-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay degaanno ku yaal koonfurta iyo bariga Lubnaan ka dib markii ay ku eedeeyeen Hezbollah inay riday gantaal ay ku dhinteen 12 dhallinyaro ah oo ku sugnaa magaalada Majdal Shams ee buuraha Golan Heights oo ay heysato Israa’iil. Kooxda Hezbollah ee Lubnaan ayaa beenisay dhammaan mas’uuliyadda weerarka gantaallada ee lagu qaaday deegaanka dhaca Buuraha Golan Heights ee ay heystaan Israel. Dhinaca kale,ciidamada Israa’iil ayaa weeraray iskuul loo isticmaalo isbitaal iyo hoy oo ku yiillay Deir el-Balah, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 30 qof oo Falastiiniyiin ah. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray 15 caruur ah iyo sideed dumar ah sida ay xaqiijiyeen Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda Gaza oo intaa ku dartay in ay jiraan dhaawacyo gaaraya in ka badan 100 qof. Ugu yaraan 39,258 qof ayaa lagu dilay weerarada Israel,halka lagu dhaawacay 90,589 dagaalkii Gaza ee bilowday 7 dii Oktoobar ee sanadkii tagay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo weerar duqaymo ah ka fulisay gudaha dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
-
Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxaa dalka Soomaaliya ku habsaday dhibaatooyinka ka dhashay dagaallo sokeeye oo aan anaga qudheenu iba-furkooda lahayn, hayeeshee aanu afjarkooda awoodi kari waynay oo aan illaa maanta saameyntoodii la tiicayno. Abaaro, bara-kac joogto ah, cudurro, fahaado, sicir barar, biyo la’aan iyo baad yari, iyo dac-darro dad iyo duunyoba basarkii iyo bahdii ka dishay ayaa kaalimaha hore kaga jira waxyaaba aanu collaadaha ka dhaxalnay oo miyi iyo magaalo bulshadii baylahda dhan walba ah u horseeday. Hooggii iyo hagaaskii dhibaatooyinkaas ka dhashay ayaa kumanaan soomaali ah ku riixay inay dalaabaan oo ay dalal shisheeye u tacabiraan, ayagoo nolol feecan baadi goobaya, carrigooda hodankaana jinnigii isha caddaa ka nebcaaday oo isaga huleelaan. Socdaal ay halis baaxad lihi ku gadaamantahay oo dhimasho iyo dhar xumo kale leh ayay isku biimeeyaan ayagoo halku-dhaggii caan baxay oo ahaa ” ama yurub ama yaxaas” laabta ku qabowsanaya oo aan miyir iyo maamin kale toone lahayn. Kuwaa buufiska baahida huwani qaaday garanaye, waxaa ayaguna jira qaar ay abaaraha iyo fatahaaduhu cayrteeteen ama deegaankoodii collaad uga bara kacay oo magaalooyinka buushash iyo cooshado ka ag waabtay, yididiilladooduna ay ku soo ururtay kaalmada danaha shisheeye ku daaban ee ay hay’aduhu bixiyaan. Qaarkood qabkii iyo iimaankii ayaaba ka dhintay markaa bay baryadii Illaahay iyo maciinsigiisii ka hormariyeen tuugsiga iyo gacma hoorsiga faranjiga, marka noloshooda ka waramayaanna ka billaabaya “waanu dhibaataysannahaye hay’aduhu si deg deg ah ha nooga soo gaareen”. Ayaga qura ma ehee soomaalida oo dhan ayuu dawarsigu meherad u noqday oo qolo waliba waxay ku leeyihiin keligeen waxba ma qabsan karno haddii aynaan taageero helin oo aan waxaa iyo waxaa laynaga gacan siin, caalamkuna inoo soo gurman. Warbaahintu markay qof abaar, fatahaad ama collaadi saameysay wareysanayaan wuxuu yidhaahdaa” waxaan baaq u dirayaa hay’adaha caalamka, haddii aan si deg deg ah laynoogu soo gurman waxaan qarka u saarannahay inaanu gaajo iyo harraad u baaba’no iwm”. Dhawaqyada caynkaas ihi waxay kansho dhaqaale u noqdeen boqolaal urur oo magaca soomaaliyeed qaaraanno badan ku aruursada, magaallo walbana intay xeryo iyo daashad ka samaysteen yidhaahda dadka tabaalaysan ayaan u gargaaraynaa. Kooxahaasi dhowrkii biloodba waxay soo saaraan warbixinno ay ku sheegayaan in dalka soomaaliya uu halis ba’an wajahayo, loona baahanyahay in in malaayiin doolar loogu deeqo si noloshada dad badan loo badbaadiyo tusaale waxay dhahayaan” 2.5 malyan oo soomaali ah ayaa macaluul la il-daran, haddii aan deg deg loogu soo gurmanna dhimasho ayay qarka u saaranyihiin”. Howlaha caynkaas ah ayay 30 sanadood ka badan ku caano maalayeen, mana muuqato tab iyo xeelad looga gudbi karo qorshahan bah-dilaadda xambaar oo astaanta saboolnimada mageceenna ku ladhay. Waa run oo haddii ay dhibaato culuse inagu habsato waan u baahannahay garab istaag iyo gacan siin, balse ma aha inaanu abbaar iyo aaranba u hanqal taagno sandareerto iyo deeq yaroo dullinimo huwan, tabcashada iyo isku tashigana inaga hor istaagaysa. Haddaba waxaa habboon inaanu dhammaanteen xoogga saarno sidii aanu maskaxdeenna iyo muruqeenna u maali lahayn, cuuryaanimada iyo cindi xumaanta maankeena ku dahaaran oo wax-qabsiga noo diidanna aanu iska tirno oo isku tiirsanaan iyo tanaadnimo u tafa-xaydanno. Source: goobjoog.com
-
Raiisulwsaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu wafdi u diri doono Rome si ay wadahadalo ula yeeshaan Israel si loo soo afjaro dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas, laakiin waxa uu kaga jawaabayey hadal ka soo yeeray Kamala Harris oo ah in aysan “ka aamusi doonin” “masiibada” Gaza. Hadalka ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yimid Jimcihii mar uu booqasho ugu tagay Donald Trump gurigiisa Mar-a-Lago estate ee Florida, maalin ka dib markii uu kala hadlay dadaallada xabbad-joojinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ms Harris, madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo sugnaa Washington. Maamulka Biden wuxuu sheegay in Israa’iil iyo Maraykanku ay “soo yareynayaan kal fogaanta” wadaxaajoodka. Ms Harris, oo ah musharraxa ay u badantahay in uu tartamo madaxtinimada Dimuqraadiga ayaa sheegtay in aysan “ka aamusi doonin” “masiibada” iyo “silica” dadka rayidka ah ee Gaza iyada oo ku baaqday dhammaan dhinacyada inay heshiis gaaraan. “Waxaa la joogaa xilligii dagaalkan uu dhammaan lahaa oo uu ku dhammaan lahaa si ay nabad u ah Israa’iil, iyo in la sii daayo dhammaan dadkii la afduubtay iyo in lasoa afjaro dhibaatada haysata Falastiiniyiinta Qazana, shacabka Falastiinna ay isticmaali karaan xuquuqdooda xorriyaddeed, sharafta iyo aayo-ka-tashigooda. “aye tiri Ms Harris. Qaran News
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay howlgal ay dadka degan xoog uga saarayaan dhisamayaasha wasaaradii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya , oo kutaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Dadka deggan xaruntaasi ayaa ku waaberiistay saaka Ciidamo ka tirsan dowladda ka tirsan oo xalay saq dhexe lagu daadiyey waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa xaruntii Wasaaradda arimaha gudaha ee ku taallay degmada Boondheere. Dhamaan waxaa xiran waddooyinka ka ag dhaw xarunta sidoo kale waxaa la xanibay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaana gudaha ka socda burburin iyadoo dadkuna ay isku dayayaan in ay alaabahooda ay goobtaas kala baxaan si ay uga badbaadaan waxyeelada burburinta. Horay dowladda ayaa ugu dhawaaqday in dhulkaas oo ah dan guud ay dowladdu u baahantahay muhiimna ay tahay in laga guuro, saaka ayeyna dowladdu fulisay amarkii ay horay ugasoo saartay dhulkan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo saaka bilowday hawlgal xoog loogu saarayo dadkii deganaa xarunii hore wasaarada Arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.
-
Todobaadyo ka hor waxaa Wasaaradda Waxbarashada horteeda bannaanbax ka dhigay ku dhawaad 100 macallin oo muddo ka shaqaynayay dugsiyada ay maamusho Wasaaraddu, kuwaas oo sheegay in laga joojiyay shaqadii, islamarkaana lagu wargeliyay inay dib u soo codsadaan oo ay ka fa’iidaystaan fursadda ay dowladdu ku qaadanayso bareyaal 3 kun ah. Hadda wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo ka qeyb-galay madal ay bahda waxbarashada iyo dadweyne kaleba su’aalo ku weydiinayeen ayaa ka jawaabay arrintaas, wuxuuna sheegay in macallimiintaas mashaarkooda uu bixin jirey Bank-ga adduunka, islamarkaana uu joojiyay, wasaaradduna ay ku qasbantahay inay bareyaashaas la wadaagto inay shaqada dib u soo codsadaan. Wasiirka Faarax ayaa intaa ku daray in macallimiinta qaar kamid ahi aysan si feecan u fahmin arrintaas, balse ay wasaaraddu la fariisatay oo la qanciyay, islamarkaana ay hadda cabashadoodii meesha ka baxday, labada dhinacna ka heshiiyeen. Dhanka kale qaar kamida macallimiintaas la hadlay goobjoog news ayaa sheegay inuu jiro wada-hadalkaasi, islamarkaana Wasaaraddu ay cabashadoodii ka jawaabtay, balse ay weli sugayaan fulinta wixii laysku afgartay. Macallimiintan ayaa dhowrkii sanoo la soo dhaafay ka shaqaynayay dugsiyada Kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashadu maamusho, ayadoo qaarkood ay tababarro muddo dheer qaatay u soo mariyeen sidii ay shaqadooda uga soo dhalaali lahaayeen, balse dhowaan ayaa loo sheegay in mushaarkoodii uu ku egyahay bisha August, islamarkaana ay u furantahay inay ka noqdaan u tartamayaasha macallimiin 3 kun ah oo ay sanadkan dowladdu qaadanayso. Source: goobjoog.com
-
Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in ciidamo badda ah loo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu sugayo ammaanka xeebaha Soomaaliya, ciidankaan ayaa joogaya Soomaaliya muddo laba sano ah oo ka howlgalayaan. Go’aankaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan labada dowladood ay wada galeen heshiis ku aadan amniga oo muddo 10 sano ah soconaya, waxaana howlgalkaas uu yahay mid sidoo kale lagu wado in lagu dhiso ciidanka badda Soomaaliya oo dhowaan tabarro kale duwan uga furmayaan Muqdisho. Soojeedintaan ayaa muujinaysa in tan iyo 2009-kii ay ciidamada Turkigu si firfircoon u taageerayaan dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda, dhaca hubeysan iyo argagixisada badda ee gacanka cadmeed, xeebaha Soomaaliya oo muddo ay ka dhacayaan weerarro beegsasi ah. Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay inay tani ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo socon doono muddo 10 sano ah sida ku xusaneyd nuqulka heshiiska. “Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ooh adlay. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa ay ku leedahay Saldhigga Milatari ee ugu weyn dal ay ku yeelato, waxaana lagu tababaraa ciidanka Soomaaliya waxaana sanad walba kasoo baxa daraasiin ciidan ah, kuwaas oo qeyb ah xoogga dalka qeybihiisa kale duwan xilli muddo uu socdo heshiisku Source: goobjoog.com
-
IFJ urges Somalia to withdraw the Official Information Bill
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The International Federation of Journalists (IFJ) has urged Somalia’s government to withdraw the Official Information Bill (OIB) saying the set of laws could affect the right to information. Source: Hiiraan Online -
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen gantaal lagu weeraray garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla magaalada Majdal Shams ee buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Israa’iil. Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in carruur ay ku jiraan dadka lagu dilay wareerka, asaga oo ku eedeeyay kooxda Lubnaan ee Xisbullah inay fulisay, balse xisbullaahi way beenisay inay ku lug leedahay ama xariir la leedahay falkan. “Xisbullah ayaa mas’uul ka ah dilka carruurta aan waxba galabsan, waxaana isku diyaarinaynaa inaan ka jawaabno arrintan” ayuu yiri Hagari oo dhacdadan si adag uga hadlay, Xisbullaahi’se si degdeg ah oo aan looga barin ayay falkan isaga fogaysay. Weerarkan ayaa ah mid kamida kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay Israa’iil waayadan la kulanto, waxaana la filayaa inay jawaab militari ka bixiso saacadaha soo socda, taas oo insha lagu wada hayo sida ay noqan doonto. Source: goobjoog.com
-
Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin u oggalaanaya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu ciidamo badda ah geeyo badda Soomaaliya. Muddada sharciga ah ee Baarlamaanka Turkigu ay ansixiyeen ayaa ah labo sanno, wuxuu u baahan doonaa in waqtigaa dib loo cusboonaysiiyo. Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Ciidan badeed la geeyo xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
CAPE TOWN, South Africa (HOL) — A young Somali man, Omar Abdullahi Ahmed, also known as Omar Qamarji, was fatally shot by armed robbers in the Philippi area of Cape Town, South Africa, yesterday afternoon. Witnesses reported that the attackers fired multiple shots at Ahmed at his business before stealing cash and other items and fleeing the scene. South African police arrived hours later and began investigating, but no arrests have been made. Source: Hiiraan Online
-
452915886_1159055548696667_1234914051818643584_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Weriye Cali Nuur Salaad ayaa maanta laga sii daayey xabsiga, kadib markii uu dhowaan soo xiray booliska Soomaaliya. Calinuur Salaad ayaa ahaa Agaasimaha Telefishin lagu magacaabo Dawan, waxayna Caasimada Online ogaatay in maanta uu xoriyadiisa dib u helay. Booliska ayaa markii lasoo xiray Calinuur waxay ku eedeeyeen “been-abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax-darro” in kastoo aysan soo bandhigin cadeymaha eedeymahaas. Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa ayaa lagu sii daayey dadaallo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo bahda saxaafadda. Dhinacyadaan ayaa ku baaqayey in Weriye Calinuur lasii daayo booliska oo baahiyey soo qabashada Calinuur ayaa ka aamusay sii deyntiisa. “Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir markii lasoo xiray Calinuur. Calinuur Salaad ayaa maalin ka hor markii la xiray bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.” The post Weriye Calinuur Salaad oo laga sii daayey xabsiga iyo dhinacyadii ka shaqeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo Muhiimmadda uu u leeyahay Xukuumadda. Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo Xukuumadda DanQaran ka caawinaya in ay gaarto hadaf-yadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagayo horumarinta dalka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarineyso dalka, iyada oo adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbeddelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dardargelinta Guddi hoosaadyadda heer Farsame iyo heer Wasiiro iyo diyaar garowga ku aaddan waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Baarlamanka Turkey ayaa ansixiyey mooshin madaxweyne Erdogan awood u siinaya inuu ciidamada badda geeyo biyaha Soomaaliya muddo laba sano ah. Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Soomaaliya iyo Turkey ay bishii Febraayo saxiixdeen heshiis iskaashi difaac iyo mid dhaqaale, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo awoodda difaacca badda Soomaaliya iyo dhismaha ciidan badeed. Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ethiopia ay heshiis la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo Addis-Ababa lagu siinayo dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska waxaa si xooggan uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya. Turkey ayaa horraantii July marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeyey wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo aan miro-dhalin. Inkasta oo Itoobiya ay codsatay dhex-dhexaadinta, haddana ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ka cago jiiday in horumar laga gaaro. Arrintaas ayaa wararku sheegayaan in Turkey ay ku qasabtay inay dedejiso fulinta ballan-qaadka difaaca Soomaaliya iyo ansixinta heshiiska. Faah-faahin dheeraad ah, naga filo goor dhow, Insha Allah. The post Baarlamanka Turkey oo ansixiyey mooshin ciidamo loogu soo dirayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan intaba. Jaamac ayaa jawaabtiisa ku sheegay in laga haboonyahay in la siyaasadeeyo arrimaha ciidamada, wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin. Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyeyaal guul wayn ka keenay dagaal adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Saaxiibada siyaasadeed ee siyaasadda dowladda dhaleeceynaya waxyaabo kale ayaa u furan inaan ka wada-hadalno, laakiin lama aqbali karo in Daawada cadeyga ay ka dhigtaan ciidankeena”, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu kusii daray “Subax kasta ma rabno in askariga Soomaaliyeed ee jooga furinta laga mashquuliyo Facebook-ga iyo makarafoonada”. Wasiirka gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay niyad jabinta ka daayaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, wuxuuna sheegay inay raadiyaan wax kale oo ay ku dhaliili karaan madaxda dalka. “Waxaan soo jeedineynaa in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada wiilkaas furinta joogo ma yaqaano mucaarad iyo muxaafad” ayuu mar kale yiri wasiirku. Sheekh Shariif wuxuu saaka shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif. Waxaa kale oo uu yiri “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”. Si kastaba, hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran. The post Wasiirka gaashaandhigga oo u jawaabay Shariif + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cadi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa qaaday tallaabo culus, isaga oo magacaabay wasiiro cusub oo uu ku jiro General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo loo dhiibay xilka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Bashiir Goobe ayaa ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed, waxaana ra’iisul wasaaraha lagu dhaleeceeyay in ninkan ayada oo lagu jiro dagaal u magacaabo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo magaca uun loo bedalay. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa su’aal wayn ka keenay arrintan, wuxuuna ka horyimid in Bashiir Goobe loo dhiibo wasaaraddii ay lahaayeen haweenka. “Soomaalida nool ninkii la sheegay inuu ugu darajo sarreeyo ee gaaray darajadii AUN sarreeyo guud Maxamed Cali Samatar ayaa loo magacaabay wasiirrada gabdhaha oo ahaa wasaaradda kali ah ee haweenka lahaa. Hadde ogoow marka ninka garbihiisa ay darajada sarreeye guud saarantahay wasiirka haweenka loo magacaabayo dalku wuxuu ku jiraa dagaal” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Oo hadiiba aan la hureeyn in nin loo magacaabo wasaaradda haweenka almiino maxaa loogu magacaabi waayay kuwii sawiradooda la soo bandhigayay maalmihii la soo dhaafay ee Ahmed-qalanj iyo kuwii lamidka ahaa”. Cali Yare Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintan ku macneeyay mid nasiib darro ah, isla markaana aan ku habooneyn mas’uul darrajadaas ka gaaray ciidanka Soomaliyeed. “Waan ayaan-darannahay hadaan cimri ku gaarnay “sarreeye guud isaga oo qudbadeeynaya na leh “annaga oo ah wasaaradda haweenka” ayuu mar kale yiri. Dhinaca kale waxaa magacaabista Bashiir Goobe iyo xilka loo magacaabay ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyay dadka isticmaala baraha bulshada. Ismaaciil Maxamed “Wasaaradda haweenka waa laga qurxiyey miyaa? Bashiir Goobe wasiirka qoyska miyaa loogu beddalay?”. Abdirahiim Cismaan “Ninkii dhammaa ee Janannada Soomaalida ugu darajada sarreeyey wasaaradda qoyska maa shaqo uga dhigteen?, Xukuumad meesha nooma taal wallee”. Dheyman Xaaji “Wasaaradda haweenka mala boobey? HORMARINTA QOSKA AAAA HAYEELINA”. Yuusuf Ibraahim Cabdi ayaa isaguna yiri “Wasaaradii Haweenka iyo General raggiy waa jabay Sanadkan”. Shukri Xaashi “Waa maxay Generaalka wasiirka wasaaradda haweenka loo magacaabay? The post Xamza oo qaaday tallaabo si weyn loo dhalleeceyay xilli uu dalka dagaal ku jiro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir oo ka qeyb-galay madal dad weyne oo ay bahda waxbarashada iyo masuuliyiin dowladda ka tirsani goobjoog ka ahaayeen ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan deeqaha Waxbarashada ee ay Soomaaliya ay dunida ka hesho oo muddooyinkaan dambe yaraaday. Wasiirka ayaa sheegay in dalalkii Soomaaliya deeqaha waxbarashada siin jirey ay qaarkood duruufo qabsadeen sida suudaan, taas oo sabab u ah inay hoos u dhacaan fursadihii waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka heli jireen, sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalal koobani ay bixiyaan fursado heer sare ah, ayna dowladdu si feecan u maareyso. Wasiir faarax Cabdulqaadir ayaa dhanka kale wacad ku maray inaan la aqbali doonin in shahaado jaamacadeed lagu qaato 3 sanadood keliya, islamarkaana ay qasab tahay in loo hoggaansamo muddada halka sano ah ee ay Wasaaraddu ku dartay waxbarashada jaamacadaha. Source: goobjoog.com
-
Afhayeenka kooxda Yemen ayaa sheegay in Weerarrada duqeymaha ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay dalkaas ka fuliyeen laga beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudeydah sida uu baahiyay TV-ga Al Masirah oo taageera kooxda. Duqeymahan oo dhacay horraantii Jimcihii ayaa sidoo kale lagu beegsaday Jaziirada Kamaran, oo ayana ku taal isla Gobolka Xudeydah oo kamida deegaanada ugu muhiimsan dalkan ay colaadu aanfeeyeen ee ku yaalla bariga dhexe. Kooxda Xuutiyiinta ayaa billaabay bartilmaameedsiga maraakiibta xamuulka ee xariirka la leh Israa’iil iyo reer galbeedka wixii ka dambeeyay goortii uu qarxay dagaalka marinka Qasa, ayagoo sheegay inay ugu hiillinayaan dadka reer Falastiin, balse Mareykanka, Ingiriiska iyo dowlado kale ayaa bishii janaayo ku dhawaaqay isbahaysi ka dhan ah kooxdan gacan saarka la leh Iiraan. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Bashiir wuxuu sheegay inuu dhowaan ku arkay Xalane sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya. Muqdisho (Faallo PP) — Xildhibaan Bashiir Cali Ameeriko ayaa maanta sheegay inuu dhowaan ku arkay Xalane sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya. Hadalka xildhibaanka xog la’aan ayaa ka muuqata sababo dhowr ah awgood. 1- Sanaadkii 2023 waxay dowladdda federaalka Soomaaliya la saxiixatay Itoobiya heshiis sir wadaagis uu saxiixay madaxii hore ee NISA Mahad Salaad. 2- Diseembar 2023 waxay dowladda federaalku la saxiixatay Itoobiya heshiis gashaandhig (defence pact). Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiiska saxiixay. Xildhibaannada Barlamaanku way taageereen labadaas heshiis. Aamusnaan ayay ku taageereen. Labadaaa heshiis waxay ku abuureen Itoobiya damac ah in ay qaadan karto bad Soomaaliyeed. Sideedaba xildhibaannada baarlamaanku tan iyo 2014 way taageersanayeen in Itoobiya ciidankeeda lagu soo celiyo Soomaaliya inkastoo go’aankaas u jebinayay heshiiskii ay saxiixeen Isbahaysigii Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Dowladdii ku meelgaarka 2008. Wasiir Fiqi wuu og yahay in dowladda uu ka tirsan yahay ay la saxiixatay Itoobiya heshiis difaac iyo heshiis sir wadaagis. Weerarka siyaasadeed uu Xildhibaan Bashiir ku qaaday siyaasadda dowladda federaalka, iyo weerarka uu Wasiirka Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ku qaaday Itoobiya markuu khudbad ka jeedinayay shirkii qurbejoogta Soomaalida ka dhacay Qatar labduba ma xusin sifada sharciga ah oo ay ciidammada Itoobiya ku joogaan Soomaaliya. Ma jiro siyaasi dhaliilay siyaasadda in ciidanka Itoobiya dalka lagu soo celiyay. Wasiir Fiqi waxay ahayd inuu marka hore dhaliilo siyaadadda dowladda uu ka tirsan yahay oo Soomaaliya ka dhigtay ku tiirsanaha ciidammada Itoobiya. Haddii sida Fiqi sheegay “ay ciidammada Itoobiya ka bexeen Soomaaliya iyaga oo cagaha ka dhiigaya” yaa oggolaaday in Itoobiya ciidankeeda lagu soo celiyo Soomaaliya? Sanadkii 2006 Itoobiya waxay cuskatay sababo is difaac, yaa leh eedda in ciidammo Itoobiya ay hadda Soomaaliya ku sugan yihiin iyo in weli heshiiska difaaca iyo heshiiska sir wadaagista ay weli jiraan? Sababtee ayay dowladda federaalku heshiis difaac ula gashay Itoobiya oo doonaysa inay qabsato qeyb ka mid ah Soomaaliya? Waxay u eg tahay in madaxda Soomaaliyeed aysan runta isu sheegaynin. Siyaasiyiinta Muqdisho fadhiisinka siyaasadeed ay u tahay marnaba kama hadlin in ciidanka Itoobiya dalka loogu soo celiyay sifo sharcidarro ah iyo in aan laga baaraandegin heshiiska difaac iyo heshiiska sir wadaagis ay dowladda federaalku sanadkii 2023 la saxiixatay Itoobiya. Dowladdu waxay u dhaqantay sida jabhadihii ku tiirsanaa Itoobiya ka hor 1991. © Puntland Post, 2024 The post Ma xog la’aan baa haysa Xildhibbaannada baarlamaanka federaalka? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hareeyay dood xoogan iyo buuq, kadib markii ay is qabteen guddoomiyaha iyo xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud. Xildhibaanka iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa dhex-maray dood culus oo ka dhalatay markii uu Cabdisamad dood ka keenay kooramka baarlamaanka, intaas kadib guddoomiyaha ayaa amray in makarafoonka laga xiro, balse xildhibaanka ayaa diiday. “Cabdisamad fariiso aniga kuuma fasixin makarafoonka waa fadhiisaneysaa” ayuu ku amray guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xildhibaan Cabdisamad ayaa iska diiday amarka guddoomiyaha, wuxuuna ku jawaabay “Adiga makarafoon ayaa kuu furan anigana makarafoon ayaa ii furan, mana fariisanaayo waa inaan u sinaanaa xeer hoosaadka”. Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale hadalka qaatay ayaa ku laabtay xeer hoosaadka, wuxuuna sheegay inuu dhigayo in kulanka baarlamaanka uu ku furmi karo laba kooram oo kala ah 139 xildhibaan iyo mar kale oo uu ku furmi karo 184 Mudane, markaas uu jiro qodob xasaasi ah, sida arrinta madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha ama dastuurka. “Kooramka waxaa loo rabaa in baarlamaanka wax cusub uu anisixi karo walaalkey Cabdisamad haddii u dhibaayo socodka BFS ha sheego ” ayuu yiri Aadan Madoobe. Ugu dambeyntii buuqa ayaa waxaa soo farogeliyay xildhibaannada kale oo guddoomiyaha ku raacay go’aankiisa, kadibna waxaa lasii waday doodda. “ The post Maxaa maanta kala qabsaday Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaan Cabdisamad? appeared first on Caasimada Online.