Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ururada madaxa-banaan oo saaray warbixin ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyadda Ururada Madaxa-banaan ee Bulshada Rayidka ah (ISCO Somaliland) waxaay soo saaareen maanta, 8 September 2019, warbixin ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, kuna soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo nidaamka dimoqraadiyadeed iyo talo-wadaag ee dalka. Warbixintu waxaay xustay in taariikh ahaan ay Somaliland soo mareen dhacdooyin kala duwan oo saamayn ku yeeshay geediga loogu jiro in la xoojiyo dawladnimo ku dhisan talo wadaag iyo awoodda shacabka. In lagu qaban kari waayo doorashooyinka xilogooda sida uu waajibiyay dastuurka iyo halbeegyada caalamiga ahi waxaay su’aal gelinaysaa awoodda bixinta shacabka iyo meqaamka dimoqraadiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay aduunka ay ka raadinayso ictiraafka. Mudo korodhsiga iyo dib u dhigitsta doorashooyinka ee la caadaystay waxay waxyeelo ku yihiin dimoqraadiyadda Somaliland iyo magac samida dalka. Nidaamkaas dib u dhaca ku suntan waxaay Somaliland qaaday sanadihii 2007/2008 oo ah wejigii labaad ee geediga doorashooyinka. Markii dastuurka la ansixiyay sanadkii 2001dii, Somaliland waxaay si degdeg ah oo waxtar leh u qabatay doorashooyin is daba taxan sanadihii 2002, 2003 iyo 2005. Wejigii labaad ee doorashooyinka ee u qorshaysnaa inuu bilaabmo sanadkii 2007 ayaa fashilmay. Dalkii wuxuu intaas kadib galay is marin waa iyo siyaasad cakiran. Nidaamka madaniga ah ayaa soo kogay, halka khadka u dhexeeya ururada bulshada rayidka ah iyo dawladdu uu mad madow galay. Waxa lagu doodi karaa in nidaamkii dimoqraadiyadeed uu hoos u dhac ku yimi. Iyada oo ay jiraan caqabadahaasi, hadana Somaliland waa dal amni ah, qayb ahaanna xor ah (partly free), sida ay shegtay Freedom House. Doorasho madaxwaynenimo ayaa la qabtay 2017 kii. Somaliland na weli waa dal dimoqradiyad ah oo ku yaal gobol qasan. Warbixintani waxaay u aragtaa in caqabadahan ay hortaagan yihiin geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland: · Isk xukunka dastuurka oo liita: dastuurka oo aan loogu dhaqmin sida uu u qoran yahay; · Qabyaalada oo xoog ku leh xisbiyada dhexdooda; · Qabyo dhinaca shuruucda ah oo jirta; shuruucda la xidhiidha doorashooyinka oo aan dhamaystirnayn, qaarkoodna aanay jirin ba; · Hay’adaha muhiimka u ah hirgelinta dawlad dhiska iyo doorashooyinka oo aan xooganayn; · Nidaamka doorasho oo aan u fiicnayn dadka reer guuraaga ah, dumarka iyo qabiilada laga tiro badan yahay; hanaanka doorasho ayaa ah mid u habaysan qaab waxtar u leh oo keliya dadka degan (reer magaalka); · Lacagaha xisbiyada soo gala oo aan xisaabsanayn; lama yaqaan meesha ay ka yimaadaan iyo sida loo qarash gareeyo toona; lamana xisaabiyo oo nidaam daah furan ma maraan; Warbixintu waxaay bixisay talooyin si loo horumariyo dimoqraadiyadda, loo qabto doorashooyin xilligooda ku dhaca oo xor iyo xalaal ah, awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, kala sooca awoodaha, ka wada qayb qaadashada talada dalka, xorriyadda hadalka, madax banaanida warbaahinta iyo ka qaby qaadashada shacabka oo si xor ah u dhacda. Talo soo jeedin Ururadu waxaay kula talinayaan dawladda Somaliland: v In doorashooyinka lagu qabto xiligooda oo aanay dib u dhicin. Inay u qorshayso miisaaniyad sanadle ah doorashooyinka islamarkaana ay diyaariso jidwalka doorashooyinka loo qabanayo tobanka sanadood ee soo socda; v Inay furto wada tashi laga wada qayb qaato oo ay ku jiraan shacabka iyo dhamaan daneeyayaasha si loo raadiyo hanaan lagaga hortegi karo dib u dhaca ku yimaada doorashooyinka iyo korodhsiga mudo xileedka; v In dib u eegis lagu sameeyo nidaamka doorasho oo ay ku jiraan diwaangelinta cod bixiyaha, habka codaynta iyo wacyigelinta bulsho si wax looga qabto dhinac u riixa nidaamku ku hayo haweenka, beelaha la hayb sooco iyo reer guuraaga; v Inay ixtiraamto madax banaanida bulshada rayidka ah iyo warbaahinta. Sidaasdarteed, dawladdu waa inay joojiso xeerarka ciqaabta ee ay u isticmaalayso warbaahinta, iyo xayiraadaha ay saarayso warbaahinta; sidoo kale waa inay ogolaato in daladaha bulshada rayidka ahi ay is diiwaangeliyaan. Dawladdu waa inay ula shaqayso ururada bulshada rayidka ah si siman oo aanay ururo/dalado gaar ah mudnaan siinin; v Inay dib u habayn ku samayso xeerarka ka horeeyey dastuurka ee ay ka mid yihiin Xeerka Ciqaabta , Xeerka Habka Ciqaabta, Xeerka Madaniga iyo Xeerka Habka Madaniga. Dawladdu waa inay abuurto gudi madax banaan oo dib u habaynta shuruucda qaabilsan. Dib u habayntu waa inay tahay mid ku dhisan wada tashi loo dhan yahay; v Inay qaado qiimayn ay ku ogaanayso hanaanka u wanaagsan ee dib u qaabayn loogu samayn karo hay’adaha dawladeed si loo waafajiyo dastuurka Somaliland; v Inay u qoondayso miisaaniyad in wacyiga iyo aqoonta reer guruaaga iyo bulshooyinka tuulooyinka degan kor loo qaado. Xogtu waa u muhiim dimoqraadiyadda iyo in muwaadinku qaato go’aano xog ku dhisan. Warbaahintu waxaay ku xoogan tahay magaaloyinka, sidaasdarteed reer guuraaga iyo dadka tuulooyinka degani ma helaan xog ku filan. Markaa waa in dawladdu ogolaato furintaanka idaacado gaar loo leeyahay si ay u buuxiyaan kaalintaas. Ururadu waxaay kula talinayaan Baarlamaanka: v Inuu ansixiyo xeer gaar ah oo abuuraya gudida doorashooyinka oo madax-banaan, xoogan islamarkaana u dhisan qaab maamulkiisu hoos u daadejisan yahay; v Inuu ansixiyo kooto 33% ah oo laga siiyo haweenka labada aqal ee Baarlamaanka, golayaasha deegaanada, golaha wasiirada, iyo madaxda sare ee fulinta sida agaasimayaasha guud iyo madaxda gudiyada, wakaaladaha iyo hay’adaha xukuumadeed; v Inuu u ansixiyo kooto beelaha la hayb sooco; v Inuu ansixiyo xeer koobsanaya dhamaan arimaha doorashooyinka oo dhan. Hanaankaas oo ay tahay inuu ka dhasho wada tashi loo dhan yahay oo laga wada qayb qaato; v Inuu wax ka bedel ku sameeyo Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaadda iyo Ansixinta Xisbiyada. Xeerka waa in lagu daro qodobo aan mad madow lahayn oo ka hadlaya lacagta soo gasha xisbiyada, xubnaha xisbiga, iyo in hogaanka xisbiyada lagu tartamo oo dimoqraadiyadi ka jirto xisbiyada dhex dhooda. Xeerku waa inuu maaro u helo qabyaaladda ka dhex jirta xisbiyada; v Inuu wax ka bedel ku sameeyo Xeerka Nidaamka Garsoorka oo u ku daro qodobo xoojinaya madax banaanida garsoroka. Xeerku waa inuu u damaanad qaado garsoorayaasha inaan shaqada laga eryi karin. Magacaabista garsoorayasha Maxkamadda Sare waa inay ku dhisan tahay karti iyo aqoon, waana in magacaabistooda iyo erigooda uu ansixiyaa Baarlamaanku. Waa in lagu daro Xeerka qodobo ka hadlaya oo faah faahinaya qaabka loogu gudbin karo Maxkamadda dacwadaha dastuuriga ah iyo kuwa la xidhiidha doorashooyinka, heer kasta oo uu marayo geediga doorasho. Ururadu waxaay kula talinayaan xisbiyada siyaasadda: v Inay xaqiijiyaan daah-furnaan oo ay shaaciyaan lacagaha soo gala, halka ay ka soo galaan iyo qaabka ay u qarash gareeyeen, waana inay ogolaadaan hanti dhawr madax banaan oo gala xisbiyada; v Inay xisbiyadooda ku soo dabaalaan dimoqraadiyadda oo ay diiwaangeliyaan lana siiyo shahaadooyin sugitaan xubnaha xisbiga ee dalka oo dhan, ay ogolaadan in xubnaha xisbiyadu ay noqdaan kuwa dooranaya madaxda xisbiga iyo ergooyinka islamarkaana ay xaqiijiyaan in hogaanka xisbiyada oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha, xogahayaasha guud, iyo golaha dhexe inay si toos ah oo dimoqraadi ah u doortaan xubnaha xisbigu. Ururadu waxaay kula talinayaan ururada bulshada rayidka ah v Inay si firfircoon ugu shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa dimoqraadiyadda, ururada bulshada rayidka ahi waa inay mudnaanta siiyaan arimaha danta guud iyo wada shaqaynta; v Ururada bulshada rayidka ahi waa in shacabku la xisaabtami karo ayna horumariyaan ku xidhnaanta shacabkooda. Waa inay xoojiyaan daah-furnaanta; v Inay mudnaanta siiyaan madax-banaanida, xisbinimada oo ay ka fogaadaan, iyo dhex-dhexaadnimada; v Iyaga oo aan eegayn raadka siyaasadeed ee ay ku keeni karto, waa in urarada bulshada rayidka ahi ay mudnaanta kowaad siiyaan baahiyaha, walaaca iyo rabitaanka bulshada. Ururadu waxaay kula talinayaan bulshada caalamka v Inay sii wadaan taagerista geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland; v Inay taageeraan isku dayada ku aadan sidii loo horumarin laha isla xisaabtanka iyo ka qaybka galka shacabka ee go’aan gaadhista; v Inay taageeraan dadaalka loogu jiro in kooto loo helo haweenka iyo beelaha la hayb sooco; v Inay la shaqeeyaan daneeyayaasha si dib u habayn loogu sameeyo hay’adaha iyo shuruucda si loo kobciyo dimqoraadiyada, fagaaraha bulsho, isku xukunka dastuurka iyo xuquuqal insaanka; v Inay is-garab taagaan madax banaanida ururada bulshada rayidka ah iyo warbaahinta. Ururada soo saaray warbixintu waxaay ku midaysan yihiin is bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa banaan (Independent Civil Society Organistions “ISCO Somaliland”) oo ay ku soo biiri karaan urur kasta oo ujeedadiisu tahay inuu ka shaqeeyo danaha guud ee shacabka si madax-banaan. Xubnaha hada ku jira waa: 1. Centre for Policy Analysis 2. Centre for Youth Empowerment, 3. COMPAD Human Rights and Community Organization 4. Garsoor Social Development organisation 5. Horseed Organisation 6. Hope Development organisation 7. Human Rights Centre 8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) 9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre 10. Somaliland Women Association (SOWA) 11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD) 12. Voice for Somaliland Women Minority Organisation (VOSOMWO) Wixii faah faahin ah kala xidhiidh: ISCO Somaliland Ms Sahra Mohamed Ali Mobile: +252 63 4329950 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomaliland Qaran News
  2. Wafti ka socda golaha xukuumadda iyo barlamaanka Puntland ayaa safaro shaqo kumaraya deegaamo katirsan gobolka Gardafuu gaar ahaan degmooyinka durugsan ee xeebaha dhaca. Waftigaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, waxaana u jeedkoodu salka ku hayaa dhismaha golayaal deegaan iyo iskaashatooyinka degmooyinka iyo u kuurgelidda xaaladda gobolka. Faarax Maxamuud Cawaash, wasiirka kalluumaysiga Puntland oo hadda ku sugan deegaan xeebeedka Binna ayaa sheegay inay dhiseen iskaashatooyin dhowr ah, dhowaanna uu gobolka tegi doono wafti uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo dhisi doona golayaasha deegaanka Baargaal iyo degmooyinka kale ee gobolka. Dhanka kalena, wasiirka ayaa sheegay inuu jiro kalluumaysi sharci darro ah oo kajira deegaamada qaar ayna ku howlan yihiin sidii dagaal ay dowladda iyo shacabku ula geli lahaayeen iyagoo kaashanaya maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan xeebaha qaar. “Waan ku celinayaa kalluumaysiga sharci darrada ah waa masiibo qaran, waxaana naga go’an sidii aan ula dagaalami lahayn, waxaanu gubney shatiyo been abuur ah iyo doonyo aanu shaqada ka joojiney” ayuu yiri wasiir Cawaash. PUNTLANDPOST The post Puntland oo golayaal deegaan iyo iskaashatooyin kalluumaysi u dhisaysa gobolka Gardafuu. appeared first on Puntland Post.
  3. A Somali telecommunication company could be behind the recent surge in attacks on Kenyan communication masts, a confidential security report states. Source: Hiiraan Online
  4. A Ugandan senior police officer attached to African Union Mission in Somalia (AMISOM) has been found dead under mysterious circumstances, officials said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  5. Last month's re-election of Jubbaland state's President Sheikh Ahmed Islam Madobe has been challenged in court. Source: Hiiraan Online
  6. A Facebook post claiming that 45 Somali refugees have been repatriated to Baidoa in Somalia by the United Nations High Commissioner for Refugees is TRUE. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka sarkaal ka tirsanaa Booliska AMISOM, gaar ahaan ciidanka Uganda ayaa sabtidii laga helay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Sarkaalkaasi oo Kaaliye ahaa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Edward Bagonza, sida uu shabakadda Pmldaily u xaqiijiyey Grace Turyagumanawe oo ka tirsan AMISOM. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa, balse waxa uu sarkaalku sheegay in Meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xerada Xalane oo ah taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM. “Waxaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho Sabtidii.” ayuu yiri Grace oo aan faah faahin ka bixin sababta dilkiisa. Taliska ciidamada AMISOM ayaa haatan wada qaban qaabada aaska sarkaalkaasi. Dhacdadan ma’ahan tii ugu horreysay, waxaana horay gudaha Xalane isugu dilay dhowr askari, halka kuwa kale ay ku dhinteen iska hor imaadyo ka dhacay xeradaasi. Howlgalka AMISOM ayaa waxaa ciidamada ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda oo askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Amal Bank, a pioneering financial services company, introduced this week an investment fund for businesses in productive sectors. Launched at a ceremony held in Garowe, the administrative capital of Puntland State of Somalia, Tacab Kaal (meaning Productivity Assistance ) will invest in agriculture, livestock and related businesses. Amal Bank blazes a trail in promoting business growth The investment vehicle of Amal Bank will enable promising businesses in productive sectors to access capital to modernise their businesses through the adoption of technologies such as greenhouse technology, solar panel, modern irrigation systems, energy-efficient deep freezers for milk, meat and fish. Tacab Kaal will help businesses utilise renewable energy. Amal Bank will introduce the first phase of Tacab Kaal in Mogadishu, Hargeysa, Kismayo, Bura’o, Qardho, Borama, Las Anod, Buuhoodle, Baydhabo, Beledweyn and Galka’yo. © PUNTLAND POST The post Amal Bank Rolls Out Investment Fund for Productive Sectors appeared first on Puntland Post.
  9. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo will for the first time since coming to office attend the UN General Assembly following renunciation of his U.S citizenship. Source: Hiiraan Online
  10. Dr. Maxameded Yuusuf Ismaaciil (Dr. Burhaan) ayaa la guddoonsiiyay abaal marinta ay bixiso hay’adda Kiimikada ee dalka Maraykanka ee American Chemical Society (ACS ) Dr. Maxamed ayaa ka mid ahaa culumo (Scientist) ku xeel dheer cilmiga kiimikada oo isugu jiray kuwo wax ku soo kordhiyay aqoonta kiimikada iyo kuwa soo saaray waxyaabo nolosha bin-aadamka wax tar uleh oo bishii la soo dhaafay ee August 25, 2019ka, abaal marintaas lagu guddoonsiiyay magaallada San Diego ee gobolka California. Dr. Maxameded Yuusuf Ismaaciil (Dr. Burhaan) Abaal marintaas oo la siinayay culummada ku xeel dheer cilmiga kiimikada ee seddex shirkadood oo ka mid ah kuwa dawooyinka soo saara (Pharmaceutical companies) oo ay ku jirtay midii uu ka shaqayniyay Dr. Maxamed ee Paratek Parmaceutical oo ahayd shirkaddii uu shaqaynayay markii uu soo saaray dawada uu ku guuleystay. Abaal marinta la siiyay Dr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa waxaa uu ku mutaystay inuu soo saaray ama uu isagu curiyay xirmo dawo ah oo lagu magacaabo Aminomethylcyclines oo ah daawooyinka Nuzyra iyo Seysara , waxaana oggolaaday ama aqoonsaday hay’adda dowladda Maraykanka u qaabilsan maamulka cuntada iyo dawooyinka FDA (U. S. Food and Drug Adminstration) daawadan ayaa qoys ahaan ka mid ah daawooyinka qalijiyeyaasha ah ee lidka ku ah bacteria-da (Antibiotics ). Sida la sheegay daawada uu caalimkan soo saaray Oktoobar sanadkii 2000, ayaa wax weyn ka taraysaa ama ku soo kordhisay oo wax ka bedeshay awooddii daawooyinka qalijiyeyaasha ahaa, waxayna awood u leedahay wax-yeellada ama bakteeriyada ay daawooyinka qalijiyeyaasha wax ka tari kari waayeen sida Oof-wareenka (Pneumonia). Dr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka mid ahaa ardaydii kulliyaddii kiimikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka qallin jabiyay taariikhdu markay ahayd 1985kii, wuxuuna shahaadadiisa PHD ka qaatay jaamacadda Massachusetts 1993kii. Dr. Maxamed oo hadda ku nool magaallada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa uu soo saarayaa waxyaabo badan, isagoo waliba sida la xaqiijiyay wali gacanta ku haya daawooyin cusub soo saaristooda, waxaa intaas dheer oo hadda gobolo badan oo ka mid ah dalka Maraykanka caan ka ah oo aad looga cabbaa caanaha fadhiga (Yoghurt) ee uu isaga soo saaray ee lagu magacaabo Ziwa. PUNTLAND POST The post Dr. Maxmed Y. Ismaaciil abaal marinta Heroes of Chemistry Award ee Dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre ayaa sheegay in aanu ka war qabin wada hadalladii xukuumadda oo dib loo bilaabayo waxaanu sheegay in ay kala jabeen guddidii wada hadalka islamarkaana aanu isagu dhinacna raacayn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in markii ugu horreysay sannadkan 2019 uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhicin doona dalka Mareykanka. Wasiirka Wasaaradda Qorsheysnta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo Sannadkan uu ka qeyb geli doono Shirka Qaramada Midoobey. Wasiirka Jamaal ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay xili uu faahfaahin ka bixinayay Shir Magaalada Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sanno ee uu xilka Madaxtinimada hayay ka qeyb gelin shirka Qaramada Midoobey, sababo la xidhiidha dhalashada Mareykanka ee uu heystay, waxaana Horaantii bishii hore uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu ka laabtay dhalashadii Mareykanka. Source
  13. (SLT-Washington)-Qoraal uu soo dhiga bartiisa twitter-ka ayuu Donald Trump gebi ahaanba ku joojiyay wadahadaladi u dhexeeyay Maraykana iyo Ururka Taalibaan ee Afganistan ee ka socday magaaladda Dooxa ee Qadar. Sababta uu joojiyay wadahadalada ayuu ku sheegay inay la xidhiidho ka dib Markii Taalibaanku ay qirteen weerar dhawaan ka dhacay Caasimadda Kabul kaasi oo uu ku dhintay askari Maraykan. Qayb ka mid ah heshiiska ayaan dhigaysay in Maraykanku uu kala baxo Afganistan 5400 askari muddo 20 toddobaad ah. Maraykanka waxaa dalkaasi ka joogta 14 Kun oo Askari. Tan iyo markii Maraykanka iyo Taalibaan ay bilaabeen wadahadalada waxay yeesheen 9 Kulan. Source
  14. (SLT-Pakistan)-Dowlada Pakistan ayaa diiday codsi uga yimid madaxweynaha Hindiya Ram Nath Kovind si uu isticmaalo garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan oo marin u ah duulimaadyada Hindiya. Go’aanka ayaa imaanaya iyadoo uu sii Xoogeysanayo xiisadda u dhaxeysa labada waddan ee xadwadaaga ah oo ku muransan xadka gobolka Kashmir. Wasiirka Arimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay Sabtidii shalay in madaxweynaha Hindiya uu codsaday in uu isticmaalo garoonka si uu ugu safro dalka Iceland balse ay ka Diideen. Mr Qureyshi ayaa dhanka kale ka gaabsaday in macluumaad dheeri ah oo ka Bixiyo. Source
  15. Shirkii dibu-heshiisiinta beelaha degan Galmudug ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo uu dhowaan ka furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Xarunta uu ka socdo shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ku sugan boqolaal ergo oo ka kala socda 11 kamid ah beelaha ugu waaweyn ee deegaamada Galgaduud iyo koonfurta Mudug. Mudadii uu socdey shirkaani waxaa aad loogaga hadlay arrimaha dibu heshiisiinta iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku nool deegaannada Galmudug. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ka socda magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT- Khartuum)-Maxkamada magaalada Khartuum ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, oo wajahaya eedo Musuq Maasuq. Al-Bashiir oo xilka laga tuuray 10-kii bishii April ee sannadkan ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday hantida Dadweynaha. Dambiyada loo heesto intii uu xilka hayay ayaa waxaa ka mid ah lunsashada lacagta qaranka musuq maasuq iyo in uu aqbalay 90 million oo Dollar oo sharci aheyn oo uu ka qaatay saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudiga. Mar uu todobaadkii hore ka soo muuqday shaashadaha tan iyo markii xilka laga tuuray ayaa wuxuu sheegay in 25 million oo ka helay dhaxal suge Maxamed Bin Salman, balse aanu u adeegsan danihiisa Gaarka. Source
  17. Beleweyne (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha qeybta 21-aad iyo kuwa Danab ee xalay gaaray gudaha magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sugida amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab Taliyaha qeybta 21-aad General C/Casiis Cabdullaahi (Qooje) oo kulanka faah faahin ka bixinayay ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii taliska qeybta 21-aad uu HirShabelle gacan uga siin lahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi. Ugu dambeyn Madaxweyne Waare ayaa booriyay howlaha ciidanka Xoogga dalka ka wadaan deegaanada maamulkiisa, isagoo sidoo kale bogaadiyay juhdiga ay dowladu ku bixinayso inay wada shaqeeyaan qaybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed. Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed. Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho. Source: goobjoog.com
  19. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo ka wadaan wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo maalmahan dambe kusoo bateen falalka amni darri. Howlgalkan ayaa sidoo kale waxay ciidanku ku baarayaan Miinooyin, kadib markii shalay qarax uu ka dhacay halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysan howlgalkan ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah bixiyaan, iyaga oo sheegay iney hadli doonaan saacadaha soo aaddan. Wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay kaam ay deganaayeen dad barakacayaal ah, kaasi oo ku yaalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, dabkan ayaa ka kacay mid ka mid ah guryaha ka sameysan bacaha ee ku yaalla kaamkaas. Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ilmo Saddex Sano jira ayaa ku dhintay dabkaasi, waxaana ku baabay guryo iyo xarumo ganacsi oo Kaamkaasi ku yaallay. Dabkan ayaa degdeg ku faafay, maadaama magaaladaasi ay ka jiraan dabaylo xooggan, iyadoo dadka Garoowe iyo maamulka magaaladaasi u gurmadeen qoysaskii ku dhaqnaa halkaasi oo ugu dambeyn dabka la damiyey. Kaamka uu dabkan ka kacay oo la yiraahdo Kaamka Yemaniyiinta ayaa waxaa ku noolaa qoysas aad u dan yar, kuwaasi oo hadda u baahan gurmad dhan walbo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Beledweyne (Caasimada Online|) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo xalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta ee gobolka Hiiraan. Kulanka oo ahaa mid xasaasi, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu horreyn waxaa shirka warbixin looga dhageystay taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo marka hore ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda iyo sidoo kale howlgallada ka socda gobollada Dhexe. Taliyaha ayaa sheegay in ay diyaar garow xoogan ugu jiraan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan maamullada HirShabelle iyo Galmudug. Dhankiisa Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka inay yeeshaan wada shaqeyn dhab ah, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa ka mid ah meeladaha ay sida aadka ugu xoogan tahay Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa , oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa maanta xafiiskiisa wada-hadal kula yeeshey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre,iyada oo wadahadallada diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa cabashada Ardayda Puntland ee shahaahada Dugsiga sare. Kullanka ayaa is-afgarad ku dhammaaday, waxaana wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida ugu dhow ee Ardayda Puntland ay shahaadada ku heli lahaayeen. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa uga mahadceliyay wasiirka waxbarashada ballanqaaday ku aaddan inay Ardaydu heli doonaan shahaahada dugsiga sare,isaga oo markaa caddeeyay inuu labbo laabi doono dadaallada xalka kama dambeysta ah looga gaarayo cabashada shahaadada ee Ardayda Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sanadkan ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu xaqiijiyey wasiirka qorsheynta XFS, Jamaal Maxamed Xasan. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo shirka golaha ammaanka ee QM, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan uu Madaxweynuhu dib isaga celiyey dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/jamaal.mp3 View the full article
  24. DUBAI, United Arab Emirates — Saudi Arabia’s King Salman replaced the country’s energy minister with one of his own sons Sunday, naming Prince Abdulaziz bin Salman to one of the most important positions in the country as oil prices remain stubbornly below what is needed to keep up with government spending. Source: Hiiraan Online