Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin. “Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Maanta Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa howlgeliyay xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka, taas ku taalla gudaha isbitaalka Banaadir ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho. Xamza oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xaruntan cusub ayaa kaalin ka qaadan doonto samata bixinta bukaanada u baahan dhiigga, waxaana la dhigay mashiinadii ugu dambeeyay iyo qalab casri ah. “Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Intaasi kadib Xamza Cabdi Barre ayaa booqday Isbitaalka Banaadir, isaga oo kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta. Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. Waxaa kale oo uu ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna dhinaca kale u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad. Waxa gabagabadii warsaxaafadeedka lagu yiri “Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah” The post Sawirro: R/W Xamza oo qaaday tallaabo culus oo Muqdisho looga howlgeliyay… appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka , ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta. Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad. Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah. Source: goobjoog.com
  4. Anakara (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu baaqday wajiga saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sida uu qorshuhu ahaa 17-ka bishan ayaa la filayay in dib loo amba qaado wada-hadallada, si looga xaajooda xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee dhex-maray Itoobiya iyo Somaliland Sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulankan ayaa ah in weli uusan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo ay labada dhinac ka sameeyeen xiisadda taagan, waxaana Itoobiya ay ku dhagan tahay heshiiska badda, halka Soomaaliya uu weli halkeedii yahay mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland. Dib u dhaca ku yimid wada-hadallada wajiga saddexaad ayaa kusoo aaday, iyadoo xiisadda ay kasii dareyso, isla markaana labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanaf leh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka magaalada Ankara. Shirkan ayaa noqon lahaa kii saddexaad oo ka dhaca Turkiga, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan oo ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar. The post Wajigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo baaqday + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  5. Kismayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa ka hortegay weerarka Al-Shabaab, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. War kooban oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Al-Shabaab oo uu ujeedka ahaa in lagu beesado ciidanka deggan Janaay Cabdalle. “Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada hoose ayaa fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay doonayeen in Khawaarijta ay kusoo qaadaan saldhigga ciidamada ee deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Jubbaland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in goobta lagu dilay 5 xubnood, ayna maydadkooda iyo kuwa kale oo dhaawac ah ka carareen kooxdii weerarka soo qaaday. “Maleeshiyaadkii weerarka fuleynimada ah soo qaaday waxaa loo dhigay cashir aysan iloobin doonin iyagoo isaga cararay meydadka shan kamida khawaarijta iyo dhaawaca qaar kamida Argagixisadii.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland. Horay sidaan oo kale ayaa kooxda Al-Shabaab loogu jabiyay weerar ay kusoo qaadeen Buulo-xaaji, waxaana kadib madaxweynaha Jubbaland uu abaal-mariyay ciidamadii ka hortegga sameeyay ee jilibka u dhigtay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. The post Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  6. Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa Cabdalle ayaa sheegay inay ka hortageen weerar ay koox Alshabaab ku soo qadeen deegaankaas. Ciidanka ayaa sheegay inay khasaaro weyn u geysteen dagaalameyaasha Alshabaab ee weerarka soo qaaday, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin tirida rasmiga ah ee dhimashada xubnaha Alshabaab iyo waxyeellada dhankooda soo gaartay. Wararka ku saabsan dhacdadan ayaa weli isi soo taraya, waxaana la filayaa in Wasaaradda Gaashaandhigga ay war saxaafadeed faahfaahin arrintan ka soo saari doonto. Source: goobjoog.com
  7. Dooni ganacsi oo lagu magacaabo “BLUE STAR” ayaa ku gubtay xeebaha dalka Cumaan xalay saqdhexe sida ay xaqiijiyeen ganacsato ku sugan Boosaaso. Doontaan ayaa kusoo jeeday magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya. Sida ay sheegeen ganacsatada doonidaan ayaa u siday badeecado kala duwan dadka Soomaaliyeed, taasoo muhiim u ahayd ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka. Dhacdadaan ayaa saamayn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dhaqaalaha gobolka. Waxaa soo laab laabtay gubashada doomaha ganacsi ee ka yimaada dalalka Carabta waxaa la sheegay in mararka qaar ay keenaan arrimo ganacsi. Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa dhibaato badan ku qaba dhacdooyinka, sanadwalba waxa ay ku waayaan Malaayiin doollar. Source: goobjoog.com
  8. Ciidanka Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal laga soo riday dalka Yaman uu ka dhacay gudaha ismaamulka Yuhuudda, ayagoo intaa ku daray in uu meel aan la deganayn, waxyeellona aanay ka dhalan. seeriga duullaanka cirka ayaa laga maqlay Tel Aviv iyo guud ahaan bartamaha Israa’iil saacadihii hore Axadda maanta, taasoo dadka deegaanka u dirtay farriin ah inay u cararaan goobaha gabbaadka ah. Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ogaadeen in gantaalka loo waday bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha maamulkaas, balse uu ku dhacay meel bannaan oo aan cidina deganayn. Kooxda Xuutiyiinta ayaa billaabay weerarro ka dhan ah maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil wixii ka dambeeyay bishii October, xilligaas oo Israa’iil ay duullaanka dhulka ku qaaday marinka Qasa ee dhulka reer falastiin. Source: goobjoog.com
  9. Nairobo (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan suurtagalnimada weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Digniintan ayaa waxa ay kasoo baxday safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee ku yaalla Nairobi, waxayna farriin u diray muwaadiniintooda ku sugan gudaha waddanka Kenya. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa tilmaamay in weeraradan qaraxyada ah lagu beegsaday hoteellada waa wayn, safaaradaha, maqaayadaha suuqyada iyo saldhigyada ciidamada, waxayna ugu baaqeen muwaadiniintooda inay muujiyaaan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in kooxaha argagixisadu ay beegsan karaan meelaga ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan kuwa dalxiisayaasha ee tega Kenya. Waxaa kale oo digniinta lagu sheegay inuu dhici karo afduub lagula kaco dadka kasoo jeeda reer galbeedka ee ku dhaqan halkaasi, loona baahan yahay taxadar iyo dadaal dheeri ah. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Kenya oo ku aadan weeraradan laga digay inay ka dhici karaan dalkaasi. Horay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. The post Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca KENYA appeared first on Caasimada Online.
  10. The need for broader consultations with traditional leaders and political stakeholders imposes constraints on President Deni’s authority. Garowe (PP Editorial) — The disagreement over how to manage the Puntland Security Force (PSF) in Puntland State of Somalia has led to the closure of Bosaaso Airport. This situation raises concerns about potential clashes in Bosaaso, reminiscent of the conflict that erupted in 2021. Traditional leaders, led by King Burhan, intervened in 2021 to resolve the dispute. Puntland State President Said Abdullahi Deni displayed remarkable composure in agreeing to the elders’ proposed solution. However, his critics are now accusing him of instigating political and security instability by attempting to disarm the PSF with the assistance of the Puntland Maritime Police Force (PMPF), which is funded by the UAE. It is worth noting that both the PSF and PMPF are unconstitutional security entities, formed by previous Puntland administrations without adherence to the Puntland State Constitution. Asad Osman Abdullahi is the former PSF commander. The Puntland State government has not disclosed the reason behind last week’s PSF-PMPF disagreements. Did either side breach the terms of the 2021 settlement? Was there an independent body to oversee the agreement’s implementation? The interests of the people in Puntland are not served when the Puntland State Government uses one security force against another, particularly when both operate outside the constitution. In 2009 President Abdirahman Farole attempted to restructure the PSF (formerly known as the Puntland Intelligence Service), but faced challenges, largely because his predecessors had accepted the quasi-independent nature of the PSF. Historically, each Puntland government has generally maintained a cooperative relationship with the PSF, until President Deni’s fallout with its senior leadership three years ago. Reforming the PSF and PMPF requires thorough consultations, but Puntland’s heavily centralised political system does not facilitate transparency. President Deni has not engaged political parties or councillors in discussions regarding the security agencies. A security reform agenda driven solely by the presidency risks sparking conflict. President Deni must acknowledge the constraints that the need for broader consultations with traditional leaders and political stakeholders imposes on his authority. Selectively applying the Puntland Constitution to politically motivated security reforms is unacceptable. © Puntland Post, 2024 The post Wider Consultations Needed to Guide Security Agency Reforms in Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Magaalada Addis Ababa waxaa dhowaan gaaray wafdi Maraykanka ka socda oo uu hogaaminayo ergayga dowladda Marykanka u qaabilsan bariga Afrika Mike Hammer, kaasoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi. Ergayga Maraykanka ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrrimaha dibadda Itoobiya ambasador Taye Atske-Selassie, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya dhinacyada ayaa ka wada hadlay nabadda iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale Itoobiya waxay sheegtay inay Mareykanka la wadaagtay walaaca ay ka qabto howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS, gaar ahaan ciidanka Masar oo Soomaaliya imaan doona . Wefdiga Mareykanka ayaa dhankooda la sheegay inay Itoobiya kala hadleen sidii ay xaaladda u dejin lahayd, islamarkaana uga baaqsan lahayd fal kasta oo xiisadda labada dal uga sii dari kara, sidoo waxay labada dhinac isla soo qaadeen xadgudubyada arrimaha bini’aadantinimada la xariira ee maamulka Abii Axmed uu ka wado deegaanada Amxaarada iyo Tigray-ga. Si kastaba ha ahaatee booqashada wefdiga Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo yari ka dhimanyihiin wajiga 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada Ankara, islamarkaana aan la ogeyn sida ay u qabsoomi doonaan wada-hadalladaasi maadaama labada dhinac midna aanu weli soo dabcin. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) — Hawo Mahamud Farah, known as Hawo Jookar, has broken barriers in the Somali town of Adado'by becoming the first woman to drive a Bajaj (auto-rickshaw) for a living. Despite facing societal backlash and danger on the roads, she took up the job to support her five children, challenging deep-seated gender norms in the process. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo soo baxay magaalada Gaalkacyo ayaa xalay dib ugu laabtay caasimadda Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilo Ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaaliya James Swan. Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo hadda ku sugan Garoowe ayaa Sabtidii shalay la kulmay dallada bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA. Dallada PUNSAA ayaa sheegtay in Kulankaasi looga hadlay Arimaha siyaasadda ee heer Puntland iyo Federaal, Gargaarka bani’aadantinimo, sugidda Amniga iyo horumarka Puntland ay kaga tilaabsatay Dimuqraadiyada. PUNTLAND POST The post Siciid Deni iyo James Swan oo maanta ku kulmaya magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  14. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa ciidamada PSF iyo maamulka Puntland ee ka taagan garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ay isku qabteen labada dhinac. PSF ayaa mar kale xalay soo saartay digniin culus, waxayna sii adkeystay digniintii hore ee ahayd in laga fogaado aagga garoonka Boosaaso, sidoo kalena aysan kasoo dagi karin diyaaradaha duulimaadka. Qoraalka taliska oo xalay la shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada. Taliska PSF ayaa si gaar ah ugu digay diyaaradaha Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines, wuxuuna sheegay shirkaddii u hoggaansami wayso amarkooda in ay iyadu qaadi doonto mas’uuliyadda wixii halkaasi ka dhaco. Khilaafka ugu wayn ayaa ka dhashay isticmaalka garoonka oo ay PSF sheegtay in loo diiday ciidamadeeda iyo xittaa in laga dhoofiyo askar ka dhaawacantay, waxayna Puntland ku eedeysay inay garoonka u beddashay xero ciidan. “Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF. Puntland ayaa iyana maalin kahor jawaab ka bixisay digniinta ciidanka PSF, waxayna hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo. “Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari. Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas. The post War cusub oo kasoo kordhay xiisadda ciidanka PSF iyo PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  15. Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in ay degaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garoowe ku qabteen gaari lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen gaari nooca loo yaqaan DHAYNAHA oo lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay gaarigaasi. “Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta gobolka Nugaal ayaa deegaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garowe ku qabtay Gaari nooca dhaynaha sooomaalidu u taqaan kaas lagu soo raray Geed Quwaax iyo dadkii waday” ayaa lagu yiri Qoraalka. Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in dadkaasi ay xaalufin iyo nabaad guur ku hayaad dhirta islamarkaana maxkamad la horgayn doono si sharciga loo mariyo. PUNTLAND POST The post Ciidamada Booliska Puntland oo qabtay gaari lagu soo raray geed-quwaax iyo dadkii watay appeared first on Puntland Post.
  16. Wararka ka imaanaya xeebaha dalka Cummaan ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ku gubatay doonni u rarneyd ganacsato reer Puntland Doonta oo lagu magacaabo BLUE STAR oo badeecado kala duwan u sidday dekedda magaalada Boosaaso ayaa xalay saq dhexe ku gubatay jasiirad ku taalla xeebaha dalka Cummaan. Wararka ayaa tilmaamaya in doonta gubatay ay markii hore ka soo shiraacatay dekedda magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed halkaasi oo ay ka soo qaaday badeecadaha kala duwan. PUNTLAND POST The post Doon badeecado ganacsi u siday Boosaaso oo xalay ku gubatay xeebaha dalka Cummaan appeared first on Puntland Post.
  17. Israa’iil ayaa duqeymo is-daba joog ah xalay ka geysatay magaalada Aitaroun ee koonfurta Lubnaan, iyadoo sawirrada la soo qaaday ay muujinayaan burbur gaaray dhismayaal la deganaa. Netanyahu ayaa sidoo kale xalay guddoomiyay shirkaha golaha ammaanka Israa’iil, waxay meel mariyeen ballaarinta howlgallada waqooyi, wax u dhigma inay Israa’iil gudaha u galayso dhulka Labnaan. Hadal uu gelinkii danbe ee shalay soo saaray ku-xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah, wuxuu sheegay in ay Israa’iil la kulmi doonto wax aysan horey u arag haddii ay gudaha usoo gasho dhulka Lubnaan. Dhanka kale, duqeymaha ay ka geysanayaan ciidamada Isra’il Marinka Gaza ayaa sii socda weli, waxaana la xaqiijiyay dilka ilaa 14 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeymo lagu bartilmaameedsaday koofurta iyo bartamaha Gaza. Waaxda Difaaca Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegtay, in duqeyn lagu burburiyay guri ku yaalla magaalada Gaza lagu dilay 11 qof oo ay ku jireen 4 carruur ah iyo saddex dumar ah. Tan iyo horraanti October, ila wareedyada Gaza ayaa ku warramay in Marinka Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiinyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqeymo is-daba joog ah xalay ka geysatay koonfurta dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  18. Not good enough. That was Arne Slot’s verdict after his first defeat as Liverpool manager on Saturday. Source: Hiiraan Online
  19. Beledweyne (HOL) — Ma'awisley forces conducted a targeted operation against Al-Shabaab militants in the Hiiraan region on Sunday, focusing on areas near the Halgan district. The offensive is aimed at locations along the Shabelle River, where Al-Shabaab fighters had reportedly gathered after crossing from the western side. Source: Hiiraan Online
  20. During their meeting, both sides agreed on the importance of intensifying efforts and continuing consultations to achieve stability in Sudan an support its national institutions. They also emphasized the importance of preserving the unity of Somalia and its sovereignty over its entire territory. Source: Hiiraan Online
  21. Somalia's minister of foreign affairs has said Somalia will consider establishing contacts with and support rebels fighting in Ethiopia if the Ethiopian government attempts to implement the deal it signed with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU, Somalia -- Roadside explosions in the Somali capital killed five people and wounded eight others Saturday, according to a city official. Source: Hiiraan Online
  23. Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday wareeg cusub oo cunaqabatayn ah, taas oo lagu beegsanayo shirkad Pakistani ah iyo dhowr hay’adood iyo hal qof oo Shiineys, kuwaas oo ku lug leh qalabka iyo teknoolajiyada loo adeegsado horumarinta gantaallada ballistic-ga ee Pakistan. Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa wareeggii lixaad ee cunaqabataynno uu Maraykanku ku soo rogayo shirkadaha Shiinaha iyo Pakistan tan iyo bishii Noofambar ee sanadkii 2021. Maraykanku waxa uu sheegay in uu cunaqabatayn u adeegsanayo si uu uga hortago faafidda hubka wax gumaada ee loo yaqaanno (WMD), gaar ahaan hubka riddada dheer. Dhanka kale Shiinaha ayaa cuna-qabatayntan adag uga soo horjeestay, asagoo ku tilmaamay mid aan sal ku lahayn sharciga caalamiga ah ama oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Liu Pengyu, oo ah Danjiraha Shiinaha ee Washington. Si kastaba ha ahaatee tillaabadan ayaa loo arkaa mid xariir la leh loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhinaca wax soo saarka hubka, waxaana la filayaa in Beijing ay ayaduna arrintan cuna-qabataynno kale uga jawaabi doonto. Source: goobjoog.com