Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulankii 2aad oo maanta Adis Ababa ku yeesheen golaha nabadda iyo amniga midowga Afrika, laguna falanqeynayey codsiga Kenya ee ahaa in kiiska badda ee ICJ yaalo ee kala dhaxeeyo Soomaaliya loo soo wareejiyo Afrika ayaa ku soo dhamaaday arrin dharbaaxo ku ah dalka Kenya. Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen qareenada dalalka 15-ka ah ee ku jira golaha ayaa la isku raacay in kiiska loo daayo maxkamadda uu yaalo. Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in golaha uu isku raacay in aaney soo wareejin karin, awoodna u laheyn gal dacwadeed ka furan ICJ, taasi oo meesha ka saaray damacii Kenya ay ka laheyd Afrika. Kulankan waa kii 2-aad ee golaha ka yeesho arrintan, kulankii talaadadii waxaa uu ahaa dhageysiga labada dal, Soomaaliya waxay ku dooday iney ixtiraameyso midowga Afrika, waxana ka aasaastay laakin dacwadan maadaama ay taalay ICJ muddo 5 sano ah loo daayo, taasi oo u muuqato in maanta la qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hobyo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo. Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”. Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”. Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”. Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo hogaanka Jubaland. Daahir Aamiin Jeesow, mudane ka tirsan Aqalka Hoose, ayaa hogaanka maamulkaasi ku tilmaamay “dambiile”, sida uu hadalka u dhigay. Xukuumadda ayuu shaaciyey in ay ku tartarsiin doonan sidii ay talaabo uga qaadi lahayd madaxweyne Axmed Madoobe, uu sheegay in uu dambiyo geystay. Hadalka sharcidejiyaha ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili doorashooyin kala duwan oo ka dhacay degaanada dowlad goboleedkaasi ay khilaaf ka dhasheen. Dowladda oo qaadacday doorashooyinkaasi ayaa waxay sheegtay in ay maamul loo dhan yahay u sameyneyso maamulkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-05092019.mp3 View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Ka Kacay Gudaha Dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Askari ka mid ah ciidanka amniga Kenya ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Booliska magaalada Nairobi. Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska degmada Riruta Benson Indeche ayaa dhaawac xoogan ka soo gaadhay kadib markii ay murmeen askari ay saldhiga ka wada Howlgalayeen. Mr Indeche ayaa lagu toogtay xaafada Kawangware kadib muran soo kala dhexgalay askarigaan oo ku jiray howlo Roondo ah sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay taliska booliska Nairobi. Askariga dilka geystay oo sakhraansanaa ayaa u hanjabay ragga ku shaqeesta mootooyinka kuwaasi oo dacwad ka Gudbiyay. Taliska booliska saldhiga Riruta oo ka duulaya arintaan ayaa ku guul dareystay markii xaalada ay gaadhay gacan ka hadal waxaana dhaawac uu soo gaadhay taliye ku xigeenka la dilay iyo askariga dhaawaca gestay. Mr Indeche, ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday Cisbitaalka haweenka ee Nairobi halka askariga kale ee wax dilay uu xaalada halis ah ku Jiro. Dalka Kenya ayaa aalaaba waxaa ka dhaca muranada u dhaxeeya askarta kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala gacan ka hadal dhimasho Sababa. Source
  7. (SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa mar kale maanta waxaa asiibay guul-darro culus kadib markii walaakiis uu ku dhowaaqay inuu iska casilay xil wasiir ku-xigeen iyo xubinnimadii baarlamanka. Jo Johnson ayaa is-casilaaddiisa soo dhigay twitter-ka, waxaana uu sababta ku sheegay iska hor-imaanshaha danta qoyska iyo tan qaranka. “Toddobaadyadii dhowaa waxaan u kala qeybsanaa u daacad ahaanshaha qaranka iyo qoyska, waana xiisad aan la xalin karin, sidaas darteed waa xilligii ay dad kale la wareegi lahaayeen xubinnimadeeda baarlamanka iyo wasiirnimo” ayuu yidhi Jo. Weli ma cadda, haddii ka tagista Jo ee baarlamanka ay macnaheedu tahay inuu deg deg uga tagay ama in aanu raadin doonin in dib loo soo doorto. Is-casilaaddiisa ayaa imaneysa xilli walaalkiis uu dhowaan 21 xildhibaan ka eryey xisbiga Conservative-ka, oo ku kala qeybsan qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ka bixitaanka Midowga Yurub ayada oo aan heshiis la gaarin. Boris Johnson ayaa arbacadii waxaa asiibay guul-darro kadib markii baarlamanka uu u codeeyey sharci dowladda ku qasbaya inay Midowga Yurub weydiisato in dib loogu dhigo ka bixitaanka ururka oo la waqtiyeeyey 31-ka October. Source
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa maalintii salaasadii safar shaqo oo rasmiya ku tagay dalka Jabuuti, sida ay baahisay madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa madaarka Jabuuti waxa ku soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisiba Raysul wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil, iyadoona loo sameeyay hab maamuus. Biixi ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele kulan kula qaatay madaxtooyada dalkaasi, iyadoona lagaga wada-hadlay kulankaasi arrimo badan oo dan u ah labada dhinac ee Somaliland iyo Jabuuti. Kulankaasi ayaa waxa si gooni gooni ah uga hadlay labada Madaxweyne ee Biixi iyo Geele, waxayna si isku-mid ah hoosta uga xariiqeen xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga. Madaxweyne Geele ayaa kulankaasi kaga hadlay bartiisa Twitterka iyo Facebook-ga, isagoona bidhaamiyey qodobo dhowr ah oo u daarna kulankaasi, waxaana lagu yiri qoraalkaasi: “Madaxwaynaha Jamuriyada Mudane Ismacil Cumar Geele ayaa qasriga madaxtoyada waxa uu ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland Mudane Moussa Bixi Abdi. Kulanka labada dhinac ay yesheeen waxa lagu soo qaday arrimo badan oo dan uu ah labada dhinaca sida iskashiga uu dhexeya jamhuriyada Jabuuti iyo Somaliland gaar ahaan dhinacayada dhaqaalaha, warfafinta iyo ganacsiga. Kulankan waxa laagu soo qaday sido kale hawlaha wax wada qabsiga Jabuuti iyo Somaliland sida wadada cusub ee isku xidhaysa Jabuuti iyo Somaliland oo hadda gaba-gaba ku dhaw.” Madaxweyne Biixi oo isaguna shalay ka hadlay socdaalkaasi uu ku joogo dalka Jabuuti iyo kulanka uu la qaatay Madaxweyne Geele, ayaa waxa uu yiri “Waxa aan u mahad-celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa oo nagu soo dhaweeyay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay oo aanu ku joogno booqasho rasmi ah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa aanu ka wada-hadalnay in la iska kaashado horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, isku socodka, labada shacab ee walaalaha ah iyo xoojinta nabadgelyada guud ahaan gobalka Geeska Afrika”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. (SLT-Jabuuti)-Weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Jabtuui ayaa maanta booqday laba xaruumood oo kala ah Telecom Djibouti iyo xarunta tareenada ee dalka Jabbuuti. Waxa weftiga Madaxweynaha Somaliland kormeerkaasi ku wehelinayey wasiirada Xanaanada xoolaha, beeraha iyo biyaha, gaadiidka, warfaafinta ee dalka Jabbuuti iyo masuuliyiin kala duwan. Waxaana weftiga madaxweynaha xarumaha uu booqashada ku tagay ku soo dhaweeyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee goobahaasi. Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu saxeexay buugga lagu qoro madaxda soo booqatay xarunta Telecom DJabuuti, iyadoo masuuliyiinta xaruntuna madaxweynaha ay gudoonsiiyeen hadyad ka kooban astaanta dhaqanka iyo hiddaha jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Hobyo (Caasimadda Online) – Shirkii Nabadda ee Magaalada Hobto oo ay ka qeyb galeen Beelaha kala duwan ee Habargidir ayaa Maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyey, waxaana laga soo saaray dhawr qodob. Qodobka koowaad ayaa lagu caddeeyey in Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) uu yahay gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, uuna matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha Habargidir. Sidoo kale war murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Shirka Nabadda Hobyo uu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqay dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo. Waxaa sidoo kale war murtiyeedka lagu soo dhaweeyey dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. waxaana Dowladda Soomaaliya loogu baaqay in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada laga soo saaray shirka oo dhameystiran 1. Golaha Hoggaaminta Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG 2. Munaasabadda caleemo-saarka Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho. 3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo. T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo. J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay. 4. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya. 5. Dekedda HOBYO Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.
  11. (SLT-Hargeysa)-Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa ay sheegayaa in goor-dhawayd uu Dab xoog leh uu ka kacay mid ka mid saddex wiish oo casri ah oo ay shirkadda DP World ku soo kordhisay dekedda Magaalada Berbera. Dabkan oo si xawli ah u socda ayaa waxa laga cabsi qabaa in uu intaa ka sii ballaadho waxaana la tacaalaya maamulka iyo shaqaalaha dekedda Berbera, walow uu dibku wali socodo sida uu ku warramayo wariyaha Somalilandtoday ee magaalada Berbera. Wiiskan ayaa waxa uu ka mid ahaa saddex uu ay shirkadda maamusha dekedda Berbera DP World ku soo kordhisay si ay u fudaydiyaan koontiinarada iyo alaabta laga soo dejinayo iyo kuwa laga rarajo Dekedda Berbera. Ma cadda Sababta keentay dab xoogga leh ee ka kacay Wiishan dhawaan lagu soo kordhiyay. Ma jirto Illaa hadda cid ka hadashay dabkan iyo sababta keentay. Maaha markii ugu horraysay ee dab ka kaco dekedda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World. Wixii war ah ee ka soo kordh kala soco Somalilandtoday.com Source
  12. Waxaa socda da’daalo ay Beesha Caalamku ku doonayso inay dhameeyaan Khilaafka u dheexaya Madaxda sare ee Villa Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland. Safiirada Ingiriiska, Sweden iyo [...] Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Arrinta Loogu Yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Cidda U Yeedhay, halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Xarunta Dhaqanka Ee Hargaysa?, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo. Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”. Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”. Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”. Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Golaha Deegaanka Baran ee Gobolka Sanaag ayaa waxay Gudoomiye Xigeenka Duqa Degmada u doorteen Xaawo Maxamed oo noqotay Qofkii Dumar ah oo ugu horeeyey jagadaas [...] Source
  17. Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir Guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Shirka Maalgashiga Puntland, Ansixinta Xeerka Tayeynta Caasimadda, Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Badhan iyo Warbixino kale. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay xeerka Tayeynta caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta xiray afarta jiho ee la soo galo aqalka dowladda hoose ee gobalka Banaadir. Ciidankaan oo ka tirsan ilaalada gobalka Banaadir ayaa sameeyay gadood, kadib markii ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen dhowrkii bil ee la soo dhaafay. Askarta qaar ayaa dhagxaan ku jiray albaabada laga galo aqalka dowladda hoose waxayna diideen in la galo ama laga soo baxo. Sidoo kale ciidamada ayaa is hortaagay gaadiid ay wateen agaasimayaal gobalka ka tirsan iyo guddoomiyaal degmo. Buuq iyo dood muddo taagneed kadib waxaa lagu guuleestay in la qaado ciidankii gadoodka sameeyay, kuwaas oo wali ku sugan goobihii ay markii hore daganaayeen. Booliiska Soomaaliya ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay qaadan mushaar, waxaana marar badan laga soo xigtay iyagoo ku doodaya “milateriga waxay furamo laga soo baxo laakiin annaga ma lihin goobo aan ka baxno” waxayna arintaas muujineysaa heerka ay ka taagan tahay ciidanka lagu aaminay amniga Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Bangiga Amal ayaa adeegga cusub ee TACAB KAAL ka daahfuray Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, adeegaas ayaa Bangigu ugu talo galay inuu ku maalgaliyo ganacsatada beeralayda ah iyo kuwa doonaya inay ka fii’iidaystaan iibka caanaha iyo xoolaha. Ujeedada Adeegga TACAB KAAL ee Bangiga Amal ayaa ah in uu soo saaro ganacsato ka faa’iidaysta khayraadka Badda iyo Dhulka ayna helaan qalab casri ah ay u isticmaali karaan falidda dallaga, waraabinta beeraha si casriga ah, tacabka xoolaha nool iyo dhaqidooda (Geel, Lo’ iyo Ari), Iyo inuu taabo galinyo aalado casri ah oo u diyaarsan in lagu kaydiyo ama lagu qaboojiyo caanaha iyo hilibka xoolaha. Adeegga TACAB KAAL ayaa ku maalgalinaya ganacsatadaas agabka kala ah:- Greenhouse (qalabka beeraha casriga ah). Solar panels (qalabka tamarta cadeeda looga dhaliyo). Refrigerators (talaagadaha qaboojiya caanaha ama kaluunka) Maalgalinta xoolaha nool (Geel, Lo’ iyo Ari) Calafka iyo daaqa xoolaha. Modern Irrigation System (qalabka waraabka oo casri ah). Adeeegga TACAB KAAL ee Bangiga Amal waa mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee uu Bangiga Amal u hirgaliyay bulshada si loo casriyeeyo habka waraabka beeraha, kaydinta caanaha iyo hilibka oo la istimcaali doono tamarta laga dhaliyo cadceeda. Baniga Amal ayaa sidoo kale waxaa u qorshaysan inuu goor dhaw ka hirgaliyo adeegga TACAB KAAL Magaalooyinka oo dhan sida Muqdisho, Hargaysa, Kismaayo, Burco, Boorame, Qardho, Laascaanood, Buuhoodle, Baydhabo, Baladwayn Iyo Gaalkacyo. Daahfurka Adeegga TACAB KAAL ee magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Baniga Amal, Masuuliyiinta gobolka, Culimada, Odaashaaya Dhaqanka, Dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe. Waxayna uga mahadceliyeen Bangiga Amal kuna dhiiri galiyeen inuu Bangigu sii wado adeegyada uu u fidinayo bulshada dhamaanteed. Hoos ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post Bangiga Amal oo Garoowe ka daah-furay adeegga TACAB KAAL appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa kasoo baxay qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xarigii loo geystay wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Xayiradii ay Dowladda Soomaaliya saartay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo. Shirkaan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa shir guddominayey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ugu baaqay in khilaafka iyo tabashooyinka ka jiro Jubbaland lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha Dowliga ah dhexdooda. Golaha Wasiirada Jubblanad ayaa sidoo kale cambaareeyey xariga Sharci darada ah ee loo geystay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur. Xariga Janan ayaa imaaday xilli Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay iyadoo sheegtay in Xeer ilaaliyaha Qaranka uu ka laabtay Dacwadaas. Golaha ayaa shirkooda ku sheegay in cawaqibka ka dhasha xariga loo geystay Janan ay mas’uuliyadeeda qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ka hadlay xayiraadii la saaray Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kadib markii ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaaradaha u socdo iyo kuwa ka imaado Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa labadaan arrin u saaray guddi ka kooban 7 Wasiir, waxaana guddigaas loogu baaqay inay xal deg deg ah u keenaan Xayiraadda Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Xariga Wasiir Janan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Warsheekh (SMN) – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Isniintii Todobaadkan kala wareegay howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, Saldhig ku yaalla Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Shantii Sana ee lasoo dhaafay. Taliye ku xigeenka howl-gallada iyo qorsheynta AMISOM, Janaraal; James Nakibus Lakara, oo ka hadlayay munaasabaddii ay Boliiska Soomaaliyeed kula wareegayeen Saldhigga ayaa sheegay in ay midowga Afrika taabba gelinayaan qorshaha kala guurka ee ay Ciidamada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga Dalka marka ay iyagu baxaan 2021-ka. Mr; Nakibus Lakara, ayaa sheegay in ay AMISOM horay u banneysay fariisimo ay ka mid yihiin, Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, Mogadishu Stadium, Kulliyadda Ciidamada ee Jaalle Siyaad, Via Afmadoow Kismaayo, haatanna ay wareejinayaan Saldhigga Boliiska Warsheekh. Janaraal; James Nakibus Lakara, ayaa Ciidanka Burundi ee ka howl aagga Warsheekh ku ammaanay sida ay amniga u sugeen, isla markaana u kasbadeen Bulshada halkaasi ku dhaqan, wuxuuna Ciidanka nabad gelyada Soomaaliya ee shaqada kala wareegay kula dar-daarmay in ay muujiyaan karti iyo feejignaan dheeri ah. Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa yididiilo ka muujiyay halka ay ku socoto nabadda Soomaaliya, wuxuu si aad ah ugu mahad celiyay doorka ay AMISOM ka ciyaartay in Dalka lagu soo dabbaalo nabad iyo xasillooni. “Waa iska cadahay in qorshaha kala-guurka aannu si buuxda u wajahayno, waxaana halkaan u joognaa inaan ka marqaati kacno taas,ammaanka Degmada Warsheekh hadda wixii ka dambeeya waxaa mas’uul ka noqon doona Ciidanka Booliska Soomaaliya,”ayuu yiri Wasiir C/naasir. Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle, Xasan Dhicisoo Xasan, ayaa sidoo kale AMISOM kaga mahad celiyay muddadii ay Warsheekh ku sugnaayeen sidii ay kaga qeyb qaateen ammaanka iyo shaqada naf hurnimada leh ee ay ka hayeen Soomaaliya. Degmada Warsheekh oo 70 Km dhanka Waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa tan iyo 2014-kii waxaa ku sugnaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM , iyagoo Ciidanka haatan kala wareegay ammaanka Degmadaasina dhowaan ku soo tababaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle, kuwaas oo la doonayo in ay sugaan nabad gelyada 50 Tuulo oo hoos timmaadda Warsheekh. View the full article