-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qarax ku billowday oo ay ku qaadday ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda ku sheegay in khasaara lixaad leh ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen weerarka. War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidankada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay, laguna dilay dhowr askari. Al-Shabaab ayaa sheegtay in tiro ay ku sheegtay tobonaan askari oo ah askar iyo saraakiil ay ku dileen weerarka. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda weli wax war ah kama soo saarin weerarka iyo dagaalkii xigay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyey hab sami u socodka doorashooyinka Jubbaland iyadoona maalinimada Khamiista ah ay bilaabi doonaan diiwaangelinta musharixiinta. Gudiga ayaa sheegay in maalinimada Jumcada ah ay dhici doonto doorashada guddoonka barlamaanka ee Jubbaland, halka maalinimada Sabtida ah oo Taariikhdu ku beegan tahay 18 Agoos ay barlamaanka cusub ee Jubbaland dhegaysan doonaan khudbadaha musharixiinta. Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa ay qabsoomi doontaa 19-ka bisha Agoos iyadoona horay qorshuhu u ahaa in doorashada madaxtinimadu ay dhacdo 24-ka bishaan. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka & madaxweynaha Jubbaland oo la soo hormariyey. appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay Guddiga madax bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubnaland ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay jadwalka xilliga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland & tan guddoonka Baarlamaanka. Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, maalinta berito ahna ay tahay Maalinta hadal-jeedinta musharixiinta,isla markaana jimcaha oo ku beegan 16-ka Bisha Agoosto la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland. Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa waxa ay shaaciyeen in Maalinta Sabtida ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 18 Bisha Agoosto ay khudbaadahooda jeedin doonaan musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana Axada ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa 4-tii Bishii July ee sanadkaan waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada jubbaland kaas oo qorshuhu ahaa in doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhacdo 18 Agoosto halka doorashada Madaxweynaha la qabto 24-ka Bishaan,hayeeshee waqtiyada la soo hormariyay Halkaan ka eeg Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga caydhiyo sababo la xidhiidha eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah. Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sanno ee tagay, ayaa dalka Hindiya ku wajahaya dacwado la xidhiidha been xalaleyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah. Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India. Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hadhay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus. Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas. “Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaadhsiinta Malaysia Gobind Singh Deo. “Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yidhi. Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik. “Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yidhi bayaan uu soo saaray. Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xidhiidha amnigiisa. “Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yidhi Mahathir. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi iyo dagaalka xigay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Gacal Cabdulle oo ahaa Sawir qaade ka tirsan Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, balse waxaa weli gacanta ku haya Awdheegle ciidamada dowladda oo todobaadkii hore Al-Shabaab kala wareegay degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Wararkii ugu dambeeyey ee ay shabakadda Puntlandpost ka helayso deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsadey uu ka dhacay saldhig ciidan. Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu kuleeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Inkastoo ay adagtay in la helo xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, inkastoo dadka deegaanku ay sheegeen in qaruxu ahaa mid aad u xoogan isla markaana uu khasaare xoogan sababay. Ciidanka dowladda Soomaaliya ee DANAB ayaa maalmihii ugu dambeeyey howlgallo ka dhan ah Alshabaab waxa ay ka wadeen deegaanka Awdheegle iyo degaamada hoosyimaada. PUNTLANDPOST The post Saldhig ciidanka dowladdu ku leeyihiin Awdheegle oo weerar lagu qaaday. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda la magac baxday Dulmi Diid ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Somaliland. Korneyl Caare ayaa marka hore xaqiijiyey in labada dhinac ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaaray Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: 1 In nabad la raadiyo 2 in xabad joojin la sameeyo 3 in wada-hadallo la furo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan odayaasha dhaqanka ee garwadeenka ka ah wada-hadalladan ay shaaciyeen in Korneyl Caare uu aqbalay inuu la heshiiyo maamulka Somaliland. Caare oo horay uga soo goostay Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka maamulkaasi kula dagaalamayey gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Michael Rubin oo ah xeel-dheere Millatari iyo aqoonyahan Maraykan ah ayaa is barbar-dhigay baaxadda iyo dhererka dhulka ay ka kala taliyaan madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu tilmaamay inaanay shaqo isku laheyn isla markaana aanay isku duruuf ahayn. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Khabiir Michael Rubin maanta ku baahiyey Wargeyska Siyaasadda Falanqeeya The Hill oo fadhigiisu yahay Maraykanka. Soomaaliya: Mr.Rubin wuxuu xusay in Madaarka Muqdisho oo ah Khadka Cagaaran ee dalka Soomaaliya uu yahay mid aad loo ilaaliyo oo qaali ah, iyadoo tobanaan sanno ay Soomaaliya ka jirtay sharci la’aan iyo xasilooni darro. Waxaanu intaas ku daray in wax kastaa ka dhici karaan Muqdisho. Waxaanu ku dooday in ashkhaas kooban oo ka mid ah dadka shisheeyaha ahi ay dibadda uga bixi karaan madaarka Muqdisho, iyagoo ay la socdaan ilaalo aad u hubaysan. Waxa kaloo uu iftiimiyey in diblomaasiyiinta ku sugan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanka iyo Yurub ay u furan tahay inay ku sugnaadaan Madaarka Muqdisho gudihiisa ama inay iska joogaan Kenya. Somaliland: Magaalada Dekedda ah ee Berbera arrimaheedu way ka duwan yihiin Soomaaliya waxaana laga furay hudheello cusub, waxaana isdhexgalay bulshada iyo dadka shisheeyaha ah oo magaalada ku wada dhaqan. Sidoo kale, caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay sarrifleyaashu saxaaradahooda lacagta kaga hoydaan dibadda. Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax falal argagixiso ah ka dhicin muddo ku siman toban sanno, halka ay Muqdisho iyo Kimaayo joogto noqdeen weerarada argagixisadu. Mr. Rubin wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka taliyo dhul masaafadiisu dhan tahay 50.000 Mile oo laba jibaaran, halka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ka arrimiyo dhul bedkiisu gaadhayo 50.000 Feet oo ah aqalka Villa Soomaaliya. Waxa kaloo Rubin uu sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya isku duruuf ku sugnayn, sidaas awgeedna aanay habboonayn in digniinta socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku soo saarto aanay israacin Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kaloo uu xusay in ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland aanay u ogolaanin budhcad baddeeda xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 450 Mile. Cumar Maxamed Faarax Source
-
Ciidamada xooga dalka gaar ahaan Danab ayaa saakay dhaqdhaqaayo ciidan waxaa ay ka wadaan gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan tuulooyin hoos yimaada degmada Owdheegle oo dhawaan ay la wareegeen. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaayo ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii Alshabaab ay ugu saari lahaayeen gobalka, howlgalka ay wadaanna uusan joogsan doonin ilaa gobalka gacanta ay ku dhigaan. Wararka laga helaayo Owdheegle ayaa tibaaxaya in ciidamadu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo, ayagoo mararka qaar ay ridayaan rasaas aad u badan. Degmada Owdheegle ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka dhawaan ay gaareen ciidanka xooga dalka, gaar ahaan kuwa danab oo howlgallo ka wada gobalka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya yaa faahfaahin ka bixisay kulan ay magaalada barakaysan ee Makka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno katirsan golaha xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee golaha wasiiradu ay masjid kuyaal Makka ku kulmeen madaxweyne Muuse Biixi iyo wafti la socdey. Xilli uu waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa wasiir Cawad waxa uu sheegay in labada dhinac ay kulankaasi isugu muujiyeen inay yihiin dad walaalo ah, haseyeeshee uusan kulanku ahayn mid siyaasadeed ayna arrimaha Xajka kaliya kawada hadleen. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Wasiir Cawad oo ka warbixiyey kulankii ay Makka kula qaateen madaxweynaha Somaliland. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay soo sheegayaan ilo deegaanka ah waxaa hadda socda dagaal u dhexeeya ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda weli inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wixii soo kordha kala soco Caasimada.net Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen wafti uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi intii lagu guda jiray waajibaadka Xajka. Amb. Cawad ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in Hal Qasri ay wada deganaayeen waftiga Wasiirada ee ka socday dowladda Federaalka iyo waftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland. Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda Federaalka ay u tageen Madaxweynaha Somaliland ayna sallaameen, isagana si soomaalinimo uu u soo dhoweeyay, una sallaamay. “Kulankaas wuxuu ku yimid annaga iyo Wafdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa wada deganeyn hal qasri, masaajid ayaa isku aragnay aniga iyo wasiirada kale dowladda federaalka ayaa u tagay oo salaamay, isagana si qurux badan oo soomaalinimada iyo walaalo isu soo hiloobay ayuu noo soo dhoweeyay oo sharaf ku jirto waan isa salaamanay waa is marxabeynay, kaddib waxaa isku arkeynay meelaha muslimiinta tagaan sida Carafo iyo Mina”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad. Source
-
(SLT-Iran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dowlada Islaamiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa ka digay in Sacuudiga iyo Imaaraadka oo howlgal millatari sanadihii la soo dhaafay dalka Yemen ay kala qeybiyaan Dalkaasi. Mr Khumeyni ayaa sheegay in labada dal ay diirada saarayaan Arintaan waxaana uu ugu baaqay hogaamiye yaasha Yemen in midnimo ay muujiyaan si loo hortago qiyaanada Cadowga. Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib kulan uu la yeeshay saraakiil sare oo ka socdo xuutiyiinta oo uu hogaaminayo afhayeenka kooxdaas Maxamed Cabdi Salaam, kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan. Wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku guul dareysteen duulaanka milatari oo ay ku qaadeen dalka Yemen sanadkii 2015-kii, ayna hada doonayaan in labo ay u kala Qeybiyaan. Dowlada Iiraan ayaa horay waxaa loogu eedeeyay in taageero milatari iyo mid maaliyadeed ay siiso maleeshiyada xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowlada uu hogaamiyo madaxweynaha dibad jooga ah ee dalka Yemen Cabdu Rabbu Mansuur Haadi. Source
-
(SLT- Borlänge)-Maxkamad ku taalla magaalada Borlänge ee dalka Sweden waxaa la soo taagay 3 nin oo Shisheye ah, kuwaasi oo dhammaantooda lagu soo oogay falal la xidhiidha Kufsi lagula kacay gabadh 14-jir oo u dhalatay dalkaasi. Eedeysanayaasha oo kala ahaa Nin Somali haysta dhalashadda Swedishka iyo 2 nin oo u dhashay dalka Lithwaaniya ayaa la sheegay inay gabadhaasi yar kufsadeen, markii ay isku barteen Aaladda Baraha Bulshadda ee Snapchat. Ninka Somali-Swedish-ka oo lagu magacaabo Abuukar Axmed Maxamed oo 19-jir ah waxa uu qirtay inuu ragga kale u fududeeyey inay kufsadaan Gabadha da’da yar, Tahriibinta dadka, iyo in lagu soo oogay dacwad la xidhiidha Ganaacsiga Daroogadda,sida ay Warbaahinta dalkaasi qoreen. Xeer-beegtida Maxkamadda magaalada Borlänge waxay Eedeysanaha Somali-Swedish-ka ku xukuntay Xabsi 4-sanno iyo Ganaax Lacageed oo dhan 107,000 ee Lacagta Swedish-ka eeKrona, taasi oo u dhiganta 17,777 Dollarka Maraykanka. Dhinaca kale, Labada Eedeysane ee ka soo jeeda dalka Lithwaaniya waxaa iyagana lagu xukumay Xabsi dhowr sanno, iyo msarka ay dhamaystaan Xabsigooda dib loogu celiyo dalkodoa hooyo. Source
-
(SLT-Iran)-Hoggaanka sare ee Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada millatariga Israa’iil oo ay ku eedeeyeen ku xadgudubka dadka Rayidka. Kadib shir Jaraa’id oo ay magaalada caasimada ah ee Beyruut ee dalka Lubnaan ku qabteen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ah ururka Xisbullah ayaa waxay ku hanjabeen in cashar ay u dhigi doonaan dowlada Israa’iil. Israa’iil ayaa dagaal xoogan la gashey maleeshiyada kooxdaan sanadkii 2006-dii, iyadoo markale ay u muuqato isku dhac Kale. Dhanka kale digniintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif, waxaana uu sheegay in xisbullah ay muujisay difaaca sharafta iyo qaranka Lubnaan iyo mida carabta, kadib dagaalkii ay la gashay Israa’iil sanadkii 2006-dii oo hada laga joogo 13 Sano. Source
-
Booliska Maleysia Oo Helay Meydka Gabadh U Dhalatay Ireland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT- Maleysi)-Booliska Maleysi ayaa helay meydka gabadh aan dhar wadan oo qaangaadh aheyn taasi oo 10 maalmood ka hor lagu waayay goob loo dalxiis tago iyadoo la ogeyn waxa sababay Geerideeda. Nuura Anne Quoirin, aheyd gabadh 15 jir ah oo ku dhiban waxbarashada ayaa la waayay raqdeeda 4-tii bishii Agoosto, kadib markii ay ka dageen goobta loo dalxiis tago ee Dusun oo dhacda degmada Seremban, oo dhanka koonfureed 70 kiilo mitir kaga beegan magaalada Kuala Lumpur. Qoyska gabadhaan ayaa xaqiijiyay in gabadhooda ay tahay, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Maleysia Maxamed Mahad Yuusuf. Taliyaha ayaa intaa ku daray in baadhitaanka la xidhiidha geerida gabadhaan ay dhameystiri doonaan subaxnimada maanta oo Arbaco ah. Keynta laga helay Meydka Nuura ayaa qiyaastii 2.5 kiilo mitir waxay u jirtaa goobta ay waalidkeeda ku Sugnaayeen. Nuura Anne Quoirin, oo heysata dhalashada Ireland iyo Faransiiska ayaa waalidkeeda waxay codsadeen in gacan laga geysto baadhitaanka shaqsiyaadkii ka dambeeyay Dilkaan. Source -
Gaarisa (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa weerarro ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya waxay ku dileen wiil iyo aabbihiis, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro hore oo sidan oo kale ay kooxdu uga fulisay gudaha dalka dariska ah ee Kenya. Weeraradan sababay dilka labada ruux ee is-dhalay ayaa ka dhacay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ay dagto Soomaalida, waxaana kooxdu ay xustay in weerarkeedan uu ahaa mid qorsheysan ayna ka gaartay ujeedkii ay ka lahayd. Sidoo kale, Wararka hore ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay waddo u dhexeysa Yunbis iyo Gaarisa, waxayna kooxdu sheegtay inay ku weerartay gaadiid ay lahady Qaramada Midoobay, iyagoo gubay mid ka mid ah labadii gaari ee ay weerartay. “Intii weerarku socday waxaan gubnay mid ka mid ah gaadiidkii ay UN-ku lahaayeen, waxaana gacanta ku dhignay laba ruux oo midkood uu darawal ahaa,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Al-shabaab dilka kaddib. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen tuulada Sinow oo hoostagta Mandheera, waxaana weerarkaas ay Al-shabaab sheegteen inay ku dileen wiil iyo aabihiis oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Kenya ee ka hawl-gala gobolka Waqooyi-bari Kenya. Weerraradaan kala duwan ee ka kala dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Waqooyi-bari – Kenya weli dhankooda kama hadlin saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya, balse waxaa inta badan gobolkaas weerarro ka fuliya Xubno ka tirsan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa inta badan weerarro kala duwan ka fulisay Kenya, waxaana dowladda Kenya ay dhawr jeer oo hore ka digtay weerarro kaga yimaada Al-shabaab oo cadaawad xooggan u haya dowladda Kenya oo ciidammo ay ka joogaan Somalia. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Weeraro ay ka fulisay Gudaha dalka Kenya ku dishay Laba Ruux oo is-dhalay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii ay Xajka kula qaateen wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Cawad ayaa sheegay in kulankaasi aan looga hadlin wax siyaasad la xiriira, ama danaha labada dhinac. Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanku uu ahaa mid saaxibtinimo ah oo walaalo ku dhex maray dhulka barakeysan ee Sacuudiga. “Aad ayaan ugu riyaaqnay wada sheekeysiga saaxibtinimo, kaas oo aysan ku jirin wada xaajood siyaasadeed oo aan ka yeelanay waxyaabaha la ogyahay.” ayuu yiri wasiir Cawad. Kulanka dhexmaray madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo si aad ah loo hadal hayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii la doortay Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com