-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
23-kii bishan ayeey ahayd markii shirkadaha duulimaadyada lagu wargeliyey in muddo Saddex cisho ah aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin magaalada Kismaayo, kadib warqad ay ka heleen hay’adda duulista hawada dalka. Hadaba waxaa soo baxay hadalkan hadal ka duwan, kadib markii isla hay’addaasi ay sheegtay in aanay jirinba warqad dhankeeda ka timid oo lagu xayirayo duulimaadyadii Kismaayo. Axmed Macalin, maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wararka sheegaya in la xanibay duulimaadyadii Kismaayo muddo Saddex cisho ah, balse wuuu tilmaamay in shirkadaha ku wargeliyeen oo kaliya iney hay’adda 24-saac kahor kusoo wargeliyaan duulimaadya ay ku aadayaan Kismaayo. Maareeyaha ayaa sheegaya in hadalka ay ka maqleen oo kaliya warbaahinta, iyadoo xusid ay mudan tahay in shalay (24 September) uu dhaqan galay ammarkii xayiraadda lagu saaray duulimaadyada Kismaayo. “Waxaan warbaahinta ka maqlayey in Kismaayo la xiray oo diyaaraduhu tagi karin, iyadoo la leeyahay illaa 26-ka bishan laga gaaryo diyaaraduhu tagi karin, waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed iney u sheego inaanay jirin wax si rasmi ah uga soo baxay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo xadidaya diyaaradaha u duulaya Kismaayo, wax walbo waa caadi, waxa jira oo kaliya ammar kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku amraya diyaaradahaasi in 24-saac kahor inta aanay aadin Kismaayo ay soo codsadaan fasax taasna waa caadi” ayuu yiri Axmed Macalin. Boqolaal qof oo aadi lahaa Kismaayo iyo kuwo kusoo wajahnaa Muqdisho ayaa shalay la sheegay iney dib uga dhaceen safarkooda, xilli dowladda ay 23-kii bishan garoonka Aadan Cadde ku xayirtay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahnaa Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo saaka aroortii hore ka dhacay dalcada Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo la saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay waxyeelo u badan dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa ciidan, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka tirsanaayeen maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari ee ka dhaca M/ Muqdisho. View the full article
-
(SLT-London)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dib u bilaabi doona maanta arbacada kulamadooda caadiga ahaa kuwaasi oo uu xanibay raysal wasaaraha UK. Maxkamadda sare ee UK ayaa shalay daaqada ka tuurtay go’aanka Boris Johnson uu ku kala diray baarlamaanka inta UK ay ka baxeyso Yurub. Garsoorayaasha Maxkamada sare ee UK oo gaadhaya 11 ayaa ku tilmaamay go’aanka Johnson mid aan sharci Aheyn. Baarlamaanka UK ayaa dhowr goor isku khilaafay qaabka ay kaga baxayaan UK waxaana taasi ay keentay in laba toddobaad ka hor la hakiyo kulamada Baarlamaanka. Source
-
NEW YORK -- The Trump administration, locked in a trade war with China, is increasing pressure on Beijing over what it says is the systematic oppression of ethnic minority Muslims. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-25092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan guda Caasimada, ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaarigan oo ahaa nooca raaxada, xilli uu marayey dalcadda Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Khasaaraha hor dhaca ah ee la helayo ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari, ayna ku dhaawacmeen saddex qof kale oo la saarnaa gaariga. Waxa kale oo qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo uu ku jiro wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saraakiisha qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa ciidan, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka tirsanaayeen maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimadda Online) – Wadahadallo saddex geesood ah oo ay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku yeesheen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in uu kusoo dhamaaday is faham. Arrinkan ayaa lagu shaaciyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeyn doonaa ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas ay shegeen in la isku waafaqay. Kenya ayaa marar badan ku adkeysatay in kiiska dacwadda badda laga soo celiyo maxkamadda, oo is-afgarad lagu dhameeyo. Khilaafka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa gaaray halkii ugu xumeyd gaaray bishii February markii ay dowladda Kenya u yeeratay safiirkii u jooga Muqdisho, halka kan Soomaalida na ay ku amartay in uu dalkiisa ku laabto. Waxay ka dambeysay Kenya oo ku doodaysa in Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay. Soomaliya ayaa arrintaa si kulul u beenisay. Kulanka New York ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada hogaamiye tan iyo bishii March markaas oo ay ku kulmeen magaalada Nairobi. kuna heshiiyeen inay soo celiyaan xiriirka labada dal, sida uu sheegay ra’isilwasaaraha Itoobiya Aby Axmed oo labada dhinac dhexdhexadinayay. Balse tan iyo markaasi waxaa dhacay dhacdoyin loo arkayay inuu dhaawac ku yahay xiriirka labada dal sida Kenya oo dib u billowday inay diyaardaha Soomaaliya soo maraan Wajeer, iyo Soomaaliya oo dalabatay in shirarkii Nairobi ka dhici jiray qeyb ka mid ah loo wareeiyay dalalka kale ee deriska ah. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, iyaddoona dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga. Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray faahfaahin ku saabsan wixii ay labada Madaxweyne ka wada hadleen. Halkaan ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook: Nuxurka wada hadallada Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee uu gogosha dhigay Madaxweynaha Masar oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Al Sisi. 1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo halkii uu taagnaa horraantii Febraayo, 2019. 2. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeyo kalsooni abuurista labada dal. 3. In kiiska dacwada badda loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. 4. In la sii joogteeyo wadahadalla. Wabillaahi towfiiq Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray masuuliyiinta golihiisa xukuumada ee kasoo jeeda gobolka Cayn inay si degdeg ah ku tagaan magaalada Buuhoodle, waxaana amarkaan madaxweynuhu soo saaray kahor inta uusan u safrin Bosaso. Wadigaan ayaa la filayaa in uu hogaamindoono wasiirka shaqada iyo shaqaaalaha dowladda Puntland, Jaamac Faarax Muuse, waxaana safarka ku wehlindoona wasiirka degaanka iyo isbedelka cimilada, wasiir ku xigeenada iyo xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Cayn. Waxaa la filayaa inay noqdan wafdigii ugu cuslaa ee taga magaalada Buuhoodle . Weli lama oga ujeeddada safarka masuuliyiinta, hase ahaatee warar madax bannaan oo uu helay Puntland Post ayaa sheegaya in uu la xiriiro qorshe madaxweyne Deni ku doonayo in wasiir waliba oo xukuumadiisa katirsan uu tago gobolka u kasoo jeedo farriiinta xukuumadana halkaas gaarsiiyo. Wadigaan ku wajahan magaalada Buuhoodle, oo la qorsheynayay inay Buuhoodle u safraan maalin kadib amarka madaxweynaha, ayaa weli u xayiran wasaaradda maaliyadda Puntland oo la faray inay fududayso qarashka ku baxaya socdaalka wafdigaan. Puntland Post The post Wafdi culus oo katirsan xukuumada Puntland oo ku wajahan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
adahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham sida ay sheegtay madaxtooyada Villa Somalia. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Sida lagu xusay qoraalka Villa Somalia Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay. Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u mahadcelinayso Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi oo dawrka hoggaamineed ka qaatay wada hadallada Kenya iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kenya iyo Soomaaliya oo heshiis is af-garad ah gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo dhowaan laga diiday in uu u duulo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa ka badbaaday shirqool sumcaddiisa ay ku dhiman lahayd oo lala rabay. Madaxweyne Shariif, oo ah hogaamiye saameyn ballaaran leh, sidoo kalane lagu tiriyo dadka ugu dhow ee Soomaaliya hogaankeeda ku soo laban kara, ayaa dowladda Kenya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay usoo jeediyeen in uu diyaarad Milateri ka raaco magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, taas oo toos u tageysa Kismaayo. Inkastoo ay magaalada Kismaayo saarantahay xanibaad ay ku soo rogtay dowladda Soomaaliya ayaa hadane Kismaayo waxaa si maalinle ah u taga diyaarado dagaal oo ka baxa Nairobi iyo kuwa UN ah oo aysan waajib aheyn in ay Muqdisho soo maraan ama Kismaayo laga celiyo. Caasimada Online, ayaa xog ku heshay in masuuliyiiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u soo jeediyeen in uu ka baxo Nairobi islamarkaana uu qaato diyaarad Milateri maadaama uu yahay masuul xushmad leh oo dalka xil muhiim ah ka soo qabtay. Sidoo kalane uu saaxiib la yahay hogaanka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa Shariif usoo jeedisay in isaga iyo wafdigiisaba ay siin doonto diyaarad Milateri oo ka qaada Nairobi toosna u geysa Kismaayo kana soo celisa balse waxaa warkaasi diiday Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif, hadii uu raaci lahaa diyaarad milateri oo ay leedahay Kenya, waxa lagu eedeyn lahaa in uu xariir la leeyahay Kenya islamarkaana uu kala shaqeynayo qabsashada degaanada Jubbaland iyo ka guul gaarida murunka Badda. “Waxay geliyeen waqti dheer iyo maskax in ay Madaxweynaha ku qanciyaan socdaalkiisa Kismaayo in uu ku tago diyaarad Milateri oo ay leedahay Kenya, laakiin kuma guuleysan hadafkooda” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Ma cadda in xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ee soo jeedintan sameeyey inay is ogaayeen. Waxaa macquul ah in kenya danteedu tahay in Shariif geyso Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Axmed Madoobe, halka dowladda Soomaaliya danteedu tahay inay sumcad disho Shariifka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Labour Minister meets Somali counterpart Source: Hiiraan Online
-
Turkish President Recep Tayyip Erdogan and his Somali counterpart Mohamed Abdullahi Mohamed met Tuesday Source: Hiiraan Online
-
Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Masar ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Dhinaca arrinta badda, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in kiiska badda go’aankiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka taas oo la isku waafaqay. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal. Qaran News
-
Marka (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xiray nin beeraleey ah oo katirsan kooxdaas oo todobaadkii hore mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeellaha Hoose iyo kuwa degmooyinka Qoryooleey iyo Marka ku qarxiyay deegaanka Shalaanbood. Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay ninkaan xireen kadib markii uu soo wacay amiirkiisa kadibna uu ku war geliyay in uu qarxiyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sii socday degmamada Qoryoole kadib markii ay ka yimaadeen soo dhoweyntii Kheyre ee magaalada Marka. Sababta loo xiray ayaa lagu sheegay laba arin oo kala ah:- In uusan amiirkiisa ku wargelin Qaraxa ka hor inta uusan fulin Iyo in uu baajiyay weerar jid gal ah oo Al-Shabaab la damacsanaayeen masuuliyiintaan, sababtoo ah tobaneeyo ciidan ah oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa wafdigaan loogu diyaariyay degaan keyn ah oo u dhow halka lagu qarxiyay waxayna taasi sababtay in ay wafdigii ku laabtaan Marka. Sababta uu qaraxaasi u fuliyay una baajiyay qorshihii lagu layn rabay wafdigaan ayaa ah ujeedka ugu wayn ee loo xiray, qof katirsan mas’uuliyiinta la wareeray ayaa Caasimad Online u sheegay. “Alle ayaa na badbaadiyay, waxay rabeen in ay nagu galaan dhul keyn ah oo ay ku diyaariyeen ciidan badan, qaraxii dhacay ninkii ka dambeeyayna waa xireen oo qorshahooda fashilay, Alxmdlh, Alxmdlh Alxmdlh” ayuu yiri masuul katirsan xubnihii la wareeray. Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo askar ah waxaana ku dhaawacmay masuuliyiin heer degmo ah iyo Ciidan kale oo saarnaa gaarigii la qarxiyay. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo dhacay todobaadkii hore. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com
-
Warbixin dhowr sanno ka hor lasoo saaray ayaa lagu qiimeeyay noocyada dadka Mareykanka ah ee usoo baxa doorashooyinka. Waxa ugu weyn ee warbixintaas lagu ogaaday waa “Dadka usoo baxa iney u codeeyaan qof ay jecelyihiin, waxaa labo jeer ka badan dadka usoo baxa iney ka codeeyaan qof ay necebyihiin, si aannu u guuleysan. Waa ka shaqo iyo abaabul badanyihiin dadka kale, uma joojiyaan xitaa hadii qofka ay codka siinayaan uusan waxba qaban karin, kaliya waxaa u muuqda in laga adkaado qofka ay necebyihiin. Si taas la mid ah, Soomaaliya waxaa muuqata in dad badan oo taageersan dowladda madaxweyne Farmaajo iney u taageerayaan naceyb ay reer gaar ah u qabaan. Arrintaan waxaa si fiican loo arkaa marka ay is qabtaan qof reerkaas ah iyo Dowladda Farmaajo madaxda ka yahay. Waxaa tusaale kuugu filan labadii maalmood ee lasoo dhaafay oo si toos qabiil gaar ah loo Aflagaadeynayay, waliba si ka badbadis ah oo naceyb ka muuqdo iyo dhacdooyin kale oo ka horeeyay. Jaceyl ay Farmaajo u qabaan iyo Dowladnimadda kama ahan oo hadii ay taas ka tahay iyagoo aan reer u gefin, qabiilna abaarin ayey fikirkoodda dhiiban lahaayeen. Kuwaan waa kuwa ugu xoogan ee loo heysto iney Farmaajo taageeraan balse kula jooga naceybka reer hebel. Waxey wax usoo qoraan ama ay fikirkoodda u cabiraan sida in aannu reerkaasi Dowladnimada waxba ku laheyn. Waa nasiib daro inaad reer Soomaali ka mid ah gaar u nacdid, waxaase kasii xun in qoyskaas aad necebtahay aadan nolashoodda iyo maqaamkoodda waxba ka badali karin. Hadii aad u heysato inuu qoraalkaagu hoos u dhigaayo reerkaas, waxaa tahay bukaan daawo diid ah, oo isu heysta inuu daawadii laqay. Waxaa qoray Abdullahi Osman Farah AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag u dhaliilay Buug uu Cabdiwali Gaas ku aflagaadeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Faroole, mid kamid ah bud-dhigeyaashii Puntland. Buuga ayaa waxaa lagu soo qaadey rag uu u bixiyey ‘Midowga Shayaadiinta’ wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay xukuumadiisa iyo kuwii kale ee ka horeeyay. Xoosh ayaa markii uu Buuga arkay xiriir la sameeyay Gaas. Cabdiwali wuxuu qirtay in uu Buugu isagu leeyahay, wuxuuse qiil ka dhigtay ‘gedaal buu ka fiican yahay’. Hase ahaatee, warkaa “ima anficin,” ayuu yiri Cali Yuusuf. “Waxaa la yiraahdaa beenlowga waxaa sira beenta oo xusuustaa yar; beelow xusuus yari ayaa sirdha [sirta] ayaa la yiraahdaa,” ayuu tibaaxay, isaga oo raaciyey: “Wuxuu yiri ‘Cali baa lasoo xiriiray Maxamed Cabdiraxmaan buu qadka soo geliyay si qarsoodi ah’ dabeecadaas maba aqaano, tiknoolajiyad ahaan”. Gaas, kahor inta aan 8-dii Janaayo 2014-kii loo doortay madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. “Ragga uu u bixiyey 12-ka uu yiri ‘Midowga Shayaadiinta’ wuu sii fogaadey oo abkooda ayuu gaarey…nimankaasi waa niman reer Nugaaleed ah…oo tiradooda maba aqaani oo tiruu sheegay isagu…waan maleynayaa in ragaasi oo aan anigu kamid ahay oo akhyaar ah oo odayaasha meeshaas ah oo xag cibaado, akhlaakh, xag mas’uuliyadeed niman qiima gal ah…laakiin garan kara ninka xun ee isaga oo kale nooca uu yahay ah oo doonayo in uu ku kaarto baxo oo xumaanta uu leeyahay diiradda ku saara halkaas,” ayuu hadalkiisa raaciyay. 10-kii bishii June 2011-kii, kadib codsi ka yimid Gaas isaga oo Kampala ku sugan, Senator Faroole oo haatan kamid ah Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, ayaa Cabdiwali ku taageeray inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. “Aniga oo Qardho maraya ayuu ila soo hadlay wuxuu igu yiri ‘Cabdiraxman Faroole igala hadal Farmaajo ra’iisul wasaare buu ii wadaa’ Faroole oo Jabuuti jooga ayaan la hadlay wuuna ogolaadey, sidaasi ayaana ku dhameeyay, abaal bey ahayd oo aan u galay,” ayuu sharcidejiyaha ku daray hadalkiisa. “Abaal-laawe” “Ragga kale oo uu xusay, Shayaadiinta uu ku sheegay, laakiin qiimigooda dadka kale og-soon yahay, waxaan ogaa oo aan anigu kamid ahaa lacag 100-kun oo dollar ah in aanu siinay oo jeebabkeena aanu uga qaaraanay, waqti uu lahaa doorashaaan gelayaa…abaal la’aanta marka waa lagu yaqaanaa, as-raarta beenta ahna waa lagu yaqaanaa…Farmaaijhii boosas-kaasi keenay iyo Faroole-iyo kuli waxa uu ugu abaal-guday waa lagu yaqaanaa…marka ninkii wanaag u gala xume ayuu ugu abaal-gudaa, as-raarkana waa yaqaanaa,” ayuu daba dhigay xildhibaan Xoosh. “Waa ninka baarlamaanka dhexdiisa lacagta uu sameeyay oo la yiri ‘lacagtan ma sameyn’ oo uu yiri ‘gacantiina ayaan ku arkay’ waa ninka intii shaqaalihii ay soo istaageen yiraahdeen ‘mushahar ma aanan qaadan oo caan ah’ oo isaga markaa Garowe dabaqyo ka dhisanayey oo hadda uga dhisan yihiin Gaalkacyo, Washington, lahaa ‘shaqaaluhu mushahar buu qaatay’ asraar noocaas ah aniga ahaan waa qofkii ugu horeeyay oo meel lasoo istaaga mas’uul noocaas ah,” ayuu mudanaha hoosta ka xariiqay. “Isbarbardhigii baan wadaa…waqtigii uu joogay iyo waqtigii kale….wuxuu sii daayay argagixisadii jeelasha ku xirneyd…wuxuu sii xoojiyey oo uu heshiis la galay argagixisadii kale ee beeraha joogtay, illaa iyo ay baadeen ganacsatadii…wali lama arag Puntland…xiligiisii maraakiib deeq ah oo masaakiinta loogu talogalay uu yiri xulufo aktiisa ‘isoo iibsha’ oo ganacsatadii laga wada iibiyey oo kuli bakhaarada lawada dhigi jiray,” ayuu yiri Xoosh. “Waxayno aragnay in madal kasta uu tago wax been ah oo aan daacad ahayn oo dadka meesha uu jooga uu ku qacinayo in uu sheego sidii markii Canada uu tago uu yiri ‘Puntland faqiiriin baa isugu soo haray iyo dadaan aqoon lahayn’ tii Dubai oo uu yiri ‘Puntland waa gabar fiicanoo [laakiin] aal-ku-luusteyaal baa guursadey’ odayaashii soo xukumay [Puntland] nin been sheegay kuma jirin; nin faanaana kuma jirin; nin khaladaadka suuqa lehna kuma jirin; nin-nin u gefaya nin-nin wax ka sheegaya kuma jiirn,” ayuu xusay. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Kenya ayaa dar-dargelin balaadhan ku bilowday furashada xafiiskeeda caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoona todobaadkii hore Somaliland u soo dirtay diblomaasiyiin Kenyan ah. Wafdigan Kenyanka ah oo ka koobna saddex xubnood ayaa Somaliland u imaaday sidii ay u indho indheyn lahaayeen meelaha ugu haboon ee ay dowladda Kenya ka furan karto xafiiskeeda magaalada Hargeysa iyo daraaseyn ku aadan furashada xafiiskaasi. Wafdigan oo aysan wax war ah ka soo saarin dowladda Kenya iyo Somaliland, ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland. Kenya ayaa dhowr goor oo hore sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiinse waa markii u horaysay ee ay caasimada Somaliland ee Hargeysa u soo dirto wafdi u socda indho indheyn iyo u howlgalida furashada xafiiskaasi Kenya ee Hargeysa. Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa xafiisyo diblomaasiyadeed iyo wakiilo ku leh dalal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Turkiga, Djibouti iyo Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, ayaa soo werisay in labada madaxweyne oo magaalada New York kaga qeyb-galaya Shirka 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, ay Talaadadii shalay halkaasi ku yeesheen kulan-doceed looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga. Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu markii u horraysay mudadii uu xilka hayay ka qeyb-galaya shirka 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya New York, isagoo halkaasi ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya waddamada kale hoggaamiyaashooda shirka ka qaybgalaya. Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa arrimaha sannadkan looga hadlayo waxa kamid ah; xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wiiqayo argagixisada. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Erdogan oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay xiisada colaadeed ee mudooyinkii dambe ka soo cusboonaaneysay deegaanada Ceel-Afweyn. Boqor Buurmadow ayaa gebi ahaanba gaashanka u daruuray in uu lug ku leeyahay colaada deegaanka Ceel-Afweyne ee xukuumada Biixi ay dhowr jeer oo hore ula xiriirisay xiisadaasi. Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Biixi, aysan daacad ka aheyn daminta xiisada colaadeed ee ka soo noq-noqota deegaanadaasi, isagoona dusha u saaray colaada mudada badan ka taagan deegaanada Ceel-Afweyn. Boqor Cismaan Buurmadow oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxaan leeyahay labada ardaa ee walaalaha ah ee ehelkana ah ee meesha ku wada-hadlaya, anigoo afkooga ku wada-hadlaya, weyna fadhiyaan guurtidii Suldaan dhawal iyo garaad Jaaamac, iyo raggii arrinkayaga galayba, waxaanan leeyahay reer Somaliland arrinkaa waxa ka dhiman intii dowladda”. “Marka aynu wax ku heshiino fulintiisa dowladda ayey ka bixi laadahay, waxayna ka fuli laadahay dhinacooda, waxaana jirra kuwo aan dowladda saddex jeer u dhiibnay oo inaga haya, haddana ay soo deyso oo suuqa dhexdiisa wax ku dilay baa jira”. Wuxuuna intaas kusii daray “Hadii aysan dalka dowladi ka jirin Ceel-Afweyn aad garaneysan baa tikniko lagu dhex wataa, oo magaalada hub lagu dhex wataa, magaalo yar bey xasilin laadahay dowladu, waxaana dalka haysata dowlad daciifa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
