-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay gaareen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna ee lagu qarameenayo ciidamada kooxdaas. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiskan uu yahay mid Ahlu-Sunna kaga siyaasad badisay dowladda dhexe, islamarkaana marka la eego habka loo dhigay uu yahay mid wax walba sidooda ahaan doonaan, balse ay Ahlu-Sunna ku heli doonto lacag. Hehsiiska ayaa la sheegay inuu yahay in Ahlu-Sunna ay ciidamadeeda iyo hubkeedaba haysan doonto balse magac ahaan la hoos gayn doono dowladda, si ay mushahar ugu hesho. Waxaa sidoo kale la isla gartay in taliyayaasha hadda maamula ciidanka Ahlu-Sunna ay sidooda u joogi doonaan laakiin taliyaha guud laga soo magacaabi doono Muqadisho. Taliyaha imaan doona ayaa lagu sheegay in uu noqdo shaqsi “caqiidadiisa wanaagsan tahay”, taas oo macnaheedu yahay in uu noqdaa taliye aaminsan caqiidada kooxda Ahlu-Sunna, xulashadiisana ay qayb ku leedahay. Sida ana xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa heshiiskan gashay ayada oo qorshaheedu yahay in ciidankeeda ku joogo magaca dowlada fedraalka, ay si dowlada dhexe ay u bixiso mushaarka ciidamada. Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale diiday in ciidamada kale ee dowladda ee guutada 21-aad lagu soo diro ciidamadeeda. Isku soo duuboo, waxay u muuqataa in Ahlu-Sunna ka cayaar siyaasad badisay Kheyre, oo arrimo badan oo dowladda aan dan u ahayn ogolaaday, si uu u xaqiijiyo in safarkiisa gobollada dhexe aan loogu qeexin mid fashil kusoo dhammaaday. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa diiday inuu aqbalo codsi kaga yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo oo ku aadanaa doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug. Xaaf oo Muqdisho soo gaaray axaddii ayaa la kulmay Farmaajo, waxaana loo soo bandhigay laba qodob oo mid uu yahay; inuusan isku so sharaxin doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Galmudug, iyo kan labaad oo ahaa inuu dowladda kala shaqeeyo inay dhacdo doorashadaas. Xaaf ayaa aqbalay qodobka labaad ee ku saabsan la shaqeynta dowladda ee dhanka doorashada, hase yeeshee wuxuu ku gacan seeray kan ah, inuusan isa soo sharxin. Sida aan xogta ku helnay, Xaaf ayaa madaxweynaha u sheegay inuusan codsigiisa ku aqbali karin kulanka, balse go’aankiisa uu waqti siin doono, islamarkaana uu si rasmi ah u shaacin doono waqti kale. Waxaa jiro heshiis maaliyadeed oo ay horey ugu balameen dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xaaf, kaasi oo ku saabsanaa in Xaaf uu aqbalo inay doorashado dhacdo, waxaana Xaaf uu dalbaday fulinta ballan qaadkaas ka hor inta aan loo gudbin fulinta qodobka ku saabsan is-sharaxaaddiisa. Sida ilo xog ogaal ah oo u dhow Xaaf inoo xaqiijiyeen, Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo dowladda Soomaaliya ka qaato lacagtii lagu heshiyey oo keentay inuu aqbalo doorashada Galmudug. Lacagtaas ayaa qiyaas ahaan lagu sheegay inay tahay mid u dhaxeyso 2 illaa 3 milyan oo dollar, waxaana lacagtaas qeyb ka ah lacagihii horey looga xayiray maamulka Galmudug oo hadda loo isticmaalayo in Xaaf uu ogolaado doorasho iyo inuu magacaabo guddi doorashada oo ay raali ka tahay dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Foreign Workers Physically Assualted By Locals Some foreign workers in Berbera, who according to sources are employed by DP World Berbera were assualted by an angry crowd of local inhabitants of the city. These attacks occurred after a few days of protest by former workers of the Berbera port who are angry about the continuing recruitment of foreign workers from the Indian sub-continent, in particular, Bangladesh, by DP World. These disgruntled former Berbera port workers have been protesting the loss to jobs to foreign workers, and the increasing cost of living brought about by the influx of the contracted workers and their spending power. According to informed sources within the Somaliland ministry of Labour, two companies had been granted license to recruit foreign workers by the minister, Hinda Jama. The fees paid by theses two companies, have allegedly, according to sources been deposited in to the minister’s personal account. The Somaliland Police force managed to restore some semblance of order, before the unfortunate workers suffered more serious injuries. The injured have been taken to the medical clinic operated by DP World in Berbera. There has been no comment from both the Somaliland ministries of Home Affairs and Labour. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo maamulka Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland, haddii dhankooda laga helo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. “Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si uusan uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Waxaan aad u rajaynayaa in ay aad uga fiirsato in magacii xumaa ee meela ka raacay uuna dib dambe u raacin oo ka istaagto dhex dhexaad” ayuu yiri Siciid Deni. Waxaa kale oo uu Galmudug iyo Jubaland ugu baaqay in ay wax ka bartan doorashadii Puntland oo si xor ah loogu tartamay, isagoo uga digay in xoog wax lagu raadiyo. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Mogadishu (AFP) – Somalia protested formally to Kenya, the foreign ministry in Mogadishu said Monday, after Nairobi referred to the self-proclaimed Republic of Somaliland as a country. Somaliland declared its independence in 1991 but is not recognised by the international community, which considers it an autonomous region of Somalia. Kenya invoked the ire of its war-torn neighbour last week after referring in a tweet to a meeting with Somaliland officials as covering “issues of mutual interest to both countries”. Somalia’s foreign ministry said it summoned Kenya’s ambassador on Sunday and presented him a note of protest about the “offensive tweet”. “We consider this tweet an affront to Somalia’s sovereignty, unity and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya,” the foreign ministry said in a statement. “Somalia stands for good-neighbourliness, mutual respect and close cooperation with its neighbours, and expects the same from Kenya.” Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia. But it seceded and declared itself independent in 1991 as Somalia plunged into chaos after the fall of autocrat Siad Barre. Somaliland has been pushing for independence ever since. It has its own government based in the self-appointed capital of Hargeisa, its own army and prints its own currency. It is also considered much more stable than the rest of Somalia, which is plagued by clan disputes, corruption and a violent insurgency waged by the Al-Shabaab militant group. Ties between Kenya and Somalia have cooled considerably in recent times. In February, Somalia accused Kenya of auctioning oil and gas fields in a disputed maritime area. The feuding neighbours have taken that spat to The Hague, where the UN’s highest court is expected in September to start hearing both sides in the border disagreement. More recently, Kenya decided to suspend direct flights from Mogadishu to Kenya, requiring passengers to stop first in Wajir, a Kenyan town near the Somali border, for security screening. Somalia’s foreign ministry said it summoned Kenya’s ambassador on Sunday and presented him a note of protest about the “offensive tweet”. “We consider this tweet an affront to Somalia’s sovereignty, unity and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya,” the foreign ministry said in a statement. “Somalia stands for good-neighbourliness, mutual respect and close cooperation with its neighbours, and expects the same from Kenya.” Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia. But it seceded and declared itself independent in 1991 as Somalia plunged into chaos after the fall of autocrat Siad Barre. Somaliland has been pushing for independence ever since. It has its own government based in the self-appointed capital of Hargeisa, its own army and prints its own currency. It is also considered much more stable than the rest of Somalia, which is plagued by clan disputes, corruption and a violent insurgency waged by the Al-Shabaab militant group. Ties between Kenya and Somalia have cooled considerably in recent times. In February, Somalia accused Kenya of auctioning oil and gas fields in a disputed maritime area. The feuding neighbours have taken that spat to The Hague, where the UN’s highest court is expected in September to start hearing both sides in the border disagreement. More recently, Kenya decided to suspend direct flights from Mogadishu to Kenya, requiring passengers to stop first in Wajir, a Kenyan town near the Somali border, for security screening. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii uu madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) hase yeeshee uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas. Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle ayaa ku guda jiray xalinta xiisadaas, waxaana ay ku dhawaaqeen inay fashilmeen wdahdaladaas, kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday Baladweyne. Wasiir ku xigeenka beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) iyo Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Cumar Wadaad Yare oo shir Jaraa’id ku qabteen Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in 20 Maalin kadib aan wax natiijo ah laga gaarin xalinta xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan. Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Xildhibaanada labada Aqal Gobolka Hiiraan ku matala iany xiisadaas soo farageliyaan, isla markaana xiisada ay haatan mareyso meeshii ugu xumeed. Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
23-kii Feb 1997, 7:30 subaxnimo ayaa Guriga Shaqaalaha oo ahaa goobtii foodku ka dhacayey lagu soo sunsumay oo la isugu yimi. Cismaan oo maalintaas Guriga Shaqaalaha joogey ayaan wax ka weydiiyey sidii wax u dhaceen, yidhina, “Maxamuud Xaashi Cabdi oo markaas dambe maamulka ololaha u qaabbilsanaa Saleebaan ayaa ka hor tegey Saleebaan oo gaadhi ka soo degaya, kuna odhanaya, ‘waa la ina wataa’. Saleebaan baa yidhi, ‘oo maxaa dhacay?’ Maxamuud baa ugu jawaabey, “xalay baa ergooyinkii muska looga dhacay oo la dareersaday’, Saleebaanna ugu warceliyey, ‘oo ma iyadaa khudbaddii guuldarraduba ii qoran, tii guusha uun baan sitaaye, maxaa la yeelayaa?’ 300 oo ergooyin ah ayaa shirkaas ka soo qayb galay. Codbixintii oo gacan-taag ah ayaa la galay. 91 cod oo keli ah ayuu Saleebaan Maxamuud Aadan helay. Cismaan Abokor oo khudbaddii guusha ee Cigaal ka mid ahaa dadkii tooska u dhegeysanayey ee Cigaal hor fadhiyey ayaa yidhi, “Cigaal waxa uu akhriyey khudbad dheer oo qayb ka mid ah uu kaga hadlayey raaskiisa Reer Qaasaalli, isaga oo dhinaca kalena madasha u sheegay in 91 ka ergey ee Saleebaan u foodety yihiin muwaaddiniin xalaal ah, waayo buu yidhi, ‘inta kale lacag bay iga qaateen’. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo markii labaad ku guuleystey doorashadaas madaxweynennimo, waxa madaxweyne ku xigeen u noqday Daahir Riyaale Kaahin, waxanu Cigaal soo dhisay xukuumaddii ugu cuslayd marka la eego ragga uu soo xushay, uguna dheellitirka wanaagsanayd marka la eego xukuumadihii ka horreeyey iyo kuwii ka dambeeyey ilaa eeggan. Waxa uu guddi u saaray ka soo baaraandegta shuruudaha lagu soo geli karo golaha wasiirrada. Golihiisa wasiirrada ee Cigaal soo xushay 1997: 1. Maxamuud Saalax nuur, AHN: Arrimaha Dibedda 2. Maxamed Cabdi Gaboose: Arrimaha Gudaha 3. Axmed Maxamed (Siilaanyo): Maaliyadda 4. Rashiid Xaaji Cabdillaahi: Gaashaandhigga 5. Prof Daahir Maxamed Yuusuf: Waxbarashada 6. Maxamed Siciid Gees: Qorshaynta 7. Yaxye Xaaji Ibraahim: Beeraha 8. Dr Maxamed Muuse Cawaale: Deegaanka 9. Cumar Maygaag Samatar: Warfaafinta 10. Dr Axmed Xaashi Oday: Xannaanada Xoolaha 11. Eng Axmed Maxamed Biixi: Macdanta iyo Biyaha 12. Prof Maxamed Cabdi Dhimbiil (Galbeedi): Caddaaladda 13. Eng Yuusuf Caynab, AHN: Hawlaha Guud 14. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal): Dib-u-dejinta 15. Maxamed Qaasim: Ganacsiga 16. Jaamac Saalax Axmed, AHN: Madaxtooyada 17. Cali Sh. Ibraahim Aaraye: Dhaqanka iyo Ciyaaraha 18. Cabdillaahi Maxamed Ducaale: Gaadiidka Cirka iyo Badda 19. Dr Cabdi Aw Daahir, AHN: Caafimaadka 20. Sheekh Maxamed Aayatullaahi: Diinta iyo Awqaafta. Sida ka muuqata xukuumaddan uu Cigaal soo dhisay waxa ku jira xubno wasiirro ah oo culculus oo ka mid ahaa garabkii taageersanaa Saleebaan Maxamuud Aadan si uu isugu hayo dadka iyo dalka, taasi oo muujinaysa bilayska iyo ballaadhnidii siyaasadeed ee Cigaal. Marka la eego tayada iyo waaya-aragnimada nimankaas wasiirrada noqday haddana maxsuulkii hoggaamintooda ka soo baxay waxa u yeeshay saluug badan, wax naf lehna hore uma ay dhaqaajin hawlihii u yaalley oo ay ugu muhiimsanayd noolaynta iyo xoolaynta wasaaradihii ay gacanta ku hayeen. Sababaha ay taasi u dhacdayna waxa lagu tiriyaa jug weyn oo dhaqaale oo waddanka ku dhacday markii la joojiyey dhoofintii adhiga ee Sucuudiga xilligii cudurka Rift Valley Desease oo meelo Afrika ah la sheegay in uu ka dillaacay, xoolaha Soomaalidana la yidhi cudurkaas ayay qabaan. Arrintaasi waxa ay waddanka ku keentay dhaqaale burbur xoog leh. Sababta labaad waxa loo aaneeyaa curyaamin siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo ka yimi mucaarid xoog leh oo xukuumadda cusub culays ku keenay sida isbahaysigii SNM iyo golihii salaadiinta iyo cuqaasha oo wakhti dambe (2001) oodaha jabsaday. Raggii xukuumadda culayska saaray ee SNM ahaa, waxa ka mid ahaa: 1. Xasan Ciise Jaamac 2. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax 3. Muuse Biixi Cabdi 5. Maxamed Kaahin Axmed 6. Ibraahim Cabdillahi (Dhegaweyne 7. Saleebaan Maxamuud Aadan 8. Xuseen Axmed Caydiid 9. Dayib Gurey, AHN 10. Abokor Cabdi Xaalays, AHN iyo rag kale oo badan. Xukuumaddii cusbayd waxa ay gashay suti xodayood oo dhinaca siyaasadda ah iyo xaalad gunti giijis ah oo dhinaca dhaqaalaha ah. Waxa kale oo doorashadaas ka dib dhacay khilaaf weyn oo kala irdheeyey madaxweyne Cigaal iyo in badan oo ka mid ah odayaashii iyo siyaasiinyiintii Harti Waqooyi, markii dambena sii kala durkiyey Somaliland iyo Harti Waqooyi. Iyada oo awel hore tabashada Harti Waqqyi ee dhinaca saami-iyo-awood-qaysigu mar walba miiska taalley ayaa waxa soo kordhay in madaxweynuhu odayaasha degaankaas ka dhegeysan waayey wixii talo ahaa ee degaannadooda iyo dadkooda ku saabsanaa. Saluuggii waa uu weynaadey oo waxa abuurmay dareen dib u gurasho ah oo ay odayaashu kaga go’ayaan Somaliland. Taasi waxa ay keentay in siyaasiin iyo odayaal badan ka baxaan daaradda Somaliland oo wax ka yagleelaan maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee laga aasaasay 1998. Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, AHN, garaaddo iyo odayaal uu ka mid yahay ayaa Somaliland ka baxay oo Puntland wax ka dhisay. Garaad Cabdiqani waxa uu ka mid ahaa hormoodkii nabadaynta Somaliland lugta weyn ku lahaa. Waxa uu nabadaynta iyo isu soo jiidka Reer Waqooyi ka soo bilaabay Muqdisho 1989 sidii aynu meelo kale ku xusnay ee uu ilaa SNM ugu tegey Gawlallaale iyo Balli-gubadle. Waxa uu ka mid ahaa salaadiintii ka hawl gashay nabadaynta beelaha bariga Somaliland ee Isaaq iyo Harti Waqooyi. Waxa uu ka mid ahaa salaadiintii saxeexday baaqii shirkii Burco ee la soo noqoshada madaxbannaanida. Waxa kale oo uu ka mid ahaa salaadiintii ka shaqaysay abaabulkii shirkii nabadaynta beelaha Somalind iyo dawlad u yagleelka ee Boorame. Waxa ka saaray Somaliland ee Puntland oo la yabyabayo geeyey wax sahlan ma ahayn, waana in maanta taas jawaab loo helaa, innaga oo marag ka ah oo aragna heshiisyadii Khaatumo iyo Somaliland ee dhowaa sida ay u sii ibo-gammuurmayaan, meelo dambe ayaynu tan kaga sii hadli. Muxuu se yidhi Faarax Nuur, AHN? Rag kaa tegey rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay Qalbigaan ku sii rabin indhaha la lama sii raaco! La soco qaybta 23aad, HAI, oo ku saabsan qulqulatooyin siyaasadeed oo soo foodsaaray xukuumaddii Cigaal iyo werwer la jaanqadayey oo la xidhiidha tallaabooyin dhinaca taban loo qaaday. Qaran News
-
MOGADISHU: Somalia protested formally to Kenya, the foreign ministry in Mogadishu said Monday, after Nairobi referred to the self-proclaimed Republic of Somaliland as a country. Somaliland declared its independence in 1991 but is not recognized by the international community, which considers it an autonomous region of Somalia. Kenya invoked the ire of its war-torn neighbor last week after referring in a tweet to a meeting with Somaliland officials as covering “issues of mutual interest to both countries.” Somalia’s foreign ministry said it summoned Kenya’s ambassador on Sunday and presented him a note of protest about the “offensive tweet.” “We consider this tweet an affront to Somalia’s sovereignty, unity and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya,” the foreign ministry said in a statement. “Somalia stands for good-neighborliness, mutual respect and close cooperation with its neighbors, and expects the same from Kenya.” Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia. But it seceded and declared itself independent in 1991 as Somalia plunged into chaos after the fall of autocrat Siad Barre. Somaliland has been pushing for independence ever since. It has its own government based in the self-appointed capital of Hargeisa, its own army and prints its own currency. It is also considered much more stable than the rest of Somalia, which is plagued by clan disputes, corruption and a violent insurgency waged by the Al-Shabab militant group. Ties between Kenya and Somalia have cooled considerably in recent times. In February, Somalia accused Kenya of auctioning oil and gas fields in a disputed maritime area. The feuding neighbors have taken that spat to The Hague, where the UN’s highest court is expected in September to start hearing both sides in the border disagreement. More recently, Kenya decided to suspend direct flights from Mogadishu to Kenya, requiring passengers to stop first in Wajir, a Kenyan town near the Somali border, for security screening. Source: Arab News
-
Qatar Airways has launched flights to Somalia. The Qatari-owned carrier made its inaugural flight to Mogadishu on Monday, three months after the announcement was made. Flight QTR1459 carrying 115 passengers from Doha arrived at Mogadishu’s Aden Adde International Airport just before 3 pm, and was received by top dignitaries from the Horn of African country. The CEO of Qatar Airways, Akbar Al Baker, announced in March that the Doha-Mogadishu flight will boost trade with Somalia and also caters for the demand of the route. Qatar now joins a growing list of airlines that have launched flights to Mogadishu, thanks to an improving security situation in the country. Other airlines that make flight to Mogadishu include Ethiopian Airlines, Turkish Airways. Qatar Airways plans to make three trips to Somalia every week, easing travel between the two countries. Source: CGTN Africa
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa degdeg ugu yeertay inuu dalka ku soo galo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmednuur Tarsan, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Go’aanka loogu yeeray Tarsan ayaa daba socdaa cabasho Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Somalia u dirtay dhiggeeda Kenya, kaddib markii qoraal la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya uu Somaliland ugu yeeray “DAL.” War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamig ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay ay Wasaaraddu u yeertay danjiraha Kenya ee fadhigiisu yahay Somalia, Lt General Lucas Tumbo. Wasaaradda ayaa war-xasaafadeedkeeda ku sheegtay in danjiraha gacanta loo galiyey warqad cabasho ah oo ku aaddan farriin dhinaca twitter-ka ah, oo sida ay wasaaraddu sheegtay, uu “xad-gudub” ku jiray, kaas oo 27-kii bishii June uu qoray Mr. Machaira Kamau, wasiirka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya. War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in farriintaas twitter-ka ahi ay xad-gudub ku tahay madaxbanaanida, midnimada, sharafta xadeed, isla markaana ay dhaawacayso xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay u taagan tahay daris wanaag, is qadarin iyo iskhaasi soke oo ay yeelato dariskeeda, arrin taas la mid ahna ay Kenya ka filayso.” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Istanbul)-Maleeshiyada uu hoggaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ee ku sugan bariga Liibiya ayaa sii daayay lix muwaadin oo u dhashay Turkiga, sida laga soo xigtay wasaarada arimaha dibadda Turkiga. Sii deynta maxaabiistan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii dowlada Turkiga ay ku hanjabtay inay gacanta ula tagi doonto maleeshiyada ku sugan magaalada Bengazi kuwaasi oo maalmo ka hor lagu amray inay beegsadaan danaha Turkiga ee dalka Liibiya. Dhamaan ragga la sii daayay ayaa ka dhoofay madaarka Sidr ku yaalla koonfurta magaalada Benghazi waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul. Shaqaalahaan ayaa markii hore ka shaqeynayay markab uu leeyahay muwaadin u dhashay dalka Liibiya. Muwaadiniinta u dhashay Turkiga ayaa markii hore uu ku eedeyay Jenaraal Khaliifa Haftar inay yihiin ciidan taageero u ah dowlada Liibiya, balse waxaa arintaan beeniyay wasaarada difaaca Turkiga. Dowlada Turkiga ayaa mudo 72 saac ah u qabtay in lagu sii daayo muwaadiniintaan haddii kale ay beegsan doonaan xarumaha millatari oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Liibiya. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay Faro-gelin ku samaynayso xidhiidhka ay la leedahay Kenya. War-saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo looga baahnaa inay ku mashquusho hawlaheeda gudaha, sida Amniga, Dadkeeda gargaarka bani-aadamnimo u baahan yahay iyo xasilinta dhulkeedu ay isku mashquulinayso arrimo kale oo ay ka mid tahay inay faro-geliso Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, sida hadalka loo dhigay. Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay ku xad-gudbayso Midnimada Dhul ahaaneed ee Soomaaliya, ka dib markii Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Twitter-kiisa ku soo qoray hadal laga dhadhaminayey inay Somaliland u aqoonsan yihiin dal ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, waxayna farriintooda u dhiibeen Safiirka Kenya u jooga Muqdisho oo Shalay looga yeedhay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Muqdisho. Hase-ahaatee, Somaliland oo Tallaabada Dawladda Soomaaliya daba socota ayaa sheegtay inay ka xun tahay arrintaasi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa siday uga xun tahay ficillada Diblumaasiyadda ka arradan ee ay qaaddayso Soomaaliya, sida aan qarsoonayn ee ay u faro-gelinayso xidhiidhka laba geesoodka ah ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.”ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland. Somaliland waxay Dawladda Soomaaliya ugu baaqday inay ku mashquusho danaheeda, balse aanay faro-gelin Arrimaha dalal Madax-bannaan. Source
-
Ururka ilaalinta Duur-joogta Sapo ,Oo Cambaareeyay Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Kacday Cabdi Cali Gadhle Oo Ah Khabiir U Ololeeya Duur-joogta Dalka . Cambaareyn ka dib ,Anigoo Ah Gudoomiyaha Ururka Sapo ,Waxaan Damiir Xumo Wadaniya u arkaa Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland kula kacday Mawaadin Cabdi Cali (Gadhle) oo ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,kaasi oo bulshadda Somaliland usoo bandhigay ,sidii loo joojin lahaa 8-Hareemo-cad oo Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka dhoofinayso ,kuwaasi oo dad shicib ah oo dalka ka dhoofinaayay laga qaaday isla markaana Jeelasha lagu guray ,Gaadiidkoodiina lagala wareegay. Su’aasha meesha taalaana waxa weeye ,hadii Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka Dhoofinayso 8-Hareemocad oo ay Wasaaradu Qiratay,Maxaa loogu diidaayay Dadkii Mawaadiniinta ahaa ee dhoofinaayay ee Jeelasha lagu Guray. ? Waxaanan leeyahay Xumuumadda Somaliland ,Cabdi Cali Gadhle ,waa Mawaadin Dhab ah waxaanu xaq u leeyahay in Abaal Marin la siiyo ,Mana Gayo Xadhig ,maadaama uu si iskaa wax u qabso ah Wasaaradda Deegaanka la’haa Xeerka Mam-nuucaya Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta Qoyan ee Somaliland ee baarlamaanku Ansixiyay 2016-kii halagu dhaqmo ,si loola dagaalamo Xaalufinta Deegaanka. Waxaan Mar Labaad ugu baaqayaa laamaha ku shaqada leh Xadhiga Cabdi Cale Jaamac , in si Deg Deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo , Waxaan leeyahay yaan laysku qaldin arimaha Siyaasiga ah iyo arimaha ilaalinta Deegaanka ku Shaqada leh ,waayo maanta dalkeenu waxa uu u baahanyahay in wada jir looga hortago Xaalufinta Duur-joogta iyo Dhirta ,maadaama Nolosha dadkeenu ay ku tiirsantahay Xoolaha nool . Anagu Urur’ahaan Waxaananu garabtaaganahay Cabdi Cali Gadhle ,Mana Ogolin in 8-Hareemocad dalkooda laga dhoofiyo ,waayo hadii Xayawaankan la Dhoofiyo waxa furmaaya Dariiqii Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta. Geesta kale Cabdi Cali (Gadhle) oo haysta dhalashada Dalka Maraykanka ayaa ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,iyo Deegaanka waxaanu ka soo shaqeeyay Goobaha ilaalinta Xayawaanka ee USA ,SOUTHAFRICA , BOTSWANA ,TANSANIA iyo dalal kale ,waxaanu 5-sano ee u danbeeyay ka shaqaynaayay Dhawrista Duur-joogta Somaliland . Waxaanu Imika ku xidhanyahay Xarunta CID Hargeysa ,waxaana lagu haystaa Maxaad noo sheegaysaa ,arintaasina waa xaq-daro. Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta Ee Sapo. Mahad Faarax Cabdilaahi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysii dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wax laga waydiiyey xiriirka xun ee u dhaxeeyo Dowladda Dhexe Maamul Goboleedyada ayaa marka hore sheegay in wax xun aan la rajeen balse uu rajeenayo inay isku soo dhawadaan Dowladda iyo Maamulada isla markaasna ay wax kasta wanaag ku socdaan. Xasan Shiikh ayaa qiray in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka. Xasan Shiikh ayaa sheegay in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay Dowladda Dhexe oo laga rabo inay si wanaagsan ula dhaqanto Maamul Goboleedyada balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay dowladda ku heyso Maamulada faragelin iyo caburin joogto ah. Wuxuu tilmaamay inaysan Dowladda Dhexe xaq u laheyn inay Shacabka iyo Maamulada ku qasbaan cid aysan rabin inay doortaan, isagoo sii raaciyey inay Dowladda si qaldan u isticmaaleyso awoodii Dowladda Dhexe. Xasan oo wax laga waydiiyey inay Dowladda Dhexe waqti kororsi sameysaneyso iyo in kale ayaa sheegay inay waajib tahay in doorasho dalka ka dhacdo markii uu dhamaado waqtiga Dowladda haddii ay dhici weysana wuxuu sheegay inay qalad ku dhacday Dowladd taasina laga wada fadhiisan doono. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Hirshabelle waxana uu ku tilmaamaywax laga xumaado dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud iyo labada maamulba inay ka qeyb qaataan daminta colaad beeleedyada ku soo laalaabtay deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xasan Shiikh Maxamuud https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/97780bc6-5c85-416c-adf8-18ff5f66b8d6_48k.mp3 Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadyo joogto ah ka bilowday Muqdisho iyo magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar, xilli ay kordhayaan Diyaaradaha Caalamiga ah ee duulimaadyada tooska ah ka sameeynaya Soomaaliya. Munaasabaddii daah furka duulimaadyada Qatar Airways oo Muqdisho iyo Doxa oo todobaadkii saddex jeer isaga kala gudbi doonta waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Safiirada Caalamka ujoogo Soomaaliya, Ganacsato iyo marti Sharaf kale oo aad u badan. Soomaaliya oo dib u soo kabanaysa ayay maamulka Qatar Airways u arkaan inay ka jiraan fursado badan, Ihaab Imaan Ku-xigeenka Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways, isla markaana hogaaminayey ganacsato ka socotay Dalkiisa oo Muqdisho soo gaaray ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin in maanta ay hirgeliyaan duuliyaadyo toos ah. Ma aha oo kaliya Qatar Airways diyaaradaha caalamiga ah ee Soomaaliya danaynaya xilligan, taas oo ku timid adeegga garoonka diyaaradaha Muqdisho oo sare loo qaaday iyo dib u kabashada dalka, waxaana jirto dowlado kale oo caalami ah kuwaasi oo doonaya in shirkadahooda diyaaradaha ay keenaan Soomaaliya, si ay halkan uga bilaabaan duulimaadyo joogto ah. Qatar Airways waxay ka mid noqonaysaa tiro diyaarado heer caalami ah oo horay duulimaadyo Muqdisho uga bilaabay sida Air Jabuti, Turkish Airline, Ethiopian Airline iyo kuwa kale, waxaana dhawaan ku soo xigo doona Air Uganda oo wafdi horu dhac ah u soo dirtay Soomaaliya. Qatar Airways waxa ay ka ka midtahay diyaaradaha rakaabka ee ugu casrisan dunida, duulimaadyana ku tagta in ka badan 160 dal, waxayna tani Soomaaliya u leedahay ahmiyad dhaqaale iyo isu socod labada dal ah. View the full article
-
Somaliland: President Muse Bihi Departs For Guinea & West Africa Visit. The Somaliland President, Muse Bihi Abdi and a coterie of senior officials departed for an official visit to the Republic of Guinea and several other stops in West Africa. The Preisdent leaves, just as the talks between the three Somaliland political, requested by himself, have failed to produce an agreement. There were high hopes that a consensus could be reached between the parties with regard to the scheduled parliamentary and local council elections. But, it would seem that neither party is willing to put the interest of the nation above petty politics. The spectre of another delayed elections in Somaliland does not bear thinking about. The current moribund parliament has been sitting for almost two decades and the House of Elders close to thirty years. The need to hold these elections is crucial for the progress and the stability of the country. The technological tools, donor support and manpower are all there, but, it would seem that the political will or leadership is absent. There are some analysts who believe that there some foreign interference in the debate between the political parties. It is worth noting that the weak federal entity in Mogadishu, had been making some noises about holding a one person, one vote, to ludicrously, include Somaliland, in 2020. It is therefore imperative, that Somaliland continues on it’s democratic path and hold these long overdue elections. The President’s visit to West Africa could not have come at a worst time. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka. “Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.” Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan. Sidoo kale, waxaa iyaguna madasha socod ku maray Shaqaalaha Dowladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maayirka magaalada Burco ayaa waxa uu raali-gelin buuxda ka bixiyay hadalo uu dhawaan warbaahinta u mariyay dhiggiisa magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasiirka maaliyada Puntand Xasan Shire Abgaal oo warasi gaar ah siiyay maanta Puntlandi.com ayaa waxa uu ka hadlay waxa ay daarantahay Cashuurta ay dul dhigeen [...] Source
-
Waxaa maanta Soomaaliya looga dabaaldegayaa maalinta xorriyadda oo ku began 1-da bisha Luulyo oo Soomaaliya ay xornimo ka qaadatay gumestihii Talyaaniga, wixii intaa ka dambeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad rayid ah, kahor inta uusan xilka qabanin Madaxweynihii dowladdii kacaanka, Maxamed Siyaad Barre. Xiligii uu Siyaad Barre afgembiga aan dhiig ku daadanin xilka kula wareegay oo haatan laga joogo ku dhawaad 50 sanno oo ku beegan 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii, ayaa tan iyo intii uu hogaaminayay dowladdii Milateriga, waxay dad badan ku xusuustaan wanaag badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kacaankii geystay, waxaana xiligan oo Soomaaliya uu Madaxweyne yahay Maxamed Cabdullahi Farmajo ay dad badan qabaan inuu dhowr arrimood isaga mid yihiin labada nin, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida ay u shaqeeyaan hay’adaha Dowladda, rabitaanka Dowlad dhexe oo awood badan iyo sida loola tacaalo mucaaradka ka fikir duwan. Hay’adaha dowladda ee isku milmay Xiligii dowladii kacaanka, waxaan marnaba qarsooneyn in ay jireen hay’ado dowli ah oo dowladda ay sheegi jirtay inay madax banaan yihiin, balse ay muuqatay inay si toos ah u hoos tagi jireen maamulka, waxaan tusaale loo soo qaadan karaa garsoorayaasha maxkamadaha oo hadba sida dowladda ay rabto wax u xukmin jiray iyo qaabka uu u shaqeeyn jiray baarlamaanka. Garsoorayaasha ayaa xilligii kacaanka waxaa magacaabi jiray Madaweyne Siyaad Barre, balse haatan waxaa muuqata in nidaamkaas uusan wali meesha ka bixin. “Dhisma la’aanta guddiga adeegga garsoorka oo la dhisi waayay xiligii Carte ilaa iyo hadda ayaa sababtay inay muuqato muuqaal ah in xukuumadda ay iyadu si toos ah u magacawdo garsoorayaasha, toos na xilka uga qaado, taasi na ay u muuqato in xukuumaddii iyo garsoorkii ay isku dhex milmeen oo aanay kala soocneyn, mararka qaar na awoodda faraha badan ee ay xukuumadda ku dhex leedahay garsoorka loo arko go’aan gaarista inay xukuumadda leedahay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan. Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan garsoorayaal aan hab-raaca sharciga ku magacawneyn, balse an loo nisbeyn karin dowladda hadda jirta oo dowladihii hore ay dhisi waayeen hay’adda adeegga garsoorka, taasi na ay keeni karto in su’aal la geliyo sharciyadooda haddii xukuumadda qabsan waydo waajibka ka saran hirgelinta adeegga garsoorka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku jiro gacanta dowladda oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo, iyadoo qorshayaasha ay dowladda wadato loo mariyo si aqlabiyad ah, inkastoo ay haddana jiraan xildhibaano mucaarad ah oo gacan ku gabad ah, kuwaas oo ay cabsi weyn ku beertay eedeymaha ah inay “qaran dumis” yihiin. Sida loola macaamilo dadka ka aragti duwan Dowladda Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay lahayd dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod, waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre. Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka soo horjeeda danaha qaranka. Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya, loona xiray. Horaantii bishii afaraad ee sannadkan, waxaa barlamaanka Federaalka la geeyay oo qorshuhu ahaa in laga dooda arrimo ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho, balse buuq iyo fowdo ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibanaada qaar oo ay wasiiro ka mid yihiin ayaa sababtay arrin dad badan ay la yaabeen. Wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya, Goodax Barre oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xildhibaano kale oo ka aragti duwan ku tilmaamay inay yihiin Al Shabaab. “Xildhibaanada diiday in barlamaanka Soomaaliyeed uu xog ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo waa Al Shabaab, waa dad Shabaab u shaqeeyo”, sidaas ayuu Goodax Barre ka yiri golaha shacabka. Walow dalalka qaar mucaaradka loo arko inay yihiin dad siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, damac na uu uga jiro xilka ugu sarreeya dalka, ayaa haddana muddadii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay sameysay ficillo lagu fogeynayo dadka ka aragti duwan, taas oo ay ku dhaqmi jirtay Dowladdii militeriga. Waxaana intii uu xilka qabtay caan baxay haddalo ay ka mid yihiin “qaran dumis, dowlad diid iyo ereyo la mid ah”. Dowlad dhexe oo awood badan Soomaaliya oo burburkii kahor lahayd dowlad dhexe oo awood badan ayaa dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa muuqata inay daneneyso in mar kale dalka ay ka hana qaado dowlad dhexe oo awood badan. Soomaaliya oo nidaamka Federaalka uusan horay uga jirin balse burburkii kadib uu ka hirgalay, loona arkayay xalka kaliya ayaa waxaa laga soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyo inta badan dowladda kula dhaga go’aanada siyaasadeed. Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo oo aan marnaba qarsanin rabitaankiisa ku aadan nidaam xoog leh ayaa sheegay inay doonayaan dowlad dhexe oo awood leh. “Inkastoo qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan, yiraahdaan Dowladda Federaalka waa dowlad dhexe, waa dowlad rabta inay awoodda qaadato, annaguna waxaan dhahnaa Federaalka saxda annaga ah, maxaa yeela waxaa rabnaa dowlad dhex oo xoog leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh, oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimaha socdaalka iyo xuduudadeeda ilaalisa, waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh, dhaqaalaheedana iyadu kontoroosho”, sidaas waxaa xaflad qallin jabin ah ka yiri Madaxweyne Farmaajo. Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in inkastoo qaabka ay xilka ku yimaadeen ay kal duwan tahay, oo Farmaajo ay doorteen xildhibaano, Siyaad Barre na qaab milateri uu ku yimid, haddana ay tahay in dowladda hadda jirta ay wax ka barato wixii dhibaatooyin ah ee horay u dhacay. “Runtii labada maamul sida ay ku yimaadeen waa ay kala duwan yihiin, haddana wax waa ay wadaagi karaan; waynu aragnaa khaladaad barigii hore ka dhici jiray dowladdii hore inay tan na sameyso, waxaana ka mid ah inay mucaaradka u aragto cadaw, meelaha ay uga ekaatay dowladdii hore ee Siyaab Barre waxaa u sabab ah hay’adihii dowladda ee kala hagi lahaa ama kala xukumi lahaa in aysan dhisneyn, mar haddii kuwaas aysan jirin na ninka Madaxweynaha sida ay ula ekaato ayaa imaneyso, khaladaad bandanna way imanayaan”, Sidaa waxaa BBC-da ku yiri Cabdiraxmaan Caddami. Wuxuu intaa raaciyay in duruufaha labada maamul aya kala duwan yihiin, balse ay adag tahay in Soomalaida ay wax ka bartaan waxyaabaha soo maray haddii ay noqon lahayeen dhib ama dheef-ba. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Xigasho: BBC Somali