-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Gabar Mareykan aheyd balse asal ahaan kasoo jeedday Turkiga oo dhawaan ciidamada Isra’il ku dileen Daanta Galbeed ee dhulka la heysto xilli ay ka qeybgaleysay bannaanax lagu taageerayay xorriyadda Falastin ayaa Sabtidi shalay lagu aasay degmada ay kasoo jeedday oo ku taalla Turkiga. Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyadoo dareenka lidka ku ah Isra’il ee Turkiga uu sare u sii kacay, arrintaas oo ka dhalatay colaadda sii baaheysa eek a jirta mandiqadda Bariga Dhexe. Aysenur Ezgi Eygi, oo aheyd 26 jir ku nooleyd magaalada Seattle, ayay toogteen ciidamada Isra’il 6-di bishaan September xilli uu socday bannaanbax looga soo horjeeday deegaameynta ay Isra’il ka waddo dhulka la heysto ee Daanta Galbeed. Ayshenur ayaa lagu aaday degmada Didim ee ka mid ah magaalooyinka kulaala badda Eejiyaanka ee u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga. Calanka Turkiga ayaa ku daboolnaa naxashka lagu waday meydkeeda, iyada oo ay dad badan oo qiireysnaa ay ka qeybgaleen bud-dhiggeeda. Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay dilkeeda, kuna baaqay in lagu sameeyo baaritaan. Dhanka kale, duqeymaha ay ka geysanayaan ciidamada Isra’il Marinka Gaza ayaa sii socday Sabtidi shalay, iyada oo la xaqiijiyay dilka ilaa 14 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeymo lagu bartilmaameedsaday koofurta iyo bartamaha Gaza. Waaxda Difaaca Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegtay, in duqeyn lagu burburiyay guri ku yaalla magaalada Gaza lagu dilay 11 qof oo ay ku jireen 4 carruur ah iyo saddex dumar ah. Tan iyo horraanti October, ila wareedyada Gaza ayaa ku warramay in Marinka Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiinyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. The post Aysenur oo lagu aasay Turkiga iyo Falastiiniyiin kale oo lagu dilay Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Nigeria ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ugu yaraan 64 oo qof ay ku hafteen webiga gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, kaddib marki ay qallibantay dooni ay la socdeen. Doon ka sameysneyd alwaax oo ay la socdeen ilaa 70 qof oo beeralley ah ayay wararku sheegayaan in ay ku gaddoontay meel u dhaw degmada Gummi aroornimadi hore ee Sabtidi shalay, xilli ay rakaabka saarnaa isku dayayeen in ay gaaraan beerahooda oo ku yaalla daanta kale ee wabiga. Dad u badnaa kuwa deegaanka oo is abaabulay ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan, balse saacado kaddib dib uga soo laabtay biyaha kaddib marki ay soo badbaadiyeen lix ka mid ah 70-ka qof. Aminu Nuhu Falale oo ka mid ah maamulka dowladda hoose ee degmada Gummi ayaa sheegay, in tani ay tahay dhacdadi labaad oo deegaanka ka dhaceyso. Wuxuu kaloo sheegay, in maalintiiba ay wabiga isaga tallaabaan in ka badan 900 oo beeralleey ah. PUNTLAND POST The post In ka badan 64 qof oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen webi ku yaalla Nigeria appeared first on Puntland Post.
-
Muslimiinta dunida ayaa maanta u dabbaal-degaya dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka bisha ay Soomaalidu mowliidka u taqaanno, madaxda Islaamka ayaana bulshooyinkooda u diray tahniyado ku aaddan munaasabadan qeymaha badan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo dadyowga Islaamkaba ugu hambeeyay munaasabadda mowliidka, asagoo ku booriyay inay ku daydaan dhaqankii suubanaa ee Rasuulka (NNKH). Sidoo kale shaqaalaha dowladda ayaa la fasaxay si loo muujiyo weynaynta munaasabaddan diiniga ah, waxaana la filayaa in maanta caasimadda dalka iyo gobolladaba lagu qaban doono xaflado waaweyn oo ku saabsan mowliidka. Nebi Muxamed (NNKH) oo ahaa Rasuulkii ugu dambeeyay ee Illaahay soo diray ayaa ka tagey dhaxal diimeed oo ah manhajka dhabta ah ee bulshada Islaamka, waxaana xilliyada mowliidka lays xasuusiyaa sooyaalkiisii muunadda lahaa iyo dayashada dhaqankiisii suubanaa. Source: goobjoog.com
-
According to the Ambassador, the U.S. and its partners are approaching the Federal government in Somalia and the government in Addis Ababa. The Ambassador also made a reference to the Turkish initiated talks between Ethiopia and Somalia. “The next one will be started in a few days, ” he said. Asked if the situation could lead the two countries (Ethiopia and Somalia) to war, the Ambassador said “no.” He added “let alone war, no one accepts the chance for the outbreak of any conflict. That is why the international community and all are relentlessly working to resolve the issue. The effort of the United States is to find a solution for the situation between Ethiopia and Somalia. ” From the VOA Amharic report, it seems that the United States wants the resolution of the tension between the two countries quickly. “The absolutely necessary issue is this. It should happen quickly and now,” Ambassador Richard H. Riley is quoted as saying. Last month, Somalia signed a defense pact with Egypt, which is deploying 10,000 troops in Somalia. There were reports in social media this week that Ethiopian forces controlled some airports in Somalia but the Ethiopian government has not confirmed or denied it Somalia and Ethiopia have a history of conflict and hostility. The recent one developed in January 2024 when Ethiopia and Somaliland signed a memorandum of understanding. The arrangement was for Ethiopia to get access to 20 kilometers of coastal land for maritime and commercial purposes on a fifty year rental basis. In return, Ethiopia is to recognize Somaliland – a breakaway region that existed as a de facto state for over 33 years – as an independent state. The finalization of the arrangement was meant to be completed within one month after the MoU agreement. It took longer than that. Somaliland authorities this week announced the agreement is finalized but it is not made public. Borkena __ Qaran News
-
Ethiopia, the first country in the world to ban the import of gasoline and diesel vehicles Cars drive out of an underpass in Addis Ababa May 26, 2014. Ethiopia has pushed the door ajar for foreign retailers keen to enter the fast-growing market of 90 million people, welcoming them as managers but keeping the state in control. To match story ETHIOPIA-RETAIL/ REUTERS/Tiksa Negeri (ETHIOPIA – Tags: BUSINESS TRANSPORT POLITICS) Addis Ababa has banned the import of combustion-powered vehicles which will force drivers to switch to electric vehicles in a country with only one public charging station on its territory. You can share an article by clicking on the share icons at the top right of it. The total or partial reproduction of an article, without the prior written authorization of Le Monde, is strictly forbidden. For more information, see our Terms and Conditions. For all authorization requests, contact syndication@lemonde.fr. https://www.lemonde.fr/en/le-monde-africa/article/2024/09/13/ethiopia-the-first-country-in-the-world-to-ban-the-import-of-gasoline-and-diesel-vehicles_6725856_124.html Dagim Girma followed the Ethiopian government’s lead and acquired an electric car in early 2024. He no longer has to wait for hours in the endless queues of cars in the streets of Addis Ababa, which usually indicate the entrance to gas stations that have frequent diesel shortages. “I save time, and I don’t pay for fuel anymore,” said the thirty-something. In January, the transport and logistics ministry took the radical step of banning all imports of petrol and diesel vehicles, which has forced Ethiopian drivers to convert to electric vehicles. It’s a world-first and surprising decision, given that less than half the population has access to electricity. The reasons for such a radical regulation were “first and foremost an economic strategy,” said Yizengaw Yitayih, a senior climate expert at the ministry. “The decree is primarily intended to help us rationalize our foreign currency expenditure.” You can share an article by clicking on the share icons at the top right of it. The total or partial reproduction of an article, without the prior written authorization of Le Monde, is strictly forbidden. For more information, see our Terms and Conditions. For all authorization requests, contact syndication@lemonde.fr. https://www.lemonde.fr/en/le-monde-africa/article/2024/09/13/ethiopia-the-first-country-in-the-world-to-ban-the-import-of-gasoline-and-diesel-vehicles_6725856_124.html With a population of 120 million, Ethiopia is up against a severe shortage of foreign currency and is seeking to reduce its dependence on gasoline and diesel imports, which by 2023 will amount to over €6 billion, according to government figures. “Forcing Ethiopians to switch to electric cars enables the government to kill two birds with one stone: Reduce its fuel imports and introduce a progressive environmental policy,” said Samson Berhane, an independent analyst based in Addis Ababa. The country’s Prime Minister Abiy Ahmed, who was awarded the Nobel Peace Prize in 2019, has long sought to build his image as an environmental champion. He has spearheaded vast and rapid reforestation campaigns and committed to planting 5 billion trees by 2024. In 2022, he inaugurated Africa’s largest hydroelectric dam, the Grand Source Le monde Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin ka soo saaray Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo berri la qorsheeyey in si weyn looga xuso Soomaaliya. “Waxaan hambalyo iyo salaan diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta adduunka, maalinta sharafta leh ee dhalashada Nabigeena Muxamed (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalintaan barakeysan ay tahay fursad aan ku xasuusanno naxariista, jacaylka iyo caddaalada uu Nabigu u muujiyay Aadanaha. “Waa in aan ku dayano wanaagga iyo dhaqanka suuban ee Nabiga, kuna dayano tilmaamihiisa qiimaha badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheek oo caawa farriintaan soo saaray. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo walaalnimada dhexdooda ah. “Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu nagu karaameeyo Xuska Nabi Muxamed (NNKH) oo naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa,” ayaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Berri waa 12-ka bisha Mowliid, sida caadiga ah dhamaan dadka Soomaaliyeed waxay xusaan dhalashadii Nabigeenna Muxamed CSW, waxaana xuskaan caan ku ah culimada Ahlusunna Waljamaaca iyo dhamaan umadda muslimiinta ah ee jecel Nabigooda. Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, taasi oo lagu fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda, si loo weyneeyo maalintaan qiimaha badan. The post Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Mowliidka, farriina u diray dadka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Bismillahi Waxaan hambalyo iyo salaan diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta adduunka, maalinta sharafta leh ee dhalashada Nabigeena Muxamed (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee). Maalintaan barakeysan waa fursad aan ku xasuusanno naxariista, jacaylka iyo caddaalada uu Nabigu u muujiyay Aadanaha. Waa in aan ku dayano wanaagga iyo dhaqanka suuban ee Nabiga, kuna dayano tilmaamihiisa qiimaha badan. Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu nagu karaameeyo Xuska Nabi Muxamed (NNKH) oo naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa. Waxaan Ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo walaalnimada dhexdooda ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell oo maalmo ka hor booqasho ku tegay xaduuda Rafax ee dhanka Masar ee dhulka Falastiin oo dagaal culus uu klu dhaxmarayo Israa’iil iyo Xamaas ayaa u gefay Soomaaliya, xilli uu ka hadlayey xaaladda ka jirta Rafax. Borrell oo hoggaaminayey wafdi reer Yurub ah oo booqday daanta Rafax ee dhanka Masar ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Qasa ay yihiin Masiibo lamid ah tan ka jirta Muqdisho, wuxuu hadalkiisa ku sii miijiyey in Muqdisho daran tahay. Madaxa xafiiska siyaasadda, ahna Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayaa isagoo warbaahinta la hadlayey, kuna sugan marinka dhanka Masar ee Rafax oo duqeymo culus ay ka wadaan ciidamada Israa’iil ayaa ku halqabsaday, tusaalena u soo qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Waa inaan iska ilaalinaa in Qasa aysan noqon Muqdishada cusub, Muqdishada ku taalla Mediterranean-ka, ama Haiti-da cusub, dhul uusan sharci iyo kala dambayn ka jirin oo ay ka jiraan gaangis iyo qalalaase dadku quusteen.” ayuu yiri Borrel. Ninkaan ayaa hadalkiisa ku muujiyey in Muqdisho tahay meel laga quustay, isagoo la meel dhigaya Falastiin oo muddo qarni ku dhow ay dagaallo ka socdaan, dadkana lagu laayo oo dunidu indhaha ka fiirsato shacab muslimiin ah oo ciidamada maamulka Yahuuda ay dhulkooda ku xasuuqayaan. “Waxa ka dhacaya dhinaca kale ee gidaarkan ma aha qalalaase u abuurmay si dabiici ah, laakiin waa dhibaato bini’aadam abuuray, ma dooneyno in Rafax noqoto Muqdisho oo kale,” ayuu yiri hoggaamiye ku xigeenka dalalka reer Yurub. Maalmo ka hor markii ninkaan uu hadalkaan yiri ayey madaxtooyada Soomaaliya shaacisay in khadka teleefoonka ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. “Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay madaxa arrimaha Siyaasadda Midowga Yurub Mudane Josep Borrell ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha ayaa xiligaas Midowga Yurub uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka. Ninkan ayaa sidoo kale sanadkii 2022-kii booqasho kedis ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo. “Waxaan qiray dadaallada hoggaanka cusub ee horumarinta dowlad-dhisidda, iyadoo lala kaashanayo dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo horumarinta dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha,” ayuu xiligaas yiri Josep Borrell oo 2022 soo booqday Muqdisho. The post Midowga Yurub oo u gefay Somalia, kuna tilmaamay Muqdisho meel dadkeedu quusteen appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 5 qof oo u badnaa dhallinyaro ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxyo galabta gabbal-dhicii ka dhacay goob nasiino oo ku taalla degmada Kaxda ee Gobolkani Banaadir. Qaraxyadan oo ahaa kuwo goobta lagu sii diyaariyay, islamarkaana dhirta doogga leh ee fagaaraha ku yaalla lagu sii dhex qariyay, ayuu guddoomiyaha degmadu sheegay inay ahaayeen miinooyin nooca booda ah oo dadkii meesha ku sugnaa lagu beegsaday, markii loo soo gurmadayna mid kale oo khasaare geystay lagu xejiyay. Dhimashada 5-ta qof ah ka sokow, waxaa la sheegay inay qaraxyada ilaa 10 qof oo kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda la dawaynayo, waxayna goobtu ahayd mid mashquul badan oo boqolaal dadweyne ahi ay si maalinle ah ugu damaashaad tagaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa si adag ugu soo jawaabtay Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo shalay ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa labada dal. Axmed Macallin Fiqi oo si gaar ah uga hadlayay farogelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u haysato inay cilaaqaad la sameysato jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii ay sii socoto fara-gelinta Addis Ababa. “Annagu hadda Itoobiya bur-burkeeda dooni mayno oo wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah waa waddo noo furan in aan cilaaqaad la samaysano jabhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu horay u yiri wasiirku Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda,”. Intaas kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Nibyu Tesla oo gef wayn ku kacay, wuxuuna ugu horreyn wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka Fiqi, isaga oo intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan ka talin karin meel dhaafsiisan magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu liiday qaranimada Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid daciif ah, arrintan oo uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa. “Waa wax lagu qoslo in wakiillada Shabaab oo iska dhigaya mas’uuliyiin dowladeed aan ka talin karin meel dhaafsiisan gobolka Banaadir ay aflagaadoodaan iyaga oo hoos jooga qaranimo daciif ah oo ay gadaal ka riixeyso nidaam dowladnimo dhexe oo qabiil ku saleysan. Dad noocaan oo kale waxay wiiqayaa horumarka ay sanadaha badan soo gaareysay Soomaaliya iyaga oo horseedi kara kala qobqob” ayuu yiri Nibyu Tesla. Tallaabooyinka ay qaadeen labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda haatan taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Xamza la galay maamulka Somaliland. The post Itoobiya oo usoo jawaabtay Somalia, kuna kacday gef kale oo wayn appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Qaraxyada oo is xig-xigay ayaa si gaar ah uga dhacay waddada laamiga, gaar ahaan dalcadda degmada Kaxda, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada ay ahaayeen labo, ayada oo nuucooda lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso. Khasaare badan ayaa lasoo wariyay oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askar ku sugnaa goobaha la qarxiyay. Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan oo gurmad deg deg ah loo fidinayo. Sidoo kale halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd goob ay dhalinyarada tegaan, ayna sawirro ku galaan, maadaama ay u dalxiis tegaan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi ka wada baaritaano dheeraad ah. The post Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Muqisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (HOL) — Ethiopia has formally expressed its concerns to the United States over the potential deployment of Egyptian troops to Somalia, particularly in the wake of the African Union Mission in Somalia (ATMIS) ending in late 2024. The issue arises as regional tensions mount, with Ethiopia and Somalia already in a strained relationship over their growing security ties with Egypt. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia and the Red Sea region of present-day Somaliland (and the greater Horn of Africa) have been shaped by trade, diplomacy, and regional politics dating back centuries The Red Sea region has been historically significant as a major trade route linking the interior of Africa, including Ethiopia, with the wider world. Ancient Ethiopia, particularly during the Aksumite Empire (1st century AD to 7th century AD), had strong connections with ports along the Red Sea, such as Adulis (near present-day Eritrea) and others further east. These ports facilitated the trade of gold, ivory, and other goods between Ethiopia and regions as far away as India, Persia, and the Roman Empire. Ethiopia’s access to the Red Sea was crucial for its economic prosperity and political influence. This connection allowed the Aksumite Empire to flourish as a major trading civilization, linking inland resources with the maritime trade network of the Red Sea and beyond. Islamic Influence and Coastal Connections By the 7th century, the rise of Islam in the Arabian Peninsula led to increasing interactions between Muslim traders and the Horn of Africa. The coastal regions, including present-day Somaliland, saw the establishment of Muslim sultanates and trading towns. These communities maintained close ties with the Arabian Peninsula, while Ethiopia, which remained largely Christian, continued to engage in trade and diplomatic relations with its Muslim neighbors. For centuries, Ethiopia relied on peaceful relations with the Muslim polities of the Red Sea region to maintain access to the coast and the maritime trade network. At times, the competition for influence between Christian Ethiopia and its Muslim neighbors, including the Sultanate of Adal (based in parts of modern Somaliland and the Somali region of Ethiopia), led to military conflicts. The most notable of these was the Ethiopian–Adal war in the 16th century. Ottoman and European Influence During the 16th and 17th centuries, the Ottoman Empire expanded its influence along the Red Sea coast, including parts of modern-day Somaliland. The Ottomans sought to control key trade routes and ports, which impacted Ethiopia’s access to the Red Sea. European powers, including the Portuguese, also became involved in the region, particularly during their alliances with Ethiopia to counter Ottoman and Muslim advances. Despite these pressures, Ethiopia remained a significant regional power. By the 19th century, as European colonial ambitions increased in the Horn of Africa, the Red Sea region—including parts of Somaliland—became a key strategic area for European powers like Britain and Italy, further complicating Ethiopia’s relations with its coastal neighbors. Modern Era and Geopolitical Shifts In the modern era, particularly during the late 19th and early 20th centuries, Ethiopia’s focus shifted toward maintaining its sovereignty in the face of European colonialism. This included defending its borders and securing access to the Red Sea through alliances and military campaigns. The rise of Italian colonial ambitions led to the occupation of Eritrea (including the Red Sea coast) and, later, Somaliland, cutting off Ethiopia’s direct access to the sea. In recent decades, Ethiopia has sought to maintain stable relations with its coastal neighbors, including Somaliland, for strategic and economic reasons. Although Ethiopia lost its Red Sea access following Eritrea’s independence in 1993, it continues to rely on coastal access through neighboring countries like Djibouti and Somalia (including Somaliland). Somaliland, an autonomous region seeking international recognition, has developed close ties with Ethiopia, especially in trade and security cooperation. Generally The historical relationship between Ethiopia and the Red Sea region, including Somaliland, is deeply rooted in trade, diplomacy, and regional politics. The mutual dependence on trade routes and geopolitical stability has shaped this relationship for centuries. Today, Ethiopia’s engagement with Somaliland is part of a broader strategy to maintain its economic and strategic interests in the Horn of Africa, particularly given its landlocked status and need for maritime access. Source Horn Afric Ethiopia and the Red Sea region of present-day Somaliland (and the greater Horn of Africa) have been shaped by trade, diplomacy, and regional politics dating back centuries. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee horraantii sanadkan dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley oo hadalkan dhawaajiyay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Mareykanka uusan marnaba aqoonsan doonin heshiiskaas oo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in nasiib darro ay tahay in Itoobiya ay kusii dheganaato heshiiskan oo uu tilmaamay inuu carqalad ka abuurayo gobolka Geeska Afrika. “Aad ayaan uga warqabnaa oo si wada jir ah ayaan uga shaqeyneynaa si aan u hubino in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta. Waa xaalad nasiib-darro ah, qas badan, oo ka bilaabmatay Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaanan isku dayeynaa in aan ku xalino dariiq diblomaasiyadeed” ayuu yiri Riley. Dhankiisa Danjiraha Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika Mike Hammer oo ka hadlay qaddiyadan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo si weyn ugu dagaalameyso dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay kasii taageeri dooonan la dagaalanka argagixisada, maamaama ay qayb ka yihiin la dagaallanka Al-Shabaab. Mareykanka ayaa horay u diiday heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa, isaga oo taageero u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya The post Mareykanka oo war culus kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
The United States (U.S.) embassy in Kenya has issued a security warning, urging American citizens to remain vigilant. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Iran ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeed cusub oo cilmi baaris ah, kaas oo ku duulaya wareeg jawiyeedka orbit-ka, warbaahinta dowladda ayaana sheegtay in tallaabadani ay tahay mid lagu hormarinayo barnaamijkeeda hawada, ayadoo aan dheg jalaq u siinayn dhaleeceynta iyo diidmada dalalka reer galbeedka. Hadafka aasaasiga ah ee dayax-gacmeedka cilmi-baarista ee Chamran-1, oo culeyskiisu yahay 60kg ayaa ah in la tijaabiyo qalabka iyo nidaamyada software si loo muujiyo tikniyoolajiyadda dhaqdhaqaaqa wareegga orbit-ka. Dirista dayax-gacmeedkan cusub ayaa si guul ah ku soo dhammaatay sida ay dowladdu sheegtay, dalalka reer galbeedka ayaana walaac ka qaba tillaabadan ay qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho: Muuqaal argagax leh iyo toogasho toos ah + Go’aan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dhageysatay kiiska askar ka tirsan ciidamada dowladda oo uu is-fahamwaa soo kala dhex-galay, kuwaas oo isku qabsaday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa soo bandhigtay muuqaal argagax leh oo ay duubtay Kaamirada CCTV, taas oo laga daawaday israsaaseyn goobta ka dhacday oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac. Muuqaalka ayaa waxaa laga arkayay darawalka sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo toos rasaas ugu furayo askar iyo dad kale oo meesha joogay, waxaana toogashadaas ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa isla ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa barta Siinaay. Sababta keentay dagaalka ayaa ahayd in waddada oo xirneyd kadib gaariga looga shakiyay qarax oo goobta yiilay ay yimaadeen askar kale oo ka tirsan dharcadda NISA oo watay gaari Probox ah, waxaana eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) uu isku dayay inuu xoog uga sii daayo goobta, taas oo keentay inay is khilaafsaan isaga iyo askartii kale. Cali Xasan Cali waa askariga ku qornaa waardiyaha goobta, wuxuu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) oo ah ninka lagu soo eedeeyay bilaabidda dagaalka uu kusoo furay rasaas, kadibna uu iska difaacay, kana dhaawacay gacanta. “Markii aan gaariga daayay kadib waxaa ii yimid ninkan oo qoray wato kadibna xabad ayuu soo riday anigane naftaada badbaadso ayaan gacanta uga dhaawacay” ayuu yiri Cali Xasan. Eedeysanaha oo isna maxkamadda kahor hadlay ayaa qirtay inuu rasaas furay, balse waxa uu sheegay in aanu caddeyn karin in rasaastaas ay haleeshay marxuumka. “Dhib ayaa meesha ka dhacay oo buuq ah askar meesha joogtay ayaan is qabsanay sidaas aawgeed ayaa xabadaha u riday” ayuu isna ku jawaabay eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay). Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma caddeyn karo cidda dishay marxuumka iyo inay ku dhaceen xabadaheyga, ninkaas nin walaalkey ah ayuu ahaa oo aan isku koorsa ahayn wax dagaal ahna nagama dhexeynin”. Waxaa sidoo kale goobta la keenay marqaatiyeyaal kala duwan oo goobjoog ahaa, kuwaas oo ay wareystay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa dalbaday in eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) lagu xukumo dil toogasho ah, dhanka kalena lasii daayo Cali Xasa Cali oo ay sheegtay in aanu laheyn wax dambe ah. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur (Shuute) oo fadhigga soo xiray ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegay in Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) lagu xukumay dil toogasho ah, halka uu amray in xorriyaddiisa lasiiyo Xasan Cali Xasan oo ay maxkamadda u aqoonsatay difaacu nafsi, una taagnaa shaqada loo igmaday ee qaranka. The post Muqdisho: Muuqaal argagax leh iyo toogasho toos ah + Go’aan appeared first on Caasimada Online. -
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo weli xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa maanta qaaday tallaabo kale, wuxuuna kulan deg-deg ah isugu yeetay Senatorada Koonfur Galbeed ku metala Golaha Aqalka Sare Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo, iyada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka, arrimaha ammaanka iyo sidoo kale hormarinta bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed. “Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Deegan Doorashadoodu ay Tahay Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay Arimaha Taagan ee Siyaasada Dalka, Hormarinta Bulshada iyo Amniga Guud ee Deeganada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadedka. Dhaq-dhaqaaqa ay hadda bilaabeen Senetorada kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxaa uga sii horeeyay xildhibaannada maamulkaas ee ku jira Golaha Shacabka oo 25 kamid ah ay si toos ah u taageereen shacabka Koonfur Galbeed ee u dibadbaxay ciidamada Itoobiya. Arrimahan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu booqasho ku tegay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula yeesheen madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Inta badan kulamada ayaa waxaa looga hadlay xiisadda u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed , balse ma jirto natiijo rasmi ah oo laga gaaray wada-hadalladaasi. The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta qaaday tallaabo kale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
