Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)- Ujeedada Madaxweyne Geelle Oo Safar Ku Yimid De Lawyacado Ee Xuduuda U Dhaxaysa Domaliland Iyo Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay ciidamo ka tirsanaa oo ka howl-gali jirey deegaanada gobolka Sanaag, oo dhowaana u goostay dhinaca maamulka Puntland. Cabdirisaaq Cabdi Saalax, Wasiirka Cadaalada Somaliland ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan markii horeba wax faa’iido ah u laheyn maamulkooda, isla markaana ay ahaayeen wax-matarayaal ku sugnaa deegaankaasi. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu si adag u beeniyay in uu jiro calan ay Somaliland leedahay oo laga dejiyay deegaano ka tirsan Somaliland, isagoona ku tilmaamay kuwo la soo bandhigey inay yihiin kuwo been abuur ah. Waxa sidoo kale oo uu Wasiirku sheegay in maamulka Puntland aysan marnaba ku biirin ciidamada awooda iyo tayada leh ee Somaliland, balse ay ku biiraan ciidamo aan waxtar laheyn. Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu ku soo aadaya un dhowr cisho kadib markii uu maamulka Puntland soo bandhigay ciidamo ka tirsan Somaliland oo u goostay dhankooga, iyagoona dhowr jeer oo horena sidaasi oo kale u soo bandhigay ciidamo badan oo ka soo goostay Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)- Xisbiga UCID Oo Caddeeyay Mawqifkiisa Xubnaha Uu Madaxweynuhu U Soo Xulay Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb-galay shirweynaha hirgelinta qoondada haweenka oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee qaranka, ayaa shirweynahan lagu gorfaynayo sidii haweenka loogu samayn lahaa kooto gaar ah oo ay ku yeeshaan goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxana uu tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay hirgelinta qoondada haweenka, si loo hirgeliyo jawi ay haweenku si furan dhexdooda ugu tartami lahaayeen xilal gaar loogu xidha Source
  5. Waxbarasho Tayo Leh Lama Heli Karo Macallinka Oo Aan La Daryeelin W/Q Cabdiraxmaan Cadami Hoggaamiyihii ama ra’isal wasaarihii hore ee waddanka Israel Mr Shimon Peres wuxuu yidhi: Dal kasta horumarka uu samaynayo ama samayn doono waxa laga qiyaasa tirada dugsiyada iyo jaamacadaha ka jira iyo tayadooda waxbarasho. Waxaan u malaynaya in Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi isaguna sidaas oo kale aamminsan yahay, u fiirso khudbadihiisa inta badan wuxuu bulshada ku dhiiri geliyaa in xoogga la saaro waxbarashada tiro iyo tayaba oo fure u noqon karta horumarka dalka iyo ilbaxnimada bulshada. Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniskuna iyaga oo ka duulaya siyaasadda dawladda sanad kasta ugu yaraan waxay qabtaan laba kulan oo heer Qaran ah, waxa ka qayb gala madaxda wasaaradda, aqoonyahanno ku xeeldheer cilmiga waxbarashada iyo khubaro ka socota hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada. Kulamadaa oo maalmo qaata waxa lagaga dooda sida ugu haboon ee kor loogu qaadi karo tayada waxbarashada dalka oo cid kastaaba dareensan tahay in ay ka hoosayso heerkii loo baahna. Dhammaadka kulanka waxa laga soo saara go’aamo iyo talooyin haddii la dabaqo wax ka tari kara tayaynta waxbarashada waxaanse marnaba la tixgelin oo laga warwareega in la tilmaamo doorka macallinku ku yeelan karo waxbarashada wanaagsan, yaala lama xuso mushaharka iyo duruufaha dhaqaale ee macallinka dugsiyada dawladdu maamusho. Mudane madaxweyne ama wasiir shicibku ma rumaysto hadallada iyo ballanqaadyada afka ah ee madaxdu ku celceliso munaasibadaha qalin jabinta iwm laakiin, waxay rumaystaan ficilka iyo waxa ay indhahooda ku arkaan ee la qabanayo. Runtii ma mooggani haynta iyo dhaqaalaha dalka, mana mooggani baaxadda baahiyaha jira hase ahaatee doodaydu waxay tahay in mudnaanta la siiyo nolosha macallinka si dugsiyada dawladdu tayo ahaan ula tartami karaan kuwa gaarka loo leeyahay; sidaas daraadeed madaxweynaha iyo wasiirka wasaaradda maaliyadda waxaan u soo jeedinaya in ay ku dhiiradaan in miisaaniyadda sanadkan (2020) mushaharka macallimiinta loo kordhiyo ugu yaraan wax u dhigma mushaharka laga qaato kuwa gaarka ah si loo joojiyo hayaanka macallinka fiican ee dhaqaale doonka ah. Talo Bixin In laga dhabeeyo balanqaadyadii xukuumadda ee ahaa in kor loo qaadi doono tayada waxbarashada iyo ‘sector-ka caafimaadka; In macallimiinta mushaharka loo kordhiyo in ka dabooli karta baahiyaha aasaasiga ah. In bilaha fasaxa macallimiinta la siiyo tababarro si kor loogu qaado xirfaddooda waxbarashada (in-service training). In sanad kasta macallinka lagu qiimeeyo kartidiisa iyo sida uu ugu dadaalo ardayda. In dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wali ka caga jiidaya in ay ka mid noqdaan nidaamka waxbarashada JSL lagu khasbo in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo amarrada wasaaradda. In wasaaradda waxbarashada iyo sayniska laga bixiyo ogolaanshaha (admission) jaamacadaha dalka lagu galo. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  6. Jowhar (Caasimada Online) -Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn sheegay in HirShabelle ay wado qorshe ay ugu dhaawaqeyso gobollo iyo demooyin cusub oo hoostaga maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ku yaallaan deegaano u qalma degmooyin, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale ka hadlay howlaha horyalla baarlamaanka iyo sidoo kale caqabadaha heysta. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in muddo goluhu wajahayey xaalad amni darro iyo mushaar la’aan Xildhibaanada heysatay, taasoo cuuryaamisay shaqadii baarlamaanka. HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegaa inay tahay maamulka ugu tabarta daran maamullada dalka, waxaana isugu darsamay amni darro iyo dhaqaale la’aan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Cabashadii Xisbiga Waddani ee Xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaranka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Sweden Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna. Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa ka warbixinaya PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirada dalalka Sweden iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  9. Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare), oo ka soo jeeda mid kamid ah saldanooyinka faca weyn ee Soomaaliyeed, ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Saldaanka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Garoowe. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo kamid ah isimada soo jireenka ee dowladda Puntland, oo ka hadlay soo dhaweynta suldaanka ayaa yiri ” gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawoow, taariikhda aad Puntland iyo dadkeeda ku leedahay waa wax qoran oo baal dahab ah baad kaga jirtaa. Dadkaa waxa soo kiciyay maanta waa magaca aad dalka iyo dadka ku leedahay”. Sidoo kale, dhammaan waxgaradkii, nabaddoonadii , isimadii, aqoonyahannadii, ganacsatadii iyo bulshadii kale ee halkaasi ka hadashay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay suldaanka, iyagoo si weyn u amaanay taariikhda faca weyn ee uu dalka iyo dadka u dhex leeyahay. Ugu dambeyntii, Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare) ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii sida diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Garoowe. Hoos ka eeg sawirada soo dhaweynta PUNTLAND POST The post Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane; Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane, Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay in dedaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka Labada Dal, isaga oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Dalka Talyaaniga Mudane; Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala Dalkeenna Soomaaliya. Vecchi, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Dalka Talyaaniga Mudane ; Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in Dalkiisu ay saaxiib dhow la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye Labada Dal. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo Magacaabay, wuxuuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku Garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Oo U Hanjabay Mulkiileyaasha Telefishannada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe. Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka. wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka. guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka. guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay. kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan.
  13. MOGADISHU (HOL) - Hundreds of goats and sheep which had been confiscated by Al-Shabaab were recovered Tuesday by Somali security forces in Gedo region. Source: Hiiraan Online
  14. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay isgoyska Fakax ee magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari Cara Kadis ah iyo Mooto watay Qaad, xilli ay marayeen agagaarka busteejada baabuurta aada magaalada Jowhar. Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadihii Mootada ayaa ku dhintay shilkaasi, sida uu Shabelle u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu qofkan inoo sheegay in kiiska shilkaasi ay la wareegeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/sss.mp3 View the full article
  15. JIGJIGA (HOL) - The much-anticipated referendum which would grant self-rule to the Sidama community in southern Ethiopia has been postponed following delays in preparation. Source: Hiiraan Online
  16. Somalia is thriving due to aid from Turkey in mostly development and social projects through the Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA). Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna. Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa todobaadkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay IGAD oo ka qeybgalay xaflad lagu furayey aqal ama beer la dhigo(Unity Park), oo lagu keydiyo taariikhda madaxdii Itoobiya laga soo bilaabo boqor Menelik. Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlayaa ayaa Abiy Axmed uga mahadceliyey inuu dib u dhiso goobtaas, xusana taariikhda hoggaamiyeyaasha Itoobiya, “Waxaa aqalka ku hareereysan taariikh iyo sharaf, Itoobiya waa goob ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan ganacsi iyo dalxiis”. Haddaba, waa run in hadda uu aad u wanaagsan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, laakin madaxda goobtaas lagu soo bandhigay taariikhdooda, la weyneynayo, lana maamuusayo, madaxweynaha Soomaaliyana uu ammaanay waxaa ka mid ahaa boqoradda Menelik iyo Haile Selassie, hana ka reebin Mengistu Haile Mariam. Menelik oo ahaa boqorka 1989-1935, waxaa lagu sheegaa in ahaa aasaasaha Itoobiyada cusub, mana fiicneyn aragtidiisa Soomaaliya, oo waxaa uu rumeysanaa in dadkeenna adoomo u ahaayeen Itoobiya ilaa muslimiinta xoreeyaan. Xilli uu Ingiriiska kala hadlayey cidda maamuleysa Soomaaliya, Menelik waxaa uu London ku yiri “Soomaaliya waa hore, ka hor inta aaney Muslimiinta ku soo duulin, waxaa ay raaci jireen xoolaha dadka Itoobiyaanka ee aan ku noolaan karin dhulka hooseeya”, waxaa uu qabay in Soomaalida adoomo ahaayeen, laakn Ingiriiska ayaa arrintaas ku diiday. Haile Selassie, 44 sano ayuu ahaa boqorka Itoobiya ( 1930 -1974), waxaa uu ahaa ninkii gobolka Soomaali galbeed ama Ogaden kala wareegay Ingiriiska July 24, 1948, la dagaali jiaray The Ogaden Liberation Front (OLF) iyo dagaalo badan oo midkii 64-tii qaranigii tagay ka mid ahaana Soomaaliya la galay. Mengistu Haile Mariam oo ka mid ah madaxda xarunta la dhigay waxaa uu ahaa ninkii lala galay dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed, in ka badan 10,000 ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, tilaabadan Farmaajana waxaa ay dhaawac ku tahay shuhadada iyo caruurtooda. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe. Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka. wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka. guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka. guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay. kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article