Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali Camel Boy by Nur Abdi Where simply yawning can be a crime… Ali belongs to a camel-herding family of the Sudi clan, in a Somali society riven by ancient clan rivalries. When members of the rival Duki clan kill his father and steal his herd, Ali walks all the way to the capital town to start a new life. The ruling government, however, is dominated by the Duki; its actions are murderous, its rulings arbitrary, and its target the Sudi clan. Ali is arrested, imprisoned, brutally beaten, and tortured. He manages to flee to Toronto, where he is assisted by two members of his clan. Celebrating his new freedom, his family now with him, this self-willed but simple camel boy is still obsessed with one mission: to avenge the murder of his father by killing a Duki. Even in Toronto. Tragic, yet hilarious at times, as the camel boy negotiates the ways of his new life, this novel provides a rare insight into the complexities and conflicts of our world. About the author: Nur Abdi grew up in the territory now known as Somaliland. In the 1980s, when a civil war was raging in Somalia, he sought refuge in Canada and became a citizen in 1994. Opposing the repressive government ruling Somalia at the time, Abdi wrote articles in newspapers and magazines. He lives in Toronto. This is his first novel. This launch event is part of the Toronto Lit Up programme which is designed to spotlight new works and empower Toronto’s writers. Toronto Lit Up is funded by the Toronto Arts Council and spearheaded by Toronto International Festival of Authors  Qaran News
  2. Waayadaan Dambe waxaa Siyaasada Dalka ehel u noqday Dad aan Siyaasada ehel u ahayn, Khatarna ku ah Danaha Shacabka Soomaaliyeed Guud ahaan iyo Qaranimadii mudada [...] Source
  3. Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo dhirta iyo daaqa xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdikarim Khaliif Dhalac ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisi uu ka haayay wasaaradda. Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu sababta uu isku casilay ku shheegay inuu ku qanci waayay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso maamulka Galmudug, isla markaana habka maamul u saameynta ay u wado uu yahay mid baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla. Qoraalka wasiir ku xigeenka ayaan au qornaa ” Anigoo ah Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac maanta oo taariikhdu tahay 20-9-2019 ka waxaan go’aansaday xilkii aan u haayay xukuumadda federaalka ee Soomaaliya oo ahaa wasiir ku xogeenka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, sababta aan isku casilayna waxaa ka mid ah. Waxaan ku qanci waayey faragelinta dowladda dowladdu ku heyso dowlad gobaleedyada dalka ka jira, gaar ahaan maamulka Galmudug oo hadda ay ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla, taas oo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale amni iyo horumarineed, sidoo kale waxaa ay keeni kartaa kala fogaanshaha labadii gobal ee ku midoobey Galmudug.” Sidoo kale wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Cabdikarim Dhalac ayaa baaq u diray xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad gobaleedyada kajira”. 1-waxaan ugu baaqayaa xukuumadda federaalka iney ilaaliso dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka Soomaali ay ku heshiisay, feregentana ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada. 2- waxaa kale oo aan baaq u dirayaa dowlad gobaldeeyada dalka ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka u taalla oo dastuurku ugu horeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Iran)Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta uga digay Sacuudi Carabiya inay ku khamaarto dagaal ay la gasho Iran, sababtoo waxa uu “burburin doonaa boqortooyada” Hoggaamiyaha Xizbullah Sayid Xasan Nasrallah ayaa sheegay in hab cusub oo difaaca gantaalaha hawada ah uusan Sacuudiga ka difaaci karin nooca diyaaradihii drone-ka ee loo adeegsaday weerarkii 14-kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga. “Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran, sababtoo ah way idin burburin doontaa” ayuu Nasrallah ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka. Isaga oo xusaya in weerarkii September 14 uu hakiyey ilaa bar wax soo saarkii saliidda Sacuudiga, ayaa Nasrallah waxa uu intaas ku daray “Gurigiina waxa uu ka sameysan yahay muraayad, dhaqaalihiinana wuxuu ka sameysan yahay muraayad, si la mid dabaqyadaha muraayadaha ah ee Imaaraadka Carabta.” Nasrallah ayaa sheegay in weerarkii xarumaha shidaalka shirkadda Aramco uu muujiyey awoodda xulufada Iran ay taageerto. “Hab difaac cusub oo hawada ah wuxuu noqon doonaa mid qaali ah, waxna idin ma tari doono” ayuu yidhi Nasrallah. Waxa uu sidoo kale ka digay in hab difaac cusub oo hawada ah uusan bad-baadin karin Sacuudiga, sababtoo ah baaxadda dalkaas oo ka dhiegysa in diyaaradaha drone-ka ay beegsan karaan goobo badan. Waxa uu taa beddelkeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka kula taliyey inay joojiyaan dagaalka Yemen, “si ay isku bad-baadiyaan.” Source
  5. Mohamud Mohamed, 20, who lives in Baidoa, was pleased to collect his school certificate this month from his hometown in southern Somalia, instead of travelling to the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariim Khaliif Dhalac. Wasiirka ayaa is casilaadiisa ku sacbabeeyay fara galinta xukuumadda uu ka tirsanaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku hayso dhismaha maamulka Galmudug. Waxa uu sheegay in uu ku qanci waayay sida ay xukuumaddu wax u wado ee faragalinta qaawan ay ugu heydo dhamaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, si gaar ah maamulka uu federaalka ku matalo ee Galmudug. Qoraal dheer oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (Dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20.09.20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir- kuxigenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa. Sababaha aan isku casiley waxaa ka mid ah. Waxaan ku qanci waayey feragelinta Dowladdu ku heyso Dowlad Goboleeyadda dalka Ka jira, gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ay hadda ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug ‘ iyo Dasturka dalka uyaal. taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale , amni iyo mid hurumarineed. sidoo kale waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug Kuwaas kala ah mudug iyo galgaduud. Waxaan halkaan baaq uga dirayaa 1 Xukuumada federalka iney ilaaliso Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkanee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada. 2 Waxaan kaloo ayagana baaq udirayaa dowlad gobaleeda dalka Ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka utaal oo dastuurku ugu horeeyo Iyo nidaamka federalismKa ee ay ku dhisan yihiin. 3 sidoo kale waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda, Ayna ka fekertaan qofka ay ku aaminayaan aayahooda. Waxaan ugu horeeyn u mahad celinaayaa R/wasaaraha Xukuummadda mudane Xasan Cali Kheyre ‘ iyo golaha wasirada ee aan saaxiibada nahey mudadii aan wada shaqeyney. Ugu dambeeyntii waxaan balan qaadayaa inaan ka shaqeyn doono midnimada iyo wanaaga ummadda soomaaliyeed, sidoo kale waxaan si dhow ula socon doonaa maslaxada dadka aan ku matalo golaha shacabka” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Cabdikariim Dhalac wasiir ku xigeenkii xanaanada xoolaha xukuumadda Soomaaliya. Wali wax war ah oo ku aadan is casilaadda wasiirkaan kama soo bixin xukuumadda federaalka ee uu majaraha u hayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. MOGADISHU (HOL) - The militant group Al-Shabaab has made its public statement on the ongoing maritime dispute between Kenya and Somalia noting it will not recognize any decision from the International Court of Justice. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-20092019.mp3 View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Shirkii Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Dib Loo Dhigay Iyo Sababta, halkan hoose ka Daawo Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii Hore Ee Hay’adda Shaqaalaha Maxamed Mixille Boqore ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Awdal, halkan hoose ka Daawo Source
  11. The number of US soldiers in Somalia has increased under President Donald Trump. One of their jobs involves training a local group to become an elite force.... Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay facebook shaaca uga qaaday in dhismayaasha Hotel SYL iyo garoonka kubadda ee Stadium Muqdisho ay weli u xayiran yihiin kooxda Al-Shabaab. Hoos ka aqriso qoraalka Waxaan xog ku heynaa in aysan wax shaqo ah ka socon dhismihii ay Al-Shabaab joojiyeen ee ka socday Stadium Muqdisho, waxaan kaloo xog ku haynaa in Al-shabaab ay hor istaageen dayactir lagu sameyn lahaa Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen shirkadihii dhismaha in ay hawshaas qaban karaan; haddii ay bixiyaan magta wiilashii looga dilay goobtaas oo ay ula jeedaan kuwii sedaxda jeer hoteelka isku qarxiyey. Waxaa wax laga naxo ah iyadoo amnigii Muqdisho sidaa u dayacan yahay in ay dawlada Federaalka ah caqli quursi ku samayso shacabka Soomaaliyeed oo la soo gole istaagto sababta ay xayiraada u saareen duulimaadka tooska ee Kismaayo ay amaanka dartii tahay. Madax bannaani Qaran waxaa halbeeg u ah awoodda ay dowladi u leedahay in ay xukunto xudduudaha dhul, bad iyo cir ee dalkeeda. Dowladda Federaalka ah ma laha awood xukun oo ay dalka oo idil uga taliso, laakiin deegaannada dowlad goboleedyada dalka oo aysan ka talin ayaa si mutadawacnimo ah ugu tanaasulay dawlada Federaalka ah si loo celiyo qarankii Soomaaliyeed una ogolaaday in ay magaca Soomaaliya ku metasho. Socdaalka hawada waa awood maamul oo ay dawlad Goboleedyada iyo Somaliland oggoladeen in gacanta loo geliyo Dowladda Federaalka ah, nasiib darase tilaabi ugu horaysay ee lagu tijaabiyey in la aamino Dowladda Federaalka ah, madaxda haatan talada haya ayaa ku takrifalay awooddii lagu aaminay oo waxey u adeegsadeen dano siyaasadeed. Maanta diyaarada ka duusha Afmadow oo 30 kiilo Mitir Kismaayo u jirta ma tegi karto Kismaayo, haddii aysan Muqdisho soo marin . Haddaba haddii awooddii qaranimo ee lagu tijaabiyey Dowladda Federaalka ah ay sababo siyaasadeed ugu takri fasho sideebay Soomaali isku aaminaysaa oo midnimo ummadeed iyo madax bannaani qaran lagu gaarayaa.
  13. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay dhismeyaal u iibiso safaaraddaha saddex dal, sida ay sheegeen illo aad loogu kalsoon yahay. Safaaraddaha dhulalka loo beecinayo ayaa waxay kala yihiin; Mareykanka, Koonfur Afrika iyo waddanka deriska ah ee Kenya. Xafiiska wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo xaqiijiyey jiritaanka xogtan ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah bixiyo. Waxyaabaha aan weli laga jawaabin ayaa waxaa ka mid ah: goorta la bilaabayo, qarashka loo qoon-deeyay mid walba iyo hadii ay yihiin dhismeyaal dhisan ama dhul kaliya. Qorshahan oo Khamiistii, 19-ka September 2019, ay ka doodeen Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu daray Miisaaniyada guud ee dalka sanadkan. Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh. Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh. Miisaaniyadda oo markii hore ahayd 344.2 Milyan ayaa waxaa ku korortay 45.9 Milyan oo doollar, taasi oo ka timid dakhliga gudaha. “Ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ayaa ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar,” ayuu yiri xubin ka tirsan Laanta Fulinta. Mashruuca dhismeyaasha loogu iibinayo safaaradahaas ayaa wuxuu qeyb ka yahay 8 milyan oo Doollar [4,640,000,000 Shilin Soomaali] oo loo jiheyn doono dayactir iyo dhisme iibinta safaaradaha dibadda qaar. Safaaradda Koonfur Afrika waa madax ka ah Jamal Maxamed Barow; halka tan Kenya uu hogaamiyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan; Cali Shariif Axmed uu yahay diblumaasiga ugu sareeya howlgalka Washington. Xigasho: Garowe Online
  14. Dowladda Mareykanka ayaa xoojinaysa ololeheeda ku aadan sidii ay u heli lahayd wadiiqo u sahlaysa duulaan lagu qaado dalkaasi Iiraan,iyadoo Washington ay raadinayso dowlado ay la kaashato weerarkaasi. Madaxweynaha Mareykanka Donalda Jey Trump ayaa wada dadaalo uu wadamada Khaliijka uu kaga dhaadhicinayo in ay qeyb ka noqdaan isxulufeysiga ka dhanka ah dalka Iiraan,oo ah wadan dagaal siyaasadeed oo soo jireen ah kala dhexeeyo Mareykanka. Mr Trump wuxuu amray xoojinta cunnaqabateynta dhaqaale ee Tehran saaran, iyo sii adkeynta “cadaadiska xoogga leh” ee ka dhanka ah Iiraan taas oo Mareykanka uu ku adkeysanayo in saameyn weyn ay ku yeelatay dalkaas. Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyey in ay ka dambeyso weerarada dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo ceelasha shidaalka ee dalkaasi,taasi oo madaxweyne Trumo uu doonayo in uu mar marsiyo uga dhigto weerar lagu qaado Iiraan iyo in ay khatar ku tahay isticmaalka marin Biyoodka Hormuz oo ah marin Biyood dhaca mandiqadda Khaliijka,ahna meel istratiijiyada u ah maraakiibta ganacsi ee Shidaalka isaga kala goosha Caalamka. Dowladda Iiraan oo ka kajawaabaysa dhaq dhaqaaqa Washington ayaa iska fogaysay eedeymaha loo soo jeediyay,waxaana ay sheegtay in ay iska difaacayso gar daro kasta oo kaga timaado Mareykanka iyo xulufadiisa. Xiisadaha Mareykanak iyo Iiraan oo salka ku haya barnaamijkeeda Nuclearka ah ayaa muddo soo jiitamayay,waxaana Iiraan ay xulufo la leedahay wadamo ka soo horjeeda siyaasadda Mareykanka,sida Turkiga iyo Dalka Ruushka. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo dalalka Khaliijka Carbeed oo isbahaysi u samaysanaya dagaalka Iiraan appeared first on Puntland Post.
  15. Xudur (SMN) – Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo waxay ka wadaa degaano iyo degmooyin dhaca gobolka Bakool. Saraakiil ka tirsan xoogaga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadaas ay yihiin amni xaqiijin. Howlgaladda ayaa ka dambeeyay markii shalay ay aagaas ku dagaalameen dad shacab, oo markii dambe garab ka helay ciidanka, iyo AlShabaab. Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xariiqay in howlgaladda ay sii socon doonan, qeybna ka yihiin kuwa ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda. AlShabaab ayaa maamusha qaybo kamid ah gobolada hoostaga Koonfur Galbeed, halkaasi oo qorsheyaasha looga xorreynayo ay socdaan. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shaaca ka qaadey in ay ka go’an tahay in adeegyadda dowladda la gaarsiiyo degaanada fogfog. Si gaar ah, Ibraahim Aadan Najax, ayaa waxa uu farta ku fiiqay tuulooyinka gobolka hoos-yimaada oo ay haatan kawadaa ciidamadda howlgalo balaaran. Mr Najax oo sii hadlaya ayaa ka codsaday shacabka in ay qayb ka noqdaan dedaalada dowladdu wado ee AlShabaab looga saarayo meelaha ay ku sugan tahay. Hadalkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo ciidanka ay mar sii horeysay qabsadeen Awdheegle, Bariire, Sabiid, Caanoole iyo degaano kale. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Shabellaha-Hoose.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ku sugan Muqdisho ayaa tababar siiyey xubno ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab. Askarta tababarta la siiyey ayaa ah qeybtii afaraad, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kaasoo baxay EU-da oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey idaacadda Shabelle. “Waxaan barnay sidda meelaha fog-fog wax looga liisho iyo farsamooyin kale oo looga baahan yaahy ciidamadda,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ciidamada dowlada federaalka oo tababaro ka hela reer Galbeedka ayaa haatan howlgalo kawada gobolada qaar ee waddanka. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa goor-dhow lagu dilay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu ku dhaawacmay. Dilka askarigaan ayaa waxaa uu ka dhacay bar-koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Cali Kamiin, waxana ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan askarta dowladda. Qof goobjooge ahaa xilliga dilka uu dhacayay ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga la dilay uu isku dayay in bajaaj uu marsiiyo waddada oo ciidamada u xirneyd, hase yeeshee taasi ay muran ka dhalatay. “Waxaa xirneed waddada, wiilka bajaajta watay ayaa arkay askari uu yaqaan kadibna waxaa uu ka codsaday in uu ka gudbiyo askarta, waxayna isku raaceen oo ay isku afgarteen in askariga bajaajta uu wado, wiilka bajaajta lahaana gadaal ayuu raacay, waxaa uuna iska dhigay qof bajaajta saaran, kadibna waxaa ay gaareen askartii, kuwaasi oo diiday in ay bajaajtu gudubto, muran dheer kadib askartii bajaajta ayay rasaas u fureen.” Ayuu yiri goobjoogaha. Goobjoogaha waxaa uu sheegay in rasaastii bajaajta lagu furay uu ku dhintay askarigii mootada waday ee doonayay in uu gudbiyo, iyada oo sidoo kale-na ninkii mootada horay u watay uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Askarta joogta agagaarka isgoyska Cali Kamiin ayaa inta badan waddada iska xirta, ayaga oo bajaale-yaasha ku qasba inay bixiyaan lacag baad ah, ama dib u noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay waydiisatay Beesha Calaamka in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga. Xasan Cali Maxamed, wasiirka gaashaandhiga, ayaa tibaaxay in saaxiibadda caalamka ay bogaadiyeen guulihii ugu dambeeyay ee xoogaga difaaca. Mr Amar Dambe oo warbaahinta la hadlay ayaa dhanka kale shaaciyey in la xoojinayo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab. Qaar kamid ah goboladda dalka ayaa waxaa ka socda howlgalo balaaran oo ay ciidamadda ku qabsadeen degaano horleh oo wali baaqi ku ah gacantooda. Tuullooyinka ay xorreeyeen ayaa waxaa kamid ah; Awdheegle, Sabiid, Caanoole, Bariire iyo degaano kale oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya(First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga. Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga,lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga. Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska,sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada,Ceymiska baabuurta,Guryaha IWL. Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur,ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga. Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid,mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga. View the full article
  21. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-20092019-sax.mp3 View the full article
  22. Ankara (Caasimadda Online) – Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya (First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga. Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga, lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga. Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska, sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada, Ceymiska baabuurta, Guryaha IWL. Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur, ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga. Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid, mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.