-
Content Count
213,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta si adag uga hadlay cabasho ka soo yeertay qoysas ay dagaalada kaga geeriyooden askar ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya, oo ka cabanayey in muddo bilo ah aysan helin wax mushahar ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cabashada ka soo yeertay qoysaskaasi ay dagaalada kaga dhinteen wiilashoodii oo naftooda u huray badbaadinta umada, isla markaana baaq culus u direy Mas’uuliyiinta dowlada. Cabdiraxmaan ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Ummad waliba waxaa lagu qiimeeyaa sida ay u sharfto una karaameeyso halyeeyada naftood u huraya ilaalinta Diinta, Dalka iyo sharafta Dadka. Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha furumaha dagaalka ku jira oo naftooda huraya, qaraxa iyo xabbadda cadawga isku dhigaya si ay inta kale u badbaadiyaan, soo gurmada xilliga uu xaalku halis yahay, qorraxda, dhaxanta, iyo dabaysha tagaan, iyagoo calooshoodu maran tahay, carruurtooduna qadeyso. Haddii aan halyeeyadaa xaqooda la gudin intii ay noolaayeen, suuragal maaha in carruurtooda agoonta ahna la dayaco. Waxaan madaxda qaranka ugu baqayaa in ay degdeg wax uga qabtaan cabashadda qoysaskan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dagaal xoog leh ayaa caawa ka socda deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose. Al-Shabaab ayaa goor dhaw weerar aad u xoogan waxa ay ku qaadeen deegaanka Bariire, hayeeshee ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaas ayaa durba guulo ka sheegtay dagaalka oo hadda wali socda. Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka dileen in ka badan 20 dagaalame, hadana ay ciidamada dowladdu ku gacan sareeyaan dagaalka. Waxuu sheegay Taliyuhu in Shabaab-ka weerarka kusoo qaaday ay doonayeen inay gudaha u galaan deegaanka Bariire, balse ay ka dul dhaceen ciidamada dowladda duleedka deegaanka difaac uga jiray. Waa markii labaad oo middo Todoba maalmood gudahood ah ay ay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ay guulo ka sheegtaan weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab. Wixii kasoo kordha dagaalka Bariire kala soco Caasimada Online: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) ayaa si adag uga horyimid magacaabistii guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah ee uu sameeyey madaxweyne Deni. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa cuskadey qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, kuwaaas oo kala ah qodobada 80, 5, 81, 2, iyo lifaaqa dastuurka, waxaan uu sharci darro ku tilmaamey magacaabista guddiga. Ugu horeyn wuxuu sheegay in aan Madaxweynaha Puntland kala tashan magacaabista guddiga sida ku cad xeerka ayuu yiri, sidaas darteed maadaama aanu wax wadatashi ah igala sameyn waxa magacaabistaasi ka hor imaaneysa dastuurka, ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan. Axmed Karaash ayaa sheegay in magacaabista guddigan ay ka imaaneyso lifaaqa kowaad ee Dastuurka oo tilmaamaya tirada xubnaha iyo sida loo soo kala magacaabayo, taasooo caddeyneysa inaanu xaq u lahayn Madaxweynaha keligiis magacaabista 9 xubnood. Axmed Karaash ayaa qoraalkiisa ku soo geba-gebeeyey in xeerka Madaxweynuhu ku magacaabey yahy waxba kama jiraan khilaafsan dastuurka Puntland iyo lifaaqa kowaad. Guddiga doorashada kumeel gaarka ah ayaa ka kooban 9 xubnood afar kamid ah waxaa soo magacaaba Baarlamaanka halka shanta xubnood oo kale uu soo magacaabo Madaxweynuhu maalintii Sabtida ayaa Madaxweynhu ku dhawaaqey shantiisi xubnood. Muddo dheer waxaa soo baxaayey warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhexeeya labada masuul kaas oo ku saabsan shaqada iyo kala lahaanshaheeda. Dhibaatada u weyn ayaa ah in labadoodu aan isku tigidh lagu dooran ee midkastaa goonidisa u tartamey, watey halku-dhigiisa iyo barnaamijkiisa, sidoo kale saldhigyada ay ka soo kala jeedaan ayaa saameyn ku yeesha wada shaqeyntooda. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu qaar kamid ah xubnaha guddiga uu diidan yahay oo doonaayey in la magacaabo xubno kale. Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorshooyinka waxay u baahan yihiin in Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyo, waxaana hubaal ah in Madaxweynaha Puntland u baahan yahay taageerada baarlamaanka.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa gebi ahaanba qaaddacay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo lagu socod-siiyay Golaha Wakiilada Puntland islamarkaana la ogaysiiyay Xeer Ilaaliyaha guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa madaxweyne ku xigeenku ku qaadday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland oo sida qoraalka lagu sheegay aan lagala tashan. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland maadaama sida uu sheegay ay baalmarsantahay Dastuurka Puntland oo dhigaya in madaxweyne ku xigeenka lagala tashado. Hoos ka akhriso qoraalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaaddacay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa banaanka soo dhigeysa in saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya ay magaalada Kismaayo kulan qarsoodi ah kula qaateen, qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland. Saraakiisha ka socotay Sirdoonka dowladda Kenya ayaa la sheegay inay musharaxiintaas hor dhigeen dalab ay wateen oo ahaay inay taageeraan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe, oo lagu xagliyo inuu taageero wayn ka heysto dowladda Kenya. Mas’uuliyiin ku sugan magaalada Kismaayo oo naga codsatay inaanaa Warbaahinta u adeegsan magacooda ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulankaas ay saraakiisha kenyaanka ah la qaateen musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdinaasir Seeraar oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Axmed Madoobe aadna ugu dhaw madaxda federaalka iyo musharax Madaxweyne Cabdi Cali Raage. Saraakiisha ka socotay Sirdoonka Kenya ayaa musharaxiintaas ugu hanjabay in haddi aysan taageerin Axmed Madoobe ay Kenya kusoo rogi doonto xayiraad dhaqaale iyo mid socdaalba, waxaana xusid mudan in musharaxiinta loo hanjabay ay yihiin kuwii lagu xaglinayey inay taageerayaan madaxda dowladda dhexe. Doorashada Jubbaland ayaa wajahaysa loolan aad u xoogan oo ay ka dhex muuqdaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu cad-cadyihiin Kenya iyo Itoobiya oo iyagu kaleh dano kala duwan. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay aad u saluugsantahay habka uu guddiga doorashada Jubbaland u wado howlaha doorashada, hadii aan wax laga badalina ay Jubbaland ku qeynayso taageeradooda. Dhinaca kale madaxda dowladda dhexe oo iyagu aan tagi karin magaalada Kismaayo, ayaa ku goodiyay in aysan aqbali doonin natiija kasta oo kasoo baxda howsha ka socota Kismaayo. Dowladda dhexe ayaa sheegtay in qorsha uga degsan doorashada Kismaayo uu yahay in marka hore ay Kismaayo ku qabato shir dib u heshiisiin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay garoonka Cisero Stadium ee magaalada smara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelay kulamadoodii 2-aad ee ciyaaraha 15jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee (Ceacfa Under 15). Kulankan labada dal dhexmaray ayaa qeybta 1-aad lagu kala maray barbaro 1-1,balse xidigaha xulkeena Soomaaliya ee da’yarta 15 Jirada ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan weerar iyo farsamo. Markii leysku soo laabtay dheesha labada xul ayaa sameeyay fursado badan oo goolal,balse dhallinyarada 15 Jirada Burundi ayaa helay fursad gool ah waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku qaateen xulka da’yarta Burundi. “Nasiibka ayaa naga heeliyay waxaan soo bandhignay ciyaar aad u wanaagsan,balse qadarta Alle ayaa aheyd in aan guul daraysano raali hanaga noqdaan taageerayaasheen dalkeena kulamada xiga ayaan ku da’daalaynaa in aan badino” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtanka xulka 15 Jirada Soomaaliya. Ciyaaraha U Haray Xulkeena 15 Jirada Somalia vs sudan (Khamiis) –22-08-2019 Somali vs Eritrea (Sabti) –24-08-2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goor dhaw safar deg deg ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Safarka Wasiir Islow, oo aan faahfaahin laga bixin waxa uu ka saabsanyahay, ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiirka amniga ay hoggaankii hore ee Ahlusunna si deg deg ah uga dalbadeen in uu ku soo gaaro magaalada Dhuusamareeb, waxuuna dalabka Ahlusunna ee Wasiirka uu salka ku hayaa khilaaf xoog leh oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada. Dagaalkaas ayaa dhex maray ciidamada Booliiska Dhuusamareeb oo wali ka amar qaata Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud iyo ciidamo Nabad Sugid ah oo loo xil saaray sugidda amaanka goobta lagu qabanayo shirka, waxaana amarka loogu xilsaatray uu kasoo baxay wasaaradda amniga. Ciidamada Nabad Sugidda ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa si toos ah uga amar qaata wasaaradda amniga gudaha, waana arinta la rumaysanyahay inay ka careysanyihiin hoggaanka Ahlusunna. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir uu maanta kulan isugu yeeray saraakiisha ay ka amar qaataan ciidanka Nabad Sugidda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, isla markaana uu ka dalbaday inay gacanta usoo galiyaan Askartii Nabad Sugidda ee xalay hor istaagay dagaalkana la galay ciidanka Booliiska Dhuusamareeb. Saraakiisha ayaa la sheegay inay ku gacan sayreen dalabka Sheikh shaakir ee ahaay inay soo qabtaan Askartii ay iska caabinta kala kulmeen Booliiska Dhuusamareeb oo Sheikh Shaakir uu doonayey inay la wareegaan gacan ku heynta hoolka loo diyaariyay in la iskugu keeno Ergada ka qeyb galaysa Shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb. Sheikh Shaakir oo ka carooday amar diidada uu kala kulmay saraakiisha Nabad Sugidda Dhuusamareeb ayaa xogta ay heshay Caasimada Online waxa ay sheegeysaa inuu ka dalbaday Wasiirka amniga in si dhaqsi ah ku soo gaaro Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey ra’iisul wasaraaha dalkaas, Abdoulkader Kamil Mohamed. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa safarka Madaxweyne Farmaajo ku sheegtay in uu qaadan doono labo maalmood, lana kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti qaaday. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, safarka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah loolan siyaasadeed oo u dhaxeyaa laba isbahaysi oo kala ah dalalka Geeska Afrika oo dhinac ah iyo kuwa Bariga Afrika ee la baxay ururka East African Community. Ururka East African Community waxaa xubno ka ah Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda. Farmaajo ayaa isku dayaya inuu Jabuuti kusoo biiriyo isbahaysiga ay horey u sameysteen Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaan dadaalkan qeyb ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Haddii Jabuuti kusoo biirto isbahaysigan, waxay afarta dal doonayaan inay kaalin xooggan ku yeeshan dhaqaalaha bartamaha Afrika, ayaga oo ka faa’iideysanaya dekedaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eritrea. Hase yeeshee, waxa ugu muhiimsan ee hadda taagan, ayaa ah loolanka loogu jiro kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM, oo ay isku hayaan dalalka Kenya iyo Jabuuti, kaasi oo loo tartamayo 21-ka bishan. Dalalka Geeska Afrika ayaa doonaya in kursigan ay hesho Jabuuti, waxaana dadaalka Farmaajo qeyb ka ah in Jabuuti lagu dhaadhiciyo inay isbahaysiga kusoo biirto, ayada oo taa beddelkeedna ay dalalkan taageeri doonaan dadaalka ay ugu jirto kursigan, si gaar ahna Itoobiya oo saameyn xooggan leh. Soomaaliya ayaa dhinaca kale dan kale oo gaar ah ku qabta in kursigan ay hesho Jabuuti, ayada oo haddii ay Kenya hesho uga faa’iideysan karta loolanka dhinaca badda ee ka dhaxeeya, ayada oo Kenya ay isku dayeyso inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
Laamaha ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku soo bandhigay maandooriyaha Khamriga iyo dadkii ka ganacsan jirey oo ka koobnaa rag & dumar. Taliska ciidanka booliska gobolka Bari ayaa khamridaan iyo dadkii iibinayey waxa ay horkeeneen maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari si ay xukun ugu riddo. Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed taliyaha qaybta booliska oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in Magalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh. Abuukar Nuur Jaamac guddoomiyaha maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari ayaa waxa uu ku dhawaaqay in Khamrida dadkii watey ay xukumo adag ku rideen lana gubey Khamrigii iyo wershedihii lagu farsamayn jirey SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Taliska ciidanka Puntland oo Boosaaso ku soo bandhigay Khamri iyo dad ka ganacsan jirey. appeared first on Puntland Post.
-
pSomaliland: President Muse Bihi And Delegation Meet With Diaspora Community In Saudi Arabia The Somaliland delegation led by President Muse Bihi Abdi have met with community members in Jeddah. In a well organized reception attended by both the Somaliland diaspora and local Saudi businessmen and politicians, President Muse Bihi’s delegation thanked the support of the community and expressed satisfaction with their continued efforts to maintain the strong ties between the two countries. The President who fullfilled one of the main pillars of Islam was accompanied on the pilgrimage by his elderly mother. In pictures and posts on the social media, the President was seen escorting and aiding his mother during the pilgrimage, not as a Head of a State, but as a son performing his duties. The delegation which had just completed the annual Hajj pilgrimage are expected to meet with other senior Saudi Arabian officials before returning home to Somaliland. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magacyada iyo qabiiladii ay ka dhasheen labadii nin ee isku qarxisay xerada Ciidamada dowladda ee Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose. Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee Andalus ayaa laga baahiyay wareysiyo laga qaaday labadan nin oo ka hadlaayay Ismiidaaminta ay fulin doonaan iyaga oo sheegay inay doonayaan sida ay hadalka u dhigeen dhiigooda shacabka inay ku badbaadiyaan. Muxamed Deeq Ibraahim Aadam oo ahaay ninkii kaxeynaayay gaarigii koowaad ee isku qarxiyay Xerada Awdheegle ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inuu u dhashay qabiilka Dir Gaadsan. Nuur Ibraahim Xasan Gaabow oo isagana ahaay ruuxii labaad ee kaxeynaayay gaariga kale wuxuu u dhashay qabiilka Jilible ee dega Gobolka Bakool, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab. Labadan nin oo dhalinyaro ahaay ayaa ka tirsanaay Kooxda isqarxinta Shabaab, kuwaasi oo ugu dambeyn naftooda ku waayay qaraxyadaasi ay fuliyeen. Al-Shabaab ayaa waxaa u buuxa dhalinyaro badan oo ku qoran maktabka nooca loo yaqaan Isqarxinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed oo u fariisatay dhageysiga kiiska rag dilal kaladuwan ku eedeysnaa kadib racfaan ay ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 60-aad. Dable NISA C/raxmaan Cali Xasan (Sugow) oo 40-jir ah ayaa ka soo hormuuqday goobta uu fadhiga maxkamdda Sarre ee ciidamada ee ku qaadeysay dacwadaha,iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Qareeno difaacayey eedeysanayaashii la horkeenay maxkamadda. Racfaanle D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan (Sugow) oo loo heystay dilka marxuum Max”ed Xasan Max’ed ayaa horay xukun dil ah ku sooridday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad. Xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa horkeentay maxkamdda caddeeymo dheeri ah,qiraal muujinayo in uu galay dembiilaha kiiskii lagu soo ooga,iyo sidoo kale marqaatiyaashii ku maragfurayey eedeysanaha dhammaan waxa ay k hor caddeeyeen in racfaanle C/raxmaan Cali Xasan(Sugow) uu galay dembigaasi. Intaas kadib Maxakamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ayaa ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1aad Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad horay ugu xukuntay Dable NISA C/raxmaan Cali Xasan(Sugow) oo ahaa dil toogasho ah,islamarkaana ah qisaasta Marxuum Maxed Xasan Max’ed Weeydhaan. Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale u fariisatey dacwadda racfaaanle Dable Darwiish Xuseen Cali Macalin Iimaan Gureeyoo,23jir ah iyo racfaanle Dable Xoogga C/waaxid Cali Sheekh Aadan 23jir ah kuwaasoo ku eedeysnaa dilka marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan kaasoo ka dhacay beer ku taala duleedka magaalada Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Daraasad dhawaan lagu lafo guray Xaaladaha dhalinyarada JSL ayaa waxaa ka soo baxday in Somaliland dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 30 jirka lagu qiyaasay 65%. Ardeyda dhigata dhamaan dugsiyada Somaliland ayaa gaadhay 1 million oo arday oo kala dhigta dugsiyada Somaliland oo kor u dhaafay 1310 dugsi kuwaas oo isugu jira Dugsiyada Hoose oo dhan 700 dugsi,kuwa Dhexe oo gaadhaya 470 dugsi iyo kuwa Sare oo gaadhay 140 dugsi. Ardeyda dhigata 36– ka Jaamacadood ee Somaliland waxay iyana gaadhayaan Ilaaa iyo 50 kun oo ardey, waxaana sanadkii dhamaaday ee 2018 ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka ilaa 8 kun oo Arday kuwaas oo dhamaan ardeydaasi aanu ceelna uqodneyn cidina umaqneyn oo aan qorshe qaran loo samayn. Daraasad kale oo dhawaan iyana lagu sameeyey tiro koobka guud ee dhalinyarada reer Somaliland ee sanad kasta waxbarashada dhameysa ayaa iyana lagu xaqiijiyey in ardeyda sanadkan 2019 dugsiyada sare ka baxaday ay gaadheen 11 kun oo arday marka lagu daro ardeyda ka baxday dugsiyada gaarka loo leeyahay. halka kuwa ka baxay fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ay iyana gaadheen sandkan 21 kun oo arday marka iyana lagu daro ardayda ka baxday dugsiyada gaarka ah. Waxa Daraasadu hoosta ka xariiqday in aan dhalinyarada waxqabadkooda la dhayalsan Karin maadaama ay yihiin dhalinyarada JSL majooratiga quwada shacabweynaha reer Somaliland. Daraasadu waxay xustay in tiradaa ardeyda qalin jebisay ee sii badanaysa sanadba sanadka ka danbeeya iyo qorshe la’aanta Xukuumada maanta jirtaa ay yihiin kaaf iyo kala dheeri waxaanay dhalinyardaa tirada badan ee sanad kasta soo baxaysaa ay u baahan yihiin qorshe qaran oo deg deg ah. Waana in Xukuumadu ka shaqeysiisaa Qorshihii higsiga dhalinyarada ee shanta sanadood lagu sar gooyey kaas oo ahaa qorshihii waxbarashada iyo waxqabadka dhalinyarada JSL ee ( 2017- 2021 ESSP ) Waxaa waxgaradku isku wada raaceen in Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye ay ku fashilmeen qorshe yaasha waxqabadka dhalinyarada qalin jebisa, taas oo hada ay shacabka u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku sii fashilantey Xukuumada maanta jirtaa markay ku soo koobtey oo keliya qorshihii dhalinyarada mashruuca shaqo qaran kaas si fiican loo bilaabay biloowgiisii laakiin musuq maasuq, mad-madow fara badan iyo niyad jab ku dhamaaday markii shaqooyinkii 400 ahaa ee soo baxay 100 ka mid ah daaha dabadiisa lagu qortay. Waxay arintani dhalinyaradii JSL ku riday niyad jab hor leh oo u cadeysay in aanay marna Merit iyo aqoontooda waxba ku heleyn inta ay dalka ka jiraan musuqa iyo abaal celinta malaasani. – Waxay Xukuumadani tahli weyday in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa qorsheyaasha dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuwaas oo loo baahnaa in ay ku saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 5 years strategies. Mar hadii ay ka gaabisay xukuumadu howlgelintii qorashaha ee labadii sanadood ee la soo dhaafay ay dhalinyaradu ku laheyd qorshahan ( National Development Plan 2017- 2021 ESSP). Maxaa maanta la gudboon Xukuumadda ? Maxaase laga filan karaa sanadka soo socda, gaar ahaan Wasaaradda u qaabilsan horumarinta dhalinyarada ? GUNAANAD: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay dhalinyarada si deg deg ah ugu sameyso istiraatiijiyad ku saleysan toban qodob ( 10 Point Plan ) si dhalinyarada loogu jiheeyo tubta toosan, wadaninimo, shaqo abuur iyo abaabulka ciyaaraha kala duwan oo si joogto ah loo abaabulo si ay dhalinyaradu balwada u yareeyaan oo u shaqo tagaan. Allaa Mahad Leh-Wa Billaahi Towfiiq. Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Nin xalay toorey ku dilay qof shacab ah, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka booliska Somaliland. Jeneraal Cabdiraxmaan Fooxle, Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen Ninkaasi oo baxsanayey kadib markuu dilka ka geystay gudaha magaalada Hargeysa. Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay siduu dilkaasi u dhacay iyo siday ugu suuro-gashay ciidamada qabashada gacan ku dhiiglahaasi. “Xalay waxa uu dil ka dhacay xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa uu dilay marxuum Yuusuf Cali Wayd Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro”. “Waxaana lagu dilay marxuumka Toorey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay. Ciidanka Boolisku waxaa uu gallay hawlgal adag si gacan ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo isticmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii habeenimo”. Wuxuuna intaas kusii daray Taliyuhu “Waxana lagu qabtay galbeedka magaalada Hargeysa gaar ahaan warshada masaabiirta iyo kaalinta indho birta agteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu gacan ku dhiiglahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaalaya xeelado kala duwan, waana ku hambalyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhiiglaha”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab kulul ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah iyo ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Dowladda federaalka ayaa warqaddeeda ku sheegtay inay natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, halka James Swan uu sheegay in haddii aan la sameyn is-beddelo ay beesha caalamka dalbatay ka hor doorashada, inaysan taageeri doonin natiijada doorashada. Xamza ayaa warqadda James Swan kaga jawaabay isaga oo sheegay in beesha caalamka aysan faro-gelin karin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo arrimaheeda ayada un xalisan karta. “Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre. Xamza Cabdi ayaa dhinaca kale warqadda kasoo baxday dowladda ku tilmaamay mid ka baxsan awooddeeda, isaga oo sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn arrimaha gudaha maamul goboleedyada, gaar ahaanna Jubaland. “Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha. Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 22-ka bishan, waxaana muuqata in dadaallo badan oo dhinacyo kala duwan ah oo ay sameysay dowladda federaalka si ay isku hortaagto ay shaqeyn la’yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kooxda kaalinta 2-aad sanadkan ka gashay horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 ee Horseed ayaa sanadkan markii ugu horeesay ka qeybgalaysa ciyaaraha Jamaacada carabta oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee dalka Morrocco,xili tartanka loo bixiyay Mohamed VI Champions Cup. Guddoomiyaha Naadiga Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay kusoo laabtaan ciyaarahan,isagoo balanqaaday in xidigaha kooxdiisa ay samaynayaan da’daal dheeri ah,si ay taageerayaashooda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu soo hoyeen guulo waaweyn. Horseed oo ka socota Soomaaliya ayaa la ciyaaraysa naadiga Al-Zawra’a ee ka dhisan wadanka Iraq,iyagoo wada ciyaaraya kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka Mohamed VI Champions Cup 2019 xidigaha kooxda Horseed oo goorsii horeesay la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in ay si wanaagsan u diyaar garoobeen. Macallinka Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa isna sheegay in uu haysto ciyaartooy dhallinyaro ah kuwaas oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara horomarka iyo guulaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed marka loo eego ka qeybgalka tartamada dibadda oo ay mudo dheer ka dib kusoo laabteen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ah madaxa saadka ciidanka xooga ayaa guul u rajeeyay dhallinyarada ku ciyaaraysa magaca ciidanka xoogga Soomaaliya,isagoo sheegay in ay kooxdooda samaysay da’daal wanaagsan tartamada gudaha maadama ay ku dhameestaan kaalamaha hore ee horyaalka Soomaliya 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Ay Qaateen Xidigaha Kooxda Horseed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Axmed Cabdi Kooshin. Qoraalkaan uu soo saaray wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliy ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirku tixgeliyey waajibaadka iyo shaqada agaasimaha guud ee wasaaradda isagoona magacaabay agaasime kumeel gaar ah. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Maxaa sababay in wasiir Islow shaaqada ka joojiyey agaasimihii guud ee wasaaradda amniga. appeared first on Puntland Post.
-
Waa xaqiiq in xaaladda reer Oslo aysan ahayn sidii ay ahayd 8dii sano ee la soo dhaafay. Horumar muuqda oo la taaban karo baa laga gaaray, haddey noqoto dhanka waxbarashada, siyaasadda, ganacsiga iyo ka dhex muuqashada bulshada. Horumarkaa waxaan aaminsannahay in uu labo jibaarmi karo haddii carqaladaha yar yar ee naga hortaagan horumar kaamil ah wax laga qabto. Sida fahanxumida ka jirta nidaamka dalka oo dhaawac ku noqotay dhawridda xuquuqda muwaaddin iyo sida bulsho ahaan loo kala daadsan yahay. Xallinta labadaa dhib baa ah labo carqalad oo isku xiran, oo wadajirnimo u baahan xallinteeda. Mid haddaad wax ka qabato, kan kale ayey saameyn ku yeelaneysaa. Waxyaalaha sahli kara xallinta dhibkaa waxaa ka mid noqon kara, markii laysla xisaabtamo. Haddii anigoo musharrax ah, isbeddel doon ah aad igu caawiso codkaaga, oo Soomaalinnimo, walaaltinnimo iyo aqoon igu siisid, balse aadan hadhow igula xisaabtamin codkaaga, noo suurta geli meyso in aan ku wada guuleysanno isbeddel doonkii aan ku hammiyeyney. Balse markaad igula xisaabtanto codkaaga wuxuu anna ii noqon hubkeyga, adna wuxuu kuu noqon difaacaaga. Cod raadsade iyo cod bixiye waa labo isbeddel doon oo isu baahan. Aana kala maarmin. Midna xooggii buu ku fadhiyaa. Midna tooshkii buu hayaa. Labadaa awood markey is fahmaan, waa marka keliya ee loo dhawaan karo xallinta dhibka naga hortaagan horumarka aan ka mudan nahay bulshadan na marti gelisey. Isla xisaabtan la`aan horseed xumo ayey leedahay, waana siyaasad qasaartay. Wakhtigu waa in uu noqdaa meel laga xirfad qaato. Xilliga doorashadana waa marka keliya ee tirada iyo tayada ay bulsho leedahay qiimaheed muuqan karto. W/Q: Ubax Cabdullaahi Adam Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa saakay xirtay waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay sheegeyn in aysan mushaar qaadan muddo 9 bilood ah. Qaar ka tirsan ciidamada gadoodka sameeyay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan mushaar qaadan sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay go’aansadeen inay gabi ahaanba xiraan wadada ka baxda dugsiga tababarka General Kaahiye ee gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waddada ay saakay xirteen askar ka tirsan ciidamada Badda ayaa waxaa inta badan mara mas’uuliyiinta dowladda. Ciidamada badda Soomaaliya ayaa tiro ahaan aad u yar, mana la siiyo muhiimad la mid ah ciidamada dhulka, taasi oo sababtay in bilooyin badan ay mushahar la’aan noqdaan ayaga oo aanay cidna ka war-hayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
