-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimadda Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Maanta oo Sabti ah sheegay in la dilay Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda Osama Bin laden. Mareykanka ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagu dilay Xamza bin Laden oo ah wiil uu Dhalay Osama Bin Laden. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in Xamza Bin Laden uu caan ka dhex ahaa Kooxda Al-Qaacidda oo uu laf dhabar u ahaa aabihiis. Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay dhul u dhaxeeyo Xuduudda Wadamada Afghanistan iyo Pakistan. Warbixintaas kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhimashada Xamza Bin Laden ay saameyn ku yeelan doonto Xirfadaha Hoggaaminta ee Kooxda maadaama uu wiilkaan Aabihiis ka dhaxlay xirfadda hoggaaminta iyo qaabka fulinta howlgalada aee kooxdaan . Osama Bin Laden ayaa lagu dilay Abbottabad oo ka tirsan Dalka Pakistan 2 Bishi May Sanadkii 2011 kadib howlgal ay fuliyeen ciidamda gaarka ah ee Mareykanka. Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose. Magaalada Marko ee xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed oo qeyb ka ah deegaannada ay dowladda Federaalka ka sameysay dib-u-heshiisiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna uga mahad celiyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen. Mudane Xasan Cali Khayre oo Marka ku tagay lugtii ugu dambeysay ee socdaalka shaqo ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata indhaha maal gashadayaasha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo. View the full article
-
Marka (Caasimada Online) – Bam gacmeed ayaa maanta lagu tuuray barxadda xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada. Bamka oo qofkii soo tuuray uu baxsaday islamarkaana aan la garaneyn ayaa la sheegay inuu ku qarxay meel waxyar u jirta halkii uu Kheyre ka waday hadal-jeedinta, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeyn Caasimada Online. Qaraxa bamka ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaar ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, qaraxana uu ka yara fogaa, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii. Dadkii meesha joogay ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku qasbanaatay inuu soo geba gebooyo khudbaddiisa islamarkaana goobta qaraxa ay kala cararaan ciidamadiisa iyo kuwa Amisom. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda qaraxa ka dambeysay iyo sida ay ugu suurta-gashay inuu bam kula soo dhowaado halka uu Kheyre ka hadlayey. Weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Kheyre oo ku aadan dhacdadan. Dhanka kale, wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre markii ay gudaha u galeen Marka waxaa magaalada qeybo ka mid ah lagu garaacay madaafiic, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay. Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahan booqasho ku marayey qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, isaga oo wada dadaallo u eg olole doorasho, xilli uu qorsheynayo inuu madaxweyne isku sharxo 2021. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabele Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoysaskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu yiri Madaxweyne Waare. “Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Hirshabeelle”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadka oo dhabarkooda isticmaala marka uu go’o laamigu Wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa sii dabar go’aysa. Wadada Boosaaso tan iyo Gaalkacyo oo dhererkeedu yahay 700-KM ayaa ah halbowlaha dhaqaale ee Puntland waxayna isku xirtaa isu socodka gaadiidka gobolada Puntland, gobolada dhexe iyo Itoobiya. Garowe iyo Boosaaso Wadada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso waxay ka mid ahayd kaabayaashii dhaqaale ee laga dhaxlay dowladii kacaanka ee hogaaminayay AUN. Maxamed Siyaad Barre, xili ay la mid ahayd qorax casar joogta, waxaana siddeetamaadkii lagu dhisay mashruuc ay maalgalisay dowladda Talyaaniga. Wadadan waxay martaa dhul u badan dooxooyin, togog iyo buuraley, roobabka ayaa khasaaraha ugu badan gaarsiiya, tan iyo intii la dhisay ma helin wax dayactir iyo ilaalin ah, waxayna taasi sababtay in maalinta qeybi soo ruqdo. Wadadan ayaa ka rifantay hareeraha, laamiga ayaana isugu soo haray liidka dhexe, taas oo sababtay in Puntland maalinba maalinta ka dambeysa ay bataan shilalka gaadiidka. Sanadkii 2013 ayaa la dareemay dhibaatada wadadan, markii roobab gooyeen buundada Midigar oo u dhow tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, isu socodka gaadiidka ayaa hakad galay, isku tashi deg-deg ah oo xiligaas shacab iyo dowlad-ba sameeyeen waxaa lagu guuleystay in la dhiso, balse waxaan la xasuusan in laga gaashaanto dhibaato midaas oo kale ah oo timaada. Buundada Midigar ee isku tashiga lagu dhisay Mar kale 2019 daadad ka dhashay roobab mahiigaana oo gu’gii dhaweyd ka da’ay deegaanada Puntland ayaa burbur xooggan u geystay wadada, waxaana meelaha waxyeelada weyn gaartay ka mid ah meel u dhow tuulada Sin-ujiif, oo laamiga saddex buundo go’day, halka dhowr kiilo-mitirna uu seed dhan go’ay, waxaana mar kale muddo dhowr maalmood istaagay isu socodka gaadiidka Puntland. Aaga Sinujiif: mid ka mid buundooyinkii go’ay Roobabkii gu’gii dhaweyd ayaa sidoo kale meelaha ay wxyeelada weyn laamiga gaarsiiyeen waxaa ka mid ah Xaajikhayr, Carta, Juurile, Sanjilbo iyo Yalho, waxaana meelaha qaar hadda gaadiidku uga leexdaan wado raf ah oo ay fasheen. Aaga Xaajikheyre oo laamigu ka go’an yahay Ma jirto cid ilaa iyo hadda u dhaqaaqday meelaha wadadu ka go’an tahay, sidaas oo ay tahay ayaa hadana laga cabsi qabaa in roobabka dambe ay khasaare aan laga soo waaqsan karin u geystaan, iyada oo waliba la galay xili roobaadkii dayrta oo ka curtay deegaano ka mid ah Puntland. Gaalkacyo iyo Garowe Wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe waxaa la dhisay todobaatamaadkii, waxayna ka mid ahayd mashruuc uu bixiyay China oo lagu dhisay laamiga isku xira Beledweyne ilaa Burco. Wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo Wadadan waxaa burbur ku bilaamay markii ay meesha ka baxday dowladda dhexe ee dalka 1991, mana helin wax dayactir iyo ilaalin ah tan iyo xiligaas, hadda in ka badan 80% (boqolkiiba sideetan) waa baaba’day, mana laha kakab iyo karkartoona. Midowga Yurub ayaa mar ugu deeqay malaayiin doolar oo dib loogu dhiso wadadaas, waxaana loo soo mariyay hay’adda Jarmalka ee GIZ, balse nasiib xumo maamul xumo awgeed ayuu u fishilmay mashruucaas, xiligii dowladda Cabdiwali Gaas, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Yurub uu masharuucaas Puntland ugu badalay mashruuc deegaanka ah. Mashruucii fashilmay Fashilka mashruucan ayaa Puntland u geystay dhaawac, wuxuuna ku noqday tusaale xun oo ay dhici karta in mashaariicda noocaan oo kale ah aan lagu aaminin, hadii aysan dib isu sixin. Hay’ad magac u yaal ah Hay’adda wadooyinka Puntland (PHA) oo markii hore la oran jiray NESHA, waxaa la aas-aasay xiligii dowladii AUN Cabdulllaahi Yusuf, waxayna u jeedadu ahayd in ay dayactir iyo ilaalin ku sameyso wadooyinka muhiimka ah ee Puntland. Xarunta PHA, Garowe Hay’adda PHA intii ay jirtay waxaa dhaqaale uga go’ayay wax walba oo qalab gaadiid ah oo soo gala Puntland, balse ma jirto shaqo ay qabatay tan iyo intii la yagleelay, waxaana dad badan isweydiinayaan waxa ay hay’addan dhaqaalaha badan hesha qabato iyo meesha dhaqaalaheedu ku baxo, maadaama sida la arkay yihiin wadooyinkii halbowlaha Puntland. Sida muuqata waa hay’ad magac u yaal ah oo shakhsiyaad gaar ah ay ku urur sadaan dhaqaalaha dadka masaakiinta ah laga qaado. Gaariwaa Oraahda Gaariwaa ayaa baxday xiligii uusan jirin laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Boosaaso, waxaana gaadiidku mari jiray wado raf ah oo rafaad badan, iyadoo ay adkayd in la gaaro gobolka Bari. Hadda waxaa muuqata in haddii aan si deg deg ah wax looga qaban wadada halbowlaha Puntland ay mustaqbal dhow qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn noqdaan “Gaariwaa” iyo sidii xaal ahaan jiray laamiga ka hor. Hadii shalay safar raaxo leh iyo amin yar lagu mushaaxi jiray inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Gaalkacyo, maanta waa safar dheer oo rafaad iyo boor badan oo gaadiidlayda iyo dadka safarka ahba ay ku qabaan dhibaato aan la soo koobi karin. Ma dhihi karno 21 sano ee Puntland jirtay waxay tabar u weyday dayactirka wadada halbowlaha, balse waxaan dhihi karnaa dan ayay san ka la hayn hantida dadweynaha ee dayacan. Haddii aan dowlad iyo dadweynaba u guntan dayctirka wadadan, waxaa hubaal ah in waxa la dhowraa ay tahay Gaariwaa iyo go’doon dhaqaale oo ku habsada Puntland. © PUNTLAND POST 2019 The post Puntland: Hantida dadweynaha dayacan ee aan danta laga la heyn! appeared first on Puntland Post.
-
At least five people — including a deputy governor and a former minister — were killed and several others wounded in a roadside blast targeting their vehicle in the Middle Shabelle region of Somalia on Sunday, police said. Mahamud Dhuhlow, a police officer in the region, told Anadolu Agency over the phone the incident took place near the town of Bal’ad, located 40 kilometers (24 miles) northeast of Somali capital Mogadishu. Hirshabelle State President Mohamed Abdi Ware confirmed the attack and the deaths of Deputy Governor of Middle Shabelle region Abdullahi Sitawe and former Hirshabelle’s Business Minister Sabriye Osman. Soldiers from Hirshabelle are also among the dead, according to local media. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the attack. Source: Anadolu
-
(SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera. Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay. Maareeyaha Haamaha keydka shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Embasi oo ka hadlay dhagax-dhig uu madaxweynuhu u sameeyey laba Haamood oo cusub oo kala ah Naafto iyo Baatrool, kuwaas oo midkiiba qaadayo 10,000 (toban kun oo mitir Kuyuubik), ayaa hoosta ka xarriiqay inay haamaha ka dhigeen kuwa isku filan, islamarkaan awood u leh inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, xaddiga haamahana kor loo qaadayo. Maareeyaha wakaaladda Biyaha Berbera, Mudane Saleebaan Cabdiraxmaan Xuseen iyo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay kormeerka uu madaxweynuhu ku tegay Ceel-biyood biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre, ayaa si waafi ah uga warbixiyey dedaallada ay ugu jiraan sidii ay magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan. Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera, isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.” Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, ayaa waxa uu soo bandhigay in qaraxyadda laga soo abaabulo meelo ku dhow magaala madaxda waddanka. Mr Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii looga tabategi lahaa meelaha lagu soo diyaariyo weerarada caasimadda ka dhaca. Dhanka kale, Cumar Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in maamulkiisu ka go’an tahay dib u furitaanka wadooyinka xiran ee Muqdisho, isaga oo shacabka ka codsadey in ay ka shaqeeyaana amniga. Dhowaan ayey ahayd markii maamulka gobolka Banaadir uu guddi u magacaabay dib u furitaanka wadooyinka caasimadda, waxaana guddigaasi uu haatan ku howlan yahay kasoo talo bixinta arrintaasi. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cumar-Filish.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay si dad-ban shaaca uga qaaday inay xukuumadiisa ka laabatay saldhigii millateri ee magaalada Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta. Muuse Biixi ayaa ku micneeyay talaabadan ay kaga laabteen heshiiskii ay dowlada Imaaraadka saldhig ku siinayeen, mid timid wada-tashi dheer kadib markii xukuumadiisa ka yeelatay. Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaasi sheegay xili uu maanta ku sugnaa Garoonka magaalada Berbera, isagoona ka dhawaajiyey in garoonka berbera laga dhisi doono uu kamid noqon doono garoomada ugu waaweyn dunida. “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil maanta, wuxuu noqonaya habka ugu weyn” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Wuxuuna intaas kusiid aray “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan”. Hadalkan madaxweynaha Somaliland ee ku aadan ka noqoshada saldhigii Millateri ayaa ku soo aadaya xili uu muran baahsan ka taagna Saldhiga xukuumada Kulmiye ay Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Drone attacks have set alight two major oil facilities run by the state-owned company Aramco in Saudi Arabia, state media say. Footage showed a huge blaze at Abqaiq, site of Aramco's largest oil processing plant..... Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabtiya ku dhawaaqay in xukuumaddiisu joojisay saldhigii militari ee dowladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanaysay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera. Madaxweyne Biixi oo booqasho ku tegay magaala-xeebeedda Berbera ayaa halkaasi ka shaaciyay in wixii hadda ka dambeeya garoonka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid shicib islamarkaana laga wareejiyay saldigii militari ee Imaaraatka Carabta. “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay imaan doonto shirkaddii dhisi lahayd garoonka diyaaradaha Berbera oo sida uu tilmaamay noqon doona garoon weyn 5KM ah. Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa hore u kala saxiixday heshiis ka kooban lix qodob oo uu kamid ahaa in Imaaraadku saldhig militari ka dhisto magaalada Berbera ee ku taalla xeebta badda Cas. Halkan ka daawo hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Somaliland oo ku dhawaaqday in ay joojisay Saldhigii militari ee Imaraadku ka dhisanayey magaalada Berbera appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoysaskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu Yiri Madaxweyne Waare. “Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Hirshabeelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-14092019.mp3 View the full article
-
Dahraan (Caasimadda Online) – Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka la yiraa ay weerareen oo dab qabad siiyey laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco. Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah wershadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa. Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey warshadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada wershadood ba haatan waa xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu. “Abaarihii 4.00am ee waqtiga Sacuudiga kooxaha nabadgelyada ee warshadaha ee Aramco waxay bilaabeen inay wax ka qabtaan dab ka kacay laba xarumood oo ku yaala Abqaiq iyo Khurais taas oo ka dhalatay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” sidaa waxaa yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga. “Dabkii labada goobood ka kacayna haatan waa la xakameeyey” ayey intaa ku dartay wakaaladdu. Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa hore loogu eedeeyey weerarro ay bishii hore diyaarado aan duuliye lahayni ku qaadeen warshadda gaaska dabiiciga ah soo saarta ee Shaybah iyo goobo kale oo shidaalka laga qodo oo bishii May iyagana weerarro lagu qaaday. Sacuudi Carabiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay weeraro kaga imaanayay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen, iyagoo si gaar ah u beegsanayay xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga leeyahay. Abqiiq waxay 60 km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Dahraan ee xarunta u ah gobolka bari ee Sucuudiga, Khurays na waxay ka sii shishaysaa 200 km, waxaana ku taal warshadda saliidda ee labaad ee dalka ugu weyn. Caasimada Online Xaafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil loo geystay Saddex wiil oo dhallinyaro ah, wuxuuna dilkaasi ka dhacay baadiyaha deegaanka Caliyaale oo ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dhallinyaradan ayaa waxaa dilay rag hubeysan, waxaana ay kala degeen gaari ay la socdeen xilli ay ka yimaadeen xaflad aroos. Warar madax bannaan ayaa sheegaya in raggan loo dilay aano dhanka qabiilka ah, mana jirto wax faah faahin arrintan uu ka bixiyey maamulka gobolka Shabellaha Dhexe. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa soo celiyay mid ka mid ah laba xubnood oo ka mid noqonaya Komishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Guddoomiye Saleebaan u gudbiyay. Wargayska Geeska Afrika ayaa magaca xubinta la soo celiyay ku sheegay Foosi Maxamed Faarax lamana sheegin sababta. Source
-
(SLT- Israel)-Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahiyeen warbaahintu oo sheegaya in Israel ay basaastay oo ay dhagaystay telefoono kuwa gacanta ah oo ku dhawaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, taaso oo Madaxweynaha dalka Maraykankuna uu sheegay inuu arintaasi rumaysan yahay. Raysal Wasaaraha Israel oo hadlayey xili uu safar ku joogay dalka Ruushka Khamiistii ayaa sheegay in aanay jirin wax telefoonada gacanta ah oo u dhawaa Madaxtooyada Maraykanka oo la dhagaystay, isla markaana waxa uu sheegay inuu mamnuucay basaasida ka dhanka ah Maraykanka, sida uu hadalka u dhigay Netanyahu. “Waxaan amar ku bixiyey; inaan wax basaasid ah oo Maraykanka lagu sameeyey aanay jirin, lama basaasin,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan go’aamiyey inaan la samayn karin. Gabi ahaanba waan mamnuucay.” War ka soo baxay xafiiska Netanyahu ayaa ku tilmaamay warkaasi ay baahiyeen warbaahintu “Been cad”. “Dawlada Israel kumay lug yeelan hawlgal basaasid oo laga sameeyey gudaha dalka Maraykanka,” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Israel. Warbaahin dhinaca online-ka ah oo la yidhaa Politico ayaa ku warantay in FBI iyo hay’addo kale oo Maraykan ahi ay baadhid ay sameeyeen ay ku soo gabogabeeyeen in dawlada Israel ay ka dambaysay telefoono iyo fariimo qoraal ah oo dhexda laga qabsaday oo ka dhacday Washington 2017-kii. Source
-
(SLT-Riyadh)-Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Droniska ayaa sababay dab qabsaday 2-xarumood oo laga soo saaro saliidda Shidaalka ee dalka Sacuudiga, sida ay ku warrameen madaxda (Shirkadda Aramco) ee ay maamulaan dowladda dalkaasi. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madax kale ayaa sheegay in weeraradaasi lala beegsaday laba xarumood oo laga soo saaro Saliida Shiidaalka,kuwaa oo kala ah Abqaiq iyo Khurais Madaxda dalka Sacuudiga ma caddeyn halka laga soo abaabulay weeraradaasi, waxaana intaa la raaciyay in ay socdaan baaritaanno ku aadan shilkaasi. Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee magaalada Sanca ma xusin wax warar ah oo ku saabsan duqeymanka diyaaradaha Droniska ee gudaha Sacuudiga. Sacuudiga ayaa hoggaaminaayey isbaheysi ciidan oo tan iyo sanadkii 2015-kii la dagaalamaayey kooxda Xuutiyiinta ee maamula qeybo ka mid ah dalka Yemen Source
-
Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta ah mid qasan kadib markii qaarna la dilay qaarna la gowracay dad guryahooda xalay lagala baxay. Dadkaan Guryahooda lagala baxay ayaa ahaa 3 qof oo midkood ay haweeney aheyd, waxaana xalay guryahooda ku weeraray dabley hubeysan. Seddexdaan qof ayaa qaarkood la gowracay, halka qaar kalana lagu dilay rasaas sida ay xaqiijiyeen dadweynaha ku nool Magaalada Beled Xaawo. Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: 1) – Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo loo yaqaanay Xeybo Ladan oo kamid aheyd Ururada Haweenka ee Maamulka Jubbland ee Beled Xaawo 2) – Xuseen Shariif Cabdulle oo Beled Xaawo ka ahaa Guddoomiye waaxeed 3) – Cabdi Cali Keynaan oo ahaa Madaxdii Waaxda Maaliyadda ee Beled Xaawo. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan Xalay ka dhacay Magaalada Beled Xaawo, waxayna sheegeen inuu qeyb ka yahay dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM. Maamulka Jubbaland weli ma uusan ka hadlin falkaan ka dhacay Magaalada Beled Xaawo oo maamul ahaan hoos tagto Madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xaafiiska Beled Xaawo caasimada@live.com
-
(SLT- Tunisia)-Nabiil Karooy oo ka mid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Tunisia ayaa bilaabay in uu cuntada ka Soomo. Siyaasigaan ayaa dalbanaya in xabsiga laga sii daayo, si uu u coddeeyo doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 15-ka bishan September. Ciidanka amniga Tunisia ayaa saddex toddobaad ka hor xabsiga dhigay milkiilaha Tv-ga Nissma, waxaana loo haystaa lunsiga canshuurta iyo adeegsiga lacagta Madow. Rida Bilhaaji oo ah qareenka Nabiil ayaa tilmaamay in uu bilaabay in cuntada uu ka soomo maalintii Arbacada ee toddobaadkii hore. Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa waxaa ka hadlin ciidanka amniga magaalada Tuunis, iyadoo maalinta axada ah ee bari dalkaasi ay ka dhici doonto doorashada Madaxtinimo. Source