Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. African Development Bank, Government Pension Investment Fund, partner for green, social and sustainability bond markets Abidjan, 11 October 2019 – The African Development Bank and Japan’s Government Pension Investment Fund (GPIF) have signed a partnership to promote environmental, social and governance investments in the global capital markets. The collaboration between the Bank and GPIF will focus on channeling investments towards inclusive and sustainable growth in Africa, contributing to the achievement of the Sustainable Development Goals. The agreement was signed 30th September 2019. Through this partnership, the Bank’s green and social bonds will provide unique investment opportunities to GPIF’s asset managers to finance climate mitigation and adaptation projects in Africa, as well as projects leading to poverty reduction, job creation, and inclusive growth across age, gender and geography, improving the quality of life of Africans. “I am delighted that the world’s largest pension fund for the promotion of sustainable investment, is partnering with the African Development Bank. This landmark strategic partnership will help to catalyze investment capital, create more sustainable investments and support the African Development Bank to achieve its High 5 priorities to fast-track Africa’s development,” said African Development Bank President Akinwumi Adesina. The Bank has established a green bond framework and a social bond framework, with the goal of supporting commitments towards climate finance and socio-economic development. These frameworks showcase the African Development Bank’s concrete actions on the continent, and are aligned to the International Capital Market Association’s green and social bond principles. “Further advancing the sustainable and inclusive development of Africa will lead to the sustainability of the whole world. GPIF is delighted to collaborate with the African Development Bank on this partnership and support their needs and journey going forward,” GPIF’s Executive MD and CIO, said. Describing GPIF as “an exceptional investor, whose commitment to developing the SRI market is truly aligned with the Bank’s mission,” Hassatou Diop N’Sele, Bank Treasurer also signaled her satisfaction with the agreement. “Changing people’s lives is at the core of the Bank’s work and with GPIF we will be investing in Africa’s future,” she said. The Bank’s ten-year strategy for 2013-2022 targets the promotion of inclusive growth in Africa and the support of regional countries’ transition to “green growth”. Through its operational priorities – the High 5s – the Bank offers a compelling opportunity to accelerate the continent’s transformation. GPIF is Japan’s largest public fund investor and the largest pool of retirement savings in the world. Qaran News
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Kismaayo kuna biiray mas’uuliyiintii horey halkaasi u joogay. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka Cabdulqaadir Cosoble, iyo tobaneeyo xildhibaanno ah oo uu ka mid yaahay xildhibaan Mahad Salaad. Mahad Salaad ayaa inta uusan Muqdisho ka bixin sheegay inay ceyb tahay in madaxweynihii dalka uu ku maqan yahay beer laga furay Itoobiya, xilli aayaha dalka tashanayo. “Iyadoo mas’uuliyiintii Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed maanta ay ku tashanaan Kismaayo in Madaxweynaheenii qaranka isku boojeeyo furitaanka beer lagu nasto ee dalka kale waa nasiib daro aad u wayn!” ayuu yiri Mahad Salaad. “Sida ku cad qodobka 87aad ee dastuurka KMG Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa astaanta midnimada qaranka; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka. Maantana isagii ayaa lagu baryayaa waan ku ogolnahay ee kaalay dalka iyo dadka isku wad duqiyow! Madaxweynaha waxaan leenahay dalka iyo dadka u tur fadlan!” ayuu yiri Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Wali waxaa Kismaayo kusoo qulqulaya Wafuud farabadan, Waxaa Galabta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Wafdi balaaran oo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka kooban. Wafdiga [...] Source
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. “Wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale. Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah. Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay. Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xigasho: BBC Somali
  5. Muqdisho (SMN) – Maalmo qura ayaa ka harsan sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay musiibadii dadka badan ay ku dhinteen ee Soobe. Dowladda Soomaaliya ayaa tirakoobtay geerida in ka badan 600, iyo dhaawaca ku dhowaad kun ruux, kuwaasi oo badankooda ah shacab. Marka laga soo tago dhimashadda iyo dhaawaca, waxaa jira sheekooyin muhiim ay tahay la xuso kadib dhacdadaas oo lagu eedeeyay Al-Shabaab. Warbaahinta Shabelle oo mudooyinkii dambe baahineysay warbixino ku aadan weerarkaas, waxay booqtay qoys hooyadood ku waayey qaraxaas. Halkaan hoose ka dhageyso qisadooda https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DAQ.mp3 View the full article
  6. Kenya’s Ambassador to Somalia Lucas Tumbo was on Thursday summoned by Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and handed a protest note. The move came after an alleged violation of a Kenyan plane on Somali airspace on Saturday when it landed at Kismayo Airport without any official permission. Somali’s Minister Abdulkadir Ahmed-their Abdi, who handed him the protest letter, said Somalia strongly protests the violation and will not accept any encroachment on its air, sea and land borders. He said Kenya must respond to the breach because its troops stationed in the Lower Juba region are part of the African Union Mission in Somalia (Amisom). “The Federal Government of Somalia sees this action contradicts all principles of good neighborliness and non-interference in the internal affairs of states,” the minister said. But sources at Kenya’s Ministry of Foreign Affairs said the letter is in bad faith because the plane was not Kenyan. “That was a private jet, and even if you look at those on board, they were of Somali origin, so how it turns out to be a Kenyan affair is not clear,” the source said. The source said the jet was cleared from JKIA and destined at Kismayo. In July this year, Ambassador Tumbo was also summoned over what Somalia termed an offensive tweet by Principal Secretary Macharia Kamau. Somalia then said it considered the tweet “an affront to Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya”. Last month, Somalia ordered all aircraft originating from Kenya to land in Mogadishu. The directive indicated that Mogadishu would vet all goods and people entering the country. “International and local flights from and to Kismayu must route via Mogadishu,” the government’s aviation bulletin said. Previously, the aircraft were allowed to land in Kismayu, Mogadishu and Garbaharey airports on top of tens of airstrips across the country. “They are technically punishing the traders who travel to Kismayu, the economic hub of Somalia. Since, if you live Nairobi you have to go through Mogadishu to access Kismayu. From Kismayu, you will have to travel to Mogadishu, Wajir and then back to Nairobi,” a Somali businessman told the Star. View the full article
  7. Gaalkacyo (SMN) – Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay yeesheen kulamo looga hadlayo ammaanka. Kulamada oo ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa diiradda lagu saarey howlgaladii u dambeeyay iyo sidii loo dardargelin lahaa. Saraakiisha ayaa bogaadiyey howlgaladda ciidamadda oo ay sheegeen in ay noqdeen kuwa laga soo hooyey guulal wax ku ool ah. Gaalkacyo, oo ah caasimadda gobolka Mudug, ayaa wxaa kawada arrimiya dowlad goboleedyadda Galmudug iyo Puntland. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Kulamo.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaa u yeertay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October,2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya Soomaaliya si xooggan ayay uga cabaneysaa xad-gudubkaas, marnana ma oggolaaneyso in lagu xadgudbyo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxa ayna ugu baaqeysaa in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u geysatay hawada Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka hor imaanaya mabaadi’da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee dowladaha. View the full article
  9. Buulaburde (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay madaafiic ku weerareen saldhig ciidamada Jabuuti ee Buulaburde. War qoraal ah oo Shabaab kasoo baxay ayaa lagu tilmaamay in ay khasaaro kasoo gaartay askarta ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan weerarkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidanka AMISOM iyo midka Soomaaliya. Maamulka degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo dhacdadan. Geesta kale, Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay dadka degaanka mamnuucday in ay ka akdhowaadaan ciidanka ayna la sameeyaan gaancsi. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway ayaa maanta shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu sanadkan ku guuleystay billada nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday Abiy Ahmed ayaa billadan lagu siiyey dadaalladii uu u galay inuu xaliyo dagaalkii qaraaraa ee dhinaca xuduudda ee dalkiisa kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea. Abiy waxaa lagu sharfay “dadaalladii uu ugu guuleystay nabadda iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, si gaar ahna hindisihiisii wax ku oolka ahaa ee uu ku xaliyey dagaalkii xuduudda ee kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea” sida ay sheegtay xeer-beegtida Nobel. Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri “aad ayaan ugu farxasannahay dal ahaan inaan ku guuleysanno billada Nobel Peace Prize.” Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii April ee 2018, Abiy oo 43 jir ah, waxa uu si aan joogsi lahayn u qaatay siyaasado beddeli kara mustaqbalka bulshad dalkiisa. Isaga oo lix bil un xukunka haya, ayuu la heshiiyey Eritrea, xabsiga kasii daayey mucaaradka, raali gelin ka bixiyey xadgudubyadii dowladda, islamarkaana dalka kusoo dhoweeyey kooxihii dibad-joogga ahaa ee madaxdii ka horreysay ay ku calaameeyeen “argagixisada.” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaleeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku guuleystay abaal-marinta Nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway. Qoraal hambalyo ah oo uu Madaxweyne Farmaajo soo hdigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in guushaan ay timid, kadib markii uu ku guuleystay iskaashiga wadamada Gobolka. “Waxaan si daacad ah ugu hambalyeynayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ku guuleysashadiisa billada Nobel ee sanadkan. Waa uu qulmaa guusha, waxaana ku raaxeystay inaan kala shaqeeyey xoojinta iskaashiga gobolka.” Ayuu yiri Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Boosaaso (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa qaybo kamid ah gobolka Barri waxay ka sameeyeen howlgalo Miino baaris ah. Howlgaladda ayaa waxaa si gaar ah ay uga dhaceen inta u dhaxeysa degaanadda Balikhadar iyo buuraha Galgala ee gobolkaas. Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay halkaas ku aaseen Miinooyinka kadib markii laga saarey. Gobolka Barri ayaa waxaa fariisimo iyo saldhigyo kuwada leh dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo lagu xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee wadamada gobolka waxa uu kaga qeybgalay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Farmaajo, ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal. Mudane; Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo ah mid ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. “Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya Dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda , Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-11102019.mp3 View the full article
  14. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa la siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda ee Nobel oo la bixiyay maanta oo Jimce ah. Abiy ayaa ku helay abaalmarintan shaqadii uu ka qabtay dib u bilaabashada wada hadalladii nabadeed ee uu la galay dalka deriska la ah dalkiisa ee Ereteriya, taasoo soo afjaray ismaandhaaf dheer oo ka dhexeeyey labada waddan. Mr, Abiy, oo 43 jir ah, ayaa jebiyay labaatan sano oo colaad qabow ah oo u dhaxeysay waddankiisa oo ah waddanka labaad ee Afrika ugu dadka badan, iyo Ereteriya oo ah deriskeeda go’doonsan. Mac-hadka Nobel ee Noorway ayaa bogaadiyay isbedelada muhiimka ah ee hogaamiyaha Itoobiya uu sameeyay tan iyo bishii Abriil 2018. Abiy, waxaa lagu ammaanay sii daynta tobanaan kun oo maxaabiis ah, in uu soo dhoweeyay oo uu xayiraada ka qaaday kooxihii mucaaradka, in uu qiray xadgudubyadii hore ee dalkiisa ka dhacay, in dadku si xor ah ra’yigooda ugu muujiyeen warbaahinta bulshada, in uu ku dhawaaqay in Itoobiya ay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah sanadka 2020. Waxaa kaloo lagu ammaanay in golihiisa xukuumada uu ka dhigay in ragga iyo haweenku isku dheeli tiran yihiin. PUNTLAND POST The post Abiy Ahmed oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda appeared first on Puntland Post.
  15. Hambalyada degdegta ah ee madaxweyne Farmaajo Guusha Abiy Ahmed ee adduunku ku qiimeeyey hawshii uu dalkiisa ka qabtey sow ma noqon karto mid uu isku [...] Source
  16. Tehran (Caasimada Online) – Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudi Carabiya oo ku saabsan qaraxa lagu warramay. Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyey laba ka mid ah qolalka wax lagu keydiyo ee Markabkan aan magaciisa la sheegay, islamarkaana uu sababay in saliid ku daadato Badda Cas. Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA oo soo xiganeysa shirkadda National Iranian Tanker ayaa markabka la weeraray magaciisa ku sheegtay Sabity. Markabkan ayaa markii ugu dambeysay shitay aaladda lagu ogaada halka uu ku sugan yahay bishii August, isaga oo ku sugan meel u dhow dekedda Bandar Abbas ee Iran. Warbaahinta Iran ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow xeebta magaalada Jeddah ee Badda Cas. Lt. Pete Pagano, oo ah afhayeenka Markabka shanaad ee ciidamada Badda Mareykanka ee qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay inay ka warhayaan warbixinno ku saabsan dhacdadan, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faah-faahin intaas dheer. Qaraxan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka ay bilihii tagay Iran ku eedeeyeen inay maraakiib saliidda qaada ku weerareen meel u dhow Marinka Hormuz, eedeymahaasi oo Iran ay beenisay. Qaraxan cusub ayaa sare usii qaadi kara xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka, sanad kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aan uu kaligiis qaatay uga baxay heshiiska Nukliyeerka Iran, dibna usoo rogay cunaqabateennadii laga qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah. AP + VOA
  17. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa xalay soo gaadhay magaalada London ee xarunta dalka Ingriiska. Wasiirka waxa madaarka heathrow airport- ku qaabishay wakiilka Somaliland ee UK- marwo Ayaan Cashuur, wasiirka oo la dajiyay mid ka mid ah Hotelada London- waxa uu la kulmi doonaa jaaliyada reer Somaliland, isaga oo magaalada London joogi doona ayaamo kooban, waxana lagu wadaa in wasiirku uu dhowr cisho hawlo shaqo ugu back dalka Jarmalka halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland. Qaran News
  18. Iyadoo ay Dowlada Federaalku ay shalay waraaq dacwo iyo hanjabaad ah ay u gudbisay Safaarada Kenya ay Muqdisho ku leedahay ayaa hadana Waxaa Kismaayo kusoo [...] Source
  19. Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa ku guulaystay in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala Miinooyin ay ku aaseen halkaas kooxda Al Shabaab. Miinooyinkaas ayaa saraakiisha PSF waxay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada Puntland ee saldhigyada difaac ku leh aaggaas. Ciidanka PSF wxay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Alshabab ayaa horey ciidamo iyo saraakiil katirsan ciidanka difaaca Puntland ku dilay kuna dhaawaceen Miinooyin ay ku qariyeen waddooyinka ciidamadu adeegsadaan. PUNTLAND POST The post Ciidanka amniga Puntland oo fashiliyay Miinooyin lagu aasay Galgala iyo Balikhadar appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xilligaan xaaalada dalka ay qabaan walaac farabadan,sidaas daraadeedna caleema saar kaliya aysan u tegin Magaalada kismaayo. Waxaa uu sheegay inay yeelanayaan wadatashiyo kala duwan,kadib walwal badan ay ka qabaan sida ay wax u socdaan,hayeeshee ay hadda ku baraarugeen,isla markaana aysan aqbaleyn in sharciga laga tago. “Runtii aniga waxaa leygu tirinayay dadka aad dowladda ugu dhow oo dadka dhaha hala daayo,maantana xaalada waad la socotiin,30 sano kadib naloo celiyo nidaam kali talis ah oo aan ogoleyn sharci iyo soomaalinimo,balse waxaa Alle mahadiis ah in aan ku wada baraarug sanahay u wada joogno taladeeda wada leenahay waana jecel nahay dowladnimada ayuu yiri”Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan,waxana uu xusay in sacabka beenta ah iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aysan waxba soo kordhineyn. “Dastuurkii hore loogu dhaqmayay in la iska laalo oo aan lagu shaqeyn waxaan u aragnaa inay tahay arrin Qatar ah oo aan la aqbalayn indhahana laga qarsan karin.”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo hadda hogaamiya xisbiga Himilo Qaran. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada joogaan sharci iyo dastuur ayna wanagsan tahay in lagu wada dhaqmo,isla markaana aysan dooneyn in dowladnimada ay u dunto in sharciga lagu dhaqmi waayo. Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday Sheekh Shariif,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan xilka ku heysan laakin ay doonayaan inay dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah o aysan noqon mid dad gar ah ay sameystaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxana uu taageeray war ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ah in Kismaayo aan loo joogin oo kaliya caleema saar balse wadatashi uu yahay. Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikh Shariif Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal. Mudane Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo sida uu sheegay ah ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale wuxuu soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda , Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Beerta midnimada ee hoggaamiyeyaasha dalalka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku tilmaamay go’aan dowladnimo tallaabadii Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dowladda, si ay cadaaladda u tiigsadaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbeook ayuu kaga hadlay sareynta sharciga iyo in haddii la dhaqan geliyo shuruucda dalka in la gaari karo kala dambeyn iyo sharci ku dhisan cadaalad bulsho oo la isku haleyn karo. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Abshir Bukhaari. SAREYNTA SHARCIGA Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc hadii sida ay yihiin loo dhaqangeliyo la gaari karo kala-dambayn sharci ku dhisan & cadaalad bulsho oo la isku halayn karo. Sida ay taariikhdu diiwaan gelisay waayihii dawladihii rayidka ahaa keliya ayaan qofna ka sareyn sharciga. Runtii waxaa dawladnimo ah go’aanka Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dawladda si ay caddaaladda ula tiigsadaan go’aankii Dawladdu ugu diiday madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmad in uu duulimaad ku tago Magaalada Kismaayo, caasimadda KMG ah ee Jubaland. Sida uu qabo Qod.10aad (4) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, dacwadda uu xisbigu ka gudbiyay Dawladda waxay ka mid tahay dacwadaha maamulka. Dhammaan cabashooyinka ku saabsan go’aannada maamul ee Dowladda waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda Sare ee Dalka. Go’aankan wuxuu si cad u muujinayaa biseylka siyaasadeed, dhaqanka dowladnimo iyo u-hoggaasanaanta sharciga oo ah rajo cusub oo ka muuqata habdhaqanka SIYAASIGA #Soomaaliyeed EE AAN XILKA HAYN. Go’aankan wuxuu ka mudan yahay saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya ku dayasho iyo in isha lagu wada hayo sida ay laanta garsoorku u maareyso dacwadan oo ku ah tijaabo culus oo cadeyn doonta sida & heerka lagu kalsoonaan karo. Sida waafaqsan Qod.1aad (2), Qod.4aad (1), Qod.11aad (1), iyo Qod.33aad ee #Dastuurka KMG ah SHARCIGA ayaa haga Dadka & Dowlada. Garsoorku waxa uu ka madaxbannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxa ay u hogaansamayaan oo keliya Sharciga sida ku cad Qod.106aad(1) ee Dastuurka KMG. Dawladnimo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com