-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The US Africa Command (AFRICOM) said Wednesday that it had conducted an airstrike against the al-Qaeda affiliated al-Shabaab group in southern Somalia, killing two militants. The airstrike took place north of the port city of Kismayo, the capital of Lower Jubba, and they were targeted after the group attacked a Somali patrol, according to AFRICOM. “In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike on Al-Shabaab insurgents after they attacked a Somali patrol northwest of Kismayo, Lower Juba Province, Somalia on Sept. 17. At this time, it is assessed the airstrike killed two (2) militants,” AFRICOM said in a statement posted on Twitter. No civilians were injured or killed as a result of this airstrike, the statement added. Separately, on Tuesday, Somali National Army Commander Gen. Odawa Yusuf Rage said that the army had killed the al-Shabaab “governor” of the central region of Hiran alongside another senior militant. Meanwhile, the Jubaland State of Somalia forces said that it had killed more than 15 al-Shabaab fighters in the Lower Jubba region in an operation on Tuesday. View the full article
-
The Government of the Federal Republic of Somalia warmly welcomes President Donald J Trump’s acceptance of credentials from Somalia’s new ambassador to Washington H.E Ambassador Ali Sharif Ahmed who presented his credentials at the White House to the president of United States of America and is mandated to build on the strong historical bonds of friendship, strategic cooperation and partnership for progress to advance the mutual benefit of both countries. The people and Government of the Federal Republic of Somalia consider America a strong ally and partner for Somalia’s development and progress. Ambassador Ali Sharif previously served as the Somali Ambassador to Ethiopia and France respectively. He also served as the Permanent Representative of Somalia to the African Union and UNECA. In addition to his public sector experience, Ambassador Ahmed worked as a business executive, entrepreneur, and consultant for firms with global operations. Ambassador Ahmed holds a master’s degree in Geopolitics and Grand Strategy from the University of Sussex and a bachelor’s degree in Peace and Conflict Studies from London Metropolitan University. The Somali government is confident that H.E Ambassador Ali Sharif Ahmed will fulfill his duties to build on our two countries’ historic relations with modern opportunities that benefit both sides. View the full article
-
Gaarigii lala eegtay qaraxa Waxaa maanta duleedka magaalada Muqdsiho, gaar ahaan aaga Jaamacada Shabeelle ka dhacay qarax khasaaro geystay. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari HILUX ah oo ay saarnaayen injineero Turkish ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la soo warinayaa in uu dhaawacmay mid ka mid ah injineerada Turkiga iyo labo ka mid ah ciidamadii ilaalada ahaa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana la sheegay inay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad lagu qab-qabtay, iyadoo muddo uu hakad galay isku socodka gaadiidka Muqdisho iyon Afgooye, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadshay qaraxaas. In badan wadada isku xirta Muqdsho iyo Afgooye waxaa ka dhacay qaraxyo kuwa dhulka lagu aaso ah oo geysta khsaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho, Afgooye iyo jowhar, waxaa maalgalinaysa dowladda Qadar, waxaana dhismaheeda qaatay shirkad Turkish ah, sanadkii hore ayaana waxaa daahfuray daah-furay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ku dhawaad Toban qof oo ka mid ahaa dadkii laan-goynayay wadadaas lagu dilay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye. Al-shabaab oo maamusha meelo badan oo wadadaasi marti ayaa horey uga digay dhismaheeda. PUNTLAND POST The post Qarax lala eegtay injineero Turkish ah oo dhisa wada Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- Israel)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo ninka la loolamaya ee Benny Gantz ayaa ku kala adkaan waayey doorashadii guud ee shalay dhacday, taasi oo sare u qaadeysa suurta-galnimada ah in la dhiso dowlad wadaag ah, ama xitaa uu soo geba-geboobo xukunkii muddada dheeraa ee Netanyahu. Warbaahinta Israa’iil ayaa werineysa in in xisbiga garabka-midig ee Netanyahu ee Likud iyo kan Gantza ee Blue and White uu mid walba helay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka, ayada oo 90% la tiriyey codadka. Warbixinadan ayaa soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan guddiga doorashada, hase yeeshee natiijada rasmiga ah weli laguma dhowaaqin. Natiijadan ayaan wax waddo ah oo ay ku dhisaan dowlad siineyn labada xisbi, taasi oo qasab ka dhisey in lasoo dhiso dhowlad wadaag ah. Haddii natiijada ay sidan sii ahaato, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Netanyahu, oo doonayey inuu dhiso dowlad isbaheysi ah oo dhanka midig jirta, lana mid ah tan hadda uu hoggaamiyo, xilli uu wajahayo eedeymo ku saabsan musuq-maasuq. Netanyahu ayaa khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyey ku sheegay inuu soo dhisi doono dowlad “xoogan oo sahnuuniyad ah.” Gantz ayaa isna dhankiisa ku baaqay “dowlad midow ah oo baaxad weyn”, balse waxa uu sheegay inuu sugayo natiijada rasmiga ah. Source
-
MOGADISHU (HOL)- Somali Ministry of Labour has unveiled the country’s social protection policy aimed at protecting the welfare of vulnerable sections of the society. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow lala eegtay Injineerada dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala beegsaday gaari HILUX ah oo ay wateen Injineeradaasi oo u dhashay dalka Turkiga, xilli ay marayeen agagaarka Jaamacadda Shabelle. Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo u badan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah Injineerada iyo askar ilaalo u aheyd. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaliya oo la xariira qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa horay uga digtay dhismaha jidkan, inkastoo markii dambe la sheegay in Qatar ay siiyey lacag, si loo wado dhismaha waddadaas oo muhiim u ah dadweynaha. Lama oga in qaraxan uu la xariiro digniintaasi iyo in kale, balse Al-Shabaab ayaa horay Muqdisho uga joojisay dhismayaal kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shirkaan wuxuu ahaa kii Nicosia ah kii ugu horeeyey ee lagu qabto Puntland, Balanqaadyo badan ayaa looga yaboohay,Shirkada dhowra oomaal qabeeo Ajnabi ah ayaa ku [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay gurigiisa kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyneyaasha maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed. Kulanka oo ahaa mid is xog wareysi ah ayaa inta badan diirada lagu saaray wadashaqeynta gobolka Banaadir iyo maamulladaasi. Ugu horreyn Madaxweyneyaasha Maxamed Cabdi (Waare) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa uga mahadceliyey guddoomiyaha soo dhoweyntiisa. Sidoo kale waxa ay u ballan qaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka uu hoggaamiyo ee gobolka Banaadir. HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa muhiim u ah in maamulka gobolka Banaadir ay ka la shaqeeyaan amniga Muqdisho, maadaama ay daris la yihiin Caasimada. Waa kulankii ugu horreeyey ee Cumar Filish uu la qaato mas’uuliyiintan, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa si weyn walaac uga muujiyay xiisad ka taaggan galbeedka Somaliland, waxaanay sheegeen in ciidamada Qaranka ee Somaliland cagta mariyeen mid ka mid ah beelaha shaqaaqadu ku dhex martay halkaasi., Halkan hoose ka DAAWO Source
-
EDITORIAL The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed, has paid a visit to Dhusamareeb to conclude a conference for Galmudug stakeholders. A statement issued in the name of the Republic of Federal Republic of Somalia describes the event as a reconciliation conference. The Government of the former President, Hassan Sheikh Mohamud, finalised the process to create Galmudug as an inclusive Federal Member State four years ago. To describe the process of electing a new President for Galmudug as reconciliation is utterly misleading. Participants at the conference for “new Galmudug” What is more, the statement bearing the Federal Government’s imprimatur contains a misleading detail that downplays divisive tactics of the incumbent Federal Government. One of the aims of the conference is, ” to create a new Galmudug”, the statement reads. The motive to influence electoral outcomes in Galmudug draws attention away from parts of Southern Somalia in dire need for genuine reconciliation. In Lower Shabelle, where armed militias dispossessed people of their farms and occupied territories that traditionally peaceful clans inhabit, the Federal Government prefers to worsen the plight of oppressed clans. No wonder elders of South West State have rejected the initiative to hold one person, one vote elections. They urged the government to stick with the 4.5 power-sharing system. They understand that elections held under the current conditions will legitimate the suffering of their people at the hands of a Federal Government that misuses the idea of reconciliation at the expense of long-suffering citizens in Lower Shabelle and Middle Shabelle. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post Lies of Somali Federal Government Exposed in Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berlin)-Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada u dhaxeysa Washington iyo Iiraan ay tahay in loo laabto heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-ka. Midowga Yurub wuxuu aaminsan yahay in heshiiskan uu ka hor istaagi karo Iiraan in ay joojiso qalabeynta dhanka milatariga iyo in ay sameysato hubka wax gumaada ee Nuclear-ka, sidaasi darteed waa in aan u laabanaa heshiiska ayey tiri Markel. Hadalkaan ayey ka sheegtay shir Jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Berlin oo talaadada maanta ah ay kula kulantay boqor Cabdalaha dalka Jordan. Ra;isul wasaaraha Jarmalka ayaa dhanka kale xustay in dalkeeda uu doorbidayo in hab diblumaasiyadeed loo xaliyo qilaafka xiisada ka taagan bariga dhexe oo u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka. Source
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa shalay sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeedhay “weeraradii fuleynimada ahaa” ee hakiyey kala-badh wax soo saarkii saliida dalkiisa, hase yeeshee waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay “si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey. Dowladda Sacuudiga ayaa ku celisay eedeynteeda ah in hubka Iran loo adeegsaday weerarka, hase yeeshee ma ayna yaboohin wax caddeymo ah oo taageereeya sheegashadeeda. Hadalka boqorka ayaa waafaqsan kii madaxweynaha Donald Trump uu isniintii ku sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay weerarka. Golaha wasiirada Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkii sabtidii uu halis geliyey ammaanka dunida iyo qeybinta tamarta dunida. Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka. Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan “qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka. “Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar waad ku qasban tahay” ayuu yidhi. “Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn, balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.” Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-u heshiisiinta ee Beelaha daga Dowlad Goboleedka galmudug. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu ku soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhamaaday, iyadda oo laga gaaray guulo waaweyn. Wasiirka ayaa Ergada kasoo qeyb gashay shirkii ee matalayey Beelaha Galmudug daga ay ka ogneyd inay xal waara ka gaareen deegaanadooda siddii dadku nabad u gaari lahaayeen iyaga oo wadajira, Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in ladhameeyo arrimo yar oo Beelaha qaarkood soo kala gaartay. Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaateen arrinta Galmudug oo waqti badan ku bixiyeen. Galmdug ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa isku diyaarineysaa Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaasa kasii horeeya in lasoo xulo Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaas oo mardhow ka biilan dooonta Dhuusamareeb. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-u heshiisiinta ee Beelaha daga Dowlad Goboleedka galmudug. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu ku soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhamaaday, iyadda oo laga gaaray guulo waaweyn. Wasiirka ayaa Ergada kasoo qeyb gashay shirkii ee matalayey Beelaha Galmudug daga ay ka ogneyd inay xal waara ka gaareen deegaanadooda siddii dadku nabad u gaari lahaayeen iyaga oo wadajira, Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in ladhameeyo arrimo yar oo Beelaha qaarkood soo kala gaartay. Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaateen arrinta Galmudug oo waqti badan ku bixiyeen. Galmdug ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa isku diyaarineysaa Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaasa kasii horeeya in lasoo xulo Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaas oo mardhow ka biilan dooonta Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed, kaasoo dhowaan ay magacawday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Amb. Cali Shariif Axmed ayaa lagu qaabilay Aqalka cad ee Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump, kuna wareejiyay waraaqihiisa aqoonsiga ee Danjirmo. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Amb. Cali Shariif uu waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka. Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya Safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawda Mareykanka, tan iyo sanadkii 2014, xilligaasoo dowladda Soomaaliya markii u horeysay muddo 20 sano oo ay Safiir u magacawdo dalka Mareykanka, kaasoo ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Tan iyo sanadkii 2018 Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa aheyd Safiir la’aan, kaddib markii Axmed Ciise Cawad oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Washington loo magacaabay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Source
-
Madaxweyne Deni oo ka duulay garoonka Gen. Maxamed Abshir Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhaweyd safar dhanka cirka ah ugu ambabaxay deeegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug. Socdaalka Madaxweyne Deni ee Garacad ayaa ujeedkiisu yahay in uu soo kormeero deked sanadkii hore dhismaheeda laga bilaabay halkaas, oo uu dhagax dhigay Madaxweynihii hore Cabdiwali Cali Gaas. Madaxweyne Deni iyo wafdiga uu hogaamanyo ayaa inta uu Garacad joogo kulamo la qaadan doono dadka deegaanka iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha dekadda Garacad. Madaxweyne Deni waxaa safarka Garacad ku wahelinaya dad raba in ay maalgashadaan Garacad, kuwaas oo ka qeyb galay shirkii maalgashiga Puntland ee shalay ku soo xirmay Garowe. Waa safarkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Deni ku tago deegaan xeebeedka Garacad tan iyo intii la doortay 8-dii Janaayo 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo u safray Garacad appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Yemen)-Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa aad u dhaleeceeyay dowladaha taageeraya Isbaheysiga Sacuudiga kadib weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka ay maleeshiyadan ku qaaday warshada shidaalka ee Aramco. Afhayeenka kooxda oo lagu magacaabo Xuuti Ansaarulah ayaa ugu baaqay kuwa ka walwal qaba weerarka lagu qaaday ilaha dhaqaalaha Sacuudiga inay ka fikiraan kuwa aan wax heysan oo maalin walba dhiigooda la daadinayo. Mr Xuuti ayaa dhanka kale tilmaamay in wadahadal iyo isfaham lagu heli karo nabad waarta oo ka dhacda wadanka Yemen ayna isku dhiibi doonin dowlado dano gaar ah ka leh Yemen. Wuxuu hadalkiisa ku soo koobay kuwa ka xun weerarkii 14-kii bishan September lagu qaaday xarunta ugu weyn ee shidaalka caalamka laga soo saaro ee Aramco, in nafsadooda ay ku dhaliilaan sida ayna ugu hadlin dhiiga shacabka Yemen ee maalin walba la daadinayo. Source