Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,891
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Madaweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay tartanka ay dawladdiisu kula jirto dawladda Kenya ee ku aaddan kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu cambaareeyay qaar ka mid ah waddamadii ka tirsanaa Midowga Afrika kuwaas oo Kenya ugu codeeyay 21-kii bishii August in ay ku guulaysato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey, halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Beeralayda Gobolka Gabiley Oo Dhaliilo Musuqmaasuq U Jeediyey Wasiirka Beeraha, Fariin Qaylo Dhaanana U Diray Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. A 36-year-old man has been charged in connection to the damage of multiple East African-owned businesses in south Minneapolis, according to the Hennepin County Attorney's Office. Source: Hiiraan Online
  4. Baydhaba-(Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu amray in aysan wax mooshin ah ka keeni karin xukuumadda Cabdicasiis Lafta-Gareen, kaddib kulan maanta la iskugu yeeray. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo maanta hooyga uu ka daganyahay magaalada Baydhaba qada sharaf ugu sameeyay dhamaan xildhibaanada maamulka ayaa ku amray in ay shaqadooda si ku meel gaar ah u sii wataan maadaama uu dhamaaday waqti xileedkoodii, mudadaasna aysan isku howli karin mooshin ka dhan ah xukuumadda. Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ayaa muddoyinkii dambe ku howlanaa raadinta in loo sameeyo waqti kordhin, waxaana ola-olaha lagu raadinayay waqti kordhintooda hormuud ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye. Xukuumadda Soomaaliya oo markii horaba meesha geysatay Lafta-Gareen ayaa la sheegay in ay kasoo horjeesatay in waqtiga loo kordhiyo xildhibaanada maamulkaas, sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada maanta tagay guriga Lafta-Gareen. Xildhibaanada ayaa waxa ay noo sheegeen in markii ay dooranayeen Lafta-Gareen ay xukuumaddu u balan qaaday in iyaga waqtiga loo kordhinayo oo aan lasoo xuli doonin xildhibaano kale, balantaas oo hadda u muuqata mid looga baxay. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa Madaxweyne Lafta-Gareen waxa uu Baydhaba ka waday kulamo looga arinsanayo sidii loo soo xuli lahaa xildhibaano cusub, kulamadaas oo uu la yeelanayay odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  5. Somalia committed to comply with any United Nations International Court of Justice ruling on its maritime border dispute with Kenya, and to accept the boundary that is delimited by the tribunal. “As a matter of international law, the court’s judgment will be binding on Kenya,” Somalian President Mohamed Abdullahi Farmajo said in a speech to the UN General Assembly. “We trust that, when that judgment is issued and the boundary is established, a lasting settlement of this longstanding dispute will finally be achieved.” Ads By Google The neighbors claim ownership of a 150,000 square kilometer (58,000 square mile) area off their Indian Ocean coastline, that’s said to be rich in oil, gas and tuna fish. In 2014, Somalia went to court to challenge a 2009 agreement that set its maritime border along latitudinal lines extending 450 nautical miles into the sea. On Sept. 3, the UN Security Council concluded that the African Union isn’t empowered to intervene in the lawsuit before the court, Farmajo said in his speech. The AU said this month its Peace and Security Council planned to appoint a mediator to help find “an amicable and sustainable settlement, in consultation and collaboration with the relevant regional mechanisms.” Following talks convened by President Abdel-Fattah El-Sisi of Egypt, who is also the current chairman of the African Union, Farmajo and Kenyan President Uhuru Kenyatta agreed to restore “our good brotherly relationship, strengthening the diplomatic and political cooperation,” the Somalian leader said. “We further agreed to leave the maritime dispute between the two countries to be resolved by the International Court of Justice,” Farmajo said. “Somalia is committed to maintain a good relationship with Kenya and to the rest of the countries in the region.” The ICJ is expected to start hearing the case in November. To contact the reporter on this story: Eric Ombok in Nairobi at [email protected] To contact the editors responsible for this story: David Malingha at [email protected], Jacqueline Mackenzie, Paul Richardson Source: Bloomberg
  6. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in baarlamaanka K/Galbeed la kala diray maanta kadib markii xal laga gaari waayey Khilaaf kala dhaxeeyey xukuumadda Madaxweyne Cabdi Caziz Lagta Gareen. Muddo xileedkooda waxaa uu ku egyahay December sanadkan, laakin Lafta gareen ayaa balanqaaday xiligii doorashada iney haddii isaga doortaan isla dhameysan doonaan Barlamaanka ayaa beryahan waxay Wadeen buuq Siyaasadeed Oo kala dhaxeeyey Xukumada Maadama Madaxweyne Lafatagareen Waqtigii Ollalaha Doorashada uu Balan qaaday In Hadii Ay Doortaan Waqtiga Isla Dhameysan doonaan Guoomiyaha Barlamaanka KG Cabdikadir Shatiif Shekhuna Maye Ayaa Todabadkan yimid Magaalada Muqdisho isaga Madaxweyne Lafatagreen Si Loo Xaliyo Kulama Kala duwan Ee Kadhacay Villa Somalia Iyo Villa Hargeysa Oo layeesheen Madaxda ugu sareysa dalka ayaa Lagu Soo Go’aamiyey in Barlamaanka aan Waqti loogu darin ee lakala diro Doorashana loo dareeriyo. Maanta waxaa baarlamaanka xaflad Qado sharaf ah loogu sameeyey madaxtooyada waana la kala diray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-Sooraaanka Oo Ka Furmay Uganda Shirka waxa furay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefeni , waxaana kasoo qaybgalay dawladdo badan oo ku jira waddamada Barwaaqo Sooranka oo Somaliland ka mid tahay. Weftiga Somaliland uga qayb-galaya Shirka Baarrlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa waxa Somaliland ku marti-qaaday Madaxweynaha Uganda, kaasi oo Caawana Casuumad u samaynaya Madaxda ka socda Dalalka Barwaaqo-sooraanka ee ka qayb-galaya Shirka Baarlamaannada Barwaaqo-sooranka. Waxa Xusid mudan in Weftiga Somaliland ay kulan la yeesheen Wasiirka Arrimaha dibedda ee Uganda Sam Kuteesa. Kulanka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa ah kii 64-aad, 52 sanadood ka dibna waa markii koowaad ee Uganda marti-geliso. Qaran News
  8. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay dhowr qof oo Soomaali-Kenyan ah iyo qaar kale oo Soomaali ah, sababo la xiriira inay taageeraan kooxaha argagixisada. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegi doonto hantida dadkan, islamarkaana ka manuucday dadka Mareykanka inay wax xiriir maaliyadeed ah la sameeyaan shaqsiyaadkan. Liiska dadka la xayiray ayaa waxaa ku jira Sheekha caanka ah ee Sheekh Xasan Xuseen Aadam. Waxaa sidoo kale ka mid ah Sheekh Xasan Cumar, Xasan Mahad (Cumar) iyo Xasan Mahad. Dadkan ayaa dhammaantood ah Soomaali-Kenyan. Waxaa sidoo kale liiska ku jiray Cabdifatax Abubakar Cabdi oo loo yaqaan (Muhaajir Musa) oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Mombasa. Dhammaan hantida dadkan ay ku leeyihiin Mareykanka, haddiiba ay jirto, ayaa la xanibay. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale liiska madow ku dartay hay’adda Al-Xaramayn ee fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bishii April xayiraad saartay Xaliima Aadan Cali oo ah Soomaali-Kenyan kadib markii lagu eedeeyey inay 150,000 oo dollar ay u dirtay dagaal-yahannada Daacish ee ka dagaalama Libya, Syria iyo Bartamaha Afrika, ayada oo marineysa xawaaladaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Xilli roobaadka Deyrta ee sanadkaan, ayaa ka bilowday qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Gobolada waqooyi bari ee la isku yiraahdo Puntand ayaa meelo kamid ah helay Roob dhexdhexaad ah. Sidoo kale, 24 saac ee lasoo dhaafay qeybo katirsan gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa helay Roob sidaas oo kale ah. Saadaasha roobka ee saddexda maalmood ee soo socota waxay muujineysaa in roobab u dhexeeya kuwo fudud iyo kuwo meel dhexdhexaad ah ay helidoonaan gobolada Sool iyo Sanaag. Sidoo kale, gobolada waqooyi ayaa helidoona roobab xoogan sida ay sheegayso saadayaasha roobka ee maalmaha soo socda. Saadaasha waxay digniin ka bixinaysaa daadad uu sameeyo webiga Shabelle ee mara degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Balcad ee Shabellada dhexe, maadaama webigu meelo badan ka furan yahay. Eeg jaanjuuska Roobka. Puntland Post The post Xilli Roobaadka Deyrta oo ka bilowday qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Caabudwaaq ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xaalad kacsanaan ah. Xiisadda ayaa salka ku haysa dil ka dhacay Bali Cad, oo ah degaan u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq. Xaaladda kacsanaanta ah ayaa ka dambeysay markii Bali Cad lagu khaarijiyey labadda ruux oo la sheegay in ay xoolo dhaqato yihiin. Labadda qof ee la dilay ayaa lagu waramayaa in ay degaan ahaan kasoo jeedaan magaaladda Bil Cad. Gacan ku dhiigleyaasha oo kadib baxsaday ayaa la tilmaamayaa in u ruqaan-sadeen dhanka Caabudwaaq Dadka degaanka ayaa sheegaya in beesha ay kasoo jeedaan shaqsiyaadka la dilay wadaan olale ay ku sameynayaan aargoosi. Sikastaba ha ahataee, gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu badan arrimaha la xiriira dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil iyo colaad beeleedyada. View the full article
  11. United States President Donald Trump's administration has imposed sanctions on several Kenyans over alleged support to terrorist groups. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (SMN) – Howlgalkan ay sameeyen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada hoose ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab, iyadoo sidoo kale looga qabsaday Hub iyo saanad kale oo ay u adeegsan jireen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. Illaa 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu khaarijiyay howlgal ballaaran oo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen bar ay ku xubnaha Shabaab oo ku dhow degaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo sidoo kale laga qabsaday Hub iyo rasaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey. Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare], Xasan Aadan Xaashi ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in howlgalkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen Alshabaab. “Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen,” ayuu yiri. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda dowladda oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha AlShabaab. View the full article
  13. Somalia committed to comply with any United Nations International Court of Justice ruling on its maritime border dispute with Kenya, and to accept the boundary that is delimited by the tribunal. Source: Hiiraan Online
  14. Baydhabo (SMN) – Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa ku amray mukiileyaasha huteeladda in aysan martigelin shirar uusan maamulku ka war-hayn. Ma cadda ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa arrintan. Balse wuxuu imaanayaa iyadda dhowaan uu ka dhacay kulan lagu dhaleeceeyay xukuumada federaalka. Odayaasha oo kulanka yeeshay ayaa waxay dhaliileen is-hortaagii lagu sameeyay socdaal uu Sheekh Shariif ku tegi lahaa magaaladda Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha ee tegaya Kismaayo ku amartay in ay isa soo diiwaan-geliyaan 24-saac kahor duulimaadkooda. Sikastaba ha ahaatee, waxaa lays waydiinayaa qaabka uu ku dhaqan-geli doono go’aankan cusub ee kasoo baxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. View the full article
  15. Gaalkacyo (SMN) – Taliska Booliska gobolka Mudug ayaa soo bandhigay maandooriyeyaal ay kasoo qabteen xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo. Maxamuud Cilmi Bulaafe, taliyaha booliska gobolkaas, ayaa shaaca ka qaadey in ay xabsi ku jiraan shaqsiyaadka lagu soo qabtay agabkaas. Mr Bulaafe ayaa hoosta ka xariiqay in xubnahaas oo uusan tiradoodu carabaabin ay yihiin maxkamad-sugeyaal sharcigana ay wajahayaan. Dhinaca kale, taliyaha ayaa shaaca ka qaadey in ay ku raad-joogaan xubno kale, kuwaasi oo uu tibaaxay in ay dhuumaaleysi ku jiraan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bulaafe.mp3 View the full article
  16. New York (Caasimada Online) – Madaweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay tartanka ay dawladdiisu kula jirto dawladda Kenya eek u aaddan kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobey. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood aysan wanaagsanayn in uu u xumaado sabab la xiriirta tartanka kursigaas ee ay ku tartamayaan Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu cambaareeyay qaar ka mid ah wadamadii ka tirsanaa Midowga Afrika kuwaas oo Kenya ugu codeeyay 21-kii bishii August in ay ku guulaysato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey. Geelle ayaa sheegay in dawladda Jabuuti aysan wali tanaasulin oo ay sugayso in ay Golaha Ammaanka ugu tartanto Hadalkan oo uu ku sheegay madaxweynuhu wareysi uu siiyay VOA laanteeda ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa noqonaya ki ugu horeeyay ee uu kaga hadlo kursigaas oo ay Kenya kula tartamayso dawladdiisa. Hoos ka dhageyso wareysiga Geelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Madaxweyne-Geelle.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah u soo afjartay colaadii ka taagneyd degaanada Huurshe iyo Xeraale. Guddi ka socda xukuumnadda oo halkaas ku sugnaa ayaa ku guuleystay in ay heshiis ka kooban dhowr qodob ay ka kala saxiixaan labadda dhinac. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa in hubka ay kusoo wareejiyaan, isla markaana aanan gudaha degaanka lagu dhex-qaadan karin. Bashiir Daajir Dhago-badan, gudoomiyaha Xeraale, ayaa tibaaxay in dowladdu ay ciidamo kala dhex-dhigtay beelahaasi walaala ah. Ciidamadda ayuu hoosta ka xariiqay in ay xiri doonan cid kasta oo lagu arkaa iyadda oo gudaha degaanka hub ku dhex-watada. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Ciidamo.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-27092019.mp3 View the full article
  19. (SLT-Uganda)-Shirka waxa furay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefeni , waxaana kasoo qaybgalay dawladdo badan oo ku jira waddamada Barwaaqo Sooranka oo Somaliland ka mid tahay. Weftiga Somaliland uga qayb-galaya Shirka Baarrlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa waxa Somaliland ku marti-qaaday Madaxweynaha Uganda, kaasi oo Caawana Casuumad u samaynaya Madaxda ka socda Dalalka Barwaaqo-sooraanka ee ka qayb-galaya Shirka Baarlamaannada Barwaaqo-sooranka. Waxa Xusid mudan in Weftiga Somaliland ay kulan la yeesheen Wasiirka Arrimaha dibedda ee Uganda Sam Kuteesa. Kulanka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa ah kii 64-aad, 52 sanadood ka dibna waa markii koowaad ee Uganda marti-geliso. Source
  20. (SLT-Riyadh)-Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay mid millitari kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday xarumihii shidaalka, weerarkaas oo lagu eedeeyay Iiraan. “Inkasta oo Sucuudiga aanu dooneyn dagaal, Iiraan ayaa lagala xisaabtami doonaa weerarkii diyaaradaha Drones-ka ay ku qaadeen xarumaha shidaalka”,ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Caadil Al Jubeyr. Baadhitaan uu Mareykanka soo saaray waxaa lagu sheegay in weerarka ay ka dambeeysay Iiraan. “Waxaan eegi doona qaababka noo furan hadda ee na horyaal, go’aan ayaan gaadheynaa” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo la hadlayay BBC. Source