Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The security in and around the ancient port city of Marka has been heightened ahead of Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre visit on Saturday. A special contingent from VIP protection unit has been already deployed to liaise with Somali Police Force and the army to ensure the safety of the delegation. The premier will be accompanied by the leader of Southwest state, Abdiasis Hassan Mohamed Lafta Gareen during the visit. He was hosted in a thanksgiving dinner by the regional leader in Baidoa on Friday evening. Hassan Kheyre visit is part of his tour in the state to assess security and development in the area. During his stay in the city, he is expected to meet local officials, traditional leaders, women, and youth representatives. The chief minister is also scheduled to chat way forward on the integration of local armed forces into the national army. View the full article
  2. At least five people — including a deputy governor and a former minister — were killed and several others wounded in a roadside blast targeting their vehicle in the Middle Shabelle region of Somalia on Sunday, police said. Mahamud Dhuhlow, a police officer in the region, told Anadolu Agency over the phone the incident took place near the town of Bal’ad, located 40 kilometers (24 miles) northeast of Somali capital Mogadishu. Hirshabelle State President Mohamed Abdi Ware confirmed the attack and the deaths of Deputy Governor of Middle Shabelle region Abdullahi Sitawe and former Hirshabelle’s Business Minister Sabriye Osman. Soldiers from Hirshabelle are also among the dead, according to local media. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the attack. View the full article
  3. Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo waxaa Xalay lagu dilay laba Nin , Sida Puntlandi loo sheegay labada Nin ee la dilay waxay u shaqaynayeen Maamulka [...] Source
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HiraShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay qarax miino oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaasi, kaas oo la dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaga Dhexe. Waare ayaa tacsi u diray ahellada ay ka dhinteen mas’uuliyiinta iyo askarta lagu dilay weerarkaasi. ”Inaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ”in labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd.” Qaraxan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan, Xasan Baldoos oo Samafale ahaa iyo saddex askari oo ilaalo u aheyd mas’uuliyiintaasi. Caasimada Online Xaafiiska Jowhar caasimada@live.com
  5. Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo ifbaxay warar sheegaya in guddiga 15-ka ee golaha shacabka uu u saaray turxaan bixinta sharciga doorashada ay ku mashquuleen shaqo aan loo dirsan, oo ay qeyb ka tahay waqti kordhinta hey’adaha hadda jira ee dastuuriga ah. Haddaba, waxaa Goobjoog News la hadlay xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo xubin ka ah guddiga golaha shacabka ee turxaan bixinta sharaciga doorashada isaga oo sheegay in arrinkaasi aan laga hadlin, isla markaana aaney aheyn shaqadooda. “Innaga shaqada naloo diray waa in sharcigii ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha lagu kor shaqeeyo, laga saaro wixii ka hor imaanaya dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, ee kama hadlin muddo kordhin, waajibaadkeenna ma aha”. Xildhibaanka, waxaa uu intaasi raaciyey “ Shaqadeenna waxaa aasaas u ah in aanu muddo kororsi jirin, oo doorasho dhaceyso, marka war suuqeedka wax jiro ma aha”. Dhinaca kale , Xildhibaan Cabdirisaq Cumar waxaa uu sharaxaad ka bixiyey shaqo ka mid ah waxqabadka guddigan, qeybna ka ah sharciga oo doorashada la xiriirta, waana nooca doorashada, oo sharciga lagu qoray iney noqoto matalaadda isku dheeli tiran (proportional representation), liiska xiran. Xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo arrinkaasi ka hadalaya “Waxaan rabaa in aan kugu daro, sharciga naloo dhiibay waa saddex qeyb, (1). Qodobo u baahan in laga saaro wixii sharciga ka hor imaanaya ama iyagaba isburinaya, oo leh sixid iyo wax ku daris, (2). Qeyb labaad oo ah xeer nidaamiyeyaal ay tahay in loo celiyo guddiga doorashada iyo (3). Qeybta ugu dambeysa oo ah Model-ka ama Nooca doorashada, oo sida sharciga ku qoran ah matalaadda isku dheeli tiran (proportional representation), liiska xiran iyo in dalka noqdo hal deegaan doorasho. Qodobka dambe shaqada naloo diray ayey ka mid tahay in aan shacabka, dowlad goboleedyada iyo dhammaan dadka ku shaqada leh weydiino nooca doorasho ee haboon, taladooda aan dhageysanno, isla markaana aan horkeenno golaha. Marka aan ku celiyo kama hadlin waqti kordhin, arrimahaasi iyo awoodda in laga hadlo waxaa ay u baahantahay xal siysaadeed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo dhanka cirka ah laga fuliyey degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolkaasi. Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta koowaad oo ka dhacday Jilib lala bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen saraakiil Ajaaniib ah oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sidoo kalena duqeynta labaad oo ka dhacday Bu’aale lala eegtay goobo kale oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen waxaa duqeymaasi lagu dilay illaa labo sarkaal oo Kenyaan ahaa. Dhanka kale waxaa xalay duqeyn kale diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Somalia. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun lagu tababaray xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qarax xoogan oo saaka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe. Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi oo ahaa miino ay la eegatay gaari nooca raaxada ah oo ay la soceen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Afhayeenka howlgallada Al-Shabaab, Cabdicasiis (Abuu Muscab) oo la hadlay Andalus ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay mas’uuliyiintii bartilmaameedka ahaa, uuna u dhacay sidii loo rabay, sida uu hadalka u dhigay. “Allaah fadligii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu dilay cadowgii bartilmaameedka ahaa” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Abuu Muscab. Ma shaacin afhayeenku khasaaraha iyo magacyada mas’uuliyiinta lagu dilay qaraxaasi. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online waxaa qaraxa ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi. Illaa iyo hadda wax faah faahin kama soo bixin dhanka madaxda dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro jidgal ah iyo qaraxyo ka fulisa waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Taliska ciidanka booliska gobolka Bari iyo ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso ayaa kawada shaqaynaya sugidda ammaanka magaalada. Taliyaha qaybta booliska gobolka Bare gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay ka go’antahay dhexgalka bulshada si ay u ogaadaan dareenkooda una dareensiiyaan inay iyaga u shaqaynayaan. Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, waxa uu caddeeyey in xafiiskiisu uu marwalba u furan yahay ardayda iyo dhammaan shacabka gobolka dadweynahana looga baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaaday sugidda ammaanka. DHEGAYSO Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa soo hagaagayey tan iyo dilkii loogu geystey maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso Paul Formosa. PUNTLANDPOST The post Ciidanka ammaanka iyo ardayda Boosaaso oo kawada shaqaynaya sugidda amniga. appeared first on Puntland Post.
  9. MOGADISHU (HOL) - Several senior officials among them Middle Shabelle deputy governor AbdullahiShitaawe were killed in a landmine blast at Gololey locality near Bal’ad town. Source: Hiiraan Online
  10. Ilaa saddex mas’uul oo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa lagu waramayaa in lagu dilay waddada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad. Dadkan ayaa sida la sheegay u dhintay qarax miino oo la dhigay jidka, taasi oo lala eegtay gaariga ay saarnaayeen, waxaa kale oo jiray waardiyahooda oo khasaare soo gaaray, laakin lama oga tirada dhimashada. Mas’uuliyiinka la xaqiijiyey geeridooda ayaa kala ah: Cabdullahi Saqaawe oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda Shabeelada dhexe, Axmed Sabriye wasiirkii hore ee ganacsiga ee Hirshabelle iyo nin samofale ah oo lagu magacaabo Xasan Baldoos. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wasaarada Amniga ajubbaland ayaa Villa Soomaaliya ku eedeysay weerarkii lagu dhawacmay Axmed Jaamac Qalyar oo kooxo hubeysan ay dhaweceen Shalay. Sargaal u hadlay Jubbaland ayaa [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Waarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo saaka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay gobolka Sh/Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Golole, xilli ay marayeen golonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamulka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi oo ku aadaya, xilli maalmihii dambe amni darri ay ka jirtay waddadaasi. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)- Diyaar garoowga doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa socota iyadoo ilaa hada ay labo musharax ku dhawaaqeen iney u taaganyihiin xilka madaxweynaha Galmudug ee afarta sanno ee soo socota. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ilaa hada isu taagay xilkaas. Labadda nin ayaa loo arkaa in mid uu yahay musharaxa mucaaradka ,midna uu heysto taageeradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Magaalooyinka Galmudug qaarkood ayaa durba u muuqda iney musharax gaar ah taageersanyihiin. Xildhibaanadda labada Aqal ee Dowladda Federaalka ah ku matala Degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa si buuxda u garab istaagay musharax Qoor Qoor. Caasimada Online ayaa la xiriirtay Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo 15kii sanno ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada jaangooya siyaasadda Soomaaliya, kaas oo kasoo jeedda degmada Ceelbuur, waxaana weydiinay waxa sababay in xildhibaanada Ceelbuur ay dhamaantood hal musharax isugu tagaan, wuxuuna ku jawaabay. “Waqti badan ayaan Galmudug galinay, waxaan muddo dheer raadineynay Galmudug isku filan, waad ogtihiin afartii sanno ee lasoo dhaafay sida uu xaalku ahaa, ma jirto hal magaalo oo adeeg bulsho heshay iyo hal magaalo oo laga saaray Al Shabaab, waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaa in la waayay garab istaagii Dowladda Dhexe, madaama uu khilaaf jiray. Xaqiiqdii arrintaas walaac badan ayey nagu abuurtay ayuu yiri Senator Yuusuf Geelle. “Waa la socotaan awoodda Al Shabaab ku lee yihiin Dhuusamareeb ilaa Ceelbuur, Ceelbuur ilaa Galhareeri, Galhareeri ilaa Ceeldheer. Dadkaas mudo dheer ma aaney arag wax nidaam dowladeed ah, waxaa adkaatay in xitaa gar-gaar la gaarsiiyo. Waxaan dhowr jeer Dowladda kala hadalnay in dhulkaas la xoreeyo waana naga aqbashay waxaana la sugaya doorashada madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale waad aragtaan dib u heshiisiinta ka socota Galmudug, rajadda laga qabo dhismaha Dekadda Hobyo iyo ciidamada la isku dhafay ee mushaarka loo bilaabay. Si adeegyadaas loo sii xoojiyo, kuwo cusubna loo bilaabo, waxaa noo muuqata in aaney Galmudug qaadan karin in markale gacanta loo galiyo qof doonaya inuu ka dhigo furin siyaasadeed ,oo Dowladda dhexe laga colaadiyo ama qof aan la aqoon biyo-dhiciisa. “Hadii aan su’aashaada usoo laabto, xildhibaanada Ceelbuur kasoo jeeda waxey rabaan in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan loola shaqeeyo, oo deegaankooda iyo dadkooda wax loo qabto. Waxaa nahay dad Dowladnimada jecel oo aan waligood ka shaqeynin in Qaranka la colaadiyo, sidaa darteed ayaan u go’aansanay inaan si buuxda garab usiino musharaxa ay ka go’antahay inuu Dowladda dhexe la shaqeeyo uuna xoreeyo dhulka maqan ayuu hadalkiisa ku daray Senator Yuusuf Geelle Ugaas. Beelaha Murusade iyo Duduble ayaa 20 xildhibaan kuleh Baarlamaanka Galmudug, waxaana muuqata in siyaasiyiintoodu si buuxda u muujiyeen iney garab taaganyihiin musharax Qoor Qoor, taas oo culeeska ku badin-doonta musharaxa mucaaradka Cabdiraxmaan Odawaa. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dashay qarax miino oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle maanta lagula eegtay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, kuwaas oo ka soo ambabaxay Balcad, kuna sii jeeday Jowar. Mas’uuliyiinta la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhinteen waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Sh/Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaraha uu ka badan yahay intaasi islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale. Weli ma jirto cid faah faahin ka bixisay qaraxaasi, balse waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad loga digayey amni darro baahsan oo ka jirta waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xaafiiska Jowhar caasimada@live.com
  15. Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse aan si dhab loo cadeyn karin. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco radioshabelle.com View the full article
  16. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca dhulka lagu aaso ah oo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle lagula beegsaday duleedka degmada Bal-cad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu watey guddoomiye ku-xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Cabdullaahi Shitaawe. Inta la xaqiijiyey saddex ruux ayaa u geeriyoodey qaraxaasi waxaana kamid ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka. LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA PUNTLANDPOST The post Mas’uuliyiin katirsan Hirshabeelle oo qarax lagula beegsaday duleedka Bal-cad. appeared first on Puntland Post.
  17. Maanta waxaa Kenya Laga bilaabayaa Talaalka Malaariyada oo Guud ahaan Dalkaka dhici doonta, ololaha ayaa wuxuu qayb ka yahay la dagaalanka Cudurka Dilaaga ah ee [...] Source
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, xilli ay marayeem deegaanka Gololey ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, walow aan weli si rasmi ah loo xaqiijiin. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxa uu qabsaday labo gaari oo ay la socdeen g uddoomiye ku xigeenka arrimaha maaliyadda gobolka Shabheelaha dhexe, Cabdullaahi Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale. Xaaladda ayaa haatan kacsan,waxaana goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ee dowladda Soomaaliya. Al-Shababa ayaa inta badan weeraro dhab gal ah ku fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Faah faahinta kala soco:caasimada.net Caasimada Online Xaafiiska Jowhar caasimada@live.com
  19. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaawac xalay magaalada Kismaayo loogu geystay, Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada maamulkaasi, kaas oo lagu weeraray magaaladaasi. Kooxo ku hubeysanaa Bistoolado ayaa toogtay Nabadoonka, xilli uu ku sugnaa qeybo ka mid ah magaaladaasi. Afhayeenka wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladdda Nabadoon Axmed Jaamac. Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-2-cadaani.mp3 View the full article
  20. Byadhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay maalmihii uu joogay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, in uu wax badan ka ogaaday adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku suganyahay, si dhammaan deegaannada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada. Mudane Xasan Cali Khayre oo muda todobaad ah ku sugnaa deegaannada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu ka dhageystay baahiyadooda, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed, isaga oo bixiyay lacago lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta ee Dr. Ayuub iyo Dr. Waaberi ee magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dhaawaca, Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka ee mamaulkaasi, kaas oo xalay lagu weeraray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi. Waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaasi, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Muddooyinkii dambe amniga Kismaayo ayaa ahaa mid degan, iyadoona dilkan uu noqonayaa kii kowaad, tan iyo markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cc.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  22. Beledxaawo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay illaa 3 qof lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay dadkaasi kala baxeen guryahooda, kadibna ay ku dileen duleedka magaaladaasi. Saddexda qof ee la toogtay ayaa mid ka mid ah waxa ay aheyd Haweeney, halka labada kale ay ahaayeen Rag, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay. Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, balse mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa ku eedeeyey dhacdadaasi inay ka dambeeyeen Al-Shabaab. Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha iyo daafaha degmadaasi, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkaasi. Inta badan waxaa gobolka Gedo ka dhaca dilal iyo weeraro ay fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha gobolkaasi. View the full article
  23. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, loogu geystay Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar, oo ahaa guddoomiyahii guddigii sheegay iney badbaadinayaan Jubbaland. Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay dhowr xabad ku dhufteen Qalyar, waxaana soo gaaray dhaawac, iyada oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo. Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in xaaladda Qalyar ay wanaagsan tahay, islamarkaana ay ku raad-joogaan ciddii dhaawiciisa ka dambeysay. Ammaanka Kismaayo ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad loo adkeeyey, maadaama dhowaan ay ka dhacday doorashadii madaxweynaha Jubbaland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-140932019.mp3 View the full article