Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiye Siciid Maxamed Faahiye Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa faahfaahin ka bixiyay awaamiir kala duwan oo uu soo saaray maamulka gobolka Karkaar. Guddoomiyaha ayaa sheegay in awaamiirta ay soo saareen ay ku socoto xakamaynta bogcadaha dhulka ee ku yaalla hareeraha magaalada Qardho oo dad shacab ah isaga habsadeen islamarkaana sababa isku dhacyo dhexmara dadka isku dirira dhulkaasi. “Hub kasta oo meeshaasi lala tago oo la isku dayo in amniga wax loogu dhimo ciidanka amniguna ay gacanta ku dhigaan wuxuu noqonaya hub dowladdu leedahay oo ciidanka amnigu ay toos ula wareegayaan” ayuu yiri guddoomiye Faahiye. Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay in dhammaan dhulkii dowladda ee ku yaalla magaalada Qardho ay si sharci-darro ah ugu habsadeen dad shacab ah kuwaasi oo guryo iyo dhismayal ka samaystay. “Haddeer dhul dowladi leedahay maba jiraba dhulkii oo dhan waxaa la isaga mulkiyay si qayral sharciya. Maanta hadday dowladdu u baahato isbitaal ama iskuul ama wuxuun danta caamka ah lagu fulinayo hal bogcad oo dowladu leedahay ma jiro” ayuu yiri Faahiye Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ay u qorshaysantahay tallaabo cad in laga qaado dadka boobka ku haya dhulkii dowladda iyo kuwa kale ee sida sharci-darrada ah bogcadaha ku hantiyay. Halkan ka daawo wareysiga guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Guddoomiye Faahiye: Hal bogcad oo dowladdu leedahay Qardho kama jirto dhulkii dowladda shacab ayaa ku habsaday appeared first on Puntland Post.
  2. Kismaayop (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in goor dhow kulan deg deg ah Kismaayo ay ku leeyihiin mas’uuliyiinta ku sugan magaaladaasi iyo madaxda Jubbaland, kaas oo looga hadli doono xayiraada ay markale dowladdu saaratay garoonka diyaaradaha magaalada Kimsaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay inuu guddoomin doono Madaweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud,Shariif Sheekh Axmed, Madaxeweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdiskuur Warsame Senatoro iyo Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay shirkan ayaa waxaa laga soo saaro doonaa go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Xalay warqad ka soo baxday hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa lagu mamnuucay duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Jubbaland. Dhinaca kale Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ku casuuntay Kenya, Itoobiya Jabuuti iyo maamulka Somaliland. Munaasabadda ayaana la filayaa in la qabto caawa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dowladdu ay markale xayiraad saartay hawada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Maxay ka dhigan tahay abaalmarinta Nobel Peace Prize (Oslo, Norway) ee Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed ku guulaystay? Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa mar kale waxay soo saartay go’aan ku saabsan in duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha ee tagaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Go’aankaan oo xalay soo baxay ayaa ujeedadiisu tahay , in dowladda federalku hor istaagto wafdi ka socda dowladda Kenya oo lagu wado inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland. Lama oga sida uu ku fulidoono go’aankaan maadaama uu horey u dhaqan gali waayay go’aankii midkaan ka horeeyay, kadib markii diyaarad ka diiwaangashan Kenya ay Kismaayo u daabushay wafuuda caleemo saarka. Caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacaya Kismaayo, kadib markii dhowr jeer oo uu u baaqday xanibaada dowladdu kusoo rogay isbahaysiga Axmed Madoobe. HALKAAN HOOSE KA AKHRIS WARQADA. Puntland Post The post Dowlada federalka Soomaaliya oo qaaday tilaabo ka dhan ah Kenya appeared first on Puntland Post.
  5. (Reuters) - Boeing Co's (N:BA) board has stripped chief executive Dennis Muilenburg of his chairmanship title, in an unexpected strategy shift announced by the U.S. planemaker on Friday only hours after a global aviation panel criticized development of the troubled 737 MAX. Source: Hiiraan Online
  6. Somalia summoned Kenya’s ambassador after a Kenyan-registered plane landed in the port city of Kismayo in the southern state of Jubaland without “official permission,” amid a simmering maritime-border dispute between the neighbors. Source: Hiiraan Online
  7. Gurmad Degdeg ah : Halista soo waajahday Haweenka iyo Carruurta Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga Waqooyiga Suuriya ! Asalaamu Calaykum Haween iyo Carruur aad u yaryar oo Agoomo u badan oo gaadhaya Saddex boqol oo qof oo uu asalkoodu Soomaali yahay ayaa sannadihii u danbeeyay ku sugnaa Xeryaha qaxootiga ee Waqooyiga Suuriya gaar ahaan Saddexda Xero Qaxooti ee la kala yidhaa Camp Ain Isse. Camp Al Hol iyo Camp Roj. Dadkan maatida ah ee ay darxumada iyo duruufaha qadhaadhi ku haystaan xeryahaas qaxootiga ah ee Cadaabta ah ayaa imika waxaa soo waajahay laba cabsiyood oo aad u waaweyn oo kala ah dagaalka ay Dawlada Turkigu imika ka bilowday Waqooyiga Suuriya iyo Xiligii Qaboobaha oo dhawaan soo gelaya oo aanay dadkaas maatida iyo carruurta ahi ku noolaan karin Teendhooyinka khafiifka ah ee ay imika ku hoos jiraan. Maxay yihiin Dadkani ? Dadka Xeryahan qaxootiga ku jiraa waa Hablo iyo Haween dhalinyaro ah oo Sanadihii la soo dhaafay ka tagay Wadamada Yurub kuna biiray Kooxihii Xagjirka ahaa ee la baxay Dawlada Islaamka ( Daacish) waxaanay badankoodu ahaayeen hablo yaryar oo la majaro habaabiyey markii ay halkaas tageena waxa guursaday kooxihii jabhadaas ka tirsanaa oo iyaga laftoodu u badnaa dhalinyaro wiilal ah oo Soomaali ah oo Yurub ka tegay. Hadaba markii la jabiyay Jabhadii Daacish waxa Raggii Soomaalida ahaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax Xabsiyo lagu guray iyo kuwo badan oo aan la ogayn geeri iyo nolol meel ay ku danbeeyeen. Haweenkii iyo Carruurtii wixii dagaalada ka badbaaday waxa lagu soo ururiyay Xeryaha Qaxootiga ee aynu magacyadooda kor ku xusnay oo laga yagleelay Waqooyiga Suuriya. Xeryhan Qaxootiga ee ay ku jiraan Haweenka iyo Carruurta Soomaalida ahi waxaa haystaa duruufo aad u qadhaadh oo ay ka mid yihiin, gaajo, caafimaad darro, dhac iyo boob joogto ah, garaacis iyo bahdilaad aynaan halkan ku wada xusi karin, waxaana carruur badani ay u dhimatay Caafimaad darro. Dadkan Soomaalida ah ayaa Wadamadii Yurub ee ay markii hore ku noolaayeen ay kala noqdeen dhalashooyinkoodii Yurub ee ay haysteen, mana jiro Dal Yurub ah oo doonaya inay dadkaasi dib ugu soo noqdaan Qaarada Yurub. Maxaa Xal ah ? Waxaan si shakhsi ah ula kulmay aadna u caawinayay bilihii u danbeeyay Waalidiinta Carruurtaas dhashay badankooda kuwaas oo ku kala sugan Jarmalka, Sweden, Denmark, Canada, Norway, UK, Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya waxaanay Waalidiintaas masaakiinta ahi ay doonayaan in Carruurtoodaad rafaadsan dib loogu soo celiyo Dalkoodii Hooyo ee ay Asal ahaan ka soo jeedeen maadaama dhalashooyinkii Yurub laga qaaday oo aanay Yurub ku soo noqon karin. Waalidiintaas oo imika samaystay Urur oo leh Guddi iyo Gudoomiye waxay Qaylo-dhaan u dirsadeen Xukuumada Soomaaliya si ay Dalkooda ugu soo celiso dadkaas darxumaysan ee ay imika soo waajaheen duruufaha qallafsani. Afar iyo Toban Dal ayaa Dadkoodii soo qaatay oo dalalkoodii geystay sida Dalka Suudaan, Albaaniya, Ruushka iyo Wadamo badan oo kale, waxaana Maamulka Kurdiyiintu ay ogolaadeen inay Dawlad kasta ku wareejiyaan Dadkooda hadii laga soo dalbado. Waxaan ugu baaqayaa Qof kasta oo uu Damiir Islaamnimo iyo Damiir Ummadnimo uu ku jiro inuu ka qayb qaato sidii Carruurtaas iyo Haweenkaas dayacan Dalkooda loo keeni lahaa. Waxaynu ka hadlaynaa waa Carruur yaryar oo uu Toban jirku u weyn yahay iyo Hablo yaryar oo qaarkood dhaawac yihiin Maskax ahaan iyo jidh ahaanba oo aan imika wax khatar Amni ah ku ahayn cidna. Waa Maato iyo Carruur dhimasho qarka u saaran. Waad Mahadsan tihiin Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
  8. ISTANBUL/BEIRUT (Reuters) - Turkey intensified its air and artillery strikes in northeast Syria on Friday in an offensive against Kurdish militia that has raised the prospect of a humanitarian disaster and questions about U.S. President Donald Trump’s policy in the region. Source: Hiiraan Online
  9. On October 10, 2019, the United States Embassy Mogadishu through the U.S. Agency for International Development (USAID) announced nearly $50 million in additional education funding to help the Somali people. Source: Hiiraan Online
  10. “We were really afraid that this visit, that maybe somebody would come and do something to us,” Mohamed Omar said of Trump’s campaign rally in Minneapolis Thursday night. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in kala saarid iyo faaf reeb lagu sameeyay ciidamo gaaraya ilaa 400 oo Askari, kuwaas oo ah daraawiish loo rabo gobalka Shabeellada Hoose si ay amniga degmooyinka kala wareegaan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee halkaasi ku sugan. Ciidankaan oo aan wali ka bixin xero tababar ah oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa laga soocay inta beelo gaar ah, waxaana lagu koobay oo kaliya hal iyo dhowr Askari oo laga soo qaatay beelo kale oo gobalka daga. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo wakiil ka ah guddoomiyaha Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Najax, ayaa la sheegay in ciidankaan uu ka reebay dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan waxa uuna ku tirada ugu badan ka dhigay Biyamaal iyo qaar aan badneen oo loo qaybiyay beelaha kale ee gobalka. Najax ayaa kasoo jeeda beesha Garre balse xulufo la ah beelaha Biyamaal. Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha ciidamada iyo siyaasiinta Shabeellada Hoose ayaa ka digay in ciidan la soo soocday ama dad gaar ah laga dhigay aan lagu aaminin amniga gobalkaas oo ka soo kabanaya dagaalo Sokeeye balse wajahaya qatarta Al-Shabaab. “Waxa ka socda Shabeellada Hoose waa arrin aan indhaha laga dadan karin hadii ay sii socotana waxaa laga dhaxli doonaa waayihii xumaa ee la soo maray oo kale” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobalkha Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. May 18-keda, 2015-kii Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dooday mooshin ay soo gudbiyeen ilaa 41 Xildhibaan oo ka dhan ah Baarlamaanka Jubbland iyo sida loo soo xulay, iyada oo xildhibaanadii mooshinka keeney ay sheegey in baarlamaanka uusan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya. Barlamaanka Jubbaland ee markaas sharci darada lagu tilmaamayay waxay doorteen Madaxweynaha Jubbaland MD Axmed Madoobe. Barlamaanka Federaalka oo ah hey’adda ugu sareeyso dalka Xildhibaanadii ka hor yimid 2015 waxaa ugu weynaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo hada ka mid ah shaqsiyaadka sheegtay Madaxweynanimada Jubbaland waliba go’aanka Barlamaanka waxaa uu ku tilmaamay xaaraan. Qodobla 120aad ee daatuurka KMG ee dlaka wuxuu dowladaha xubnaha ka ah Fedraalka awood u siinayaa hogaaminta doorashooyin kooda heer deegaan waana qodobka Jubbaland cuskatay shalay (2015) iyo maanta (2019). Garashadii Shalay aad ku difaacday Jubbaland iyo jiritaankeeda maanta halkee ka qaaday Xildhibaan Cabdirashiid? Xidigoow waxaad xalaalaysay shalay maanta yaa xarimay mise aragtidaada waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan. Maanta Jubbaland ma dantaadii baad ka waysay? Taariikhdu waxay leedahay ma jirto cid wax xoogi karta shalay la isma xoogin (2015/2016) ee xal baa la keenay Jubbaland lagu dhisay waxaana ku mahadsan Hogaankii dalka ee xiligaasi Madaxweyne Xasan Sheekh oo gartay qatarta ka dhalanaysa is qabqabsiga oo ah ragaadinta horumarka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. Maanta lama xoogi karo doorashada soo aadan ee 2021 meel ku qoro taas cid walba oo isku daydaa way ku ceeboobaysaa insha allah qof walba oo aragtidaasi aaminsanna waa qof aan waaqici aheen kuna jiifa fakar ma dhaleys ah waayo 2015 markaad Jubbaland u sacab tumaysay yaa ku xoogay 2016 hadiiba aad aaminsan tahay in la is xoogi karo. Jubbaland ma waxaad ka rabtay sida Laftagareen loogu xoogay koofurgalbeed in loogu xoogo qof Hogaanka Federaalku wataan la iskuna laayo mise waxaad rabtay waxa haatan ka socdo Galmudug ee la doonayo in lagu xoogo dadka deegaanka iyada oo la adeegsanaayo awooda iyo hantida Qaranka. Dowladnimada waa sharci hadii aan xeerka noo dhigan la dhowrin lama kale xoog badna. Marin habaabin yaanan xoog laga dayin xalku waa wadajir iyo is xurmeeyn cidna lama xoogi karo Soomaali waa isi soo tijaabisay. Ninkii dhaga lahoow maqal. Qore: Cali Xasan Cali AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Muqdisho-(Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray warbixintii hanti dhawrka guud ee qaranka iyo lacagtii ay dowladda Norway deymisay Soomaaliya. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xisbigu ka walaac xoog leh ka qabo, warbixinta hanti dhawrka oo ay ka muuqato sida lagu yiri qoraalka isku dheeli tirnaan la’aanta dakhliga iyo qorsheynta miisaaniyadda xukuumadda. Sidoo kale qoraalka uu Xisbigu ka soo saaray arintaas ayaa lagu sheegay in warbixintu ay daaha ka rortay xadiga musuq maasuq iyo daahfur la’aanta maaliyadeed ee xukuumadda federaalka. “Warbixintu waxay cadeysay in balan qaadka xukuumadda ee ladagaalanka musuq maasuqa uu yahay mid afka baarkiisa ku’eg iyo dacaayad warbaahineed oo marin habaabinta shacabka loogu tala galay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Wadajir. Mar uu xisbigu uga hadlaayay qoraalkiisa lacagtii ay Norway amaahisay Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xisbigu waxa uu walaac ka muujinayaa xilliga, xiriirka iyo xigmada ka dambaysa deeqda dowladda Norway ee ku soo beegantay xilli ay xukuumaddu ku fashilantay dhaqan galinta daag furnaanta, isla xisaabtanka iyo daah furnaan maaliyadeed”. “Waxaa adag in la rumaysto war-saxaafadeedka dowladda Norway oo deeqda ay siisay Soomaaliya sabab uga dhigtay xisilooni amni iyo mid siyaasadeed oo Soomaaliya sanadihii dambe ka hir gashay”ayaa lagu yiri qoraalka. Xisbiga Wadajir ayaa Norway ugu baaqay in saaxiibtinimada ay la yeelanayso Soomaaliya aysan noqon mid ku tiirsan dan shakhsiyadeed. “Dowladda Norway waxaan ugu baaqeynaa in shacabka Soomaaliyeed ay la saaxiibto, dhageysatana aragtiyada kala duwan, xiriirka ay Soomaaliya la leedahana uu noqdo mid daah furnaan iyo hufnaan ku dhisan, dhaafsiisana saaxiibo siyaasadeed oo xiriir shakhsi ah kala dhaxeeyo”. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo intaa ka dheer Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho-(Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 milyan, oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan. Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. “Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. ■Waxaan qorma gaaban oo aan uga hadlaayo hoowlgallada kasocda deegaannada sanniini, sabiib,caanoole iyo ow dheegle. ●Waxaan ugu horreeyn iga su’aal ah Sabiib iyo caanoole, saniin iyo ow dheegle iyo sohdinta Balcad yaa sokeeya ? ●Howlgallo saf ballaaran ah ayaa muddooyinkaan kasocotay deegaannada aan soo sheegay oo ay ku amaanan yihiin ciidamada xoogga dalka maadaama ay ladagaallamayaan kooxaha cadawga ku ah jiritaanka qarannimadeena. ●Waxaan dareemaynaa in cadaalad darro jirto oo laba illaabay meelihii kadhawaa deegaannada uu howlgalladu kasocdaan oo ay kamid yihiin, tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad,oo caasimadda Muqdisho ujirto 30Km. ●Degmooyinka shabellaha dhexe ayay soo wada aadeen kuwii laga sifeeyay deegaannada aan soo sheegay, maxawaan mudneeyn in dowladda dhexe ay shabellaha dhexe kaga gaabiso dadaallada kasocdo deegaannadaas oo degaannadeenu kadhaw yihiin? ●Waxaan lawadaagayaa madaxda dowladda in ay jirto cadaalad darro badan aan dareemayno una baahannahay in si siman looga wada hoowl galo labada Shabeelle. ●Waxaan maalin kasta annagoo cid nagu garab taagan aysan jirin ay nooga shahiidaan saraakiil muhiim ah,una muhiim ah dhamaan shacabka Hirshabelle State iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. ●Waxaan ku celinayaa baaqa ah in madaxda dowladda ay nala wadaagto cadaalad iyo sininnaan dadkeenu ay ku qanci karaan. ■Haleeyga gaarsiiyo madaxda qaranka baaqaygaan dareenka xanbaarsan. Waa aragtideeyda ii gaarka ah. W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey
  16. A Silverstone plane crashed on the runway at Wilson Airport in Nairobi on Friday morning. Source: Hiiraan Online
  17. President Donald Trump’s rally on Thursday night in Minneapolis served as a window of sorts into the strategy he hopes will win him a second term in office. The picture that emerged was not a pretty one. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo. Warqadda kasoo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda ee FIS, oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay.” “Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay oo dib uga soo baxay. 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo. Qoraalkii hore ee dowladda ayaa ahaa mid guud, hase yeeshee qoraalka caawa soo baxay ayaa waxaa ku cusub in si gaar ah loogu xusay duulimaadyada ka imanaya Kenya. Dad xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in go’aanka caawa looga dan leeyahay in lagu baajiyo wafdi ballaaran oo ka imanaya Kenya, si ay uga qeyb galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Si kastaba, ilo-wareedyo kale oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in wafdiga Kenya laga yaabo inay qaataan diyaarad militari maadaama ciidanka Kenya ay ku jiraan Amisom, islamarkaana diyaaradaha militari aysan hoos tagin hay’adda duulista rayidka. Hoos ka aqriso qoraalka caawa soo baxay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Wararka naga soo gaarayo magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegay in maanta shil gaari uu ka dhacay duleedka magalada, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari meel u dhow bar koontaroolka oo ku taalla duleedka magaalada. Gawaarida isku dhacay ayaa ahaa mid kuwa qaadka, oo siday dad u badnaa qoomiyadda Oromada kuwaas la soo anbabaxay dalka Itoobiya kuna siijeeday magalada Boosaaso ee Puntland oo ay doonayeen in ay ka sii tahriibaan iyo gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaanno Noha oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka kala duwan ee Somaliland. Shilkan gaari ee ka dhacay duleedka Berbera ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan Inta la xaqiijiyay ilaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay kuwaas oo badan dadkii Oramadii tahriibayaasha ahaa, sidoo kale waxaa uu dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray ilaa 14 ruux kuwaas oo hadda lagu baxnaaninayo Isbitaalka magaalada Berbera. Shilalka gawaarida ee ku soo noqnoqda wadadaan ayaa waxaa dhibaato ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah iyo gawaarida xamuulka ah ee ku safra wadada ayadoo ay ugu wacan tahay in mararka qaar ay dhacdo in darawaladu si xowliya ay ku kaxeeyaan taas oo keenta inuu marka danbe ay adkaato inuu xajiyo gaariga waxaana ay sababtaa inuu shil galo ama uu rogmado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda dowlad gobaleedka Jubbaland gaaray wafdi balaaran uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, oo ay ku jiraan qaar kamid ah Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Wafdigan ayaa ku biiray madaxda maamul goboleedyada, kuwa xisbiyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeybgaleysa caleema saarka madaxwenaha Jubbaland Axmed Madoob oo lagu wado in Kismaayo lagu qabto. Sidoo kale mas’uuliyiinta dowlad gobaleedka Jubbland iyo wufuuddii horay u gaartay magaalada ayaa wafdiga gaaray Kismaayo ku soo dhaweeyay garoonka diyaarada ee Sayid Maxamed Cabbdulle Xasan ee magaalada Kismaayo. Dhan kale mudane Abshir Axmed waa mas’uulkii ugu sareeyey dowladda federaalka ah ee taga Kismaayo tan iyo markii ay isku dhaceen maamulka iyo dowladda, waxaana lagu wadaa in ka qeyb galkiisa iyo mudanayaasha kale ee labada aqal direyso dhambaal ah in Jubbaland ay mushkilad kala dhaxeyso laanta fulinta ee dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Jowhar-(Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, gaar ahaa ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo Al-Shabaab ayuu galabta dagaal culus ku dhex maray deegaan dhaca koonfurta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe. Inta la xaqiijiyay lix ruux oo uu ku jiro taliyihii watay ciidanka ayaa Hir-Shabeelle looga dilay dagaalka oo in ka badan saacad ka socday deegaan lagu magacaabo Maandheere oo fatahaad uu ka sameynayay Wabiga Shabeelle. Cabdi Xasan Cali oo ahaa taliyihii ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo shan askari oo kale ayaa lagu dilay dagaalka. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu galabta gaareen deegaanka Maandheere oo koonfur bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle. Ciidamada ayaa halkaas u gaaray sidii ay u xakameyn lahaayeen fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka sameynayey deegaankaas, waxaana intii ay ku howlanayeen joojinta fatahaada Wabiga weerar gaadmo ah ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus. Lama oga inta uu dhanyahay khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalka, waxaana goobtii lagu dagaalamay haatan gacanta ku haya maleeshiyada Al-Shabaab. Dadka ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay dib u fureen biyo xireenkii ay sameeyeen ciidamada Hir-Shabeelle, isla markaana biyaha uu fatahay Wabigu ay jareen wadada xariirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar. Ciidamadii Hir-Shabeelle ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar oo kolkii horaba ay ka baxeen. Caasimada Online Xaafiiska Jowhar Caasimada@live.com