Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Captain(Civil Aviation) Ahmed Haji Elmi Gure, a humble giant with contagious optimism and peacefulness, was the founder and Managing Director of Hiiraan Online (HOL), a legacy that will outlive him and benefit all Somalis. Source: Hiiraan Online
  2. Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa beeniyay inuu wada-hadal kula jiro Somaliland ama uu la furayo, sida ay dhawaan shaacisay xukuumadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray arrintaasi, isaggoo sheegay in aysan wax wada-hadal la fureyn Somaliland. Waxa uu si cad u sheegay in maamulkooda uusan hadda ku tala jirin in Somaliland lala furo wada-hadal la isku weydaarsanayo maxaabiis, sida ay warbaahinta u sheegtay Somaliland. “Wax wada hadal ah kulamo jirno Somaliland, haddana kuma talo jirno, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin gooni u goosad ayaan u aqoonsanahay, maxaabiisna ma is dhaafsan karno,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle. Sidoo kale wuxuu masuuliyiinta Somaliland ku eedeeyay inay ku howlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku doonayaan in ay ku soo weeraraan deegaannada SSC-Khaatumo. Maamulka KMG ee hadda ka taliya magaalada Laascaanood ayaa gacanta ku haya maxaabiis ay ku qabteen dagaalladii u dhaxeeyay iyaga iyo Somaliland, kuwaasi oo iskugu jira askar iyo saraakiil ciidan. Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallo hoose oo dhawaan ay shaacisay Somailand. The post SSC-Khaatumo oo beenisay arrin ay shaacisay Somaliland – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  3. 453240219_335640562949266_5654028212918766015_n Qaran News
  4. Wax garadka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo odayaasha beesha reer Axamed (Jibriil Yoonis) ayaa maanta ka dareeray xisbiga Kulmiye, oo ay hore uga tirsanaan jireen waxayna si rasmiya ugu soo biireen xisbiga mucaaridka Waddani waxana ay sidaasi ka sheegeen kulan balaadhan oo ka dhacay magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. Madax dhaqameedkan waxaa qaabilay oo soo dhaweeyay musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Maxamed Cali Aw Cabdi. Qaran News
  5. Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele iyo kan degmada Buulaburte ayaa ka qeyb-galay bandhig oo ay soo agaasimeen ururka iskaashatada Beerakayda degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Iskaashatada ayaa soo bandhigay qaar kamid ah dalagyada ay beertaan oo isugu jira qudaarta nuucyadeeda kala duwan iyo waxyaabo kale , waxayna sheegeen inay u baahan yihiin in horumarin lagu sameeyo beeraha si loo kordhiyo wax soo saarka Dalagyada beeraha dalka ka soo go’a. Ujeedka bandhiggaan ayaa ahaa Kobcinta guusha waarta ee wax soo saarka ka faa’iidaysiga hannaanka Beeralayda yaryar ee degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan oo kamida meelaha laga helo dhulka ugu habboon tabcashada. Source: goobjoog.com
  6. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay haweenay dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo ay soddoh u aheyd. Ninkan oo u dhintay dhaawac ay soddohdiis ugu geysatay tooreey ayaa lagu magacabi jiray Maxamed Cabdi Bille, wuxuuna qabay gabadheeda haweenayda dishay. Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, hase yeeshe warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagna, ayada oo haweenaydan la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo aheyd. Haweenaydan loo haysto dilka ayaa waxaa hadda gacanta ku haya booliska gobolka Bari, oo kiiskan durba baaristiisa bilaabay. Taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in haweenayda tooreyda ku dishay wiilka ay soddohda u aheyd “ay qiraal ku tahay dilka marxuumka.” Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta magaalada Boosaaso lagu dilay Khaalid Cali Khaalid oo ahaa gudoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika. Khaalid ayaa la sheegay inay dilkiisa geysteen dablay ku hubaysnaa hubka fudud, kuwaas oo illaa hadda haybtooda la aqoon. Laamaha amniga magaalada ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxda dilka geysatay. The post Arrin kasoo korortay nin ay sodohdiis ku dishay Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) – Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre, his deputy Salah Ahmed Jama, and various politicians and civil society organizations have expressed deep condolences over the passing of Captain Ahmed Gure, a former pilot of Somali Airlines and the founder of Hiiraan Online. Source: Hiiraan Online
  8. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in halkaas lagu toogtay masuul kamid ahaa bahda waxbarashada deegaanada Puntland, gaar ahaan Boosaaso, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan. Ninkan oo lagu magacaabi jirey Khaalid Cali Khaalid ayaa guddoomiye ku xegeen ka ahaa Jaamacadda Bariga Afrika, laanteeda magaalada Boosaaso, waxaana gurigiisa hortiisa ku toogtay rag hubaysan oo aan heybtooda la aqoonsan, ayadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa. Dilkan oo ah kii labaad oo maanta ka dhacay Boosaaso, islamarkaana lagu Khaarijiyay laba nin bulshada macne u lahaa oo firfircoonaa , kuwaas oo aan illaa hadda fasiraad quman loo hayn sababta nafta loo dhaafiyay. Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines, isla markaana ahaa aasaasihii shabakadda wararka Hiiraan Online, oo xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorkii uu marxuumku ka soo qaatay horumarinta Afka Soomaaliga iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen warar ku saleysan xaqiiq, xilli dalku ku jiray marxalad adag, isaga oo ku tilmaamay shaqsi howlkar ah, dhex-dhexaad ahaa, una taagnaa horumarka dalkiisa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Duuliye Axmad Xaaji Cilmi Guure waxa uu ahaa baylood, saxafi iyo samafale ka shaqeeya waxtarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, waxaana murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuumka. Mudane Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan sheegay inaan Turkigu waxa ay Israa’iil marinka Qasa ka waddo ka aamusnaan karin, islamarkaana inay sidii Liibiya iyo Azerbaijan u fara-galiyaan oo falastiiniyiinta garab siiyaan aan cidina ka hor istaagi karin. Hadalkaas ayaa waxaa ka falceliyay Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, asagoo bartiisa X soo dhigey laba sawir oo kala ah madaxweynihii hore ee Ciraaq xilligii la daldalayay iyo madaxweyne Erdogan, wuxuuna ku soo qaray ” Erdogan wuxuu ku dambayn doonaa sidii saadaam”. Dhanka kale wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu la barbar dhigtay hoggaamiyihii Nazi-ga dalka Jarmalka Adolf Hitler, iyadoo cinwaan uga dhigey in Netanyahu iyo kuwa mas’uulka ka ah dhibaataynta falastiiniyiintu ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo la mid ah tii uu ku dambeeyay Hitler. Sidoo kale hoggaamiyaal xisbiyada midigta fog ee dalalka yurub ka tirsan ayaa ku baaqay in Turkiga laga saaro ururka NATO maadaama uu Israa’iil u hanjabay, xiisadda labada dhinac ayaana cirka isku shareertay saacadihii la soo dhaafay, ka dib markii madaxweyne Erdogan uu sheegay in laga yaabo in dalkiisu uu fara-gelin militari ku sameeyo gumaadka ay Israa’iil bishii 10-aad ka waddo Marinka Qasa. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay shirweynaha 2-aad ee culimada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qabashada shirkan sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed. Xasan ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban. “Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa uu intaas kusii daray “Qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysannahay.” Madaxweynaha ayaa xasuusiyey culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas. Xasan Sheekh ayaa mar kale ummadda iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed. The post Sawirro: Xasan oo tallada markale dib ugu celiyay culimada – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
  12. 453368902_2883120905175593_8885892066815972456_n Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxii maaliyadda kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug ayaa usoo gacan galay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Ninkan oo lagu magacaabo Cabaas Shiikhdoon ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ka howl-gala degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga. Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in kooxda Al-Shabaab uu uga biiray degmada Xarardheere, sida uu warbaahinta dowladda uu la wadaagay taliyaha booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed. Horjoogahan ayaa dadka shacabka ah kooxda uga aruurin jiray lacago iyo xoolo baad ah, ayada ciidamada dowladda ay mar ku dhaawaceen duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug. Ninkaan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan kooxda Al-Shabaab ee duurka fog ku dhuumaaleysanaya, sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda. Cabaas ayaa u suurta-gashay inuu xiriir lasoo sameeyo saraakiisha ciidamada dowladda, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad. Ninkan ayaa kamid noqonaya horjoogayaal dhowr ah oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab isu soo dhiibay ciidanka dowladda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay. The post Madax muhiim u ahaa Al-Shabaab oo usoo gacan galay ciidanka dowladda (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  14. You would be forgiven for not being aware of Liverpool’s impact on the Horn of Africa, some 6,500 miles away from here. Yet for some, particularly those fleeing horrific scenes during the genocide in the 1980s, it has become home. Since the Second World War, a settled Somali community has been recognised in Granby. In the 1980s, as civil war broke out, Liverpool Law Centre was inundated with requests for help as many fled to safety. Now, as a campaign progresses to re-recognise Somaliland as a sovereign state, Liverpool Council has added its voice to the efforts, much to the joy of its own Somali community. In May 2001, years after Somaliland had secured independence from Britain, a referendum was held on the affirming of its status as a sovereign state but was never ratified formally. Ever since, a campaign has worked tirelessly to secure it. Source Echo Qaran News
  15. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta magacaabay xubin cusub oo ka mid noqonaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu magacaabay Cabdinuur Sheikh Maxamed Isxaaq in uu noqdo xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka Puntland. Cabdinuur Sheikh Maxamed oo ah rugcaddaa saxaafadeed islamarkaana ka soo shaqeeyay warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale soo noqday af-hayeenkii guddiga KMG ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC). PUNTLAND POST The post Cabdinuur Sheikh Maxamed oo loo magacaabay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Dhowr diyaaradood oo caalami ah ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen garoonka diyaaradaha ee Bayruut, iyadoo la filayo in Israa’iil ay weerar ku qaaddo Lubnaan, taasoo jawaab u ah dhimashada laba iyo toban qof iyo dhaawaca dad kale markii gantaal uu ku dhacay garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla magaalada Majdal Shams, ee Golan ee la haysto Sabtidii ina dhaaftay. Diyaaradda Lufthansa ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay saddex duulimaad oo ay ku tagi lahayd Bayruut oo la qorsheeyay in ay baxaan gelinka dambe ee maanta, sida laga soo xigtay jadwalka duullimaadyada iyo kan imaatinka ee garoonka. Xogta laga helay xaruunta dabagalka duulimaadka ee FlightRadar24 ayaa muujisay in Turkish Airlines ay baajisay laba duullimaad habeenimadii Axadda,halka shirkadaha diyaaradaha SunExpress, AJet,Aegean Airlines ee Giriiga, Ethiopian Airlines iyo East Middle Airlines ay baajiyeen duullimaadyo ay ku tagi lahaayeen Bayruut Isniinta maanta ah. bbcsomali Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo lacago horleh loogu kordhinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekedda Muqdisho. Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka nadda ay siisay qandaraas shirkad lagu magacaabo Total Cleaning Services, taasi oo qabaneysa howsha dhaqida iyo nadiifinta konteenarada kasoo dega dekedda. Arrintan ayaa culeys ku ah ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho oo markii hore dhib ku qabay canshuuraha aan xadka laheyn ee laga qaadayay, oo ay qeyb ka tahay canshuuraha dhinaca faya-dhowrka iyo scan-ka dekedda. Culeyskan ku soo kordhay dekedda Muqdisho ayaa loo arkaa inay keeni karto in ganacsatada kala soo dega shixnadaha inay u weecdaan dekedaha kale ee dalka, ayada oo maalintii shalay dekeda Boosaaso ku soo xirtay markabkii u horreeyay oo siday shixnad ganacsi oo konteenar ah. Iyadoo horay ay u jirtay in ganacsatada koonfurta Soomaaliya alaabaha ganacsi kala soo degaan dekedda Boosaaso oo ay soo gaari jirtay illaa magaalada Jowhar. Horey wasaaradda maaliyadda ayaa kordhisay canshuuraha kala duwan ee laga qaado ganacsatada wax kala soo dega dekeda Muqdisho, midaasi oo si weyn uga qeyliyeen ganacsatada, waana tallaabaddii labaad ee halis galin karta inay haawato dekedda Muqdisho. Si kastaba, haddii ganacsatada ay ka guuraan dekedda Muqdisho ayaa waxaa iska cad in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya aysan heli doonin canshuurtii ay qaadi jirtay dekedda, taasi oo macnaheeda tahay in la bixin waayo lacagihii mushaarka ee dowladda. The post Dowladda oo qaaday tallaabo halis galin karta shaqada dekedda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Dabley hubaysan ayaa maanta magaalada Boosaaso ku dishay Allaha u naxariistee marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ka tirsanaa macallimiinta jaamacadda bariga Afrika. Marxuum Khaalid ayaa sidoo kale ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta jaamacadda. Wararka ayaa sheegaya in ay goobta isaga baxsadeen kooxdii dilka u geystay marxuum Khaalid Cali oo aan weli la aqoonsan haybtooda. Laamaha Amniga Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso weli kama hadlin dilkaasi sidoo kale ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsanaa jaamacadda bariga Afrika oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee sanadkii labaad lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa culumada ugu baaqay inaysan ku kala qeybsamin waxyaabaha yar yar ee ay ku kala aragtida duwanyihiin. Madaxweynaha ayaa ayaa sheegay inaan loo baahnayn in culumadu ay sida siyaasiyiinta kooxo iyo xisbiyo loolamaya noqdaan oo ay kala qeybsamaan, balse ay lama huraan tahay inay midoobaan waxyaabaha kooban oo ay isku maandhaafsanyihiinna aysan ku kala fogaan. Wuxuu intaa ku daray inay siyaasaddu tahay hannaan ay dad samaysteen oo dano shakhsi ku salaysan, balse ay diintu tahay kitaab Illaahay soo dejiyay iyo Sunno Nabi oo la socata, islamarkaana aysan noqan karin wax lagu hardamo oo lagu kala qeyb qeybsano. Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu baraha bulshada ka socday muran xooggan oo ka dhashay wadaad duray Caalimkii Shiikh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay nin waxyaabaha Khuraafaadka ah iyo xabaalaha in la caabudo difaaci jirey, islamarkaana kutubtii uu qoray aysan faa’iido lahayn. Source: goobjoog.com
  20. Marxuum Axmed Guure kaalin la xusuusnaan doono ayuu ku leeyahay warbaahinta Soomaalida ee Internetka. Axmed Xaaji Cilmi Guure oo xalay ku geeriyooday dalka Kanada wuxuu, dagaalka ka hor, ahaa duuliye tababbaran, oo markii dambe u asaasay mareegta Hiiraan Online oo kaalin weyn ka geysatay soo gudbinta wararka Soomaaliya xilli Internetku uu aad ugu cusbaa Soomaaliya. Hiiraan Online waxay noqotay warbaahin magac weyn ku leh saaxafadda Soomaalida ee Internetka. Qurbejoogtu waxay u baahnaayeen warar sugan oo ku saabsan Soomaaliya waayo Laanta Af Soomaaliga xilligaas lagama dhagaysan kari jirin Waqooyiga Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waa ka hor inta aan saxammada telefishinka (satelleite dishes) aysan noqonin kuwo sahla dhegeysiga Laanta af Soomaaliga ee BBC oo sanadkii 2000 yeelatay mareeg u gaar ah. Bahda Puntland Post waxay tacsi u dirayaan qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Axmed Guure oo muddo 25 sano ka badan hagayay Hiiraan Online. Waxaannu rajeynaynaa in dhaxalkiisa halkaas laga sii wadi doono. innaa Lillaahi waa innaa Ilayhi raajicun. © Puntland Post, 2024 The post Axmed Guure: Horseede Saxaafadda Soomaalida ee Internetka appeared first on Puntland Post.
  21. Maxamed Cabdi Bile oo ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac ay u geysatay haweenay gudaha Suuqa Boosaaso. Haweeneyda dilka geysatay oo wadatay Toorey ayaa la sheegay in wiilka dhintay uu qabay Gabadh ay dhashay, islamarkaana ay aheyd Sodohdiisa. Falka ayaa la sheegay in uu dhacay xilli uu taagnaa khilaaf u dhaxeeyay wiilka iyo Sodohdiisa. Lamaha ammaanka Boosaaso ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ay xabsiga dhigeen haweeneyda ku eedaysan inay ka dambeysey dilkaasi. Dhacdadaan Argagax leh ayaa bulshada Boosaaso ku abuurtay Naxdin. ciidanka Ammaanka gaar ahaan booliska ayaa sheegay in ay baari doonaan. Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka. Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah). Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyey howgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dagaalka Alshabaab lagula jiraahi uu yahay Jihaad islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid. Shirkan ayaa sanadkii labaad lagu qabanayaa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, ayadoo culumo Soomaaliyeed oo gobollada dalka iyo daafaha dunida ka kala timid, iyo marti sharaf kale oo dalalka islaamka ka socdaahi ay ka qeyb-galayaan. Source: goobjoog.com
  23. Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Hobyo ayaa sheegaya in madaxii maaliyada Gobolka Mudug ee kooxda Alshabaab Cabaas Amiin xuseen uu isku soo dhiibay ciidanka booliska ee degmadaas, sida uu xaqiijiyay Taliska booliiska magaaladaasi. Ninkan ayaa la sheegay inuu isaga soo baxay kooxda Alshabaab, islamarkaana uu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda, isagoo ka soo tagey deegaanka Jawle oo hoostagga magaalada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo tiro badan oo dagaalameyaal iyo hoggaamiyaal kooxda ka tirsani ay iskood isku soo dhiibeen, qaar kalena ciidamadu gacanta ku soo dhigeen. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, kadib markii ay waayeen xilka wasiirka haweenka oo uu maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay General Bashiir Goobe. Warqad cabasho ah oo ay soo saareen dhaqdhaqaaqa Sinnaanta ee Jandarka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin ku dhowaad 8 kun oo haween ah ayaa la gudbiyay ra’iisul wasaaraha, taas oo ay gabdhaha uga cabanayaan guud ahaan kuraasta ay waayeen. Qoraalkan ayaa sidoo kale la ogeysiiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna haweenka ku ku muujiyeen in cabashooda la xiriirta magacaabistii ugu dambeysay ee wasaaradda haweenka ee loo dhiibay General Bashiir Goobe. Haweenka Soomaaliyeed ee gudbiyay cabashadan ayaa ku dooday in markii hore xukuumadda DanQaran ay ka ahaayeen 12%, haddase ay ka yihiin 9%, waxaana waayeen labo kursi oo uu ku jiro kursigoodii gaarka ahaan wasiirka haweenka. “Ra’iisul Wasaare, annaga oo ah Dhaqdhaqaaqa Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddiga Golaha Sare iyo xubnahiisa oo ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuda haweenka waxaan ka soo horjeednaa, cambaareyneynaa, aadna uga xunnahay jagooyinka haweenka Soomaaliyeed oo markii horeba hooseeyey in qaar badan si xawli ah rag loogu beddelayo” ayaa lagu yiri qoraalka ay direen haweenka Soonaaliyeed ee cabashada ah. Sidoo kale waxa ay nasiib darro ku tilmeemay in rag la siiyo jagooyinka ay ku fadhiyeen gabdhaha, taas oo hoos dhigtay qoondada loo qorsheeyay haweenka. “Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa nasiib darro ah in Golaha Wasiirada oo ka kooban 75 xubnood ay markii horeba 9 kaliya (12%) haween ahaayeen, maalintii shalayna ay haweenku lumiyeen hal wasiir iyo hal wasiiru dowle oo ay hadda hoos ugu dhaceen 7 (9%)” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Illaa iyo hadda jagooyinka ay ku fadhiyeen haween Soomaaliyeed oo rag la siiyey waxaa ka mid ah:- Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasiru Dowlaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska, Xisaabiyaha Guud, Gudoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,iyo Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaarada Beeraha aheydna sii hayaha Xoghayaha Guud”. “Ra’iisul Wasaare, waxaa kale oo jira in labo haween ah laga hor-istaagay in ay u tartamaan jagooyinka caalamiga ah ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaxwaynaha Baarlamaanka Adduunka” ayaa lasii raaciyay qoraalka. Waxaa kale oo ay haweenku ay si toos ah u dalbadee in xubnaha Xildhibaannada ee dowladda federaalka ay u magacaabayso Ururka Bulshada Bariga Afrika in laga siiyo 4 xubnood 9-ka Mudane, maadaama ay hoos u dhacday tiradii ay ka haysteen dowladda dederaalka, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaa soo jeedineynaa talooyinka soo socdo: In jagooyinka haweenka laga qaaday loogu beddelo kuwo u dhigma iyo in ka badan si loo helo isku-dheelitirnaasho, cadaalad iyo dowlad loo dhanyahay. In 9-ka xildhibaan ee loo magacaabi doono Bulshada Bariga Afrika ay ugu yaraan 4 haween noqdaan.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka SGEM. The post Ku dhowaad 8 kun oo Haween oo cabasho u gudbiyay XAMZA appeared first on Caasimada Online.