-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
POLITICAL STALEMATE ON KISMAYO. READ THIS ARTICLE FOR FREE.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
By Ismail Warsame The stalemate on KISMAYO is affront to rationale and human imagination. Here, you have a part of the country on blockade by [...] Source -
Waa kuma Maxamed Cali – ninka laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha Masar? Maxamed Cali hadda wxaa auu ku sugan yahay dalka Spain Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Masar oo ay kamid yihiin Qaahira iyo Alexnadria ka socday dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka Madaxweyne Cabdul-Fataax Al-Sisi. Dibadbaxyada oo ah kuwa aan looga barananin shacabka dalkaas dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kadib isbadelkii ka dhacay Masar ayaa u muuqday mid ay ku dalbanayaan in uu meesha ka baxo xukunka Madaxweyne Al-Sisi. Cabdul Fataax Al Sisi ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo in uu ku takri falay hantida dadweynaha. Arrinta ayaa waxaa shaaca ka qaaday nin si dhaw ula shaqeyn jiray milateriga Masar oo lagu magacaabo Maxamed Cali, kaas oo haatan u baxsady dalka Spain. Maxamed oo musaafuris iskii ah ugu maqan dalka Spain ayaa horay u ahaa qanadaraasle la shaqeeyn jiray milteriga Masaarida, waxaana uu sheegay in intii uu la shaqeynayay uu ogaaday waxyabo badan. Maxamed oo cinwaanada uu baraha bulshada ku leeyahay ay ku taxan yiiinn dad ku dhaw 2 milyan oo qof ayaa sheegay in shirkad uu leeyahay ay mashaariic badan u fulisay milateriga Masar, ayna kamid yihiin dhismeyaal iyo in uu alaab usoo iibiyay milateriga. Maxamed Cali waxaa uu sheegay in wada shaeqyntii uu la yeeshay milaterga ay u sahashay in uu wax ka ogaado qaabka loo maareeyo dhaqaalaha dalkaas oo inta badan gacanta ugu jira ciidammada. Dhowr muuqaal oo uu soo dhigay baraha bulshada ayaa xiisad ka abuurtay dalka Masar. Maxamed waxaa uu Madaxweynaha dalkaas iyo ciidanka ba uu ku eedeeyay in boqolaal milyan oo doolar ay u adeegsadeen dano shakhsi, ayna ku dhisteen huteelo, guryo iyo waxyaabo kale. “Wakhtigaagu waa uu dhamaaday,” ayuu ku yiri Maxamed muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna shacabka dalkaas gu baaqay in maalinta jimcaha ay isugu soo baxaan wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. Saameynta Maxamed Cali Dibadbaxyo dhowr ah ayaa ka dhacay dalka Masar maalmihii la soo dhaafay Qaar kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Masar ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dibadbaxayadaas iyo saameynta ay ku yeelan karto noolasha dadka caadiga ah. Waxay shegeen in marka la eego qaabka ay wax uga falceliyaan laamaha ammaanka ay arrintaas dhibaato ka dhalan karta, iyagoona ugu baaqay ciidanka in aysan la xifaaltamin dadka dibadbaxaya, balse ay ilaaliyaan. Sidoo kale waxay dalbadeen in la sii daayo dhamaan maxaabiista u xiran arrimo siyaasadeed iyo ciidanka loo xiray in ay ka soo horjesteen siyaasadaha Madaxweyne Sisi. Maxamed ayaa baraha bulshada ee dalkaas caan ka noqday, oo waxaa maalmahan baa ad u hadal hayay warbaahinta Carabta, kuwaas oo qaar kamid ah ay ku tilmaameen “hormuudka kacaanka cusub ee Masar. Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in aanan la siinin lacagtii ay ku ballameen dowladda, gaar ahaan milateriga oo uu sheegay in shaqooyin badan uu u qabtay. Dad badan ayaa aad ugu taxan akoonada uu 45 jirkan ku leeyahay baraha bulshada, oo waxay marwalba daawadaan muuqalada uu soo dhigo baraha bulshada ee uu kaga hadlo taliska Madaxweyne Sisi iyo xaaladda dalka Masar. Cabdul Fatax Al Sisi ayaa horay uso noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Masar Muuqaaladii uu soo dhigay ee uu kaga hadlay “musuqmaasuq ka jira dalka Masar” ayaa wxaay dhalisay in ay soo xoogeystaan eedeemaha loo jeedinayo Madaxweynaha iyo hadal heynta dibadbaxyada. Inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaa dibadbaxayada looga soo horjeedo Dowladda Masar iyo saameynta kale ee uu la soo bixi doona Maxamed Cali ayaa hadana maksaxda shacabka dalkaas waxaa wali ka guuxay dibadbaxyadii horay uga dhacay Masar iyo saameyntii ka dhalatay. Hadaladii uu jeediyay Maxamed Cali ayaa waxay keentay in dowladda ay ciidamo soo dhoobto wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar, gaar ahaan fagaaraha Taxriir ee Magaalada Qaahira, halkaas oo xudun u ahayd dibadbaxyadii sababay isbadelkii ka dhacay Masar sideed sano kahor. Dadka qaar ayaa aaminsan in shacabka Masaarida aysan ahayn sidii hore oo ay ka daaleen dibadbax, Maxamed Cali ayaa se wali ku baaqay in dadku ay isu soo baxaan oo meesha laga tuuro dowladda hadda jirta. Ciidanka Masar ayaa sidii looga bartay ba aanan gacan bir ah kala hortagin dadkii dibadbaxayay maalmahan, waxaa se dadka darsa arrimaha Masar ay aaminsan yihiin in haddii dibadbaxayad ay sii ballaartan ay u badan tahay in milateriga ay gacan bir ah kala hortagi doonaan dadka. Madaxweynaha Masar, Cabdul-Fataax Al Sisi oo ka qeybgalayay shirka dhalinyarada ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay maamulkiisa, isagoona ku tilmaamay kuwa meel ka dhac ah. Mamnuucista Akhwaanul Muslimiin Dadka taageera siyaasdaaha Madaxweynaha Masar ayaa mar wlaba ku dooda in uu dib u habeyn ku sameeyay dhaqaalaha Masar, waxbadan na uu ka qabtay dhaqalaah sii liicayay ee dalkaas. Hasayeeshee daraasadd la soo saaray bishii Luulyo ee sanadkan ayaa lagu sheegay in qof kamid ah saddexdii qof ee Masar ay ku nool yihiin saboolnimo. Shacabka dalkaas ayaa gaaray boqol milyan oo ruux. Maamulka Madaxweyne Cabdul-Fataax Al Sisi ee dalka Masar ayaa wadankaas horay uga mamnuucay ururka Akhwaanul Muslimiin oo uu ka tirsanaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee si dumuqradai ah looga soo dorto Masar. Maxamed Mursi ayaa waxaa xilka ka tuuray isla Sisi oo uu xiligaas ahaa wasiirkii gaashaandhiga, waxaana intii ka damabeesay dalkaas lagu xirxiray dad badan oo ka afkaar duwan milateriga, kuwaa oo qaar badan oo kamid ah la xukumay, halka kuwa kalena ay u baxsadeen dalka dibadiisa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa u yeeray Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka howlgala Gobalka Gedo. Wafdigaan oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, ayaa lagala hadlay fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqaan galaan Gedo. Caasimada Online ayaa ogaatay in go’aanadaas ay ku jiraan qodobadaan. 1) – In guddoomiyaha gobalka uu ku dhawaaqo xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaasha afar degmo oo kala ah, Luuq, Doolow, Ceelwaaq iyo Baardheere, kuwaas oo ah degmooyinka aadka looga taageero Axmed Madoobe kana tirsan Gedo. 2) – In taliyaal cusub iyo guddoomiyaha gobalka, ay hogaamiyaan howlgal ka bilaaban doono Gedo oo lagu imaan doono Jubbooyinka, waxaana lagu wareejin doonaa Ciidamo cusub oo tababar ka soo baxay iyo saanad ciidan. 3) – Iyo in aysan fulin, kana amar qaadan Axmed Madoobe, balse ay fuliyaan amarada ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya si loo badbaadiyo dalka. Wafdigaan ayaa la filayaa in ay deg deg ugu laabtaan Gedo, islamarkaana ay dhaqan geliyaan heshiiyo iyo amaro ka soo baxay Madaxtooyada oo dagaal culus kula jirto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Lama oga sida ay u dhaqan geli doonaan arrimahaan balse waxaa la filayaa in masuuliyiintaan ay wajahaan caqabado badan oo saameen balaaran degaanka ku yeesha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Ministry for Foreign Affairs of Finland has made an additional contribution of EUR 8.1 million ($8.9 million) to the Somalia Multi-Partner Trust Fund (MPF), administered by the World Bank. The additional funds into the MPF will boost financing through government systems for the sustainable reconstruction and development of Somalia. The overall goal of the Somalia MPF is to strengthen the capacity of the state to build systems and institutions that deliver services to the Somali people. The funds follow an original contribution of EUR 4 million ($4.4 million), bringing the total contribution to EUR12.1 million ($13.4 million). “We are pleased with how much progress has been made in developing Somalia’s institutions and delivering on reforms since 2012,” said Finland’s Ministry of Foreign Affairs, Ambassador Erik Lundberg). “However, many challenges remain, particularly in ensuring services are delivered to the poorest and most vulnerable. The Government of Finland is committed to helping the Somali authorities meet these challenges and rebuild Somalia.” Activated in August 2014, the MPF is one of the pooled funds established under the Somalia Development and Reconstruction Facility, a facility that brings together Federal Government, Federal Member States, Parliament and the international community. The MPF supports government-led state-building for service delivery and economic growth. Including the Finnish Ministry of Foreign Affairs, the MPF has received contributions of over $447 million from eleven donors. “Finland continues to be an important partner to the World Bank through its engagement with the MPF,” said World Bank Country Manager for Somalia, Hugh Riddell. “With this contribution we will be able to further support the government capacities to improve service delivery and increase resilience in Somalia. Finland is an important voice in shaping the direction of the MPF.” The MPF pools funds from international donors and provides grants directly to government. Implementation is done through government systems and institutions with close monitoring of fiduciary, social and environmental safeguards. In this way, the MPF has been supporting authorities at all levels of government to play a leadership role in rebuilding peace and prosperity in Somalia. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Finland ayaa $8.9 Milyan oo doollar ugu deeqday mashruuca horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa lacag dheeri ah ku biirisay $8.9 milyan oo dollar oo lagu kabayo Sanduuqa MPF iyada oo loo sii marinayo Bangiga Adduunka. Deeqahan ayaa loogu talagalay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guud ahaan hadafka mashruuca MPF ayaa ah in lagu xoojiya awoodda ay dowladdu u leedahay dhismaha hay’ado adeegyada aasaasiga ah gaarsiin kara bulshada. Lacagtan ay ku deeqday Dowladda Finland ayaa daba socotay lacag hore ay ugu deeqday oo gaareysay $4.4 milyan oo dollar taas oo wadarta deeqaha ay bixisay Finland ka dhigeysa $13.4 m oo doollar. “Wax aynu aad ugu faraxsan nahay horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay Soomaaliya iyo hay’adaheeda oo dib u habeyn lagu waday tan 2012-kii” ayuu yiri Erik Lundberg oo ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay caqabada badan ku hor gudban yihiin in la hubiyo in ay adeegyadii muhiimka ah ay gaareen dadka saxda ah. Dowladda Finland ayaa deeq bixiye weyn ka ah sanduuqa MPF oo la furay 2014-kii si dalalka caalamka ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. View the full article
-
Puntland leader, Saed Abdullahi Deni appointed new spy chief to lead the region’s intelligence forces amid reports claiming ISIS and al-Shabaab recruitment in the state’s terrain mountains. In a statement, the leader has nominated Mukhtar Mohamed Hassan to head the agency’s operations against the rebel group in Puntland’s Galgala. The leader said his nominated appointee can change the game and could lead the forces to eradicate the anti-peace elements. Puntland has been fighting al-Shabaab and ISIS fighters suspected to have training camps in the northeast of the state. In cooperation with the federal security forces, Puntland spy agency has arrested dozens of terror suspects and dismantle sleeping cells in the state. Recently, in security operations to hunt down Al-Shabaab operatives in Garowe and Bossaso following series of assassinations against officials, foreign workers, and soldiers. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. Howlgallada oo ahaa kuwa dhan ah Al-Shabaab ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen dhanka buuraha Calmadow ee gobolkaasi. Saraakiil ka tiran kuwa Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab , kadib iska hor imaad ay la galeen. Ma shaacin saraakiishu tirada dagaalyahannada ay dileen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gacnsiga Puntland. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhowaan uga timid Jabuuti, taas oo salka ku heysa loolanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Jabuuti. Aadan ayaa sheegay in Kenya aheyd mid ka shaqeysa nabadda iyo xasiloonida”, Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya, si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka. Jabuuti ayaa Isbuucii la soo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale u soo qaadatay khilaafka kala dhaxeeya Somalia. View the full article
-
Garoowe (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-24092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaas lagu toogtay Nabadoon. Nabadoonka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle oo ku magic dheeraa Qaloosh. Dilkaan ayaa waxaa fuliyey Kooxo ku hubeysan buskoolado oo nabadoonka ku dhuftay Dhawr Xabad xilli uu ku sugnaa Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bacad. Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsaden goobta waxaana mudo yar kadib la sheegay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas halkaas baaritaano ka wada. Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waxaa looga bartay inay fuliyaan Kooxda Al-Shabaab, inkastoo aysan weli sheegan dilkaan. Al-Shabaab ayaa horey waqti ugu qabatay odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana Al-Shabaab cafis ahaan ugu tagay boqolaal oday sida ay sheegeen. Kooxdaan ayaa sii badisay cadaadiska ay ku heyso Odayaasha soo xulo Xildhibaanada, waxayna maalmihii dambe wadeen qorshe ay ku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan Xildhibaanada la filayo in lasoo doorto Doorashada soo socoto marka uu dhamaado waqtiga Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shirkada Caymiska ee Takaful ayaa maanta agab dhar ah ku wareejisay taliska ciidanka nabad gelyada wadooyinka Puntland ee loo yaqaano Taraafikada. Agabkaan oo ka koobnaa dareeska ay xirtaan ciidamada Taraafikada, ayaa shirkada Caymiska Takaful waxay sheegtay in ay ugu talo gashay sidii ciidamada uga caawin lahayd shaqooyinkooda maalinlaha ah. Madaxa Takaful ee Puntland Maxamed Xasan ayaa sheegay shirkadoodu inay caymis galiso gaadiidka laga isticmaalo Puntland, sidaa awgeedna loo baahan yahay in kor loo qaado isku xirnaanta iyo wada shaqaynta shirkada iyo laamaha taraafikada Puntland. Taliyaha ciidanka Taraakifada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal), ayaa uga mahad celiyay shirkada Takaful taageerada agab ee ay ufidisay laanta nabad gelyada wadooyinka. Ismaaciil Qabaal waxaa uu qiray in Puntland baahi weyn looga qabo adeegga Caymiska gaadiidka maadaama uu aad u badan yahay khasaaraha hantiyeed ee ka dhasha shilalka gaadiidka. Taliyaha guud ee ciidanka taraafikada Puntland, Axmed Cabdi Cali (Qalyare), ayaa sheegay maqnaanshaha kaalinta Ceymiska inay tahay mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee dalka ka jira, wuxuuna yidhi.” Ceymisku waa xalka dhibaato aan la aqoon xilliga ay kugu dhacayso. Waa dhibaatadii qofka si gaar ah ugu dhacday oo lala qeybsanayo. Shirkadda Takaful, waxay ka shaqaysaa Adeegyada caymiska ee Bariga iyo badhmaha Qaarada Afrika. waxay bixisaa adeegyada caymiska oo dhan, sida Caafimaadka, gaadiidka, guryaha iyo Socdaalka Badaha, kuwaasoo ku shaqeeya Nidaamka Islamic Insurance ama Caymiska Islaamiga ah. Puntland Post The post Shirkadda Caymiska Takaful oo qalab ku wareejisay taliska Taraafikada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed was honored with the Concordia Annual Leadership Award in the U.S., the presidency said on Tuesday. Attending the United Nations General Assembly in New York, Mohamed shared the award with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Eritrean President Isaias Afwerki for their role in promoting peace and economic integration in the Horn of Africa. “H.E. President Mohamed Abdullahi Farmaajo has received the 2019 Concordia Leadership Award at the ConcordiaSummit, held annually alongside the UN General Assembly in New York. “Ethiopia PM H.E. Abiy Ahmed & Eritrea’s Pres. H.E Isaias Afwerki named co-recipients for their uniting reforms and integration of the Horn of Africa,” the Somali presidency said in a statement. The Somali president was proud to be awarded on Monday for his effort to ensure hope and peace in the region. “I am honored to report that a wind of hope and peace is blowing in the Horn of Africa after several decades of insecurity. However, maintaining peace requires trust-building, compromise, connection, understanding from all sides involved in the conflict,” Mohamed addressed the ceremony. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdi Naasir Seeraar Max iyo Cabdirashiid Xidig oo horey u sheegtay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ka hadleen xaaladaha maamulkaasi iyo dhacdadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maalin ka horna laga hor istaagay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar ayay si weyn ugu weerarreen labada madaxweyne ee hore, isagoo sheegay inuu warkooda kasoo horeeyay oo ay hore u taageereen doorashadii sharci darrada ahayd ee Axmed Madoobe, oo aysan jirin wax ay sheegaan oo aan ahayn inay tii hore ku celiyaan oo ay been xalaaleeyaan. Waxaa ay sheegeen xubnahan in xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland aysan baasin lagu shubin, iyagoona ka dalbaday madaxdii hore ee dalka soo martay in aysan la safan qaar ka mid ah dadka kismaayo isku heysta. Cabdinaasir seerar iyo Xidig ayaa si wadajir ah u sheegay in kismaayo aysan noqon mid laga mucaarado dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekhow Farmaajo doorasho ayuu idinkaga adkaaday, mana idinka baryaayo inuu xukumo 4 sano oo xilka hayo.. awooda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil.., taasina Soomaliya kama shaqeyneyso, shacabkana ma marin habaabin kartaan..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo si cad u sheegay inay dhibaatada Jubbaland taalla ay tahay faragelinta bannaanka uga imaaneysa. C/rashiid Xiddig ayaa ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu rabo inuu xalaaleeyo xadgudub iyo afduub, xitaa haddii caleemo saarka Axmed Madoobe ka qeyb galana aanu waxba soo kordhin doonin.., ‘Waxaa kuu sharaf rooneyd in lagaa celiyo…” ayuu yiri. “Madaxweynayaal ayay rabaan inay u tartamaan, waxayna taageerayaan doorasho sharci darro ah…, sharaftiinii dhulka ayey ku dhacday… Haddii doorashada uu afduubtay Axmed Madoobe aad taageertaan, Farmaajana doorasho taas la mida ayuu qabsan doonaa..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xabsiga magaalada Boorama goordhoweyd laga sii daayey Xildhibaanadii dhowaan loo xiray Jabhadii ka dilaacday deegaano ka tirsan gobolka Awdal. Xildhibaanadan ayaa waxa maalintii khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama. Sii-deynta xildhibaanadan ayaa daba socota dadaalo iyo waan-waan ay maalmihii u dambeeyen wadeen odayaasha beesha ay ka soo jeedan xildhibaanadan, kuwaasi oo muddo dhan 5-cisho ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Boorama. Xildhibanaadan oo goordhoweyd markii xabsiga laga sii daayey la hadlay warbaahinta, ayaa waxa ay sheegen in loo xiray kacdoon ay abaabuleysay beesha ay ka soo jeedaan, kuwaasi oo Jabhad ka dhana xukuumada Muuse Biixi ka abaabulayey deegaano hoos yimaada gobolka Awdal. Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxay sheegen in Kacdoonkaasi ay hormuud ka ahaayeen odayaasha beeshoodu, isla markaana ay kula soo dul-dhaceen, midaasi oo sababtay in xabsiga loo taxaabo xildhibaanadan. Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Boorama, Xildhibaan Maxamed Faarax Dheerayste oo ugu horeyntii isagu la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in shirqool ay soo abaabuleen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka iyo degmada, iyo weliba odayaal ka tirsan beeshoodu ay ka dambeysay xarigooda. Xildhibaan Dheereyste ayaa sidoo kale waxa uu luuqad adag kula hadlay Badhasaabka gobolka Awdal, oo uu ka dalbaday in uu banaanka keeno cadeymaha iyo waxyaabihii ay xabsiga ugu jireen mudada shanta cisho ah, wuxuuna yiri “Sababihii aanu u xidhneyn oo ahaa howlo qaran, oo ahaa in reerka baahiyaadkii jirey uu si salmi ah oo aan turxaan laheyn usoo bandhigtey cabashadiisii, midaasi oo aheyd mid inbadan soo noq-noqotay, haba’se ahaate la dhageysan waayey, taasi oo ay kaliftay in kacdoon ka dhasho”. “Kacdoonkaasina waxa hogaaminayey odayaasha reerka, odayadiina markey is-afgaran waayeen kooxdii ay hogaaminayeen, ayey yidhaahdeen xildhibaanada ayaa howsha naga fududeyn kara, kii saameyay markuu howshii dhameyn kari waayeyna oo anaga nagu soo dul-saarana, waxay noqoneysa caqabad koleyna waxaan u maleynayaa in bulshada intooda badan ay ka dharagsantahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Odayaashii markaa lahaa ee gadh-wadeenka ka ahaa iyo ciidankii ay wateen ee meesha ay dhigteen ay is afgaran waayeen, in anaga na soo dhex-galiyaan, waa xaalad iska foolxun koley”. “Badhasaabka iyo guddoomiyaha degmadaba iyo weliba odayada qaarkood inay gacan saar fool-xun ay yeeshaan, oo anaga wixiiba nagu soo leexiyaan, waa mid aad iyo aad uga xunahay. Badhasaabkana waxaan uga fadhinaa hadduu cadeynta keeni waayo iyo waxyaabaha uu inagu xidhay inaga, waa tuhun loo joogi doono, oo la is xisaabin doono”. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
The Ministry for Foreign Affairs of Finland has made an additional contribution of EUR 8.1 million ($8.9 million) to the Somalia Multi-Partner Trust Fund (MPF), administered by the World Bank. The additional funds into the MPF will boost financing through government systems for the sustainable reconstruction and development of Somalia. The overall goal of the Somalia MPF is to strengthen the capacity of the state to build systems and institutions that deliver services to the Somali people. The funds follow an original contribution of EUR 4 million ($4.4 million), bringing the total contribution to EUR12.1 million ($13.4 million). “We are pleased with how much progress has been made in developing Somalia’s institutions and delivering on reforms since 2012,” said Finland’s Ministry of Foreign Affairs, Ambassador Erik Lundberg). “However, many challenges remain, particularly in ensuring services are delivered to the poorest and most vulnerable. The Government of Finland is committed to helping the Somali authorities meet these challenges and rebuild Somalia.” Activated in August 2014, the MPF is one of the pooled funds established under the Somalia Development and Reconstruction Facility, a facility that brings together Federal Government, Federal Member States, Parliament and the international community. The MPF supports government-led state-building for service delivery and economic growth. Including the Finnish Ministry of Foreign Affairs, the MPF has received contributions of over $447 million from eleven donors. “Finland continues to be an important partner to the World Bank through its engagement with the MPF,” said World Bank Country Manager for Somalia, Hugh Riddell. “With this contribution we will be able to further support the government capacities to improve service delivery and increase resilience in Somalia. Finland is an important voice in shaping the direction of the MPF.” The MPF pools funds from international donors and provides grants directly to government. Implementation is done through government systems and institutions with close monitoring of fiduciary, social and environmental safeguards. In this way, the MPF has been supporting authorities at all levels of government to play a leadership role in rebuilding peace and prosperity in Somalia.
-
Kenya ayaa la xaqiijiyey iney mar kale dib ugu laabtay maxkamadda qaadeysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo sheegtay in ay ku yartahay 2-bada bil ee la siiyey ee ilaa November 4, waxaa ay maxkamadda cadliga ka codsadeen waqti intaas ka badan. Ilo kiiska ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenya oo horay ugu hungowday in muranka badda xal looga gaaro meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay maxakamadda si waqti u iibsato. Maxkamadda ICJ weli lama soo xiriirin Soomaaliya, laakin waxaan la hubin waxa ay Muqdisho ka yeeli-doonto haddii Kenyaanka dalbadaan waqti ka badan kii ay maxkamadda qabatay ee November 4 ahaa. Kenaya ayaa horay maxkamadda uga codsatay 12 bil, laakin waxaa loo ogolaaday 2 bil oo ah inta u dhaxeysa September 4-November 4. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda NCA ayaa maanta oo Talaado ah , waxay Wakaaladda horumarinta Biyaha Puntland ku wareejisay , afar mashruuc oo biya ah, kuwaasi oo hay’addu ka hirgelisay Kaamamka Jillab la isku yiraahdo ee ku yaalla magaalada Garoowe iyo sidoo kale tuulada Balleey oo ka tirsan isla degmada Garoowe. Munaasabadda waxaa goob-joog ahaa, maamulka degmada Garoowe, mas’uuliyiinta shirkadda Biyaha NUWACO, saraakiil ka socotay hay’adda NCA iyo maamulka sare ee wakaaladda Horumarinta Biyaha dowladda Puntland oo la wareegtay afarta mashruuc. Madaxa hay’adda NCA Puntland, Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Sheikh Axmed iyo maareeyaha guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah uga warbixiyay afarta mashruuc-biyood ee hay’adda NCA ka hirgelisay kaamamka Jillab iyo tuulada Balleey oo ka tirsan degmada Garoowe. Sidoo kale, qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucyada biyaha ay hay’addu hirgelisay ayaa si weyn ugu mahadceliyay NCA, waxaana ay ka sheekeeyeen dhibka ay biya la’aantu ku haysay, ka hor inta aysan NCA hawshaasi qaban. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Hay’adda NCA oo afar mashruuc-biyood ku wareejisay Wakaaladda Biyaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa culeys badan saartay Jubbaland, lana joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo, wararka soo baxayo ayaa sheegayo in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. 26 Bishaan ayaa lagu ballansanaa in Caleema saarka Madaxweynha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulkaas. Waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd Xafladda sida uu go’aan ku gaaray guddiga qaban qaabada Caleema saarka. Illaa hadda ma jirto waqti rasmi ah oo loo qabtay inay dhacdo Xafladda, wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in laga yaabo inay Xafladda u dhacdo Bisha soo socoto. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo. Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo. Waxaa weli taagan doodii ka dhalatay xayiraadii la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed oo loo diiday inuu u safro Magaalada Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka, waxayna dhaleeceyn badan kala kulmeysaa xisbiyada mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka soo hoggaamin jiray. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Doha)-Kumanaan shaqaale ah oo ku sugan dalka Qatar ayaan mushahar ka helin dadka ay u shaqeeyaan, waxaana lagu qasbaaa inay ku noolaadaan xaalado aad u liita, sida ay ku warrantay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Inkasta oo ay sanaddii 2018 ballan-qaaday inay is-beddelo ku sameynayso sharciyada muhaajiriinta, ayaa Amnesty waxay sheegtay in dowladda Qatar ay ku guul-darreysatay inay fuliso siyaasadaheeda ku aadan mushaharaadka aan la bixin. Amnesty waxa kale oo ay sheegtay in nidaamka shaqaaleynta ee Kafala uu shirkadaha dalkaas siiyo awood ballaadhan oo ka dhan ah shaqaalaha muhaajiriinta ah. Ayada oo Qatar lagu wado inay marti-geliso koobka kubadda cagta adduunka ee 2022, ayaa kooxdan xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay dalkan ku yaalla khaliijka ku cadaadiyaan inuu horumariyo xaaladda qiyaastii labada milyan ee qof ee ah muhaajiriinta shaqaalaha ah. Guusha Qatar ay ku heshay marti-gelinta Koobka Adduunka ayaa dareenka dunida kusoo jeediyey silaca muhaajiriinta shaqaalaha ah, oo badankood iminka ku lug leh dhismayaasha garoomada kubadda cagta iyo kaabayaasha. Kadib cambaareyn caalami ah, Qatar ayaa ogolaatay dhismaha guddi xaliya muranada shaqada, iyo sanduuq caymis oo taageera shaqaalaha sharciga la tiigsanaya kuwa ay u shaqeeyaan. “Wax walba aad ayay ugu qurxoonaayeen warqadda. Hase yeeshee xaqiiqda dhulka ka jirta ayaa ah, marka shaqaalaha aan mushaharkooda la siin, oo ay kiiskooda geeyaan maxkamad ay wajahayaan dagaal sharci oo aad u waqti fog, oo weli qaadanaya saddex illaa sideed bil, si ay maxkamadda go’aan uga gaarto.” Waxaa sidaas tidhi May Romanos oo ah baadhaha Amnesty u qaabilsan muhaajiriinta shaqaalaha ah ee Khaliijka. “Ayada oo sidaas ay tahay, haddana weli ma hubna in lacagtooda ay helayaan, kuwa badan oo ka mid ah ayaa iska rajo dhiga oo dalalkooda ku laabta ayagoo gacan maran, ama sii jooga Qatar ayaga oo ku nool xaald aad u liidata, qabana rajo ah in lacagtooda u iman doonto.” Ayey tidhi. Dowladda Qatar waxay ku adkaysatay inay sameysay is-beddelo macno leh, ayna faro-gelisay oo ay muhaajiriin badan gacan ku siisay in go’aan laga gaaro kiisaska ka-dhaxeeya ayaga iyo kuwa ay u shaqeeyaan. Source
-
Popular Contributors
