-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 41-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha nabad-gelyada, sidoo kalena waxa warbixin lagaga dhegaystay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda. Waxa kulankan diirada lagu saaray adkaynta amniga waxaanu goluhu ku dheeraadeen ahmiyada weyn ee nabadgelyadu u leedahay dalka iyo dadka iyagoo hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday. Waxa kale oo goluhu warbixin dheer ka dhegaysteen gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Farxaan Aadan Haybe oo sharaxaad ka siiyay golaha hawlaha horumarineed ee hay’adda shaqaaluhu ku hawlan tahay, isagoo tilmaamay inay dib u habayn iyo tayayn ku samaynayaan waaxaha maamulka iyo maaliyada iyo cududa shaqaalaha si kor loogu qaado tababarada iyo xirfada shaqaalaha dawladda islamarkaana loo hirgeliyo hannaanka, maamul wanaaga, daahfurnaanta iyo maamul daadejinta gobolada iyo degmooyinka ee shaqaalaha dawladda. Ugu danbayn waxa goluhu xusay muhiimada xeerka hawl-gabka iyo xaqsiintu u leeyahay ciidamada qalabka sida si ay isula jaan-qaadaan horumarinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu, xeerkaas oo horyaal golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale goluhu wuxu ku dhiiri geliyey gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda in shaqaalaha dawladdu noqdaan shaqaale aqooneed oo la tartama shaqaalaha caalamka. Source
-
Chris Reynolds Maanta, Chris Reynolds waxaa loo magacaabay Madaxa Howlgalka EUCAP Somalia. Wuxuu shaqada kala wareegayaa Maria-Cristina Stepanescu (oo ka socotay Dalka Romania) oo ahayd Madaxa Howlgalka laga soo bilaabo 1dii Sebtember 2016. Chris Reynolds, oo ah muwaadin u dhashey dalka Ireland, ayaa ahaa ku-xigeenka madaxa howlgalka islamarkaana ahaa Madaxa Shaqaalaha illaa iyo Janaayo 2019. Sanadkii 2016-2017, wuxuu ahaa madaxa howlgelinta. Sidoo kale, wuxuu horay uga soo shaqeeyey Ciidamada Badda Ireland iyo Ilaalada Xeebaha Ireland. Waajibaadka shaqo ee EUCAP Somalia ayaa ah in kor loo qaado awoodda sharci-fulinta madaniga ah ee dhanka badaha Soomaaliya iyadoo maasuuliyiinta Soomaaliya laga taageerayo sidii loo horumarin lahaa shuruucda lagama maarmaanka ah, xoojinta silsilada cadaalad-marinta dembiilaha ee dhanka badaha, iyo bixinta tababaro iyo qalabeyn. Howlgalku wuxuu sidoo kale talo-bixin dhanka siyaasadda ah siiyaa Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo booliska, iyadoo la taageerayo dadaallada Midowga Yurub iyo hawlgalayaasha kale ee caalamiga. Waajibaadka shaqo ee Hawlgalkan wuxuu socon doonaa illaa 31ka Diseembar 2020. Mudadan, waxaa kharash ahaan ugu baxaysa miisaaniyad lacageed oo dhan € 66.1 milyan inta u dhaxaysa 1 Janaayo 2019 illaa 31 Disembar 2020, wuxuuna leeyahay shaqaale gaaraya 111 shaqaale oo ka kala socda 19 dal (93 shaqaale caalami ah iyo 18 shaqaale maxalli ah). Hawlgalkan xaruntiisu waa Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku leeyahay Garowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland). EUCAP Somalia waxay qayb ka tahay dadaallada dhameystiran ee Midowga Yurub ee ku aadan Soomaaliya, kuwaas oo ka kooban dadaallo diblomaasiyadeed, taageero horumarineed, kaalmooyin bini-aadanimo iyo sidoo kale ku-lug-lahaanshaha arrimaha dhaqan-gelinta sharciga iyo sidoo kale xoojinta sharciga. Waxaanna kamid ah labo hawlgal oo ay wada-shaqeyn ka dhaxeyso oo hoos yimaada Siyaasadda Difaaca iyo Amniga Guud: Howlgalka EUNAVFOR ATALANTA wuxuu gacan ka geystaa la dagaallanka burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya, iyo EUTM Somalia oo talooyin siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeed ee dhanka militariga siisa masuuliyiinta Soomaaliya isla markaana gacan ka geysata kobcinta tababarada Ciidamada Qaranka SoomaaliyeedC.X.D.S). Faafinta: PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo masuul cusub u magacaabay Hawlgalka EUCAP Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo inta badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday dadaallada lagu dhameynayo khilaafka ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay arrimaha nabad galyada, waxaana la’isku raacay laga bilaabo 20-ka bishan September in shirar ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Waxa kale oo ciidamada amniga la faray inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah, si ay uga hortagaan suurtagalnimada falal amni darro oo ka dhaca halkaasi. Ugu dambeyn shirka golaha wasiirada ee Jubbalad ayaa looga arrinsaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, iyadoo hay’adaha ku shaqada leh la faray in ay warbixinno ka keenaan xaaladaha nololeed ee ka jira gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) has welcomed the new comprehensive social protection policy which was launched on 17 September 2019 in Mogadishu by the Federal Government of Somalia with the presence of senior government officials, diplomats accredited to Somalia, UN agencies, development partners, trade unions and NGOs. Speaking at the launching ceremony which was graced by the Deputy Prime Minister of Somalia, FESTU General Secretary Omar Faruk Osman saluted the efforts of the Federal Minister of Labour and Social Affairs Honourable Sadik Hirsi Warfa and the federal government of Somalia for committing to such initiative that can help lift people out of despondency to hope. “The adoption of the policy by the council of ministers following inclusive process of tripartite plus is an indication of the Federal Government’ commitment and political will for this important initiative in order to improve protection of the poorest and most vulnerable households and groups from poverty, deprivation and hunger and to enhance resilience to risks and shocks,” said Osman at the launching ceremony. “When social dialogue truly prevails, the whole country prevails”. During the consultations process, FESTU can confirm that its positions as contained in its submitted paper to the government on the draft social protection policy were generously accommodated. FESTU is positively disposed to the social protection provisions arrangement to members of the society, especially the most vulnerable and indigent. “As the policy lays the foundation for targeted, purposeful action by the State towards the realisation of socio-economic rights of Somalis as enshrined in the provisional constitution of Somalia, our government is under obligation to ensure that every Somali should have a minimum income, sufficient to meet basic subsistence needs, and should not have to live below minimum acceptable standards” said the labour leader. The organised labour, he said, hold it as necessary and urgent to operationalise the social protection policy provisions to protect the poorest and most vulnerable Somalis from sinking into destitution, prevent the moderately poor from sliding into extreme poverty and promote the livelihoods of at-risk population if the country is to make a real progress by substantially cutting down on poverty and inequality ills. “The development and prosperity of our society require this policy should not be implemented in a piecemeal fashion. It requires a systematic, holistic and coherent approach, both at federal and regional levels,” added Osman. The Federation of Somali Trade Unions commits to continue to openly and tirelessly make contributions that will benefit the process and contribute to the attainment of shared outcomes. “We shall dedicate to monitoring the processes and report to our members and the Somali public accordingly” he emphasised. “We want to express our profound appreciations to the Italian government for generously supporting the development of this crucial policy and its operationalisation as well as the promotion of social dialogue. We equally acknowledge the efforts of UN agencies and other development partners who want to support this important process” underscored Osman. FESTU recognises the support that the International Trade Unions Confederation (ITUC) and the ILO have provided to the federation during the negotiations and consultations of the social protection policy. ENDS View the full article
-
Xaaskii Meles Zenawi maxaysan ugu xiisin madaxtooyada Itoobiya? Azeb Mesfin, xaaska ra’iisul wasaarihii hore ee ItoobiyaImage caption: Azeb Mesfin, xaaska ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Azeb Mesfin oo ah xaaskii uu ka geeriyooday ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa BBC u sheegtay in aysan u xiisin qasriga madaxtooyada ee Menelik. Waxay muddo 20 sanno ah ku nooleyd gurigii ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa tan iyo markii uu geeriyooday ninkeeda sannadkii 2012-kii markaas oo uu jiray da’da 57. Qasriga ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Menelik Waxay sheegtay in markasta oo ay soo xusuusato noloshii ay kusoo qaadatay qasriga ra’iisul wasaaraha ay maskaxdeeda kusoo dhacdo muragada geeridii ku timid Meles Zenawi isla markaasna ay soo xusuusaneyso dadkii baroor diiqayay xilli meydkiisa lasii waday. “Ma garanayo sababta aysan maskaxdeyda uga bixin dhacdooyinkaas” ayay tiri Azeb Mesfin. “Uma xiisin qasriga, mana damacsani in aan tego halkaas” Dadweyne u baroor diiqayay Meles Zenawi oo geeriyooday sannadkii 2012-kiiImage caption: Dadweyne u baroor diiqayay Meles Zenawi oo geeriyooday sannadkii 2012-kii Sida seygeeda Meles, Azeb waxay aheyd siyaasi caan ah oo ka tirsaneyd xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF oo kamid ahaa jabhadihii xilka ka tuuray dowladdii militariga aheyd sannadkii 1991-kii kaddib loolan militari uu muddo qaatay. Markii uu dagaalka dhacay, waxay kusii jirtay siyaasadda, waxay noqotay xildhibaan sannadkii 2015-kii, waxay wadday olole ah in macluusha laga ciribtiro Itoobiya. Toddobadii sanno ee lasoo dhaafay, waxay ku howlaneyd in uruurinta buugaagtii uu qoray Seygeeda iyo waxyaabaha taarikhiiga uu ka tagey. Meles waxaa uu ahaa qoraa caan ah, waxaa uu ka shaqeynayay soo saarinta 30 buug oo uu qoray, sida ay sheegtay xaaskiisa. Waxaa uu suurogashay xaaskiisa inay daabacdo 8 buug, labo kamid ah buugagtaas waxay ka hadlayaan Dimuqraadiyadda iyo Beeraha. Meles Zenawi iyo xaaskiisa Azeb Mesfin waxay kamid ahaayeen jabhaddii TPLFImage caption: Meles Zenawi iyo xaaskiisa Azeb Mesfin waxay kamid ahaayeen jabhaddii TPLF Azeb Mesfin waxay ku mashquulsan tahay sidii Meles Zenawi ay ugu sameyn laheyd goob lagu keyddiyo xusuusihii taariikhda, goobtaas oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Goobtan oo lagu wado in dhawaan la furo waxay dadweynaha ka baran doonaan taarikhdii uu ka tegay ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, sida ay sheegtay Azeb. Qaran News
-
Boorama (Caasimada Online) ― Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama. Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay saddexdaa xildhibaan, xili ay ku sugnaayen Hotel-ka Raysa oo kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada Boorama. Sida ay Caasimada Online ogaatay xildhibaanadan ayaa waxa si qasab ah lagaga xiray hutelkii ay ku sugnaayen, iyadoona waaran qabasho loo sidan, isla markaana ah xildhibaano xasaanad buuxda uu siiyey dastuurku. Xildhibaanada oo goordhoweyd xabsiga dhexe ee magaalada Boorama loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin: Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada, Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste, Xildhibaan Mustafe Xasan Labo-qaydle iyo Xildhibaan Mustafe Indhosheed. Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla, iyadoona halkaasi ka wada dad urursi, isla markaana lagu tobabaro deegaanadaasi oo ah bariga gobolka Awdal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray. Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso xariga xildhibaanadan Taliska ciidamada booliska gobolka iyo ka degmada Boorama, ayeysan u suurto-gelin kadib markii ay ka jawaabi waayeen telefoonadooda gacanta. Dhinaca kalena, Caasimada Online ayaa labo maalin ka hor baahisay xogta Jabhadaasi ka abuurmatay deegaanadaasi hoos yimaada gobolka Awdal iyo dhaq-dhaqaqyada ay ka wadaan, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Muuse Biixi. Halka ka aqriso xogtaas. Sida ay Caasimada Online xogta ku helaysay Jabhadaasi ayaa waxa ay daba socotay Jabhad kale oo hore uga jirtay gobolka Awdal, taasi oo uu hogaamin jirey Suldaan Wabar, midaasi oo iyaduna dib u soo rogaal celisay sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
Sawir hore: ciidamada Puntland ee Galgala Laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay ilaa afar kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii maanta qarax miino lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey degaanka Balli-Khadar ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca askartaasi waxaana ay sidoo kale sheegeen in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay baabuurka miinadu la kacday ee askartaasi saarnaayeen. Askarta ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhaawacooda la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo hadda lagu dabiibayo. Kooxda Al-shabaab oo in badan qaraxyo ka geysatay buuraleyda Galgala ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhintay qarax ka dhacay Galgala appeared first on Puntland Post.
-
Bariire (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab maanta ay ku qaadeen gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa sheegaya in hoobiyeyaashan lala eegtay fariisimo ciidamada dowladda ay ku lee yihiin deegaankaasi. Inta la xaqiijiyey, illaa labo askari oo ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamada dowladdu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi. View the full article
-
The destruction of telecom towers in Somalia, allegedly by Kenyan forces, will damage Somalia’s economy and could destabilise the entire Horn of Africa. Two weeks ago, I visited Mogadishu, Somalia’s capital. The first thing one might notice is the vast number of daily transactions that happen via Hormuud Telecom’s EVCPlus (from bus fare to shopping to buying properties) — a mobile money transfer service that transcends the banking system in the country. The service is a lifeline in Somalia and leads to massive economic damage if Hormuud’s network stops, and that is precisely what happened on 22 August 2019. The Kenyan Defense Forces (KDF) serving under AMISOM—the African Union peacekeeping troops in Somalia—attacked a Hormuud Telecom mast, or cell tower, in Aws-kurun vicinity in Gedo, southern Somalia, disconnecting up to 4,000 people. There have been twelve attacks of this kind in less than two years with previous incidents killing and injuring Hormuud’s staff, according to a press release by the company following the latest incident. A recent report by Hormuud also claimed, “the perpetrators of every attack came over the border into Somalia, from Kenya…and the vehicles, equipment and clothing used by the assailants can be attributed to that of the Kenyan Defense Force.” The Kenyan government denies any involvement of its troops serving under the AMISOM mission in the attacks. The Somali Government condemned KDF for destroying the facility. The Somali telecommunications Minister said, “an enemy” had openly attacked the Somali economy and asked, “AMISOM to engage with the Somali government in the investigation of these repeated attacks and believe it is important to take appropriate action against this adversary who targets our economy and business per international law.” Hormuud—the largest taxpayer and employer in Somalia—was established in 2002 during a time when Somalia was in chaos and has since thrived. Hormuud’s network currently covers more than 80 percent of south and central Somalia, serves 4 million mobile subscribers and claims to have created over 20,000 jobs. The company provides a range of other services including “financial support in the fields of education, health, job and income creation, fire-fighting, emergency, developmental and skills training,” according to its website. War of Masts Several Hormuud Telecom masts, or cell towers, in Jubaland, where the KDF is deployed, were previously attacked and destroyed. Although the Kenyan government denies involvement, Kenyan security sources indicate the destruction of the Hormuud facilities were reprisal attacks since Al Shabaab frequently targets Safaricom masts in northern Kenya. When I asked if Hormuud has something to do with Al Shabaab raids in Kenya or if the firm finances the group, Abdirashid Ali, Chief Communications Officer of Hormuud, told me, “the company strictly abides by the national and international laws regarding terrorism. The same reports you’ve mentioned have earlier alleged the company of supporting those militants, however, they retracted their allegations and removed them.” Ali added that Hormuud has had ten employees killed by Al Shabab and that the terrorist group forcibly bans their network and works against its expansion. Another reason behind Kenya’s alleged destruction of Hormuud facilities could be a competition between Hormuud and Kenya’s largest telecom operator, Safaricom, over the border areas and KDF-controlled territory in Somalia. A senior Hormuud official who did not want to be named told me Safaricom is eyeing to enter the “Somali market where KDF operate.” The source added, “Kenya had previously asked us via the Somali embassy in Nairobi to move our telecom towers 50km back from Kenyan-Somali border, but we didn’t back down. We know that some of the Safaricom officials are advisors at the Kenyan statehouse and push for the destruction of Hormuud masts in the Gedo region. Recently, these forces unsuccessfully tried to list Al-Shabab as a terrorist organisation under Security Council Resolution 1267, which would have banned business firms and humanitarian groups to operate in Al-Shabaab-controlled areas.” Abdullahi Osman, CEO of Hormuud Foundation, says, “Safaricom SIM cards are sold, and its services are used inside Somalia, but selling and/or using Hormuud services on the other side of the border is illegal and punishable.” Safaricom was not as open to speaking and have yet to respond to these allegations despite repeated requests for comment. Good-for-nothing The ‘war of masts’ benefits no one. First, the destruction of Hormuud communication centres is counter-productive for Kenya’s security interests and the international community’s efforts to stabilise Somalia. Kenya has long been engaged in peace-making in Somalia and deployed troops to help fight Al Shabab and help Somalia restore its statehood. Kenya has generously hosted thousands of Somali refugees since 1991. The UN Refugee Agency has recently begun repatriating refugees back to Somalia voluntarily. The war of masts could discourage this return. Secondly, Hormuud is the largest employer in Somalia and targeting it will not only destroy the livelihoods of thousands of Somali households but will also stress the ailing Somali economy. Reports estimated that 90 percent of the Somali economy comes from the private sector. Thus, the private sector in general and in particular Hormuud Telecom, as the biggest private enterprise, is essential to the Somali economy. Hormuud Foundation CEO Abdullahi Osman says that every communication mast destroyed by the Kenyan forces in the last two years is worth half a million dollars and that the recent attack destroyed a Hormuud centre plus two telecom masts owned by other Somali telecom firms. “This shows that Kenya is not only at war with Hormuud, but also with the entire Somali economy. Kenya cannot be both a peacekeeper in our country and destroyer of our economy at the same time,” says Osman. The sabotage also disrupts vulnerable rural communities who exclusively rely on the ECVPlus. Aid agencies in Somalia rely heavily on the Hormuud network and ECVPlus to respond to drought-affected rural communities and distribute food and emergency aid. Mukhtar Hussein, Director General of Somalia Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management, told me that they use the telecom networks to communicate with communities in the affected areas and transfer cash to them for emergency food and supplies. When asked if and how the destruction of Hormuud facilities had affected their operations, he replied, “Yes, of course. Destruction of the telecom facilities negatively affects our ability to respond to the emergency crisis.” A knock-on effect of this disruption is displacement, according to Hormuud. The recurrent raids on Hormuud facilities by the KDF could further serve as a recruiting tool for Al Shabaab. Kenya initially deployed its troops to Somalia in October 2011 after Al Shabaab reportedly abducted aid workers in the country. It later decided to contribute forces to the AMISOM mission in Somalia to help bring peace to its neighbour. Since then, the group has waged wars against Kenya, killing hundreds of people on Kenyan soil and damaging its tourism industry. Communities along the border and in rural areas whose lives and businesses are disrupted by the raids could well be pushed to join Al Shabaab. Finally, this unnecessary war could hamper regional security, notwithstanding that Somali-Kenyan ties that have hit a low recently. The two neighbours are currently at loggerheads over the ownership of a narrow triangle—about 100,000 square kilometres off the coast of Africa—in the Indian Ocean. The main driver of the dispute, which is now being heard at the International Court of Justice in The Hague, is the potential hydrocarbon deposits in the contested area. The telecom war has the potential to hamper a peaceful resolution of the dispute and escalate the security situation in the region. There are no winners A famous Somali proverb goes “to agree to have dialogue is the beginning of a peaceful resolution.” To end the unnecessary telecom war, it is vital that Kenyan forces and Hormuud iron out their differences. Hormuud and other Somali-owned telecom firms should be left to provide network and telecom services to Jubaland while Safaricom covers the Kenyan side of the border. The KDF should focus on its primary mandate: reduce the threat posed by Al Shabaab and help the stabilisation, reconciliation and peacebuilding in Somalia. If Nairobi is actually committed to fending off Al Shabaab, especially in the porous border areas, then Kenyan officials should not make life more difficult for already vulnerable communities in Somalia. Instead, Nairobi should focus on winning hearts and minds. Somalia and Kenya should tone down tensions in regards to the maritime dispute to prevent future wars and proxy conflicts. The two neighbours should de-escalate, resolve their issues peacefully and put the peripheral disputes to an end. The international community and Africa’s regional blocs (e.g. IGAD, African Union) should intervene to prevent a fallout of the situation and further regional insecurity If Kenya continues its brinksmanship, then Hormuud Telecom, with the help of the Somali government, should hire international lawyers and sue Nairobi for damages. By: Abdinor Dahir Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Muqdisho (SMN) – Warbixin ay hay’adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta (SMP4). “Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta” ayaa lagu yiri Warbixinta IMF. Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri “Dooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas’uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay’adda Lacaga Adduunka “ “Kobaca dhaqaalaha waa mid deggen 2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada” ayay tiri IMF. “Hay’adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad” “Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha “ “waxaan ku faraxsannahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka deyn dhaafka iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda. Hay’adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan” “Mas’uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro shirweynaha go’aan gaarista deyn cafinta, mas’uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray” “Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay’adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka” “Inta lagu jiray booqashada wafdiga hay’adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen. Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta” “Kooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowlada loogu geystay isgoyska Afarta Darjiin ee M/Muqdisho. Ragga ku hubeysnaa Bistoolado ayaa toogtay askarigaasi oo xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen, kadibna ay horay uga sii qateen Qoray AK47 ah oo uu sitay askarigaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta, kadibna baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan Dilkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaliyeed. View the full article
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah 19 September 2019 shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada. Shirkii Golaha Wasaarada Jubbaland Kulanka ayaa ugu horayn lagaga hadlay arimo kala duwan gaar ahaan nabadgalyada waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20 bishan September, iyadoona la faray ciidanka ammaanka inay muujiyaan feejignaan buuxda. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay howlaha ay hormuudka ka tahay Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ee la xiriira dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay doorashadii Madaxweynaha ee 22 Ogoosto ka dhacday Jubbaland iyadoo la bogaadiyay sida howlahaas ay Wasaaradu ilaa hada u wado guulaha badana looga gaaray. Ugu danbayn Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa isku raacay in xaalado dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaanada Jubbaland, kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah waxaana la faray dhinacyada ku shaqada leh inay warbixino dhamaystiran ka keenan oo lagu howlgalo. PUNTLAND POST The post Jubbaland oo sheegtay in shir aan ruqsad looga haysan lagu qaban karin Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Dalka. Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Argagaxisada iyo in kaalmada amni ee Dowladaha aan saaxiibbada nahay loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha Dowladda iyo rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dedaallada xoreynta iyo adkeynta amniga. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta Goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga Caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay Ciidanka Labadii Sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayadooda, Dalkuna uu leeyahay rajo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah. Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu wakiillada Beesha caalamka u caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah. Shirka ayaa waxaa ka maqnaa madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan xiriir fiican la laheyn Dowladda Dhexe. Dowladda Soomaaliya oo deddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalabka sida, ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay Ciidamada Qaranka, arrintaas oo fududeysay in degaanno badan laga xoreeyo Argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol Bulsho oo dhammeytiran. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageera Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada ka socda gobollada dalka iyo in kaalmada amni ee Dowladaha aan saaxiibbada nahay loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha Dowladda iyo rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta Goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga Caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay Ciidanka Labadii Sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayadooda, Dalkuna uu leeyahay rajo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah. Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu wakiillada Beesha caalamka u caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah. Dowladda Soomaaliya oo deddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalabka sida, ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay Ciidamada Qaranka, arrintaas oo fududeysay in degaanno badan laga saaro Al-Shabaab dibna ay uga billaabato nolol Bulsho oo dhammeytiran. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-190092019.mp3 View the full article
-
War-Sheekh (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada War-Sheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa dhaawacay xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka oo barayey sida loo rido Biskoolad. Xasan Xaaji Axmed Darafeey oo ah Guddoomiyaha Warsheekh ayaa la sheegay inay xabad kaga fakatay Xildhibaan Makaraan oo kamid ah Golaha Deegaanka intii la tusayey sida loo rido biskoolad. Xildhibaan Makaraan ayaa waxaa dhaawiciisa loola cararay Isbitaal Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey inaan si ku talagal ah Xabadda loogu dhufan. Waxaa soo baxayo warar aan la xaqiijin oo sheegayo inay labada Mas’uul isku qabsadeen lacago baad ah oo laga qaado Isbaaro balse Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay inaysan arrinta sidaas aheyn. Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaanka ayaa la sheegay inay tahay mid halis ah, wuxuuna ku jiraa qeybta gargaarka deg deg ah ee Isbitaal Keysaneey. Degmada Warshiikh ayaa waxaa loo dhisay Golaha Deegaanka, waxaana Guddoomiye loo doortay Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka kala tashanaya jawaabtii laga bixin lahaa weerarkii lagu qaaday xarumaha saliida Sacuudiga, kaasi oo ay ku eedeeyeen Iran. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa weerarkaas ku qeexay dagaal lagu qaaday boqortooyada. “Kani waa weerar aynan noociisa hore u arag” Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxaana sheegtay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay jiraan habab badan oo aan dagaal ahayn oo Iran loogu jawaabi karo. Waxa uu amray cunaqabateyn dheeri ah oo la saaro Tehran, Safiirka Sacuudiga ee Berlin ayaa yidhi “wax walba miiska ayay saaran yihiin”, isaga oo raadiyaha Deutschlandfunk u sheegay in tallaabo kasta oo la qaaday ay tahay in aad looga eego. Riyadh oo weerarka ku qeexday mid lagu tijaabinayo mowqifka dunida ayaa arbacadii soo bandhigtay haraadiga 25 drone oo Iranian ah iyo gantaalo ay sheegtay in weerarka loo adeegsaday. Imaaraadka Carabta ayaa maanta kula biiray Sacuudiga dhisidda ciidamo isbaheysi oo caalami ah oo loo diyaarinayo inay sugaan amniga badda Gacanka, kuwaasi oo Mareykanka uu isku dayey inuu aas-aaso tan iyo weeraradii maraakiibta loogu geestay halkaas. Source