Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in sedaxda hay’adood oo kala ah, Wasaaradda,Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay ka go’antahay dhameystiro dastuurka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo maanta muqdisho ku daah furay Banbax-howleedka ayaa yiri: “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka”. Waxa uu wasiirka uu tilmaamay in kulankan furmaydiiradda lagu saari doonno sidii arrimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa. Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , waxa uu sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo. Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan. Dhanka kale Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa. Waxaa xusid mudan,in uu banbax-howleedkan uu socondoono muddo seddex maalin ahm iyadoo looga doodi doonaa qorsho-howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  2. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur15092019.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha Maal-geshi ee ka jira Puntland kaasi oo socon doona mudda saddex maalmood ah. Shirka waxaa ka qeyb-galaya ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiya oo ka kala socda dalal ka tirsan Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo Eeshiyada kale kuwaasi oo mudada shirku socdo loo bandhigi doono fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan gudaha Puntland. Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kormeeray qaybta bandhigga Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kusoo bandhigeen Ganacsigooda iyo wax-soosaarkooda, waxaana ay ku bogaadiyeen dedaalkooda ganacsi iyo kasoo qayb-galkooda Shirka. Sidoo kale madaxweynaha Puntland oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirr-geliyay in ay maal-gashadan Puntland ” Dowladda Puntland waxay dejisay siyaasad maalgashi oo kuu saamaxeysa inaad maalgashi ku sameysid Puntland qayb walba iyo meelkasta oo aad daneynaysid” ayuu yiri madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Iyadoo maalmahaanba ay Beesha Caalamku wadeen ukala dabqaadis ay u kala dabqaadayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadana waxaa jira culeysyo ka imaanaya [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Hooyooyin Cabasho La Hor-yimid Xarunta Baarlamaan Somaliland Oo Farriin U Diray Madaxweyne Biixi Iyo Dawladda Hoose Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Dugsiyada gaarka ahi ma gayaan sidan wasaaradu wax u wado. Qalinkii Cabdi Caawiye Waxaa xaqiiqo ah markii laga soo laabtay barakicii iyo qoxoontigii uu sababay dagaalkii lala galay Dawladii Siyaad Barre 1991 waxa dalka lagu soo noqday iyada oo ay baaba’een dhamaan waxyaabihii laf dhabarta u ahaa aasaaska nolosha sida goobihii caafimaadka, goobihii waxbarshada, goobihii isgaadhsiinta , goobihii ammaanka IWM. Ta aynu u socono oo ah ta tacliinta markii ay idlaadeen dhamaan goobihii waxbarshada waxa ay macalimiintii qaaliga ahayd ee falkooda iyo foolaadkooduba ku qotomay muwaadinimadu ay ardeydii qaxa kasoo noqotay u xaadhxaadheen dugsiyadii dumay ee burburay. Waxa bilaabmay hayaankii geedi socodka waxbarashada waxa uuna qaaday waddo toosan waayo waxa wadey dad daacad ka ah waxbarista ubadkooda oo aan u joojinayn dhibaatooyinkii markaa jirey oo ay ugu weynaayeen amni-daro , duruufo dhaqaale oo dhinac walba lahaa IWM. Waxa la abuuray wasaarada waxbarashada oo si fiican u hanno qaaday, waxa soo batay ardeydii, waxa soo yara noolaaday kaabayaashii dhaqaalaha waxa la dhisay dugsiyadii dawladaa oo jiingado la saaray qaar ka mid ah. Maalinba maalinta ka dambaysay waxa aad usoo kordhaayey kor u kaca iyo hore u marka dugsiyada dawlada. Waxaan xasuustaa anigoo ka mid ahaa ardeydii lagu bilaabay waxbarashada dalka, horumarkii iyo dedaalkii wasaaradii waxbarshada ee xiligaasi waxa uu gaadhay in la bilaabo banaamijkii keddis ee dugsiyada oo lagu qaban jirey garoonka kubadda gacanta Timo-cadde ee Hargeysa. MAXAA IS BEDELAY? 2008 wixii ka dambeeyey waxaa hoos u dhacay laga dareemayey dugsiyada dawlada oo ay sababo u ahaayeen qoddobo dhawr ah • Shaqaalaha wasaarada oo fadhiid noqday. Haddii aad warqad ka donato waxa aad sugsysay inta uu soo toosaayo gudoomiyaha ama • Maciishada oo qaali noqotay iyo macalimiintii oo wixii ay qaadanayeen noloshii qoyskooda dabooli weyday. Taasi waxa ay keentay cagajiid sababtoo ah macalinku wuxuu wax ku dhigaa niyad. Nin biilkii la werwerayaa muxuu wax dhigi. • maamulayaasha dugsiyada oo yeeshay dugsiyada ay joogaan qaarkood ayaa 20 sanno aan la bedelin. • Kormeerka wasaarada oo noqday rag da’ahaan u daalay baahi dhaqaalena qaba. Waxaan arki Jirey kormeerkii oo dhididsan oo soo daalay ayaa kuu immanaaya adigoo fasalka ku jira ileyn waa dad iswada garanaayee wixii aad hayso ayuu gacanta kula galin taasina kala dambayntii iyo gaabkii u dhexeeyey kormeerka iyo macalinka ayey meesha ka saartay. • Xafiisyadda wasaarada oo waqtigaa ahaa meel aad u dhaashay oo aad moodo in aan loox lagu kordhin sidii dalka loo soo galay inkastoo hadda aad loo hagaajiyey. Isku soo wadda duuboo dhibaatoouinkaa iyo qaarkale ayaa ragaadiyey dugsiyada dawlada ee maaha waxa wax u dhimay DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY. Waqti ka dib wax aad hoos ugu dhacaday dardartii iyo hufnaantii dugsiyada Waxbarashada dawlada ta soo marba marka kasii dambaysa sii nusqaamsysay. Intaa ka dib waxa soo baxay dugsiyo gaar loo leeyahay oo tayadii iyo tusaalihii fiicnaa ee waxbarshada kor usoo qaaday. Waxa ay abuureen deegaano ku haboon waxbarshada waxa ay tayeeyeen nidaamka kala dambaynta Iyo daba galka macalinka, waxa ay kor u qaadeen dhaqaalihii macalinkii aynu soo sheegnay ee dhulka yaalay iyaga oo siiyey mushahar dabooli karaaya baahiyaha aasaaska noloshooda. Ogaw dugsiyadani waxa ay ogolaansho iyo waddashaqayn fiican ka heleen bahdii wasaarada waxbarshada oo u arkaayey dugsiyo waxyaabo taban oo la taaban karo kusoo kordhiyey saaxadii waxbarshada Somaliland. Muddo kadib waxa soo kordhay dugsiyadii gaarka ahaa dugsiyada aan ka xasuusto waqtiyadii hore waxaa ugu tun weynaa Ileys, Nuuradiin, 17may iyo qaar kale. Aragridii Bulshsda ee Dugsiyada gaarka ah. Markii ay bulshadu aragtay sida ay usii quusayso tayadii waxbarshada ee dawladu, waxa ay doorbideen oo ay ileys iftiiminaaya nolosha caruurtooda ka arkeen dugsiyada gaarka ah. Waxana ay u kaxeeyeen caruurtoodii dugsiyada gaarka ah. Aminba aminta ka dambaysa waxa la sii kobcinaayey tayada waxbarashada dugsiyada gaarka ah xagga kii dawladuna sii nusqaamayey markii uu waayey cid kor u qaada. Dugsiyadii gaarka ahaa waxa ay u hagar baxeen da’yartii waxa ay keeneen agabkii wax barashada oo dhamaystiran. Waxa ay kor u qaadeen tayadii barayaasha dugsiyada hadda ogow maaha barayaasha dugsiyada gaarka oo kaliya ah macalimiintu waa kuwii dawlada lkn gelina dugsiyada gaarka ayey tagaan gelina dugsiyada dawlada. halkaana waxa kasoo baxay qodob ah in ay kabeen dhaqaalihii macalinkii qaadanayey wax aan dhinacna kaga dhacayn baahidiisa nololeed iyagoo u qoray mushahar ka ugu qaalinsan ee wadanka. Dugsiyada gaarka ahi waxa aysiiyaan macalinka 3 cisho la jooga lacag ka badan 350$. Waxa ay dugsiyada gaarka ahi shaqo abuur u sameeyeen in ka badan kumanaan muwaadin oo isugu jira Macalimiin, maamulayaal, basleyaal, ilaaliyayaal, cunto sameeyayaal, iyo nadiifiyayaal iyo qaarkale oo badan. Hadda ha moodin inaan u jeedo dugsiyada gaarka ahi lacag bay leeyihiin lkn waxaan u jeedaa dhaqaale ahaan macalinkii duruufaysnaa way kabaan. Su’aasha maanta wasaarada waxbarashadu dugsiyadii intaas oo faa’iido ah usoo kordhiyey umada iyo macalimiinta badankooda maxaa ay u rabtaa in ay cagta hoos galiyaan oo la waayoba? Maxaa ay tahay cadaawada at wasaarada waxbarashu u qabto dugsiyada gaarka ah?. Miyaanay muwaadiniin ahayn oo aanay macalimiintii wadanka ahayn? Miyaanay wasaaradu ahayn ta iyadu halkaa dhigtay dugsiyada dawlada? Jawaabahaas iyo falan qayntoodaba kala soco maqaalada dambe. Shaywaal12@gmail.co Qalinkii Cabdi Caawiye 063-4115877 Qaran News
  7. Kulanka oo aad u baahan waxaa kasoo qayb galay kasokow Ganacsatada Soomaaliyeed Ganacsato kakala timid Hindiya, Shiikhaa, Sacuudiga, Emaaraatka, Itoobiya, Turkiga, Ingiriiska, Jarmalka ,Jabuuti iyo [...] Source
  8. (SLT-Burkina Faso)-Hoggaamiyeyaasha wadamada dhaca galbeedka Afrika ayaa kulan ay ku qaateen dalka Burkina Faso ku dhawaaqay in hal billion oo dollar ay u qoondeeyeen ka hortaga falalka amni-darro ee ku sii baahaya gobolka Sahil. Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa sannadka soo socda ee 2020-ka illaa 2024-ta sida lagu sheegay kulanka wadamada dhaqaalaha oo loo yaqaan (ECOWAS) ee ka dhacay magaalada Ouagadougou. Dhanka kale waddamada Mauritania iyo Chad ayaa ku biiray dalalka (ECOWAS) ee galbeedka Afrika. Dhanka kale madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in waddamada galbeedka Afrika ay go’aansadeen inay wadaagaan dhaqaalaha si loola dagaalamo kooxaha Argagixisada. Dhaqaalaha sabtidii shalay laga yaboohay Burkina Faso ayaa adeegsan doona ciidanka amniga ee wadamada galbeedka Afrika. Source
  9. Borama (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhacayey falal lidi ku ah amniga, taasi oo cabsi xoogan ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal. Boorama ayaa la daala dhaceysa cabsi amni, taasi oo ay ka dambeeyan dhalinyaro kooxo isku baahaystay, kuwaasi oo rabshado xoogan sameeynayey habeenimadii la soo dhaafay. Kooxahaasi ayaa sababay bur-burin iyo boob hantiyeed, isla markaana dab qabad-siiyay guryo ku yaalay gudaha Magaalada Boorama, iyagoona dad ku waxyeeleyay rabshadahaasi oo dhammaantood ku cusub magaalada. Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso Badhasaabka Gobolka Awdal, amni darada maalmihii u dambeeysay ka jirtay magaalada Boorama iyo cabsida balaadhan ee ku habsatay bulshada ku nool, ayeysan u suurta-galin. Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa waxay isku deyday inay wax ka weydiiso xaalada amni daro iyo rabshadahaasi Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolka Awdal, kuwaasi oo noo xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dhalinyaradii falalka amni daro ka geystay magaalada Boorama. “Waxa dhacay maalmihii u dambeeyay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo hantida, gaadiidka iyo meheradahaba burburinaya, dadkana waxyeelo u geysanaya, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay magaalada, markaa annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan booliska Borama oo Caasimada Online la hadlay. Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sare Guutaale ayaa isaguna sheegay in dhalinyartaasi ay maalmihii u dambeeyay ay culeys badan ku hayeen magaalada, isagoona xusay inay rabshadahaasi qeyb ka ahaayen dad waalid ah, wuxuuna yiri “Dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey magaalada, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, waalidna way ku jiraan, doraadna qaar ayaanu jeelka u gudbinay. waxaana si gaara ugu mahad-celinayaa dab-damiska oo aqalada ay gubeen aad noola hawl-galay”. Si kastaba, magaalada Boorama ayaa inta badan waxa lagu tirin jiray magaalooyinka ugu nabad-gelyada badan deegaanada Somaliland, balse rabshadihii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay, ayaa ka dhigaya mid xaaladeedu aysan daganeyn, inkastoo ay laamaha amaanku ku howlan-yihiin soo afjarida falalkaasi lidiga ku ah amniga. Caasimada Online Xafiiska Borama Caasimada@live.com
  10. Hal Qof oo Dumar ah ayaa Xalay ku Geeriyootay Magaalada Berbera, ka dib markii uu ku dhacay Taawarrada Laydhka oo Shub ka samaysnaa, kaasi oo ku hor taagnaa Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daaroole. Haweenayda Geeriyootay ayaa iyada iyo Carruurteeda oo 7 ah waxay seexdeen Guriga Hortiisa, maaddaama oo ay xilligan kulushahay Magaalada Berbera, si ay halkaa ugu laydhsadaan, laakiin Saqdii dhexe oo ay Hurdaan Hooyada iyo Carruurteeda ayaa Taawarku soo dhacay, waxaanu ku habsaday Hooyada oo keliya, halka Carruurta aanu waxba yeelin. Sidaana waxa sheegay Weriye Maxamed Cabdillaahi (Soo-fadhiiste) oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Berbera, kaasi oo barka uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey Warkan naxdinta leh. Meydka haweenayda uu Dilay Taawarka ku soo dhacay ayaa waxa Saaka ka hoos saaray Dadka jaarka, sida uu sheegay Weriye Soo-fadhiiste. Lama oga in Taawarku si caadi ah u soo dhacay iyo Xadhkaha Laydhka ee uu siday Gaadhi jidhay, taasina sababtay inuu Taawarku soo jabo. Illaa hadda Maamulka Iyo Laamaha Amnigu kama hadal Geerida Naxdinta leh ee ku timid Hooyada Taawarku dilay. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Hawl-gal ballaadhan oo ay wadaan Ciidammada Booliska ee Magaalada Boorama ayaa waxay ku qab-qabteen dhallinyaro ka badan ka badan 50, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay rabshado ka sameeyeen Magaaladaasi. Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Guutaale ayaa sheegay in dhallinyarada qaarkood la xidh-xidhay oo koox-kooxo ahi ay bilaabeen rabshado ay ku burburinayaan Meheradaha, baabuurta, Dadkana ku waxyeelaynayaan, halka marmarka qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen Aqal-Soomaaliyo ku yaallay gudaha Magaalada Boorama, arrimahaasi oo dhammaantood ku cusub Magaaladaasi. Sarkaal ka mid ah Booliska Magaalada Boorama oo ugu horrayn ka warramay Sababta dhallinyarada loo xidh-xidhay ayaa yidhi “Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa dhacay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo Hantida, Gaadiidka iyo Meheradahaba burburinaya iyo Dadkaba, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay Magaalada, markaa Annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay.” Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Gaashaanle Sare Guutaale ayaa isaguna sheegay “Magaalada Amnigeedu wuu fiican yahay, haddii laga tagi waayo Maalmihii u dambeeyay dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey Magaalada, waxayna u badnaayeen Xaafadaha Jarka iyo Nafaqo, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, 7 illaa 8 Waalidna way ku jiraan, 32 kalena doraad ayaanu jeelka u gudbinay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u mahad-celinayaa Dab-damiska oo habeenkaa dhawayd ee ay buulasha gubeen aad noola hawl-galay..” Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxmed Bin Salmaan ayaa u sheegay Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump in boqortooyadu awood u leedahay inay jawaab ka bixiso Weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Goobaha Muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Weerarro lagu qaaday Goobaha lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga, kaasi oo dhacay Sabtidii Shalay. “Boqortooyadu diyaar bay u tahay, wayna awooddaa inay iska difaacdo Weerarrada Argagixisada..” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay Madaxweynaha Maraykanka, ka dib markii ay Khadka Telefoonka ku wada hadleen MBS iyo Doland Trump, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA. Sida laga soo xigtay Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Maraykanka, wuxuu Trump u sheegay Maxamed Bin Salmaan in Maraykanku diyaar u yahay inuu boqortooyada Sucuudiga kala shaqeeyo inay iska difaacdo Weerarrada loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka, kuwaasi oo Xuutiyiintu u adeegsadaan Weerarradooda. Intii ay Telefoonka ku wada-hadlayeen, Trump wuxuu sheegay MBS in Weerarrada ay Xuutiyiintu la beegsanayaan Sucuudigu uu dhaawacay dhaqaalaha Adduunka. Weerarka ay Xuutiyiintu ku qaadeen Warshadaha lagu sifeeyo Shidaalka Sucuudiga Sabtidii Shalay ayaa hoos u dhigay 5.7 Million Barmiil oo ka mid ahaaa Wax soo-saarka Maalin laha ah ee Sucuudiga, taasi oo ka dhigan in boqolkiiba 50 uu weerarkaasi hoos u dhigay wax soo-saarkii Shidaalka ee Sucuudigu u dhoofin jiray Adduunka intiisa kale. Source
  13. “Dugsiga Nuuradiin Shamac Siraaday Barbaarinta Ubadka Jamhuuriyada Somaliland” Dugsiyada Nuuraadiin Wuxuu ka mid yahay Dugsiyada gaar loo leeyahay ee laga hirgaliyay Jamhuuriyada Somaliland, Isagoo Qayb Laxaadle ka Qaatay Kor Uqaadida Waxbarashada dalka, oo wakhtigan Maraysa meel aad u Wanaagsan, marka loo eego mudada ay jirtay Somaliland oo ah Dal aan caalamka ka helin Wax Taageero ah ama Aqoonsi ah, Horumarka dhaqan dhaqaale ee ka hirgalayna uu yahay mid ay Muwaadiniinteedu qabsadeen dhinac kasta oo ay tahay, halka dawlada Somalilandna ku guulaysatay sugida Amniga iyo Maamulka dalka. Dugsiga Nuuradiin oo wakhtigan ka mid ah hormuud Waxbarashada Somaliland haday tahay kuwa gaarka loo leeyahay Iyo ta dawliga ahba, Ayna wax ka bartaan Ardayda ugu badan dugsiyada dalku! Dugsiyada Nuuraadiin waxaa la aas aasay sanadkii 2002 wuxuuna ka kooban yahay sedex qaybood, Barbaarinta Ubadka, Hoose dhexe iyo dugsiga sare kuwaasi oo Dhamaan ku dhaqaaqay xawaare lana galiyay juhdi aqoon iyo karti ku Dhisan Tahay. Waxaana Aas Aasay Muwaadin reer Somaliland oo Systemka(Habka) Waxbarsho Ee Somaliland kusoo dhex jiray Mudo dheer, isagoo hore gacanta ugu hayay machad lagu barto luuqadaha gaar ahaan Luuqada Englishka oo ilaa xiligan shaqeeya. Kaasi oo da’ayarta badan oo reer Somaliland ka aflaxeen kana Caawiyay aqoonta wax barasho oo inta badan gundhig u ah Cilmiga maadiga ah ee waqtigan kana soo aflaxeen dhalinyaro Tiro badan oo Rag iyo Dumarba Iskugu Jirta. Mr.Mahad Ibraahin Maxamed waa Aas Aasaha dugsiyada Nuuraadiin ayaa mar uu ka waramayay dugsiyada Nuuraadiin iyo sida ay u qaybsan yihiin wuxu yidhi; “Horta dugsiyada Nuuradiin waxa ay ka furan yihiin caasimadda Hargeysa oo Qudha Gobollada kama jiraan, waxayna u qaybsan yihiin, dugsiyada barbaarinta carruurta ilaa dugsiga 12aad ee dugsiyada sare, sidoo kale waxaan Sameynay si bulshada looga kaabo dhinaca luuqadaha iskuulo lagu barto luuqadaha iyo culuunta tignoolojiga ama IT-ga (Information technology), markaas guud ahaan waxay ka kooban yihiin saddex dugsi sare iyo lix dugsi oo hoose/dhexe marka intaa lagu daro ka xannaanada carruurta waxay isku noqonayaan 9 dugsi (9 schools),sidoo kale waxaan leenahay meel madbacad ah oo kutubta ardayda loogu daabaco.” Dugsiga nuuraadiin schools maaha mid dawladu gacanta ku hayso, mana jirto taageero dhaqaale oo uu ka helo dawlada, haayadaha waxbarashada ka taageera dhinaca dhaqaalaha balse waa dugsi ku jira dhismayaal kiro ah sidaas oo ay tahay waxa shaqooyin ka helay muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah oo Uu usameeyay shaqo abuur ay ku dabareen nolosha qoysaskooda, haday tahay waxbarasho iyo nolosha aas aasiga Ahba. Dugsiga sare ee Nuuraadiin oo wakhtigan ah hormuud waxbarashada Somaliland kana mid ah dugsiyada sida joogtada ah kaalmaha hore ee imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka u hogaaminayay mudo 12 sano ah oo joog ah kaasi oo ka dhigay dugsi caan ka ah gayiga Somaliland, noqdayna mid lagu majiirto Iyada oo aynu og nahay dugsiga nuuraadiin iyo doorta muuqda ee uu ku leeyahay waxbarashada dalka iyo soo saarida arday ka dhex muuqata dhigooda dalka taasi oo waalidiintu ku taamaan in ay cauurtooda ka mid noqdaan ardayda dugsiyada Nuuraadiin, oo isagu leh siyaasad waxbarasho oo ka duwan kuwa dugsiyada kale ee dalka si joogta ahna ay iskugu xidhan Yihiin Maamulka iskuulka iyo waalidiinta ardayda wax ka barata taasi oo door muhiim ah ka qaadatay guusha waxbarasho ee uu gaadhay iskuulku, Hadaba Maxaa Maamulka Dugsiyada Nuuraadiin u Suurto Galiyay In Uu Gaadho Horumarka Dhinaca Waxbarasho! A;-Dugsiga Nuuraadiin Wuxuu si joogta ah ugu xidhan yahay waalidka dhalay ardayda wax ka barata iyagoo si bile ah, sanadle leh waalid ula socod siiyo waxbarashada ardaygiisa. B;-Dugsiga Nuuraadiiin wuxuu juhdi iyo daryeel dhaqaale Galiyay sidii uu u heli lahaa macalin aqoontiisu dhisan tahay Taasi oo suurto galisay in dugsiga ay ka hawl galaan Macalimiinta ugu cad cad dalka kuwaasi oo dhinacoodana ka hela dhaqaale iyo maamuus ku dhiiri galiya macalinku in uu si Hagar la,aan ah wax ubaro Ardayda!. Tusaale ahaan (Ardaygu marka uu sanadkiisa koowaad ee dugsiga sare ka bilaabo nuuraadiin waxaa laga qaadaa imtixaano dugsiga u gaara kuwaasi oo lagu ogaado dadaalka ardayda waxka barata) Halka Ardayga dhibcaha imtixaankiisu ay hooseeyaan la wargaliyo waalidkiisa loona sheego halka ay taagan tahay aqoonta waxbarasho ilmiisan taasi oo hadii uu wax isbadala la iman waayo lagu wargaliyo waalidka in dadaalkiisu hooseeyo loona baahan yahay in kor loosoo qaado, Si dadaal ardayda loo gaadhsiiyo heer uu la jaan qaadi karo ardayda isku fasalka yihiin waxaa loo sameeyaa fursad wax barasho oo kor loogu soo qaadayo maadooyinka uu ku hooseeya taasi galinka danbe looga bilaabo iskuulka, Talaabooyinkaasi iyo kuwo kale oo maamulka iskuulku hadh iyo habeenba wadaan ayaa waxay suurto galisay in ardayga wax ka barta nuuraadiin uu noqdo mid ka dhex muuqda ardayda reer Somaliland ee ku jirta dugsiyada Sare! Sidoo kale Maamulka dugsiyada Nuuraadiin ayaa dhiiri galin iyo Abaalmarino qaaliya siiya Ardayda kaalmaha hore ka gasha Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka taasi iyana qayb laxaadle ka Qaadatay dadaalka ardayda iyo guusha uu gaadhay iskuulku. Dhanka kale Maamulka iskuulka ayaa si dhow ula socda arday kasoo baxda fasalada 8aad ee dalka iyagoo ardayda kaalmaha hore ka gashay Dugsiyada kuwooga aan haysan dhaqaale u saamaxa in ay sii wataan aqoontooda dugsiga sare siiya waxbarasho bilaash ah damaanad qaadana nolashiisa afarta sano ee uu ku jiro dugsiga sare ee Nuuraadiin, taasi oo ardayga fursadaa hela ku dhiiri galisa in uu qayb ka noqdo ardayda ku Guulaysata kaalmaha sare ee dugsiyada dalka iyo hormuudka Aqooneed ee dugsiga Nuuradiin, waana arimaha uu dheer yahay Dhigooda dugsiyada gaarka loo leeyahay, kana dhigtay mid koobsaday daboolida doonista waxbarasho ee Somaliland Hiigsanayso iyo fogaan Araga Maamulka Dugsiyada Nuuradiin, Waxyaabaha kale ee dugsiga nuuradiin ka Dhigay in uu noqdo Hormuudka waxbarashada somaliland ayaa waxaa kamid ah in maamulk iskuulku si joogta ah ula socda akhlaaqda ardayda lana hubiyo aroor kasta xaalada ardayda gaar ahaan wakhtiga uu imanayo dugsiga, hab-dhaqankiisa iyo waxkasta oo ardayda ka dhigaya mid ka mashquula qaadashada duruusta iskuulka, Xidhiidhka wanaagsan ee maamulka, macalimiinta iyo waalidku wuxu sal dhig u yahay ku dhaqankiisu dugsiga nuuradiin waa mid kamida guulaha dugsiga nuuradiin Gaadhsiiyay halka uu maanta kaga jiro waxbarashada Somaliland. Ardayda wax ka barata dugsiyada nuuradiin waxay kamid yihiin Muwaadiniinta reer ee xuquuqda ay dawlada ku leeyiihiin uu Waajibinayo dastuurka dalka waxayna lamid yihiin ardayda wax ka barata dugsiyada dawladu gacanta ku hayso waana waajib Saaran xukuumadu in ay marwalba si dhow ula socoto gacan Qabashadooda balse waxaa waxyaabo badan oo ay tabi lahaayeen buuxiyay muwaadiniin isku xil qaamay horumarinta Tacliinta dalkooda oo ay tahay in qofkasta reer Somaliland u garab istaago guul uu gaadho qarankiisa aan wadamada caalamka kamid noqon wali ee ay ku hareeraysan yihiin duruufaha kala duwani, Dhanka kale Dugsiga sare ee nuuradiin wuxu noqday mid Ardaydii kasoo baxday ay ka dhex muuqato aqoontoodu tartanada imtixaanka loo galo shaqooyinka dalka iyo dhismaha Xukuumada Somaliland oo ardaydii kasoo baxday dugsiga Nuuradiin wakhtigan kamid yihiin wasiirada, safiiro, iyo Qaybaha kala duwan ee xukuumadu ka kooban tahay, taasi oo markhaati u ah doorka uu ku leeyahay dhismaha tacliineed ee Jamhuriyada Somaliland, Marka laga tago kaalinta hogaamineed ee ardayda dugsiyada Sare ee dalka oo uu mudo 12sano ah hogaaminayay kaalmaha Hore ee ardayda ku guulaysata natiijada imtixaanka shahaadiga Ee Dalka, waxaan dhinaca kale aan la hilmaamin Karin sumcada Iyo sharafta waxbarasho ee dalka Uu U Horseeday, Qalinkii; Yuusuf J, Hirsi, Hargeisa Somaliland Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda ay ku dileen isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Ragga dilka geystay oo watay Bistoolado ayaa toogtay askariga oo la sheegay inuu xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga la dilay uu fadhiyey goob maqaaxi oo ku taalla halkaasi, iyadoona ay baxsadeen kooxihii fuliyey dilkiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa bishii hore ee Ogoosto Xog ay heshay ku sheegtay in Raysal wasaare Kheyre uu ururiyay Ciidan Beeshiisa u badan oo tababar loogu [...] Source
  16. Shacabka ku dhaqan magaalada Dhoobley ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa dareen xun ka muujiyey saameynta ay ku reebtay cunaqabateynta dowladda federaalka ah ee dhanka duulimaadyada. Qofka ka tagaya Kismaayo ee u safra magaalada Dhoobley halkii uu ka bixin jiray 80$, una socon jirtay 30 daqiiqo keliya masaafada 220 KM ee Kismaayo Dhoobley, hadda waxaa uu ku qabsan yahay inuu bixiyo 250$ isaga oo masaafo ahaan jaraya inuu marka uu Kismaayo ka soo tago uu soo maro Muqdisho, kadibna uu tikit kale u goosto Dhoobley, safarkaas oo ugu yaraan qaadanaya 6 saac. Dhinaca kale, waxaad aad u kordhay qiimaha lagu tago Nariobi, ee dalka Kenya oo halkii markii hore ay ka aheyd 220$ hadda waxaa qofkii bixinayaa lacag ka badan 370$. Dowladda federaalka ah ayaa go’aankan qaadatay si ay u ciqaabto maamulka Jubbaland, laakin nasiib darro waxaa ay dhibaato ku noqotay bulshada deegaankaas, oo maraya ciqaab wadareed. Arrinta kale oo falanqeeyeyaal ay Goobjoog News u sheegeen waa in dowladda federaalka ah ay arrinkan u sameysay xin iyo aargoosi, kadib markii August xilligii doorashada Jubbaland uu maamulkaasi sheegay inuu xirtay hawada, dhulka iyo badda, taasi oo aanu sameyn karin, jawaabta Villa Somaliana ay sidan noqotay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Somali forces killed at least 10 al-Shabaab militants and injured several others wounded in the Lower Shabelle region after the group attacked four districts in the region, local media said on Sunday. Ali Waal — a senior police officer in the town of Qoryooley, one the district attacked by al-Shabaab — told media that the government forces killed at least 10 fighters after an attack on a military base in the town. ”Al-Shabaab fighters had attacked our base in Qoryooley but we managed to overcome them and killed 10 of them,” Ali Waal said. Some of our soldiers were wounded during the attack, he added. According to the reports, the group also attacked three other districts in the region but the casualties remained unknown. “Heavy combat erupts in Lower Shabelle region after Al-Shabaab attacked SNA [Somali National Army] bases in Qoryooley, Awdhegle, as well as in Barrire town area,” a resident said. Meanwhile, Somali-based group al-Shabaab claimed that it had killed 14 African Union peacekeeping mission forces from Burundi and wounded 8 others. African Union Mission in Somalia known as (AMISOM) has not yet commented on the incident that took place in the Middle Shabelle region. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan kuwa dowladda fedeeraalka tababar markii ugu horreysay loogu qaaday dalka Eritrea. Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 500 oo askari ayaa la sheegay inay isugu jiraan Boolis, Nabad Sugid iyo Milatari intaba. Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedka ciidamadani loo tababarayo ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga, marka la gaarayo xilliga kala guurka ee dalka uu galayo doorashooyinka sanadaha 2020-ka, illaa 2021-ka Eritrea oo sanadkii hore laga qaaday cunaqabateyn saarneyd in muddo ah ayaan la shaacin baahida keentay in ciidamo cusub ay xilligan u tababarto Soomaaliya. Sababta Eritrea cunaqabateynta loo saaray waxa ay aheyd inay taageertay kooxo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyadoo ay dad badani is weydiinayaan arrintan. Xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay bartamihii sanadkii hore, iyadoo booqasho Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Asmara, halka dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki uu Muqdisho booqasho ku yimid bishii December ee sanadkii hore 2018-kii. Ciidamada Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu tababaraa dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sanadihii u dambeeyay dowladda federaalka ka caawinayey dhismaha ciidanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. The winners of the EU funded poetry competition dubbed SilsiladdaNabaddawere unveiled Saturday in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  20. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi ay heleen ayaa sheegay in kulan ay yeesheen laamaha Amaanka iyo kuwa garsoorka Jubbaland ay isku racen in Xabsiga [...] Source
  21. Garowe waxaa saaka kafurmay Shirka Maalgashiga Puntland oo u jeedkuvyahay in meel la’isugu keeno Ganacsatada iyo maalgaliyayaasha Soomaaliya iyo Caalamka qaarkood. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi [...] Source
  22. Beledweyne (Caasimada Online| ) – Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka ka ambabaxay ciidamo lagu tababaray magaaladaasi oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug Qaadista ciidamadan oo uu muran ka taagnaa muddooyinkii dambe ayaa hadda xal laga gaaray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay inay u safraan dhanka Dhuusamareeb. Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa horay uga biyo diiday in ciidamadaasi la geeyo Galmudug, iyagoo sheegay in baahi weyn oo amniga ah ay ka jirto gobolka Hiiraan. Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhexeysa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo iyo odayaashaasi, taas oo haatan la xaliyey. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalooyinka waa weyn ee Galmudug, iyaga oo ka shaqeynaya nabad gelyada deegaanka. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo ay qaban qaabineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com