-
Content Count
213,962 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale. Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug. Warar kale oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay la xariirto, kadib markii uu shaaciyey inuu 2 garab u kala jabay guddiga ay dowladda Soomaaliya u magacawday maamulkaasi, islamarkaana uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin shirweynaha dib u heshiisiinta oo marar badan dib uga dhacay waqtigii loogu tala galay inuu ku furmo. Halkan hooseka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT- Tanzania)-Ciidanka amniga ee magaalada Johannesburg ayaa gacanta ku dhigay diyaarad ay leedahay dowlada Tanzania, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga Koonfur Afrika. Xoghaya joogtada ah ee wasaarada gaadiidka iyo isgaarsiinta, Leonard Chamuriho, ayaa sheegay in ay qabteen kadib amar kaga yimid Maxkamada sare ee Gauteng. Mr Chamuriho ayaa intaa raaciyay in ay ka shaqeynayaan sii deynta diyaaradaan marka ay dhamaato eedaha loo Heesto. Diyaarada Tanzania Air oo ka duuli rabtay garoonka Oliver Tambo ee magaalada Johannesburg kuna wajaheyneyd caasimada Dar es Salaam ayaa rakaabkii saarnaa lagu qasbay in ay Baaqdaan. Agaasimaha dhanka maamulka diyaarada Tanzania Ladislaus Matindi ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabada ay qaaday Koonfur Afrika. Ma ahan markii ugu horeysay oo dowlada koonfur Afrika ay qabato diyaarada rakaabka ee Tanzania. Source
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa amaanay midnimada shacabka iyo dowlada Iiraan inay fure u tahay awooda Iiraan. Waxaan shaki ku jirin in Taariikhda ay baal dahab ka gali doonto midnimada dowlada iyo shacabka ayuu yidhi kadib qudbad uu ka jeediyay warbaahinta dowlada sabtida shalay. Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada caasimada ah ee Tehraan ay ka socoto xuska Imam Khumeyni oo ahaa aas aasaha kacaanka islaamiga ah ee Iiraan. Sanadkasta 23-da Agoosto ayaa la qabtaa xuska madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamed Cali Rajaay Ra’isul wasaarihii dalkaasi Maxamed Javad Bahanoor iyo xubno kale oo ka tirsanaa dowlada oo ku geeriyooday weerar ka dhacay magaalada Tehraan 30-kii Agoosto sanadkii 1981-dii. Iiraan ayaa waxaa uu la kulmaysaa cunaqabateyn kaga Imaaneysa dowlada Mareykanka. Source
-
Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee Danab oo kaashanaya kuwa Mareykan ah ayaa ka dhacay deegaanka Sablaale ee gobolkaasi. Sida ay warbaahinta dowladda u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaliya waxaa howlgalkaasi lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiishan ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ka jiro sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo horay Kenya madaxiisa ay dul dhigtay lacag. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyo wafti heer sare ah oo la socda ayaa kulan kula qaatay magaalada Dubia madaxda sare Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga Ganacsiga. Shiikh Maxamed bin Zayid Al Nahyan iyo Modi ayaa gaadhay heshiisyo wax ku ool ah oo dan u ah labada Dhinac. Kulankaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bandowga xukuumada Delhi ay ku soo rogtay gobolka Muslimiinta uu Taagan Yahay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo. Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo. “Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur. Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirrsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore Taleex ee degmadaasi. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa lala beegsaday gaari Toyota HILUX oo ay wateen ciidamadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay darawalkii gaariga, iyadoona uu ku dhaawacmay askari kale. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad galyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xildhibaan Naasir Cali Shire oo katirsan barlamaanka Somaliland ayaa hambalyo iyo ammaan u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xildhibaanka oo waraysi siinayey wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid sharci ah uuna ka codsaday inuu ku casuumo xafladdiisa calaama saarka ee Kismaayo ka dhacaysa. “Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegayaa inaysan ku mashquulin ciddii Soomaali ah oo horumar gaarta”, ayuu yiri xildhibaan Naasir. Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa ugu dambayntii sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi geesi ah isla markaana mudan in loo hambalyeeyo laguna ammaano wixii uu soo qabtay. The post Xildhibaan katirsan Somaliland oo u hambalyeyey Axmed Madoobe kana codsaday inuu caleema saarkiisa ku casumo. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka labo diyaaradood oo siday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka degeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamadan oo Boolis ah ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka magaaladaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlu Suna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo halkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Illaa labo diyaaradood oo siday ciidamo Boolis ah ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo tiradooda aan la shaacin ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadani oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ayaa lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka Dhuusamareeb oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlusuna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan wufuud ka socota dowladda, kuwaas oo ka qeyb galaya furitaanka shirka sib u heshiisiinta Galmudug. Shirkan oo muhiim u ah in la qabto doorashada Galmudug ayaa waxaa jira khilaaf hareeyey, kaas oo soo kala dhexgalay guddiga ay dowladdu u saartay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay. Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota HILUX, waxaana la socday agaasimaha isbitaalka xoogga dalka iyo askar ilaalo u ahayd, xilli ay marayeen meel ku dhow carwadii hore ee Taleex, degmada Hodon. Labo qof ayaa ku dhaacmay qaraxan, waxaana ay kala ahaayeen agaasimaha Isbitaalka Xoogga, Khadiijo Iimaan Caynte iyo Darawalkii Gaarigaasi oo magaciisa naloogu sheegay Aadan Yare. Goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada Booliiska, kuwaasi oo bilaabay baaritaan aan weli wax natiijo ah laga soo saarin. Miinada qaraxday ayaa la sheegay in dhulka ay ku aasneyd, iyadoo wadadaasina tahay mid inta badan ay dadweynuhu adeegsadaan, islamarkaana mashquul badan. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid soo hagaagayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-25082019.mp3 View the full article
-
Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda sida gaarka ah u tababaran oo ay wehliyaan ciidamo Maraykan ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxa ay ciidankan gudaha u galeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay, sida ay saraakiil ka tirsan Kumaandoosta Soomaaliya u sheegeen raadiyaha ciidamada qalabka sida. Saraakiishan ayaa sheegay in weerarkaasi ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana weerarkoodaas uu ahaa mid qorsheysan. Howlgalkan ayeey sheegeen sidoo kale in lagu diley Maxamed Dhuubow oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab, waliba dhowaan ay lacag badan madaxiisa dul dhigtay dowladda Kenya. Ururka Al-shabaab ayaa weli dhankooda wax hadal ah kasoo saarin weerarkan ka dhacay Sablaale iyo waxa ka jira in laga diley sarkaal sare iyo ciidan badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Labadulle oo qiyaas ahaan 25-km dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Lix qof oo u badan dhinacyadii dagaallamay, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 15 kale, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halkii lagu dagaallamay. Dhanka kale, wararka maanta naga soo gaaray deegaankii lagu dagaallamay ayaa sheegay in ay ka taagan tahay xiisad dagaal, mana jirto cid kala dhex-gashay dhinacyadan is haya. Maleeshiyaadkan is haya ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxa dagaalkooda uu ka bilowday, iyadoo weli ay xaaladdu tahay mid aad u cakiran. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan, in saakay halkaasi ay ka degtay diyaarad siddey ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sidey sheegeen saraakiil ku sugan magaaladaasi, ciidankaan ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ay gudaha u galeen magaalada Dhuusamareeb, walow aan tiradooda naloo xaqiijin. Qoraal maalin kahor kasoo baxay hoggaanka Ahlu-sunna ayaa loogu sheegay DFS in aanay ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM keeni karin Dhuusamareeb. Weli arrintan kama aanay hadal madaxda sare ee ururka Ahlu-sunna Waljameeca. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraakiil ka tirsan ciidankii Ahlu-sunna ee horey loogu biiriyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda dhexe fulinta heshiisyadii ay la gashay Ahlu-sunna. Qaarkood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay tahay in dowladda aanay ballanta ka bixin, haddii ay dhacdana iyagu yihiin halkii ay markii hore ka yimaadeen ee Ahlu-sunna. Ammarka ay qaadan doonaan ayeey sheegeen inuu yahay kan madaxda Ahlu-sunna, haddii ay ballan ka bax ay sameyso dowladda federaalka ah. Dhanka kale, saraakiishan ayaa sheegay in dowladda ay ka meer-meertay dalacsiintooda, ayna meel iska dhigeen warqaddii dalacsiinta ahayd ee Sheekh Maxamed Shaakir u gudbiyey dowladda federaalka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/Codka-Saraakiisha-Ciidamada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga dib u heshisiinta Galmudug, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa beeniyey in khilaaf uu soo kala dhexgalay guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u xil saartay arrimaha maamulkaasi. Baadiyow ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu laba garab u kala jabay guddigaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in heer gabogabo ah uu marayo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmi doona Dhuusamareeb. “Dhismaha dawlad-goboleedka Galmudug oo ay dhistaan dhamaan beelaha Galmudug waa lagama maarmaan, Hordhaca dhismaha maamulkaas waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hoggaanka dhaqanka, kana qayb galayaan qaybaha bulshada Rayidka ah, Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabagabo, War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milin khilaafaadka siyaasadeed”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga qaban qaabada shirkan uu sheegay inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay xubnaha guddigga, islamarkaana ay u kala jabeen labo garab. Shirkan ayaa labo jeer dib u dhacay, iyadoona ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
The Djiboutian government on Thursday appeared to rescind its earlier decision to respect the African Union’s vote to endorse Kenya’s candidature for the UN Security Council seat, signalling lack of faith in a process it took part in three times. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa isku raacay go’aan ah, in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo kaliya ay ilaalo ka noqdaan darnaamijyada ay dhigtaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa la isku raacay in Xafladaha, Shirarka waa wayn iyo Munaasabadaha oo dhan ay masuuliyad ka saaran tahay Ciidamada Ilaalada Madaxtoyada Soomaaliya, haddii lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa go’aankaasi kamid ahaa in Ciidamada ay la wareegaan ammaanka goobta uu Barnaamijka ka dhacayo saacado ka hor inta aysan tagin masuuliyiinta ,iyagoo baaraya Hoolka iyo Guud ahaanba Hoteelka lagu qabanayo. Ciidamadaasi shaqada qabanaya waxay maalintaas leeyihiin lacago ka dheeraad ah mushaarkooda, oo lagu darayo qarashka Xafladda ama Shirkaas la qabanayo ku baxayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Si rasmi ah looma oga sababta keentay balse waxaa la aaminsan yahay in ay arintaan ay qayb katahay adkeynta amniga Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Dowladda kadib qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee uu ku dhintay Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho. Waxaa jira cabsi xooggan iyo walaac laga qabo isku halleyn la’aan shaqaalaha dowladda qaarkood ah, ayada oo la tuhmayo inay ku dhgex milan yihiin xubno la shaqeeya ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
As revived national carrier Uganda Airlines prepares to take to the skies officially on Wednesday, for the first time in nearly 18 years, its most booked route out of its four initial destinations is Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ay halkaasi ciidamo ka dajisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Weriyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho goor dhoweyd oo saaka ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb. keenista ciidankan ayaa ku soo beegmatay xilli khilaaf sii xoogaysanaya uu u dhexeeyo hoggaanka sare ee Ahlusunna iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Ahlusunna ay dowladda ku eedaysay in ay uga baxday heshiiskii labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ciidamo ka dajisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
