-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
TORONTO (AP) — Canadian leader Justin Trudeau’s campaign was hit Wednesday by the publication of a yearbook photo showing him in brownface makeup at a 2001 costume party. The prime minister apologized and said “it was a dumb thing to do.” Source: Hiiraan Online
-
The World Health Organization (WHO) has pledged to work with health authorities in Somalia to strengthen primary health care services and improve the capacity of national health workers. Source: Hiiraan Online
-
Over the past 30 years, droughts have become more intense and frequent in Somalia. This year alone, 100,000 Somalis were displaced by drought, according to humanitarian aid organization Norwegian Refugee Council. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aan ay dowladda federaalka ciidamo boolis ah ku geyn laheyd magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wasiirka amniga Soomaaliya uu isku dayay in qaar ka mid ah ciidamada booliiska dowladda dhexe ee dhawaan la geeyay magaalada Dhuusamareeb uu u diro magaalada Gurceel, si ay ula wareegaan ammaankeeda. Qorshaha Wasiirka ayaa ahaa in ciidamadaas ay si buuxda ula wareegaan saldhigga booliiska magaalada Gurceel, balse intii lagu howlanaa diyaarinta ciidamadaas oo hada ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ka war helay hoggaanka Ahlu-Sunna oo ciidamo taabacsan ay gacanta ku hayaan magaalada Gurceel. Ahlu-Sunna ayaa heegan galisay ciidamo daacad u ah oo maamula magaalooyin ay ka mid yihiin Gurceel iyo Matabaan, iyagoo dowladda federaalka ku war geliyay in aysan arintaas ogolayn. Xubno matalayay xukuumadda federaalka ayaa caawa Dhuusamareeb kulan kula yeeshay seddaxda hoggamiye ee ugu sareysa Ahlu-Sunna, waxeyna ka dalbadeen in ciidamada federaalka loo ogolaado in ay ka howlgalaan Gurceel, si tartiib-tartiibana loogu warejiyo amaanka magaalada. Madaxda Ahlu-Sunna ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrtay dalabkaas, waxaana muuqata in ay ku fara adeygayaan gacan ku heynta magaalooyinka Matabaan, Gurceel iyo Tuulooyin kale oo dhaca koonfurta gobolka Galgaduud oo ay kusoo aruurtay awooda Ahlu-Sunna. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
A surveillance video from the vandalized stores shows a man wearing a black tank top throwing rocks at the glass doors of East African-owned stores in Minneapolis. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay. Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka. Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka. “Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”. Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso. Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika. Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya. Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato. Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas. Xigasho: BBC Somali
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa dib uga laabatay go’aan ay markii hore u muuqday mid ay ku cadaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala dhaxeyso dacwad ku saabsan dhul Badeed ay leedahay Soomaaliya oo ay dood gelisay Kenya. Dowladda Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ka laabatay Xayiradii ay horey u saartay Kalluumeysato Gobolka Lamu ee ka kalluumeysan jiran Xeebaha u dhow kuwa Soomaaliya. Xayiradaan ay qaaday Kenya ayaa aheyd in Habeenkii wixii ka dambeeyo labada Saac aysan kalluumeysatada kasoo kalluumeysan karin Xeebaha ku teedsan Soomaaliya. Go’aankaan oo markii hore soo baxay 7 bil ka hor ayaa la sheegay inuu ujeedkiisa ahaa sidii Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay ka laabato dacwadda Badda ee hor taalo Maxkamadda ICJ. Waxay Kenya xilligaas marmarsiiyo ka dhigatay inay go’aankaas u qaadatay arrimo dhanka ammaanka ah iyo cabsi ay ka qabto in la dhibaateeyo muwaadiniinteeda sida ay hadalka u dhigtay waqtigaas. Dowladda Kenya ayaa sameysay dhawr tallaabo ay ku dooneysay inay Soomaaliya kaga hor istaagto dacwadda Badda ee kala dhaxeyso balse marnaba ma aysan suurta gelin. Ugu dambeyntii Dowladda Kenya oo dareensan in looga guuleysan doono dacwadadaas ayaa Maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loogu dhigo dacwadda muddo 12 Bilood balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn dib u dhigtay laba Bil oo kaliya. Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad usii xumaanayo waxayna mar kala qaateen safiiradii u kala joogay labada dal inkastoo markii dambe laga heshiiyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dawlada Sucuudiga oo qiimo yaab leh ku xaraashtay Dhismaha Qunsuliyadii lagu khaarajiyey Jamal Khashoggi Dowladda Sacuudiga ayaa iska iibisay dhismaha qunsuliyadeedii ku taalay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga taasoo Sanadkii hore lagu dhex dilay Wariyihii dalkaas u dhashay ee Jamal Khashoggi sida uu sheegay TV laga leeyahay dalka Turkiga. Haberturk TV ayaa sheegay Talaadadii in Dhismaha qunsuliyadda Sacuudiga oo ku yaalay Xaafadda Levent ee Magaalada Istanbul lagu iibiyey 45 maalin ka hor, 3 meelood hal meel qiimihii markii hore laga bixiyey. TV-ga ayaa sheegay in Sacuudiga dhismo cusub ka iibsatay Xaafadda Sariyer ee Magaalada Istanbul halkaas oo noqon doonto qunsuliyadda cusub ee Sacuudiga, waxayna daris la noqon doontaa midda Mareykanka oo halkaas ku taalo. Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay inaysan weli helin macluumaadka ku saabsan inay Sacuudiga iska iibisay Dhismaha qunsuliyaddii istanbul ee lagu dhex dilay Jamal Khashoggi. Dowladda Sacuudiga ayaa lagama maarmaan ah inay fasax uga hesho iibinta dhulkaas Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, waxaana la aaminsan yahay sababta ay uga guureyso inay tahay sababo dhanka Amniga ah. Saraakiil ka socotay Sacuudiga oo tagay Turkiga wax yar kadib dilkii Jamal ayaa warbixin farsamo oo ay soo saareen ku sheegay in aysan soo saari karin boorsooyinka ku jira Qunsuliyadda loona baahan yahay guri cusub. Dowladda Sacuudiga ilaa hadda wax qunsul ah uma joogo Istanbul tan iyo dilkii jamal, balse waxay Safaaradda bixisaa adeegyada dal ku galka oo kaliya. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xili la filayay in uu soo furo wejiga labaad ee Shirka dib u heshiinta Galmudug. Caasimada Online, ayaa ogaatay in wejiga labdaad ee shirka dib u heshiinta Galmudug uu furmi doono dabayaaqada bisha 10-aad ee sanadkaan, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya, waxa uuna gaab geli doonaa muddo bil ah. Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ka mid ah beelaha daga Galmudug ay caleema-saar u qaban doonaan hoggaankii ay ku doorteen magaalada Hobyo ee gobalka Mudug. Xildhibaano, odayaal, siyaasiin iyo madax kale ayaa lagu casuumay caleema-saarka Prof. Shirwac, oo dhowaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Galmudug. Caleema-saarka Shirwac ayaa dhacaya 10-ka Oktoober ee sanadkaan, waxaana hakad geli doono wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa culeesyo badan oo uga imaanaya qaar kamid ah beelaha daga Galmudug, culeyskaas oo ku saabsan rabitaano isdiidan oo ku saabsan dhismaha Galmudug cusub. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa maanta ka hadashay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarumo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga. Wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland, oo soo saartay war qoraal ah oo ku qornaa luuqada Carabiga, ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay si weyn uga xuntahay weerarkii dhowaan lagu qaaday xaruumaha shidaal ee ku yaalay Sacuudiga. Warkan ka soo baxay Wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay Somaliland mar-walba barbar taagantahay dowlada iyo shacabka Sacuudiga, iyadoona weerarkaasi ku tilmaamtay mid bahal-nimo oo ay fulisay ‘Argagaxiso’. Weerarkaasi lagu qaaday labo xarumood oo laga soo saaro saliida shidaalka ayaa waxa Mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen, laakiinse Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa isaguna sheegay in weerarkaasi ay ka dambaysay Dowladda IRAN, isagoo ka dhawaajiyey in aanay jirin caddaymo sheegaya in Xuutiyiintu weerarkaasi qaadeen. Si kastaba, Weerarkaasi ayaa waxa loo adeegsaday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo geystay khasaare laxaad leh, midkaasi oo gaadhsiisan in wax soo-saarkii Shidaalka ee Sacuudiga uu hoos u dhaco illaa 5.7 Million Barmiil, sida laga soo xigtay Wasiirka Tamarta ee dalkaasi Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Diinsoor (Caasimada Online) – Dhowrkii sano ee la soo dhaafay magaalada labaad ee caasimada u ah gobalka Bay ee Diinsoor, waxaa lagu dilay tobaneeyo dad ah, sidoo kale waxaa magaalada laga masaafuriyay dad kale, halka qaar kalane ay xabsiyada magaalada ku jiraan. Diinsoor waxay ku jirtaa gacan adag, waxaana maamula hal qoys oo xukunka ka dhigay boqortooyo hoostimaada islamarkaana handada oo dila dadka ka horyimaada. Qoyskaan ayaa garab ka heesta ciidamada Itoobiya ee magaalada ku sugan. Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow, oo ku magacaaban Diinsoor ayaa lagu eedeeyay gadoob fallo waa wayn iyo dilka dad shacab ah oo degmada ku nool. Shikshigow, waxaa sidoo kale maamulkiisa ka tirsan wiilal uu dhalay oo laba ah, gabar la dhalatay xaaskiisa, gabar ay walaalo yihiin iyo dhalinyaro uu adeer u yahay waxaana dhamaantood ay ka mideysan yihiin toogashada, tarxiilka iyo cabsi gelinta dadka ka soo horjeeda. Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore xilka uga qaaday Shikshigow balse balse waxa uu magaalada u diiday in uu soo galo guddoomiyii lagu badalay, isagoo ugu hanjabay dil. Xildhibaan hore oo BF Soomaaliya ka tirsan oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa noo sheegay in cabsi uu uga soo baxay Diinsoor, sidoo kale tobaneeyo dad ah oo ku sugan Muqdisho islamarkaana cabsi uga soo cararay Diinsoor ayaa sheegay in halkaas ay ka jirto dhibaato aan lagu baraarugsaneen. Dadka aan la hadalnay waxaan qarinay magacyadooda sababo dhanka amniga, waxaana ku jira qaar hadda ku sugan Diinsoor. Guddoomiye Shikshigow waxa uu diiday inuu arintaan ka hadlo, waxa uuna sidoo kale warbaahinta uu ka mamnuucay xubnaha maamulkiisa. Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Diinsoor ayaa door wayn ku leh dhibaatooyinka Diinsoor waxayna maamulka ka gacan siiyaan xadgudubyada ka dhaca degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Soomaaliya, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaa dalka soo maray dowlado kala duwan oo u badnaa kuwo ku meel-gaar ah ah, halka dowladdaan iyo dowladdii ka horreysay ay shaaciyeen beesha caalamka in ay Soomaaliya ka baxday xilligii ku meel-gaarka ahaa, walow weli beesha caalamka ay kula dhaqanto Source: Hiiraan Online
-
The Ministry of Education will hire Saudi women drivers to transport school students, according to Ibtisam Al-Shehri, spokesperson of the ministry. “There is no provision in the contract, specifying the gender of the drivers whether they are men or women. This enables transport contractors to hire those women who fulfil the required terms and conditions to work as school bus drivers,” she said. Al-Shehri said that the terms and conditions include the age between 30 and 60, holder of public driving license, a certificate showing no criminal background, passing a medical test, in addition to intensive training courses in safe driving of school buses. Gulfinsder Qaran News
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama, waxayna sheegeen in bar tilmaameedkoodu ahaa gaadiid uu la socday Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in qaraxa oo ahaa miino lagu diyaariyay wadada dhinaceeda uu haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ilaalo u ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow, isla markaana ay ku dileen seddax ka mid ah ilaaladiisa isagiina uu ka badbaaday. Al-Shabaab ayaa sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay ay wadada marayeen labo gaari oo kala ahaa Bullet-proof nuuca aysan xabaddu karin iyo gaari Cabdi-bile ah, iyadoo Xildhibaan Caraboow uu saarnaa gaariga Bullet-proof-ka ah, sidaasna uu khasaaraha ugu badan ku gaaray ilaaladiisa oo saarneed Cabdi-bilaha, sida ay hadalka u dhigeen. Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan qaraxa caawa ka dhacay bartamaha Muqdisho, gaar ahaan wadada sida weyn loo ilaaliyo ee Maka Al-Mukaramah. Dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray askartii ilaalada u eheed xildhibaanka, kasokow waxaa jira khasaare soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee iyaguna isticmaalayay wadada xilliga uu qaraxu dhacay, ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay shankalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxa, waxaana ku gubtay gaadiidkii ay wateen dadka rayadka ah. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ethiopia has refused to discuss the Egyptian proposal on the Renaissance Dam, which the Ethiopian authorities are building over the Nile, according to a statement by the Egyptian Ministry of Water Resources and Irrigation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto, wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in qaraxu uu ahaa mid ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay. Inta la xaqiijiyey shan ruux oo laba kamid ay rayid yihiin ayaa ku naf-weysay weerarka, oo aysan jirin illaa iyo hadda koox sheegatay. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda waxa aysan wali war kasoo saarin falkan. Qaraxan ayaa kusoo aadaya iyadda oo ciidamadda amniga ay adkeeyeen nabad-gelyadda caasimadda, sarrena loo qaadey howlgalada amni xaqiijinta. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanha-1892019.mp3 View the full article
-
Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay. Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka. Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa kulan la yeeshay safiirrada ka socda waddamada Ajnabiga ah ee ku sugan dalkiisa Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka. “Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”. Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso. Lahaanshaha sawirkaAMB. MONICA JUMA/TWITTER Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika. Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya. Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato. Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee magaaladda Muqdisho. Qaraxa oo noociisu ahaa Miino dhulka lagu aasey ayaa la tilmaamay in uu ka dhacay afafaarka hore ee maqaaxi halkaasi ku taala. Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo laba kamid ah ay askar yihiin iyo ruux shacab ah ayaa ku naf-waayey weerarka. Sidoo kale, laba kale oo rayid ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaaladda. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan, laamaha ammaankana wali wax war ah kama aysan soo saarin falkan. View the full article
-
An explosion was reported to have occurred along the busy Makka Al-Mukarama street in the heart of Mogadishu, the Somali capital on Wednesday evening. Witnesses said a remote-controlled landmine took place outside a newly opened restaurant at Hajji Pasto junction with reports that several people lost their lives in the IED attack. No group has yet claimed responsibility for the bombing in Mogadishu, but, Al-Shabaab carries out such attacks in the capital. More soon. View the full article