Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baardheere (Caasimadda Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ku dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Taliyaha Ururka 49-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Cali Cabdullaahi ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalkaan ay ka sameeyeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheer, kuna dileen dagaalyahanno Al-shabaab ah, sidoo kalena kusoo celiyeen xoolo ay horey dad shacab ah uga dhaceen. “Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaan ku dilnay rag ka mid ah cadowga Al-shabaab, waxaan soo celinnay xoolo isugu jira ari iyo Geel oo ay shacabka xoolo dhaqatada ah horey uga dhaceen” ayuu yiri taliyaha. Taliye Maxamed ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab, inta dalka oo dhan laga saarayo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin hadalka kasoo yeeray taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Sooomaaliya ayaa Maanta waxaa ka degay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta dalka Jabuuti, iyadoona lagu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa Wasiir Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon waxaa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayid Maareeye iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta dalka Jabuuti oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan la qaadan doonaan Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayid Maareeye. Source
  3. (SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, si ay Turkiga ugu cadaadiyaan inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Waqooyiga Suuriya. Trump wuxuu sheegay in wafdigan oo uu sidoo kale ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ay Turkiga u amba bixi doonaan maanta oo Arbaca ah, hadafka ugu weynna uu yahay sidii ay Anakra u weydiisan lahaayeen xabad joojin. Mike Pence oo lagu wado inuu madaxweyne Erdogan Khamiista berrito ah la kulmo, ayaa miiska saari doono shuruudo ay ku jiraan xabad joojin deg deg ah wada-xaajood ay Turkiga kala galaan arrinta dib u dejinta qaxootiga Suuriya. Sidoo kale waxay isku soo qaadi doonaan arrinta cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Turkiga, taasoo oo uu maamulka Trump wacad ku maray in lasii xoojin doono haduu uusan Turkiga ka laaban weerarka uu ku hayo maleeshiyaadka Kuddiyiinta Suuriya. Source
  4. Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ku dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Taliyaha Ururka 49-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Cali Cabdullaahi ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalkaan ay ka sameeyeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheer, kuna dileen dagaalyahanno Al-shabaab ah, sidoo kalena kusoo celiyeen xoolo ay horey dad shacab ah uga dhaceen. “Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaan ku dilnay rag ka mid ah cadowga Al-shabaab, waxaan soo celinnay xoolo isugu jira ari iyo Geel oo ay shacabka xoolo dhaqatada ah horey uga dhaceen” ayuu yiri taliyaha. Taliye Maxamed ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab, inta dalka oo dhan laga saarayo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin hadalka kasoo yeeray taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Moscow)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz hadiyad ahaan ugu geeyay Shimbir nooceeda uu dhif yahay oo laga helo waddanka Ruushka oo kaliya. Shimbirtan oo u eg sida gorgorka ayaa lagu magacaabaa Arctic falcon, ama gyrfalcon, waxaana laga helaa gacanka Kamchatka ee ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka. Waxaa jira kumannaan xabo oo ka mid ah shimbirkan, wuxuuna halis ugu jiraa inuu dabar go’o. Muuqaal lagu shaaciyay telefishinnada ruushka iyo Sacuudiga iyo qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa laga arkayay boqor Salmaan oo u muuqda inuu aad ula dhacsan yahay hadiyadda qeyrul caadiga ah. Booqashada uu Putin Isniintii ku tagay Sacuudiga ayaa ahayd mid qeyrul caadi ah, waana tii ugu horreysay ee uu halkaas ku gaadho tan iyo sanadkii 2007-dii. Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha Ruushka uu Sacuudiga uga sii gudbo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, si uu usii xoojiyo xidhiidhka kala dhaxeeya dalalka bariga dhexe. Intii kuu ku sugnaa Riyaad Sacuudiga wuxuu madaxda boqortooyada Sacuudiga kala hadlay arrimo badan oo khuseeya cilaaqaadka labada dal iyo wadashaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga saliidda. Qodobbada uu sida gaar ah ugala hadlay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga waxaa ka mid ahaa amniga gobolka, khaasatan cadawtooyada u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta carabta. Source
  6. Magaalada Muqdisho waxaa saakay soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Jabuuti, Ridwaan C/laahi Bahdoon, waxaana lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dhiggiisa dalka Jabuuti kusoo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde, waxayna kulan horudhac ah ku yeesheen qeybta VIP-da ee Garoonka. Wasiir Bahdoon ayaa la sheegayaa in safarkan uu ku yimid Muqdisho yahay mid rasmi ah, wuxuuna inta uu joogo la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo DFS. Wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirkooda iyo sidii loo ballaarin lahaa wadashaqeyntooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mida taliyeyaasha iyo Saraakiisha sare ee ciiidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo qaarkood xilalkii laga qaaday. Taliyeyaasha qeybaha iyo taliska sare qaarkood ayay saameysay xil ka qaadista iyo isku shaandheynta uu sameeyya taliyaha ciidamada Booliska, waxaana saraakiisha la magacaabay ka mida taliyaha saldhiga Booliska Dharkeynley, taliyaha qeybta Waliyow Cadde, taliyaha ciidamada Birmadka Booliska iyo taliyaha Daraawiishta, waxayna kala yihiin: Sidoo kale Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday. Taliyaasha la magacaabay oo gaaraya ilaa lix taliye ayaa kala ah: 1-Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar (Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Waliyow Cadde. 2-Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay La-taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagol horey u ahaa Taliyaha qeybta Waliyow Cadde. 3-Taliyaha Birmadka Ciidamada Booliska ayaa loo magacaabay Yuusuf Xundubey oo hore u ahaa Taliyaha Saldhiga Galbeed ee G/Banaadir. 4-Yaasiin Nuur Kheyre ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degamada Dharkeenley. 5-Gaashaanle Sare Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa lol magacaabay Taliyaha Daraawiishta Booliska. 6-Aadan Xersi ayaa loo magacaabay Taliyaha socdaalka Ciidamada Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Wasiirka amniga Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hay’adaha amniga ee ka howlgalla deegaanada maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda ee ammaan ee magaaladaasi. Sidoo kale shirka intii uu socday ayaa waxaa diirada lagu saaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada mamulka Galmudug. Waxa kale shirkan ka soo baxay go’aanno culus oo la xariira amniga Dhuusamareeb, iyadoona digniin loo diray dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wata magaaladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka degmada Dhuusamareeb ayaa ahaa mid degan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi. View the full article
  9. (SLT- Kuwait)-Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait Khaled Al-Jarallah ayaa shaaciyey in wadankiisa uu marti gelin doono shir lagu taageerayo Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas oo ah mid Soomaaliya looga caawinayo dhanka Waxbarashada waxaanu dhici doono sanadka soo socdo ee 2020 kaasoo lacago loogu deeqi doono. Wakaaladda Wararka ee dalka Kuwaite ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (KUNA) ayaa sheegtay in Al-Jarallah uu Axadii hoggaamiyey kulan loogu diyaar garoobayo shirkaas loogu deeqayo Soomaaliya oo noqonayo midkii ugu horreeeyey noociisa ah oo ay soo diyaariyaan Dowladaha Khaliijka. Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay Diblomaasiyiin u dhashay Dalka Kuwait iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas si ay uga wada hadlaan sidii uu u dhici lahaa shirkaas lagu taageerayo Soomaaliya lagana hortago wax walba oo keeni karo inuu shirkaas baaqdo. Source
  10. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ahna Agaasime Kuxigeenka Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmedkheyr Cali iyo dhammaan Agaasimeyaasha Wasaaradda. Kulanku inta uu socday waxaa laga wada hadlay qorsheyaasha booqasho ee Madaxda dalka iyo marti qaadyada caalamiga, dadaallada martigelinta shirarka caalamiga ah iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hannaanka habmaamuska ee dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la wadaagay masuuliyiinta ka socotay Madaxtooyada ballamaha iyo booqashooyinka Madaxweynaha ee muddada soo socota, qorsheyaasha xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta shaqaalaha Madaxtooyada iyo kuwa Wasaaradda ee ay shaqo wadaagga yihiin. Kulankan dhinaca Madaxtooyada waxaa ka socday Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdi Cumar Cali, Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi. View the full article
  11. Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa K/galbeed ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaasi. Ciidamo aad u badan oo ka baxay degmada Xudur iyo kuwo kale oo ku sugnaa duleedka degmadaasi ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanno hor leh oo hoostaga degmadaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka K/galbeed ayaa inoo xaqiijiyey in ulajeedkoodu tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada hoostaga Xudur. Howlgalkan ayaa daba socda dagaal culus oo habeen hore dhex-maray ciidankan howlgalka wada iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay xero ay ciidanka DFS iyo kuwa K/galbeed ku lahaayeen duleedka degmada Xudur. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hor imaaday inay Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameysato muddo korosi. Madaxweyne Xaaf, qaar ka tirsan Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa talo ahaan usoo jeediyey inaan la ogolaan muddo kororsi taas badalkeedana laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah. Kulankaan oo ujeedkiisa lagu sheegay inuu ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariira sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa guddiga u gudbiyey talaabooyin ay tahay muhiim in la qaado si dalkan ay kaga dhacdo doorasho,oo aysan muddo kororsi u dhicin,waxaana uu kaga mahad-celiyey howsha ay hayaan. Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in aragtiyadaasi ay qaadanayaa islamarkaasina ay qeyb kaga dhigayaan qorshooda ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaran. Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maalmahaan dambe waday la kulanka Madaxda maamul-goboleedyada,iyagoona hore ula soo kulmay madaxda maamulada Hir-shabeelle iyo Puntland,waxaase la ogeyn Jubbaland cida ay kala kulmi donaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay kulan looga hadlayey amniga Galmudug, gaar ahaan magaaladaasi. Kulankan waxaa ka qeybgalay wasiirka amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo diiradda lagu saaray howlgallada ay ciidanku ka wadaan magaalada Dhuusamareeb. Saadaq Sheekh Yuusuf, wasiirka amniga Galmudug ayaa faray saraakiisha laamaha ammaanka iney xoojiyeen howlgallada ammaanka lagu sugayo, kana feejignaadaan wax walbo oo bulshada dhib u keeni kara. Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday sidii loo ciribtiri lahaa waxyaabaha maanka dooriya, kadib markii ay ciidanku ku qabteen Dhuusamareeb Qamri aad u badan. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ka socdaan howlaha lagu dhisayo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid hadalkii dhowaan ka soo yeeray guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Hoggaanka xisbiyadan ayaa sheegay in Barre uu ku dhawaaqay hadal gef ku ah sharafka Qaranimada Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay uga baaqeen dowladda Soomaaliya inay dalka si deg deg ah uga saarto ciidamada Kenya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-faduma-kenya-.mp3 View the full article
  15. Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay tirada maraakiib ay sheegeen in ay si sharci darri ah uga kalluumeystaan xeebaha maamulkaasi iyo sidoo kale dalalka laga leeyahay. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Puntland, Faarax Cawaash Beeldaaje ayaa u sheegay warbaahinta in 18 Markab ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan maalin walbo xeebaha Puntland, iyaga oo aan wax ruqsad ah haysan. Wuxuu sheegay wasiirka in Maraakiibtan oo laga leeyahay dalalka India, Iran iyo Pakistan ay dacwad ka gudbiyeen, sidoo kalena ay ciidan u direen xeebaha Puntland. Dhanka kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaanno ay ku hayaan shirkado kale iyo maraakiib uu sheegay inaanay shatiyo ka haysan wasaaradda Kalluumeysiga ee dowlad goboleedka Puntland. Kalluumeystada Soomaaliyeed ayaa marar badan waxa ay cabasho ka muujiyeen maraakiib dhib ku haya, islamarkaana mararka qaar ka burburiya shabaqyada ay dhigtaan iyo doomahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan kula qaatay magaaladda muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug. Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariiro sharciga doorashooyinka Qaranka. Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka,isagoona uga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixinayaan sharciga doorashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo. Golaha wasiiradda galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga. Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug in ay guddiga ga ogolaadaan in ay kulan wadatashi ah oo la xarrriiro sharciga doorashooyinka qaranka ay wada yeeshaan. Ugu dambeyntii kulanka uu Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-16102019.mp3 View the full article
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayey ammaanka Dhuusamareeb oo xalay ka dhacay gudaha magaaladaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyey wasiirka amniga Galmudug Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf, iyadoona ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga Dhuusamareeb. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada mamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa warbixino la xariira amniga laga dhageystay saraakiisha hay’adaha amniga, kuwaas oo faah faahiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay halkaasi. Waxa kale oo la’isku raacay in la xoojiyo amniga, ciidamaduna ay u diyaar garoobaan howlgallo cusub oo ka bilaabanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, si looga saaro dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab. Gagabada shirka ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aano xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in hubka sharci darrada ah aan lagu dhex qaadan karin gudaha magaalada, iyadoona ciidamada looga digay in daress la’aan iyo aqoonsi la’aan ay ka soo baxaan xarumahooda. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Dhuusamareeb, taas oo ay qaban qabaanineyso dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Wasiir Dhabancad Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa saaka shaacisay liiska cusub ee xildhibaannada Golaha degaanka Buurtinle kadib markii la xalliyay khilaaf ka taagnaa xulista xubno kamid ah golahaasi. Golaha cusub ee degaanka degmada Buurtinle ayaa ka kooban 22 xubnood waxaana ku jira 7 dumar ah sida ka muuqata liiska ay shaacisay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kadib markii la shaaciyay liiska warbaahinta la hadlay ayaaa bulshada degmada Buurtinle ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan xubnaha loo soo xulay degmada. Sidoo kale wasiirka ayaa halkaasi ka shaaciyay in maalinta berriya la qaban doono doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golaha degaanka Buurtinle isagoo xildhibaannada cusub kula dardaarmay in ay dad ka soo bixi kara xilkaasi u doortaan. Degmada Buurtinle waxa maalmahan ka taagnaa khilaaf ku salaysan hannaanka xulista xildhibaannada golaha degaanka taasi oo keentay in shalay malayshiyaad caraysan ay qabsadeen xarunta dowladda hoose oo ay ka socotay hawsha xulista xildhibaannada inkastoo markii dambe la xalliyay. Halkaan ka daawo shaacinta liiska iyo hadalka wasiirka PUNTLAND POST The post Liiska cusub ee Golaha degaanka Buurtinle oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  20. Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn iyo xubno katrsan dowladda federalka Soomaaliya, ayaa Muqdisho ka wada qorshe ku saabsan in xildhibaanada beesha Sool clan ee u matalidoono barlamaanka soo socda lagusoo doorto Muqdisho. Xubnahaan ayaa Muqdisho ku qabsaday shir loogu magac daray hindisaha maamul u sameynta goboladaas oo ay haatan kala maamulaan Puntland iyo Somaliland. Lama oga waxa kusoo beegay waqtigaan. Cali Khaliif Galaydh ayaa kamid ah siyaasiyiintaan shirkaan qeybta ka ah, waxaana isaga rag kale oo ku hungoobay heshiiskii Somaliland, ay la galeen ay u muuqataa inay Muqdisho barmaaij kale ka abaabulayaan. Dowladda Piuntland ayaa haatan gacanta ku haysa hannaanka ay ku yimaadaan xildhibaanada goboladaas, iyagoo qeyb ka ah xildhibanada Puntland u matala barlamaanka Soomaaliya. Waxaa markii ugu dambeysay lagu doortay magaalada Garowe, kadib, kadib markii lagu heshiiyay in dowlad goboleed kasta uu la yimaado xildhibaanada goboladiisa. Puntland Post The post Muxuu ku saabsan yahay shirka SSC ee ka socda Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
  21. Tahnoun bin Zayed, UAE national security adviser and crown prince’s brother, has been in Tehran aiming to defuse Gulf crisis Source: Hiiraan Online
  22. (COLUMBUS, Ohio) — Hoyo’s Kitchen is a newcomer to Columbus, Ohio’s bustling North Market — an old warehouse filled with food stalls by local restaurants. Source: Hiiraan Online
  23. ANKARA (Reuters) - Turkey’s alternatives for the U.S. F-35 stealth fighter jets are ready and “offers are coming in”, President Tayyip Erdogan was cited as saying by broadcaster NTV on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  24. After some audience members booed Somalis at President Trump’s rally in Minneapolis, local leaders have tried to assure refugees that they are welcome. Source: Hiiraan Online