Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenya iyo Uganda ayaa bilaabay wada-hadal ku saabsan kordhinta dhuumaha shidaalka Eldoret, kuwaas oo ay si xoog leh ugu tiirsantahay Uganda, ayadoo badeecadaha saliidda ka soo qaadata magaalooyinka Eldoret iyo Kisumu oo gudaha kenya ah. Shirkadda dhuumaha ee Kenya (KPC) ayaa Talaadadii shaacisay in Wasiirka Tamarta ee Uganda Ruth Ssentamu ay todobaadkii hore la kulantay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Tamarta Kenya, oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud Mudane Maxamed Liibaan, ka dibna ay soo kormeereen xarunta dhexe ee KPC ee magaalada Nairobi. Dhuumo shidaal oo waaweyn ayaa la sheegay in Kenya ay dhisayso, kuwaas oo laga soo qaado Eldoret ilaa magaalada xuduudka Kenya iyo Uganda ee Malaba, taasoo qiyaastii 127 kilomitir u jirta Eldoret, waana mashruuca baaxad leh oo dhaqaalaha labada dhinac wax weyn ku soo kordhin doona, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Labadan dal ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashiyo dhaqaale iyo kuwa hormarineed oo baaxad leh, ayadoo dowladda Uganda ay ku tirrsantahay, islamarkaana wax kala soo degto dekadda magaalada mombasa ee dalka Kenya Source: goobjoog.com
  2. Boosaaso Laamaha Amniga Puntland oo xalay hawlgal ciidan ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay hubkii ugu badnaa iyo agab millatari oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hubkii ugu badnaa oo sifo sharci-darro ah lagu soo geliyay dalka kadib hawl uu ciidanku ka sameeyay guri ku yaalla xaafad ka tirsan Boosaaso. Waxay sheegeen in ciidamada Amniga Boosaaso u daateen guriga islamarkaana ka soo saareen hub fara badan oo ka kooban yar yar iyo waaweyn oo halkaasi lagu qarinayay iyo sidoo kale rasaas iyo tuutaha ciidamada. Waxay sheegeen in soo qabashada hubkaasi ay sahashay kadib markii gacanta lagu soo dhigay shakhsi ku eedaysan kala safrinta hubka sharci-darrada ah kaasi oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay hubkii ugu badnaa iyo saanad millatari oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa maalintii labaad magaala madaxda dalka ee Muqdisho ka socda Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay ka qeyb-galayaan culumo waaweyn oo gobollada dalka iyo dunida dacalladeeda ka kala yimid. Shirkan ayaa ah kii labaad tan iyo markii uu xukunka qabtay oo dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayadoo bishii koobaad ee sanadkii hore ku lamid ah lagu qabtay isla Muqdisho, islamarkaana laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka koobnaa. HADDABA SHIRKAN MAXAA LAGA SUGAYAA? dalka Soomaaliya wuxuu si feecan uga soo kabanayaa burburkii iyo dagaalladii sokeeye, ayadoo gobol walba iyo deegaan kasta hormar bulsho iyo mid maamul laga dareemayo, balse waxaa caqabad furdaaminteedu Soomaali iyo Ajanabiba culays ku noqatay oo ku dhawaad 20 sano taagan horseeday diinta oo si kale loo fasiray, ka dibna aragtiyo xagjir ahi ka dhasheen. Aragtiyahaas guracan oo falal arxandarro ah u sii xuubsiibtay ayaa galaaftay nolosha kumanaan Soomaali iyo tiro Shiisheeye ah qaarkoodna danohooda kale watay, qaarna ay dadka iyo dowladda Soomaaliya taageero u fidinayeen, waxayna dhibaatadaasi safka hore uga jirtaa howkarka iyo halista ka jirta dalka. Sida ay madaxda dalku tilmaameen dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baraarugsan baaxadda dhibaatadaas ayaa go’aansatay in howgallada militariga lagu dhinac wado mid fakir ah oo ay culumada hormuud u yihiin, waxaana Shirweynaha looga baahanyahay inay ka soo baxaan qodobada Socdaahi. 1) In culumadu ay ayagu midoobaan oo waxyaabaha yar yaroo ay ku kala aragtida duwanyihiin ay meel iska dhigaan, maadaama diintu ay mid tahay, tiirarkeeda waaweyna aysan isku diidanayn ee ay waxyaabo kookooban oo sidaa u weynayn isku hayaan. 2) in la dardargeliyo dhismaha gole ay culumadu ku mideysanyihiin oo madaxbannaan, awoodna u leh inay fatwooyin kama dambays ah ka soo saaraan xaaladaha dalka, islamarkaana dowladda kala shaqeeya ka talo-bixinta wixii muran diimeed keeni karo. 3) dadka u nugul aragtida xagjirnimada ahi waxay aaminsanyihiin in hannaanka dalka lagu maamulo ay waxyaabo shareecada khilaafkasani ku jiraan, markaa waa inay culumada caddeeyaan inaan dastuurka dalka iyo manaahijta waxbarashada wax diinta ka hor imaanayaahi ku jiran, islamarkaana dicaayadda noocaas ahi ay wax kama jiraan tahay. 4) culumadu waa inay isku raacaan hal manhaj iyo aragti mideysan oo dadka Soomaaliyeed diinta loogu fasiro, carruurtana lagu barbaariyo, islamarkaana ay soo jeediyaan in mas’alooyinka iyo faham diimeedyada kala qeybsanaan bulsho iyo iska hor imaadyada keeni kara dalka laga mamnuuco. Qodobadaas iyo qaar kale oo xeeldheereyaasha iyo dadweynaha Soomaaliyeed maankooda ka guuxaya ayaa Shirweynaha Culimada laga sugayaa, dowladdana waxaa la gudboon inay degdeg u dhaqan-geliso wixii ay culumadu soo saaraan. Source: goobjoog.com
  4. Boorama (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA. Xubnahan oo laba ah ayuu sheegay sirdoonka Somaliland in falal qorshaysan loogu talo-galay inay ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo Muqdisho laga soo direy. Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa waxaa lagu yiri “NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo howl-gallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama.” Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkan oo lasoo dhigay barta X (ex-Twitter), “Laba ka mid ah xubnahaas waa la xiray, halka lix kalena lagu dabo jiro.” Sirdoonka Somaliland ayaa ku daba jira xubno kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo howl-gallo loogu soo direy Somaliland, kuwaas oo qeyb ah ka ah xubnaha la qabtay, sida ay sheegtay NIA. Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale farriin u direy bulshada reer Somaliland, “ciidanka sirdoonka Somaliland waxay ku baaqayaan haddii falal iyo ashqaas laga shakiyo in lagu soo wargeliyo.” Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay soo xirtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal lidi ku ah amniga ay ku naalooto Somaliland, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen ajaanib. The post Sirdoonka S/Land oo shaaciyay inuu qabtay rag ka tirsan NISA oo howlgal ka fulinayay… appeared first on Caasimada Online.
  5. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay, halka boqolaal kalena laga cabsi qabo inay ku xayiran yihiin dhul go’ay ka dib markii roobab aan kala joogsi lahayn ay ku da’een deegaan buuraley ah oo ku yaalla gobolka Kerala ee koonfurta dalka Hindiya. Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in dhul go’a uu ku dhuftay agagaarka deegaanada Meppadi iyo Chooralmala ee degmada Wayanad abaaro 2-dii subaxnimo ee Talaadada , waxaana dadaallada samata bixinta caqabad ku noqday roobab xooggan oo halkaas weli ka socda. “Illaa hadda waxaan helnay 24 meyd oo isbitaalo kala duwan ah, qaar badan oo ku dhaawacmay, waxaa lagu daweynayaa isbitaallada degmada” ayay raacisay yiri wasiirka caafimaadka ee gobolka Kerala Reena George oo la hadlaysay wakaaladda wararka ee Press Trust. In ka badan 200 oo askari ayaa la geeyey aaggaas, waxaana gurmad ahaan loo diyaariyey labo diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Hindiya, ayadoo laga cabsi qabo in khasaaraha dhimashadu sii kordho maadaama boqolaal qof looga shakisan yahay inay ku go’doonsanyihiin goobta uu dhul go’u ka dhacay. Masuuliyiin ay soo xigteen qaar kamida wargeysyada Hindiya ayaa sheegay in guryo badan, dukaamo, iyo gaadiid ay dhoobada iyo biyuhu qarqiyeen oo dusha ka mareen, islamarkaana ay adagtahay in aaggaas gurmad wx ku ool ah laga sameeyo maadaama ay roobab mahiigaanno ahi weli socdaan. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ka dalbaday inay soo fara-geliyaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in Aqalka Sare laga doonayo in arrinta dowlad-goboleedka Puntland door fir-fircoon ka qaataan, maadaama si toos ah u metalaan dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo tabashada ay qabto dowlad-goboleedkaas. “Puntland way carootay iskumana aanay dayin oo caro ayay ku maqan tahay ee Aqalka Saroow naga hormara idinka hala idin aqbalo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo hortegay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo loo rogay mid u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa salka ku haya dano shaqsi ah, iyada oo labada nin ay aad u kala fogaadeen tan iyo markii la magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo la sheegay inuu Deni si weyn u daneynayey. Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii darey tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia, oo ayadu baarlamaanka marsatay cutubyo kamid ah dastuurka, oo loo dhigay sida ay rabto, kuwaasi oo meesha ka saaraya hanaankii hore ee doorashooyinka dalka. Puntland ayaa tan iyo markaas sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka. Inkasta oo ay socdaan dadaallo ay wakiiladda caalamka ku doonayaan in miiska wada-hadalka la isugu keeno madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana ma jiro illaa hadda wax isku dhowaansho ah oo labada dhinac ah. The post Golaha Aqalka Sare oo loo gudbiyay dalab culus oo la xiriira khilaafka DF iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
  7. Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay laba xubnood oo ka tirsan Haayadda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kuwaas oo lagu eedeyey in ay qorshanayeen dilal ay ka geystaan Magaalada Boorama ee xaruunta Gobolka Awdal sida lagu baahiyey Telefishanka Qaranka Somaliland. Haayadda ayaa sidoo kale tibaaxday in ay ku raad joogto 6 xubnood oo kale kuwaas oo ay sheegtay in laga soo diro Magaalada Muqdisho. Source
  8. Mudaaharaadyo ayaa shalay oo Isniintii ka dhacay magaalada Caracas ee caasimadda Venezuela, iyadoo boqolaal dhallinyaro ah ay socod ku soo mareen waddooyinka iyagoo ka careysan doorashada madaxtinimo, taas oo lagu dhawaaqay in markii sedexaad uu ku guuleysatay Nicolás Maduro. Ciidamada ammaanka ee dalka Venezuela ayaa sunta dadka ilmaysiisa iyo rasaasta badan oo cinjirka ka sameysan u adeegsaday shacabka ka bannaanbaxayay natiijada doorashada Axaddii dhacday ee muranku ka taaganyahay, madaxweynaha guuleystay ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaano. Maraykanka iyo dalalka caalamka ayaa cambaareeyay natiijada rasmiga ah ee codbixintii Axaddii, taas oo aan u muuqan mid ku habboon qiyaasaha tirakoobka ee ku salaysan tirinta qaybo ka mid ah iyo xog kale oo muujinaysa in madaxweynaha uu ku guuldareystay codad ballaaran taas oo lagu shubtay. Gelinkii dambe ee maalintii isniinta, dowladda Venezuela ayaa ku dhawaaqday in ay eriday ergada diblumaasiyadeed ee todobo dal oo Latin America ah kuwaas oo cambaareeyay natiijada rasmiga ah ee doorashada, waxaana cabsi laga muujinayaa in dibad baxyada ay noqdaan kuwa sii xoogeysta. Hoggaamiyaha mucaaradka dalka María Corina Machado, ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Isniinta in dhaqdhaqaaqeeda uu helay waraaqo dherer ah 73% xarumaha codbixinta ee dalka waxayna beenisay sheegashada dowladda, dowladda ayaa la kulmaysa eedo ku aadan wax isdamarin iyo ku shubasho. Mr. Maduro, Edmundo González, oo ah hoggaamiyaha sida weyn ula tartamayay Nicolás Maduro ayaa wuxuu helay 3.5 milyan oo cod oo ka badan kan madaxweynaha, taas oo keentay in tuhun badan laga muujiyo doorashooyinkii dhacay Axaddii, dibadbaxyada ayaa laga yaabaa in ay sii socdaan. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal qadka telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan, iyagoo ka wadahadalay arrimo dhowr ah. Labada Madaxweyne ayaa hadalkooda waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca iyo hirgelinta heshiiskii labada dhinac ay gaareen. Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed xilli ay taagan tahay xoosadda gobolka. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in dowladdiisa ay siiwadi doono taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee soo gabagabeynta dagaalka Al-shabaab oo dowladdu ay ku jirto muddo dheer Turkiga ayaa taageero dhanka circa ah siiya ciidanka. Wadahadalka labada madaxweyne ayaa kusoo aadaya xilli dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay wada galeen heshiis dhanka difaaca ah, kaas oo labada Baarlamaan ee dalalku ay ansixiyeen lana sugayo in dhowaan la hirgeyo, Turkiga ayaa dowladda siyaabo kale duwan u taageera. Source: goobjoog.com
  10. Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegay inay qabteen laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo loogu talo galay in ay falal qorshaysan ka Fuliyaan magaalada Boorama. Qoraal ay Hay’adda sirdoonka Somaliland ku baahiyeen bartooda X (Twitter) ayaa u dhignaa sidan:- “Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorame. Laba ka mid ah xubnahaas waa la xidhay, halka lix kalena lagu dabo jiro.” Sidoo kale, ciidanka sirdoonka Somaliland ugu baaqay shacabka in hadii ay la kulmaan cid ay Ka shakiyaan in lagala soo xidhiidho Number-kan 9000 Qaran News
  11. Washington (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa markale u muuqday inuu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan. Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aas-aasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019. Khudbaddiisii habeenkii Sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isaga oona xilligaa yidhi, “Ilhaan Cumar, waxa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.” Waxa uu intaas kusii daray “Xilligaas way qaylinaysay, waxa aanan idhi ‘waa ayo qofkani’ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.” Trump ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo. Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, “Anigoo qudbad jeedinaya, dad badan ayaanu joognay, way kacday oo qaylisay, waxaan ku idhi naagtaasi waa waalan tahay, way waalan tahay”. Qaybta hadalkaas ee Trump ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaalayaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jahawareeray oo uu isku khalday labada haween ee Congress-ka ka wada tirsan. “Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale,” Acyn ayaa qortay. Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere “argagixisanimo’, wuxuuna ku andacooday inay “neceb tahay Maraykanka”. Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah. Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay “ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabnimada iyo dembiyada laga gelayo meelihii ay ka yimaadeen.” Faallooyinkiisaas ayaa kiciyay waagaas dad isugu soo baxay North Carolina oo ku dhawaaqayay “dib u celiya!” una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro. Xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaaraya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa. Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhignaa “Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yimid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah”. The post TRUMP oo si xun u weeraray Ilhaan Cumar isaga oo qof kale u dan lahaa appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xalay Wada-hadal ku yeeshay Khadka Taleefonka sida ay sheegtay Villa Somalia. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wada-hadal Taleefon ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca. “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. “Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada”. PUNTLAND POST The post Erdoğan oo Xasan Sheekh u xaqiijiyay in uu difaacayo Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo kaddib markii dibadbaxayaal ay ku jiraan siyaasiyiinta midigta fog ay xoog ku galeen laba saldhig oo milatari. Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu “si adag u cambaareynayo” rabshadaha. Dibad-baxayaasha ayaa ka careysnaa xariga loo geystay askar lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen maxbuus Falastiini ah. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warameysa in maxbuuska Falastiiniga ah ay faraxumeeyeen ciidamada Israa’iil. Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha kooxaha xuquuqul insaanka ee ku aadan in dagaalyahanada Xamaas ee gacanta u galay ciidamada Israa’iil ay la kulmaan tacadiyo loogu gaysto xabsiga. Koox ka tirsan ciidamada kaydka Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa in ay hubkooda dhiibeen kadib markii la xiray, waxaana ay diideen in ay sii wataan shaqadooda. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa isku diyaarineysa inay jawaab deg-deg ah ka bixinayso weerar dhinaca cirka ah oo ay ku eedeysay ururka Xisbullah ee ka dhisan Lubnaan. Xisbullah ayaa iska fogaysay masuuliyadda weerarkan oo lagu laayey illaa 12 caruur ah, kaas oo ka dhacay dhulka ay Israa’iil haysato ee ku yaalla buuraha Golah Heights. Diyaaradaha dagaalka ayaa bilaabay inay duqeeyaan Koonfurta Lubnaan, iyaga oo sheegaya inay qaadayaan weeraro aargudasho ah, hase ahaatee Israa’iil ayaa intaas ku daraysa inay weli qorshaynayso jawaab xooggan. The post Dibad-baxayaal careysan oo u daatay saldhigyo milatari oo ISRAEL leedahay appeared first on Caasimada Online.
  14. Ethiopia has secured an agreement with the International Monetary Fund for a new financing program worth $3.4 billion, the IMF said on Monday. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud inaugurated the second conference of Somali religious scholars and clerics in Mogadishu on Monday to increase unity and togetherness among the Somali people. Source: Hiiraan Online
  16. The new Force Commander for the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Lt. Gen. Sam Kavuma from Uganda, arrived in Mogadishu yesterday to assume his duties. Source: Hiiraan Online
  17. Turkish President Recep Tayyip Erdogan and his Somali counterpart Hassan Sheikh Mohamud discussed on Monday bilateral, regional and global issues, Türkiye's Communications Directorate said. Source: Hiiraan Online
  18. Qatar Charity (QC) has implemented a series of pioneering educational and health projects in Galmudug State of Somalia. Many high-level government officials and social figures attended the inauguration ceremony. Source: Hiiraan Online
  19. Around 100 women making a living selling fresh fruit and vegetables in Luq have been put out of business since the local farms supplying them were hit by last year’s river flooding in this district of southern Somalia’s Gedo region. Source: Hiiraan Online
  20. ABU DHABI, 29th July, 2024 (WAM) — H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs, today received Mahamoud Ali Youssouf, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Djibouti. Sheikh Abdullah bin Zayed welcomed Minister Youssouf, and discussed with him aspects of enhancing bilateral relations and joint cooperation to serve the mutual benefit of their countries. H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed reaffirmed the UAE’s keenness to strengthen positive and fruitful cooperation with the Republic of Djibouti in a way that serves the development goals of the two countries and brings goodness and prosperity to their peoples. During the meeting, the two foreign ministers touched on several regional and international issues of common concern, especially the developments in the Gaza Strip. They also reviewed developments in Sudan and their humanitarian repercussions, as well as the outcomes of the Djibouti meeting on Sudan that was held recently. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo maanta hadal ka jeediyey kulanka golaha shacabka ayaa si adag uga jawaabay eedeymaha maalmihii lasoo dhaafay ka imaanayye xildhibaanada mucaaradka ah oo ku wajahnaa madaxweynaha iyo xukuumadiisa. Odawaa ayaa soo qaatay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin hadaladii xildhibaanadu ka dheheen hubkii lagu boobay Caabudwaaq iyo xildhibaankii sheegay in maalin ka hor uu Muqdisho ku dhex arkay, gaar ahaan xerada Xalane Taliyaha sirdoonka Itoobiya. “iyadoo shan maalin kahor 150 Kooxda Al-Shabaab ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Jubbaland ay Jubbada Hoose ku dileen, in rag madax ah inta soo istaagaan ay yiraahdaan Guuto Ciidan ah oo dagaalami kartaahi majirto, Ciidanka ma qabato taasi,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Odawaa ayaa xildhibaanada u sheegay in warka ay sheegayaan ay masuuliyadi ka saaran tahay, isagoo tusaale u soo qaatay sida xildhibaanada qaar ay uga hadleen arrinta hubka. “Xildhibaanka waxaa laga rabaa xogta uu hayo ee uu hubo inuu sheego, wixii malo ahna hadii uusan sugi karin inta laga hubinayo inuu cadeeyo in uusan hubin, shalay xildhibaan ayaa halkaan ka sheegay in taliyaha Nabad sugidda Itoobiya uu Muqdisho ku arkay, warku hadii uu iska dheh noqdo adiga shakhsiyadaada ayuu wax u dhibayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa. Xildhibaanka ayaa sheegay in arrinta hubka guddi soo baara loo xil-saaray, isla markaana ay cadaatay in si sharci darro ah uu dalka ku soo halay. “Dowladda waa laga qaaday cunaqabateyntii hubka, waxayna awoodaa in si sharci ah ay hub u soo iibsato, wasaaradda gaashaandhigga ayaa u xil-saaran arrintaas, ma jirto sabab dowladda loogu eedeeyey ama loogu tuhmo inay hubkaas laheyd,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay hubka ku faani jireen, balse maanta la weysan yahay cidii laheed hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isagoo qiray in khatar uu bulshada ku yahay hub aad u badana uu ahaa. Cabdiraxmaan Odawaa ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ka dalbaday in xoogga la saaro arrinta xaqiiqo raadinta, iyadoo la kaashanayo xukuumadda iyo dowlad goboleedka Galmudug, si guddiyada la diro ay warbixin dhameystiran uga keenaan arrinta hubka. Hoos ka daawo The post Daawo: Odawaa oo si adag uga jawaabay eedeymo xasaasi oo DF loo jeediyey appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay kor u qaadista iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah uga wadahadlay arrimaha tamarta iyo difaaca oo labada dal ay si gaar ah uga wadashaqeynayeen waayihii dambe. Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu garab taagan yahay midnimada dhuleed, midnimo iyo dadaallada ku saabsan halganka Soomaaliya looga xoreynayo argagixisada. Baarlamaanka Turkiga ayaa maalin ka hor ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay. Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan. The post Xasan Sheekh iyo Erdogan oo caawa labo qodob oo xasaasi ah ka wadahadlay appeared first on Caasimada Online.
  23. Golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaaladda, dalka iyo hubkii dhowaan u gacan galay dadka reer Caabudwaaq, colaad beeleedyada, barakacayaasha, iyo arrimo kale wax ka weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ” Cali Xoosh” . Wasiirka ayaa ugu horrayn golaha warbixin guud ka siiyay qaabka ay u shaqayso Wasaaraddu iyo hay’adaha hoos yimaada ama la shaqeeya, ka dibna senator-da golaha ayaa weydiimo kala duwan hor dhigey, kuwaas oo uu intooda badan si faahfaahsan uga warceliyay. Su’aalaha la weydiiyay ayaa waxaa kamid ahaa hubkii dhowaan lagu boobay Caabudwaaq, wuxuuna sheegay in hubkaas ay dowladdii hore ee madaxweynaha Farmaajo keentay deegaanno gudaha Itoobiya ah oo xuduudka u dhow, halkaas oo uu muddo yaallay, ka dibna ay qolo ganacsato ahi ka soo qaadeen. Su’aalo weydiinta wasiirka ayaa ku soo beegantay xilli ay dagaal beeleedyo lagu hoobtay bilihii la soo dhaafay ka dheceen deegaanno kala duwan oo dalka kamida, ayadoo ay Wasaaraddu u xilsaarantahay dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka gudaha. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo maanta warbaahinta kula hadlayey bannaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu Madaxweynaha siinayo talo walaaltinimo. Dhuxulow ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay talo bixinta wixii qaldama uu si khaas ah u siinayey Madaxweynaha, balse hadda la gaaray xili talada bannaanka lagu siiyo banaanka. “Madaxaweyne masaajidka inta ka istaagtid dadka wacdi ha usoo dirin, adigaa hadda u baahan in lagu wacdiyo, adigaa la rabaa in lagu toosiyo, adigaa la rabaa in tusaallooyin lagu siiyo, adaa la rabaa in wadaadadu talo ku siiyaane, dadka masaajidka haka wacdin,” ayuu yiri Dhuxulow. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ugu baaqay in talada dalka oo kaligiis uu isku koobay uu dhulka dhigo, “Madaxweyne dhulka dhig talada dalka, in lagu toosiyo ayaad u baahan tahay,” ayuu yiri. Xildhibaan Dhuxulow ayaa dowladda ka codsaday in ganacsatada loo fududeeyo in mashaariicda dalka ay kala socodsiiyaan. “Ganacsatada haloo cadaalad falo, yeysan jirin cid gaar ah oo u dhaxeysa madaxda iyo ganacsatada oo muhiim u ah dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Saxaafadda ayaa Xildhibaan Mustaf weydiisay sababta uu u weerarayo Madaxweynaha kaligiis oo xukuumadda iyo madaxda kale uusan ula hadleyn. Xildhibaanka ayaa ku jawaabay, “Anaga hada ayaan bilownay inaan kor wax u sheegno, madaxa ugu sareeya ayaan saxeynaa, yaryarka weli ma aanaan gaarin, kuwaas taladoodu waa dambeysaa ee hadda qorshaheenu waa inaan toosino hoggaanka ugu sareeya.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo si yaab leh ula taliyey Madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hubkii sharci darrada ahaa ee dhowaan lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud uu muddo yaallay deegaanno dhaca dhinaca Itoobiya Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka & dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo maanta hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka oo su’aallo laga weydiiyay hubkaan, ayaa sheegay in dad ganacsato ah ay halkaasi ku hayeen muddo. Hubkan ayaa maalmo lagu hayay deegaanno dhaca dhinaca Itoobiya, ayada oo markii dambe ganacsatadii gacanta ku hayay ay usoo gudbiyeen gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha. Sidoo kale waxa uu sheegay in hubkaasi u gacan galay reerka Caabudwaaq degen, ayna dowladda u dirtay halkaasi wasiirka amniga si wax looga weydiiyo arrintaasi, si hoos loogu dhigo walaaca ka dhashay hubkaasi gacanta u galay dadka shacabka. Dhinaca kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka jawaabay su’aallo laga weydiiyay dagaal beeleedyada, doorashada dadweynaha, aqoonsiga muwaadinka iyo kuwo kale oo quseeya howsha wasaaraddiisa u xilsaaran tahay. Waxa uu sheegay inay door muuqda ka qaadatay wasaaradda sidii loo kala dhex-geli lahaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex-martay, islamarkaana ciidamo kala dhex-gala goobihii ay ku dagaalameen ama isku horfadhiyaan. “Wasaaradda waxay kaashataa duubabka dhaqanka iyo dowlad-goboleedyada si loo helo awood mideysan oo si wada-jir ah looga hortagi karo (dagaal beeleedyadaasi),” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in xal u helista arrintaan u kaashadaan dhaqanka. The post DF oo xog cusub ka bixisay hubkii lagu boobay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.