Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar rasmi ah ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka iyo Kenya ay si hoose isugu afgarteen in Soomaaliya ay Kenya u ogolaato in dib loogu dhigo [...] Source
  2. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda Lacagta Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shuruudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay isla qireen in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka Dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta Dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo ka qeyb-galay shirka Bankiga Aduunka iyo IMF appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU (HOL) - Burundi will be a major recipient of President Donald Trump’s allocation to the Africa Union troops serving in Somalia this year. Source: Hiiraan Online
  4. Dhuusamareb (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud. Ujeedada iyo safarka aya ku tegayaan Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa ah sidii loo xalin lahaa khilaaf ka dhashay guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ee dowladdu magacawday. Wefdigaan ayaa kulamo la qaadab doona hogaanka Ahlusunna oo dhaliilsan guddiga farsamada maamul u samaynta maamulka Galmudug, si khilaafkaas xal looga faaro dibna loo amba qaado shaqada dhismaha Galmudug. Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa wada-hadallo hoose ay u socdeen dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna oo diidanaa Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu Magacaawday, waxayna Ahlu Sunna dooneysaa in xubno laga siiyo Guddigaas. Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay aqbaleyso muddo kordhinta lagu sameeyay dhageysiga kiiska badda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa tilmaamay in dib u dhigistan ay tahay mid kama dambeys oo aysan jiri doonin mid kale. Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa go’aamisay in gal-dacwadeedkan la dhageysto 8-da illaa iyo 12-ka bisha June ee sanadka soo aadan 2020-ka. Soomaaliya ayaa ku adkeystay in gal-maqalka la dhageysto 4-ta November ee sanadkan, balse waxay sheegtay in ay hogaan-sameyso go’aanka ICJ. Waa markii labaad oo ICJ ay dib u dhigeyso dhageysiga kiiskan oo ku aadan goob ku taala xuduud labadda dal oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Mahdi.mp3 View the full article
  6. Boosaaso (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyey in ay rajeynayaa in xal laga gaaro khilaafka Jubaland iyo dowladda. Deni oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa daboolka ka qaadey in ay go’an tahay kaalin ay ka qaataan soo afjaritaanka ismaandhaafka labadda dhinac. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in kala aragti duwanaanta lagu dhameyn karo is-faham, wada hadal iyo is-qanci. Hadalkan ayaa sheegay kadib markii uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa Kismaayo oo uu kaga qeybgalay caleema saarka Axmed Madoobe. Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in aysan aqoon-saneyn Axmed Madoobe, waxayna xustay in ay doorasho kale qabaneyso. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DA.mp3 View the full article
  7. Moscow (SMN) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la sheegayaa in uu shir isugu yeeray hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu waramayaa in ay ku kulmi doonan magaaladda dalxiiska caanka ku ah ee Sochi. Sochi ayaa marti gelineysa 23-ka bishan shir ay kasoo qeybgalayaan hogaamiyeyaasha Afrika, kaasoo Ruushka uu ku marti qaadey. Sidda ay wararku tibaaxayaan, Putin ayaa doonaya in uu Muqdisho iyo Nairobi kala hadlo qaboojinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex-aloolsan. Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhex-taagan xurguf salka ku haysa dacwad dhanka badda ah oo hortaala Maxkamadda Cadaalada Dunida. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DF.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay kadib markii weerar uu ka dhacay degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka ayaa la sheegay in ay qaadeen sarkaal ka tirsan milatariga oo lagu magacaabo Khaliif iyo ciidamo daacad u ah oo uu watay. Khaliif iyo xoogagiisa ayaa lagu waramayaa in ay beegsadeen guriga gudoomiyaha degaankaas, Ibraahim Xaaji Yuusuf. Mr Yuusuf oo lasoo xiriiray Shabeelle ayaa codsaday in talaabo laga qaado sarkaalka oo uusan kala caddeyn ujeedka uu u soo weeraray. Sidda laga soo xigtay Yuusuf, markii uu duulaanku dhacayey waxaa guriga ku wehliyay gudoomiye ku xigeenka degaanka Lafoole. Madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu cod dheer kaga codsaday in ay talaabo ka qaadan sarkaalkan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Sarkaal-milatari.mp3 View the full article
  9. Ankara (Caasimadda Online) – Turkiga ayaa ogolaadey in uu si ku meel gaar ah u hakiyo howlgalkiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta Suuriya, una fasaxo in ay ka baxaan xuduudka, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa yiri kadib safariisa Ankara. Madaxweynaha Turkiga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa wadahadal muddo dheer qaatay maanta ilaa caawa ku yeeshay magaalada Ankara, waxaana sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga waxay labada dhinac ku heshiiyeen xabad joojin muddo 120 saacadood ah oo ka dhacda Waqooyiga Syria iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu joojinayo howlgalka milateri, si loogu ogolaado dagaalyahanadda Kurdiyiinta inay ka baxaan aagga ay dooneyso dowladda Turkiga. “Mareykanka iyo Turkiga waxay isku afgarteen xabad joojin ka dhaqan-gasha Suuriya,” Mike Pence ayaa sidaas ka sheegay kadib shir jaraa’id oo ay wada qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo. Waxaa kaloo heshiiska ka mida in hubka waaweyn ee kooxda Kurdiyiinta la baabi’iyo, waxaana aagga nabadda laga dhigayo ee Waqooyiga Syria ilaalinaya ciidamada Turkiga, waxayna labada dal iska kaashan doonaan fulinta heshiiskan. Is-afgaradka ayaa baajin doona colaada lagu sifeeyay “midda ku meel gaarka ah”. Marka “midda joogtada ah” ay imaan lahayd, Donald Trump wuxuu joojin doonaa cunaqabateyno kale oo ka dhan ah Ankara, Pence ayaa ku sharaxay. Sidda uu ka dhawaajiyey Pence, Ankara ayaa balanqaadey in ay joojin doonto howlgalka marka maleyshiyaadka Kurdiyiinta ay si dhameystiran uga hayaamaan sohdinta ku teedsan Turkiga lana sameeyo Aag hubka ka caagan. Madaxweynaha Turkiga ayaa u muuqda inuu rabitaankiisa helayo dagaal la’aan kadib markii howlgalkiisa Waqooyiga Suuriya uu ku adkeystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-18102019.mp3 View the full article
  11. New Delhi (SMN) – Wasiirka Wasaradda Badroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane; C/rashiid Maxamed Axmed ayaa Magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qeybgalay shirka tamarta ee Hindiya oo looyaqano CERAWEEK. Wasiirka Batroolka ayaa waxaa ku wehlinayay kulanka Danjiraha Soomaaliya u fadhida Dalka Hindiya, Faadumo C/laahi Maxamuud Insaaniya iyo lataliyaasha Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta. Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda IHS MARKIT, waxana sidoo kale ka qeyb galay Dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo shirka lagu casuumay hay’addo iyo shirkado Caalami ah. Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlayay Tamarta iyo guud ahaan qeyaraadka kala duwan ee Dal kasta. Wasiirka Badaroolka iyo Macdanta Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa qudbad ka jeediyay inta uu socday shrika waxaa uuna ka hadlay qaabka Somaaliya uga faa’iideysankarto iyo sida shirkadaha iyo dawladaha kalke ee caalamka ay umaal gashankaraan Soomaaliya waxa uuna warbixin fiican ka siyay xaladda Soomaaliya. Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqaatay Wasiirka Badroolka iyo Gaaska dabiiciga ah DHARMENDRA PRADHAN waxa ayna ka wadahadleen sida ay dowlada Hindiya uga gacansiin lahed tabarida shaqalaha iyo in ay yeshaan wada shaqayn dhaw. Sido kale Wasiirka iyo Wafdiga lasocday ayaa waxa ay kulan laqateen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda tamarta ee Marekanka waxyabo badan ayaana looga wadahadlay kullankaas. Dalka Hindiya waxaa uu kamid yahay Waddamada ku jira hardanka dhaqaalaha iyo in uu qeyb ka noqdo quwadaha Addunka ee tartanka ugu jira in ay Gacanta ku dhigaan Badaroolka Macadanta iyo Gaaska dabiiciga ah. View the full article
  12. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabulaahi Deni oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeye dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland iyo xaalada amni ee magaalada Kismaayo. Ugu horeyn Saciid Deni ayaa ka hadlay amniga magaalada kismaayo, waxaa uuna sheegay in magaalada kismaayo ay tahay meel nabad ah,balse uu culeys ka heysto magaaladaasi badda, dhulka iyo cirka. Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Jubbaland. Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inuu wado dadaal ku aadan sidii loo dhameyn lahaa Khilaafkan oo sida uu sheegay saameeyay shaqadii loo hayay Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carabka ku goday inuu bilaabay dadaaladiisa. “Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni. Waxaa uu sheegay Deni in Puntland ay mar walba horseed u tahay howlaha federaalka ee socda,isla markaana cid kasta oo diidan wixii ka dhacay Kismaayo ha ahaato dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee ku sugan Kismaayo inay diyaar u yihiin inay isku soo dhaweeyaan. Hadalka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanayo xilli weli uu taagan yahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka & Maamulka Jubbaland taas oo xoogeysatay, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. The latest Forum survey shows New Democrats with 20 per cent support among decided voters, up from 12 per cent in a similar poll just nine days ago. Source: Hiiraan Online
  14. Lawyers representing families of passengers killed in a Boeing 737 Max crash in Ethiopia in March are set to issue subpoenas to Southwest Airlines and American Airlines, the two biggest U.S. operators of the jet, according to documents seen by Reuters. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Bilaawgii todobaadkaan ayaa degmada Dharkeynlay ee gobalka Banaadir waxaa ka dhacay qal qal amni oo xoog leh kadib markii ay murmeen taliye ku xigeenka 1-aad ee Booliiska Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdullaahi Kaniif iyo guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish. Murankaan ayaa gaaray meel sare waxaana la isku qabsaday sidii laga yeeli lahaa koox burcad ah ka ganacsata islamarkaana isticmaasha Khamriga iyo maandooriyaha, kuwaas oo ay soo qabteen Ciidamada Booliiska ee degmada Dharkeynlay. Is qab qabsiga ayaa ka billawday taliska Saldhigga Dharkenlay iyo maamulka degmada oo ay soo kala waceen Taliska Booliiska Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir oo mid kasta oo kamid ah uu doonayay in uu soo bandhigo kadibna warbaahinta ka hadlo. Dooda oo fogaatay ayaa gaartay ilaa uu degmada ka tago Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya Kaniif, sidoo kalane ay Mobile-ka ka soo wacaan masuuliyiinta gobalka waxaana markii dambe lagu guuleestay in Booliiska Soomaaliya lagu wareejiyo ragii la soo qabtay oo hada lagu haayo xabsi ku yaalo xarunta CID-da. Arintaan ayaa qayb ka ah jawareerka ka jira dalka iyo kala aqoonsi la’aanta shaqooyinkooda masuuliyiinta hay’adaha dowladda Soomaaliya balse mid kasta uu doonayo in uu ka soo muuqdo warbaahinta maxaliga ah ee dalka. “Guddoomiyaha gobalka waa la soo wacay waxaana loo sheegay in aysan shaqadiisa aheyn arrimo quseeya ammaanka halka isagana uu ku doodayo amniga la hoos keeno” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Ankara, Turkey: Turkey has agreed to suspend its Syria offensive for five days and will end the assault if Kurdish-led forces withdraw from a safe zone along the border, US vice president Mike Pence and Turkish officials announced on Thursday after high-stakes talks. Source: Hiiraan Online
  17. A remarkable news conference seemed to confirm a central premise of the House’s investigation Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dib u dhigtay mar kale dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ilaa June ee sanadka dambe. Qoraal shalay kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ay tixgelisay codsiga Kenya, dibna u dhageysan doonto June 8 -12, 2020. Inkasta oo ICJ leedahay waa markii ugu dambeysay hadana ma aha dastuur qoran, oo waxaa ku filan in Kenya geyso marmarsiyo kale iyo codsi dib u dhigis ah. Villa Somalia waa diidaneyd dib u dhigis labada jeer ee maxkmadda dib u dhigtay September ama Novemberta soo socotaba, laakin Kenya doodeeda ayaa adkaatay, taasi oo keentay in la dib dhigo. Maxaa Keenay In Kenya Codsigeeda La Qaato?! Baaritaan ay samaysay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa lagu ogaaday in dadka hor socda kiiska badda ee matala dhanka Soomaaliya ay liitaan qareenno ahaan iyo siyaasiyiintaba. Qareennada: Qareennadan oo kala ah: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet waxaa ay aad uga liitaan, kana khibrad yar yihiin kuwii dalkeenna matalayey kolkii hore, Villa Somalia mar aan weydiiney “Lacag ayaa loo waayey kuwii hore oo mushaarkooda ayaa badnaa” ayey jawaabteeda noqotay. Qareennadan cusub waa dad lagu raacay raqiis, waxayna ku guuldareysteen in ICJ tusaan sida Kenya aaney daacad uga aheyn dacwada ama ay u yastaba howlaha socda, haddii aan la badalinna waxaa ay khatar geli karaan kiiska oo dhan. Siyaasadda: Kenya diblomaasiyad ahaan waa ka awood badan tahay Soomaaliya, Midowga Afrika ilaa xogheyaha Qaramada Midoobey waxay ku qanciyeen in Soomaaliya laga dhameeyo wada hadal, waxaa intaas dheer dadka arrintan lugta kula jiro oo dhammaantood khubaro ah halka Soomaaliya dhankeeda ay siyaasad ahaan hor socdaan Mahdi Khadar ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Safiirkeenna Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, ninka hore diblomaasiyad albaabkeeda ma gelin halka Fiqi uu jilicsan yahay. Guud ahaan, Kiiska badda marka si qoto-dheer loo akhriyo waxaa ku adag Soomaaliya, laakin dadka matalaya oo liita awgeed waxaa shaki weyn ku jira sida ay wax noqon doonaan 6 bil kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho oo laga saaray sanadkii 2011-kii, kadib dagaallo ka dhacay Caasimada. Dilalka qorsheysan ee kooxdan fuliso ayaa waxaa inta badan ay la beegsataa xubnaha la shaqeeya dowladda iyo askarta ku sugan magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online Al-Shabaab ayaa hadda bilowday qorshe cusub oo cabsi gelin ah, islamarkaana ay u adeegsaneyso dilalka qorsheysan ee ay geysato. Qorshahan oo ah mid la yaab leh ayey dad badani ku abuurtay walaac xoogan, kadib lacag uga timid Al-Shabaab. Lacagta oo u dhexeysa 10 illaa 20 Doller ayaa loo diray dadka qaar ay bartilmaameedsaneyso Al-Shabaab, iyada oo u sheegta inay tahay Karfantooda oo haddii ay disho lagu aasi lahaa. Mid ka mid ah dadka loo diray lacagtan oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Miinashiibiyada ayaa horraantii todobaadkan waxa ay kooxdu ku toogatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa Caasimada Online u sheegay in afar bil ka hor xubno ka tirsan Al-Shabaab ay la soo xariireen marxuumka, una soo direen lacag dhan 20 Doller, taas oo loogu sheegay inay tahay Karfantiisa. Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada oo naga codsaday in aan shaacin magacyadooda ayaa xusay in marxuumka uu isticmaalay lacagaasi, balse la dilay todobaadkan, isaga oo ku jira howlo canshuur uruurin ah, iyadoona ay goobta isaga baxsatay kooxdii dishay. Xogta aan helnay kuma eka askarigaasi la dilay, waxaana jira askar kale oo Al-Shabaab ay la soo xiriirtay lacagana ay u soo dirtay. Cali (oo aan qarinay magaciisa dhabta ah) oo ka tirsanaa ciidankii nabad sugida ee lagu biiriyey Booliska Soomaaliya ayaa inoo sheegay in markii uu ka tirsanaa NISA ay la soo xiriireen Al-Shabaab, uguna goydiyeen dil, haddii uu ka bixi waayo shaqado uu ka hayo hay’adda nabad sugida Soomaaliya. Sidoo kale Cali ayaa inoo sheegay in markii uu go’aankiisa ku adkeystay loo soo diray lacag 10 Doller oo loogu sheegay inuu ku soo iibsado Karfantiisa, balse wuxuu tilmaamay in lacagtaasi isaga iyo saaxiibkiis ay Maqaayad uga cunteeyeen. Ugu dambeyn Cali wuxuu carabka ku dhuftay inuu aaminsan yahay qadarta Alle, islamarkaana uusan ka baqaneyn Al-Shabaab, iskana difaaci doono. Ujeedada ay arrintan ka leedahay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay tahay mid ay ku cabsi gelineyo dadka. Al-Shabaab ayaa weli ah qatar jirta, iyadoona marar badan laga digay awooda kooxdan oo ku sii faafeysa meelo ka baxsan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Nin dhalinyaro ahaa oo dhawaan ka soo laabtay dalka South Africa ayaa ka mid noqday dad shalay gelinkii dambe lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Faarax Indhafuud uu qayb ka ahaa dhinacyadii shalay galab ku wada dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha. Dagaalka oo ay ku dhinteen illaa shan qof ayaa daba socdo dagaal maalin ka hor halkaasi ku dhex maray Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee NISA iyo Ciidamada Dowladda ee Deegaanka Lafoole. Dagaalkan ayaa wuxuu salka ku haya gacan ku haynta Maamulka Ceelasha Biyaha, waxaana guuldareystay dadaalo lagu doonayay in labada dhinac lagu heshiisiiyo. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Faarax Indhafuud uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkii labada dhinac ku dhex maray Ceelasha Biyaha. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu labada dhinac ku dhex maray Suuqa Ceelasha Biyaha. Xiisadda ku soo korortay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka qaarkood ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan. Dilka Faarax Indhafuud ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Arbacadii duleedka Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdijibaar Cabdullaahi Jimcaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si rasmiya shaaca uga qaaday lacagta ay lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan ay ku bixisay soo iibsashada Qaadka. Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland oo ka qeyb galay kulan lagu lafo gurayey Caqabadaha hortaagan dhaqaalaha Somaliland iyo sidii looga bixi lahaa, oo ay soo qaban qaabiyeen Ardeyda jaamacaduhu, ayaa arrintaasi ka hadlay. Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi ka hadlayey, ayaa waxa uu ka sheegay in lixdii bilood ee u horeeysay sanadkan ay Somaliland lacag dhan 190-Milyan oo doolar ay ku soo iibsatay Qaad. “Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye” ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire. Wuxuuna intaas sii raaciyay Wasiirku “Mushkiladu xataa maha lacagta oo keliya ee waa wakhtigii, caafimaadkii, iyo dhaqankii, waana meelaha loo bahanyahy in wax laga qabto”. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dhaqaalaha Somaliland ay kor u qaadi laheyd haddii ganacsadayaashu ay ku dhiiradaan sameysta Warshadaha, isagoona xusay in aqoon dari baahsan oo dhankaasin ay haysato ganacsatada Somaliland, wuxuuna yiri “Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas i gelinayaba”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. At a lunch held Wednesday at which the current batch of YPPs were invited to share their feedback, Senior Vice President Charles Boamah made it clear that he valued the input of the young professionals. “We want to hear from you directly…We will factor all of your comments into the decisions we make,” he said. Kolawole Olugboye, the YPP coordinator, said the recruitment process was designed to address strategic staffing needs. “The successful YPs will be largely based at the Bank’s headquarters in Abidjan, but also have the opportunity to travel to the various country offices and projects across Africa. The program also enables candidates to move across a range of business units in the Bank to garner the skills to deliver on the job.” Michel N’guessan, a water engineer and finance specialist, said the program compared favourably with that of other multilateral development institutions. “The six-month rotation is the best structure…because it allows you to pick up deep knowledge of the Bank. I learned two important things. The first is: All the decision-makers are human beings. They can make mistakes but it’s more important to review your decisions. The second is: It always takes a collective effort to reach a certain goal.” Frances Emembolu, a young lawyer, also enjoyed the wide range of experience she was exposed to. “The design of the program is highly effective. It gives a young professional an opportunity to, within three years, garner experience from different sectors of the Bank. That enables you to become a well-rounded individual, with transferable skills for working within and outside and the Bank.” Working at the Bank required excellent interpersonal skills and the ability to be a team player, she said. Carefully selected training programs impart skills that young people in the YP program need to become development experts. The programs range from communication skills to project management, investment appraisal, leadership skills, as well as a flagship postgraduate diploma in development with a reputable university. YPs are assigned mentors who lend their professional and personal experience to help the recruits navigate their careers. The Bank’s last YPP recruitment exercise attracted over 7,000 applications from all over the world. The majority of the applicants were aged between 27 and 32 – the target audience – of which about 32% were women, who eventually formed 60% of the successful candidates. Qaran News