Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda qorsheynta, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay wasiir Beene Beene iyo shaqaalaha wasaaradda. Saalax oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa u kuurgelidda howlaha shaqo ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya. “Sharaf bay ii ahayd in aan saaka kormeer ku tago Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, aan na mid-mid u tago waaxaha hay’addan si aan u arko shaqada baaxadda leh ee ay dadweynaha u hayaan” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac. Sidoo kale waxa uu guddoomiyay shirka jiheynta qorshaha isbeddelka qaran oo muhiim u ah dowladda Soomaliyeed. “Intii aan kormeerkan ku jiray waxa aan sida oo kale guddoomiyey shirka hoggaaminta ee jiheynta Qorshaha Isbeddelka Qaran oo ah ajande muhiim ah oo dardargelin doona xowliga horumarinta iyo taabbagelinta dawladnimada, amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada si dalku u gaadho yoolasha qaran ee uu higsanayo” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxa aan shaqaalaha iyo kaadariinta diyaarinta qorshahan ku hawllan la wadaagay farriinta madaxda qaranka, waxa na aan ku la dardaarmay labajibbaaridda dadaalkooda si waqtiga u cayiman uu qorshahani u gu meelmaro”. Tallaabadan uu qaaday Saalax ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan uu wajahayo culays wayn oo kaga yimid dhinaca madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo qorsheeyay inay soo magacaabaan ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu yeesho dalka, kaas oo la siinayo Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Qorshahan oo xalay banaanka usoo wada baxay ayaa la filayay in lagu magacaabo kulankii ay yeesheen golaha wasiirada balse dib ayaa loo dhigay, kadib abaabul ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo isugu tagay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo diidan qorshaha lagu soo dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo. Madaxweynaha ayaa xiligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo Koonfur Galbeed. The post Sawirro: R/W ku xigeenka dalka oo maanta tallaabo qaaday xilli uu wajahayo… appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) - Prominent Somali religious leader Sheikh Osman Sheikh Omar, better known as Sheikh Osman Hiddig, passed away in Mogadishu on Saturday at the age of 82. Source: Hiiraan Online
  3. Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa Jimcihii xukuntay in joogitaanka Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin uu yahay sharci-darro, waxayna ugu baaqday inay joojiso deegaamaynta ay ka dhisayso Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus. Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa bogaadiyay go’aanka halka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu uu sheegay in ayna waxba ka bedeli karin. Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in joogitaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin uu yahay “sharci darro” waxayna ugu baaqday in dhismaha deegaamaynta si degdeg ah loo joojiyo, amarkan oo ah mid aan hore loo arag, oo cambaarayn ballaadhan u jeedinaysa xukunka Israa’iil ee dhulalka ay qabsatay 57 sanno kahor. Israa’iil waxay qabsatay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Marinka Qaza dagaalkii 1967-dii. Waxayna Falastiiniyiintu saddexdaas goobood u raadiyaan dawlad madax bannaan. Garsoorayaashan oo ka kooban 15 xubnood ayaa sheegay in Israa’iil ay awoodda kula wareegtay dhulkaas. Waxa ay sheegtay in joogitaankeedu uu ahaa “sharci darro” waana in lagu soo afjaraa “si degdeg ah”. Falastiiniyiintu waxay soo bandhigeen kiiskan bishii February iyada oo ay weheliyaan 49 waddan iyo saddex urur oo caalami ah. Dhagaysigii bishii February, wasiirkii arrimaha dibadda ee maamulka Falastiin ee xilligaas, Riad Malki ayaa ku eedeeyay Israa’iil midab-takoorka, wuxuuna ku boorriyay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay caddeyso in qabsashada Israa’iil ee dhulalka Falastiiniyiinta ay tahay mid sharci-darro ah oo ay tahay inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u soo afjarto. Go’aankan Maxkamadda ayaa kusoo beegmay xili uu weli horyaal kiiska kale oo ay Koonfur Afrika ka keentay Xasuuqa ay Israa’iil ka wado Gaza 10-kii bilood ee lasoo dhaafay. Source
  4. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo haatan qaaday tallaabadii ugu horreysay ee difaaca Badda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo uu ku geeyo xeebaha Soomaaliya. Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya. Erdogan ayaa mooshinka uu geeyay baarlamaanka ku dalbaday in la siiyo muddo labo sano ah, taas oo awood u siinaysa in Turkiga uu ciidamada baddda usoo diro Soomaaliya. “Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga. Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ay soo gaaraan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo ka ilaalin doono cadow iyo kalluumaysiga sharci-darada ah. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jirtay in horaantii bishan uu Turkiga isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay badda, isaga oo martigeliyay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse kulankooda uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan. Si kastaba, Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. The post Erdogan oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee difaaca Badda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa 16 sanno oo ciqaab xabsi adag ah ku xakuntay Evan Gershkovich oo ah wariye u dhashay dalkan Mareykanka, kaddib markii ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay danbi basaasnimo. Wargeyska uu wariyahan u shaqeeyo ee Wall Street Journal, ayaa xakunka maxkamaddan ku sheegay ceeb iyo xakun been abuur ah. Gershkovich, oo ah 32 jir ayaa sheegay in aanu danbi galin. Maxkamadeyntiisa ayaa ka dhacday Yekaterinburg bishi hore, kaddib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay inuu xog xasaasi ah ka helo warshad soo saarto taangiyada. Wuxuu noqay wariyihi ugu horreeyay oo Mareykan ah oo lagu eedeeyo inuu falal jaasuusnimo ah ka waday Ruushka, tan iyo dagaalkii qaboobaa. Bishii March ee sannadki 2023-ki ayaa lagu xidhay magaalada Moscow. Source
  6. Diyaarad nooca drone-ka ah oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen ayaa markii ugu horreysay duqeysay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyntan oo ay xakameyn waayeen difaaca cirka ee Israa’iil. Qaraxan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay meel aan ka fogeyn safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaaladaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof oo kale. Israa’iil ayaa xaqiijisay in qaraxan uu ahaa diyaarad Drone, taasi oo ay soo radi waayeen difaaca cirka ee Israa’iil ku faanto. Afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa sheegay in duqeyntan ay u adeegsadeen drone ay ku magacaabeen “Yafa”, halka Israa’iil sheegtay in nooca dronekan ahaa midka Samad-3 oo ay sameyso Iran. Waa markii ugu horeysay oo ay Xuutiyiinta Yemen ku guuleystaan inay duqeeyaan Tel Aviv, iygoo hore dhowr goor gantaalo ulla beegsaday koonfurta dhulka Israa’iil maamusho, gaar ahaan saldhigyada ciidamada badda. Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan duqeynta ay la beegsanayaan Israa’iil inta ay wado xasuuqa shacabka Falastiin ee Gaza. Source
  7. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska, iyadoo heshiiskan uu noqonayo tallaabo kale oo kor u qaadaysa xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxeexday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wasiirka tamarta Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Turkigu u diri doono markabkiisa cilmi baadhista ee Oruç Reis si uu cilmi baadhis ugu sameeyo aag ka baxsan xeebaha Soomaaliya dhammaadka sannadkan. Bayraktar oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay, in Turkigu siddeeddii sanno ee u dambeeyay uu ku howlanaa dadaallada sahaminta gaaska dabiiciga ah, isagoo adeegsanaya awooddiisa maraakiibta qodista. “Waxaan tusaale u aragnaa tan maanta, in heshiiskii aan Soomaaliya kula galnay hoolkan 7-dii March, 2024, uu maanta noqday mid la taaban karo,” ayuu raaciyay. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii march kala saxeexday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya. Bayraktar ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu ku dhawaaqay in Turkiga uu sahamin doono Gaaska Dabiiciga ah iyo Shidaalka saddex qeybood oo ku yaalla Badda Soomaaliya. Source
  8. Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qabsashada Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ay ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa sheegtay in Israa’iil ay joojiso deegaamaynta ay ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan u joojiso qabsashada “sharci-darrada ah” ee ay ku hayso deegaannadaas iyo marinka Qasa. Isaga oo ka jawaabaya go’aanka maxkamadd, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay in maxkamaddu ay “go’aan been abuur ah samaysay”. Ra’yiga la-talinta maxkamadu maaha mid sharci ahaan ku xiran laakiin wali waxay xambaarsan tahay miisaan siyaasadeed oo muhiim ah. Waa markii ugu horeysay oo maxkamada ICJ ay soo saarto go’aan ku saabsan sharci ahaanshiyaha arrintaas 57-dii sano ee la soo dhaafay. Maxkamadda ICJ oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa tan iyo bilowgii sannadkii hore baaritaan ku waday arrintan, kaddib codsi uga yimid golaha guud ee Qaramada Midoobay. Maxkamadda ayaa si gaar ah looga codsaday inay aragtideeda ka dhiibato siyaasadda iyo dhaqamada Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta, iyo heerka sharci ee la haysto. Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, Nawal Salam, oo ku dhawaaqay natiijada ayaa shegay in ay maxkamaddu ogaatay in “Israa’iil … sii wado joogitaanka dhulka Falastiin ee la haysto, waana sharci-darro.” “Dawladda Israa’iil waxaa waajib ku ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo afjarto joogitaankeeda sharci-darrada ah ee dhulka la haysto ee Falastiin,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in ka bixitaankii Israa’iil ee Marinka Qasa 2005-tii aanay soo afjarin qabsashadii Israa’iil ee aaggaas, sababtoo ah waxay si firfircoon u maamushaa halkaasi. Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in Israa‘iil ay bixiso magdhowga khasaaraha gaaray dadka ree Falastiin intii ay socotay daadgureynta dhammaaan dadka deggan daanta galbeed iyo bariga Qudus. Israa’iil ayaa ilaa 160 deegaan ka dhistay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus iyadoo dajisay ilaa 700,000 oo Israa’iiliyiin ah tan iyo sannadkii 1967-dii. Maxkamaddu waxay sheegtay in deegaamayntaasi ay ahaayeen kuwo sharci darro ah. Israa’iil si adag uga soo horjeensatay arrintaas. Maxkamadda ICJ, ayaa sheegtay in siyaasadaha iyo hab-dhaqanka Israa’iil ay ka dhigan yihiin in ay qayb weyn ka qaadanayso dhulka la haysto ee Falastiin, taas oo ay ku sheegtay in ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah, iyada oo intaa ku dartay in Israa’iil “aysan xaq u lahayn madaxbannaanida” qayb ka mid ah dhulka la haysto. Gunaanadkii maxkamadda ayaa sheegay in xannibaadaha Israa’iil ee Falastiiniyiinta ee dhulalka la haysto ay ka kooban tahay “takoorka nidaamsan ee ku salaysan, jinsiyad, diin ama asal”. Waxa ay sidoo kale sheegtay in Israa’iil ay si sharci darro ah uga faa’iidaysatay kheyraadka dabiiciga ah ee Falastiiniyiinta, ayna ku xad gudubtay xuquuqdooda aayo ka tashiga. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa si degdeg ah u soo saaray bayaan cad oo uu ku diiday waxa ay maxkamaddu go’aamisay. “Dadka yahuudda ah ma ahan kuwa xoog ku haysta dhulka ay iyagu leeyihiin – caasimadooda jorusalaamna xoog kuma haystaan – xoogna kuma haystaan dhaxalka awoowayaashooda Judea iyo Samaariya” (daanta galbeed), ayuu Netanyahu ku yiri hadal uu soo saaray. “Go’aan been ah oo ka dhacay Hague ma leexin doono runtan taariikhiga ah, si la mid ah, sharcinimada deegaamaynta Israa’iiliyiinta ee dhammaan qaybaha dalkeenna hooyo laguma doodi karo.” Balse natiijada maxkamada ayaa waxaa soo dhaweeyay Falastiiniyiinta. Xuseen Al Sheikh, oo ah xoghayaha guud ee ururka xoreynta Falastiin ee PLO, ayaa ku tilmaamay “guul taariikhi ah oo usoo hoyatay xuquuqda dadka Falastiiniyiinta iyo xaqa ay u leeyihiin aaya-ka-tashigooda.” “Beesha caalamku waa inay ixtiraamtaa ra’yiga caddaaladda caalamiga ah oo ay ku khasabto Israa’iil inay joojiso qabsashada ay ku hayso dhulka Falastiin,” ayuu yidhi. Natiijooyinka maxkamadda ayaa hadda u gudbi doona golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo go’aamin doona sida looga jawaabo, oo ay ku jirto ikhtiyaarka ah in la qaato qaraar. Taasi waxay noqon doontaa mid muhiim ah waxayna noqon kartaa kicinta wada xaajoodka waxayna dejin kartaa cabbirrada sharciga ah ee xallinta gorgortanka mustaqbalka. Kiiskan ayaa ka duwan kiiskii ka horreeyey kaas oo ay horgeysay maxkamadda ICJ Koonfur Afrika oo ku eedaysay Israa’iil in ay xasuuq ka geysatay Falastiiniyiinta dagaalka Gaza. bbcsomali Qaran News
  9. Go’itaanka tignoolajiyada caalamiga ah ayaa hakad galiyay hawlihii shaqo ee shirkado badan Jimcihii, iyadoo shirkadaha diyaaraduhu ay hakiyeen duullimaadyadii inta baddan dalka Mareykanka, qaar kamid ah warbaahinta ayaa hawada ka maqan, iyadoo arrintan ay khal khal ku keentay nidaamka isgaadhsiinta qaar kamid ah bangiyada iyo cisbitaalada. American Airlines, Delta Airlines, United Airlines iyo Allegiant Air ayaa hakiyay duullimaadyadii sababo la xidhiidha dhibaatooyinka isgaadhsiinta. Amarka ayaa yimid wax yar ka dib markii Microsoft ay sheegtay in ay xalisay adeegyadeeda daruuriga ah ee (Cloud service) oo saameeyay dhowr shirkadaha diyaaradaha, in kastoo aan la ogeyn in ciladdan ay la xadhiidho khal khal ku yimid internetka qaar kamid ah dalalka reer galbeedka. Shirkaddaha duulimaadka ayaa kamid ahaa kuwa uu dhibka ugu badan kasoo gaadhay ciladdan, garoomada diyaaradaha ee adduunka, oo ay ku jiraan Tokyo, Amsterdam, Berlin iyo dhowr garoon diyaaradeed oo Isbaanish ayaa la sheegay inay ciladdan saameysay, iyadoo uu dib u dhac ku yimid qaar kamid ah duulimaadyadda. Bangiyada iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee Australia ilaa Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa uga digay macaamiisha in ciladdan ay carqaladayn ku keeni karto adeegyadooda. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xisbiga Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo qayb ka ah doorashooyinka. Xubnaha guddiga ayaa ku eedeeyay xisbiga Kaah inuu jabiyay anshaxa doorashada, isla markaana uu ku xad-gudbay olola doorashooyinka ee ka socda Puntland. Guddiga ayaa si gaar ah ugu eedeeyay xisbiga Saciid Deni in maalmo uusan lahayn uu olole doorasho ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaasi. “Ujeedo ganaax xisbi siyaasadeed guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Puntland ee PEC marka uu arkay qodobka 114-aad, farqaddiisa koowad xarafka T ee dastuurka Puntland, markii ay u cadaatay in xisbiga Kaah uu ku xad-gudbay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada, ayaga oo olole aan maalintooda ahayn ka sameeyay deegaannada hoos ku xusan:-1-Deegaanka Xaaji Khayre 2-Deegaanka Baqbaq 3-Deegaanka Uskule 4-Deegaaka Dalsan 5-Deegaanka Baarwayn 6-Deegaanka Budanbuto oo ka tirsa Degmada Dangoronyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka kasoo baxay guddiga PEC. Sidoo kale waxaa xisbigan la ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan 5 kun oo Dollar, isaga oo sidoo kale laga mamnuucay in maalinta Axadda uu sameeyo olole doorasho. “Haddaba guddiga isaga oo ka duulaya qodobada sare ku xusan wuxuu go’aamiyay in Xisbiga Kaah uusan olole ka sameyn karin maalinada Axadda ah 21 bisha July, 2024 dhammaan deegaannada kor ku xusan, in Xisbiga Kaah uu bixiyo ganaac lacageed oo dhan 5 kun oo Dollar, waana inuu ku shubo akoonka guddiga muddo 24 saac gudahood ah” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee maamul goboleedka Puntland. Guddiga PEC ayaa sidoo kale uga digay dhammaan xisbiyada inay jebiyaan xeerka iyo anshaxa u yaalla doorashada, inta uu socdo ololahooda doorashooyinka. “Waxaan kale oo aan digniin u direynaa dhammaan xisbiyada muddada kooban ee ka hartay inay sameeyaan wax ka baxsan anshaxa ololaha, taas oo aan il gaar ah ku hayn doono muddada kooban, si ay doorashada u noqoto mid hufan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Puntland ayaa waxaa dhowaan ka qaybsoomaya doorasho qof yo cod ah oo laga qabanayo saddex degmo oo horay dib loogu dhibay doorashooyinkii ka dhacay maamulkaasi. The post Guddiga doorashada Puntland oo soo saaray go’aan ka dhan ah xisbiga DENI appeared first on Caasimada Online.
  11. Beledweyne (HOL) — Ten Al-Shabaab members were killed Friday afternoon in a battle with the national army and local militia near Murkudka in the Hiiraan region, officials reported. Source: Hiiraan Online
  12. Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraar ay soo saareen ku Mamnuucay ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka, iyaga oo ansixiyey siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka. Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka. Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka. Soomaaliya oo dhowaan laga qaaday cuna-qabateyntii ee in ka badan 30 sano saarnayd ayaa hadda ku dadaalaysa inay xakameyso hubka dalka soo galaya, ayadoo todobaad ka hor hub dhinaca Itoobiya ka yimid ay gacanta ku dhigeen dadka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Qulqulka hubka sharci darrada ah ayaa keeni kara in colaadaha sokeeye oo xooagaysta, qaadistii cuna-qabateynta oo dib u eegis lagu sameeyo, iyo nabad-galyada guud ee qaranka oo halis gasha, waxaana go’aan golaha wasiirrada ee mamnuucista ka ganacsiga hubka loo arkaa mid lagama maarmaan ahaa. Go’aankaan golaha ayaa soo baxay xilli todobaadkii hore hub si sharci darro ah kusoo galay dalka oo la sheegay inuu ganacsi ahaa lagu qabsaday degmada Cabudwaaq, dowladda ayaa ku howlan sidii dib loogu soo celin lahaa hubkaas gacanta dowladda. Source: goobjoog.com
  13. ATLANTA - Atlanta police investigators canvassed streets in and around downtown looking for a person of interest possibly linked to a June 18 homicide. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) — The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has launched an investigation into a July 17 incident in Buulo Mareer, Lower Shabelle, that resulted in the deaths of two civilians and injured another. ATMIS, responding to media allegations implicating its forces, has promised to make the findings public. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - Somali Council of Ministers approved a draft bill to establish the Independent National Electoral and Boundaries Commission and issued a resolution to strengthen the management of weapons and ammunition. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - Somali Council of Ministers approved a draft bill to establish the Independent National Electoral and Boundaries Commission and issued a resolution to strengthen the management of weapons and ammunition. Source: Hiiraan Online
  18. Washington DC (HOL) — The Department of Homeland Security has extended and redesignated Temporary Protected Status (TPS) for Somalia, allowing Somali nationals to stay and work in the United States for an additional 18 months. Secretary Alejandro N. Mayorkas announced that the extension will last from September 18, 2024, to March 17, 2026, due to ongoing armed conflict, insecurity, severe flooding, food insecurity, disease outbreaks, and barriers to humanitarian aid in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyaha dowladda federaalka Soomaaliya ah ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo xalay saq-dhexe ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, culimada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay caalimkii waynaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig. Sheekha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaay magaalada Muqdisho oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ah xertiisa, kaas oo sheegay inay xalay saq-dhexe uu geeriyooday Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Sheekha isla maanta lagu aasi doono agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed DHAMMAAD The post Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray geerida Sheekh Cusmaan Xiddig appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) — A Singapore-flagged containership, the MV Lobivia, sustained minor damage following a Houthi attack while en route to Somalia, according to confirmations from Singaporean authorities and the UK Maritime Trade Operations. The Houthis claim the vessel was targeted for violating their ban on Israeli ports. Source: Hiiraan Online
  21. The top United Nations court said Friday that Israel’s presence in the occupied Palestinian territories is unlawful and called on it to end, and for settlement construction to stop immediately, issuing an unprecedented, sweeping condemnation of Israel’s rule over the lands it captured 57 years ago. Source: Hiiraan Online
  22. Kenyan President William Ruto has announced a partial cabinet after weeks of antigovernment protests. Source: Hiiraan Online
  23. President Recep Tayyip Erdogan introduced a motion to the Turkish parliament on Friday, seeking authorisation for the deployment of Turkish troops to Somalia's territorial waters. Source: Hiiraan Online