-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
An Ethiopian Airlines Boeing 787-9 Dreamliner plane is seen at the Asmara International Airport in Asmara, Eritrea July 18, 2018. REUTERS/Tiksa Negeri Eritrean authorities have suspended all flights by Ethiopian Airlines to the East African nation effective Sept. 30, the airline said on Wednesday. Flights from Ethiopia to Eritrea had resumed in 2018 after two decades, following a peace deal between the two neighbours that earned Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed a Nobel peace prize a year later. “Ethiopian Airlines has received a notice from the Eritrean Civil Aviation Authority through a letter… indicating the suspension of all Ethiopian Airlines flights to Eritrea, effective September 30, 2024,” the airline said in a statement posted on its official Facebook page. “The specific reasons for this suspension have not been disclosed to us,” it said. Eritrea Information Minister Yemane Gebremeskel did not immediately respond to a request for comment. Hanna Atnafu, a spokesperson for the airline, told Reuters the flight suspension came as a surprise. “What is shocking and saddening to our airlines was just 15 days ago, on July 8, there was a letter sent to (us) requesting, to increase our weekly flight frequency from 10 flights to 15,” Hanna said. State-owned Ethiopian Airlines is ranked the largest in Africa by revenue and profit by the global industry body International Air Transport Association. Source: Reuters The post Eritrea suspends Ethiopian Airlines flights, airline says appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta argagixisada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2023 appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (HOL) — The United Nations has congratulated Puntland's people on peacefully conducting one-person, one-vote elections in the Nugaal region's Garowe, Dangoroyo, and Godobjiraan districts. The milestone marks Puntland as the first regional state in Somalia to hold such elections for local government councils. Source: Hiiraan Online
-
HELSINKI, Finland (HOL) — Finland's new law to turn away asylum seekers at its eastern border with Russia has officially come into effect. The law aims to combat what it describes as instrumentalized immigration. The Finnish Parliament approved this legislation earlier this month, reflecting growing tensions between Finland and Russia. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku tegay deegaanka Buulo-xaaji oo uu dhowaan ka dhacay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab ayaa dhiirogeliyay ciidamada ku sugan halkaas ee jilibka u dhigay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka soo qaaday. Axmed Madoobe ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana xubno isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib looga dilay dagaalladii ka dhacay Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay la kulantay arrin aysan fileyn oo u horseeday guul darro, wuxuuna xusay in jabka gaaray uu ku noqday u-tun wayn oo xanuun badan. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda ay hadda qorsheyneyso aar gudasho, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo diyaar garoobo si ka duwan sidii hore. “Guusha lama sii daayo hadda waa guuleysanay sow maaha? maydkooda faraha badnaa ee Soomaali iyo Ajanabiba lahaa iyo dhaawacyadooda meel ay gaystaan ay waayeen si aynan u diyaar garoobin ayaan hadda u diyaar garoobeynaa oo sidii ka xoog badan, sababtoo ah qofka marka uu u-tun qabo ee aargusho u socdo iyo marka uu caadi yahay ma isku mid-baa” ayuu yiri madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland. Waxaa kale oo uu raaciyay “Hadda u-tunbey qabaan aargusho ayay u socdaan taasaa u baahan inaan libinta hantino oo wixii shalay aan ku jirnay aan laba laabno”. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ku boggadiyay halgankooda, wuxuuna tilmaamay in Soomaali badan ay ka farxiyeen. “Maanta waxaa sameyseen wax Soomaali idin kaga dayan karto inta dambe aan is raacino, waana idinka war hayn doonaa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe. Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa sidoo kale dalacsiiyay ciidamada guusha keenay, wuxuuna sidoo kale bilado geesinimo ah guddoonsiiyay saraakiishii ku hoggaamisay dagaalladii adkaa ee ay la galeen maleeshiyaadkii la laayay ee kooxda Al-Shabaab. Dhowaan ayay ahayd markii ko dhowaad 100 xubnood Al-Shabaab looga dilay weeraro ay ku qaadeen deegaanada Buulo-xaaji iyo Harboole oo ka wada tirsan Jubbada Hoose. The post Daawo: Axmed Madoobe oo ka digay qorshe culus oo ay damacsan tahay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
At 10am on a sweltering Sunday in June, I met up with 40 people at Virginia Water railway station. Our mission: to complete a nine-mile hike through picturesque Surrey villages and Windsor Great Park, with Windsor Castle our final destination. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warbixin xasaasi ah oo kasoo baxday Somaliland ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda ee todobaadkii tegay, waxaana warbixinta looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska bada, doorashada iyo arrimo kale. Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay in dhowaan la hirgeliyo heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya, waxayna ku adkeystay in aan waxba laga beddali doonin. Sidoo kale waxa ay ka digtay in maraakiibta dagaalka Turkiga ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay soo caga dhigtaan, si loo fuliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga. Dhinaca kale xukuumadda maamulka Somaliland ayaa sheegtay in safiirkooda Itoobiya laga guddoomay warqadaha aqoonsiga, isla markaana horay loo sii wado xiriirka labada dhinac. Hoose ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:- 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag gaashaanka ugu dhufatay in maraakiibta Turkigu ay soo galaan xeebta dheer ee Somaliland. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya, waxana ay jawaab ka bixisay haddallo ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya. Madaxweynaha JSL, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Xaaji Cabdi Aw Cadde). Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray dadweynaha iyo dawladda Itoobiya oo uu ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay dhul go’ ka dhacay koonfurta dalkaasi oo ay ku naf waayeen in ka badan 157 qof. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ka daah furtay diiwaan-gelinta Kalluumaysatada iyo Gaadiidka Kalluumaysiga dalka. Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL, Maxamed Qaasim Xuseen,ayaa Hawl-gal ku fuliyay sarriflayaasha aan sharciga u haysan ku ganacsiga suuqa sarrifka ee Wajaale ee Khalkhalka gelinayay suuqaasi. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa daneeyayaasha doorashada u soo bandhigay qoddobo ku saabsan hawlqabadka Komishanka iyo qabyada jirta ee la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku tilmaantay go’aan lagu degdegay tallaabadii Golaha ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa xadhiga ka jaray Mashruuca Xoolo-naaxinta oo laga Hirgaliyay Deegaanka Balan-baal ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed, ayaa digniin u diray warbaahinta ka hawlgasha dalka ee xayaysiisa dhakhaatiirta aan lahayn takhasuska. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda JSL ay sannadkan dabarayso dhammaan 18ka Milyan ee doollar ee ku baxaya doorashooyinka dalka ee muddaysan 13ka November 2024ka, taasi oo kala badh dhaqaalahaasi ay u shubtay komishanka, halka inta kalena kolba qadarka ay u baahdaan ay soo dalban doonaan. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO, oo ay horkacaysay madaxa u sareeya Xafiiska WHO ee Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Raabi Cabdi Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Baanka Horumarinta Africa oo ay hoggaaminayso Madaxa u qaabilsan Mashaariicda Baanku ka wado Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed ayaa wareegto ku magacaabay guddiga ilaalinta iyo daryeelka carruurta. Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee hab maamuuska Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀. The post Somaliland oo soo saartay warbixin ka kooban 15 qodob kuna adkeysatay fulinta… appeared first on Caasimada Online.
-
(Bloomberg) -- Somaliland warned Somalia against agreeing to a deployment of Turkish troops off the coast of the breakaway state. Source: Hiiraan Online
-
After an unprecedented year of extreme weather, El Niño has come to an end. For millions in East Africa, however, the future remains uncertain Source: Hiiraan Online
-
Guddiga sare Midowga Yurub ayaa go’aan ka gaari doonna dal ku galka la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, guddig ayaa soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo lagu xadidayo dadka imaanaya dalkaasi ee wata Passporka Soomaaliya. Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in tilaabadaan sababta loo qaadaayo ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo dadka ku yimaada sifooyinka sharci darrada ah. Soo jeedinta noocaan oo kale ah ayaa la soo bandhigay iyadoo la isku dayayo in la xoojiyo sidii wada jir looga shaqeyn lahaa dib u soo celinta dadka aan hanaanka sharciga ah ku joogin dalalka Midowga Yurub, sida lagu daabacay barta internedka ee SchengenNews. “Marka laga yimaado tillaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen Midowga iyo Waddamada xubnaha ka ah ee lagu wanaajinayo iskaashiga dib-u-celinta iyo in la tixgeliyo xiriirka guud ee Midowga Yurub uu la leeyahay Soomaaliya, haddana waxaa loo arkaa in wadashaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Yurub aysan ku filneyn, loona baahan yahay in tallaabo la qaado,” ayaa lagu yiri warbixinta. Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Schengen ah, waxaana codsiyadooda fiisahan uu qaadan doonaan 45 maalmood gudahood halkii markii hore 15 maalmood ay qaadan jireen. Mid ka mid ah sababaha la sheegay ilaa iyo hadda ee ka dambeeya qorshahaan Midowga Yurub ee lagu adkeynayo dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah amniga. “Soomaaliya waxay wajahday caqabado waaweyn oo argagixisanimo” iyo xasillooni darro siyaasadeed, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta travelandtourworld. Source: goobjoog.com
-
Somali diaspora assured of investment opportunities at home
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali nationals in the Diaspora have been assured of investment opportunities back at home. Speaking at the International Somali Diaspora Conference, Vice chairman of the International Bank of Somalia (IBS Bank), Abdirizack Warsame said the diaspora has been instrumental in rebuilding their country. Source: Hiiraan Online -
Ra’iisul wasaaraha maamulka Israa’iil oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay bannaanbax aanu filayn oo looga soo horjeedo dagaalka marinka Qasa xilli uu ku sii jeeday aqalka Congress-ka oo uu doonayay inuu khudbad ka jeediyo. Dad caraysan oo wata boorar ay ku qoranyihiin halku dhegyo ka dhan ah Israa’iil oo lulaya calanka Falastiin ayaa soo buux dhaafiyay afaafka hore ee aqalka Capitol-ka, ayagoo dalbanaya in Netanyahu lagula xisaabtamo gumaadka ay ciidamadiisu ka wadaan qasa. “Waxaan u dagaalami doonaa xorriyadda meel kasta oo laga diido adduunka oo dhan, waxaan la xiriirnaa Falastiiniyiinta sababtoo ah waxaan nahay dagaalyahannada xorriyadda halkan Ameerika”, ayuu yiri mid kamida dibad-baxayaasha oo la hadlay Warbaahintu. Bannaanbaxyada ayaa la filayaa inay sii xoogaystaan ayadoo kumanaan mudaaharaadayaal ahi ay qorshaynayaan inay isku soo baxyo waaweyn oo ay Israa’iil kaga soo horjeedaan ka dhigaan guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Washington DC inta uu ku suganyahay Netanyahu. Xilli uu dagaalka Qasa bishii 10-aad oo xariir ah socdo, islamarkaana uu sababay dhimashada 40 kun oo dadka reer Falastiin kamida, iyo dhaawaca boqolaal kun oo kale, ciidamadu Israa’iil ay xittaa goobaha barakacayaasha si arxan darro ah u duqeynayaan ayay haddana sharci dejiyaasha Mareykanka Netanyahu u Sacbinayaan oo ay casuumaado aan caadi ahayn u samaynayaan, taas oo muujinaysa in dhimashada reer qasa aanay macne weyn ugu fadhin. Source: goobjoog.com
-
Dawladda Itoobiya ayaa waxay joojisay duulimaadyada diyaaradda Itoobiya Airlines ay ku tagto caasimaddooda, Asmara. Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ee hoos yimaadda wasaaradda gaadiidka ee dalkaas, ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Itoobiya, waxa uu warkaas lagu sheegay kadib markii lagu soo daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas. Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, sababta ay mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ‘ay xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’. “Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn Karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo aynu aragnay,” ayay sheegtay Eritrea in ay ku joojisay duulimaadka diyaaraddaas. BBC du waxay isku dayday in ay xiriir la sameyso diyaaradda Ethiopia Airlines si ay wax uga waydiiso eedaha loo soo jeediyay, balse kuma aanan guuleysan in aan jawaab ka helno diyaaradda. Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay isku dayeen in ay dhibaatooyinka ay sheegteen xalliyaan iyaga oo xiriir la sameeyay diyaaradda, balse in aysna suuragalin ayay ku sheegeen warka ay soo saareen. Marar badan ayaan xasuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa ;agu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea. Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 30 ka bisha September uu dhaqan galiyo go’aankan lagu mamnucuay diyaaradda Itoobiya. Farriintaan ayaa waxay ku wargalineysaa rakab Eritrean ka ah ee qorsheynaya in ay isticmaalaan diyaaradda Itoobiya wixii ka dambeeya 20 ka bisha September in ay wax ka sii badalaan qorshahooda xilli hore. In kasta oo dalkaan mamnuucay diyaaradda Itoobiya hadana diyaaradda ayaa iibineysa tikidho diyaareed oo ah 31 ka September. Diyaaradda Itoobiya ayaa xilligaan haatan aan ku jirno waxay leedahay jadwal duulimaad oo ay shan jeer ku tagto todobaadkii magaalada Asmara. Marka laga yimaado duulimaadyada Ethopian Airlines ay ku tagto Asmara, waxaa jira shirkado diyaaradeed oo kale oo duulimaadyo ku taga caasimadda dalkaas sida Saudi Arabian, Turkish Airlines iyo Egyptian Ailines. Dhamaan diyaaradahaas ayaa si joogta ah u taga Asmara. Dhawaan ayaa waxaa madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay dalka Talyaaniga, isaga oo heshiis la gaaray shirkadda Italian Airlines si ay u bilawdo duulimaadkii ugu horeeyay ee ay ku tagayso Eritrea. .XIGASHADA SAWIRKA,. Dawladaha Itoobiya iyo Eritrea oo ahaa wadamo col ah muddo dheer, waxaana uu dib u bilowday safarka dhinaca cirka ah ee wadamadaan isugu gooshaan oo 20 sano ka hor carqalabooday sanadkii 2010 kii. Markii uu xilka qabtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abye Ahmed, Asmara iyo Addis Ababa oo aan dagaal iyo nabad midna ka dhaxayn ayaa waxay bilaabeen duuilmaadayad. Xilligaas ayay hugaamiyaasha labada dal waxay saxiixeen heshiis ay ugu magacdareen “Heshiiskii Asmara” kaas oo ahaa mid ogolaanayay isu socodka dhinac dhulka, ganacsiga iyo adeegyada isgaarsiinta bixiya. XIlliga haatan aynu ku jirno albaabada la isaga gudbo labada dal ayaa xiran, balse wali waxaa furan adeeggyada xiriirka. Xiriirka dhinaca dublumaasiyadda ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u soo noqday kadib markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ee ka socday dhinaca waqooyiga. Waxaa xusid mudan ee dawladda Eritra ay la safatay dawladda Itoobiya dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalkaas ee u dhaxeeyay Tigrey ga iyo dawladda federaalka, waxayna weerareen ciidamada Tigreyga. bbcsomali Qaran News
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka, waxaana kulanka uu ka dhacay hoyga Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo maanta loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad. Kulanka oo sidoo kale lagu soo dhoweynayay wafdiga ka socday baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa. Guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa mudane. Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban jeediyay jeediyay ayaa wafdiga ka socda baarlamaanka EAC la wadaagay muhiimadda ay Baarlamaanka Soomaaliya u leedahay in wafdigan dalka booqasho ku yimaadaan iyo in dalkeena uu xubin rasmi ah ka noqdo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa. Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa hadiyado guddoonsiiyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa, iyadoo dhanka kalena wafdiga ka socday baarlamaanka EAC hadiyado guddoonsiiyeen guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
In a coordinated, multi-pronged offensive, Shabaab, al Qaeda’s branch for East Africa, assaulted multiple Somali National Army (SNA) bases across southern Somalia’s Lower Juba region yesterday. Each side has claimed victory, with both releasing footage purporting to verify their claims. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale maanta howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen tuulada Xaliimo Cadey oo hoostagta deegaanka Buulp-xaaji, isla markaana ay halkaasi ku dilee xubno badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay hub fara badan oo ay kusoo furteen howlgalkaasi ee ay khasaaraha xoogga leh ku gaarsiiyeen kooxda. “Ciidanka ayaa intii hawlgalku Socday waxay khawaarijta ka dileen maleeshiyad ka tirsan khawaarijta iyagoona soo bandhigay hubkii ay ka furteen khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Xoogga dalka. Danab ayaa sidoo kale cagta marisay dhammaan fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd tuulada uu howlgalka uu ka dhacay, halkaas oo gabaad u ahayd kooxda. “Ciidanka Kumandooska Danab XDS Gaar Ahaan SMU ayaa Waxay Burburiyeen Goobo ay Gabaad ka dhiganayeen khawaarijta oo ku yaalay Tuulo lagu magacabo Xaliimo cadey oo hoostagta Degaanka Bbuulo-xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose” ayaa lasii raaciyay qoraalka. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegeen ciidamada. Dhowaan ayay ahayd markii deegaanka Buul-Xaaji ay soo weerareen Al-Shabaab, balse lagu jabiyay isla iyagii, isla markaana looga dilay tirada badan, hubnka looga furtay. Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro sababa khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. The post DANAB oo hub kasoo furatay Al-Shabaab, kadib markii ay dishay… appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) – Dawladda Eritrea ayaa joojisay duulimaadyaladii diyaaradda shirkadda Ethiopian Airlines ay ku tegi jirtay caasimadda dalkaas ee Asmara. Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, waxaana warkaan lagu daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas. Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea, sababta ay u mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ay ‘xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’. Eedeymaha ay Eritrea u jeedisay shirkadda doyaaradaha ee Ethiopian Airlines waxaa ka mid ah ‘Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo muwaadiniinta Eritrean-ka ay arkeen.’ Sidoo kale Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay dhinacyada ay quseyso arrintaan ay isku dayeen inay dhibaatooyinka ay sheegteen rakaabo wax ka weydiiyaan maamulka shirkadda Ethiopian Airlines, iyaga oo xiriir la sameeyay, balse in aysan ka helin haba yaraatee wax jawaab ah. “Marar badan ayaan xusuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay, laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Eritrea. Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeya 30-ka bisha September uu dhaqan gelayo go’aankan lagu mamnuucay diyaaradda Ethiopia Airlines, inkastoo dowladda Eritrea ay mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines, hadana diyaaradda ayaa iibineysa tikidho diyaareed oo ah 31-ka September. Dhankeeda dowladda Eritrea ayaa macaamiisha dalkaas u dhashay ee shirkadda ku wargelisay inay joojiyaan la macaamilka shirkadaas wixii ka dambeeya 20-ka September. Duulimaadyada Ethopian Airlines ay ku tagto Asmara markii laga soo tago, waxaa jira shirkado diyaaradeed oo kale oo duulimaadyo ku taga caasimadda dalkaas ee Asmara, waxaana kamid ah Saudi Arabian, Turkish Airlines iyo Egyptian Ailines, kuwaas oo dhamaantood si joogta ah u taga Asmara. The post Eritrea oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shalay khudbad u jeediyay Koongareeska Mareykanka, ayaa si adag u difaacay dagaalka ay dowalddiisa ka wado Gaza. Waxa uu wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Xamaas, inta uu ka helay guul kama danbeys ah, isla markaana uu soo guryo celinayo la heystayaasha Gaza. Xamaas ayuu ku eedeeyay sii socoshada dagaalka 10 bil jirsaday ee ay Isra’il ka waddo Gaza. Wuxuu weeraray Iran oo uu ku eedeeyay in ay maalgeliso Xamaas, ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen. Wuxuu kaloo cambaareeyay dibadbaxayaasha Mareykanka ee mudaaharaadyada ka dhigayay dhawaanahaan xarumaha Jaamacadaha Mareykanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay”doqomiin waxtar u yeeshay Iran” isla markaana caawinaya cadawga Israil. Khudbaddii Netanyahu ee Koongareeska Mareykanka, ayaa waxaan soo xaadirin in ka badan 50 mudane oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee Koongareeska. Inti ay khudbadda socotay, ayaa waxaa sidoo kale meel aanan ka fogeyn xarunta Koongareeska ee Capitol Hill ka socday mudaaharaadyo ay ka qeybgaleen kumannaan ruux oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza. Booliska ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa ku buufiyay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo rabay in ay socod ku gaaraan bannaanka xarunta Koongareeska, balse ay booliska u diideen. Dadkaan ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Netanyahu, iyo kuwo ay ku taageerayeen Falastiin, iyaga oo lahaa “Falastiin ha xorowdo”. Tan iyo marki uu billowday dagaalka Isra’il ee Gaza, ayaa waxaa ay ku dishay ku dhawaad 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. The post Netanyahu oo khudbad yaableh u jeediyay Congress-ka Mareykanka, wacadna ku maray… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Djibouti ayaa markii labaad cusboonaysiisay Heshiiskii Difaaca ee kala dhexeeyay Waddanka Faransiiska ee hore u gumaysan jiray dalkaasi. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan Paris, ayaa ku heshiiyey Maanta in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga difaaca ee labada dal, ka dib wadahadalo socday laba sano. Heshiiska la cusboonaysiiyay ayaa dhigaya in ay Djibouti sii joogaan 1,500 oo ka mid ah Askarta Militeriga Faransiiska oo fadhigoodu yahay Djibouti. Heshiiskan difaaca ee la cusboonaysiiyay ayaa markii ugu horreysay la saxeexay 1977-kii markii Djibouti ay xoriyadda heshay, waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011, waana markii labaad ee la cusboonaysiiyo. PUNTLAND POST The post Djibouti iyo Faransiiska oo markii labaad cusboonaysiiyay Heshiiskii Difaaca labada dal appeared first on Puntland Post.