-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Three journalists were released a from a prison stint in Somaliland on Monday after having been imprisoned since last week in the country's capital, Hargeisa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. Hadalka kasoo baxay Shiikh Shariif ayaa u muuqday inuu ahaa mid miisaan culus leh isla markaasna ay ka muuqatay dulqaad iyo inuu rabo in lagu dhaqmo Sharciga. Shiikh Shariif oo ah nin hadalkiisa uu yahay mid Balaaqo leh ayaa dhawr cashir u dhigay Madaxweyne Farmaajo, waxaana kamid ahaa waxyaabihii soo jiidashada lahaa ee uu Shiikh Shariif khudbadiisa ku sheegay: 1) In Si nabad ah xilka loogu wareejiyey Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka dhawaajiyey in si nabad ah xilka loogu wareejiyey madaxweyne Farmaajo loona baahan yahay inuu dalka ku maamulo sida uu sharciga qabo, haddii kale ay taas ka dhallan doonto burburka dowladnimada Soomaaliya oo uu sheegay in wax badan laga soo maray 2) In Farmaajo aysan hanta ka oolin Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xusay inuu isaga dalka keenay Farmaajo isagoo boorso iyo Jaakad wato sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay inaysan jirin Hanti Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka taalo dalka berrina ay diyaarad raacayaan si ay ilmahooda u aadaan, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan. “ Dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’ideystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annagana dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan yahay” ayuu yiri Shiikh Shariif. 3) Inaan la isku ixtiraameyn wax sharciga ka baxsan Sheekh shariif ayaa sheegay in Xukumada hadda talada haysa ay ka bayrtay Sharcigii dalka u yaalay isla markaana loo baahanyahay in ay ka tashadaan shacabka Soomaaliyeed, halka uu dambeeyo Dalkaan sida uu hadalka uu dhigay. “Dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladdu in ay burburto kama aqbali karno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay, waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. 4) Dowladda oo shaqadeeda ku fashilmatay Waxa uu sheegay in dowladu ku fashilantahay in ay wax ka qabato dib u eegista Dastuurka dalka, Amaanka iyo arimaha doorashooyinka oo ku sifeeyay mid ay ku fashilantahey Xukumada Soomaaliya. “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa” Hadalkaan Sheekh Shariif ayaa daba socda awaamiirta dhanka duulimaadyada ee ay dowladdu ku soo rogtay diyaaradaha aadaya Kismaayo, iyadoo shalay la joojiyay diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo si uu uga qayb galo Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu wada in ay Kismaayo ka dhacdo 26-da bishaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Gorgor Wiil Yar ku Cunay Deegaanka Xaaji Saalax
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad Madheedh Cali Muuse Faarax ayaa sheegay in gorgor dad cun ahi uu shalay ku cunay wiil yar oo 9 jir ah meel 4km u jirta degmada Xaaji Saalax oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya. Cali Muuse Faarax Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax oo maanta u warramayey Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in gorgorkaasi uu cabsi ku abuuray bulshada deegaanka isla markaana ay waalidiintu heegan ugu jiraan sidii ay carruurta xoolaha la joogta uga ilaalin laheyd gorgorkaas dad cunka ah. Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in wiilkii uu shalay cunay gorgorkaasi saaka la aasay. Cali Muuse Faarax wuxuu tilmaamay in Gorgorkan oo la moodayey mid kaliya dhawaan la dilay hase ahaatee ay soo baxayso dhawr xabo yihiin. Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax wuxuu bulshada deegaankaas ugu baaqay inay si feejigan caruurta iyo xoolahaba uga ilaaliyaan gorgorkaasi. Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay wax uu ugu yeeray halista kai man karta kali-talisnimada uu billaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo oo muddo lagu arkayey calaamado kali-talisnimo ayaa shalay si bareer ah banaanka u keenay kadib markii uu xayiraad socdaal saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, sababo la xiriira kaliya inuu ka aragti duwan yahay. Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Kaligi-taliska socod baradka ah wuxuu ku socod bartaa ku tumoshada shuruucda dalkiisa, caburinta iyo cadaadiska dadkiisa, wuxuuna ku qaangaaraa daadinta dhiigga dadkiisa, wuxuuna ku gaboobaa burburinta iyo kala qeybinta dalkiisa.” Fiqi waxa uu ka digay halista Farmaajo kasoo socota xilli uu watqigiisa kasii dhammaan rabo wuxuuna tusmeeyey waxyaabaha laga filan karo. “Inta uu cusub yahay shaatiga wadaniyadda ayuu adeegsadaa, Hantida iyo ciidamada qarankana umadda ayuu u isticmaalaa, marka uu sii dhacayana wixii uu dhacay oo hanti ah iyo qabiil ayaa garab u noqda.” Ayuu yiri Fiqi. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la joogaa waqtigii umadda Soomaaliyeed si dhab ah isaga waraysan laheyd diktaytarka saanqaadka xun ee dastuurkii iyo shuruucdii uu madaxda ku ahaa asagu ku tumanaya.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: NEC Puts On Another Pantomime. The thoroughly discredited current Somaliland National Elections Commission (NEC) have put on another pantomime. The voter registration and voting equipment have been tested once again, for the third time. The equipment works, the commission does not. They are treating the voters of Somaliland as children, putting on these silly displays to justify their existence. Their term ends shortly, during five years they managed to earn good salaries and hold a single, solitary election! Nice work if you can get it. Somalilanders know the equipment workers, our foreign donors know the equipment works, our international friends know the equipment works,even our opponents know the equipment works! But, what we all know is that the current NEC doesn’t work, our political leadership doesn’t work, our legislative bodies do not work, and our political parties do not work. Don’t tell us about the bloody equipment, do your job and hold the elections. Hubris! Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-23092019.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Cali Xassan ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye Ganacsi “Trade Information Portal”. Aqoon-iswaydaarsigan ayaa waxa kasoo qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridkaba. Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaha iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group), waxaana lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia e Addis Ababa. Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusy in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan. Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda. Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nairobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dowladdaha Kenya iyo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed, who held a press conference at his residence in Mogadishu, spoke at length about yesterday’s incident in which he was blocked from flying to the southern city of Kismayo. Sheikh Sharif called on the Somali people and the international community to address the current political tension in the country. Sharif accused the federal government of neglecting the war against Al-Shabaab and focusing on fighting politicians in the country. “If the government has neglected the war against Al-Shabaab, the people of Somalia need to come together for guidance,” Sharif said “What happened to me yesterday is a small issue, it is something that I can forget, but I feel that something bigger is being destroyed. I see the Somali government losing its dignity and sovereignty, and to avoid that we have to unite to protect our nation,” the former president added. Sheikh Sharif said the illegal acts by the government could lead to unexpected situations in the country. He stated that those currently in power have foreign passports and that if anything happens tomorrow they will go back abroad to their children, and leave the Somali people suffering. Finally, President Sharif warned that the current government was heading toward the wrong path as it is violating the basic rights of its citizens. Sharif Sheikh Ahmed served as president of the Transitional Federal Government of Somalia between 2009 and 2012. He was the 7th President of Somalia and is credited with bringing the Federal Government of Somalia through an important transitional period. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiya mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka. Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulida Hawada dalkeena sanado badan dadaal loo galay sidii gacanta Soomaaliyeed loogu soo celiyo lahaa balse aysan mudneyn in shacabka Soomaaliyed loo adeegsado in lagu cunoqabateeyo maamulida hawada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digey in maamulka hawada soomaaliya gacanteeda laga saaro. Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha ka jira magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn in dowlada dhexe ay cunoqabatayn saarto shacabkeeda. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inay baalmareen guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka. “Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka ku nool Muqdisho in noloshu ay ku adkaatay isagoo tusaale u soo qaatay wadooyinka xiran. Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh Maxamuud. Xigasho: Jowhar.com
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran. “Waxaan kuu sheegi karaa in UK ay mas’uuliyadda weeraradii lagu Aramco dusha u saareyso Iran” ayuu yidhi Boris Johnson oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Press Association. Johnson ayaa la filayaa inuu Kulanka Guud ee QM ee New York kula kulmo madaxweyne Hassan Rouhani. Waxa uu sidoo kale Rouhani kala hadli doono weeraradaas, ayada oo ay kulanka kala qeyb gali doonaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaraha Jarmalka Angela Merkel. “Waxaan rumeysannahay in ay aad suurta-gal u tahay in Iran ay mas’uul ka tahay isticmaalka diyaarado drone ah iyo gantaallada kuruuska” ayuu Johnson u sheegay weriyayaasha. “Waxaa cad in arrinta adag ay tahay sidii aynu u agaasimi lahayn jawaab caalami oo arrintan laga bixiyo, iyo wadadda xigta oo ay tahay inaan qaadno.” “Waxaan la shaqeeneynaa saaxiibadeena Mareykanka iyo Yurub, si aan u jawaabno iyo inaan qaboojino xiisadda gacanka.” Ayuu yidhi raysal wasaaraha Britain. Mareykanka iyo Iran ayaa sidoo kale weeraradii dhacay 14-ka September waxay ku eedeeyeen Iran. Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada oo ay sheegteen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ee Tehran ay taageerto. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha iyo duubabka Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku booqday gurigiisa kadib dhacdadii lagu xayiray. Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam oo ah Imaamka Beelaha Mudulood iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa u muujiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed sida ay uga xun yihiin tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si uu uga qeybgalo Caleemka saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe. Odayaashaan oo xal ahaan ugu tagay Shiikh Shariif ayaa ka codsaday in Xaaladda la dajiyo isla markaasna ay iyaga Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajoon doonaan dhacdadaan. Imaamka iyo Ugaaska Maanta u tagay Shiikh Shariif ayaa la rumeysan yahay inay daacad u yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo bil kasta siiso lacago. Dadka Falanqeeyo siyaaddda ayaa aaminsan inay aheyd in Ugaaska iyo Imaamka ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan dhacdadaan isla markaasna ay farriin u cad u diraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Waxaa laga sugayey inay saxaafadda la hadlaan isla markaasna ay si cad uga hadlaan kiiskaan taagan iyo cidda ka dambeyso iyo sida laga yeelayo arrimaha noocaan oo kale ah oo ay dhawr jeer ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka. Shalay ayey aheyd markii xubno uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ay Shiikh Shariif ugu tageen gurigiisa iyadoo wado raali gelin, balse Shiikh Shariif ayaa si cad ugu sheegay inuusan intaan ku qanci karin balse loo baahan yahay inay Dowladda raali gelin rasmi ah ka bixiso. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay qaadeyso tallaabooyin ka baxsan Sharciga oo ka dhan ah Maamul Goboleedyada. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. “Farmaajo isagoo suud iyo boorso wata anaa magacaabay dalkaan wax ka galay ma jiro isagaa ka faa’ideysta, Xasan Cali Kheyre waa la mid annaga waxbaa naga galay inuu burburana kama yeeleyno dariiqaa ku socoto waa qaldantahay waxaan leennahay meeshaa joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isku timaaddo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Galmudug oo diyaar garoobeysa in ay doorato Madaxweynihii labaad ayaa waxaa ka furmay loolan adag oo la aamisan yahay in natiijada kasoo baxda ay go’aamin doonto rajada mucaaradka ee doorashada 2020. Waxaana si rasmi ah u bilowday ololaha doorashada iyada oo musharixiinta ugu cad cad ay ku dhawaaqeen doonistooda. Mucaaradka dowladda ayaa ku duulaya labada musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamal Guutaale halka muxaafadkuna ay riixayaan Axmed Qoor Qoor, waxaa intaas dheer musharaxiin siyaasad qabow oo tartanka qeyb ka ah kuwaas oo aan la saadaalin Karin dhinaca ay u dhammaan doonaan. Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo Muqdisho kaga dhawaaqay rabitaankiisa ayaa tagay Dhuusamareeb oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay balse isaga iyo saaxiibadiisa siyaasadda oo ay ku abtirsadaan Xisbiga UPD ayaa safar saxaafadda laga qariyay ugu soo laabtay Muqdisho iyada oo qaarkood ay usii gudbeen Turkiga, laakiin Odawaa oo aan wali Warbaahinta kasoo muuqan ayaa la rumeysan yahay in uu Muqdisho joogo wali. Waxaa jira xogo hoose oo sheegaya in saaxiibadii ay niyad jabeen kalsoonida ah in ay reer Galmudug ka iibiyaan aragtidooda iyo in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbigooda Xasan Sheikh uu si cad u sheegay in doorashada Galmudug uusan wax lacag ku bixin Karin taas oo ay dheer tahay in Xildhibaan Mahad Salaad uu wada hadal la furay Musharax Qoor Qoor isaga oo quud dareynaya in uu ku biiro Ololihiisa. Haddii sidaan ay wax kusii socdaan waxa ay u muuqataa in Musharax Odawaa uu lumin doono taageerayaashiida oo ay biirin doonaan garabyada kale ee xifaaltanka ku jira. Kamaal Guutaale oo isna ah Musharax aan la dhayalsan Karin oo mucaarad ah ayaa Muqdisho uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa waxa uuna u gudbay Dhuusamareeb, Munaasabaddiisa shaacinta iyo soodhoweynta tagistiisa Dhuusamareeb kuma uusan soo bandhigin garbo culus oo saameyn ku leh siyaasadda maanta laakiin waxa uu ku dhiiran yahay in uu sii wato Ololihiisa. Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Wadajir Saraakiil ka tirsan ayaa laga soo xigtay in lacag iyo maskaxba ay la garab taagan yihiin Musharaxooda oo aysan wax cabsi ah qabin, laakiin dad badan ayaa u arka in saaxiibadiis ay saameyn badan ku lahayn siyaasadda gaar ahaa dowladdan iyo tii ka horeysaba. Musharaxa seddaxaad waa kan aad loo hadal hayo oo loo badinayo in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda Galmudug waana Axmed Qoor Qoor oo taageero badan ka heysta Dowladda iyo dad ay siyaasadda saaxiib ku noqdeen. Qoor Qoor oo Muqdisho iyo Dhuusamareebba kusoo bandhigay dhoola-tus indhaha soo jiitay sidoo kale noqday Musharaxa Ololaha xooggan tan iyo markii uu ku dhawaaqay hankiisa. Siyaasiin saameyn xoogan leh, ganacsato ay soo wada shaqeeyeen, odayaal dhaqan iyo qeybo kale oo bulshada Galmudug ka tirsan ayaa si mid ah u riixaya qorshaha uu ku maamuli lahaa Galmudug afarta sano ee soo aaddan. Haddii dhinacyada mucaaradka aysan wax ka badalin siyaasadda ay ku wajahayaan Ololaha doorashada oo aysan la imaan hab u sahli kara in ay tartan adag gali karaan waxa ay u muuqataa ciyaar natiijadeeda la ogyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa durbo ka falceliyey shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo si adag uga hadlay is hortaagii shalay loogu geystay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Yuusuf Garaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. “Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wxuuu intaas ku daray in aan loo baanheyn in looga sii daro hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro.” ayuu markale yiri Yuusuf Garaad Cumar. Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhexeeya Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay dhakhso u xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay.” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, Mudane Yuusuf Garaad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. .Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Ethiopia ayaa xirtey dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso. Waaxda sirdoonka Ethiopia ee magaceeda loosoo gaabiyo NISS, ayaa shaacisay in xubnaha la qabtay ay qorshanayeen weeraro lagu qaado goobaha la isugu yimaado ee lagu dhigo ciidaha diiniga ah iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin.. NISS ma sheegin tirada dadka la qabtay, laakiin waxay tilmaamtay in lagu xiray magaalada Addis Ababa, degaanka Oromada iyo degaanka Soomaalida. NISS waxay sheegtay in ay Jibuuti kala shaqeynayso sidii loo xiri lahaa hogaamiyaha kooxdaan oo la tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay Jibuuti. Kooxda isku magacowday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa muuqaal ay horey u baahisay ku sheegeen inay qorshaynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya. Dadka falanqeeya siyaasada geeska afrika ayaa arrintan ku sheegay inay kooxdani rabto inay ka faaidaystaan khilaafyada dhexyaala qoomiyadaha Ethiopia. Puntland Post The post Ethiopia oo xirtay xubno looga shakisan yahay Shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay qaabkii shalay loogu xannibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday maagalada Kismaayo, halkaasi oo uu kaga qeyb-geli lahaa xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam. ” Waxaan aaminsanay, qof kasta oo muwaaddin ah oo Soomaaliyeed, in uu xaq u leeyahay in uu u safro meesha uu doono iyo goobta uu doono. Marka waxaan u aragnaa nasiib-darro, in dowlad sharci lagu doortay sharciga ay jebiso, marka waxaanu arkayney tacaddi iyo jebin la jebiyay Dastuurka oo dowladdu si bareer ah oo ula kac ah u samaysay xaqna aysan u lahayn” ayuu yiri madaxweynihii hore, Shariif Sheikh Axmed. Mudane Shariif, waxa uu si cad u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda xilka haysa lagu doortay, nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, sidaasi darteedna loo baahanyahay in ay ku dhaqmaan nidaamka iyo Dastuurka waddanka, balse aan marnaba laga aqbali doonin sharci-darro iyo in ay jebiyaan shuruucdii lagu doortay, isagoo ku boorriyay in ay u hoggaansaman Dastuurka. “Dowladdan hadda jirta ee madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyo, waxaa wax loogu dhiibay doorasho, waxaa wax loogu dhiibay Dastuurku waxa uu faraayo, madaxweyne Xassan Sheikh baa ka horreeyay, isagoo awooddii haysta oo ciidamadii xakuma oo imkaaniyaadkii oo dhan haysta, wuxuu ogolaaday in uu yiraahdo waa la iga guulaystay, waxaan u tanaasulay codka Baarlamanka” ayuu sii raaciyay Shariif. Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay go’aankii saaka ay soo saartay hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ee mudda saddex maalmood ah lagu hakiyay, dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha Kismaayo, laga bilaabo 23-September ilaa 26-ka isla bishan September, si loo carqaladeeyo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana Sheikh Shariif xayiraaddaasi ku tilmaamay cuna-qabateyn la saaray shacabka degaannada Jubaland. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya iyo hannaanka dib u-heshiisiinta dalka labaduba ay burbur ku socdaan, islamarkaana loo baahanyahay in dalka la badbaadiyo “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”. “ Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo boorsadiisa wata oo suudkiisa wata anaa magacaabay, isaga dalkan wax ka galay oo Resource ah ma jiraan, isagaa ka faa’idaystay, Xassan Cali Khayrena waa sidoo kale. Annaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin in uu burburo, dariiqu ku socdo waa qaldanyahay, waxaan leenahay Stop, meeshaad joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaaddo” ayuu sii raaciyay. Hoos ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif oo sheegay in Soomaaliya ay mar kale cagta saartay wadadii burburka appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
