-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (SMN) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in uu isla xisaabtan adag la geli doono maamulada degaanadda hoos-yimaada. Wasiiru dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulkaas, Cabdullaahi Farey, ayaa xusay in hanaankan uu yahay mid ay madaxdu si wadajir ah isula qaateen. Mr Farey oo la hadlayey gabagabada shir ay yeesheen gudoomiyeyaasha degaanada, ayaa ku booriyey in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan. Mas’uuliyiinta degaanadiisa ay kusuu noqnoqdaan falal liddi ku ah ammaanka ayuu xusay in loo yeeri doono su’aallana laga waydiin doono. Dhinaca kale, gudomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka dhawaajiyey in uu socdo qorshe la isugu furayo wadooyinka Koonfur Galbed iyo gobolka Banaadir. Ibraahim Aadan Najax ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in qorshahaasi uu noqdo mid miro dhala, wuxuuna ku booriyey gudoomiyeyaasha in ay qayb ka qaataan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Koonfur-Galbeed.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarineysay qorshe ay wax ugu qabaneyso dadka la il-daran xanuunka dhimirka. Bukaanada uu haleelay xanuunkan ay kusoo badanaya dalka, sidda ay shaacisay Wasiiradda Caafimaadka. Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa carabka ku adkeysay in ay ka go’an tahay ciribtirka xanuunkan iyo daryeelida muwaadiniinta uu ku habsaday. Dhinaca kale, afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha wax loogu qabanayo dadka laga wada qeyb-qaato. Si gaar ah labadda ee dowladda ayuu mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku booriyey in ay kaalin muuqata ku yeeshan dedaaladan socda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dhimirka.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Khamiistii Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, oo u dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya 5-ta bisha Oktoobar , taasi oo caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah. Soomaaliya waxa ay si adag uga soo horjeedaa xadgudubkani, marna ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka, waxa ayna ugu baaqaysaa Kenya in ay jawaab celin ka keento xadgudubkaasi xilli ciidamadeeda ku sugan Gobolka Jubada Hoose ay ka qeyb yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa falkani mid ka hor’imaanaya dhammaan mabaadiida deris wanaagga iyo in dalalku ka reebtoonaadaan in faragelin gudaha ay isku sameeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxay aheyd go’aan adag oo aan ka imaanin qof kaliya in xoog lagu qaado xayiraadii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku soo rogtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 29-kii bishii August ee sanadkaan 2019. Mudadaasi waxaa magaalada la geliyay xaalad adag oo dhanka duulimaadka ah waxaana ka dhashay doodo is-diidan oo siyaasadeed iyo xaalad kale oo dhanka amaanka ah oo dalka gelisay qal qal xoog leh. Xayiraadii magaalada saarneed waxaa jebiyay diyaaradii Kismaayo ka digtay sabtadii la soo dhaafay ee todobaadkaan, taas oo ka soo kacday Nairobi, duulimaadkeedii labaad-na shalay ayuu ku degay Kismaayo, sida ay noo sheegeen Weriyaal ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Dowladda Soomaaliya ayaa maaro u weysay diyaaradaasi oo dalka ku joogta sifo aan sharci aheyn maadaama ay dowladda Soomaaliya raali ka aheyn waxaana la sheegay in ay sii joogi doonto inta uu ka dhamaanayo khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubabaland. Dowladda Soomaaliya markii ay celin waysay diyaaradaasi islamarkaana ay u aragtay in talo faraheeda ka baxeen ayay soo gaba-gabeysay xaaladii saarneed Kismaayo, waxaana caadi u tagayay duulimaadka rayidka ah oo aan muddo ka bixin Muqdisho iyo meelo kalaba. Su’aasha joogtada oo ay is weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah “Axmed Madoobe ma ka guuleestay Farmaajo”. Waxaa jira loolan adag oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalanad kaas oo ay dadka Soomaaliyeed intooda ugu badan ku micneeyeen tartan bilaaw u ah doorashada Soomaaliya oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Farmaajo si loo ilaashado doorashada Soomaaliya 2020/2021. Axmed Madoobe waxa uu ku guuleestay in uu jebiyo kana gudbo xayiraadii magaalada iyo in uu Kismaayo ku qabto doorasho aysan goob joog ka aheyn dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la sheegay in uu ku guuleestay Axmed Madoobe markiisii 3-aad ee hogaanka Jubbalaand. Mar hadii uu dhaafay 2-dii caqabood ee ugu adkeyd Axmed Madoobe maka gudbi doonaa culeesyada kale ee horyaala? Maxay ku dambeyn doontaa Jubbaland? Dhinaca kale maxaa laga filan karaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo u muuqato in ay ku guul dareysatay qorshaheedii baajinta caleema saarka Axmed Madoobe. Tani maloo qaadan doonaa in Kismaayo ay noqon doonto magaalada kaliya ay ku kulmi doonaan saldhigna u noqon doonto siyaasiinta dowladda ka soo horjeeda ee ka cabanaya caburin iyo weerarka Xukuumadda? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidanka guutada 14-ka Oktoober, ee uu aas aasay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana lagu xasuusto nabadii iyo dib u heshiisiintii ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose, ayaa hadda lugaha la galayo taariikh xun oo madow taas oo dhaawici karta guushii madaxweyne Farmaajo uu ka soo hoyay dagaaladii Marka ee qabaa’ilka salka ku hayay. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Waafow ay ciidanka 14-ka Oktoobar u adeegsanayaan caburinta, xariga iyo jirdilka dad gaar ah oo daga Marka, kuwaas oo aan wali ka soo kaban boogihii ka dhashay dagaalada Sokeeye. Caasiamda Online, ayaa xaqiijisay in tobaneeyo dhalinyaro ah oo aan wax dambi ah gelin ay ku xiran yihiin magaalada Marka, kuwaas oo ka soo jeeda beelo gaar ah, waxaana aerinataasi lagu tilmaamay beegsi gaar ah. Sidoo kale waxaa jirta in markii ay magaalada wax ka dhacaan la xiro oo kaliya dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan iyo reer Banaadiriga waxaana dadka ay aad uga cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmayaan dad u dhashay Beesha Biyamaal, gaar ahaan Waafow iyo Sarkaalka hoggaamiya 14-ka Oktoober Cusmaan Xasan oo loo adeegsaday caburinta shacabka. Najax oo kasoo jeeda beesha Garre ayaa isbahaysi la ah saraakiisha Biyamaal ee Waafow uu ka mid yahay. “Dadka Banaadiriga ah iyo beelaha kale ee Hawiyaha ah waxay dareemayaan caburin iyo dhibaatooyin daran oo aan lala qaban, waxaana tabasho ka nahay Najax, Waafow iyo Cusmaan Xasan, hadii aan wax laga qaban waxaa halkaan dib uga qarxi doono dagaalo Sokeeye muddo aan fogayn” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan gobalka Shabeellada Hoose. “Maalmo ka hor waxaa jirtay in ay xiisad culus ka dhalatay odayaal gaaraya 7 qof oo lagu xiray Marka kadibna ay magaalada halis ku gashay in dagaalo dib uga qarxaan” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo ka tirsan Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee gobalka Shabeelada Hoose. Waxaa jira kulamo ka kala dhacay Shalaanbood iyo degaan duleedka ka ah Marka, kulamadaasi oo looga tashaday sidii looga hortagi lahaa wax ay Tacadi ugu yeereen dadka degaanka ee gobalka Shabeelada hoose, gaar ahaan beelaha Habar-gidir, Abgaal iyo Baadi-Cadde. Dadka degaanka ayaa qaba cabsi badan oo ah in dagaaladii ay dib u soo laabtaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018. Warbixinta ayaa lagu yiri “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tix galinayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.” Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska Kheyre inuu hareer-maray sharciga. “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Intaa waxaa dheer in Xafiiska uu ku guul daraysto mas’uuliyadaha la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si wakhtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.” Sidoo kale lacago boqolaal kun oo dollar ah ayaa ku maqan xafiiska Kheyre sida ay shaaca ka qaadday warbiixnta. “Lacagaha loogu talagalay socdaalka oo dhan US $403,333.37 ee bilaha January illaa November 2018 ah ayaa la isticmaalay iyada oo aan lagu xirin caddeymo dhammaystiran. Lacagahan ayaa la siiyay dad kala duwan, shirkad wakiil duulimaad (Travel Agency) iyo hoteello.” Ayaa warbixinta ay shaaca ka qaadday. Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Lacagahaas ma lahayn wax caddeymo dhammaystiran oo laga rabay sida: (a) dalabka iibka ama codsiga iibka, boarding passes-ka lagu safray, (c) wax caddeyn ah ogolaanshaha safarada la galay, (d) qaansheegta ama rasiidka adeeg bixiyaha, (e) Isla xisaabtan la ansixiyay ee dhinaca socdaalka la galay, iyo (e) magacyada iyo saxiixa dadka lacagaha habeen dhaxa la siiyay.” Warbixinta waxay tiri “In lacag bixintaas qaarkeed loo sameeyay safarro aan la aadin, ama; in lacag bixinnadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya khasaaro maaliyadeed.” Qoraalka ayaa sidoo kale shaaciyey “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee XRW waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).” “Xafiiska ra’iisul wasaaraha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. “ ayaa lagu yiri warbixinta oo intaas ku dartay “Ma jirin wax caddeymo ah in XRW uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.” Waxaa jira khatar ah in Xafiisku galay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan Shaxda hoose waxaa ka muuqda 5 heshiis oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha galay dhinacyo kale sannadkii 2018 kuwaas oo aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud, kuwaas oo ahaa: – Go’aanka xafiiska ra’iisul wasaaraha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego. Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa. Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The 2019 Nobel Peace Prize has been awarded to Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed who made peace last year with bitter foe Eritrea. Source: Hiiraan Online
-
Somalia summons Kenyan ambassador over ‘airspace violation’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (HOL) - Somalia summoned Kenya’s ambassador in Mogadishu Thursday to register its protest over what it termed as a violation of its airspace after a plane carrying Somali politicians flew directly from Nairobi to the coastal city of Kismayu early this month. Source: Hiiraan Online -
Somalia has birthed some of the most visible members of the fight for social justice here in the U.S. and abroad, including Minnesota congressperson Ilhan Omar and Galkayo Education Centre for Peace and Development founder Hawa Aden Mohammed. Perhaps the youngest of these leaders is is 29-year-old Ilwad Elman, Source: Hiiraan Online
-
Dowlad warqad soo xidhis ah u jartay Hantiile ku guuleystay biladda nabadda adduunka ee Nobel-ka Dowladda Bangladesh ayaa waaran soo xiris ah u jartay Muhammad Yunus oo dalkeeda kasoo jeeda kaas oo soo xaadiri waayay maxkamad loogu yeeray. Ninkan oo horay ugu guuleystay biladda nabadda adduunka ee loo yaqaan “Nobel Peace Prize” ee laga baxsho dalka Norway sannad kalsta ayaa xaadiri waayay maxkamad ku taal magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh kadib markii ey soo dacweeyeen shaqaale ka shaqeeya shirkaddiisa bangiga ee loo yaqaan Grameen Communications (GC) oo xuquuq raadsanayay. Si uu uga gar-boxo maxkamadda ayaa u yeertay masuulkan, balse ma uusan xaadirin maxkamadda, waxaana sida la sheegay uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa, sidaasna ay maxkamaddu ugu jartay in lasoo qabto. Dowladda Bangladesh ayaa iminka booliska adduunka u dirtay warqad lagu soo xirayo ninkan amaba loogu soo gacan-gelinayo. Ninkan ayaa sannadkii 2006-dii waxaa uu biladda nabadda ee Nobelka uu ku helay u gar-gaaridda dadka saboolka ah, isagoona dhaqaale ey cagaohooda ugu istaagaan uga yaboohay bangigiisa. Qareen u haylad ninkan ayaa sheegay in warqadda maxkamadda loo soo diray xilli uu ku maqnaa safarka uu iminka jiro, sidaas darteedna uu xaadiri noono maxkamadda marka uu yimaado. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Dowlada Soomaaliya ayaa u yeedhay safiirka Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr Lucas Tumbo si wax looga weydiiyo diyaaradii 5-tii bishan ka soo duushay magaalada Nairobi ee ku degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda mr Cabduqaadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa ugu baaqay diblumaasiga Kenya in uu si deg deg ah jawaab uga Bixiyo Arintaan. Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ayna u dulqaadan doonin faragalinta qaawan oo Kenya ku heyso Soomaaliya. Kenya hore ayay u beenisay inay wax ka ogtahay diyaarada ka degtay magaalada Kismaayo. Source
-
(SLT- Florida)-Laba nin oo ka mid ah ganacsatada gobolka Florida oo xidhiidh la leh qareenka madaxweyne Donald Trump, mr Rudy Giuliani ayaa loo xidhay eedo maalgalin aan sharci aheyn oo dhanka ololaha, sida uu sheegay afhayeenka xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud. Ganacsatade Lev Parnas iyo Igor Fruman, ayaa loo xidhay iyada oo lagu heesto maalgalin sharci daro ah oo la xidhiidha olole siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Newyork, sidaasi waxaa lagu yiri warbixin Khamiista maanta ah laga soo saaray xafiiska xeer ilaalinta ee degmada Manhattan. Labada nin ayaa markii la xidhayay qorsheynayay in y u duulaan habeenimadii xalay magaalada Vienna ee dalka Austria sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka. Parnas iyo Fruman ayaa la filayaa in xilli danbe ee Khamiista maanta waqtiga maxaliga ah ee Mareykanka in la soo taago maxkamada magaalada Virginia, sida uu qoray Jaraa,idka Wall Street Journal. Qareenka ganacsatadan mr John Dowd, ayaa diiday in warbaahinta uu la wadaago eeda loo jeediyay raggaan. Mr Parnas ayaa ah ganacsade u dhashay Ukrain halka Fruman uu yahay ganacsade maalgaliya guryaha. waxaana lagu tuhmayaa in ay qeyb ka yihiin fadeexada hadheysay dowlada Mareykanka oo ku aadan in caawinaad ay weydiisatay Ukraine. Xadhigaan ayaa imaanaya iyadoo aqalka hoose ee Congress-ka uu wado baadhitaano la xidhiidha madaxweyne Donald Trump oo caawinaad weydiistay dal Ajnabi ah si baadhitaan loogu sameeyo mid ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka. Trump ayaa haddii ay ku cadaato fadeexadaan waxaa uu ka waayi karaa xilka sida ay sheegtay afhayeenka aqalka hoose ee Congress-ka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ay duulimaad cusub ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa daabacay Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa Magaalada Kampala, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Warsiduhu wuxuu ku warramay in diyaaradda Uganda Airlines ayaa shaacisay toddobaadkan inay duulimaadyadeeda Gobolka Bariga Afrika ay ku soo kordhinayso saddex duulimaad oo cusub. Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay tallaabo weyn tahay in Shirkadda Uganda Airline ay ka degto Magaalada Hargeysa, waxaannu intaas ku daray in arrintaasi ay guul u tahay gobolka bariga Afrika. Masuulkaas ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga JSL wuxuu ku dooday in Shirkadaha Diyaaradaha Uganda oo timaada Hargeysa ay kor u qaadi doonto cilaaqaadka ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay isku furi doonto shacabka Somaliland iyo Uganda. Shirkadaha Diyaaradaha ee Uganda ayaa noqonaysa tii labaad ee dalalka bariga Afrika ee soo labeysa Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo duulimaadyo toos ah ku timaada Madaarka caalamiga ah ee Cigaal. East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Somaliland ay sidoo kale danaynayso in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay duulimaadyo ku tagto Hargeysa, arrintaasi oo uu dedaal ugu jiro Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar oo xusay in ay jiraan ganacsato ka dhex shaqeysta Hargeysa iyo Nairobi oo u baahan inay toos iskugu xidhmaan halkii ay ka sii mari lahaayeen Addis-ababa. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed kadib safar uu maanta ku gaadhay. Mr Farmaajo iyo Abiye ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iskaashiga dhanka amniga iyo dhaqaalaha, waxaana kulanka qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Mahad Ciise Cawad, iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali. Socdaalka Farmaajo ayaa yimid kadib casuumaad uu ka helay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa inkabadan sanad dadaal ugu jira sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac tan iyo markii uu xilka la wareegay mr Abiye sanadkii Hore. Source
-
(SLT-Tel Aviva)-Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si adag u cambaareeyey hawlgalka milatari ee Turkigu uu ku qaaday maleeshiyaadka Kurdishka ah ee waqooyiga dalka Suuriya ku sugan, waxaanu sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo isir sifayn ka dhan ah Kurdishka Suuriya. “Israel waxa ay si xoogan u cambaaraynaysaa hawlgaka dhulka Kurdishka Suuriya uu ku qalay Turkigu, waxaanay ka digaysaa dagaal Isir Sifayn ah oo Kurdishka ka dhan ah,” ayuu Raysal Wasaaraha Israe Benjamin Netanyahu uu ku sheegay qoraa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Israel waxa ay diyaarinaysaa inay fidiso kaalmo gargaar bani’aadanimo oo ay gaadhsiiso dadka Kurdishka ah ee dagaalka lagu soo qaaday. Dhinaca kale wararka ka imanaya waqooyiga Suuriya ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqayn uu dalka Turkigu dib ugu riixay maleeshiyaadka Kurdishka ee dalka Suuriya, dagaaladan ku barakacay dad aad u tiro badan oo rayid ah. Source
