-
Content Count
213,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Waxaa soo ifbaxay khilaaf ka dhex jira guddiga qaban qaabada shir dib u heshiisiinta Galmudug. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa u kala qeybsamay lix iyo lix, waxeyna hadda Dhuusamareeb ka kala daganyihiin labo xarumood. Sidoo kale waxaa maanta soo baxay war sheegaya in xubnaha guddiga garabka raacsan guddoomiyaha guddigaas Baadiyow, kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb inay guddiga uga saareen xoghayaha guddiga Cabdikaafi Maxamed Maxamuud. Cabdikaafi ayaa ah wasiirka qorsheynta Galmudug, sidoo kale waxa uu xubin ka yahay guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, iyadoo loo magacaabay xoghayaha guddigaas. Mar uu warbaahinta lahadlay isagoo ku sugan Dhuusamareeb ayuu sheegay inaysan jirin cid ka saari karta guddiga, isagoo daaha ka qaaday khilaafka ka dhex jira guddiga dib u heshiisiinta Galmudug. Waxa uu sheegay in arinta ugu weyn ee khilaafka ka dhex dhalisay xubnaha guddiga ay tahay, kala aragti duwanaasho ku saabsan inta maalin ee uu soconayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyo in shirkaas lagu casuumo beesha ku shirsan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Xubnaha guddiga ee loo xilsaaray qaban qaabada shirka ayuu sheegay inay iyagu u baahanyihiin dib u heshiisiin, isla markaana aysanba badan kood khibrad u laheyn howshii loo igmaday. Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka iyo xubno kale ayuu shegay inay Dhuusamareeb ka wadaan arimo ku saabsan afkaaro diimeed iyo siyaasado guracan, oo aan sal ku laheyn howshooda dib u heshiineed. Shirka dib u heshiisiinta Galmuug ayaa waxaa uu markii labaad dib uga dhacay waqti loo asteeyay inuu ku furmo, waxaana ilaa hadda la shaacin waqtiga uu furmayo, iyadoo inta badan Ergadii ka qeyb galaysay ay gaareen magaalada Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha shirkaas. Caasimada Online ayaa ogaatay in halka uu kafurmi la’ayahay shirka Dhuusamareeb ay tahay khilaaf ka dhex jira dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna oo xubnihii guddigaas oo la kala saftay. Xoghayaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud iyo 5 xobnood oo kale ayaa la saftay garabka Ahlu-Sunna, oo DF ku eedeysay inay uga baxday heshiisyadii ay la gashay. Sidoo kale guddoomiyaha guddigaas Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow iyo 5 xobnood oo kale ayaa iyaguna ku garab noqday DF, waxeyna si cad uga hor yimaadeen rabitaanka Ahlu-Sunna, iyagoo dajiyay qorshe ah in shirka Dhuusamareeb lagu soo gaba gabeeyo 5 maalmood gudahood, ayna daah furaan culumo uu hoggaminayo Sheikh Bashiir Axmed Salaad. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka. Kulanka uu guddiga la yeeshay axsaabta siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan Axsaabta siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka. Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka. Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka. Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ugu horrayn wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland, ee soo dhammaystay dugsiyada sare, si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka. Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland, isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland, si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhugay. Wuxuu sheegay in madaxda Federaalku ay shacabka Puntland u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tashi ah loo dhisayo. Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World Oo Faa’iido Badan Heshay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dib u celiyay hanti isugu jirtay hub iyo gaadiid oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdifitaax Cumar Xalane, oo ahaa agaasimihii Guud ee Nadaafadda Gobalka Banaadir. Sidoo kale Taliska Booliiska ayaa tababar u furay askartii ilaalada u aheyd Marxuum Xalane, kuwaas oo hadda ku jira Dugsiga Tababarka Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye, sida ay ogaatay Caasimada Online. Qaar kamid ah ehelada Marxuum Xalane ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in loo soo celiyay hubkii iyo gaadiidkii islamarkaana ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in laga iibin doono Carruurta agoonta ah hubkaas maadaama uusan waxba u tareyn islamarkaana aysan habooneen in Sharci darro ah magaalada lagu sii heesto. Hadda waxaa gacanta ku haya hubkii Marxuum Xalane dhalinyaro katirsan Milateriga Soomaaliya oo qaarkood ay Saraakiil yihiin kuwaas oo la sheegey in ay walaalo yihiin Cabdifitaax Cumar Xalane. Arintaan ayaa timid kadib markii maalmo ka hor ay Caasimada Online baahisay in Dowladda Soomaaliya ay qaadatay hub uu ka dhintay Marxuuma Xalane oo ku dhintay gacanta Al-Shabaab. Xog: DF oo la wareegtay hanti ay leeyihiin agoonta Cabdifitaax Cumar Xalane Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Tehran)-Dalka Iran ayaa ganay gantaal cusub oo ay tijaabinayaan, sida uu sheegay Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran oo ay soo xigatay Wakaalada wararka ee dalkaasi ee Tasnim. “Dalkeenu badanaa waa meel soo bandhigta tijaabada hanaan kala duwan oo difaaca ah iyo hanaanka istaraatajiyada, mana joojinayo talaabooyinka lagu kobcinayo awooda dalka,” sidaasi waxa yidhi Major General Hossein Salami, waxaanu intaasi ku daray “ Maalintii shalay waxay ahayd maalin guul u leh qaranka,” ayuu yidhi Generalku isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya tijaabada gantaalkaasi. Maalintii khamiistii ayay ahayd markii Iran ay soo bandhigtay Gantaal ay ku qeexday inuu yahay nooca ridada dheer oo lagu sameeyey ama lagu dhisay gudaha dalka, kaas oo ah gantaal loogu talo galay hanaanka difaaca ee dalka. Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu ka baxay heshiis caalamiya oo Iran lagula galay Barnaamijkeeda Hubka Nuclear-ka inay hakiso taa badalkeedana cunaqabataynta laga qaado dalka Iran. Waxaanay mudadii u dambaysay labada dal ee Iran iyo Maraykanku ay isdhaafsanayeen hanjabaado tiro badan, waxaanay caalada labada dal ay cirka isku shareertay markii Iran ay soo riday diyaarad drone ah oo nooca wax basaasta ah oo lala beegsaday hantaal bishii June. Source
-
Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka. Kulanka uu guddiga la yeeshay ururada siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan ururada siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka. Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay ururada siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka. Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka. Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan. PUNTLAND POST The post Guddiga diyaarinaay Sharciga doorashooyinka iyo ururada siyaasadda oo kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-24082019.mp3 View the full article
-
Xulalka 15 Jirada Soomaaliya Iyo Eritrea ayaa kulan ciyaareed xiiso badan oo ka tirsana tartanka dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Ceacafa ku qaatay garoonka Asmara ee caasimada wadan Eritrea. .Labada xul ayaa qeybta kowaad soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo aysan iska dhalin wax gool waxaana kulanka kasoo qeybgalay taageerayaal aad u badnaa. Markii leysku soo laabtay dheesha qeybta labaad labad dhinac ayaa iska dhaliyay min gool,iyadoo ciyaarta waqtigii looga talagalay ay kusoo idlaatay barbaro 1-1 oo ay ku heshiiyeen Soomaaliy iyo Eritrea. “Waxaan soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,balse nasiibka ayaa noqday in aan ku dhamaysano barbar 1-1 waxaan ku faraxsanahay bandhiga aan soo bandhigay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Maxamed Aadan oo ka tirsan xulka Qaranka 15 Jirada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) oo 17-kii Bishan dadweyne Soomaaliyeed kula hadlayay dalka Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay doodda Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha ka dambeeya qaraarka 1267. Qaraarkan oo Kenya ay dooneyso in lagu daro Al-Shabaab ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya, oo rumeysan in laga leeyahay ujeeddo aan Shabaab ahayn. Danjiraha ayaa is-weydiiyay sababta ciidanka Kenya ay u daawanayaan dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo ee ay Al-Shabaab ay lacagta uga badan kasoo gasho, haddiiba ay doonayaan oo ay daacad ka tahay in la cunaqabateeyo Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heyso sawirro caddeynaya dhuxul laga dhoofinayo koofurta Soomaaliya, ciidanka Kenyana korjoogaan oo ay daawanayaan, islamarkaana ay Al-Shbaaab dhaqaale ka helayaan. Danjiraha ayaa sheegay doodda Kenya aysan ahayn Al-Shabaab balse ay tahay in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah haddii Al-Shabaab lagu daro qaraarka 1267, ay qatar ku tahay dadka ku nool degaannada ay ka taliyaan Al-Shabaab oo aan gargaar la gaarsiin doonin haseyeeshee hadda la gaarsiiyo. Waxa uu sheegay in taas ay la qabaan dhammaan hay’adaha caalamiga ah oo warqad ay kaga soo horjeedaan qaraarkan u diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo. Ka sokow arrimaha gargaarka, qaraarkan ayaa Kenya ay uga faa’iideysan kartaa inay ku beegsato hantida ganacsatada Soomaaliyeed, kulana wareegto, iyo xawaaladaha oo aan awoodi doonin inay lacag gaarsiiyaan shacabka ku nool goobaha ay haystaan Shabaab. Inkasta oo qaraarkan u muuqda mid Shabaab ka dhan ah, haddana xaqiiqda ayaa ah inuusan shaqo ku lahayn Shabaab, balse uu yahay mid lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana caddeynta ugu weyn ay tahay sababta Kenya ay ololahan hadda u billowday, ayada oo markii ugu horreysay uu golaha ammaanka ansixiyey 15-kii October 1999-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad aqoonyahan ah oo caan ka ah dunida ayaa jawaabo ka bixiyay maqaal lagu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Mail oo uu ku sheegay in Somaliland tahay dal dagaal ragaadiyay. Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in dawladda Maraykanku ay dal-ku-galkeeda u diiday gabadh ay isku lammaanyihiin Raysalwasaaraha Ingiriiska oo kal hore socdaal ku timid Somaliland lana kulantay Madaxweyne Biixi. Sababata dal-ku-galka loogu diiday ayuu wargeysku ku sheegay booqashada ay ku timid Somaliland. Hase yeeshee shakhsiyaad caan ka ah dalka Ingiriiska iyo dalalka reer Yurub iyo weliba Maraykanka oo la ixtiraamo ayaa cambaareeyay go’aanka Maraykanku dal-ku-galka ugu diiday gabadhaas iyagoo sidoo kale wargeyska ku cambaareeyay kelmada uu Somaliland u adeegsaday ee ah dal uu dagaal ragaadiyay, markii uu ka hadlaayay booqashada ay gabadhaasi ku timid Somaliland. Stephen Doughty MP Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, socdaalana ku yimid Somaliland ayaa bartiisa twitterka wuxuu ku qoray “Donald Trump si wayn ayuu ugu khaldan yahay siyaasadan, balse sidoo kale Daily Mail sida ay hadalka u dhigtay waa si qaloocan oo aan sax ahayn. Somaliland maaha dal dagaal ragaadiyay. Waxaan ku tegay sanadkii hore halkaas [Somaliland] safar guul ah aniga oo la socda xildhibaan Liz McInnes iyo xildhibaan Matthew Offord. Waa meel horumar leh oo dadka soo dhowaysa.” Michael Walls Mr. Michael Walls oo ahaa madaxii horkacayay goob-joogayaashii doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland, aqoon badana u leh Somaliland ayaa isagoo xoojinaya qoraalka xildhibaan Stephen, wuxuu isna twitterka ku qoray oo uu yidhi “Si buuxda ayaan kuugu raacsanahay; Somaliland waa ka dheer tahay dal dagaal ragaadiyay. Tani waa tusaale kale oo muujinaya sida qaar ka mid ah siyaasadaha caalamiga ah iyo suxufiyiintu ay u abuurayaan natiijooyin khaldan iyaga oo si joogto ah uga been sheegaya xaqiiqda. Booqo Somaliland si aad adigu indhahaaga ugu soo aragto.” James Carver James Carver oo ah siyaasi caan ka ah Ingiriiska, horena uga tirsanaa Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa wuxuu isaguna bartiisa twitterka ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay inuu rajaynayo in maqaalka uu wargeysku qoray uu Somaliland faa’iido u leeyahay kana caawin doono aqoonsi raadiska, isagoo xusay inuu Somaliland socdaal ku yimid 5 jeer, waxaanu isweydiiyay inuu baajiyo socdaal u qorshaysan inuu Maraykanka ku tago, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynayaa in arinkani uu ku soo jeediyo indhaha dedaalka socda ee xaqa ah ee loogu jiro sidii ay Somaliland dib ugu heli lahayd aqoonsi caalami ah. Dalkan quruxda badan ee nabadda ah waxaan booqday shan jeer. Malaha waa inaan baajiyaa qorshahaygii ahaa inaan safar ku tago Maraykanka.” Michael Rubin Michael Rubin oo isna ah khabiir Maraykan ah ayaa qoray qormo uu kaga hadlay sababta uu Maraykanka uu haweenaydaas ugu diiday dal-ku-galka ee ah inay booqatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay nacasnimo cadaan ah, “In lagaga horjoogsado lammaanaha Boris Johson Maraykanka waxay booqatay Somaliland waa nacasnimo cadaan ah.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa Maalmihii u dambeeyay soo baxayey Warar sheegaya in Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay Idaacad ku rakibeen Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada London. Idaacaddan oo Wararka sheegayaa soo badanayeen ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waydiiyeen waxay Xukuumad ahaan kala socdaan, waxaanu Wasiirka oo su’aashaa ka jawaabayaa uu sheegay in aanay maqal wax Idaacad ah oo Maamulka Puntland keenay bariga Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey waxa ka jira in Puntland keentay Idaacad Bariga Gobolka sanaag ayaa yidhi “Idaacaddaas maanaan maqal, haddii la idinku yidhina waynu dooni, welise annagu ma hayno..” Source
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faafaahin dheeraad ah ka baxaysaa khasaaraha ka dhashay iska horimaad xooggan oo ka dhacay Xaafadda Saban Saban ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dayniile. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haayo Muran dhul ku yaalla Xaafadda Saban Saban, waxaana la maqlay rasaas xoogan oo ay isku fureen Dablayda hubay ciidanka amaanka Deyniile. Ciidanka Booliska degmada Dayniile oo hoggaaminayay Xoghayaha degmada Mahad Shilaawe ayaa goobta ku baxay, waxaana la sheegay in Mahad uu dhaawac kasoo gaaray Iska horimaadka dhex maray Dablayda hubaysan iyo Ciidanka Amaanka Deyniile. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay jiraan Khasaare soo kala gaaray labada Maleeshiyaad balse aysan Xaqiiji karin dadka ku waxyeeloobay dagaalka. Muran ku saabsan dhul ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ka taagnaa degmada Dayniile gaar ahaan Xaafadda Saban Saban, waxaana halkaasi kuwa sugan Maleeshiyaadkii dagaalamay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dagaal culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa duhurnimadii maanta ku dhaxmaray degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xeradii Saban saban ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad u abaabulan hab beeleed. Dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee degan deegaanka lagu dagaalamay ayaa salka ku hayay muran dhinaca dhulka oo muddo dheerba halkaa ka taagnaa. Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhaawacmay iska horimaadka ku jira xoghayihii degmada Deyniile Mahad Sharaawe oo la sheegay in ay uu hoggaaminayay ciidamada dowladda ee qeybta ka ahaa iska horimaadka. Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha dowladda Soomaaliya oo la xiriira iska horimaadkan ka dhacay demada Deyniile. Ma’aha wax ku cusub magaalada Muqdisho dagaallada ku saleysan muranka dhulka oo ay ku lug yeeshaan ciidamada dowladda Soomaaliya. HOL Qaran News
-
ISCO Somaliland members sign a governing document Today, Saturday 24th August 2019, the Independent Civil Society Organisations (ISCO Somaliland) signed a memorandum of understanding that will serve as the governing rules and regulations for ISCO Somaliland. The signatories represent diverse organisations across the country who are working on different issues including minority rights, youth, women rights, researches, democratisation, child rights, human rights advocacy and development. The purpose is to establish a platform to cooperate on areas of democracy and civic space. “We will always act in accordance for the best interest of democracy and civic space based on the constitutional principles and international standards,” says Ms Sahra Mohamed Ali of the Centre for Youth Empowerment, who is based in Burao. “A platform of this kind aims to focus on grass root level organisations and more on the regions outside of the capital, Ms Umulkhayr Said Hassan, the chairperson of Somaliland Women Association (SOWA) from Borama said. The platform is open for every independent civil society organisation. Issue of independence is explicitly elaborated in a partnership suitability form and is compulsory for all member organizations to undergo. “We are glad to be part of a civil society gathering dedicated to collectively work on the issue of common interest and to cooperate for enhancement of democracy and civic space,” Ms Yasmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre, which will serve as the secretariat of the platform said. All member organisations are committed to sustaining an independent and vibrant network of civil society actors and groups that are responsive and accountable to the people. It is a requirement and strongly agreed on ISCO Somaliland to remain politically nonpartisan Qaran News
-
Ururada bulshada rayidka ah ee madaxabanaan oo heshiis is-afgarad gaadhay maanta Maanta oo sabti ah, 24 August 2019, is-bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan (ISCO Somaliland) waxay saxeexeen Heshiis Is-afgarad oo noqon doona xeerka maamulaya is-bahaysiga ururada bulshada rayidka ah ee madaxa banaan ee Somaliland. Ururo ka kala socda gobolada dalka oo dhan oo ka shaqeeya arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ka shaqeeya xuquuqda beelaha la hayb sooco, dhalinyarada, xuquuqda dumarka, cilmi baadhista, dimoqraadiyadda, xuquuqda caruurta, u doodista xuquuqal insaanka, iyo horumarka. Ujeedada laga leeyahay waa in la abuuro hanaan ay isku kaashaan karaan ururadani si ay uga shaqeeyaan arimaha dimoqraadiyadda. Ururadu waxaay ka shaqayn doonaan hadba sida u danta ah dimoqraadiyadda iyo in bulshadu ka qayb qaadato talada dalka si ku dhisan mabaadida dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Is-bahaysigu wuxuu bartilmaameedsan doonaa ururada deegaanada ka shaqeeya ee bulshada ku dhow, gaar ahaan gobolada caasimadda ka baxsan. Is-bahaysigu waa mid u furan dhamaan ururada madaxa banaan ee ka tirsan bulshada rayidka ah. Shardiga u wayni waa in ururadu ay si buuxda ugu madax-banaanaadaan si loogu ogolaado inay ku soo biiraan is-bahaysigan. Waxa naga go’an in aanu abuuro nidaam raagi kara oo abuura wada shaqayn firfircoon oo u jawaabta shacabka, cidda xisaabisaana tahay shacabka. Waxa waajib ku ah Is-bahaysiga inay siyaasad ahaan noqdaan kuwo ka madax banaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Qaran News
-
Click here to read Qaran News
-
Baardheere (SMN) – Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntaan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bur buray Dhismihii Shirkadda & qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Link-yo, 2 dab dhaliye, Tower & Agabkii kale ee Xarunta Yiilay. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun & Tuulooyinka ku xeeran, maadaama ay dadku isticmaalaan lacagta Telephones-ka la isugu diro ee EVC Plus. Afhayeen u hadlay shirkadda Hormuud Telecom ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi. Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha Shirkadda Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. View the full article
