Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 453191530_7988640341190196_8704525112743445782_n Qaran News
  2. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal, waxaana si diiran ugu soo dhawaayay dadka deegaanka. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ayaa inta aysan gaarin degmada Godobjiraan waxay ku hakadeen deegaanka Warguduud, halkaas uu kulan kula qaatay bushada deegaankaas. Madaxweyne Deni oo markii ugu horreysay booqday Godobjiraan ayaa sheegay in degmada Godobjiraan ay u yimaadeen in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira oo ay muddo maqlayeen, wuxuuna xusay in muddo laba bari ah ay ku sugnaan doonaan degmada. Degmada Godobjiiraan oo ka mid ah degmooyinka aadka ugu fog laamiga baahiyaha bulshaduna aad u hoosayso ayaa 23 July 2024 waxaa ka dhacday doorasho qof iyo ah oo lagu soo doortay golaha deegaanka degmadaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo booqasho ku tagay Godobjiraan appeared first on Puntland Post.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan: 1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. 2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga. 3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta. 4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaacabay wasiiro cusub appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) — Ali Omar's journey from a small village in Uganda to becoming the Deputy Director at NASA's Langley Research Center is a story of ambition, perseverance, and adaptability. As a young boy in Kisubi, Uganda, Omar's fascination with aviation began as he watched planes take off and land from the nearby Entebbe Airport. This early interest set him on a path that would lead to remarkable achievements in aerospace engineering. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed has accused the Federal Government of Somalia of failing in its fight against al-Shabab due to mismanagement and corruption. Source: Hiiraan Online
  6. Maanta oo ay bishu tahay 27 July 2024, Gudida ololaha doorashada ee Ardaaga Cabdi Ciise iyo Bahihiisa, ayaa kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Hotel Ambassador, magaalada Hargeysa. Kulankan oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Gudidan Mahad Kaambul ayaa lagu lafaguray u diyaargarawga doorashada iyo doorka muhiimka ah ee Ardaagu uu ka qaadan doono. Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Xisbiga ee Ardaaga iyo Cuqaasha Ardaagu, waxa uu ku soo dhamaaday Guul. Gudidani waxa ay baaq dheer u direen Ardaaga iyo bulshada Reer Somaliland ba iyaga oo ugu baaqay in doorashada loo diyaargaroobo. Ardaagani iyo Bahahiisa ayaa dhawaan ku biiray xisbiga Waddani iyada ay xaflad balaadhan oo ay isugu yimaadeen madaxda sar sare ee xisbiga Waddani iyoMusharaxa xisbigaasi ay shaaciyeen in ay dhisayaan oo ay garab istaagayaan Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo la filaayonin uu noqon doono madaxweynaha Somaliland ee fooda inagu soo haya Qaran News
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97,98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlada baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha hoos ku xusan: Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has announced the appointment of new cabinet members, including General Bashir Mohamed Jama (Bashir Goobe) as the Minister of Family Affairs and Human Rights Development. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeisa (HOL) — The Permanent Committee of the Somaliland House of Representatives has declared the impeachment case against MP Mohamed Abiib Yusuf illegal, citing procedural errors and insufficient grounds for the charges. Source: Hiiraan Online
  10. X A D A R A D A G O B O L K A S A N A A G Boqortooyadda_Carabta_Maxamuud_Saalax ee degta Gobolka Sanaag ee Caasimadda Ceerigaabo ku biiray Xisbiga Waddani. Muujiyeyna iney hormuud ka yihiin Isbedelka hoogaanka Dalka JSL. Waxey shacabka Dalku u haraad qabaan iney Madaxweynaha dalka loo cumamaddo Cabdiraxmaan Cirro . Maadama la arkey fashilka 7 sanee ugu danbeyey hogaaminta Madaxweyne Muuse Bihi iyo dalku halku marayo. Loona baahan yahey baadbaaddo Shacabka Reer Somaliland Gobol walba ey joogaan ilaa heer tuulo waa isbedel doon. Si loo helo Somaliland hogaamiye ku haga Siyaasadd ku dhisan bulsho wadda jirta iyo Dal iyo Dad Mideysan. Isbedelka Badbaado Qaran Dalka wuu ka hana qaadey Waana mid ku dhisan dareen Shacab oo lagu raadinayo. Isbedel khayr qaba. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Bashiir Cabdi Ameeriko oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xog xasaasi ah oo ku aadan sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya, kaas oo si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo maanta ka hadlay kulankii baarlamaanka ayaa sheegay in dhowaan xerada Xalane gudaheeda uu ku arkay ninka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya, isaga oo tilmaamay inuu dhex lugeynayay gudaha xeradaas oo ay dagan yihiin ajaaniib badan. Bashiir Ameeriko oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ninkan horay u yaqiinay, isla markaana ay mar kulmeen xilligii uu ahaa taliyaha. “Waxaan xog idin-ku siinayaa maalin dhaweyd aniga oo ku dhex lugeynaayo Xalane waxaan ku arkay ninka ugu sarreeyay mukhaaabaraadka Itoobiya oo aan horay u arkay markii aan taliyaha ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Ameerico. Sidoo kale wuxuu kusii daray “Xalane ayuu dhex wareegayaay isaga oo kaligiis ah dad yarbaa daba socday,”. Waxaa kale oo uu kusii daray in arrintan ay muujineyso mid laga leeyahay dano aad u wayn, isla markaana la doonayo in Soomaaliya ay sii joogaan shisheeyaha, ayna farogeliyaan arrimaheeda gudaha. “Maxaa keenaayo in sidaan aan kusii jirno? waxaa la rabaa in ATMIS ay sii joogto, UNSOM inay noo keento mashaariicda yaryareyd ee aan ka dhamaaneynin in la yiraahdo garoonkooda iyo dekeddooda ma lagu aamini karo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Hadalkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay is hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ka dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda, taas oo sababtay inuu go’o xiriirkii labada dhinac, waxaana xogta uu bixiyay xildhibaanka tahay mid leh walaaceeda, maadaama ay halis tahay in dal aad haysaan uu kusoo diro sirdoonkiisa. The post Daawo: Ninka ugu sarreeya sirdoonka ITOOBIYA oo lagu dhex arkay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  12. Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee saaka loo ballansanaa ayaan furmin kadib markii tirada xildhibaannadii loo baahnaa aanay kasoo xaadirin fadhiga. 49 xildhibaan ayaa soo xaadiray golaha, halka loo baahnaa inay soo xaadiraan xildhibaano gaadhaya 55 xildhibaan si ay cod ugu qaadaan xildhibaan Maxamed Abiib, kadib markii xeer ilaalinta guud usoo gudbisay goloha wakiillada soo jeedin ah maamuus ka xayuubin. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne careysan. Dadka isugu yimid Ceelasha Biyaha ayaa ka cabanaya burburin lagu sameeyay guryahooda, kadib amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan la fuliyay, ayada oo cagta la mariyay xaafad ay daganaayeen qoysaska haatan cabanaya. Shacabka dibad-baxay ayaa xirtay waddada laamiga ah ee marta Ceelasha, waxayna gubeen taayaro, kadibna waxaa faraha ka baxday xaaladda, ayada oo ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Rasaas ay fureen ciidamada ayaa lasoo wariyay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka, sida ay muujiyaan muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada. Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo goobta dibad-baxa kula hadlay Somali Cable Tv ayaa ka warbixiyay cabashooda, wuxuuna eedeyn u jeediyay madaxweyne Laftagareen. “Wax la yiraahdo laba dacwado oo gal inta furtay oo la kala qardaay ma jiraan waxaa kale oo intaas dheer dhulkan dukumintigiisa labada goof ee ugu horreeyo waxay wataan 82-adii iyo 89-kii, laba goof oo kalena waxay wataan dhaxal koob” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay Dhulkaas waxaa leh dadka la yaqaano ee reer Iidow iyo nimanka la yiraahdo reer Cabdulle Macow”. Waxaa kale oo uu xusay in dhulkooda la baneystay, kadibna si qaraabanimo ah loo siiyay dad kale. Laftagareen wuxuu maamulka Koonfur Galbeed geliyay wax aan sharciga iyo nidaamka midna ku banaaneyn si walaaltinimo ah oo ku hooyonimo ah ayaa wuxuu ku xalaaleystay dhul aad u fara badan oo dadkii lahaa ay dagan yihiin” ayuu mar kale yiri. Dhulkan oo la burburiyay todobaadkii hore ayaa la sheegay in lagu wareejiyay gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre, waxaana wareejinta ku sugnaa gudddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo sheegay in dhulkan ay maxkamad soo xukuntay, sidaasna ay ku wareejiyeen. The post Daawo: Xaalad adag oo ka taagan duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyay sababta ay mucaaradka uga soo horjeedaan guusha dowladda ee dagaalka Al-Shabaab. Shariif oo si adag uga jawaabay su’aashay ayaa sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee ayaa tilmaamay in maanta aysan jirin hal guuto oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la dagaalami karto Al-Shabaab, taasina ay muujineyso sida loo burbriyay ciidanka Soomaaliyeed. “Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay la socdaan qorshe ay wadaan madaxda dalka, isla markaana ay ku sameysanayaan ciidamo gaar ah oo dano ay ka leeyihiin. “Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo auurto” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee dalka. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”. Hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran. The post Shariif: Ciidanka milatariga maanta kuma jirto hal guuto oo dagaalami karta + Video appeared first on Caasimada Online.
  15. Dowladda Bangladesh ayaa xabsiga u taxaabtay saddex hoggaamiye arday, kuwaas oo gacan ka gaystay isu-dubbaridka isu-soo-baxyada looga soo horjeedo kootada shaqada ee dawladda ee ay gaarka u leeyihiin qoyaska halyeeyadii dagaalkii xornimada, Dibadbaxyada ay ardaydu hormuudka u yihiin oo maalmo socday ayaa sababay dhimashada dhawr qof iyo bandow ay dawladdu soo rogtay oo ay xannibaado dhanka isgaarsiinta ahi ku jiraan. Booliiska ayaa markii hore beeniyay in seddaxda hoggaamiye ee dhaqdhaqaaqa ardayda qaban-qaabinayay oo kala ah Nahid Islam, Abu Bakar Mazumdar iyo Asif Mahmud ay xabsiga dhigeen, balse wasiirka arrimaha gudaha Asaduzzaman Khan ayaa markii dambe u sheegay warfidiyeenka. “Iyaga laftoodu waxay dareemayaan ammaan darro oo ay u malaynayaan in dadka qaar ay u hanjabayeen, waxaana u malaynaynaa ammaankooda inay u baahan yihiin in su’aalo la weydiiyo si loo ogaado cidda u hanjabaysa”. Ayuu yiri wasiir Khan. Bannaanbaxyadan oo dhan ah shaqa la’aanta dhallinyarada iyo kootada boqolkiiba 30-ka ee ay qoysaska halyeeyadu ku leeyihiin shaqooyinka dowladda ayaa todobadkii labaad ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalkan ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya, waxayna dadku dalbanayaan in fursadaha iyo adeegyada dowliga ah laga dhigo kuwo loo simanyahay. Source: goobjoog.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisu ahaa maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo dacwad culus ay kusoo oogtay xeer-ilaalinta Somaliland. Kiiska Maxamed Abiib ayaa waxaa kasoo kordhay arrin aan la fileyn, kadib markii soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud uu ka horyimid guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada. Warbixin lala wadaagay xildhibaannada, sidoo kalena loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu shaaciyay go’aankka guddiga, waxaana lagu sheegay in soo jeedinta xeer ilaaliyaha ee ku aadan maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ay tahay mid sharci darro ah. “Haddaba guddidu iyada oo ka duuleyso asbaabaha kor ku xusay waxay golaha wakiilada u xaqiijineysaa in soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Mudane Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka hor imaaneyso mas’uuliyadda xil-gudasho ee mudanayaasha ee ku tilmaaman dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer.lr.01/2021″ ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga golaha wakiilada ee maamulka Somaliland. Guddiga ayaa sidoo kale xubnaha golaha wakiilada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud. “Sidaas aawgeed waxaannu mudanayaasha golaha usoo jeedineynaa inay nagu raacaan isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud” ayaa lasii raaciyay. Intaas kadib guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa soo xiray fadhigii aan caadiga ahayn ee guluhu u balansanaa in go’aan lagaga gaadho dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib kadib markii uu goluhu buuxsami waayay kooram la’aan, waxaana lagu ballamay inay dooddu halkeeda kasii soconeyso. Abiib oo haatan ku sugan Boorama ayaa xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay. Sidoo kale Xildhibaan ayaa horay u tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay. The post Arrin aan la fileyn oo kasoo korortay kiiska xildhibaan Abiib appeared first on Caasimada Online.
  17. 452987461_900352628776615_8492199720843221633_n Qaran News
  18. The sealed “toxic” tank that washed ashore at Ilfooshe coastal village near Garacad. Galkacyo (PP News Desk) — Inhabitants of Ilfooshe, a coastal village near Garacad, woke up today to find a sealed toxic tank that had washed ashore on the beach. The tank, blue in colour, was purposefully secured with a rope to a handle on one side to facilitate dumping it into the ocean. Local authorities have advised villagers not to open the tank, as it may contain hazardous substances. Environmental criminals dump toxic waste off the coast of Somalia despite the presence of anti-piracy forces. “Objects of this size wash ashore during the summer season,” said one of the locals. There are no guidelines for removing potentially hazardous objects that periodically wash ashore on the beaches of the Indian Ocean. The Puntland State Ministry of Environment and Climate Change has yet to devise contingency plans to protect coastal communities against the effects of toxic waste dumping on the unprotected coasts of the Indian Ocean. © Puntland Post, 2024 The post A sealed “toxic” tank washes ashore near Garacad in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo bare ka ahaa dugsiga hoose iyo dhexe ee Seemade ayaa lagu dilay deegaanka Seemade, degmada Jariiban ee gobolka Mudug, macalinka ayaa ahaa shakhsi aad deegaanka looga jeclaa. Nin ku hubeysnaa AK47 ayaa dilay Marxuumka, xilli uu ku sii jeeday Masaajidka deegaanka oo uu shalay khudbadii Jimcaha ka jeedin lahaa, macalinkaan ayaa kasoo jeeday gobolka Awdal ee deegaannada Gobollada Waqooyi. Ninkii dilay Macalin Cabdiraxmaan Muuse Ducaale ayaa gacanta lagu dhigay sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlayay kulan ay saaka isugu yimaadeen maamulka waxbarashada iyo macalimiinta gobolka Mudug. Laamaha amaanka gobolka Mudug iyo dadka deegaanka Seemade ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen in gacanta lagu dhigo, xilli isku dayay in uu baxsado. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono ninkaan. Macalinka ayaa ahaa nin si weyn deegaanka waxbarashadiisa loogu yaqaanay. wuxuu ka yimid markii Magaalada Boorame oo uu wax kusoo bartay deegaan ahaana uu kasoo jeedo. Source: goobjoog.com
  20. 453118289_842464404139880_3160230928117751277_n Qaran News
  21. Bosaso (HOL) — The Puntland Security Forces (PSF) have captured a foreign officer from the Islamic State (Daesh) group in the Almis Mountains of Somalia's Bari Region. Source: Hiiraan Online
  22. Kadib geeridii Caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig waxaa baraha bulshada si xoog leh u qabsaday hadallo adag iyo eedaymo ay hawada isku marinayaan culumada Salafka iyo kuwa Suufiyada, iyo dadka kala taageersan aragtiyaha labada dhinac. Arrintan ayaa ka billaabatay wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku durayo Shiikha geeriyooday, asagoo ku tilmaamay nin waxyaabo gaalnimo ah oo ay qabuuraha in la caabudo iyo khuraafaadku ku jiraan difaaci jirey, islamarkaana kutubkii uu qoray aysan wax faa’iido ah lahayn. Hadalkaas oo dad badan ka caraysiiyay ayaa abuuray kala qeybsanaan bulsho oo xoog leh, taasoo keentay in culumo waaweyn oo labada aragtiyood kala aaminsani ay khudbadaha masaajidka isku weeraraan, booliskuna ay saacado kooban xireen Ibraahim Ciyoow, ka dibna sii daayeen. Dadweyne caraysan oo laba dhinac kala taageersan ayaa ayaguna billaabay inay qoloba qolada kale Aflagaaddo iyo dhaliilo culus ku halgaaddo, ayagoo wadaada qaar difaacaya, qaar kalena si ba’an u duraya, taas keentay in xittaa culumo sano dheer mootani ay xabaalihii ku nabad-gali waayaan oo cambaarayn iyo canaan radin ah laga dul dhaco. Sidoo wadaada qaar oo khodbadihii jimcaha jimcaha arrintan cinwaan uga dhigay ayaa xaaladda uga sii daray oo eedeymo kulul huwiyay dhinaca ka soo horjeeda, taas oo keentay in carada arrintan ka dhalatay ay sii xogaysato, laguna tilmaami karo kicin bulsho oo halis nabad-galyo abuuri karta. HADDABA ARRINTA MAXAA KA DHALLAN KARA, SIDEE BAA’SE LOO QABOOJIN KARAA? ugu horreyn culumada waxaa la gudboon inay ka fogaadaan wixii bulshada iska hor keeni kara oo kala qeybsanaan abuuri kara, islamarkaana ay dadweynaha raacsan ku wacyi-geliyaan in waxa laysku maan-dhaafsanyahay ay koobanyihiin, ayna danta ummadda iyo waxa ka dhexeeyaahi ka ballaaranyihiin. Sidoo kale in ay Masuuliyad iska saaraan una meel dayaan hadallada ay dadweynaha u gudbinayaan ayaa habboon, ayagoo maanka ku haya dhibaatada laga dhaxlo iska horkeenidda bulshada oo kamid yihiin abuurmidda aragtiyo xagjir ah oo kuwa maanta dalku la daalaacayo ka sii daran. Dhanka dowladda waxaa la gudboon inay la timaado qorshe qaran oo la xariira aragtidaha iyo manhajka lagu barbaarinayo carruurta Soomaaliyeed, islamarkaana ay culumada kula xisaabtanto waxyaabaha bulshada kala fogayn kara iyo fasir diimeedka nabad-galyada guud wax u dhimaya. Source: goobjoog.com
  23. Qansaxdheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo xalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee qaybta ah howlgalka ATMIS, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu muddo socday, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray. Saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna ka dileen 5 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen. Sidoo kale Al-Shabaab oo qoraal soo saartay ayaa dhankooda guullo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen inay khasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, ayna u gaysteen dhimaasho iyo dhaawac. Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegasha labada dhinac oo warar is khilaafsan kasoo saaray dagaalka, waxaana dhinac kasta uu sheegtay guul. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Gobollada Baay Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo iyaguna howlgallo ka sameeyay gobolladaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Itoobiya oo uu dagaal culus ku qabsaday…. appeared first on Caasimada Online.
  24. Booliska Koonfur Afrika ayaa xabsiga u taxaabay 95 qof oo u dhashay dalka Liibiya, kadib howlgal lagu tuhmayo in ay ku qaadeen xero ciidan oo qarsoodi ah Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in ay baarayaan in saldhigyo kale oo sharci darro ah ay ku leeyihiin gudaha dalka. Afhayeenka booliska qaranka Athlenda Mathe ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee X ku sheegtay in dadka Liibiyaanka ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galeen fiisayaal waxbarasho si ay ugu tababaraan ilaalo ahaan, balse baaritaanada booliska ayaa sheegaya in ay heleen tababar buuxo oo ciidan. Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya goobta laga soo qab-qabtay dadkan oo u eh xero ciidan oo ay ka samaysan yihiin cooshado waaweyn oo cagaaran oo xiriir ah. Tobaneeyo nin ayaa la arkayay oo safaf galay markii la qabanayay. Waxay xidhnaayeen dhar rayid ah, marka ay soo galayeen gacanta ciidanka Booliiska. Sarkaal ka tirsan dowladda hoose oo lagu magacaabo Jackie Macie ayaa sheegay in baaritaanada ay socdaan, isla markaana su’aalo la weydiin doono milkiilaha beerta. Waxa uu sheegay in maamulku uu helay xog ku saabsan in ay jiraan xeryo qarsoodi ah oo la mid ah oo ku yaalla gobolka Mpumalanga oo qarsoon. “95-ta qof ee la xiray waxay dhamaantood u dhasheen Liibiya, waxaana hadda su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta ay khuseyso,” ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka Mpumalanga Maj. Gen. Zeph Mkhwanazi ku yiri hadal uu soo saaray xabsiga raggaan u dhashay Liibiya ee ciidanku qabtay. Wadanka Koonfur Afrika oo kamid ah dalalka G20 ayaa waxaa u soo shaqo tago ajaanib fara badan, laakiin qorshaha dadkaan Liibiyaanka ah ayaa noqday mid halis marka loo eego dadka kale oo u badan dad ganacsiyo kale duwan ku leh gudaha dalkaasi, dowladda ayaa qatar amni ku tilmaantay. Source: goobjoog.com