Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ninkaas boorsada wataa waa Xildhibaan Dawlada Federalka Somaaliyeed Cabdishakuur Cali Mire oo ah Madaxweyne Farmaajo Ina adeerkiis. Waa ninka Musharax Madaxweyne ee Maamulka Galmudug Mudane [...] Source
  2. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Sidda ay sheegeen dadka degaanka, weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degaanka Bariire. AlShabaab oo mas’uuliyadda sheegatay ayaa tilmaamtay in ay ku khaarijisay todoba kamid ah xoogaga difaaca dowladda. Balse, saraakiisha ciidamadda oo ay idaacadda Shabelle la xiriirtay waxay xaqiijiyeen geerida laba askari oo milatariga ka tirsan. Dhinaca kale, ciidanka ayaa kadib falkaas waxay howlgalo ka sameeyeen degaanada ku teedsan Bariire sidda tuuladda Awdheegle. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay dib u dayactir ku sameyneyso qaar kamid ah safaaradaha dibadda. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda dalka, ayaa shaaca ka qaadey in safaaradaha qaarkood uu haatan ka muuqdo burbur xoogan. Mr Bayle ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in ay jirto miisaaniyad gaar u ah dib u dayactir oo uu xusay inay gaari doonto safaaradahaasi. Khamiistii ayey ahayd markii Golaha Wasiiradda ay meel-mariyeen ku noqoshadda Miisaaniyadda 2019-ka iyo xisaab xirkii 2018-kii. View the full article
  4. Baardheere (SMN) – Gudoomiyaha magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo, Cabdullaahi Xasan Nuur [Cadow] ayaa waxa uu dib ugu laabtey degmadaasi. Mr Cadow oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta diiraan oo ay u sameeyeen mas’uuliyiinta iyo shacabka. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shacabka ka codsadey in ay kala shaqeeyaan sidii amniga sarre loogu qaadi lahaa. Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadda oo ciidanka xooga ay degaano dhaca Gedo ka wadaa howlgalo ka dhan ah AlShabaab. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Gedo.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa shaaciyey in isbedel weyn lagu sameeyay howlihii maalinlaha ee hay’adda CID-da. Sidda laga soo xigtay Mr Xijaar, xarunta hay’adda ayaa waxaa kaliya loo tegi doonaa wixi hadda ka dambeeyay baaritaanka muwaadinka. Warqaaha Sugnaanta iyo Dhalashadda ayuu carabka ku adkeeyay in laga qaadan doono xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir. Tani ayuu hoosta ka xariiqay in ay sahleyso in la ogaado goobta uu degan yahay muwaadinka, qeybna ka qaadaneyso xaqiijinta amniga caasimadda. Hadalkan ayuu ka jeediyay taliyaha munaasabad shalay ka dhacdey Muqdisho oo dib loogu howlgelinayey hay’adda dambi baarista oo dib u habeyn lagu sameeyay. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/CID.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Warbixin ay hay’adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta (SMP4). “Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta” ayaa lagu yiri Warbixinta IMF. Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri “Dooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas’uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay’adda Lacaga Adduunka “ “Kobaca dhaqaalaha waa mid deggen 2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada” ayay tiri IMF. “Hay’adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad” “Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha “ “waxaan ku faraxsannahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka deyn dhaafka iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda. Hay’adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan” “Mas’uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro shirweynaha go’aan gaarista deyn cafinta, mas’uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray” “Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay’adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka” “Inta lagu jiray booqashada wafdiga hay’adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen. Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta” “Kooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-20092019.mp3 View the full article
  8. On the southern coast of the Gulf of Aden, sits Somaliland’s Berbera port. It occupies a strategic position in the Horn of Africa and lies on a busy shipping route for traffic to and from the Middle East and eastern Africa. Muse Bihi Abdi, President of Somaliland states that “Berbera is important to Somaliland, to the Horn of Africa and to most of the Central African countries. It is a gateway that connects many African countries to the world. To the east, all the way to Asia, the sub-continent of India all the way to China. On the other side through the Suez canal, it connects many African countries to the Middle East, to Europe and all the way to North America. “ DP World is working to expand and modernize the port of Berbera, to transform it into a major shipping hub. Over the last wo years, Berbera’s capacity has grown by 50%.These Mobile harbour cranes are the latest addition to the port. “Our vision is to make Berbera a regional marine hub, a gateway for Ethiopia and to open new markets for the Somaliland people” said Supachai Wattanaveerachai who is Chief Executive Officer, with DP World Berbera. DP World has also invested in personnel training and safety to improve productivity. The first phase of the $400 expansion project aims to create a berth for bigger vessels and a vast container terminal. The second phase will move the port’s container capacity to one million TEU. “In terms of the value, before DP World came, we were handling something like 4,000 to 5,000 TEU (containers) a month. But now during this period, the bill goes as high as possible, we have increased more than 50% or even 60%. Now, each month we handle something like 12,000 to 15,000. Last month we hit a new record, over 13,000 TEU, said Said Hassan Abdullahi , the director-general of the Somaliland Ports Authority. The Berbera port project adds the much-needed impetus not just to Somaliland’s economy but also its politics as it continues to press for international recognition. A network of roads is set to be built to connect the port with its hinterland which also includes Ethiopia, a land-locked country of over 100m people that is fast industrializing. Africanews Qaran News
  9. Maalin hore waxaan kulannay nin aan muddo kor iska naqaannay oo madaxa Xiriirka Bulshada(PR) ka ah jaamacad Muqdisho ku taalla, oo ku dhowaad 10 sano shaqeyneysa. Shaqada iyo waxbarashada ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aan isbarashada ku wadaagnay, waxaana u sheegay in aan shahaadada koobaad ee jaamacadda ka qaatay cilmiga Kumbiyuutarka, darajada labaadna aan ka qaatay maamulka ganacsiga oo ah takhasus guud oo u furan qof kaste oo Bachelor heysta, maadaama ay dadka takhasusyada kale bartay ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfad maamul. Ninkii wuxuu igula taliyay in maadaama aan maamulka ka heysto shahaadada labaad, aan sidoo kalena ka qaato shahaadada koobaad, wuxuuna intaas ii raaciyay in uu arinkaas ii fududeyn karo oo uu shahaado iiga heli karo jaamacadda uu masuulka ka yahay, aniga oo aan jaamacadda tegin oo aan hal xiso xaadirin, shardiga kaliya ee iiga xiranna uu yahay in aan bixiyo $465 oo ah qarashka xafladda qalinjebinta, la iguna darayo ardayda sanadkaan ka qalin-jebineysa jaamacaddooda. Wuxuu intaas iigu daray in uu isaguba shahaadada koobaad ka qaatay cilmiga Sheybaarka, balse uu jaamacadda ka qaatay shahaado kale oo Maamulka Dadweynaha(PA) ah oo uusan xiso u xaadirin. Ninkii waxaan u sheegay in aan shahaadadaas ka qaadanayo, lacagtana bixinayo, haddii ay keenaan hab ay aqoontaas iigu shubi karaan, maadaama aan lacag bixinayo, ayna i siinayaan shahaado ka marqaati kaceysa in aan aqoontaas leeyahay. Nin weyn oo wax aqrisan kara, waxna isbari kara ayaad tahay ayuuna jawaab iiga dhigay. Jaamacado badan oo caalamka ku kala yaalla way ka dhacdaa in aan qofka si wanaagsan wax loo barin, oo aysan tabartooda iyo tayadoodu gaarin heerkii loo baahnaa, waxaana sidoo kale dhici karta in uu qofku suuqa ka sameysto shahaado been-abuur ah, isaga oo aan jaamacad ka qaadan! Waxaanse in muddo ah maqli jiray, caqligeyguna diidi jiray in ay dalka ka jiraan jaamacado ku shaqeeya sharci iyo fasax dowladeed oo qofkii raba inta tago oo lacag bixiyo uu ka dalbanayo shahaadada, takhasuska iyo dhibcaha uu rabo!! Ka dibna uu ka qalinjebiyo jaamacad uusan weligiis dhigan. Aniga oo jecel in ay xantaasi been noqoto, ayaa dareenkii uu i geliyay ninkii igula taliyay in aan shahaado been-abuur ah ka iibsado wuxuu igu dhaliyay in aan baaritaan sameeyo, waxaana la kulmay qof shahaado shaqo looga xiray, ee shahaado ka qaatay jaamacad uusan aqoonin meesha ay ku taallo!! Ustaad Prof. Maxamuud Axmed Jimcaale oo aan jaamacaddaan uga sheekeeyay wuxuu u bixiyay Xabaal University(XU). Waa run, oo waa qabri dadka oo nool-nool lagu duugayo, weliba waa xabaal-wadareed ummad dhan lagu aasayo, waayo dadka shahaadooyinkaas wata waxay gelayaan suuqa, waxayna umadda ugu shaqeynayaan aqoon aysan laheyn, balse ay u heestaan shahaado sax ah, oo been-abuur ah!! Sidaas ayuuna bukaanku ugu dhimanayaa gacanta Dhaqtar wata shahaado been-abuur ah, guryuha iyo waddooyinku ku burburayaan gacanta Injineer heysta shahaado bug ah, hantida umadddu ku lumeysaa gacanta Xisaabiye qaatay shahaado been-abuur ah, caddaaladdu ku lumeysaa gacanta Garsoore heesta shahaado bug ah, jahliguna ku faafayaa sababka Macallin wata shahaado been-abuur ah. Todobaadkii hore, wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu magacaabay guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare, oo sida la sheegay ka shaqeyn doona tayeynta Tacliinta Sare ee dalka. Waxaan guddigaas ka rejeynaynaa in uusan maqaar-saar noqan ee uu si dhab ah u guto masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray, ayna la yimaadaan hannaan hufan oo lagu tayeynayo laguna kala saarayo boqolaalka jaamacadood ee dalka ku yaalla, ayna meesha ka saaraan jaamacadaha aan u qalmin in ay waxbarasho ka shaqeeyaan ee ka ganacsanaya masiirka ardaydeenna, waxaana,rejeynayaa in la gaaro maalin maamulka jaamacaddaas iyo kuwa la midka ah ay dacwo ku soo oogaan dadkii ay nolosha ku aaseen oo gacmaha ku wada sita shahaadooyinkii been-abuurka ahaa ee ay siiyeen, iyagana lugu duugo xabaashii ay ummadda u qodeen Alle idankii!! Waxaa qoray: Hussein Sabrie Email: Husseinsabrie@gmail.com
  10. DUBAI: The US wants a peaceful solution to the crisis sparked by attacks on Saudi oil facilities, Secretary of State Mike Pompeo said on Thursday (Sep 19), after Iran raised the prospect of "all-out war". Source: Hiiraan Online
  11. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaa dalka Mareykanka uu kusoo bandhigyo Buug uu qoray,kaasi oo lagu magacaabo “Caqabadihii kalaguurka Soomaaliya” (A Challenging Transition in Somalia). Buuga uu qoray Cabdiweli gaas ayaa waxaa uu uga sheekeynayan xili uu doonayay inuu socdaal ku tego Magaalada Boosaaso ay ishor istaag ku sameeyeen Xukuumaddii Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole,waxaana xiligaas uu wareejiyay xilka Ra’isal Wasaarenimo ee Soomaaliya. Nuqul kamid ah buuga uu qoray Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa u qoran sidan. “Waxaan wacay Faroole, kama uusan jawaabin Telephonekayga, dabcan wuu yaqaaney lambarkayga laakiin sida muuqata markan wuu naqdiyey wicistayda, deedna waxaan go’aansaday in aan waco mi kamid ah dadka ugu dhow kooxdiisa oo ah Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) wasiir kuxigeenkii arrimaha gudaha. waa mid kamid ah koox ka kooban ilaa 12 qof oo loo yaqaano Aaran Jaan ama “Iskaashatada Shaydaanka” caadi ahaanna waa kooxda hoggaanka Faroole ku xeeran oo aad saamayn ugu leh xukunka jira iyo go’aamada, xataa waxay aad uga awood badan yihiin Wasiirradda Faroole. Waxay ahaayeen wasiiradiisa daaha gadaashiisa istaagan. Cali si deg deg ah ayuu Telefoonka iiga qabtay waxaana ku iri, “Cali waan filayaa inaad ogtahay waxa ka socda Boosaaso. ii sheeg sababta aad xoogga ugu faanayso iyo sababta ciidamadu guriga ugu hareeraysan yihiin.” Sidoo kale waxaan u sheegay inuu wacay Madaxweynaha balse uu iga qaban waayey telefoonka.Wuxuu ii sheegay in badanaa ”Madaxweynuhu mashquul yahay” ama hadii kale uu qayb ka yahay arinka ee i sug aan hubiyee. Daqiiqado kaddib wuu isoo wacay, wuxuu san se ii sheegin ayaa ahayd in wiilka Faroole ee Maxamed uu dhegaysanayey wada hadalkeenna. Xigasho: Radio Daljir
  12. Muqdisho (SMN) – Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo howla shaqo u joogo Magaaladda Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/Xakiim Moxamed Axmed {Dhoobo} iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda. Guddiga ayaa ayaa u sharaxay gudoomiyaha golaha wakiiladda puntland iyo guddiga joogtada cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab ) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah sida wanaagsan oo ay soodhaweyn Guddiga iyo sida ay u dhageysteen sharaxaadii ay guddiga ay ka bixiyeen Cutubyada uu ka kooban-yahay Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland C/xakiim Maxamed Axmed {dhoobo} ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka kaga mahadceliyay sharaxaada ay ka siiyeen cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddiga iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa ku balamay in ay mar kale ay dib u kulmaan si ay guddiga ugu soo bandhigaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka. View the full article
  13. With a parliamentary election producing a deadlock, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu is facing the prospect of an electoral defeat for the first time in more than a decade. Source: Hiiraan Online
  14. Civil Aviation Safety Authority says it will make its own call on the 737 Max, which was grounded after two crashes left 346 dead Source: Hiiraan Online
  15. At just 23, Hawa Adan Hassan, a university student in Somalia, is fast realizing her dream of becoming the best fashion designer in Africa. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dood culus ay ka taagantahay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka labaad ee Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug. Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku jahwareersan laba awoodood oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dano siyaasadeed ka leh baarlamanka cusub ee Galmudug. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha hoggaanka Habar-gidir ee lagu dhisay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, ayaa isku haya dhismaha baarlamaanka beesha Habar-gidir ka soo galay Galmudug, waxaana taagan doodo culus. Golaha hoggaanka Habar-gidir, ayaa odayaasha dhaqanka ee beeshaas ka dalbaday in ay soo xushaan xildhibaano balse ay door ku yeeshaan Golaha hoggaanka Habar-gidir, islamarkaana saxiixa ugu dambeeyo uu yeesho Guddoomiyaha Habar-gidir Prof. Shirwac. Odayaasha ayaa ogolaaday arrintaas balse waxaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ka yimid dalab kale oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay door wayn ku yeelato xildhibaanada beeshaas ee baarlamanka Galmudug. Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka Galmudug ayaa gaaraya ku dhowaad 40 Xildhibaan, waxayna muhiim u yihiin dhinacyada isku haaya hogaanka maamulkaasi waana sababta keentay in dood culus ay gasho qaabka xulista Xildhibaanada. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  17. Xudur (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool ayaa qaarkood hubka u qaatay sidii ay Ururka Al Shabaab kula dagaalami lahaayen gobolkaasi, ujeedkooduna uu yahay in ay iska difaacaan. Shacabka ku dhaqanka Deegaanka Yabyab ee duleedka Magaalada Xudur ayaa ka dhiidhiyay xoolo ay xalay Ururka Al Shabaab ka kaxeysteen dadka deegaanka, waxayna bilaabeen in ay hubka qaataan. Shacabka oo si iskood ah isu soo abaabulay ayaa maanta maleeshiyada Ururka Al Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Yabyab. Dadka reer Yabyab oo xoolo dhaqato u badan ayaa la soo sheegaya in ay xoolahooda dib kaga soo ceshteen maleeshiyada Al Shabaab, waxaana kolkii dambe halkaasi gaaray Ciidanka Xoogga Dalka oo gurmad ahaan uga baxay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. C/laahi Aadan Maxamed oo ah hoggaamiyaha shacabka u istaagay inay Shabaabka la dagaalamaan ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada ahi, ee Shabaabku ku hayaan bulshada deegaanka. C/laahi Aadan oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa yiri “Waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo gaysanayan Al Shabaab, ka dib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalano, arrintaasna waan ku guuleysanay.” Ugaas Cali Dirir oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee dadka deegaanka ku dhiirageliyay inay Al Shabaab la dagaalamaan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay dagaalka sii wadaan. Ugaas Cali Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dadka reer Yabyab ay la baxayn magaca ah (Cali Qaran), waxayna dadka Shabaab la dagaalamaya ay u badan yihiin kuwo da’ ah. Dadka ku dhaqan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya qaarkood ayaa hubka u qaatay, sidii ay isaga difaaci lahaayen maleeshiyada Al Shabaab.
  18. Geeska Afrika waxaa saameeyey isbdelo isdabajoog ah, ka dib markii mugdi siyaasadeed iyo xasillooni la’aan muddo dheer hareeraysay. Somaaliyana waxay ka mid tahay isbedeladaas ka soo iftiimay guud ahaan gobolka. Arrintaas, waxay dhalisay in Kenya durbadiiba dareento in horseednimadeedii Bariga iyo Geeska Africa, ay ciriiri geli karto dib u soo noolaashaha dowladnimadda Soomaaliyeed, tasoo saamayn ku yeelan kara gobolka. Mararka qaar waxaad u malaysaa habdhaqanka Kenya sidii bukaan uu dhaqtar ku soo sheegay cudur oo ay ismoogeysiinayso in dan u tahay inay wax ka bedesho nolosheeda si dhaawac horleh uga badbaado. Isdhegammarrinta Kenya waxaa saldhig u ah, iyadoo ay ka degi la’ in Soomaaliyada maanta ay ka duwan tahay middii ay u baratay macaamilkeeda. Sida la wada ogsoon yahay Maxkamadda Caalimiga ee ICJ, ayaa dib loo dhigay dhagaysiga dacwaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanayd dhulbadeedka Soomaaliya ay Kenya sheeganeyso. Kenya waxay ku marmarsiyootay dalabkeeda, in ay garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaacidda dacwaddeeda, oo ay u baahan tahay muddo kordhin sannad ah, si ay garyaqaano kale u raadsato. Maxkamadda ayadoo ka ambaqaadaysa codsigaas, islamarkaasna ka walaacsan dib u dhaca aan qorshaysnayn ee soo foodsaaray, ayay waxay u kordhisay muddo laba bilood ah, taasoo aad uga yar middii ay Kenya codsatay. Go’aanka maxkamadda waxaa laga dhadhansan karaa diidmo farsamaysan oo ay ku diidayso dib u dhac uu ku yimaado garta ay u fadhiso. Halkaas waxaa kaaga cad in shirkaddaha garyaqaanada ugu caansan dunida iyo garyaqaanada shaqsiga ah ay doorbidayaan dacwaddaha ay ka filan karaan in ay ku guulaysanaayaan, taasoo kor u qaadeysa sharaftooda iyo magacooda. Maadaama uu waqtigu aad u kooban yahay, isdifaaca Kenyana uu dhidibo adag ku fadhin ayaa waxay u badan tahay in qareenno badan ay isku fogeeyaan difaacidda Kenya. Waxaase la yaab leh, siyaasadda guracan ee Kenya oo ay horboodeyso marwa Monica Juma aysan waxba ka dheefin qaladaaadkii siyaassaddeed ee ay gashay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kenya waxay weli aaminsantahay in ay awood u leedahay in ay siddey doonto u furdaamin karto dacwadda badda ee kala dhaxaysa Soomaliya. Maalmo ka gadaal markii ay hubsatay in ay maxkamadda dib u dhigtay qaadista dacwadda, ayay waxay horeyba ka bilowday luggoyntii lagu yaqiin. Maalintii Axadda ee 15ka Sateembar ayay tiri “waxaan doorbideynaa waanwaan ka baxsan maxkamadda, si xal waara looga gaaro garta labada dhinac” (TheEastAfrican, Sabteembar 14 2019). Juma waxay kaloo raacisay ayadoo hadalka sii wadata “Waxaan doorbideynaa garta noocan oo kale, taasoo ah, haddaad u fiirsato, habka ay mudnaanta siiyaan Qaramadda Midoobay (UN), Isutagga Africa (AU) iyo urur goboleedka IGAD. Sababtoo ah waa sida ugu fursadda weyn oo taabagelin kara in ay nabadgalyo ku dhammaato garta”. Haddalkaas, wuxuu ifafaale u yahay in Kenya aysan u hogaamsamaynin go’aanka maxkamadda hadday gartu raacdo Soomaaliya. Su’aasha meesha taal waa ma suurtoobi kartaa in ay Kenya diido go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda? Jawaabtu waa maya. Kenya waxay saxiixday in ay u hoggaansamayso maxkamadda ICJ 1963-dii. Maxkamaddana waxay leedahay habab kala duwan ay ku hirgeliso go’aamadeeda oo ay ugu horayso Golaha Ammanka. Kenya waxay hadda u ololaynaysaa in ay ku fadhiisato kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee 2021-2022- ka. Marwo Juma waxay waraysi siisay ayadoo ku doodaysaa “Geeska Africa waxay noqotay marinka isgaarsiineed aad muhiim ugu ah adduunwaynaha waxayna horyaala dhibaatooyin amnidarro (Daily Nation, 16 Sabteembar 2019). Mar haddii ay ka soo horjeedsato go’aanka maxkamadda waxaa hubaal ah in ay dhuminayso fursadda kursigaas oo ay Jabuuti tartanka kula jirto. Waxaa layaab leh, dhuunirraaca Kenya ay marna isku tiriso Bariga Africa oo ay samaysatay Urur Goboleedka Bariga Africa (East Arican Community- EAC), marna Geeska Africa oo ay ku dooddayso in ay ayadda horjooge u tahay. Haddaan si kale u dhigno, Kenya waxay si bareer ah marar badan u horistaagtay ka mid noqoshada Soomaaliya urur goboleedka EAC. Laakiinse waxaa ka sii yaab badan markay u fududaysay Koonfurta Suudaan in ay ku biirto EAC 2016-kii, ayadoo madaxbanaanayd 5 sano oo kaliya. Haddal kale oo darreenkayga soo jiitay ay tiri marwo Juma ayadoo siinaysa wareysi muuqbaahiye ka mid ah kuwa maxaliga ee dalka Kenya (KTN News Kenya), aya ah “Sidaad la socoto annaga iyo Soomaaliya waxaa horey u kala saxiixanay heshiis is-afgarad ‘MoU’ 2009kii kasoo qoraayey haddiiba ay dhacdo in uu muran ka dhasho badda labada dhinac in lagu xaliyo hab wadaxaajood nabadeed”. Sida ka muuqata, marwo Juma waxay iska maaweelinaysaa halku maantay mowqifku taagan yahay iyo sababta keentay arrinku meeshuu maantay marayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Beenaale waxaa sira xasuus-xumi”. Bal aan xasuusino haddii ay xasuusteeda yaraatay. Waa run in uu heshiis is-afgarad labada waddan kala saxiixdeen 2009kii. Laakiinse marwo Juma waxay ku indho-adeegaysa arrin ka baxsan heshiis is-afgaradka. Heshiisku wuxuu ku saabsanaa in labada dowladood ay midba midda kale ay ka horistaagin codsigeeda xaddaynta sare ee Hoobad Qaaradeedka (Continental Shelf). Heshiiska waxaa uu kaga gaabsaday xallinta wixii kilaafaad ah ee ku saabsan xaddaynta badda ee labada dal ay wadaagaan ka heshiiyaan. Habka loo heshiinaayo, meesha lagu sheegin, sidoo kalena cidda heshiinaayso kuma xusnayn. Heshiiska marnaba uma aqoonsanayn Kenya lahaanshaha aaga muranka dhaliyey. Laakiinse, Kenya ayadoo og arrintaas ayay gacandhaaf ku samaysay heshiiska waxayna si bareer ah uga xaraashtay bishii Juunyo 2012 shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total oo Talyaani iyo Faransiis kala ah. Waxaa su’aalshu tahay, haddii ay Kenya daacad ka tahay maxay u afgembisey heshiiska is-afgaradka ay hadda ku marmarsiyoonayso? Intaas arrinku kuma eka, ee markii ay Soomaaliya kaga dacwootay UN-ka in Kenya marin-habaabisey heshiiska dhexyalay ayaa Kenya lagu qasbay in wadaxaajood lagasho Soomaaliya. Labadii shir ee hore waxaa martigelisay Nayroobi. Mas’uuliyiintii Keenyaatiga waxay la soo shirtageen dhulka annaga ayaa leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ee uu waqtigaas Dr. Cabdiraxman Bayle ayaa warqad u qoray dhigiisa Kenya oo uu ku leeyahay “meeqa ayaad rabtaan inuu arrinku sidaan ku sii socdo ayadoon wax miro dhal lahayn shirarka noocan?” Keenya waxay ka soo jawaabtay ayadoo codsatay in mar seddexaad la kulmo. Akhristow arrintaas si fiican ula soco. Dowladda Soomaaliya waxay aqbashay codsigaas, waxaana lagu ballamay Muqdisho in shirka lagu qabto 25kii ilaa 26kii Agoosto 2014. Kenya ballanti ayay ka baxeen, mana aysan imaanin shirka. Taa waxaaba ka darnaa, maamuus xumada iyo yasidda ay Soomaaliya u muujiyeen ayagoo aanan wax cudurdaar ka bixin sababta ay u maqnaadeen maqnaadeen. Soomaaliyana ayadoo ka carraysan islaweynidda Kenya dacwo hordhigtay maxkamadda ICJ, 28 Agoosto 2014. Intii waqtigaas ka dambeyey, marwo Juma iyo dowladdeeda waxay marar badan cunaqabatayn iyo aflaggaaddo joogta ah la dabasocdeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Haddaba waxaa arrin lagu qosla ah in maanta ay marwo Juma ay fagaare kasta la soo taagan tahay in ay Soomaaliya ay u carartay maxkamad ayadoo ay wadooyin kale oo badan ay u furnaayeen iyo in Soomaaliya dan ugu jirto in wadahadal ka baxsan maxkamadda lagu xalliyo arrinta. Waxaan leenahay marwo Juma, wadooyinka aad sheegayso adigaa hore u xiray “waagaad isla waynayd.” Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Mar i dage Allahaw dego, mar labaad idagase anaa dagay.” Marka Kenya ha ku adkaysato islaweynideedii illeen “gar laba nin kama wada qoslisee”. W/Q: Cusmaan Maxamed iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan-sayrtay qorshe ay usoo jeedisay dhigeeda Masar oo ah qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan. Masar oo ku tiirsan webiga Nile, ayaa ka walaacsan in biyo xireenka Itoobiya u horseedi karo gabaabsi ku yimaada biyaha iyo waraabka. Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele ayaa sheegay ” In Masar ay dooneyso ka faa’iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.” “Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka biyaha ee Itoobiya. Dhamays-tirka dhismaha biyo xireenka Itoobiya ayaa hadda ku dhaw in la dhameystiro. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  20. Qormadan gaaban ayaan ugu talagalay in aan aragtideyda qormo kaga waramo Alifleeyda sallafay ee ku hawooda siyaasad u baahan deganaan khibradeed. Macna ahaan aniga igama ahan in aan ku liidaayo shakhsiyaad hammi u leh siyaasadda badweynta ah ee dalkeena ka jirta. Waxaan in badan indhahaygu qabtaan dhallinyaro wax dhaliisha aragti ahaan, balse aynaan haysan hadaf ee wax ku dhaliilaan. Waxaa in badan ku arkaa barraha bulshada dhaliilo ku qotoma aragtiyo diidmo iyo mid aan diidmo ahayn. Dulucda ujeedka Waxaa i soo maray walaalo aan ka soo wada jeedno deegaan aan u wada dhalannay, kana mida dadka aadka uga hadla barraha bulshada. Waxaan marar badan ka wada sheekeysanay marxaladaha iyo horumarrada aan la rabno deegaanadeena iyo sida aan u jeclaan lahaa in aan uga midowno horumarinta dadkeena. Markasta oo aan gaarno wax ay dadkeenu u baahnaayeen misena ay iyaga aad ula xumaato, iyagoo u sababeeya xumaan ay badanaa ladoonaan shaakhdiyaadka horseedka u ah hiigsiga hadafyada aan gaarno badanaa. Waxaan badanaa isku dayi jiray in aan sharraxaad ka siiyo waxa qabsoomay iyo halka ay wax noo marayaan, hase ahaatee taa bedelkeeda waxay barraha bulshada noogu soo jawaabaan kuwa dadkeena iyo deegaanadeenuba aanan u wanaagsanayn. Marxaladaha deegaanada aan kas oo jeedno waxay u yaqaanaan magacyo shakhsiyadeed, iyagoo bulshada u dareensiiya in wax kasta oo wax qabad ah ay aad u sii hooseyso. Dhinacyadan ayaan arkaa in ay aad u buun buuniyaan kolka ay qaraxyadu dhacaan, misena uu Webiga Shabelle bilaabo in uu ku fataho deegaanadeena. Eedeymaha ay soo jeediyaana maaha kuwa ay wax ku dhisayaan ee waa kuwo ay ku burburinayaan. Marka aad milicsato sida ay uga aradan yihiin siyaasad hufan iyo sida ay isugu haystaan khubaro dhanka siyaasadda ah ayaan ugu magac-daray (Alifleeydii siyaasadda ee Saynisyahanada ismooday!). La-soco qaybta labaad Hassan Abdulkhader Mudey AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-19092019.mp3 View the full article
  22. Addis Ababa, September 19, 2019 (FBC) – Ethiopia’s Chief of Staff of the National Defense Force General Adem Mohammed met with Lt. General Hamad Mohammed [...] Source
  23. In central Somalia, about 5,000 Sufi fighters are signing up to join the national army. In a surprise move two months ago, the group decided to have its fighters... Source: Hiiraan Online
  24. QATAR Qatar Airways has today published their annual report for 2018-2019, and the results are rough. You have to read quite a bit into the report to see just how bad things were. The title of the press release announcing the results simply says that the report “highlights strong growth in overall revenue.” Then the first sentence notes that the results are “highlighting the airline group’s success and underlying robust financial health in the face of the continued illegal airspace blockade against the State of Qatar.” Personally that’s not my takeaway from these results… Qatar Airway Reports 639 Million USD Loss Qatar Airways has today reported a net loss for the past year of about 639 million USD. Last year the airline lost about 69 million USD, and they labeled that as the most challenging year in their history. This year’s results represent a nearly tenfold increase in the company’s losses. I’d note that while these results are audited and technically accurate, this probably doesn’t quite equal a “free market” loss of the same amount at another airline. For example, Hamad International Airport is also owned by the government, so the airline pays much lower fees than other airlines would pay at their hub airports. Why Did Qatar Airways Lose So Much Money? There are a lot of important numbers beyond just the loss, so let’s take a look at some other key figures: Passenger revenue increased by 14.3%, while capacity (measured by available seat kilometers) grew by 13.5%; increased revenue outpacing increased capacity sounds like good news Cargo revenue increased by 16.8%, while capacity (measured by available ton kilometers) grew by 11.8%; again, increased revenue is significantly outpacing increased capacity here The airline added 11 destinations to their route network and 25 aircraft to their fleet Qatar Airways blames these results on the loss of mature routes, higher fuel costs, foreign exchange fluctuations, and of course the ongoing blockade with their neighbors. There’s no denying that the Gulf blockade has a huge impact on their business: The airline is having to fly longer routes to avoid certain airspace, which increases their fuel bill and reduces their aircraft utilization The airline has had to cut routes to several countries, including Saudi Arabia and the UAE, which used to be their two single biggest foreign markets But there’s no end in sight for this blockade, so at this point this just seems to be an ongoing reality for them. Qatar Airways’ prolific CEO, Akbar Al Baker, had the following to say: “2018-19 was a year of achievement in the face of adversity for Qatar Airways. Despite facing challenges that are unparalleled in the airline industry, I am very proud that we have grown our fleet, expanded our network and seen overall revenue increase to QAR 48 billion (USD 13.2 billion), a rise of 14%. Passenger numbers are up, capacity as measured by available seat kilometres has risen and our Cargo business is now the largest in the world. 2018-19 was nonetheless a challenging year and while it is disappointing that Group has registered a net loss of QAR 2.3 billion (USD 639 million) – attributable to the loss of mature routes, higher fuel costs and foreign exchange fluctuations – the underlying fundamentals of our business remain extremely robust. Our success is due to an unwavering belief in our strategy to give our passengers the very best, backed by the perseverance and hard work of our staff. I look forward to 2019-2020 with optimism and confidence that our growth will continue and we will serve even more countries around the world.” My goodness, His Excellency has quite a take on the state of his airline (in fairness, he can also do no wrong): Click here to read more Qaran News