Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga ayaa saaka la kulansan mas’uuliyiiin ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo xubno kamid ah ganacsatada waddankaasi. Mudane Axmed Karaash oo safarkiisi ugu horreeyay dalka uga baxay tan iyo markii la doortay ayaa sii maray waddanka Djibouti halkaasi oo uu kaga qeyb-galay xuska maalinta Xorriyadda Djibouti oo ku beegan 27 bisha June. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa mudada uu safarka ku joogo dalka Imaaraatiga waxaa la filaya in uu sii wado kulamada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Imaaraadka iyo ganacsatada waddankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulansan mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  2. Liverpool have tied down promising young midfielder Abdi Sharif to his first professional contract, which should spell good news for the club’s academy. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (CaasimadaOnline) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay gudaha degmada Wadajir, waxaana Marxuumka loo geystay lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Xasan oo la yaqaanay (Zubeyr). Wararka ayaa sheegaya in dilka guddoomiyaha loo adeegsaday Mindi, kadib markii ay soo weerareen labo nin oo ku hubeysnaa Tooreeyo. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Marxuumka dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi, balse markii dambe uu u geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha oo watay Bistoolad uu dhaawacay mid ka mid ah Raggaasi, kaas oo isna u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Warar kale oo aan helnay waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha geeriyooday iyo labada nin ay murmeen, taas oo keentay inuu yimaado gacan ka hadal. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhacadaasi. Dhanka kale hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaloya ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan sidii ay wax u dhaceen. Dhacdadan ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa tababar aqoon korarsi ah u furtay 350 Askari oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo badankood Ciidanka ka soo galay degaanada Jubbaland oo ay doorasho ku soo wajahan tahay bilooyinka soo aadan. Ciidamadaan ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Turkiga waxaana loo qorsheeyay in muddo 20 Cesho ah ay gacanta ku heyso lana siiyo cashiro la xariira sugidda amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka islamarkaana ay ka jirto xaalado adag oo amaanka iyo siyaasadda ah. Sidoo kale Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in loo diyaariyo hub iyo qalab ciidan oo dhameestiran si ay uga hortagaan qatar kasta oo timaada goobaha doorashada iyo guud ahaan magaalada Kismaayo oo awoodda ugu badan ee halkaas ka jirta tahay maamulka Axmed Madoobe. Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay la wareegto awoodda ciidan ee magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan si ay halkaasi uga dhacdo doorasho ay maamulo Xukuumadda Soomaaliya. Su’aalo badan ayaa ka taagan sida Ciidamada tababarka loo furay loo geyn doono magaalada Kismaayo maadaama dowladda Soomaaliya aysan heshiis la heyn maamulka Axmed Madoobe oo aad ugu xoogan Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in guulo wanaagsan ay ka gaartay jahwareerkii muddo ka badan 2 sano ka taagnaa maamulka Galmudug hadana ay dooneyso in ay milkiso Jubbaland oo ah maamul dhowaan geli doono doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha. Wax sahlan ma’ahan in Kismaayo noqoto sida magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb markii loo eego awoodda maamulka Axmed Madoobe laakiin dhanka kale waxkasta waa laga filan karaa Villa Somalia oo meelo badan oo ay weerareen ka soo hoyay guulo waa-wayn oo aa ay u raadinayaan Kheyrre iyo Farmaajo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Thousands in Dadaab camp were ready to travel to the US and start new lives, but they were denied entry two years ago. Source: Hiiraan Online
  6. The United States made it through to the women's World Cup final on Tuesday after they beat England in Lyon. Source: Hiiraan Online
  7. It is the highest publicly reported toll of an air strike or shelling since eastern forces loyal to Khalifa Haftar three months ago launched an offensive with ground troops and aircraft to take the capital held by the internationally recognized government. Source: Hiiraan Online
  8. THE most powerful passports in the world have been revealed – with tiny Singapore and Japan topping the list. Source: Hiiraan Online
  9. In ka badan 40 ruux ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xarun lagu hayo dadka Soogalootiga ah oo ku taalla waddanka Libya sida laga sooo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi. Ilaa 80 qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay xarunta oo ku taalla bariga degaanka Tajoura oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Tripoli. Duqeynta ayaa waxa geystay ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraalka Hawl-gabka ah ee Khaliifa Xaftar sida Warbaahinta Carabtu ay ka soo xigteen saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha ee Libya. Saraakiisha ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku dhintay ay u badnaayeen Soogalootiga Afrikaanka ah oo sannadihii u dambeeyay ay marin-ka dhigtay dalka Libya si ay uga sii tahriiban waddamada Yurub. Waddanka Libya waxaa kala qeybiyay rabshado iyo dagaallo tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011-kii. PUNTLAND POST The post Soogalooti lagu xasuuqay dalka Libya appeared first on Puntland Post.
  10. Burundi deployed troops in Somalia to serve under AMISOM in December 2007. The Burundi contingent secures Somalia's Middle Shabelle region, with headquarters in Jowhar town. Source: Hiiraan Online
  11. A 10-year-old girl from Bristol was stopped from flying to Djibouti from London because of fears she was at risk of female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa dhowaan heshiis isfaham ah la galay dowladda Soomaaliya waxa uuna hadda magaalada Muqdisho u joogaa dhameestirka heshiiskaaas. Madaxweyne Xaaf ayaa heshiiskaan ka leh dano badan oo siyaasadeed si lamid ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ee heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlu-Ssunna dhowaan kula gashay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb. Dad ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xaaf uu laba ujeedo ka leeyahay heshiiska DF-ka Soomaaliya. Qorshaha Xaaf ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin:- In dib loo dhigo muddo bilo kooban ah doorashada Galmudug lagana gadaal mariyo midda Jubbaland si uu u qiimeeyo doorashada Jubbaland. Xaaf ayaa damacsan inuu la xirto Axmed Madoobe hadii uu dib ugu soo laabta kursigiisa hogaanka Jubbaland ah kadibna uu ka hor-yimaado dhamaan rabitaana dowladda Soomaaliya. In uu qaato lacag malaayiin dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ka heyso Galmudug. Xaaf ayaa doonaya in uu soo qaato lacagta Galmudug ee lagu haayo Akoonada Dowladda Soomaaliya kadibna uu ka hor-yimaado dhamaan rabitaanka xukuumadda Soomaaliya oo wali dagaal culus ku heysa maamulkiisa. Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo ah siyaasi marino badan oo siyaasadeed adeegsada ayaa dhowaan heshiis ay baahi keentay balse aan rabitaan aheyn la galay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ka soo baxsaday maamulka Ahlu-Sunna ee dagan Dhuusamareeb. Dowladda Soomaaliya ayaa xoog iyo xoolo isugu geysay sidii ay doorasho uga qaban-laheyd degaanada Galmudug. Farmaajo iyo Kheyre ayaa damacsan in Galmudug ka dhisaan maamul lamid ah kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo adeecsan dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (Nairobi) – Police in Kenya have killed no fewer than 21 men and boys in Nairobi’s low-income areas, apparently with no justification, claiming they were criminals, Human Rights Watch said today. The extrajudicial killings point to a broader problem of police using excessive, unlawful force in the name of maintaining law and order in Nairobi’s informal settlements and failing to comply with the law in ensuring all police killings are reported, investigated, and those responsible for unlawful killings are prosecuted. Source: Hiiraan Online
  14. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the physical assault and threats against TV journalist Abdulaziz Billow Ali and his cameraman Mohamed Ahmed Mohamed by an official from the Somali Prime Minister’s Office on eve of July 1st, 2019 in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  15. GAROWE, Somalia — For the better part of the 2000s, Yasin Jama spent most of his free time with friends at Starbucks coffee shops in Minneapolis, contemplating what he could do for Somalia, especially the semi-autonomous northeastern state of Puntland from which he hails. Source: Hiiraan Online
  16. An air attack late on Tuesday hit a detention centre for mainly African migrants in the Tajoura suburb of the Libya's capital Tripoli, killing dozens, according to health and emergency officials. Source: Hiiraan Online
  17. A newly-elected Green MEP claims he was asked to leave the European Parliament building in Strasbourg on his first day. Source: Hiiraan Online
  18. EDMONTON—When Somali Edmontonian Khalid Hashi visited his sick grandmother in a hospital in Somalia in 2017, he was very frustrated at the lack of record-keeping or exchange of information between doctors. Source: Hiiraan Online
  19. Bariire (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3-dii bil ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya waxay ku cel celisay in ay Al-Shabaab ka qabsatay degaanka Bariire ee gobalka Shabeelada Hoose islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu haayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM balse waxaa la ogaaday in degaanka aysan gelin Ciidamada Dowladda sidoo kalane aysan Al-Shabaab ku sugneyn. Degaanka Bariire oo ka tirsan degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeelada Hoose ayaa Ciidamada Dowladda waxay ka joogaan meel 4 KM u jirta degaanka waxayna ka sokeeyaan Buundada Bariire. Dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay mar mar soo galaan Suuqa iyo Xaafadaha Bariire kadibna ay duqeyn ka soo ridaan waxaana u jawaaba Ciidamada AMISOM. Duqeymaha ka dhacaya Bariire waxay sababeen in xaafadahooda ay ka qaxaan shacabkii daganaa oo hadda muddo 3 bil ah ku nool degaano iyo degmooyin kale. Ciidamada Dowladda in ay galaan Bariire waxaa ka xiga 4 KM waxaana been noqday warar ay sheegtay Dowladda Soomaaliya kuwaas oo ahaa in Al-Shabaab laga qabsaday Bariire. In Ciidamada Dowladda ay gali waayaan Bariire waxaa sababay hal arin oo ah in ay go’antahay Buundada Bariire oo sanad ka hor Al-Shabaab ay ku xigeen Qarax kadib dhowr jeer oo la soo weeraray. Guddoomiyaha degmada Owdheegle Maxamed Yarow ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dowladda aysan u gudbin gudaha Xaafadaha iyo Bartamaha degaanka Bariire balse waxa uu sheegay in ay lug ku tagi karaan Xaafadaha Bariire kadibna ay ka soo laabtaan. Yarow Waxa uu meesha ka saaray in Al-Shabaab ay ka taliyaan Bariire isagoo rajo wayn ka muujiyay in ay dhowaan gudaha u gali doonaan Xaafadaha Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose. Si walba, waxa laga hadlayo oo ay Dowladda Soomaaliya ku faaneyso qabsashadiisa waa degaanka Bariire oo qiyaastii 38 KM u jir magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Sheekada ayaa u muuqata 2 sano iyo 2 tuulo oo kala Sabiib iyo Caanoole maadama aysan wali si buuxda ula wareegeen degaanka Bariire. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay xidhiidh la sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, oo ay kala hadleen go’aankii ay dhoofka Xoolaha Somaliland ka soo saartay. Sacuudiga ayaa dhowaan soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ka cadheysiisey xukuumadda Hargeysa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin inay hoos-tagto Soomaaliya, ayna arrintaas ku war-geliteen boqortooyada Sacuudiga. “Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Soomaaliya la inama yidhaahdo, Soomaaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Soomaaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan” ayuu yiri Faratoon. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku eedeeyey dawladda Soomaaliya aanay diyaar u ahayn wada hadallada Somaliland, isla markaana daacad ka ahayn inay labada dal isku garnaqsadaan. “Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada hadalo toos ah wada galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Soomaaliya, oo aanu la garnaqsano, balse Soomaaliya wey ka meermaraysaa” ayuu yiri Faratoon. “Farmaajo midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay, garnaqsi iyo wada hadalna diyaar uma ah, Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada hadalada, Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  21. Somaliland Keebay fiicnayn 28-sanno ee ay Jamhuuriyada Soomaalida ka mid ahayd (1960-1988) iyo 28-sanno ee ay goonida isu taagtay (1991-2019)? Waxaan doonayaa inaan is barbar dhigo wixii u qabsoomay Somaliland markii ay ka tirsanayd Jamhuuriyadii Somalida (Somali Republic) iyo markii ay goonida isu taagtay (Somaliland Republic), maadaama aynu joogno 1 Luulyo oo ah markii ay isku biireen Somaliland iyo Soomaaliya oo gobonimada ka qaatay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, siday u kala horeeyaan. Waxaan soo qaadanayaa horumarka xagga waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, wada jirka bulshada (social cohesion), ilaalinta degaanka, ganacsiga, siiba dhoofinta xoolaha nool iyo kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure). Waxaan ka cudur-daaranayaa in dadka dhalinyarada ah ee aan qaan-gaadhka ahayn wakhtigii ay Somaliland ka talinaysay xukuumadii Siyaad Barre (1988 iyo wixii ka horeeyey) uu ku adkaan doonto isbar-bardhigani, maadaama wax kasta oo looga sheegay Jamhuuriyada Soomaaliya ay ahayd wax taban oo aan khayr lahayn. Dadka qaar ayaa odhan kara la isma bar-bardhigi karo dal aduunka laga ictiraafsanaa (Jamhuuriyadii Somalida) iyo dal aan cidi ictiraafsanayn. Taas waxaan kaga jawaab celinayaa, in mudadii ay jirtay Somaliland inteedii lagu ilaalin karaayey, haddaan macaa la tayaynin, arimahan nolosha dadka lagama maarmaanka u ah laakiin la dayacay oo lagu mashquulay dan shakhsi ah iyo reero lays barbar eryo (clan competition)! 1) Waxbarashada: Xilligii Dowladii Soomaaliya Xiligii Dowladii Soomaaliya waxaa jiray waxbarasho bilaa lacag ah oo tayo leh, fasalka koowaad ilaa dugsi sare. Marka ardaygu dugsi sare ka baxo waxuu haystay fursad uu Jaamacada Ummada (Somali National University) ku galo taas oo ahayd mid lacag la’aan ah dhinaca waxbarasha (tuition fee), jiifka iyo cunto (room and board). Ardaygu markuu jaamacada dhameeyo waxaa khasab ku ahayd inuu u shaqo tago wasiiradii/wakaaladii khusaysay waxa uu soo bartay. Tusaale ahaan, ardayga ka baxa kuliyadaha caafimaadka waxaa khasab ku ahayd inuu u shaqo tago wasaarada caafimaadka. Ardayga doona inuu iskii isaga shaqaysto, waxaa lagu khasbi jiray inuu bixiyo kharashkii wax lagu soo baray. Dhinaca kale, Jaamacada Ummadu waxay ahayd heer caalami, macalimiinta ka dhigtaana waxay u badnaayeen Talyaani. Waxbarashada: Xilliga Somaliland In-kastoo dadaalo farabadan la sameeyey, hadana waxbarasho tayo macquul ah leh waxaa maanta heli kara Somaliland kaliya qof awoodi kara dhaqaale ahaan, maadaama dugsiyada ay dowladu gacanta ku haysaa aad tayadoodu u liidato. Tusaale ahaan, macalinka dugsiyada dowlada wax ka dhigaa waxuu mushahar u qaataa bishii $100, halka macalimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay (private schools) ay qaataan ugu yaraan bishii $300. Sidaa darteed, macalimiintii tayada lahayd waxay aadeen dugsiyada gaarka loo leeyahay. Markuu ardaygu dhameeyo dugsiga sare wuxuu galaa jaamacado qof lacag haystaa uun gali karo oo aan tayada manhajkooda iyo macalimiintooda aad u liidato marka loo eego tii Jaamacada Ummada, intooda badana gaar loo leeyahay. 2) Caafimaadka: Xilligii Dowladii Soomaaliya Sida intiinii soo gaadhay aad og’ tihiin, daryeelka caafimaadka qofku wuxuu ahaa lacag la’aan. Sidoo kale, dawada la isticmaalo waxay ahayd mid tayo leh, waxaana soo dejin jirtay ASPIMA oo ahayd hay’ad dowli ah oo hoos tagta wasaarad caafimaadka. Dhinaca Caafimaadka iyo Saxada Beesha (Public Health) ayaa tixgalin gaara la siin jiray iyadoo Fayadhowrayaashu ay dabagal joogto ah ku hayeen meheradaha cuntada bisil iibiya rukhsadona (license) aan la siin jirin kuwa aan lahayn bulaacado ay wasakhda ku shubaan. Caafimaadka: Xilliga Somaliland Waxaa caafimaad heli kara kaliya qof lacag haysta oo iska bixin kara. Iska daa wax kale’e haddii, tusaale ahaan, la keeno gabadh umulaysa Cusbitaalka Guud ee Hargaysa waa in loo soo iibiyaa irbadii dhiig joojinta. Dhinaca kale, daawada la isticmaalaa waa mid tayadeedu liidato oo ganacsato mucaash doon ahi soo dejisay oo aanay jirin cid soo hubisay (quality control). Waxaa haba yaraatee istaagay ka warhayntii Caafimaadka iyo Saxada Beesha (Public Health) iyadoo aanu jiray Fayadhowr dabagal ku sameeya meheradaha cunta bisil iibiyo, rukhsadana (license) bixinteedana lagu xidho kaliya cashuur ay bixiyaan. 3) Ganacsiga Siiba Xoolaha Nool: Xilligii Dowladii Soomaaliya Dhoofka xooluhu wuxuu ahaa waxa ugu badan ee Somalidu dhoofiso, kana hesho lacagta adag ee ugu badan (hard currency). Xilligii Dowladii Soomaaliya waxaa la eegi jiray tirada ugu haboon ee xoolaha ah ee la dhoofin karo (quantity of supply), siiba xilliga Xajka, si neefka xoolaha ahi qofka reer miyiga ah uu wax ugu goyn karo. Marka tirada la xadido (quantity of demand) ayaa ganacsatada xoolaha dhoofisa loo qaybin jiray mid waliba inta neef ee uu dhoofin karo. Intaa ka dib qofka ganacsadaha ahi waxuu tagi jiray Sacuudiga oo uu la soo heshiin jiray ganacsatada Sucuudiga ee xoolaha, waxaana lacagta loogu shubi jiray Bangiga Ganacsiga Soomaaliya ee Jiddah ku yaalay, ka hor intaan xoolaha la soo rarin. Sidaa darteed, haddii ay dhacdo in markabka xoolaha sidaa badda ku dego, waxaa khasaarayey ganacsadaha Sucuudiga ah waayo ganacsadaha Soomaaliga ahi isagoo lacagtiisii wuu qaatay. Ganacsiga badeecadaha kale ayaa Iyana la hubin jiray tayadooda, lana kala xadayn jiray, loomana ogolaan jirin in ganacsaduhu maraakiib soo rarto, haddana uu tafaariiq u iibiyo alaabta; waxaana lagu khasbi jiray inuu jumlad ku wareejiyo si loo kala macaasho. Kaabayaasha dhaqaale ayaa la hir-galiyey oo ay ka mid yihiin: dhisida wadada isku xidha Hargaysa-Berbera-Burco-Muqdisho, dekeda Berbera iyo madaaro. Ganacsiga Siiba Xoolaha Nool: Xilliga Somaliland Maadaama aanay Somaliland ahayn meesha kaliya ee xoolaha laga-soo dhoofiyo dalkii laysku odhan jiray Jamhuuyida Somalida, waxaa si xad-dhaaf ah u batay tiradii xoolaha laga-soo dhoofinayey (over-supply) dekedaha Somalida, taas oo keentay in ganacsatada xoolaha Sucuudigu ku cadaadiyaan dowladooda inay joojiso xoolaha uga imanaya Jamhuuriyada Soomaaliya. Joojinta xoolaha ee Sucuudiga, oo ahaa suuqa ugu wayn ee Soomaalidu xoolaha u dhoofiso, waxay ku keentay Somaliland, oo ahaa suuqa ugu wayn ee xoolaha Somalida laga dhoofiyo, dhaqaale burbur saameeyey dadka xoolaha dhaqatada ah, ganacsata xoolaha, xukuumada oo cashuuri jirtay iyo dhamaan bulshada inteeda kale oo duul-duulku (the economic multiplier) soo gaadhi jiray. Ganacsiga badeecadaha kale ayaa iyana aan tayadooda cidina hubin, kala xadayn lahayn, waxaana dhacda hadda in ganacsaduhu markab alaaba soo rarto oo halkii uu jumlad ku wareejin lahaa isagu tafaariiqeeyo halkaana ku curyaamiyo ganacsatadii yar-yarayd ee wax tafaariiqayn jirtay. Ma jiro kaabayaal dhaqaale (infrastructure) oo la hirgaliyey intii Somaliland jirtay marka laga reebo Madaarka Hargaysa oo Dowlada Kuwayt ku bixisay toban milyan oo Dollar dayactirkiisa laakiin lacagtaa inteedii badnayn ay ku dhacday jeebabka dad gaar ah wakhtigii xukuumadii Siilaanyo. 4) Ilaalinta Deegaanka (Environment Protection): Xilligii Dowladii Soomaaliya Maadaama aynu nahay bulsho dadkeedu xoolo dhaqato u badan yihiin, waxaa muhiim ah in degaanka laga ilaaliyo wax kasta oo nabaad guur u keeni kara. Waxaan xusuustaa laba arimood oo degaanka lagu ilaalin jiray waagaas. Ta hore waxay ahayd in seerayaasha la xidhi jiray wakhtiga gu’ga, lana furi jiray wakhtiga jiilaalka. Tani waxay keeni jirtay in dhulka daaqsinka ah la-kala nasiyo oo xooluhu xilli kasta helaan cawskii iyo dhirtii kale ee ay daaqayeen. Ta kale, waxay ahayd inaan la ogolayn in cid waliba dhirta gubto oo dhuxulaysato. Si taa loo sugo, waxaa jiri jirtay Iskaashatada Dhuxusha oo hoos tagi-jirtay Wakaalada Dhirta iyo Daaqa. Iskaashatada Dhuxusha oo ay la shaqaynayaan shaqaalaha Wakaaladaasi ayaa kaliya gubi jiray dhirta qalashay, dhir cusubna meeshii dib uga beeri jiray. Ilaalinta Degaanka (Environment Protection): Xilliga Somaliland Intii Somaliland jirtay ma jirto seerayaal la xidhay wakhtiga gu’ga si xoolo dhaqatadu uga faa’iidaysato xilliga jiilaalka ee daaqu gabaabsiga noqdo. Sidoo kale, waxaa loo fasaxay oo cashuur uun laga qaadaa cid kasta oo dhuxulaysato ah. Degaano badan ayaa hadda isugu soo baxay lama degaan, ka dib markii dhirtii la gubay oo dhuxul laga dhigtay. Dhinaca kale, baddaha ayaa iyana laga kireeyey doonyo iyo maraakiib shisheeyo wato oo kaluumaysato ah, kuwaas oo xaalufin ba’an ku haya khayraadkii badda. 5) Wada Noolaansha Bulshada (Social Cohesion): Xilligii Dowladii Soomaaliya Is-dhexgalka dadka iyo wada noolaanshahooda ayaa aad u fiicnayd, mana jirin kala qo-qob qabyaaladaysan iyo dagaalo beelo oo soo noqnoqdaa marka laga reebo qaar meelo gaar ah ku kooban oo siyaasadaysnaa. Hadaan si kale u idhaahdo dadku wuu is jeclaa, waxaana laysku soo dhawayn jiray “Reer Waqooyinimo!” Wada Noolaanshaha Bulshada (Social Cohesion): Xilliga Somaliland Waxaad moodaa in dadkii hoos isugu noqday oo dad dano-gaar ah wataa bulshadii u kala qaybiyeen habro isku lidi ah. Tusaale ahaan, doorashadii madaxweynha ee 2017 ayaa musharixiintii ku ollolleeyeen hab qabiili ah oo dadka aad u kala fogaysay. Dadkii ehelka, qaraabada, xididka, xigaalka iyo jaarka ahaa, madaxa ayaa laysu galiyey oo laysu tusay inay cadow isu yihiin. Dhinaca kale, waxaa bilaabmay in la-kala gurto oo qabiil walba meel gaara isugu ururo, gobol gaar ahna samaysto. Gobolada qabiilada gaar ahi sheegteen waxaa ka mid ah: Saaxil (Ciise Muse), Salal (Ciise), Baligubedle (Arab), Daad Madheedh (H. Yonis), Saraar (H. Jeclo), Gabiley (Sacad Muse), Taleex (Sool clan), Badhan (Warsangali) iwm. Maxaa Ugu Wayne e Somaliland laga faa’iiday? Somaliland waxaa laga faa’iiday xoriyada hadalka (freedom of expression), saxaafada (freedom of the press) iyo ka siyaasada (political participation) oo aan jiri jirin labaatankii sanno ee ugu danbeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya oo ah wakhtigii ay talinaysay xukuumadii Siyaad Barre. Hase yeeshe, qof aan haysan daruuriyaadka nolosha maxay u tari doonaan xoriyaadkani? Sidaa darteed, waxaa faa’iidada ka helay Somaliland dadka dabaqada sare “elites” oo iyagu awalba haystay daruuriyaadka nolosha laakiin hamuun u qabay inay siyaasidaya cidhiidsadaan, afkoodana furtaan oo fikirkooda cabiraan. Cabdillahi Xuseen Abhussein1988@gmail.com Qaran News
  22. Guriceen (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amray in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanada ku yaalla Xadka gobolada Galgaduud iyo Hiiraan. Kheyre ayaa sheegay in aan xilliggaan aan loo baahaneyn dagaal Sokeeye, waxaana Odayaasha dhaqanka uu ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sidii loo soo Afjari lahaa Colaadda beelaha wada degan Xadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad weyn iska saari doonto sidii loo dhameyn lahaa dagaalka, islamarkaana nabad loogu soo celin lahaa degaanadaasi. Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Guriceel, waxaana uu halkaasi kulamo kala duwan kula leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshadda. Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay maalmihii ugu dambeeyay dagaallo kala dhacay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan oo dhul daaqsimeed isku heysta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo la hadlayay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo la xiriira arrimaha Dastuurka. Wasiir Saalax oo ka warbixinayay howlaha dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay in laga gaaray guulo muhiim ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sanadkan lagu soo gabagabeynayo dhameynatirka Dastuurka. Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadda waxa haray ay tahay kaliya in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed. “Si Soomaaliya u noqoto dowlad federaal ah oo Demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagama maarmaan ah in la dhamaytiro Dastuurka” ayuu yiri wasiirku. Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya ay noqoto dowlad hanaanka federaalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho. Dastuurka dalka oo weli KMG ah ayaa waxaa jira caqabado bada oo hortaagan dhameystirkiisa, iyada oo ay dhiman tahay Aftidii guud ee dadweynaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com