Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,891
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sawirro: Goobaha ugu caansan dalxiiska Sucuudiga Madaa’in Saalix Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay dalkiisa u ogolaan doona in dalxiiseyaasha dunidu tagaan, ujeedaduna waa in dhaqaalaha dalku saliidda oo keli ah aanu ku tiirsanaan. Kobcinta dalxiisku waxa uu udub dhexaad u tahay dib u habaynta dhaqaale ee uu wado dhaxal sugaha taajka boqorooyada, Maxamed Bin Salmaan, ee looga gol leeyahay in la yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee Saliidda. Qorshahani wuxu soo baxay iyada oo boqortooyada Sumcaddeedii dunida ay dhaawacday dhaliisha lagu hayo daryeelkeeda xuquuqda aadanaha ka dib markii la dilay saxafigii Jamaal Khaashoqji iyo sidoo kale dumar u ololeeya xuquuqda haweenka oo dhawaan xabsiga loo taxaabay. Waa kuwee meelaha ugu mudan ee dalxiiseyaashu Sucuudiga ka tegi karaan? Foohatul Wacaba Meel u jirta 250 Km magaalada Daa’if, waxa saxaraha badhtankiisa ku yaal god sidii hare oo kale ah oo ah meel malaayiin sano ka hor foolkaane ka qarxay. Badhtamaha godkaana waxa ka buuxda cusbo. Madaa’in Saalix Waa meesha labaad ee ay ku yaallaan guryaha laga qoray dhadhaabaha waawayn, waxayna ku xigtaa kuwa ku yaal Urdun. Goobtan Madaa’in Saalix waxa lagu daray goobaha Unesco u aqoonsatay dhaxalka aadanaha ka dhexeeya ee dunida. Xaafadaha Jidda ee qadiimka ah iyo kadinka Makka ee qalcadda ku taal Goobta labaad ee Sucuudiga ku taal ee ka midka ah goobaha Unesco u aqoonsatay dhaxalka aadanaha ka dhexeeya ee dunida wax aka mid ah kadinka Makkah ee xaafadda qadiimka ah ee Jidda. Magaalada Jidda waxay aasaasantahay qarnigii todobaad oo waxay ahayd dekad muhiim u aha ganacsigii badweynta Hindiya, waxaanay sidoo kale ahayd goob ah xujaajta doonyaha wataa u maraan magaalada barakaysan ee Makka. Qasriga Al-Masmak Qasriga Al-Masmak ee ku yaal Riyaad waxa la dhisay 1865 laakiin wuxu ku caan baxay dhacdo 37 sano dhismihiisa ka dib dhacday. Sannadkii 1902 ayaa Cabdicasiis Bin Cabdiraxmaan Bin Faysal Aal Sucuud oo masaafuris kaga maqnaa magaalada awowyaashii dib ugu noqday oo uu qabsaday Qasrigaa. Halkaas ayaanu xarun ka dhigtay oo uu ka bilaabay xukunkiisii uu ku qabsaday boqortooyooyinkii gobolkaa ka jira ee uu markii dambe ku mideeyey dalka haatan noqday Boqortooyada Sucuudiga. Umluj oo dadka qaar u yaqaanaan Maldives-ka Sucuudiga . Xeebta bacaadka ah ee Umluj waxay ku taallaa Badda Cas, marka xeeliga la joogana waxa si fiican loo arki karaa buuro iyo beero cambe ka baxo oo aan ka fogayn. Sawir gacmeedka ku xardhan buuraha Jubah iyo Shuwaymiis Sida ay sheegtay Unesco goob u dhaw dhadhaabahan waxay ahaan jirtay haro biyo leh oo ay dadka iyo dugaaguba u soo arooraan. Waxaana sawirada dhadhaabahaa ku xardhay dadkii halkaa deganaan jiray. Qaran News
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah toddobaadkan u tagey dalka Qatar ayaa ugu yeeray maal-gashadayaasha Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kaddib kullan uu Arbacadii Dooxa kulla qaatay guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sida ay xukuumadda iyo maal-gashadayaasha Qatar ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen jawiga maalgashi ee Soomaaliya,iyadoo kullanka uu goobjoog u ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar,Cabdirisaaq Faarax Cali. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Rugta Ganacsiga Qatar,Maxamed bin Axmed bin Towar Al Kuwari ayaa sheegay in shirakaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka Qatar ay daneynayaan in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo in la aasaaso iskaashi shirkaddo la wada leeyahay oo dan u ah labada dhinac. Waxaa kalo uu hoosta ka xariigey in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic ballaaraan kuwaasi oo dib loogu dhisayo dalka, isagoo inta ku daray inay qaadan doonaan shaqaale Soomaali ah ,kuwaasi oo fursaddo shaqo ka heli doona dalka Qatar. Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa boggaadiyay iskaashiga dhow ee ay Qatar la leedahay dowladda Soomaaliya,wuxuuna caddeeyay in ujeeddada socdaalkiisa Qatar ay la xiriirtay sidii loo xoojin lahaa xiriirka,soo bandhigida fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashi dhow uga yaalen lahaayeen labada dal kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha iyo kobcinta xirfadahooda. Warfaa, ayaa soo bandhigay farsadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, wuxuuna markaa ka dalbaday maal-gashadayaasha Qatar inay Soomaaliya maalgashi shaqooyin u abuuraya dhallinyarada ka hirgeliyaan. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho,isagoo muddadii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Qatar la kulmay dhiggiisa dalkaas iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar. View the full article
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xariga ka jaray safaaradda Soomaalida ka iibsatay caasimadda Mareykanka Washington. Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ku lahaa caalamka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahaan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muujiyay dadaallada ay dowladdu ku bixinayso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammaystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si simman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa ballan qaad u sameeyey Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi. Farmaajo oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jarayey dhismo cusub oo safaaradda Soomaaliya ee Washington looga iibiyey Mareykanka ayaa sheegay inuu booqan doono gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay, gaar ahaan kuwii sida aadka ah looga taageeray barnaamijkiisii Qaaraan Qaran. Madaxweynaha ayaa sidoo kale carab baabay deegaanada uu booqanyo, kuwaas oo kala ah Minnesota, Ohio, Taxes, Virginia iyo Toronto Canada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo kala hormarinayo sidii ay u kala taageereen waagii uu ololaha doorashada ku jiray ee uu ururinayay lacagtii uu ugu magaca daray Qaaraan Qaran. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadaasi uu fulin doono marka uu soo gabagabeeyo safarka uu hadda ku joogo Mareykanka, islamarkaana marka uu Muqdisho yimaado markale dib ugu laaban doono deg deg Mareykanka. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Mareykanka ayaa ah midkii ugu horreeyey ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii loo dootay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-soofeysane-2.mp3
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaallada ay dowladdu ku bixineyso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammeystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay suuqa Bakaaraha ugu geysteen Haweeneyd da’ aheyd. Haweeneyda la dilay oo magaceeda lagu soo koobay Xadiyo, ayaa la sheegay in shaax ay ku iiibin jirtay waddada labaad ee Suuqaasi. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Haweeneydaasi, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka sameeyey halkaasi. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-28092019.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay haweeney da’aheyd oo ku ganacsan jirtay gudaha Suuqaasi. Haweeneyda la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu soo koobay Xadiyo, taas oo iibin jirtay Shaax, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah. Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa marxuumadda ku toogtay waddada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka Haweeneydaasi, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. HALIFAX – A first call up for international duty recently resulted in a young HFX Wanderers FC player being a part of history. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalka uu ka lahaa caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadka Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray safaarada Soomaaliya ee Washington appeared first on Puntland Post.
  11. Wealthy Somali nationals in the diaspora are avoiding investing in Kenya, former Lagdera MP Farah Maalim has noted. Source: Hiiraan Online
  12. The theft of precious jewels from a Saudi palace in 1989 set off a chain of killings and a diplomatic crisis that continues to this day. Now, in a rare interview, the man behind the theft tells his story. Source: Hiiraan Online
  13. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has rejected an offer to join a dinner with the US President Donald Trump upon seeing the Egyptian President Abdel Fattah Al-Sisi accompanying him, Source: Hiiraan Online
  14. Rochelle Trepanier was planning on visiting her boyfriend in California, a trip she had made many times over the past two years. But this time was different Source: Hiiraan Online
  15. Shirweynaha QM oo ah madasha ugu weyn diblomaasiyadda caalamka, ayaa September 24, 2019 si rasmi ah uga furmay magaaladda New York. Shirka waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka kala socoda ilaa 193 waddan oo xubno ka ah golaha iyo marti sharaf ka timid daafaha dunida. Ma aha markii ugu horeysay ee madax Soomaaliyeed ka qaybgasho shirweynaha QM, hase yeeshee, madashaan waxay kaga duwan tahay kuwii ka horreyay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu la hortegay dunida – hoggaan ku raad joogta siyaasad xasilloon, hiigsanaysa horumar dhaqaale, u baahan taakuleyn amni iyo iskaashi caalami ah. Shir sanadeedka waxaa dib loogu eegi doonaa yolalkii caalamiga ahaa ee la isku raacay 2015kii ee la xiriiray “Dib-u- xoojinta dadaallada wadajirka ah ee dabargoynta saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.” Kulanku wuxuu kusoo beegmay, xilli dunida walwal ka hayo xiisadaha ka ololsan Bariga Dhexe iyo midda fog, taas oo ay dheer tahay khilaafaadka kacsan ee Kashmir ee u dhaxaya India iyo Pakistan, burburka wadahadalada Mareykanka iyo Taliban, dhul balaarsiga Israa’iil, dagaalka lagu hoogay ee Yemen, iyo burburinta midnimada ummadda Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, in Maraykanka iyo Shiinahu isku hayaan dagaal ganacsi oo saameyn ku yeeshay dunida inteeda kale, halka dalka Ingiriisku uu la jahawareersan yahay Brexit. Haddana, qof kasta wuxuu ka hadlayay wax ka qabadka cimilada marka laga reebo Washington. Dhanka kale, goobta waxaa ka socoto diblomaasiyad fara badan. Dadka qaarkii ayaa ka walwalsanaa habka wafdiga Kenya iyo kan Soomaaliya, oo in muddo ah wajigabax dhexyaalay, ay u kulmi doonaan. Hase yeeshee, arrintaas waxaa fududeyay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdifataax Al Siisi, oo haatan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika. Madax badan ayaa ku dadaalaysa sidii ay u meelmari lahaayeen ajendayaashooda, inkastoo shirka laga sugayo xoojinta siyaasad fursad shaqo u abuurto dhallinyarada, xalliso colaadaha iyo khilaafaadka halista ah ee caalamka, kobciso dhaqaalaha, ilaaliso xuquuqda aadanaha, mideysana dadaallada lagu wajahayo dhimista saboolnimada. Shirkii saddex geesoodka ahaa ee September 24, 2019 uu qaban qaabiyay Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa is faham leh ku dhammaaday. Hase yeeshee, tuhun wuxuu ka dhashay qoraal ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya, Marwo Monica Juma soo dhigtay barteeda twitterka oo ay ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan;” (VOA – September 26, 2019). Walow la saadaalinayey in Kenya, oo kaashanaysa madaxda dalalka Koonfur Afrika, ay duulaan dibloomaasiyad ku soo qaadi doonto Soomaaliya, si loo oggolaysiiyo inay dib uga soo laabto dacwada, haddana Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacadda VOAda ayaa sheegay in dowladda Kenya ay soo weydiisatay Mudane Al-Siisi inuu la kulansiiyo Soomaaliya. Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda gobolka ayaa aaminsan “in ujeeddada Kenya heshiiska ka leedahay ay tahay, (1) inay tusto maxkamada ICJ sawir qaldan, (2) in Soomaaliya aysan weydiisan Golaha Ammanka QM in laga qaado ciidamada Kenya mas’uuliyadda nabad ilaalinta dalka, iyo (3) inaysan lumin maareynta Jubbooyinka si danaheeda ugu ilaalsato. Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qorshahaas ka duulaya ayaa madaxda iskugu timid shirweynaha QM u sheegay inuu dadaal lixaad leh ugu jiro sidii muranka xuduudda badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wadahadal. Khubarada siyaasadda Geeska Afrika gorfeeya ayay u muuqata in Kenya ay lug u laaban tahay. Warar xog’ogaal ah ayaa sheegay, in Kenya la soo xiriirtay Madaxtooyadda Soomaaliya si toos ah inta aysan soo helin Mudane Al-Siisi, balse Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo la taliyeyaashiisu waxay diideen in Kenya ay la yeeshaan wadahal toos ah, ilaa ay ka oggolaato in garta maxkamadda ICJ loo daayo. Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mudane Uhuru Kenyatta kaga dambeyay khudbad ayaa yiri “Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka” (Sonna – September 27, 2019). Diblomaasiyaddu ma aha hawl ku kooban dowlad-ka-dawlad, hoggaamiyayaasha iyo danjireyaasha waxay leeyihiin door muhiim. Waxaan laga maarmaarmaan ah in had iyo jeer heegan loo yahay la kulanka cid aad dan ka leedahay iyo mid aadan ka lahaynba. Sida muuqata, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo bedelay khudbadiisii asalka ahayd, waxuu isticmaalay istrateejiyad uu ku muujinayo xaqiiqda diblumaasiyadda Uhuru Kenyatta la daba joogo Soomaaliya, markii uu caalamka tusay inuu ka been sheegay is fahamkii New York. Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka, waxay rumaysan yihiin in madaxda Kenya sii wadi doonaan dadaalkoodda ku aadan inay Soomaaliya ku qanciyaan in kiiska badda lagu xalliyo maxkamadda la’aan. Balse, Kenya waxaysan weli ma fahmin dhaqanka iyo dareenka dadka Soomaaliyeed, marka ay timaado wadaniyadda. War iyo dhammaantiis, inta cududda Soomaali ay qaybsan tahay, waxaa shaki ku jirin in shisheeyaha uu hunguriyayn doono dalka (bad iyo beri). Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanysa “Walaalo Colloobay, Waraabe Iskama Celshaan.” W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Washigton DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii jimcaha, 4:00 pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka. Dhismahan oo ku yaalla Address-ka, 1609 22nd St NW, Washington, DC 20008, ayaa waxaa dhowaan iibsaday Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa safaaradda Columbia ee Mareykanka. Waxaa furitaanka dhismaha, oo ku yaalla bartamaha Washington DC, xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka yimid magaalada New York oo uu uga qeyb-galay shirkii golaha guud ee QM. Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay Soomaaliya inay safaaradda ugu dambeyn degan tahay guri ay leedahay dowladda Soomaaliya, kadib tobaneeyo sano oo ay deganeyd dhisme kiro ah. Waa markii ugu horreysay ee safaaradda Soomaaliya ee Washington ay degto dhisme ay Soomaaliya leedahay. Waxaa horey u jiray guriga safiirka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (HOL) - Ilwad Elman, who moved from Canada to Somalia in 2010 to step into the shoes of her late father and champion of peace in Somalia to fight for former child soldiers and female victims of sexual abuse could be this year’s winner of a Nobel Prize, a Norwegian research organisation know for its predictions has said. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (HOL) - Ilwad Elman, who moved from Canada to Somalia in 2010 to step into the shoes of her late father and champion of peace in Somalia to fight for former child soldiers and female victims of sexual abuse could be this year’s winner of a Nobel Prize, a Norwegian research organisation know for its predictions has said. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Hargeysa)-Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo bandhigay maydka Gorgorkii dhowaan dadka waxyeeladda ugu geystay Hawdka Somaliland, gaar ahaana gobolka Saraar. Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland waxa ku sugnaa xiliga Gorgorkaasi lagu soo bandhigaayey Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ,wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed iyo ninkii dilay Gorgorkaasi ,kadib markii uu kusoo weeraray degaan kamid ah gobolka Saraar. Ninka Gorgorkan dilay ayaa ka xog waramay sidii uu Gorgorkaasi usoo weeraray iyo sidii ay ugu suurto gashay in uu dilo , ninkan ayaa sheegay in Gorgorkani kusoo weeraray meel u dhow degaanka Oog ee gobolka Saraar oo uu meherad ku haystay, waxaanu tilmaamay in gorgorkan iyo 11 shimbirood oo kale oo wehelinaayey ay xaga sare kaga soo degeen , kadibna uu gorgorkani isaga toos usoo beegsaday. Waxa uu sheegay ninkan uu Gorgorku soo weeraray in gorgorkani cagihiisa kaga qabtay labada Garab, isaga oo isku deyaaya in uu madaxa ka dalooliyo , maskaxdana kala soo baxo, laakiin uu luqunta iska qabtay Gorgorkaasi, kadibna uu baalashiisa wejiga kala dhacaay. Ninkan ayaa sheegay in qori meel meherada kamid ah ku tiirsanaa uu tiigsaday, sidaasna uu ku toogtay Gorgorkii, halka ay shimbirihii kale ee la socdayna kala yaaceen markii ay dhawaqa rasaasta maqleen. Waxa ninkan soo gaadhey dhaawacyo fudud oo uu Gorgorkaasi soo gaadhsiiyey. Source
  20. Soomaaliya Oo Ku Faantay In Ay Xoriyad Kaga Qaybgashay Shirka Maamulka Hawada Iyo Duulimaadyada Iyo Somaliland Oo Wali Wahadalladii Istaagay Rejjo Ka Qabta (SLT-Hargeysa)-Shirkan oo ah heer Wasiir, kana dhacay Magaalada Montreal ee dalka Canada, isla markaana ay qabanqaabisay Hay’adda QM u qaabilsan Maamulka Hawada iyo duulimaadyada ICAO, ayey markii ugu horaysay ka qaybgaleen wefti ka socda Maamulka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadu. Sida laga baahiyey Telefishanka Dawladda, weftiga waxa xubno ka ah Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, kuwaasoo shirka kaga qaybgalay magaca cida maamusha Hawada Soomaaliya, laakiinse shirkan waxaan qayb ka ahayn Somaliland oo ka madaxbanaan Soomaaliya, hawadeeddana iyadu maamusha. Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya oo la hadlay Telefishanka Dawladda ayaa sheegay in ay shirka ku soo bandhigeen qorsheyaasha maamulkiisa ee la xidhiidha maamulka Hawada. “Soomaaliya ilaa iyo burburkii markii uu ku dhacay dagaalkii Sokeeye waa markii ugu horaysay ee ay ka soo qaybgasho shirkan iyadoo xor ah oo aan cidna hoos-tegin ee u yimi keliya in ay xubin ka yihiin oo aanay ICAO xukumin” ayuu yidhi Wasiir Oomaar. Maqnaanshiyaha Somaliland Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawladda Somaliland tan iyo markii ay Xukuumadda Farmaajo bilowday qorsheyaasha ay kula wareegayso Maamulka Hawada, waxaanay dadka Somaliland isweydiinayaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse ma waxa ay raali ka tahay in Hawada Hargeysa laga xukumo Muqdisho, mise waxa jira qorsheyaal kale oo ay gorgortan kagala jirto caalamka sidii Hawaddeeda looga madaxbanaanayn lahaa Soomaaliya. waxa kale oo iyaduna Qodob labaad oo isweydiin leh noqonaysa sababta ay Hay’adda ICOA ee gacanta ku haysay Maamulka Hawada Soomaaliya shirkan ugu casuuntay Dawladda Federaalka ah oo qudha, haddii ay Somaliland diidday in ay ka qaybgashana dib ugu dhigi wayday in dhinac qudha uu ka qaybgalo Shirkaasi. Marka dib loogu noqdo wadahadalada istaagay ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey kulamadii ka dhacay London, Stanbul iyo Dubai, waxa kamid ahaa sidii ay maamulka Hawada iyo qaybsiga dhaqaalaha ka soo baxa labada dhinac u maareyn lahaayeen. Hase yeeshee wadahadaladaasi oo istaagay sanadkii 2014-kii, laguna guul-daraystay in dib loo bilaabo, ayaa waxa muuqata in ay dawladda Somaliland ka rejjo dhigtay, sida uu horaantii todobaadkan u sheegay Wargeys ka soo baxa Magaalada Hargeysa Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon. “Mawqifka aynu ka taagan nahay, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada hadlaan,balse ilaa hadda Somaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada hadalada, waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo doonaya in Somaliland madax banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”ayuu yidhi Faratoon. Ugu dambeyn, Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa laga sugayaa talaabo Jawaab u noqota Su’aalaha khuseeya arrinta Maamulka Hawada ee ay Bulshada Somaliland isweydiinayso, ugu yaraana ay raacdo talooyin badan oo qayb kamida loogu soo jeediyey Qormooyin Gobanimonews todobaadyadii la soo dhaafay baahisay. Source