-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii hoe ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag ugu hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo siyaasadda. Wuxuu sheegay in umadda Soomaaliyeeed kalsoonidiii dhexdooda taalay ay dhaawacantay, Al-shabaabna ay intii waagii hore ka xoogan yihiin, sidaas darteed ay adag tahay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah. Madaxweyne Shariif ayaa tilmaamay in xukuumadda hadda jirta ay ku guuldareysatay in ay xaliso dhibaatooyinka amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira dalka, taas oo keentay in ay sii xumaadaan xiisadaha qabaa’ilka iyo dagaalada. Wuxuu sheegay in wax ka baddelka dastuurka uu khatar ku yahay xasilloonida iyo midnimada qaranka, uuna keeni karo isku dhacyo iyo khilaaf hor leh. Wuxuu ugu baaqay dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee siyaasadda in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa midnimo iyo wadajir, taas oo ah xalka kaliya ee lagu gaari karo horumar iyo nabad waarta. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif oo dhaliil xoogan u jeediyay dowladda uu hoggaamiye Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Paris ee caasimadda dalka France ayaa waxaa si rasmi uga furmay, ciyaaraha Olimbikada Adduunka ee sannadkan 2024-ka, xafladda furitaanka Olombikada ayaa dalka martida loo yahay u soo bandhigaysa fursad uu adduunka kaga yaabiyo bandhig cajiib ah xilli roobab ay ka curteen Paris. Ciyaarahan ayaa ah meerto afarti sanabada mar dhacda, furitaanka xafladda waxaa aad u hadheeyey roobab ka da’ay magaalada iyo weliba weeraro xidhiidh ah oo lala beegsaday khadadka tareenada ee magaalada Paris, dowladda ayaa weerarrada ku tilmaamtay carqaladeyn loo geysanayo Olombikiska. Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan waxyaabaha ka dambeeyay weerarradii dhacay qadadka ay isticmaalaan Tareennada, waxaana loogu baaqay in feeljignaan dheeri ay ay galaan laamaha amniga, iyadoo laga cabsi qabo weerarro horo o dhici kara inta ay socoto ciyaarta Olombikada Adduunka 2024. Kooxda kubbadda cagta maamulka Israa’iil ayaa lagu arkay xafladda furitaanka, taas oo keentay in aad loogu dhaleeceeyo qabanqaabiyeyaasha iyo hey’adda ciyaaraha maamusha inaan laga ganaaxin xilli la ogyahay waxa ka socda Gaza oo ay ku dhinteen 39,000 oo qof aan waxba galabsan oo shacab ah. Dadka dalbanaya mamnuucista ayaa sheegaya in Israa’iil, oo Koonfur Afrika ay ku eedeysay xasuuqa ay ka geysatay Gaza maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, ay tahay inay wajahdo cawaaqibka ka dhalan kara falkeeda, waxaana loogu baaqay in gabi ahaan laga saaro ciyaaraha caalamiga ee dhacaya. Magaalada Paric ayaa shumaceeda kasii shidnaan doonaa ciyaarta Olombikada adduunka ilaa bisha soo aadan ee August, waxaana jira cabsida ah in magaalada ay ka dhici karaan weerarro dheeraad ah oo lamida kuwii xafladda furitaanka ah, waxaana inta badan heegan la galiyay ciidanka keydka France. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay markab alaab ku rogay Dekeda Berbera, oo ay weerar u gayasteen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyay Idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay markabka ku weerareen meel ka baxsan biyaha Somaliland. “Markabkaasi waxa uu ku gooshaayay calanka dowlada Singabuur, markii la weeraray kumuu jirin mas’uuliyad badeedka Somaliland, xadkeena kuma jirin, marinka Baab Al Mandab ayuu marayay, markaa kadib ayuu usoo laabtay isaga oo dhaawacan” ayuu yidhi Wasiir Kaahin. Markabkan oo dhawaan ay Xuutiyiintu u gaysteen burbur ayaa la sheegay in uu ka shiraacday Dekeda Berbera oo uu alaab ku rogay, kadibna muddo kadib ayuu Berbera dib ugu soo noqday kadib markii la weeraray. Hadaba, warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in markabku uu u rarnaa dalka Itoobiya, oo uu u siday shixnad alaab ah, inkasta oo anay xukuumada Somaliland caddayn cida uu alaabta u siday. Weerarada Xuutiyiintu ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee isticmaala biyaha Badda Cas ayaa kordhay bilihii lasoo dhaafay, iyada oo ay Somaliland caalamka ugu baaqday in layska kaashado ilaalinta ganacsiga Badda Cas. Source
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga. Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda. Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la tartanto musharraxa Jamhuuriga Donald Trump. “Waxaan u wacay in aan ku dhaho, aniga iyo Michelle ma jirto wax nooga farxad badan in aan ku taageerno oo aan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan kaaga caawino doorashadan oo aad u gasho Xafiiska Oval,” madaxwaynihii hore ayaa sidaas u sheegay Harris, oo muuqaal lagu muujiyey iyada oo qabaneysa taleefonka. Michelle Obama ayaa iyana tiri “Kuma soo wici laheyn aniga aan ku dhaheyn, gabadheyda Kamala, aad ayaan kuugu faanaa.” “Tani waxay noqon doontaa taariikh,” ayey ku dartay. Harris, oo aqoon u laheyd labada Obama ka hor tan iyo doorashadoodii 2008, ayaa uga mahad celisay saaxiibtinimadooda, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay “halkaas gaarto, oo ay waddada hayso” ayna kala qeyb galaan saddex bil oo olole doorasho ah, ka hor 5-ta November. Sida ay shaacisay wakaaladda wararka AP, Harris ayaa horey u xaqiijisay taageerada ergo ku filan kahor Shirweyaha Qaran ee Dimoqraadiga oo 19-ka August ka dhacaya Chicago. Guddiga Qaran ee Dimoqraadiga ayaa qaban doonaa codeyn hab fogaan arag ah taasi oo la filayo in ka hor 7-da August ay xaqiijiso in Harris ay noqoto musharraxa rasmiga ah ee xisbiga. Source
-
Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq. Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee kasoo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda Soomaaliya. Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan eedeymaha uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana Itoobiya sodon sano iyo dheeraad ay si hagar la’an ah ugu howlaneyd ka shaqaynta xasiloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya. Warsaxafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa lagu yidhi “Itoobiya aad ayay uga xun tahay hadalada ah kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyad darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, si ay mugdi u galiyaan doorka togan ee dowladda Itoobiya ku leedahay dowladnimada Soomaaliya” Source
-
Ra’iisul wasaaraha maamulka Israa’iil ayaa todobadkii ina dhaafay booqday dalka Mareykanka, ayadoo ay warbaahintu warinayso inuu taageero dheeraad ah u raadinayo dagaalka ay ciidamadiisu bishii 10-aad ka wadaan Qasa oo u muuqda aysan guul la taaban karo gaarin markii laga soo tago gumaadka dadweynaha reer Falastiin. Safarkiisa oo hadal-hayn xooggan dhaliyay ayaa ku soo aaday xilli kala qeybsanaan baaxad leh iyo ismaan-dhaaf dagaalka Qasa ka dhashay ay ka aloosanyihiin gudaha Israa’iil, islamarkaana hoggaanka militariga iyo xukuumadda tell Aviv ay isku khilaafsanyihiin ujeedada dagaalka lagu hoobtay, balse aan weli natiijo wax ku ool ah laga hayn. Socdaalkiisa ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli uu ololaha doorashada soo socata ee Maraykanku ay billaabatay, islamarkaana madaxweyne Joe Biden uu dhowaan ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka oo aanu hadda murashax ahayn, asagoo sheegay inuu u tanaasulay danta dalkiisa. Netanyahu oo wada hadallo gaar gaar ah la yeeshay madaxda ugu sarraysa dalka Mareykanka, wuxuuna khodbad ka jeediyay Aqalka Congress-ka, sidoo kalena wuxuu kulan la yeeshay Donald Trump oo kamida musharraxiinta ugu cadcad doorashada soo socata, taas oo ay fallanqeeyaashu ku tilmaameen in Israa’iil ay doonayso inay ka sii ag dhawaato shakhsiyaadka laga yaabo inay madaxweyne Biden badali doonaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Netanyahu uu doonayo inuu Mareykanka iyo dhexdhaxaadiyaasha kale kala hadlo in dib loo billaabo wada hadalladii kala dhexeeyay xamaas si laysku dhaafsado maxaabiista labada dhinac ay kala haystaan, balse maamulkiisu weli wuxuu car car xoog leh u qabaa sii wadidda dagaalka aan hadafka sugan lahayn ee marinka Qasa. Xeeldheereyaasha ayaa shaki ka muujinaya ka go’naasha Israa’iil ee wada hadal mira-dhal ah, xilli ay ciidamadeedu si aan loo meel dayin u duqeynayaan goobaha barakacayaashu ay gabbaadsanayaan, islamarkaana ay tirada dhimashada dadka reer Qasa 40 ku dhowdahay. Source: goobjoog.com
-
Attacks, arrests and restrictions on journalists including over coverage of youth demonstrations is causing concern among Kenyan media. Journalists are taking to the streets to protest. Juma Majanga covered the protests and filed this report from Nairobi, Kenya. Camera: Amos Wangwa Source: Hiiraan Online
-
Doha: The final statement of the Somali Diaspora Conference hosted by Doha, on harnessing the capabilities of Somalis in diaspora for the prosperity and revival of Somalia, called for reinforcing bilateral relationship between the State of Qatar and the Federal Republic of Somalia, to serve interests of the two countries and the region. Source: Hiiraan Online
-
Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo macallin ka ahaa dugsiga hoose iyo dhexe ee tuulada Seemade ayaa shalay lagu dilay deegaankaas oo hoostaga degmada Jariiban ee gobalka Mudug. Nin ku hubeysnaa qori AK47 ah ayaa la soo wariyay in uu dilay marxuumka, xilli uu isu diyaariyay inuu khudbada jamcaha ka jeediyo masjid ku yaalla deegaankaas, iyadoo uu baxsday ninka dilka gaystay oo aan weli gacanta lagu hayn. Meydka marxuumka ayaa xalay la keenay magaalada Gaalkacyo, iyadoo sida la sheegay ehelada marxuumka oo reer Awdal ah ay codsadeen in tallaagad lagu hayo inta ay ka imanayaan. Laamaha ammaanka gobolka Mudug iyo wasaarada waxbarashada Puntland ayaa weli ka hadlin falkan foosha xun ee lagu dilay macallin Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo markii hore gobolka Awdal uga yimid si uu wax u baro dhallaanka deegaanka Seemade. PUNTLAND POST The post Macallin lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Jariiban ee gobalka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa caawa shaaciyay liiska xildhibaanada ku soo baxay golayaasha deegaanka saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, kuwaas oo doorashoodu dhacday 23 July 2024. PINTLAND POST The post Liiska xildhibaanada golayaasha deegaanka degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan appeared first on Puntland Post.
-
David Lammy is being pushed to urgently review Britain’s foreign policy towards a potential key ally in the Red Sea conflict with the Houthis and officially recognise Somaliland. The former UK protectorate on the Horn of Africa has functioned as an independent state since 1991 after breaking away from Somalia following a civil war but has not received official recognition by the international community. The two countries had unified within days of the UK giving Somaliland independence in 1960 but broke up again after a civil war The renewed calls came this week after Labour run Liverpool City Council unanimously backed a motion recognising Somaliland in what has been hailed as a significant move in the country’s relations with the rest of the world. Foreign secretary David Lammy is being encouraged to review UK policy towards Somaliland (PA) (PA Wire) Liverpool’s Lord Mayor Richard Kemp announced: “Liverpool council unanimously agreed a motion calling upon HMG to recognise the former British Protectorate of Somaliland as an independent Country free from Somalia. The Somaliland Representative to the UK and local Somaliland residents were delighted.” Somaliland’s disapora office Tweeted: “We deeply appreciate Liverpool City Council’s July 24th, 2024 motion re-recognizing Somaliland’s independence. This milestone is a testament to the tireless efforts of the Somaliland community in Liverpool, the UK Mission, and advocates worldwide. We congratulate all involved! SIGN UP I would like to be emailed about offers, events and updates from The Independent. Read our privacy policy David Lammy is being pushed to urgently review Britain’s foreign policy towards a potential key ally in the Red Sea conflict with the Houthis and officially recognise Somaliland. The former UK protectorate on the Horn of Africa has functioned as an independent state since 1991 after breaking away from Somalia following a civil war but has not received official recognition by the international community. The two countries had unified within days of the UK giving Somaliland independence in 1960 but broke up again after a civil war. The renewed calls came this week after Labour run Liverpool City Council unanimously backed a motion recognising Somaliland in what has been hailed as a significant move in the country’s relations with the rest of the world. Foreign secretary David Lammy is being encouraged to review UK policy towards Somaliland (PA) (PA Wire) Liverpool’s Lord Mayor Richard Kemp announced: “Liverpool council unanimously agreed a motion calling upon HMG to recognise the former British Protectorate of Somaliland as an independent Country free from Somalia. The Somaliland Representative to the UK and local Somaliland residents were delighted.” Somaliland’s disapora office Tweeted: “We deeply appreciate Liverpool City Council’s July 24th, 2024 motion re-recognizing Somaliland’s independence. This milestone is a testament to the tireless efforts of the Somaliland community in Liverpool, the UK Mission, and advocates worldwide. We congratulate all involved!” Pressure was mounting on the previous Tory UK government and Joe Biden’s administration in the US to change their position on Somaliland which is seen as a functioning democracy in a troubled part of the world. The leading advocate for the unrecognised state in the UK has been Tory former defence secretary Sir Gavin Williamson who praised Liverpool’s decision and urged the foreign secretary to take note. Former defence secretary Sir Gavin Williamson (Jordan Pettitt/PA) (PA Wire) He told The Independent: “This is an important symbolic step and I hope the Foreign Secretary listens to the growing cross party voices on this matter and acts to move UK policy to recognise Somaliland so recognising the reality on the ground.” SIGN UP I would like to be emailed about offers, events and updates from The Independent. Read our privacy policy David Lammy is being pushed to urgently review Britain’s foreign policy towards a potential key ally in the Red Sea conflict with the Houthis and officially recognise Somaliland. The former UK protectorate on the Horn of Africa has functioned as an independent state since 1991 after breaking away from Somalia following a civil war but has not received official recognition by the international community. The two countries had unified within days of the UK giving Somaliland independence in 1960 but broke up again after a civil war. The renewed calls came this week after Labour run Liverpool City Council unanimously backed a motion recognising Somaliland in what has been hailed as a significant move in the country’s relations with the rest of the world. Foreign secretary David Lammy is being encouraged to review UK policy towards Somaliland (PA) (PA Wire) Liverpool’s Lord Mayor Richard Kemp announced: “Liverpool council unanimously agreed a motion calling upon HMG to recognise the former British Protectorate of Somaliland as an independent Country free from Somalia. The Somaliland Representative to the UK and local Somaliland residents were delighted.” Somaliland’s disapora office Tweeted: “We deeply appreciate Liverpool City Council’s July 24th, 2024 motion re-recognizing Somaliland’s independence. This milestone is a testament to the tireless efforts of the Somaliland community in Liverpool, the UK Mission, and advocates worldwide. We congratulate all involved!” Pressure was mounting on the previous Tory UK government and Joe Biden’s administration in the US to change their position on Somaliland which is seen as a functioning democracy in a troubled part of the world. The leading advocate for the unrecognised state in the UK has been Tory former defence secretary Sir Gavin Williamson who praised Liverpool’s decision and urged the foreign secretary to take note. Former defence secretary Sir Gavin Williamson (Jordan Pettitt/PA) (PA Wire) He told The Independent: “This is an important symbolic step and I hope the Foreign Secretary listens to the growing cross party voices on this matter and acts to move UK policy to recognise Somaliland so recognising the reality on the ground.” Since the UK and US were forced to intervene against Houthi terrorists from Yemen in the Gulf of Aden on one of the key shipping routes in the world, pressure has increased to rethink recognition of Somaliland. Its major port of Berbera has been described as a potential base for UK and US military operations. Ethiopia became the first African country to have any form of recognition with Somaliland last year in a deal to give it access to the sea. But the memorandum of understanding infuriated Somalia who claim that Somaliand is part of their territory and led to mass protests. Critics of Somalia have described it as a “failed stated”, wracked with civil war and a haven for piracy with Somaliland, in comparison, holding democratic elections later this year. But its claim to Somaliland was supported by Barack Obama’s administration and has recently had renewed backed from Joe Biden’s White House. The UK took part in talks during David Cameron’s premiership but still does not recognise Somaliland’s claim for independence. Source The Independent Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kadib wadahadallo laba sano socday. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti. Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qaabkii loo maareyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaalla bariga Afrika. Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay. Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii. Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara. Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda. Heshiiskan iskaashiga militari ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay dalalka Soomaliya iyo Turkiga ay ka saxiixdeen heshiis iskaashi militari ah. Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo xasilooni ay ka jirto Islamarkana ku yaalla gobol ay daganaashiyo la’aan ka jiro ayaa waxaa saldhigyo militari ku leh dalal kala duwan. Jabuuti waxa ay martigelisaa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier, kaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 4,000 oo shaqaale ah oo badankood ay askar yihiin. The post Jabuuti iyo Faransiiska oo kala saxiixday heshiis militeri oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
The classification of several African countries as lower-middle-income puts them in a distinct position globally. Although this classification denotes a step up from low-income status, it also has a unique mix of benefits and drawbacks that influence these countries’ growth paths. Benin Lower-middle-income African nations frequently struggle with substantial levels of poverty and income inequality despite their being a level above low income countries. This inequality affects vulnerable populations, social mobility and inclusive growth. Additionally, many low- and middle-income African countries suffer from infrastructural deficits and institutional weaknesses. Inadequate roads, electrical supply, and bureaucratic inefficiencies can stifle business operations, discourage investment, and hamper overall economic growth. However, lower-middle-income countries are better positioned to participate in international commerce should the trajectory of their economies look positive. This could result in preferential trade agreements, lower tariffs, and better market access. Investors tend to view lower-middle-income countries favorably due to a promising economic prospect and growth potential. This can attract foreign direct investment (FDI), which in turn stimulates job creation, technology transfer, and industrial development, contributing to overall economic expansion. With that said, here are the African countries listed as lower-middle income countries by the World Bank. List of African countries categorized as lower-middle income countries • Angola • Benin • Cabo Verde • Cameroon • Comoros • Congo, Republic • Côte D’Ivoire • Djibouti • Egypt • Eswatini • Ghana • Guinea • Kenya • Lesotho • Mauritania • Morocco • Nigeria • Sao Tome and Principe • Senegal • Tanzania • Tunisia • Zambia • Zimbabwe Source: Business Insider Africa The post List of African countries categorized as lower-middle income countries appeared first on Puntland Post.
-
Moqokori (Caasimada Online) –Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa safar ku maraya deegaanada maamulkaas, wuxuuna maanta gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Hiiraan laga diidanaa xukunka Cali Guudlaawe. Safarka uu ku tegay Moqokori waxaa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana si weyn u soo dhoweeyey Guddoomiyaha iyo shacabka degmada Moqokori. “Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori, kadib markaan ka xoreynay Khawaarijta, waadna u dhabar adeygteen miraha dowladnimada ee aad guraneysaan,” ayuu yiri Cali Guudlaawe. Maalmihii lasoo dhaafay Cali Guudlaawe ayaa socdaal shaqo ku marayay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana uu uga sii gudbay Gobalka Hiiraan, halkaas oo tabasho xoog leh ay ka jirto. Madaxweynaha ayaa mudada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, waxana uu ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori. Beesha Xawaadle oo degta Moqokori iyo inta badan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku dhiiraday inuu hortago. Beesha Xawaadle ayaa diidan gabi ahaanba inay kasii mid noqdaan maamulka HirShabeelle, waxayna kol sii horeysay ku dhawaaqeen maamul kale oo ay ugu magac-dareen Hiiraan State. Cali Guudlaawe ayaa qorsheynaya in safarkaan uu ku tago degmooyin kale oo muhiim ah oo beesha Xawaadle ay degto, sida Beledweyne, Maxaas, Buulburde, degmooyin iyo deegaano kale, waxaana safarkaan madaxweynaha ku riixaya ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Guudlaawe oo u bareeray inuu hortago reer Hiiraan oo diidan maamulkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida. Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiyaha Degmada Moqokori iyo shacabka degmada ayaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa socdaal shaqo ku marayay maalmihii ugu dambeeyay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana uu uga sii gudbay Gobalka Hiiraan. “Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori kaddib markaan ka xoreynay kooxda Alshabaab Waadna u dhabar adeegteen miraha dowlanimada ee aad guraneysaan.” Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, waxana uu ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, xilli dhawaan wadada xariirisa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow kooxda As laga saaray. Maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo Boqolaal dadweynaha ah ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardargalinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay. Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xilli billowgii todobaadkan ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka harboole oo hoostaga degmadaas ku dileen in ka badan 100 xubnood oo Alshabaab ah, kuwaas oo weerar ku soo qaaday Saldhig halkaa ku yaalla. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Nabad-gelyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay wadaadka lagu magacaabo Ibraahim Ciyoow oo maalmo ka hor sheegay hadallo dad badan ka caraysiiyay oo ka dhan ahaa kutubo uu qoray AUN caalimkii weynaa ee Shiikh Cusmaan Xiddig . Ibraahim Ciyoow ayaa laga soo qabtay sida wararku ay sheegayaan meel u dhow masjidka Salaama oo u dhaxeeya degmooyinka Hodan & Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Wadaadkan ayaa billowgii todobaadkan bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku durayo Shiikh Cismaan Xiddig, asagoo sheegay inuu ahaa nin khuraafaadka dhiirigeliya oo qabuuraha in la caabudo difaaci jirey, islamarkaana kutubtii uu qoray ay waxyaabo gaalnimo ahi ka buuxaan. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku safray wadada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow. Wadadan oo dhawaan ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland isku fureen, kana sifeeyeen Shabaab-kii ku sugnaa ayaa maanta waxaa maray Axmed Madoobe booqasho ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose. Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardar-galinta howl-galada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo ciidamada xooga dalka, kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay. Maalin kahor ayey aheyd markii uu madaxweynaha Jubbaland booqasho ku tegay deegaanka Buulo-xaaji oo uu dhawaan ka dhacay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab, isaggo dhiirogeliyay ciidamada ku sugan halkaas ee jilibka u dhigay dagaal-yahaanada kooxda ee weerarka soo qaaday. Axmed Madoobe ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana xubno isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib looga dilay dagaalladii ka dhacay Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay la kulantay arrin aysan fileyn oo u horseeday guul darro. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda ay hadda qorsheyneyso aar-gudasho, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo diyaar garoobo si ka duwan sidii hore. Sidoo kale wuxuu hoggaamiyaha Jubbaland dalacsiiyay ciidamadii guusha keenay, isaggoo bilado geesinimo ah guddoonsiiyay saraakiishii ku hoggaamisay dagaalladii adkaa ee ay la galeen maleeshiyaadkii la laayay ee kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta ku safray waddo halis ah, gaareyna… appeared first on Caasimada Online.