-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa shalay Galab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku dilay nin ay sheegeen inuu sameeyey falkii Qowmu Luud oo kale. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa goobta ka akhriyay xukunka uu muteystay ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Nuurow, wuxuuna sheegay inuu fara xumeeyey illaa seddex carruur ah. Sidoo kale Qaadiga ayaa intaasi ku daray in Nuurow ui maxkamadda ka hor qirtay in isagoo caafimaad qaba uu sameeyey falkaasi. Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiyiin ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay falalka toogashada ah, waxaana 26-kii bishan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay nin Sixiroole ahaa. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Suldaan Maxamed Cigale Hooley (Dr. Macrifi), oo ka tirsan guddiga farsamo ee shirka Hobyo iyo dhaqanka beesha Habargidir ayaa Goobjoog News uga waramay arrimaha shirka Hobyo, ujeedka laga lahaa, heerarkiisa iyo waxa laga filanayo. Dr. Macrifi, oo ugu horeyn ka hadlayey shirka Hobyo ayaa waxaa uu yiri “Shirkan muddo sanad ah ayuu ka socday caasimadda Muqdisho, oo halkaasi wax badan lagu gorfeeyey, kadib 15/7/2019 ayaa la iclaamiyey in Hobyo laga dhigayo, waxaana hadda la joogaa magaaladan Hobyo, oo qadiimiga ah iyo dekadda ah”. Suldaan Maxamed Cigale Hooley, mar uu ka hadlayey ujeedka shirka Hobyo waxaa uu sheegay “Ujeedka shirka waxa weeyaan in marka hore beelaha Habargidir is arkaan, doodaan, heshiiyaan, kadibna loo yeero 6-da beel ee kale ee walaalaha ah ee nala dega Galmudug, oo heshiis guud halkan lagu gaaro”. Hooleey waxaa kale uu ka hadlay in ergada hadda joogto shirka ay gaaraan ilaa 200, lana sugayo 50 kale oo dibadda ka imaanaya “Ergada hadda joogta waa 200, waxaan sugeynaa 50 dibadda ka imaanaya”, isaga oo intaa raaciyey in dadka deegaanka magaalada Hobyo ay ergada u diyaariyeen ilaa 31 guri, si deeqsinimo lehna dadka us oo dhoweeyeen. Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Cigale Hooley (Dr. Macrifi), waxaa ay Goobjoog News weydiisay heerka uu hadda marayo shirka iyo goorta la soo gabagabeyn-doono “Hadda waxaa dhamaaday shirka wejiga 1aad oo ahaa dood ku saabsan, maxaa dhaliyey in dagaal dhex maro beelaha walaalaha ah?, waxyaalaha dagaallada keena ayaa la ogaaday, waxaa la isku afgartay in horta dhaqanka la mideeyo, oo mas’uuliyadda iyagu qaadaan, loogana dambeeyo, haddii ay gudan waayaanna sharci la sameeyo, oo lagula xisaabtamo”. “Wejiga 2aad, oo aan weli bilaaban, waxaan u yeernay dad deegaanka ah oo aqoonyahanno ah, oo dibadda ka imaanaya, waxaan rabnaa maalgeshi iyo in laga faa’ideysto, oo aqoon iyo khibrad wixii ay hayaan ay dalkooda dib ugu soo celiyaan” ayuu yiri Suldaan Maxamed Cigale Hooley. Ugu dambeyntii, Suldaan Maxamed Cigale Hooley, (Dr. Macrifi), waxaa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo waqtiga la soo gabagabeyn doono shirka Hobyo, isaga oo ku soo koobay, “Todobaadka dambe ayaa sheegi-doonnaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Musharraxa Xukuumadda Xasan Cali Khayre ee doorashada Jubbaland, ahna wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar ) ayaa waxaa haatan soo wajahay walwal xoogan oo ku aadan ololihiisa doorashada, gaar ahaan sidii uu ka tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Oomaar ayaa shaaciyey sababtii uu uga baaqay safar uu dhowaan ku tagi lahaa Kismaayo si uu ugu dhawaaqo Musharraxnimadiisa Jubbaland. Waxa uu sababta ku sheegay inuu doonayo in uu ka baaqsado in dagaal Dhiig ku daato uu ka dhaco halkaasi. “Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayey inuu isoo qaado ma jiro.” ayuu yiri wasiir Oomaar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu tagayo Kismaayo ay ilaalin doonto ciida sida uu hadalka u dhigay, kadib markii uu dhowaan ka biyo diiday madaxweyne Axmed Madoobe inuu ciidamo la tago gudaha magaaladaasi. ‘In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho, haddana Kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokowo.” ayuu markale yiri Oomaar. Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in weli dadkii talada xumaa ay Ummadda waalayaan, islamarkaana ay dagaal ka hurinayaan Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. ”Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland kama dhici doono. caqliga ha shaqeeyo” ayuu intaasi sii raaciyey. Xiisada siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka sii dareysa, iyadoo la filayo in bisha soo socota ee August la qabto doorashada guud ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya aysan ka midaysneyn go’itaanka Somaliland. Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in gebi ahaanba aysan jirin aragti goosasho oo ay ku midaysan yihiin bulshada shacabka ku nool gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya (Somaliland) balse go’itaanka ay ku kala qaysan yihiin bulshada halkaasi deggan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Dunidu ay Soomaaliya u aqoonsantahay hal dal iyo hal dowlad oo aysan jirin dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya oo la yiraahdo Somaliland “Dunida Hal dal ayay aqoonsan tahay oo aan baasaboorkiisa ku safarno, shahaadooyinkiisa la tastiiqiyo” ayuu yiri Khadar Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxaa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay wada-hadal in la furo si loo qanciyo tabashooyinka ay qabto Somaliland”haddii la wada jirayo waa in sifo iyo sharci dastuuri ah ku dhisan oo loo wada hadlo, qofka aragtidaas qaba u ogolaado qofka aragtida ka soo horjeeda qabo, 30 sano ayaa mareynaa, maxaa xal ah waa in la furaa doodo”ayuu sii raaciyay. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo sheegay in shacabka Waqooyi aysan ka midaysneyn goosashada Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
IOM Hargeisa completed a six-day ‘Training of Trainers’ as well as a three-day follow-up training on ‘Start and Improve Your Business Idea’. The training programme is developed by the International Labour Organization (ILO). Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Xubnahan ayaa waxaa la sheegay inuu horkacayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Wafdigani ka socda beesha caalamka ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Jubbaland iyo Musharraxiinta, iyaga oo kala hadli doono doorashada maamulkaasi. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu argayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo. View the full article
-
The European Union (EU) and its partners refunded Kenya Sh4.3 billion for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the fiscal year ended June 2019, latest Exchequer statistics show. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirka la filayo in dhowaan uu ka furmo gudaha magaaladaasi. Dr Baadiyow ayaa marka hore ku baaqay in aan la siyaasadeyn dib u heshiisiinta ay dowladdu ka wado deegaanada maamulka Galmudug. “Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiin, yaa la siyaasadeyn dib u heshiisiinta Galmudug, malahan mucaarad iyo muxaafad dhammaan waa inay ka soo qeyb galaan shirkaas.”ayuu yiri Baadiyow. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyey safaro ay lixdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku bixiyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaanadii ay tageen ay ka jireen tabashooyin badan oo isugu jira kuwo beelaha dhexdooda ah iyo kuwa laga qabo maamulkii hore. “Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan, dib u dhiska dowladnimada looga shaqeeyo.”ayuu mar kale yiri Dr Baadiyow. Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa inuu furmo 5-ta bisha soo socota, iyadoo weli beesha degta Cadaado ay ka biyo diidan tahay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka u ogolaatay in uu xarun Ergo-goboleedka furto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah Ururka Iskaashiga Islaamka Muqdisho kula saxiixatay heshiis cusub oo ku saabsan in la unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Saciid Xaaji Maxamuud oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. The post Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo heshiis cusub kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo faragelin ku sameyneyso arrimaha maamulka Jubbalanad ayaa xal u raadineysa muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi. Xubno ka socda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdigan ayaa waxa horkacaya safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wufuudaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin. Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmo doono madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Musharraxiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe iyo Musharraxiinta la loomeysa oo cabasho muujineyso ayaa isku haya doorashada. Xaaladda Kismaayo ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib markii shalay lagu soo daadiyey ciidamo cusub oo ka amar qaata madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa uga digey dowladda dhexe, farogelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay xildhibaanka, in sidoo kale AMISOM aanay wax farogelin ah ku sameyn karin doorashada Jubbaland, sababtuna ay tahay in howsha ay dalka u joogaan ay tahay la dagaalanka Al-shabaab. “AMISOM waxay dowlad goboleedka Jubbaland ka codsato un bay kula shaqeyneysaa…Jubbaland waxaa jooga ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo sidoo kale kuwa Daraawiishta, Jubbaland iyadaa mas’uul ka ah doorashadeeda…Dowladda federaalka wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jirto doorashada dowlad goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare. Jubbaland ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha, waxaana jira musharraxiin badan oo isku soo taagay xilalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga qaabilsan qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay degaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha Gudddiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka in aan la siyaasadeyn shirka, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. “Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan” ayuu yiri Baadiyow. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo 5-Agoosto 2019. PUNTLAND POST The post Guddiga Qaban-qaabada Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka digay in shirka la siyaasadeeyo appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururkaasi ku yeelanayo dalka, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada DF oo dad isku Qoys ah ku laayey Shabeelaha Hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Bangarafta ay dad shacab ah ku weerareen duleedka magaalada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday Beer ku taalla banaanka magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Beeraley ah. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ciidamadu ay ku dileen illaa 6 Qof oo la sheegay inay isku Qoys ahaayeen. Sidoo kale waxaa la’yahay nolo iyo geeri nin kale oo sugnaa Beerta uu weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sida aan wararka ku heleyno ciidamada fuliyey weerarkaasi ayaa ka soo baxay saldhig Milatari oo ay ku leeyihiin deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa iyo hadda lama oga sababta loo laayey dadkaasi rayidka ah, balse marar badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dad shacab ah ku dilay gobolka Sh/ Hoose. Dhacdadii ugu xooganeyd ayaa 25-kii August 2017-kii ka dhacday deegaanka Bariire, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ay ku dileen illaa 10 Qof oo rayid ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com -
Kulanka wasiir Cawad iyo safiir Makken Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Soomaaliya, Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Netherlands oo dhinacyo kala duwan ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen. Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan S/land. Guuleed ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in DF ay ka go’an tahay sidii ay u qancin laheyd madaxda maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Somaliland in ay ka soo dabacdo meesha ay hadda joogto, si guul looga gaaro wada-hadallada labada dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-cadaani.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Soomaaliya ayaa kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-31072019.mp3 View the full article