Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - A Turkish construction worker was injured Wednesday afternoon after his vehicle ran into an IED in the outkirts of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  2. Kismaayo (SMN) – Howlgallo qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose. Ciidamada huwanta oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay, sida la sheegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid, Janaala-Jaay iyo Maleelay. Taliyaha Ciidanka Xoogda dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kale. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. MOGADISHU (HOL) - Two Al-Shabaab militants were killed in an airstrike Monday in Lower Jubba region, the U.S army said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  4. Baydhabo (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee K/Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dagaal kula wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Raaxoole iyo Bandhuub oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa agagaarka degmadaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weerar ku qaaday xisbiyada dalka. Cabdishakuur Cali mire ayaa bartiisa twitter soo dhigay qoraal jawaab u ah war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay xisbiyada ee looga soo horjeedo go’aanadii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu soo geba-gebeeyey Dhuusomareeb. “Xisbi ku sheegyada dalka oo horey u taageeray hanaankii doorashada aan dastuuriga iyo dimoqraadiga ahayn ee Jubaland ayaa hadda cambaareynaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug” ayuu qoraakiisa ku yiri. “Mowqifyadan is-burinaya waxa ay ka tarjumayaan laba wejiile-nimadooda iyo xeeladdooda ku dhisan fursadda un.” Cabdishakuur Cali Mire oo kasoo jeeda gobolka Gedo, si la mid ah madaxweyne Farmaajo, ayaa xukuumadda Nabad iyo Nolol waxay siisay dhowr mashruuc oo ganacsi oo Muqdisho uu ku leeyahay. Doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug ayaa waxaa isku wajihi doona musharaxa Nabad iyo Nolol ee Qoor-Qoor iyo musharaxiin ka socda xisbiyada mucaaradka oo uu ugu cad-cad yahay Cabdiraxmaan Odowaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Injineer u dhashay dalka Turkiga ayaa maanta lagu dhaawacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho. Injineerka Turkiga ayaa ka mid ah Injineero dhisaayay wadada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye, waxaana dhismaha uu maraayay meel ku dhaw Xarunta deegaanka Garasbaaley. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan xillliga qaraxa miinada lala eeganaayay Injineerkaan Turkiga ah uu kormeer ku sameynaayay dhismaha wadada, balse lala helay qarax miino oo Wadada dhinaceeda la galiyay. Dhaawaca soo gaaray Injineerkan Turkiga ayaa waxaa loola soo cararay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Beledweyne (SMN) – Maxkamadda ciidamada qalabka Soomaaliya, gaar ahaan qeybteeda 27-aad ayaa maanta shaqo joojin ku sameysay ku simaha taliyaha Booliska gobolka Hiiraan, Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle iyo sidoo kale taliya salddhigga degmada Beledweyne, Cabdi Cumar Siyaad. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan, Dhame Maxamed Cabdulle Aadan ayaa lagu sheegay in si KMG ah shaqada looga joojiyey taliyeyaashaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay Injineer Turki ah, kaas oo dhismo ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacamy illaa saddex qof oo oo kala ahaa Injineerka iyo labo ka mid ah ilaaladiisa. Ciidamo ka tirsan kwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah agagaarka Jaamacadda Shabelle, waxaana ay howlgallo ka sameeyeen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degam, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-18092019.mp3 View the full article
  10. Kismaayo (Caasimadda Online) – Howlgal ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo is garab sanaya ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose. ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay mid kamid ah Kooxda Al-Shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka. Tan ayaa muujinaysa in uu sii xoogaysanayo howlgalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo muddooyinkii ay wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Dowladda, mana jiro ilaa hadda illo madax banaan oo xaqiijinayo hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday Korea-da Koonfureed inay ka caawiso xoojinta habka difaaca hawada dalkiisa, kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas. Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap oo warkan werisay ayaa sheegtay in Bin Salman iyo mas’uuliyinta Seoul ay isku raacaan inay sii wadan wada-tashiyada la xiriira arrintan. Weeraradii sabtidii lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, hase yeeshee Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tuhmaya iran. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maanta ay baahin doonta caddeymo Tehran la xiriirinaya inay ka dambeysay weeraradas. Hase yeeshee Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii 14-kii September. “Waxay doonayaan in cadaadiska ugu xoogga badan ay saaraan Iran, ayaga oo aflagaadeenaya” waxa asidaas yiri madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda. “Ma dooneyno dagaal…yaa billaabay dagaalada gobolka” ayuu yiri Rouhani oo Washington iyo xulufadeeda ku eedeeyey dagaalka ka socda Yemen. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Iyo Odayaasha Beesha Solo-Madow (Habar-Jeclo) Oo Ka Hadlay Jabhad La Sheegay Inay Ka Dillaacday Qorilugud, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xun tahay weerarkii lagu qaaday goobo Shidaalka laga qodo oo ku yaalla waddanka Sacuudiga. Somaliland ayaa sheegtay in ay barbar taagan tahay dawladda iyo dhacabka Sacuudiga iyadoo weerarkaasi ku tilmaantay mid Argagaxiso. Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidaasi lagu sheegay. Halkan hoose ka akhriso: Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Mubaarik Cabdi Oo Muddo Saddex Sanno Ah Joojiyay Shaqadii Uu Bulshadda U Hayay Iyo Sababta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. The US Africa Command (AFRICOM) said Wednesday that it had conducted an airstrike against the al-Qaeda affiliated al-Shabaab group in southern Somalia, killing two militants. The airstrike took place north of the port city of Kismayo, the capital of Lower Jubba, and they were targeted after the group attacked a Somali patrol, according to AFRICOM. “In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike on Al-Shabaab insurgents after they attacked a Somali patrol northwest of Kismayo, Lower Juba Province, Somalia on Sept. 17. At this time, it is assessed the airstrike killed two (2) militants,” AFRICOM said in a statement posted on Twitter. No civilians were injured or killed as a result of this airstrike, the statement added. Separately, on Tuesday, Somali National Army Commander Gen. Odawa Yusuf Rage said that the army had killed the al-Shabaab “governor” of the central region of Hiran alongside another senior militant. Meanwhile, the Jubaland State of Somalia forces said that it had killed more than 15 al-Shabaab fighters in the Lower Jubba region in an operation on Tuesday. View the full article
  16. The Government of the Federal Republic of Somalia warmly welcomes President Donald J Trump’s acceptance of credentials from Somalia’s new ambassador to Washington H.E Ambassador Ali Sharif Ahmed who presented his credentials at the White House to the president of United States of America and is mandated to build on the strong historical bonds of friendship, strategic cooperation and partnership for progress to advance the mutual benefit of both countries. The people and Government of the Federal Republic of Somalia consider America a strong ally and partner for Somalia’s development and progress. Ambassador Ali Sharif previously served as the Somali Ambassador to Ethiopia and France respectively. He also served as the Permanent Representative of Somalia to the African Union and UNECA. In addition to his public sector experience, Ambassador Ahmed worked as a business executive, entrepreneur, and consultant for firms with global operations. Ambassador Ahmed holds a master’s degree in Geopolitics and Grand Strategy from the University of Sussex and a bachelor’s degree in Peace and Conflict Studies from London Metropolitan University. The Somali government is confident that H.E Ambassador Ali Sharif Ahmed will fulfill his duties to build on our two countries’ historic relations with modern opportunities that benefit both sides. View the full article
  17. Gaarigii lala eegtay qaraxa Waxaa maanta duleedka magaalada Muqdsiho, gaar ahaan aaga Jaamacada Shabeelle ka dhacay qarax khasaaro geystay. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari HILUX ah oo ay saarnaayen injineero Turkish ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la soo warinayaa in uu dhaawacmay mid ka mid ah injineerada Turkiga iyo labo ka mid ah ciidamadii ilaalada ahaa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana la sheegay inay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad lagu qab-qabtay, iyadoo muddo uu hakad galay isku socodka gaadiidka Muqdisho iyon Afgooye, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadshay qaraxaas. In badan wadada isku xirta Muqdsho iyo Afgooye waxaa ka dhacay qaraxyo kuwa dhulka lagu aaso ah oo geysta khsaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho, Afgooye iyo jowhar, waxaa maalgalinaysa dowladda Qadar, waxaana dhismaheeda qaatay shirkad Turkish ah, sanadkii hore ayaana waxaa daahfuray daah-furay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ku dhawaad Toban qof oo ka mid ahaa dadkii laan-goynayay wadadaas lagu dilay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye. Al-shabaab oo maamusha meelo badan oo wadadaasi marti ayaa horey uga digay dhismaheeda. PUNTLAND POST The post Qarax lala eegtay injineero Turkish ah oo dhisa wada Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT- Israel)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo ninka la loolamaya ee Benny Gantz ayaa ku kala adkaan waayey doorashadii guud ee shalay dhacday, taasi oo sare u qaadeysa suurta-galnimada ah in la dhiso dowlad wadaag ah, ama xitaa uu soo geba-geboobo xukunkii muddada dheeraa ee Netanyahu. Warbaahinta Israa’iil ayaa werineysa in in xisbiga garabka-midig ee Netanyahu ee Likud iyo kan Gantza ee Blue and White uu mid walba helay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka, ayada oo 90% la tiriyey codadka. Warbixinadan ayaa soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan guddiga doorashada, hase yeeshee natiijada rasmiga ah weli laguma dhowaaqin. Natiijadan ayaan wax waddo ah oo ay ku dhisaan dowlad siineyn labada xisbi, taasi oo qasab ka dhisey in lasoo dhiso dhowlad wadaag ah. Haddii natiijada ay sidan sii ahaato, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Netanyahu, oo doonayey inuu dhiso dowlad isbaheysi ah oo dhanka midig jirta, lana mid ah tan hadda uu hoggaamiyo, xilli uu wajahayo eedeymo ku saabsan musuq-maasuq. Netanyahu ayaa khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyey ku sheegay inuu soo dhisi doono dowlad “xoogan oo sahnuuniyad ah.” Gantz ayaa isna dhankiisa ku baaqay “dowlad midow ah oo baaxad weyn”, balse waxa uu sheegay inuu sugayo natiijada rasmiga ah. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay heerka ay qabyaaladu ka marayso Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Madaxweynaha Puntland oo horkacaya Wafdi Ganacsato ah ayaa wuxuu iminka ka khudbaynayaa Dekada Garacad ee dhismeheesu socdo. Madaxweyne Deni ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay [...] Source
  21. MOGADISHU (HOL)- Somali Ministry of Labour has unveiled the country’s social protection policy aimed at protecting the welfare of vulnerable sections of the society. Source: Hiiraan Online
  22. Wafdi balaaran ayaa wuxuu kusigan yahay Magaalada Garacad, Madaxweyne Deni ayaa hogaaminaya Wafdiga, waxaana kamid ah Maalgashadaay Ajnabi iyo Soomaali ah oo ay ka go’antahay [...] Source
  23. Dhamaan Maalgashadayaalkii ka qayb galay shirkii Maalgashiga Puntland oo uu hogaaminaya Madaxweyne Deni ayaa waxay gaareen Magaalada Garacad oo uu ka socdo Dhismaha Dekada weyn [...] Source