu madaxwyenaha Mareykanka Trump amro in duqeymo Militari lagu qaado Iiraan. Wargeyska oo soo xiganayo Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay inay Imaaraadka Dagaalka Daacish ay ku badalneyso beegsiga Kooxaha Al-Qaacidda, Daacish iyo Kooxaha kale ee xaqjiriinta ah. Dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa weli qarinayo ka bixitaanka Imaaraadka ee dalka Yeman maadaama ay u arkaan haddii uu warkaan faafo inay guul u tahay Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan Cabsida Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa cirka isku shareertay kadib markii ay Xuuyiyiinta Yeman bilaabeen duqeymo ay ka fulinayaan gudaha Sacuudiga, halka ay Xeebaha Imaaraadka ka bilowdeen weeraro lagu qaadayo maraakiibta taasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeyso Iiraan oo difaac u ah Xuutiyiinta. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda shanley ka taagan weerarkii ay ku qaadeen dalka Yeman oo aysan ka helin ujeedkii ay ka lahaayeen oo aheyd inay burburyaan kooxda xuutiyiinta balse taas badalkeeda ay dhacday inay Xuutiyiinta awood u yeeshaan weeraro ka dhaco gudaha Sacuudiga halka Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadkana ay dagaalka Yeman ku xasuuqeen shacab kumanaan ah oo ay ku jiraan carruur aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Abu Dubai Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkii Golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa fariin adag loogu diray Mas’uuliyiinta DF Somaliya. Golaha wasiirada ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay marwalba ku foogan tahay dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland. War-murtiyeed kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Somaliland, ayaa wuxuuu u dhigna sidan: “Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd. Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer. Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar__-Qumanaha-04072019-OK.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa sheegay inaysan Dowladda Soomaaliya kula heshiin in la burburiyo Ururkaas iyo Ciidamada. Shiikh Isaaq Mursal Geesa Dheere oo kamid ah Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa xusay inaysan Ahlu Sunna ka tanaasulin dhaqdhaqaaqyadoodi hubeysanaa ee Gobalada Dhexe balse ay qaateen qorshe ah in ay lugta la galaan Siyaasadda iyo Maamul Goboleedyada. Wuxuu sheegay in qorshahaas hadda laga fulinayo Galmudug isla markaasna ay ku xigi doonto inay Ahlu Sunna ka qeyb noqoto Maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jiro. Wuxuu tilmaamay in qarameynta ciidamadooda ay ka saacideyso inay Ahlu Sunna awood ku yeelato Galmudug isla markaasna ay mushaar uga hesho Dowladda Soomaaiya. Kheikh Isaaq Mursal geesa Dheere oo kamid ahaa Horjoogayaashii dhanka Dagaalka ee Ururka ee Koofurta Soomaaliya ayaa Idaacada Simba u sheegay inay Xiligaan ay u gurteen dhanka Siyaasadada iyo Xasiloonida Islamarkaana ay Ciidamada Dowladda ay ugu wareejiyeen inay qeyb ka qaataan Dagaalka Al-shabaab. Hadalka kasoo yeeray Mas’uulkaan ayaa imaanayo iyadoo Maanta ay Dhuusamareeb gareen guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD Mohamed Ali Guyo si ay marqaati uga noqdaan dhameystirka heshiiska Ahlu Sunna iyo Dowladda. Sidoo kale Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna. Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Cawil.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
NAIROBI, Kenya – Wedged in the middle of chaos, bordered by the long-running instability of South Sudan to the northwest and Somalia to the east, the East African nation of Kenya is striving to maintain the feeble balance of welcoming refugees while securing their borders from the infiltration of terrorists. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle. Heshiiska oo golaha ay u soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay. Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS. Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. View the full article
-
The Weak FGS Severs Diplomatic Ties With Guinea Over Somaliland The weak federal government in Mogadishu has decided to sever diplomatic ties with the Republic of Guinea as a direct result of the visit to that country by the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, at the invitation of the Conakry. President Muse Bihi Abdi and his delegation arrived in Guinea on a two day visit, and the federal entity in Mogadishu, upset at the invitation and the welcome afforded the Somaliland delegation began an offensive to counter the visit. It has been reported that the FGS “ambassador” to the EU was dispatched to West Africa to try and forestall any further visits in the region by the Somaliland delegation. This has yet to produce any results. Furthermore, the severing of diplomatic ties with the Republic of Guinea over an issue that is entirely in the prerogative of Conakry, makes the politicians in Mogadishu look petulant and immature. If the weak FGS in Mogadishu wants to be taken serious, then they must engage the original partner of the 1960 union which helped to create the defunct Somali Republic, and that is Somaliland. Anything else, is just hubris. Qarannews.com Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha weeraro is-xigay oo maanta lagu qaaday tahriibayaal ajnabi ah oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa lala beegsay Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugnaa magaaladaasi. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay waddada laamiga ee soo gasha Boosaaso, kaas oo lagu beegsaday gaari ay la socdeen dad tahriibayaal ah. Sidoo kale weerar labaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada, kaas oo isna lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen tahriibayaal kale. Ugu yaraan labo qof oo ay mid ka mid tahay haweeney ayaa ku dhintay weeraradaasi, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen idaacadda VOA. Dadka ku dhintay weeraradan iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa dhammaan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa weeraradaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland. Shalay ayey aheyd markii iska hor imaad u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ilaalo u ah kooxaha wax tahriibiya uu ka dhacay deegaanka Mareero ee gobolka Bari. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa soo saarey Jadwalka Doorashadda Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka maamulkaasi oo loo mudeeyay 24-ka bisha Agoosto ee sanadkan 2019. Hoos akhriso war-saxaafadeedka guddiga View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub. Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo horumarinta Biyaha iyo Korontada. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha Dowladda Puntland. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland. Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo sameeyay wakaalado cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo, ayaa Dhuusamareeb u gaaray in ay la socdaan hannaanka ay u socdaan dedaallada loogu diyaar garoobayo dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha Dowlad Gobaleedka Galmudug. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-38, ee Luulyo, 03, 2019, ku baabi’iyey Hay’adda “PSAWEN” iyo wareejinta Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN). Waxaa Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Baabi’iyey Hay’addii PSAWEN appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan. Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo. Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayeesheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-04072019.mp3 View the full article
-
Gini (Guinea Conakry) waa Albaabka iyo Daaqadda uu Ruushku kasoo galo Qaarada Africa, xidhiidhka Ruushka iyo Guinea waxa uu soo jiray muddo 60 sano ah, xidhiidhkooga diblomasiyadeed wuxu soo taxnaa tan Iyo xilligii Midowgii Soviet-ka Xidhiidhka Ruushka iyo Guinea wuxu samaysmay kadib markii dalkan ku yaala Galbeedka Africa uu xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyay Dawladii France oo ah Wadankii gumaystay waxaana xidhiidhkoogu si wayn u xumaaday xilligii ay Dalalkaas kala hogaaminayeen de Gaulle iyo Sekou Toure Kadib markii dalkan Guinea uu ka baxay france-ku wuxu galay xaalad adag oo dhaqaale iyo musallaf baahsan maadaama uu ahaa wadan curdin ah, xilligaas waxa u gacan haadiyay oo god kasoo saaray Midowgii Soviet oo taagero laxaad leh u fidiyay dalkan yar ee curdinka ah, wuxuna ka mid noqday dalalkii ay ka hirgashay aragtidii Gooni-goosadku Dalkan sidoo kale waxa saamayn ku yeeshay loolankii Dagaalka Qabow ee dunida soo maray, mar walbana wuxu ahaa saaxiib dhow oo Ruushku ku leeyahay Qaarada Africa Xilligan danbe iyo xidhiidhka Russia iyo Guinea Ruushku wuxu taageero dhinacyo badan ah ka taageeraa Guinea sida Security-ga, Waxbarashada, Kabayaasha Dhaqaalaha, kallumaysiga, Caafimaadka, Difaaca, Macdanta Tamarta iyo meelo badan oo kale, Dalkani waa dalka ugu badan u loosoo dhoofiyo waxsoosaarka Ruushka ee Qaarada Africa yimaada Maalgalinta tooska ee Ruushku dalkan galiyay 2-dii sano ee u danbeyay waxay kor u dhaaftay $300M waxa uu ka hirgaliyay mashariic dhanka Wadooyinka, Dakadaha iyo Khadadka Tareenka ah Shirkadaha ugu waawayn ee Ruushka ee farsameeya Macdanta iyo Aluminium ayaa xarumo ku leh dalkan maadama Guinea ay qani ku tahay macdanta (bauxite) oo ay tahay dalka ugu wayn ee laga helo Adunka oo dhan Dalkan oo kaso kabanaya riiqdii ay tageen dagaalo dalka ka dhacay, sidoo kale waxa saamayn xoogani kasoo gaadhay dhanka Caafimaadka, 2013kii dhamadkiisi waxa dalka ka dilaacay Cudurka Ebola isagoo ahaa dalkii u horeeyay ee Bariga Africa ku yaal e Cudurkani ka dilaaco Ruushka ayaa ahaa dalkii taagerada ugu badan u fidiyay, wuxu Gueine Ruushku ka saaciday Guinea ladagaalanka cudurkan, sidoo kale wuxu maalgalin badan ku bixiyay xarumo Cilmi baadhis Caafimaadka ah oo laga hirgaliyay Guinea (epidemiology and microbiolgy Clinic Centres) si Cudurka Ebola dalka looga tirtiro Ruushku dalkan wuxu sanad walba ugu deeqaa in ka badan 2000 shaqaale xirfadle kuwa Dowalada ah oo deeqo loo geeyo Ruushka Madaxwaynaha Guinea Alpha Conde oo sanadii 2017ka soo noqday Gudoomiyaha Midowga Africa, mudadii uu xilkaa hayay wuxu safaro aan kala joogsi lahayn ku tagayay Ruushka, mudadaasna wuxu soo xerogaliyay Maalgalin toos ah oo Ruushku ku bixiyo Qaarada Africa oo qadarkeedu dhamaa $20 Billion, qayb badan oo maalgalintaas kamid ah waxa gaar u helay dalkiisa Guinea. Suragal ma tahay in Ruushku qayb ka ahaa martiqaadka Gueine ay ku casuuntay Somaliland? Dalka Guinea oo dhaca Galbeedka fog ee Qaarada Africa xubina ka ah Ururka Midowga Wadamada Galbeedka Africa (The Economic Community of West African States) Wuxu saamayn togan ku leh yahay midowgaas Sidaas oo ay tahay hadana ma jirin waligeed xidhiidh Diplomacy, Saaxiibtinimo, Dhaqan Bulsho iyo Dhaqaale toona oo ay Somaliland wadagaan, hadana marka laga shidaal qaato qaabka soo dhawaynta iyo meeqaamka lagu qaabilay Madaxwaynaha Somaliland oo aan haysan Ictiraaf Rasmiya waxay dhalisay su’aalo badan oo arintan la iska waydiin karo madaama xogta safarkan ay aad u adagtahay sida loo helaa Rushka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Guinea ku leedahay Qaarada Africa waxa marmar badan la maqlay hadal haynta ku saabsan xiisaha uu u qabo inuu Saldhig Ciidan ka dhigto Jasiirad la moodka Saylac ee Badwaynta Somaliland. Arinta ah in Ruushku danaynayo in uu Saldhig Military ka dhigto Magaalada Saylac ayaa la kowsatay oo si xoog ahna ay hadal haynteedu usoo baxday intii uu xilka qabtay Madaxwayne Biixi oo Afka Ruushkana ku hadlaa, arintan oo la sheegay inay Somaliland ka dhago adeegtay muddo dhowr jeer ah. Marka loo eego booqashada Biixi ee xilligan ee Dalka Guinea oo ah arin ugub ku ah siyaasada Arimaha Dibada ee Xukuumada Madaxwayne Biixi iyo saamaynta uu dalka Ruushku ku leeyahay Dalkaasi Guinea ayaa abuuri karta tuhuno ah in Ruushku wax ka ogaan karo booqashadan hadii aanu Rushka laftiisu kaba shaqayn booqashadan, waase arin soo bixi doonta markii ay noqotaba. Boowe maxaa kuu baxay? W/Qoray Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga jadwalka doorashada madaxtinimo ee Jubbaland oo qeexaya habka iyo xilliga doorashada. Guddiga ayaa shaaca ka qaaday jadwalka xilli madaxweynaha musharraxa ah ee uu waqtiga kasii dhamaanayo ee Jubaland Axmed Madoobe uu maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaayo. Sida ku cad jadwalka, soo xulista iyo soo gudbinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ayaa bilaaban doonta inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto ee soo socota. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la waqtiyeeyey inay dhacdo18-ka bisha Agosto. Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee sida aadka ah loo sugayo ayaa taariikhdeeda lagu asteeyay inta u dhaxeysa 24 Agosto illaa 30 Agosto ee sanadkan. Qaar ka mid ah musharrixiinta la tartamaya Axmed Maxamed Islaan oo hadda xilka hayaayaa horey walaac uga muujiyey hannaanka doorasho ee Jubbaland iyo soo xulista baarlmaanka dooran doona madaxweynaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa Dib u fasaxday shir hargeysa ka socday oo ay hore u joojisay. Haayada Somalia stability fund (SSF) ayaa shir sanadle ahaa oo ay ku qabsan jirtay Hargeysa ay xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada qorshayntu ay ka joojisay kowdii bishan todobaad markii uu hal maalin uun shirkaasi socday. Shirakan oo haayada u socon lahaa mudo sadex maalmood ah ayaa ay wasaarada qorshayntu sheegtay in aanay ka diiwaangashanayn Somaliland, isla markaana aanay haysan ogolaansho ay shirarka noocan ah ay kaga qabtaan Somaliland, waxaana ku saxeexnaa qoraalka diidmada ah ee haayadan lagaga joojiyay shirka wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta Xuseen Ibraahim Buuni. Hase yeeshee go’aankan xukuumada ayay soo faragaliyeen haayadaha qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageera, faragalintaas oo sababtay in shirkii uu dib uga furmo hotel Ambassador magaalada Hargeysa, balse xukuumada Somaliland ayaana ka hadlin wali shirkaas ay joojisay iyo sababta ay dib ugu fasaxday. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-37, ee Luulyo, 03, 2019, magaca kaga bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February, 03, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta loo bedelay magac cusub oo ah Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caddaalada Dowladda Puntland oo magaca laga beddelay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
