Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa saaka amaro culu ku soo rogay dadka ku dhaqan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. Go’aanno ka kooban 10 qodob oo ka soo baxay hay’adaha amniga ayaa lagu wargeliyey shacabka inay ilaaaliyaan nabad galayada, kana shaqeeyaan horurmarka deegaanka. Halkan hoose ka Akhriso: 1- Muwaadinka iska iibinaya gaarigiisa, kuna sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu ku soo wargeliyaa Xafiisyada qaabilsan diiwaangelinta gaadiidka ee labada xafiis. 2- Qofka leh gaadiidka waa in uu gaarigiisa ku xiraa Taargada maamulka lamana ogolaan doono gaari aan laheyn Taargo oo ah aqoonsiga uu gaariga ku shaqeeyo. 3- Shirkad ama shaqsi iska leh milkiyadad guri ku yaalla Caasimada Dhuusamareeb rabana inuu ijaarto (kireeysto) waa inuu la soo xiriiro ama tago talisyada hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa guriga sida, shirkad, hay’ad, INGO, mas’uuliyiin ama shaqsi oska caadi ah. 4- Cidii kireeysa guri aysan la socodsiin hay’adaha amniga, iyada ayaa mas’uul ka noqon doonto wixii gurigaas lagu qabto ama lagu arko, kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro. 5- Qofkii la qabto, isaga oo hub ku dhex wata magaalada Dhuusamareeb sida Qori, Bistoolad, ama Bambo aan laheyn sumad loo raaco isaga iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona hay’adaha amniga ee ku sugan Dhuusamareeb. 6- Gaadiidka ay ku dhegan yihiin muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargelinayaa inay iska diiwaan geliyaan talisyada amniga si loo siiyo aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in gaadiidkooda ay ku dhejiyaan muraayadaha madow. 7- Gaarigii ku dhex socda xawaare ama karaar kabadan 20 saacad socodka gaariga gudaha magaalada waxaa loo arki doona gaari ka qeyb qaadanaya qalqal galinta amniga. 8: Qof walba waxaa laga codsanayaa inay si buuxda ula shaqeyso hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo badqabka muwaadinka naftiisa iyo maalkisa intaba. 9- Qofkii arka gaari, goob, ama shaqsi uu ka shakiyo waa inuu si deg deg ah ula xariiro hay’adaha amniga si Loo baajiyo qatar laga yaabo inay mahadho reebto ama dhibaato culus u keento bulshada magaalada Dhuusamareeb. 10- Askari kasta ee ka tirsan xero ka mid ah qeybaha ciidanka ee soo baxaya waa inuu soo qaataa aqonsigiisa ciidanimo si aysan u dhicin is-maandhaaf iyo isku ekeyn xiliyada howlgalladu socdaan. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-300719.mp3 View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa soo saaray awaamiir culus oo la xariirta amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanno oo ka kooban illaa 10 qodob, kuwaas oo wax looga qabanayo nabad galyada. Qodobada ayaa waxaa ay u qornaayeen: 1_Muwadinkii Iska iibinaya Garigiisa Kuna Sugan gudaha Caasimada Waa Inuu Soo Wargaliyaa Xafiisyada Qabilsan Diwangalinta Gadiidka Ee Labada Xafiis. 2_Muwaadiniinta Leh Gaadiidka Waa Inay Qaataan Targada Maa,mulka Lamana Ogolan Doono Gaari Aan Laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Gaariga inuu Shaqeeyo. 3_Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya. 4_ Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada. 5_muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida’ qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada. 6_Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka. 7_Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga. 8_ Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba. 9_Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto. 10_Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan. Go’aannadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmayo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa soo saaray awaamiir culus oo la xariirta amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanno oo ka kooban illaa 10 qodob, kuwaas oo wax looga qabanayo nabad galyada. Qodobada ayaa waxaa ay u qornaayeen: 1_Muwadinkii Iska iibinaya Garigiisa Kuna Sugan gudaha Caasimada Waa Inuu Soo Wargaliyaa Xafiisyada Qabilsan Diwangalinta Gadiidka Ee Labada Xafiis. 2_Muwaadiniinta Leh Gaadiidka Waa Inay Qaataan Targada Maa,mulka Lamana Ogolan Doono Gaari Aan Laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Gaariga inuu Shaqeeyo. 3_Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya. 4_ Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada. 5_muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida’ qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada. 6_Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka. 7_Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga. 8_ Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba. 9_Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto. 10_Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan. Go’aannadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmayo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  5. La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis), ayaa beeniyay warbixin lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa dalka Sucuudiga, taasi oo lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tuhunsan tahay waddanka Qatar in uu taageero ururrada Argagixisada. Sheekh Cali Wajiis oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in wargeyska Alwaddan uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysi uu siiyey, islamarkaana la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya aysan xamili karin in loo soo tallaabiyo khilaafka Carabta dhexdeeda yaalla, balse taas baddelkeed ay u baahan tahay in si mugleh loo garab siiyo, looguna taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay mar kale dalkooda u dhisan lahaayeen. “Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Boqortooyada Sucuudiga ma ahan mid uu saameynayo marin habaabinta uu sameeyey wariyaha diyaariyey warbixintan, si taas la mid ah ayeysan waxyeello ku noqonayn warbixintan la marin habaabiyey xiriirka aan la wadaagno dowladda Qatar, sababtoo ah dhammaan dalalka Carabta ee aan bahwadaagta nahay waxaan la wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo wanaagsan.” Sidoo kale, wuxuu sheegay in mowqifka ay dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay ka taagantahay khilaafka dalalka Carbeed uu ku saleysanyahay, dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobolka. PUNTLAND POST The post Sheekh Cali Wajiis oo beeniyay in uu Qatar ku eedeeyay taageeridda Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  6. Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay kulan gaar ah Garowe kula qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada mas’uul ay uga wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Deni oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey guddomiyaga golaha shacabka iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay. Dhankiisa Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kula dardaaramay madaxda iyo shacabka Puntland in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar ballaaran. Guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya xusak 21-aad sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaska Puntland oo ku beegan 1-da August. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  7. Mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida. Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey Uqeybsanaha Ganacsiga anacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Maxamed Amiin Abuukar. Mudane Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu dalku yahay mid soo koraya, islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka is dhexgalka dalalka Carabta iyo Aasiya appeared first on Puntland Post.
  8. The world’s largest rainforest and a crucial store of carbon dioxide gets most of its phosphorous, an important nutrient, from an unexpected source: fires in Africa. Source: Hiiraan Online
  9. CAPE TOWN, July 29 (Xinhua) -- The estimated overall HIV prevalence rate is approximately 13.5 percent among the South African population, according to figures released on Monday. Source: Hiiraan Online
  10. The planting is part of a national “green legacy” initiative to grow 4bn trees in the country this summer by encouraging every citizen to plant at least 40 seedlings. Public offices have reportedly been shut down in order for civil servants to take part. Source: Hiiraan Online
  11. Ramla Ali is one of 15 women who "break barriers" who appear on the Duchess of Sussex's Vogue front page. The Somalia-born English and British boxing champion has called it an "absolute honour" to feature alongside the likes of teenage climate activist Greta Thunberg and New Zealand Prime Minister Jacinda Ardern. But who is she? This is her story, as first told in 2018. Source: Hiiraan Online
  12. Just 10 days after the 2019 Africa Cup of Nations came to an end in Cairo, Egypt, the first round of African qualification for the 2022 FIFA World Cup in Qatar has been drawn. Source: Hiiraan Online
  13. TUCSON, AZ — Federal agents arrested two men Friday at Tucson International Airport for conspiring to join the Islamic State. Source: Hiiraan Online
  14. Community groups in Ottawa and Toronto each received $100,000 last year to help families whose kids faced suspension and possible expulsion navigate the education system. Source: Hiiraan Online
  15. Khalid Sheikh Mohammed, the accused al-Qaeda mastermind of the September 11, 2001 attacks, has indicated a willingness to be deposed by victims who are suing Saudi Arabia for damages, if the United States government decides not to seek the death penalty against him, according to reports published on Monday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sarreysa kooxda Al-Shabaab ayaa isugu yimid kulan naadir ah oo dhacay jimcihii tagtay, sida uu sheegay weriye Haaruun Macruuf oo xog-ogaal u ah arrimmaha kooxdan. Qoraal uu Haaruun Macruuf soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in kulanka oo uu ka qeyb-galay amiirka Al-Shabaab Abu Cubaydah uu ka dhacay tuulada Buulo Falaay ee gobolka Bay. Kulanka ayaa waxaa Abu Cubaydah ku wehliyey oo sidoo kale ka qeyb galay Mahad Karate, Ibraahim Cali Aadan, Jacfar Dheere iyo saraakiil kale oo sare oo ka mid ah kooxda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo is-beddel ay kooxda Al-Shabaab dooneyso inay ku sameyso wilaayaatka ama maamul goboleedyada kooxda hoos yimaada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ahaa kulanka. In dhammaan madaxda sare ee Al-Shabaab ay isugu yimaadaan goob qura kuna kulmaan ayaa ah wax aan inta badan dhicin, ayada oo ay ka baqaan in la beegsado oo mar qura la dilo dhammaan madaxda sare ee kooxda. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sarreysa kooxda Al-Shabaab ayaa isugu yimid kulan naadir ah oo dhacay jimcihii tagtay, sida uu sheegay weriye Haaruun Macruuf oo xog-ogaal u ah arrimmaha kooxdan. Qoraal uu Haaruun Macruuf soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in kulanka oo uu ka qeyb-galay amiirka Al-Shabaab Abu Cubaydah uu ka dhacay tuulada Buulo Falaay ee gobolka Bay. Kulanka ayaa waxaa Abu Cubaydah ku wehliyey oo sidoo kale ka qeyb galay Mahad Karate, Ibraahim Cali Aadan, Jacfar Dheere iyo saraakiil kale oo sare oo ka mid ah kooxda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo is-beddel ay kooxda Al-Shabaab dooneyso inay ku sameyso wilaayaatka ama maamul goboleedyada kooxda hoos yimaada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ahaa kulanka. In dhammaan madaxda sare ee Al-Shabaab ay isugu yimaadaan goob qura kuna kulmaan ayaa ah wax aan inta badan dhicin, ayada oo ay ka baqaan in la beegsado oo mar qura la dilo dhammaan madaxda sare ee kooxda. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ruqiyo Xasan Ibraahim, ma ahan magaca saxda ah ee Hooyada aan warbixintaan ka qoreyno, waxaana qarinay magaceeda runta ah, codkeeda iyo sawirkeeda sababo amnigeeda la xariira. Waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho balse markeedii hore waxay ka timid gobalka Hiiraan ee Soomaaliya sida ay noo sheegtay kadib markii aan ku booqanay gurigeeda oo ku yaalo Xaafad katirsan Muqdisho. Hooyo Ruqiyo Xasan, waxa uu Alle siiyay 4 Canug oo isugu jira 3 Wiil iyo hal gabar balse maanta midna ugama noola carruurtaas waxayna dhamaantood ku baxeen gacanta Al-Shabaab. Wiilkeedii ugu horreeyay ee Curudka ahaa waxay ku waysay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen arday deeq waxbarasho u doonatay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2011. Weerarkaas waxa uu ka dhacay dhismaha Xarunta Harkaha iyo Saamaha, 4-tii October ee 2011. Marxuumka oo aan magaciisa qarinay ayaa ka tirsanaa Arday dhameestay waxbarashada dugsiga sare oo rajo ka qabay inuu guul gaarsiiyo qoyskiisa oo sabool ah, sidoo kalane agoon ah. Nasiib darro rajadii wiilka iyo hamigii hooyo halkaas ayey ku bur bureen. Hooyo Ruqiyo murugada iyo Xanuunka halkaas ugama dhamaanin hadane waxay wiil kale oo yaraanka qoyska ahaa ay ku waysay Qaraxii Zoobe isagoo caawiye ka ahaa goob shaqo oo halkaasi ku taallo. Ma aysan arkin meydka wiilkeeda waxa uuna katirsanaa dad badan oo la waayay, balse waxay aamintay in uu dhintay. Waxay aheyd waayo xanuun badan oo soo maray iyo laba garab oo muhiim ah oo ka baxay. Waxaa u bilaawday nolal mugdi ah oo aad u liidato balse rajada Alle kama aysan quusan waxayna Alle ka biraday guul iyo garab. Hooyo Ruqiyo waxay sidoo kale weerar kale oo ka dhacay Saldhigga Waabiri ku waysay Gabadha kaliya ee qabtay waxa uuna qarax haleelay iyadoo saaran gaari Caasi ah oo halkaasi marayay. Dhaawac daran oo soo gaaray Gabadha ayey markii dambe u geeriyootay. Wiilkeedii ugu dambeeyay oo Bajaajle ah ayey Hooyo Ruqiyo ku waysay weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Barta Kontaroolka ee Sayidka lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Ma jirto murugo ka wayn iyo xanuun ka daran in 4-tii Canug ee Alle ku siiyay maalinba mid soo aasto islamarkaana aadnan garaneyn sababta lagaaga dilay. Sidoo kalane aadnan qabsan karin qofkii kaa dilay. Al-Shabaab oo ah koox ka been sheegta Diinta Islaamka ayaa si ba’an u laysa dadka marasta ah oo aan dembi ah ka gelin mana jirto dhaq dhaqaaq guud oo dalka ka socda islamarkaana lagu soo afjarayo maleeshiyada Al-Shabaab. Hooyo Ruqiyo Xasan, oo ah qof samir badan kuna xiran Alle ayaa noo sheegtay in aysan dooneyn in ay ka soo muuqato Warbaahinta balse markii dambe ayey naga ogolaatay in aan Warbixinteeda qorno annag oo qarineyna magaceeda. Hadda waa kaligeed, Afartii Carruur midba maalin ayey soo aastay halka hore-na uu ka dhintay Seygeeda kadib Xanuuno ku dhacay. Wixii markaas ka dambeeyay ma aysan guursan balse waxay dhabarka u xiratay in ay Carruurteeda korsato markii ay ku nasan laheydna Al-Shabaab ayaa gablan ka dhigay. Waxay noo sheegtay Hooyo Ruqiyo, in maalmaha soo socda ay ku wajahan magaalada Kuala Lumpur ee Xarunta Dalka Malaysia waxayna ka sii aadi doonta Dalka UK sida ay noo sheegtay. In dalka ay ka baxdo ma aysan jecleen balse waxaa ku cadaadiyay Xubno katirsan qoyskeeda oo ku nool dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan gudaha dalka sidaas darteedna ay go’aansatay in ay dalka ka dhoofto. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad FIIRO GAAR AH: Caasimadda Online waxay ka gaabsaneysaa baahinta iyo bixinta wax kasta oo ku saabsan xogta Haweeneyda dhibanaha u ah Al-Shabaab balse waxay dadka Soomaaliyeed la wadaageysaa raadadka xun ee ka dhashay Xasuuqa Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ruqiyo Xasan Ibraahim, ma ahan magaca saxda ah ee Hooyada aan warbixintaan ka qoreyno, waxaana qarinay magaceeda runta ah, codkeeda iyo sawirkeeda sababo amnigeeda la xariira. Waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho balse markeedii hore waxay ka timid gobalka Hiiraan ee Soomaaliya sida ay noo sheegtay kadib markii aan ku booqanay gurigeeda oo ku yaalo Xaafad katirsan Muqdisho. Hooyo Ruqiyo Xasan, waxa uu Alle siiyay 4 Canug oo isugu jira 3 Wiil iyo hal gabar balse maanta midna ugama noola carruurtaas waxayna dhamaantood ku baxeen gacanta Al-Shabaab. Wiilkeedii ugu horreeyay ee Curudka ahaa waxay ku waysay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen arday deeq waxbarasho u doonatay Dowladda Soomaaliya sanadkii 2011. Weerarkaas waxa uu ka dhacay dhismaha Xarunta Harkaha iyo Saamaha, 4-tii October ee 2011. Marxuumka oo aan magaciisa qarinay ayaa ka tirsanaa Arday dhameestay waxbarashada dugsiga sare oo rajo ka qabay inuu guul gaarsiiyo qoyskiisa oo sabool ah, sidoo kalane agoon ah. Nasiib darro rajadii wiilka iyo hamigii hooyo halkaas ayey ku bur bureen. Hooyo Ruqiyo murugada iyo Xanuunka halkaas ugama dhamaanin hadane waxay wiil kale oo yaraanka qoyska ahaa ay ku waysay Qaraxii Zoobe isagoo caawiye ka ahaa goob shaqo oo halkaasi ku taallo. Ma aysan arkin meydka wiilkeeda waxa uuna katirsanaa dad badan oo la waayay, balse waxay aamintay in uu dhintay. Waxay aheyd waayo xanuun badan oo soo maray iyo laba garab oo muhiim ah oo ka baxay. Waxaa u bilaawday nolal mugdi ah oo aad u liidato balse rajada Alle kama aysan quusan waxayna Alle ka biraday guul iyo garab. Hooyo Ruqiyo waxay sidoo kale weerar kale oo ka dhacay Saldhigga Waabiri ku waysay Gabadha kaliya ee qabtay waxa uuna qarax haleelay iyadoo saaran gaari Caasi ah oo halkaasi marayay. Dhaawac daran oo soo gaaray Gabadha ayey markii dambe u geeriyootay. Wiilkeedii ugu dambeeyay oo Bajaajle ah ayey Hooyo Ruqiyo ku waysay weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Barta Kontaroolka ee Sayidka lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Ma jirto murugo ka wayn iyo xanuun ka daran in 4-tii Canug ee Alle ku siiyay maalinba mid soo aasto islamarkaana aadnan garaneyn sababta lagaaga dilay. Sidoo kalane aadnan qabsan karin qofkii kaa dilay. Al-Shabaab oo ah koox ka been sheegta Diinta Islaamka ayaa si ba’an u laysa dadka marasta ah oo aan dembi ah ka gelin mana jirto dhaq dhaqaaq guud oo dalka ka socda islamarkaana lagu soo afjarayo maleeshiyada Al-Shabaab. Hooyo Ruqiyo Xasan, oo ah qof samir badan kuna xiran Alle ayaa noo sheegtay in aysan dooneyn in ay ka soo muuqato Warbaahinta balse markii dambe ayey naga ogolaatay in aan Warbixinteeda qorno annag oo qarineyna magaceeda. Hadda waa kaligeed, Afartii Carruur midba maalin ayey soo aastay halka hore-na uu ka dhintay Seygeeda kadib Xanuuno ku dhacay. Wixii markaas ka dambeeyay ma aysan guursan balse waxay dhabarka u xiratay in ay Carruurteeda korsato markii ay ku nasan laheydna Al-Shabaab ayaa gablan ka dhigay. Waxay noo sheegtay Hooyo Ruqiyo, in maalmaha soo socda ay ku wajahan magaalada Kuala Lumpur ee Xarunta Dalka Malaysia waxayna ka sii aadi doonta Dalka UK sida ay noo sheegtay. In dalka ay ka baxdo ma aysan jecleen balse waxaa ku cadaadiyay Xubno katirsan qoyskeeda oo ku nool dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan gudaha dalka sidaas darteedna ay go’aansatay in ay dalka ka dhoofto. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad FIIRO GAAR AH: Caasimadda Online waxay ka gaabsaneysaa baahinta iyo bixinta wax kasta oo ku saabsan xogta Haweeneyda dhibanaha u ah Al-Shabaab balse waxay dadka Soomaaliyeed la wadaageysaa raadadka xun ee ka dhashay Xasuuqa Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Qaybta 1aad Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abdullahi Goodax ayaa bishaan horaanteeda ku dhawaaqay in Jaamacadaha waddanka ka jira la kala saari doono. Waxay noqon doonaan kuwo yar o heli doona aqoonsiga jaamacadnimada (accreditation) ee wasaaradda, o si wadan doono shaqadooda, iyo Jaamacado badan o waayi doona aqoonsiga o albaabada lo xiri doono marka la so saaro natiijada kormeerka iyo baarista lagu sameen doono(Inspection) Jaamacadaha o dhan. Sidoo kale, Wasiirka waxa u sheegay in dugsiyada hoose iyo kuwa sare e dalka ka jira lo kala saari doono qaar ruqsada lagala noqon doono o albaabada lo xiri doono iyo kuwo hawshooda lo oggolaan doono in ay sii wataan kormeerka ka dib. Sababta khasab ka dhigeysa in Wasaaradda xirto Jaamacadaha badan, waxa ka mid ah jaamacadihii oo taran xad-dhaaf ah iyo tayo la’aan lagu arkay. Waxa la sheegay in ay jiraan kuwo badan o isu beddelay masnac ama warshad so saarta dibloomoyinka(Diploma Mill) dadweynaha laga iibiyo. Waxa kale o la sheegay in ay jiraan jaamacado ah “Garab Rarato” o sheegta in ay bixiyaan koorsoyin Online ah. Hase yeeshee, taas macnaheeda ma aha in aysan jirin jaamacado dadaalaya intii karaan kooda ah. Laakiin ayaga xitaa waxa laga sheegayaa cillado ay ka mid yihiin ardayda o aan lagu adkeynin imtixaanka iyo maqnaashaha badan e ardayda o ay u dulqaataan. Ceebaha iyo cilladaha dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare aad bay u badan yihiin. Afar sano ka hor warbixintii aan ka daabacay ka akhriso o google garee: Imtixaanka mideysan: Xarig-jiidka Wasaradda Waxbarashada waxbarashada iyo “Dalladaha” Waxaa nasiib darro ah, in ardaydii sanadkan imtixaanka fasalka 4aad u fariistay, badankood ku dhaceen. Waxa jiro sida Wasiirka Waxbarashada sheegay, iskoolaad badan o uusan hal arday ka gudbin imtixaanka. Intaas waxa ka sii badan ardayda dirqiga ku baastay. Haddabo, Si lo ilaaliyo tayada waxbarashada Jaamacadaha iyo iskoolaadka Somalia, sida ka jirta dhammaan caalamka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa waajib ku ah in ay xaqiijiso in ardayda Somaliyed helaan waxbarasho tayo leh o la jaan qaadi karta heerka caalamiga ah o dabooli karta baahida dalkeena u qabo in la so saaro dad tacliin iyo karti u leh mihnada shaqo e kala duwan. Waxan qormadaan idinku so gudbinaynaa qaar ka mid ah shuruudaha aqoonsiga Jamacadnimo (University Accreditation Criteria) ee caalmka ka jira . Waxa kale o aan qaybta 2aad idiinku so gudbin doonaa shuruudaha laga rabo iskoolaadka hoose iyo kuwa sare. Shuruudahan o loo yaqaano “Mabadi’da iyo Habraaca” lagu maamulo waxbarashada dalka (Policies and Procedures) o ay Wasaradda Waxbarashada so diyaarisay iyo “Hindise Sharciyedka Waxbarashada” o Golaha Shacabka so maray(Education Act) ayaa assas u ah shurudaha aqoonsiga jaamacadeed iyo sidoo kale maamulidda dugsiyada. Wasaradda waxbaraashada wa in ay u gudbiso Jaamacadaha iyo iskoolaadka dokumentiga aan kor ku so sheegnay iyo liiska(foomka) la rabo in ay so buuxiyaan o hordhac u ah kormeerka wasaaradda “Pre-inspection Checklist” . Markas ka dib, kormeerayaasha Wasaradda waxay so booqan doonan Jaamacadda(Site-visit) waqtiga lo asteeyey si ay u fuliyaan kormeerka iyo baarista o ah “itus o itaabsii” , ama(evidence based inspection). Ugu badnaan laba usbuuc gudohood, wa in ay Wasaradda so saartaa natiijada kormeerka iyo baarista(Inspection Report). Jaamacadaha iyo dugsiyada mara baarista ama haku baasaan ama haku dhacaane, waxay wasaradda u gudbinaysaa qaan-sheegto(Invoice) gaaraya ilaa $5,000.00 doolar o ah kharajka la xiriira baarista. Jamacaddii ama dugsigii bixin waaya lacagtaas lix bilood gudohood ma sii shaqeen karo. Intaas waxa dheer, Jaamacaddi ama dugsigii leh faracyo kale(Multiple campus), farac kasta wuxu marayaa kormeer iyo baaris(inspection) u gaar ah sidii Jaamacad kale ama dugsi kale. Waxaana waajib ku noqonaysa bixinta kharajka kale e baarista o la mid ah ki hore. Inkastoo aanan halkan ku soo koobi karin shuruudaha aqoonsiga Jaamacaded(Accreditation Criteria) o ka badan ilaa 30 shuruudood, haddana waxan halkan idiin ku so gudbinayaa dhoor qodob o aad muhiim u ah o jaamacaddii laga waayo aan loo aqoonsan doonin jaamacad amarna lagu siin doono in albaabada lo xiro. Qaybta 2aad baan idiinku so bandhigi doonaa qodobada kale e shuruudaha jaamacadaha iyo dugsiyada. Waa in Jaamacadda leedahay maalin u astan in fasallada bilaabmaan iyo maalinta u cayiman in ay dhamaadaan( Start Date and End Date). Waxa mamnuuc ah in arday aan maalintaas la bilaabin dufcadaas lagu so daro fasalka(Continuous Intake is not acceptable) iyo in aan laso xirin fasalladaas waqtigaas ka hor. Jaamacadda waxay wasaaradda u so gudbinaysaa liiska magacyada ardayda isku dufcadda xilliga bilowga fasallada sanad waliba. Wasaaradda waxay sameynesaa kormeero badan o aan la sii shaacinin(Unannounced Visits) si loo hubiyo fulinta qodobkan, lana xaqiijiyo in ardada liiskooda la so gudbiyey ay joogaan jaamacadda. Koorasyada borogaraamka wa in ay ahaadaan kuwo Jaamacad caalamka laga aqoonsan yahay. Jaamacadda waxay wasaradda u so gudbinaysaa macuumaadka xirirka Jamacadda arrintaas kala sameysay Jaamacadda caalamiga ah. Haddii ay Jaamacadda bixiso kooras ay ayada sameysatay(Locally Developed Course), Wasaaradda wa ay hakinaysaa kooraskaas inta ay khubarada so oggolaanayaan ayagoo u bar bar dhigaaya korosyada noociis ah e Jaamacadaha Caalimiga ka baxa. Online Koros (Online Course) waxa laga rabaa in uu leeyahay Website u gaar ah(Platform) o ay isku arkaan macallinka iyo ardayda(synchronous & Asynchronous) o mujinaaya ardayga marka u login sameeyey iyo marka u ka baxay website ka iyo dhammaan asaynmentiyadii u so dhamaystiray. Waxa la yiraahdo koresbondens(correspondence) lama oggola. Sidoo kale waa in jaamacadda leedahay bayaan ku cad shuruudaha ardayda kaga qalin-jebin karaan iyo buuga lo yaqaano koras kalandar(Course Calendar) so koobayaa dhamaan koorsooyinka brogaraamyada kala duwan . Macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadda markii lo qaybiyo seddex meelood, labo meelood(Two Third)waa in ay haystaan shahaadada Phd. Qaybta seddexaad wa in ay haystaan shahaadada Master ka. Macallimiinta haysata Bachelor ka waxay noqon karaan caawiye(assistant). Macallimiinta wa in ay so gudbiyaan Cinwaanka, emailka iyo telefonka Jaamacadaha ay ka so qaateen shahadooyinkooda Bachelorka, Master ka iyo Phd. Jaamacadahas wa in ay noqdaan kuwa caalamka aqoonsan yahay(Internationally Recognized Universities). Wasaaradda Waxbarashada ayadoo kaashanaysaa u qaybsanaha safaradaha Somalia e arrimaha waxbarashada(Cultural Attaché) waxay xirir la sameynasa Jaamacadahas si xaqiijin(Verification) loogu sameeyo shahaadoyinka. Jaamacadda in ay leedahay Maktabad ,Sheybaar iyo Kombutar Lab ku filan ardayda iyo barnaanij cilmi baaris (Library , Laboratories , Computer Lab and research program ) waa khasab(Mandatory). Wasaarada waxay u kuur gelaysaa tayada iyo faa’idada gaarka ah(the quality and the relevance) e Maktabadda, Sheybaarka iyo barnaamijka cilmi baarista. Sidoo kale ardayda wa inay helaan kutubo anan koobi aheyn o originaal ah.Maxa yeelay wa lagu dhibtoonaya akhrinta buugga koobi ga ah waana sharci darro la isku qabsan karo. Maaliyadda iyo xisaabaadka maamulka lacagta(Finances and Financial Management) e jaamacadda wa in u yahay mid daah furan(transparent).Jaamacadda waa in so gudbiso warbixin xisaab-xir(Audited Financial Statement ) o ah odhit ay sameysay hay’ad madax banaan o muctarif ah. Komeerayaasha waxay u kuur gelayaan qaabka dhakhliga u soo xaroodo(source of income), dhaq-dhaqaaqa akoonka iyo awoodda ama keydka maaliyadeed e jaamacadda haysato si lo xaqiijiyo in jaamacadda isbixin karto. Baarayaasha waxay si gaar ah ugu kuur gelayaan in jaamacadda macallimiinta siiso mushaar ku filan o ay ku shaqeen karaan o an ahayn “dan kugu qabatay e qawda maqashii”.In macallimiinta la siyo mushaar ku filan waxy suutogelinaysaa macallimiinta in ay howshooda ku aadan cashar diyaarinta, cashar bixinta, sixidda iyo qiimeynta imtixaanaadka, brojektiska iyo asaaynmentiyada ardayda iyo cilmi baarista ay si waafi ah u gutaan. Jaamacadda wa in laga helaa natiijadii cilmi baarista ay macallimiinta sameyeen. Si Badqabka iyo Feydhoorka(Health and Safety) ardayda loo ilaaliyo waa in dhismayasha jaamacadda aysan noqon baraakoyin. Baraakada marka qorraxda qabato indhaha iyo araga ardayda ayey wax u dhimaysaa. Sido kale, wa in arday kasta helaa kursi iyo miis u gaar ah. Fasallada gudohooda mariin(passageway) la maro waa in u ka banaan yahay safafka miisaska dhexdooda si loo yareeyo khatarta isbuurashada marka xaalad deg deg ah so kororto. Midda kale, musqualaha jaamacadda tiradooda iyo tayadooda wa in ay yihiin in ku filan baahida ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha. Musqulaha dumarka u gaarka ah waa in ay ka durugsan yihiin kuawa ragga. Musqulaha nadaafaddooda wa in aad loo ilaaliyo lagana helo istijo, saxannada gacmadhaqa iyo biyaha o socda si joogto ah(running water). 7.Jaamacadda wa in leedahay shurudaha ardayda ku so geli karaan Jaamacadda o qoran (Admission Criteria), xeerka xaadirinta iyo maqnaashaha(Attendance Policy) o caddaynaya inta maalmood e Jaamacadda u dul qaadan karto in u ardayga ka maqnaado casharada iyo xeerka qiimeynta heerka waxbarasho e ardayda sida imtixaanaadka, asaaymentiyada (Assessment and Evaluation policy) noqotaa mid dheelitiran. Jaamacadda wa in ay leedahay xeer cadeynaaya waxa laga yeelayo ardaygii teeramka dhamadkiisa ay natiijadiisa adka u xuntahay. Wasaaradda waxay u kuurgelaysaa feelasha ardayda. Arday kasta feelkiisa wa in laga helo arjigii u so qortay iyo diiwan gelintiisa(Signed and dated Application and Registration forms) o saxiian o taariikheysan, dokumentiyada caddaynaaya in u buuxiyey shuruudihii lagu geli karay jaamacadda(Admission Requirements)iyo natiijadiisa waxbarasho o dhan (updated transcript). Qaabka waxbarashada jaamacadda waxa lagu qiimeynayaa sida macallimiinta fasalka u maareeyaan. Kormeerayaasha waxay u kuur gelayaan sida macallinka u gudbinaayo casharada, liiska ardayda fasalka iyo xaadirintii maalinlaha ahaa(Pupil Attendance Records), fahraska kooraska(Course Outline) iyo Cashar diyaarintiisi maalinlaha ahaa(Daily Lesson Plans). Baarayaasha(inspectors) waxa kale o u kuur gelayaan o khasab ah in ay arkaan daftarada ardayda (student notebooks) iyo wixii qiimeyn ah iyo asaymenti ah o taariikheysan iyo buundada ardayda(MarkedTests, Projects, assignments and examinations with student name and date ) o waafaqsan manhajka koroska. Kormeerayaasha waxay waraysi la yeelanayaan ardayda iyo macallinka fasalka gudihiisa. Qore: Abdinur Ali Farah Toronto , Canada Email: a22farah@yahoo.ca
  21. Qaybta 1aad Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abdullahi Goodax ayaa bishaan horaanteeda ku dhawaaqay in Jaamacadaha waddanka ka jira la kala saari doono. Waxay noqon doonaan kuwo yar o heli doona aqoonsiga jaamacadnimada (accreditation) ee wasaaradda, o si wadan doono shaqadooda, iyo Jaamacado badan o waayi doona aqoonsiga o albaabada lo xiri doono marka la so saaro natiijada kormeerka iyo baarista lagu sameen doono(Inspection) Jaamacadaha o dhan. Sidoo kale, Wasiirka waxa u sheegay in dugsiyada hoose iyo kuwa sare e dalka ka jira lo kala saari doono qaar ruqsada lagala noqon doono o albaabada lo xiri doono iyo kuwo hawshooda lo oggolaan doono in ay sii wataan kormeerka ka dib. Sababta khasab ka dhigeysa in Wasaaradda xirto Jaamacadaha badan, waxa ka mid ah jaamacadihii oo taran xad-dhaaf ah iyo tayo la’aan lagu arkay. Waxa la sheegay in ay jiraan kuwo badan o isu beddelay masnac ama warshad so saarta dibloomoyinka(Diploma Mill) dadweynaha laga iibiyo. Waxa kale o la sheegay in ay jiraan jaamacado ah “Garab Rarato” o sheegta in ay bixiyaan koorsoyin Online ah. Hase yeeshee, taas macnaheeda ma aha in aysan jirin jaamacado dadaalaya intii karaan kooda ah. Laakiin ayaga xitaa waxa laga sheegayaa cillado ay ka mid yihiin ardayda o aan lagu adkeynin imtixaanka iyo maqnaashaha badan e ardayda o ay u dulqaataan. Ceebaha iyo cilladaha dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare aad bay u badan yihiin. Afar sano ka hor warbixintii aan ka daabacay ka akhriso o google garee: Imtixaanka mideysan: Xarig-jiidka Wasaradda Waxbarashada waxbarashada iyo “Dalladaha” Waxaa nasiib darro ah, in ardaydii sanadkan imtixaanka fasalka 4aad u fariistay, badankood ku dhaceen. Waxa jiro sida Wasiirka Waxbarashada sheegay, iskoolaad badan o uusan hal arday ka gudbin imtixaanka. Intaas waxa ka sii badan ardayda dirqiga ku baastay. Haddabo, Si lo ilaaliyo tayada waxbarashada Jaamacadaha iyo iskoolaadka Somalia, sida ka jirta dhammaan caalamka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa waajib ku ah in ay xaqiijiso in ardayda Somaliyed helaan waxbarasho tayo leh o la jaan qaadi karta heerka caalamiga ah o dabooli karta baahida dalkeena u qabo in la so saaro dad tacliin iyo karti u leh mihnada shaqo e kala duwan. Waxan qormadaan idinku so gudbinaynaa qaar ka mid ah shuruudaha aqoonsiga Jamacadnimo (University Accreditation Criteria) ee caalmka ka jira . Waxa kale o aan qaybta 2aad idiinku so gudbin doonaa shuruudaha laga rabo iskoolaadka hoose iyo kuwa sare. Shuruudahan o loo yaqaano “Mabadi’da iyo Habraaca” lagu maamulo waxbarashada dalka (Policies and Procedures) o ay Wasaradda Waxbarashada so diyaarisay iyo “Hindise Sharciyedka Waxbarashada” o Golaha Shacabka so maray(Education Act) ayaa assas u ah shurudaha aqoonsiga jaamacadeed iyo sidoo kale maamulidda dugsiyada. Wasaradda waxbaraashada wa in ay u gudbiso Jaamacadaha iyo iskoolaadka dokumentiga aan kor ku so sheegnay iyo liiska(foomka) la rabo in ay so buuxiyaan o hordhac u ah kormeerka wasaaradda “Pre-inspection Checklist” . Markas ka dib, kormeerayaasha Wasaradda waxay so booqan doonan Jaamacadda(Site-visit) waqtiga lo asteeyey si ay u fuliyaan kormeerka iyo baarista o ah “itus o itaabsii” , ama(evidence based inspection). Ugu badnaan laba usbuuc gudohood, wa in ay Wasaradda so saartaa natiijada kormeerka iyo baarista(Inspection Report). Jaamacadaha iyo dugsiyada mara baarista ama haku baasaan ama haku dhacaane, waxay wasaradda u gudbinaysaa qaan-sheegto(Invoice) gaaraya ilaa $5,000.00 doolar o ah kharajka la xiriira baarista. Jamacaddii ama dugsigii bixin waaya lacagtaas lix bilood gudohood ma sii shaqeen karo. Intaas waxa dheer, Jaamacaddi ama dugsigii leh faracyo kale(Multiple campus), farac kasta wuxu marayaa kormeer iyo baaris(inspection) u gaar ah sidii Jaamacad kale ama dugsi kale. Waxaana waajib ku noqonaysa bixinta kharajka kale e baarista o la mid ah ki hore. Inkastoo aanan halkan ku soo koobi karin shuruudaha aqoonsiga Jaamacaded(Accreditation Criteria) o ka badan ilaa 30 shuruudood, haddana waxan halkan idiin ku so gudbinayaa dhoor qodob o aad muhiim u ah o jaamacaddii laga waayo aan loo aqoonsan doonin jaamacad amarna lagu siin doono in albaabada lo xiro. Qaybta 2aad baan idiinku so bandhigi doonaa qodobada kale e shuruudaha jaamacadaha iyo dugsiyada. Waa in Jaamacadda leedahay maalin u astan in fasallada bilaabmaan iyo maalinta u cayiman in ay dhamaadaan( Start Date and End Date). Waxa mamnuuc ah in arday aan maalintaas la bilaabin dufcadaas lagu so daro fasalka(Continuous Intake is not acceptable) iyo in aan laso xirin fasalladaas waqtigaas ka hor. Jaamacadda waxay wasaaradda u so gudbinaysaa liiska magacyada ardayda isku dufcadda xilliga bilowga fasallada sanad waliba. Wasaaradda waxay sameynesaa kormeero badan o aan la sii shaacinin(Unannounced Visits) si loo hubiyo fulinta qodobkan, lana xaqiijiyo in ardada liiskooda la so gudbiyey ay joogaan jaamacadda. Koorasyada borogaraamka wa in ay ahaadaan kuwo Jaamacad caalamka laga aqoonsan yahay. Jaamacadda waxay wasaradda u so gudbinaysaa macuumaadka xirirka Jamacadda arrintaas kala sameysay Jaamacadda caalamiga ah. Haddii ay Jaamacadda bixiso kooras ay ayada sameysatay(Locally Developed Course), Wasaaradda wa ay hakinaysaa kooraskaas inta ay khubarada so oggolaanayaan ayagoo u bar bar dhigaaya korosyada noociis ah e Jaamacadaha Caalimiga ka baxa. Online Koros (Online Course) waxa laga rabaa in uu leeyahay Website u gaar ah(Platform) o ay isku arkaan macallinka iyo ardayda(synchronous & Asynchronous) o mujinaaya ardayga marka u login sameeyey iyo marka u ka baxay website ka iyo dhammaan asaynmentiyadii u so dhamaystiray. Waxa la yiraahdo koresbondens(correspondence) lama oggola. Sidoo kale waa in jaamacadda leedahay bayaan ku cad shuruudaha ardayda kaga qalin-jebin karaan iyo buuga lo yaqaano koras kalandar(Course Calendar) so koobayaa dhamaan koorsooyinka brogaraamyada kala duwan . Macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadda markii lo qaybiyo seddex meelood, labo meelood(Two Third)waa in ay haystaan shahaadada Phd. Qaybta seddexaad wa in ay haystaan shahaadada Master ka. Macallimiinta haysata Bachelor ka waxay noqon karaan caawiye(assistant). Macallimiinta wa in ay so gudbiyaan Cinwaanka, emailka iyo telefonka Jaamacadaha ay ka so qaateen shahadooyinkooda Bachelorka, Master ka iyo Phd. Jaamacadahas wa in ay noqdaan kuwa caalamka aqoonsan yahay(Internationally Recognized Universities). Wasaaradda Waxbarashada ayadoo kaashanaysaa u qaybsanaha safaradaha Somalia e arrimaha waxbarashada(Cultural Attaché) waxay xirir la sameynasa Jaamacadahas si xaqiijin(Verification) loogu sameeyo shahaadoyinka. Jaamacadda in ay leedahay Maktabad ,Sheybaar iyo Kombutar Lab ku filan ardayda iyo barnaanij cilmi baaris (Library , Laboratories , Computer Lab and research program ) waa khasab(Mandatory). Wasaarada waxay u kuur gelaysaa tayada iyo faa’idada gaarka ah(the quality and the relevance) e Maktabadda, Sheybaarka iyo barnaamijka cilmi baarista. Sidoo kale ardayda wa inay helaan kutubo anan koobi aheyn o originaal ah.Maxa yeelay wa lagu dhibtoonaya akhrinta buugga koobi ga ah waana sharci darro la isku qabsan karo. Maaliyadda iyo xisaabaadka maamulka lacagta(Finances and Financial Management) e jaamacadda wa in u yahay mid daah furan(transparent).Jaamacadda waa in so gudbiso warbixin xisaab-xir(Audited Financial Statement ) o ah odhit ay sameysay hay’ad madax banaan o muctarif ah. Komeerayaasha waxay u kuur gelayaan qaabka dhakhliga u soo xaroodo(source of income), dhaq-dhaqaaqa akoonka iyo awoodda ama keydka maaliyadeed e jaamacadda haysato si lo xaqiijiyo in jaamacadda isbixin karto. Baarayaasha waxay si gaar ah ugu kuur gelayaan in jaamacadda macallimiinta siiso mushaar ku filan o ay ku shaqeen karaan o an ahayn “dan kugu qabatay e qawda maqashii”.In macallimiinta la siyo mushaar ku filan waxy suutogelinaysaa macallimiinta in ay howshooda ku aadan cashar diyaarinta, cashar bixinta, sixidda iyo qiimeynta imtixaanaadka, brojektiska iyo asaaynmentiyada ardayda iyo cilmi baarista ay si waafi ah u gutaan. Jaamacadda wa in laga helaa natiijadii cilmi baarista ay macallimiinta sameyeen. Si Badqabka iyo Feydhoorka(Health and Safety) ardayda loo ilaaliyo waa in dhismayasha jaamacadda aysan noqon baraakoyin. Baraakada marka qorraxda qabato indhaha iyo araga ardayda ayey wax u dhimaysaa. Sido kale, wa in arday kasta helaa kursi iyo miis u gaar ah. Fasallada gudohooda mariin(passageway) la maro waa in u ka banaan yahay safafka miisaska dhexdooda si loo yareeyo khatarta isbuurashada marka xaalad deg deg ah so kororto. Midda kale, musqualaha jaamacadda tiradooda iyo tayadooda wa in ay yihiin in ku filan baahida ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha. Musqulaha dumarka u gaarka ah waa in ay ka durugsan yihiin kuawa ragga. Musqulaha nadaafaddooda wa in aad loo ilaaliyo lagana helo istijo, saxannada gacmadhaqa iyo biyaha o socda si joogto ah(running water). 7.Jaamacadda wa in leedahay shurudaha ardayda ku so geli karaan Jaamacadda o qoran (Admission Criteria), xeerka xaadirinta iyo maqnaashaha(Attendance Policy) o caddaynaya inta maalmood e Jaamacadda u dul qaadan karto in u ardayga ka maqnaado casharada iyo xeerka qiimeynta heerka waxbarasho e ardayda sida imtixaanaadka, asaaymentiyada (Assessment and Evaluation policy) noqotaa mid dheelitiran. Jaamacadda wa in ay leedahay xeer cadeynaaya waxa laga yeelayo ardaygii teeramka dhamadkiisa ay natiijadiisa adka u xuntahay. Wasaaradda waxay u kuurgelaysaa feelasha ardayda. Arday kasta feelkiisa wa in laga helo arjigii u so qortay iyo diiwan gelintiisa(Signed and dated Application and Registration forms) o saxiian o taariikheysan, dokumentiyada caddaynaaya in u buuxiyey shuruudihii lagu geli karay jaamacadda(Admission Requirements)iyo natiijadiisa waxbarasho o dhan (updated transcript). Qaabka waxbarashada jaamacadda waxa lagu qiimeynayaa sida macallimiinta fasalka u maareeyaan. Kormeerayaasha waxay u kuur gelayaan sida macallinka u gudbinaayo casharada, liiska ardayda fasalka iyo xaadirintii maalinlaha ahaa(Pupil Attendance Records), fahraska kooraska(Course Outline) iyo Cashar diyaarintiisi maalinlaha ahaa(Daily Lesson Plans). Baarayaasha(inspectors) waxa kale o u kuur gelayaan o khasab ah in ay arkaan daftarada ardayda (student notebooks) iyo wixii qiimeyn ah iyo asaymenti ah o taariikheysan iyo buundada ardayda(MarkedTests, Projects, assignments and examinations with student name and date ) o waafaqsan manhajka koroska. Kormeerayaasha waxay waraysi la yeelanayaan ardayda iyo macallinka fasalka gudihiisa. Qore: Abdinur Ali Farah Toronto , Canada Email: a22farah@yahoo.ca