-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi uga digay in ay geystaan weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii oo kale, arrintaas oo ah mid qatarteeda leh. Trump oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa uga hadlay wiilal Soomaali ah oo lagu qabtay gobolka Arizona, kuwaas oo doonayay in ay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee Daacish. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in labada wiil ee la xiray ay ku sii jeedeen gudaha dalka Masar, si ay ugu biiraan kooxdaasi. “Waxaa la xiray Soomaali Qaxooti ah oo doonayay in ay ku biiraan Daacish, baaqeenna ugu weyn waa in aan hurdada ka kacnaa oo aan jebinaa ISIS ama waxaa dhacaya weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii ka dhacay Dalka Mareykana.” ayuu yiri Trump. Sidoo kale Trump ayaa ku amaanay hay’adaha ammaanka ee dalkiisa, sida ay uga hortageen damaca dhalinyaradaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in aan loo dulqaadan karin qaxooti argagixisanimo ku lug leh, islamarkaana ay iska qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Labada wiil ee Soomaalida ah ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mahad Maxamed iyo Cabdi Yamani Xuseen. Mid ka mid ah Wiilashan ayaa lagu eedeeyey inuu doonayay in uu isku qarxiyo aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka. Arrintan ayaa walwal iyo cabsi hor leh ku beertay Soomaalida degan Mareykanka oo horay dhibaato u wajahayey tan iyo markii uu Donald Trump xilka qabtay sanadkii 2017-kii. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidammo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, kuwaasoo la sheegay inay qayb ka noqonayaan hawlgallada ay dowladdu ku doonayso inay kula dagaalanto Al-shabaab. Wasiirka gaashandhigga DF oo ay wehliyaan ku-simaha taliyaha ciidanka xoogga dalka ahna taliye Ku xigeenka ciidanka iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay cutubka ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale, Ciidamadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhaw sanad waxay tababbar ku qaadanayeen gudaha Turkiga, waxaana ay qayb ka yihiin ciidammada sida gaarka ah loo tababaray. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somalia, Jen. Odowaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadan kaga mahad-celiyay qaabka wanaagsan ee tababarka ay u qaateen muddadii ay joogeen Turkiga Dhanka kale, Ku-simaha taliyaha CXDS ahna taliye ku xigeenka CXDS Jen. Cabdi Xasan Maxamed [Xijaal] ayaa dowladda Turkiga kaga mahad-celiyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka xoogga dalka. Wasiirka gaashandhigga Somalia, Xasan Maxamed Cali [Amar-dambe] ayaa isna sheegay n dowlada Somalia ay ku hawlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Dalka Turkiga ayaa wuxuu dadaal badan ku bixinayaa sidii ay Somalia dib cagaheeda ugu istaagi lahayd, waxaana Muqdisho uga furay saldhig ay ku tababaraan ciidamada xooggad Dalka. PUNTLAND POST The post Ciidan Somali ah oo Tababar sare soo Qaatay oo ku soo laabtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo, sannad-guurada 21-aaad ee ka soo wareegtay aas’aaskii dowladda Puntland, ayaa hadda ka socota barxadda weyn ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan,guddoonka labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, xildhibaanno, xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, marti sharaf kale iyo boqollaal dadweyne ah. Halkaan ka daawo munaasabadda PUNTLAND POST The post Toos: Munaasabadda Xuska aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamaan shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelladii uu ka baxay marxuum Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa salaaddiinta dadka ku nool Jubbaland, kaasoo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid uu laf-dhabar u ahaa midnimada iyo nabad kuwada noolashaha shacabka Jubbaland wax badana uu waqtigiisa u huray nabadeynta iyo walaaleynta shacabka Jubbaland. Sidoo kale, Hay’adaha Amniga Jubbanad ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe faray in jawaab deg-deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay kusoo dhigaan gacana kuwii falkan ka dambeeyay. “Waxaan hay’adaha amniga farayaa inay jawaab dhaqso badan ka bixiyaan dilka suldaanka, waxaana laga doonayaa laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii falkaas ka dambeeyay, si cadaaladda loo hor-keeno,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Nabaddoonkan ayaa waxaa xalay lagu dilay bartamaha magaalada Kismaayo waxaana dilkiisa uu dhacay xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas laba wiil oo la socday, kuwaasoo lagu daweynayo hadda Isbitaalka magaalada Kismaayo. Dhanka kale, Marka laga soo tago hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Sudaan Rashiid Dhurre, balse waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay Kooxda Al-shabaab. Ugu dambeyn, Dilka Suldaankan oo hoggaaminayay beesha Gaaljecel ayaa waxaa wuxuu dilkiisa kusoo beegmayaa xilli la filayo inay bishan gudaheeda ka dhacdo Kismaayo doorashada madaxweynaha maamulkaas, iyadoo inta aysan doorashadaas dhicin lasoo dooran doono xildhibaannada maamulka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay dilka Sudaan xalay lagu dilay Xarunta Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda, Ibrahim Mahad-Alle ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta waaxda saddexaad ee Oktoobar Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey. Ibraahim Dheere ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Duqa Muqdisho, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Ugu dambeyn, Xafladda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Ibraahim Dheere ku weheliyey Ku-xigeenkiisa Howlaha Guud, Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo mas’uuliyiinta degmada Waaberi. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray dhisme maamul oo dib loo dayac-tiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday degmooyinka loo dhameystirayo adeegyada aas-aasiga ah. Ibraahim Cumar Mahad-alle oo tilmaamay in ay wadaan mashaariicyo kala duan ayaa xusay in ay isugu jira dhinacyadda Waxbarashadda iyo Caafimaadka oo muhiim u ah muwaadiniinta. Ku simaha duqa caasimadda Soomaaliya oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay magaaladda Muqdisho ayaa shacabka ku booriyey in ay kala shaqeeya ciidamada sugida amniga. Ugu dambeyntii, Mr Mahad-alle oo ku nuux-nuux saday in ay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha dadweynaha ayaa tilmaamay in cashuurta laga qaado shacabka aysan ku dhicin jeebabka cid gaar ah. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre. Marxuumka oo kamid ahaa Saladiinta Jubbaland ayay dabley ku dishay magaaladda Kismaayo, fiidnimadii Talaadadda isaga oo kasoo baxay Masjid. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolanshaha Shacabka ree Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada. Hogaamiyaha dowlad goboleedkaasi ayaa falkaasi wuxuu ku eedeeyay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Hay’adaha amaanka ayuu faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falkan. Dhinaca kale, ciidamada ayaa tan iyo xalay waxay xarunta gobolka Jubadda Hoose ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda, wallow aanan hadii dad lagu soo qabqabtay dhaqdhaqaaqyadaasi. Dilka oday dhaqameedkaasi ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo degaanadda Jubbaland gaar ahaan magaaladda caasimada ku meel gaarka ah ee Kismaayo laga dareemayo diyaar-garowga doorashadda oo loo muddeeyay 24-ka bisha August. View the full article
-
Garowe (SMN) – Xuska 1-da August oo ah Maalintii la asaasay Maamulka Puntland ayaa Todobaadyadii ugu Danbeeyay Diyaargarow geeda laga dareemayey Deegaanada Maamulka. Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku sugan Magaalada Garoowe waxaa ayna Maanta ilaa caawa ka qaybgali doonaan Munaasabado waaweyn oo lagu maamusayo Maalintan oo qiimo Weyn uleh Shacbiga iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland. Magaalada Garoowe Barxad ay caan ku tahay ayaa qorshuhu yahay Maanta in lagu sameeyo Bandhig iyo Fantastiyo kala duwan. Cutubyo kala duwan oo Ciidamada katirsan ayaa dhoolatus ku samayn doona madaxda iyo shacabka hortooda sidoo kale ardeyda iyo shaqaalaha dowladda ayaa iyaguna soo bandhigi doona doorkooda maalintan. Dhalinyaro kala duwan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Baraha bulshada kusoo bandhigayey Sawiro muujinaya sida ay ugu weyn tahay 1-da August 1998-dii oo ah markii la unkay Puntland Maamulka Puntland oo iminka jirsaday 21sano ayaa waxaa soomaray 6-lix Madaxweyne oo uu ku jiro Saciid Cabdulaahi Deni kuwaaso lagu doortay nidaam barlamaani ah mana jirin madaxweyne hirig galiyey wareejinta xilka. Deegaanada maamulkasi uu ka arimiyo ayaa ka kooban Bari, Nugaal iyo qaybo kamid ah Gobolada Mudug Sool iyo Sanaag Inkastoo Sool iyo Sanaag ay kuwada muransan yihiin Somaliland iyo Puntland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Kenya, Lucas Tumbo. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee deriska ah. Sidoo kale waxay isla soo qaadeen adkeynta xiriirka xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog. Is-aragan ayaa kusoo aadaya iyadda oo xiisad dhanka badda ah ay u dhaxeyso Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo mad-madow gelisay cilaaqaadka dowladahan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-010819.mp3 View the full article
-
Thirteen Kenyan seafarers who were held captive in Somalia after their employer terminated their contract returned home on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay dowladda Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, ayaa saaka oo Khamiis ah looga dabbaal-degaya guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland. Xuska ugu weyn ee munaasabadda sannad-guurada 1-da Agoosto, ayaa saaka ka dhacaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana goob kasta ku sharraxan calanka iyo astaanta dowladda Puntland, halka dadka qaarkoodna ay ku lebbisan yihiin dhar ka samaysan calanka. Sameecado iyo cod-baahiyaal gaadiid saaran oo ay ka shidan yihiin heeso Waddaniya, ayaa sidoo kale laga maqlaya gudaha caasimadda Garoowe, waxaana xaddidan goobaha ganacsiga oo badankoodu xiran yihiin. Waxaa kale oo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada, oo ay sugayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Amniga, iyadoo dhammaan la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, islamarkaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha caasimadda. Boqollaal shacab ah oo ku qaarkood ku lebbisan yihiin dhar ka tolan calanka, halka qaar kalena ay sitaan calanka, ayaa hadda ku diyaarsan barxadda weyn ee Garoowe oo uu goor dhow ka dhici doono dabbaal-dega xuska 1-Agoosto. Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka culus, ayaa soo bandhigi doona dhoola-tos ciidan oo ay ku muujinayaan cududooda. PUNTLAND POST The post Puntland: Maalinta Weyn ee 1-d Agoosto oo loo dabbaal-degayo appeared first on Puntland Post.
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Aabaha dhalay Gabadhii Indhoolaha aheyd ee lagu eedeeyay in ay isku qarxisay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Sida ay ilo-wareedyo la socday dhacdadan u sheegeen Caasimada Online, aabaha dhalay Gabadhaan lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed, ayaa booliska ay waydiiyeen su’aalo ku saabsan Xogta gabadhiisa iyo waxa uu kala socdo in ay ka tirsaneed Al-Shabaab. Aabaha dhalay Gabadha ayaa Booliiska u sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay uusan waxba kala socon Xaaladda Gabadhiisa islamarkaana magaca Basiiro aan la dhihin oo ay magac kale ay u yaqaanaan waalidkeeda. “Gabadhayda waxaa iigu dambeysay dhowr sano ka hor mana ka warqabo Xaaladeeda, midda kale aniga Gabadhayda magaceeda waa Maryama Cabdi Maxamed mana la dhaho Basiiro” ayuu yiri Aabaha dhalay Gabadha la sheegay in ay isku qarxisay Xarunta Gobalka Banaadir, sida ay noo sheegeen dad goobjoog u ahaa kulanka. “Yaan waxba layga weydiinin arrinta gabadhayda waayo markii aad qorateen iima sheegin, aniga idin makeenin, markii aad magaca ka badalateynna igalama tashan” ayuu yiri Aabaha dhalay Gabadha Aragga naafadaha ka ah ee lagu eedeeyay in ay isku qarxisay Xarunta Gobalka Banaadir. Wali waxaa socda baaritaanka ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku aadan Kiiska Qaraxii 24kii bishaan ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 10 qof waxaana ku dhaawacmay 10 kale oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Ilaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin karo in Basiira ay ahayd xaqiiqdii qofka isku qarxiyey xarunta gobolka, waxaana suurta-gal ah inay qeyb ka ahayd dhibanayaasha. Waxaa jirta gabar kale oo la socotay oo la tuhunsan yahay, oo iyana aan la hayn, islamarkaana baxsatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Cuban President Miguel Diaz-Canel met on Wednesday in the city of Santa Clara with the family of Dr. Landy Rodriguez, one of two doctors kidnapped in Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi, Kenya - Normalcy has returned to the 14 Riverside Drive complex, the scene of a bloody attack at the beginning of the year as high-end hotel DusitD2 reopened its doors to customers after seven months. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Mogadishu Clan ayaa la filayaa in kulan weyn ay maanta ku yeeshaan hotel-ka H ee magaalada Muqdisho, sida ay xubno ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiinta, xildhibaanada, aqoonyahanada, odayaasha iyo waxgaradka kale ee beesha, waxaana uu ka kooban yahay laba ujeedo. Ujeedada koowaad ah ayaa ah in loogu duceeyo mas’uuliyiintii gobolka Banaadir ee ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka, halka ujeedada labaad ee kulanka ay tahay ka hadalka aayaha gobolka. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya ergo ku dhow 250 qof oo lagu casuumay. Beelaha Mogadishu Clan ayaa sare u qaadaya dadaalka ay ugu jiraan in gobolka Banaadir uu helo maamul ay dadka soo doortaan oo aan loo soo magacaabin, taasi oo ah hadafkooda koowaad ee ka hor doorashada dalka ka dhaceysa 2020. Waxgaradka beelaha ayaa isku raacay inaan marnaba la aqbali karin nidaamka hadda ay wax ku socdaan, islamarkaana ay joogaan marxalad ay tahay in gobolka uu helo maamul shacabka matala ama in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay taas ku xaqiijin karaan. Beelaha Mogadishu Clan ayaa waxaa ka go’an in haddii aysan dowladda federaalka aqbalin in gobolka Banaadir uu helo maamul shacabka ay soo doortaan iyo maqam sax ah, inay qaadacaan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020, islamarkaana ku dhowaaqaan maamul gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay sabaihii keenay in todobadyo ka hor uu ka baaqsado safar la qorsheeyay in uu ku tago Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa ee Madaxweynaha Jubbaland. Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aadi taanka Magalada Kismaayo ay tahay mid qasab ah oo shaki geli Karin, isla markaana aysan jiri Karin cid ka hor-istaageyso. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Magaalada Kismaayo ka aheyn qof ajnabi ah oo uu ku yaalla gurigiisa,waxaana uu sheegay inaysan jirin colaad kala dhaxeysa dadka Magalada Kismaayo, hayeeshee uu ku jiro abaabul iyo olole ku aadan musharaxnimadiisa Madaxweynaha Jubbaland. Dhawaan ayaa War kasoo baxay Mamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in deegaannada Maamulkas uusan tegi Karin qof xil ka haaya Doowladda Soomaaliya,waxaana Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) uu ka mid yahay Golaha Wasiirada Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka wasiirka Oomaar https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Cod-Wasiir-Oomaar.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaasoo ahaa Suldaankii Beesha Samaale, ayaa xalay ugu geeriyooday magaalada Kismaayo dhaawac kasoo gaaray kadib markii qof hubeysan uu halkaas ku toogtay. Geerida Suldaanka waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka, isagoo mas’uuliyada dilkaasna dusha u saariyay maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe. Rag hubeysan ayaa marxuumka waxa ay ku toogatay Isgoyska Caasha Deerow ee xaafadda Dalacaadda, xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaadii maqrib. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow waxa uu sheegay in hubka loo adeegsaday dilka Suldaanka uu ahaa qori AK47 ah, isagoo tilmaamay in Shabaab ku dhiiran karin iney qori ku dhex sitaan Kismaayo, iyadoo rasaasta lagu toogtay marxuumka ay Saddex qof oo kale dhaawacyo ku noqdeen. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in marxuumka uu u geeiryooday arrimaha doorashooyinka ee ka jira magaalada Kismaayo, wuxuuna dowladda ka dalbaday iney baaritaano dhaba ku sameyso qaabka dilka uu u dhacay. Geerida Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure),ayuu tilmaamay inaan la isaga hari doonin, isagoo ku sifeeyay marxuumka ruux noloshiisa ku soo qaatay isu keenida dadka Jubaland, balse Caawa dad Cadaw ah ay dileen. Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan C/qaadir Muudey ayaa si dareen leh kaga hadlay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, kaasoo galaaftay nolosha dad masuuliyiin ahaa, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Xasan C/qaadir Muudey ayaa sheegay in wax aan yaraan uu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kalena aan la aqbali karin in lagu dhibaateeyo masuuliyiintii ugu sareysay, ee adeegga u haayay shacabka. “Waxaan meesha ka dhacay wax sahlan maaha, waa wax taabtay dareenka umadda Soomaaliyeed oo dhan. Wax caqliga fiyow aqbali karana maaha in si sahlan lagu beegsado Dowladda Hoose, laguna dhibaateeyo masuuliyiintii ugu sareysay.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey. Xasan C/qaadir Muudey oo su’aalo badan ka keenay qaraxaasi ayaa yiri “Yaa bamka qarxiyay? Yaase geliyay oo dhaafiyay Scankii yaalay Xarunta Gobalka? Kuwii dilay iyo kuwii dagay Dowladda Hoose ee Xamar mala hayaa? Mala waayay kuwii Shabaabka la shirkada ahaa? Gudoomiye Yariisow yuu dhaawiciisu u jiifaa? Maxaa cusleeyay natiijada baaritaanka in la soo bandhigi waayo? Ma mudnaa Duqii Magaalada Muqdisho in uu cadaalad xaqiiqsan waayo, tan iyo markii uu dhaawacu gaaray iyo dhammaan intii kale ay waxyeeladu gaartay?” Xasan C/qaadir Muudey, La taliyaha qaybta Warbaahinta ee Maamulka Hirshabelle ayaa xusay in xilligan la bartilmaameydsaday Xarunta Dowladda Hoose Xamar, berrina ay dhici karto in la beegsado Villa Somalia, haddii aan si dhow loo eegin waxa ka dhacay halkaasi. “Maanta waxaa la qarxiyay waa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo loogu adeeggo saddexda malyan ee ku nool Magaalada Muqdisho, berrina waxaa la beegsan karaa Aqalka Villa Somalia oo umadda Soomaaliyeed loogu adeeggo. Waa haddii Madaxda Qarankeena ay sidaan ku aamusnaadaan.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey. Xasan C/qaadir oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ka dhawaajiyay in Madaxda Qaranka uu xusuusinayo in dadka Soomaaliyeed ay ka dhawrayaan inay bannaanka keenaan ciddii ka masuulka ahayd dhibaatadaasi dhacday. “Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa inay dadka oo dhan ka dhur-sugayan natiijo lagu qanci karo, oo laga soo saaro baaritaanada ay laamaha ammaanka ku hayaan falkaasi foosha xun. Marka waxaan rabnaa inay si dhab ah u qaataan in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin.” Ayuu yiri Ina Muudey. Ina Muudey waxa uu intaasi ku daray “Aniga iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan aragno masuuliyiintii meeshaasi lagu dhibaateeyay oo cadaalad helo, Madaxda Qarankana ay ka shaqeeyan sidii dadkaasi ay cadaaladda ku heli lahaayeen.” Si kastaba ha-ahaatee weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa weji gabax ku noqday laamaha ammaanka iyo Dowladda Somaliya, waxaana looga fadhiyaa inaanay meesha uga harin waxa dhacay, isla-markaana ay dadka la wadaagaan natiijada baaritaankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Abal (Caadimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in la gubayo saldhigyo dhowr ah oo kooxda Al-Shabaab ay lahayd. Saldhigyada la gubay ayaa ku yaalla deegaanka Moodamoode oo ku dhow deegaanka Aba lee gobolkaas.. Saldhigyadan ayaa lagu gubay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mukhtaar Roobow oo ay wehliyaan kuwa qalabka sida ee Soomaaliya, sida ay Caasimada Online ku heshay xog gaar ah. Caasimada Online ayaa sidoo kale heshay sawirro muujinaya dhacdadan. Ciidamada Roobow ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin horleh oo hoos yimaada degaanka Abal oo muddo ay ku sugnaayeen. Aadan Cabdi Abaarey oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Xudur oo howlgalkan hoggaaminayey ayaa sheegey in howl-gallo ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan degaano dhowr ah oo ka tirsan Bokool.