Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-08092019.mp3 View the full article
  2. Universal TV reports that Al-shabaab ordered the company contracted to rebuild Mogadishu Stadium to stop the renovation tasks. Al-shabaab reportedly phoned builders and technicians one by one to warn them of going to the stadium for work. Universal TV reports there are talks underway between Al-shabaab and the company. Mogadishu businesses complied with the order of Al-shabaab not to use CCTV for their businesses. Al-shabaab taxes Mogadishu businesses and offers dispute resolution services outside Mogadishu. Mogadishu Stadium was a base for AMISOM before reconstruction had begun. © PUNTLAND POST The post Al-shabaab halts reconstruction of Mogadishu Stadium appeared first on Puntland Post.
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo odayaasha Koonfur Galbeed ay maanta la kulmeen ra’iisul wasaare Kheyre, ayaga oo kala hadlay dadkii ay ciidamada dowladdu ku dileen magaaladaas iyo in magdhow laga bixiyo, ayaa ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay galabta Baydhabo ku dileen qof shacab ah. Xilli uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kusii jeeday dhagaxdhiga garoon lagu cayaaro kubadda Cagta oo lagu magacaabo Dr. Ayuub, ayaa askar ka tirsan ilaalada Kheyre waxa ay toogasho ku dileen ruux shacab ahaa. Qofka ay toogteen ciidamadu oo watay gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa waxaa la sheegay inay isku soo dhawaadeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre. Gaarigii uu watay marxuumka ayaa mar khura rasaas la huwiyay, waxaana la sheegay in looga shakiyay inuu qarxi rabay, sidaasna ay ku toogteen. Ruuxa la dilay ayaana ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Sidoo kale xiliga uu Kheyre aadayay garoonka ayaa waxaa guud ahaan hawada laga saaray is-gaarsiinta magaalada Baydhabo, taas oo maqneed tan iyo markii uu dib ugu laabtay hooyga laga dajiyay magaalada. Dilka askarta ilaalisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay u geysteen qofkaas shacabka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay magaalada Baydhabo ay iskugu soo baxeen dad kasoo horjeeda imaatinka Kheyre ee magaalada Baydhabo. Dibadbaxyaasha ayaa watay boorar uu ku sawirnaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo dabayaaqadii sanadkii tagay laga soo xiray Baydhabo isaga oo musharax ah. Bulshada reer Baydhabo ayaa intooda badan kuu sheegaya inay ka careysanyihiin joogitaanka Kheyre ee magaaladaas, iyagoo caradooda u sababaynaya dadkii gaarayay 12-ka ruux, oo ay Baydhabo ku dileen ciidamo ay xukuumaddu kasoo daabushay magaalada Muqdisho iyo xariga loo gaystay Sheikh Muqtaar Roobow. Caasimada Online Xaafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  4. The anti-Cushitic agenda of Amhara elites is doomed to failure Political changes in Ethiopia in 2018 created conditions to unseat, arrest and put on trial the former President of the Somali region of Ethiopia, Abdi Mohamud (Abdi Iley). Abdi’s political fortunes were tied to TPLF, the armed organisation that ended 17 years of Derg rule in 1991 but agreed to a peaceful transfer of power in 2018 following demonstrations against the EPRDF government. Amhara propagandists subtly compare Dr Abiy Ahmed to Lij Iyassu he closure of Jail Ogaden by Prime Minister Abiy Ahmed’s government paved the way for the opening of the ” infamous Maekalawi Police Station” to the public. Last year the Ethiopian government took a bold decision to unban groups that were once considered terrorist organisations — OLF, Ginbot 7 and ONLF. Those reforms were partly premised on an alliance that came to be known as Oromara — an alliance of Oromo and Amhara activists seeking to effect a political change in Ethiopia. The alliance has now disappeared from the current Ethiopian political discourse. Amhara opinion leaders, who welcomed the ascendancy of Prime Minister Abiy Ahmed, now sternly criticise him for not returning Ethiopia to pre-1991 centralisation era to undo decisions taken by triumphant TPLF. In a article published nearly six months ago, Dawit Wolde Giorgis, former Governor of Eritrea under the Derg, had painted a bleak picture of Ethiopia. Their criticism of the Ethiopian government comes in different forms: op-ed articles, interviews and reports. The split within the Oromara alliance has had another dimension. A group of Amhara political activists has failed to persuade Abiy Ahmed to demolish Annolee Monument built in memory of Menelik’s Neftagna campaigns against the Arsi tribe of Oromos. As Professor Asmerom Legesse, an expert on the Gaadaa system said, Menelik conquered Arsi territory after Europeans had given him modern weapons. One of the latest audio reports released by opposition journalists against Abiy Ahmed aims to describe changes in the Somali region of Ethiopia as one facilitated by Qatar to install extremist leaders. Presented a young Amhara journalist, Fanuwel Kiflu, the report, according to the political analyst, Faisal Roble, argues that changes in the Somali Region are a threat to the unity of Ethiopia. Aannolee Oromo Martyrs’ Memorial Monument Kiflu’s unsubstantiated allegations are aimed to subtly accuse Abiy Ahmed of authorising a take-over of the Somali region by extremists who want to rule the region by Sharia. This disinformation agenda has the sinister but unstated goal to liken Dr Abiy Ahmed to Lij Iyasu, the Ethiopian ruler of whom leaders of Tewahedo Church accused embracing Islam. The report by Kiflu jeopardises coexistence of Ethiopian communities while at the same time turns attention away from plight of Amhara people suffering at the hands of fractious groups dreaming of returning Ethiopia to unitary, centralised state conceived by Menelik II. Lij Iyassu was a progressive Ethiopian leader Within Amhara region two factions are contesting for the federal representation ticket. One faction places its cards on political violence that culminated in the assassination of an Ethiopian General a few months ago. The other faction realises the irreversibility of gains made by other Ethiopian nationalities since 1991. Political extremism in the Amhara region is the most potent threat to the Ethiopian unity. One way to lessen the impact of intra-Amhara political disorientation and discredit changes under Abiy Ahmed is to concoct religious hostilities in Ethiopia. Kiflu’s report shows the true character of extremist Amhara propagandists. By focusing on the Somali region they had chosen to make themselves known to millions of patriotic and peace-loving Ethiopians. By Tilahun Hassen Merkato , Addis Ababa The post Amhara Propaganda Targets Somali Region appeared first on Puntland Post.
  5. Kheyre, laftagareen iyo dhalinta ciyaaraha Baydhabo oo sawir wada galay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Abuub ee magaalada Baydhabo. Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol. Wasiirka ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Baydhabo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Baydhabo u ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed. PUNTLAND POST The post Kheyre oo $150,000 ugu deeeqay garoonka ciyaaraha Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulamo is daba joog ah ayaa magaalada Dhuusamareeb caawa ilaa galabta uga socda xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda federaalka ee ku sugan magaaladaas iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Maxamed Shaakir. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulamadaas looga arinsanayo sidii dowladda federaalka looga wareejin lahaa maamulidda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo ka socda xarunta loo asteeyay ee Shiirkole, oo haatan ay ku shirsanyihiin ergo mataleysa dhamaan beelaha Galmudug, Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa doonaya in arrimaha dib u heshiisiinta loo madax baneeyo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku mideysan maamulka Galmudug. Xildhibaanada la kulansan hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ayaa kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Senetor Abshir Bukhaari, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senetor Cabdi Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad, iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xog ay heshay Caasiamada Online ayaa sheegeysa in xildhibaanada mucaaradka ah ee ku sugan Dhuusamareeb ay qorsheynayaan hadii ay ku guul dareystaan in odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo shirka dib u heshiisiinta inay sameeyaan guddi iskugu jira xildhibaanada iyo ergada shirka, kuwaas oo ay doonayaan inay wadaan geedi socodka shirka. Waxaan la saadaali karin saameynta uu shirka ka socda Dhuusamareeb ku yeela karo go’aanka xildhibaanada mucaaradka ah iyo hoggaanka Ahlu-Sunna ee ah in Xukuumadda Federaalku ay arimaha shirkaas u madax baneyso odayaasha dhaqanka. Xukuumadda federaalka oo iyadu gacanta ku heysa shirka dib u heshiisiinta ayaa doonaysa in lagu soo gaba-gabeeyo muddo Shan maalmood ah, sida uu horay uga dhawaajiyay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, halka Ahlu-Sunna iyo xildhibaanaduna ay doonayaan in shirkaas la siiyo fursad ay isku saamixi karaan beelaha Galmudug, kuwooda wax kala tabanaya. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  7. Burco(SL-T)Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Oo Burco Ku Daah furtay Shirka Shaqo Abuurka. Source
  8. Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu ku tartarsiiyey ergada shirka dib u heshiisiinta Galmudug in ay ka miro dhaliyaan shirkaasi. Mr Sabriye oo hoosta ka xariiqay in ay dedaali doonan in xal waara laga gaaro tabashooyinka hoose oo ay beeluhu kala tirsanayaan ayaa dhankooda ku booriyey in ay kaalin ka qaatan fulinta qodobada lagu heshiiyo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in dowladda ay diyaar u tahay in ay fududeyso wax kasta oo la xiriira dhanka farsamada oo looga baahdo, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey in shirku guuleysto. Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa todobaadkii hore si rasmi ah u furay ra’iisul wasaaraha dalka, mudane Xasan Cali Khayre, kaasi oo kula dardaarmay dhinacyadda in ay ka miro dhaliyaan yoolka umadda Soomaaliyeed. View the full article
  9. Burco(SL-T)Masuuliyiinta Shirkada Asli Maydi Oo Dhaliilo U jeediyey Wasiirka Wasaarada Deegaanka. Source
  10. Burco:(SL-T)Wasiirka Hawlaa Guud Iyo Dhulka Oo Dib Ufaray Biriijka Deero Ee Magalada Oo Xukumadu Dayac Tirtay. Source
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-0892019.mp3 View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Muran U Dhexeeya Shirkadaha Telesom Iyo Somcable, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Dedaalo iyo Shirar lagu sii amba qaadayo dhex-dhexaadiintii hakadku ku yimid ee Xukuumadda iyo Col Caare, ayaa la wadaa. Masuuul ku dhowdhow hawshan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay socdaan dedaalo iyo shirar xal loogu raadinayo qaddiyadda Col. Caare, isagoo muujiyay inuu ku rajo weynayahay in is afgarad iyo heshiis rasmi ah lagu soo gunaanado arrinta u dhaxaysa xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo taliye Caare, “Waxa la wadaa dedaalo iyo shirar xal lagu raadinayo.” Ayuu yidhi masuulkani isagoo intaas raaciyay, “Waxaan ku rajo weynahay in is afgarad, wanaag iyo khayr inay hawshaasi inoogu dhammaato, mana aha weli hawl bislaatay oo saxaafadda loo soo bandhigi karo, laakiin meel wanaagsan inay wax marayaan ayaan kuu sheegayaa.” Madaxda dhaqanka ee Beelaha West Burco Clan oo hore ula soo kulmay Col. Caare, ayaa ka baxay dhexdhexaadintii ay wadeen ka dib shir saxaafadeed uu qabtay taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Col. Caare ku eedeeyay dambiyo iyo khiyaamo qaran, hadalkaas oo abuuray dareen xaasaasi ah. Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya, oo muuqda inay gadaal ka riixeyso shirkadda isgaarsiinta dalkaas ee Safaricom, ayaa kusoo biirtay dagaalkii ay horey ciidamada dalka Kenya ugu hayeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecon ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa maanta qoray warbixin la-yaab leh, oo aan sal iyo raad lahayn oo uu shirkadda Hormuud ku eedeynayo inay ka dambeysay weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lagu burburiyey anteenooyin iyo taawaro ay leedahay shirkadda Safaricom. Warbixinta Daily Nation ayaa u muuqata mid caksi ku ah dhibaatada ay horey ciidamada Kenya ugu gaysteen qalabka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanada ku dhow xuduudda Kenya, halkaasi oo shirkadda ay adeegyo taleefon ku siiso shacabka Soomaaliyeed. Qorshahan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dagaalka guud ee Kenya ay ku haysom dowladda, shacabka iyo hantida umadda Soomaaliyeed, si loogu qasbo dowladda inay ka laabato dacwada kiiska badda. Tallaabooyinka ay horey dowladda Kenya u qaaday waxaa ka mid ahaa: In ay iska hor keentay maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda dhexe Kenya waxa ay diiday in ay ilaaliso xasaanadda baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya. Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya oo dib loogu celiyo baarista garoonka Wajeer oo la mariyo rakaabka kusii jeeda Kenya. Kenya waxa ay ku hanjabtay in ay aqoonsaneyso gobollada woqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), iyadoo ay labada dhinac yeesheen wada hadallo aan mirohooda saxaafadda loosoo bandhigin. Dagaal dhanka dhaqaalaha oo ay ugu horreyso, burburinta 12 xarumood oo ay laheyd shirkadda Iisgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad qaran, si ay taas cadaadis ugu saarto dowladda Soomaaliya maadaama ay Hormuud tahay shirkad dalka saameyn ku leh. Dowladda Kenya ayaa u aragtay inay Hormuud tahay shirkadda heyso hantida ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna kusoo qaaday dagaal burburin ah iyo mid dhanka saxaafadda ah. Shirkadda Hormuud ayaa waxaa ku midoobay ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ka mid tahay shirkadaha ugu horreeyo ee Africa waxayna dhawr jeer dhibane u noqotay dowladda Kenya oo ay ka go’an tahay inay cuuryaamiso hantida shacabka Soomaaliyeed. Dagaalka Kenya ayaa waxaa sidoo kale muuqata inay qeyb ka tahay shirkadda Safaricom ee ugu weyn dalka Kenya, taasi oo weysay macaamiil badan oo ah Soomaalida ku nool mnagaalooyinka Soomaaliya ee u dhow xuduudda Kenya, kuwaas oo isticmaali jiray taleefonka Safaricom, balse markii ay halkaas gaartay Hormuud, usoo wareegay shirkaddooda Soomaaliyeed. Warbixinta Daily Nation ayaa lagu eedeeyey Hormuud inay dooneyso inay adeeg siiso shacabka ku nool deegaanada gudaha Kenya ku yaalla ee gaaraya illaa 50 km, sidaas darteedmna ay ugu lug leedahay burburinta qalabka Safaricom. Hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah in Daily Nation ay dib u wareejisay wixii ay sameynayeen ciidamada Kenya iyo Safaricom oo shirkadda Hormuud qalabkeeda u burburinayey si Safaricom u hesho suuqii uga lumay xuduudda Soomaaliya. Xaqiiqda ayaa ah in burburinta Kenyan-ka loo hayo caddeymo buuxa, balse eedeynta ka dhanka ah Hormuud aan xitaa hal caddeyn loo hayn. Shacabka Soomaaliyed waa inay difaacdaan hantidooda, dalkooda iyo dowladdooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta ay uga gaabiyeen Colaadda soo noqnoqotay Beelaha Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Telefiishanka SAHAN oo uu waraysi siiyey waydiiyey sababta Golaha Guurtidu uu ergooyin nabadeed ugu diri waayay Ceel Af-weyn oo dhibaatada amni-darro ee ka jirtaa muddo soo noqnoqotay, ayaa ku jawaabay in aanay Guurtida ku wanaagsanayn inay gasho Colaad markaa taagan, maaddaama buu yidhi ay joogaan Dawladdii iyo Ciidammadii amnigu. Guddoomiye Saleebaan-nuur oo ugu horrayn ka jawaabaya in sababta keentay inay ka gaabiyaan Xallinta Colaadda loo maaro la’yahay ee Ceel Af-weyn tahay dhaqaale xumo haysa Golaha Guurtida ayaa yidhi “Dhaqaale darro ta dalka haysa ka weyni nama hayso.” Mudane Saleebaan wuxuu ka jawaabay oo uu faahfaahiyey sababta Guurtidu aanay beryihii dambe ergooyin nabadeed ugu dirin Ceel Af-weyn “Markay tahay dagaal markaa taagan kuma wanaagsana Guurtida (Inaynu gasho), Dawladdii iyo Ciidammadeeda nabadgalyo ayaa hadda gacanta ku haya, waxayna na yidhaahdeen markaanu xasilino ayaad soo galaysaan, waxaanu ku diidno oo aanu nidhaahno hawsha kuma filidna namay tusin. Haddii Allaah yidhaahdo meel xun mari mayno, markay noqoto nabad dhalinta iyo wax waara waanu imanaynaa..” ayuu yidhi. Source
  16. (SLT-Hargeysa)0Cisbitaalka Gargaar oo Hargeysa ku yaalla ayaa sheegay in uu bilaabay beerista Ilmaha iyadoo Ugxanta Aabbaha laga soo qaadayo laguna beerayo hooyada. Dr Cabdiraxmaan Cali Aw-Koombe, ayaa sheegay in hadda ay ku guulaysteen in hooyadii ugu horraysay ay Ilmo ku beeraan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Riyadh)-Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi. Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga. Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan. Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta. Wargeysku wuxuu sheegayaa in haddii la beddelay Wasiirkii Macdanta ee Sucuudiga aan la beddelin Siyaasaddii lagu maamulayey Shidaalka Sucuudiga. Source
  18. Dagaal Wakiileed (Proxy War) Waa ay muuqdaan ifafaalayaashii iyo geddii lagu yiqiin oo idili. Urta dellegan ee silloon ee ina saaqaysaa waa tiisii. Maryo-dhagareed ayuu dahab dusha kaaga sibbaaqaa oo qurxiyaa, heddaadana waa uu jaraa. Dano dhaqaale ayaa had iyo jeeraale horseed ka noqda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo shirqoollo qorshaysan jiidanaya. Waa “dagaal wakiileed” (proxy war). Si looga dhex fushado dano dhaqaale iyo qorshayaal dahsoon oo siyaasadeed ayaa ummad negayd gorrodda la isugu geliyaa oo dirir aan cilinkeeda la furdaamin karin lagaga dhex oogaa. Jilayaasha dagaal wakiileedka urtiisu soo kakamayso waxa kala hoggaaminaya UAE iyo Qatar. Waa uu wejiyo badnaan doonaa. Labada dhinac qolo kastaa waxa u abuurmaya fursado u sahli kara fulinta qorsheyaashooda dhagaraysan. Waxa geeska Afrika yaalla, gaarna ugu xabaalan dhulka Soomaalidu weynaa. Dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka (USA iyo USSR) ayaa gobolka eelo badan ku sii aasay. Ayax teg eelna reeb. Waa ay xabaalnaayeen, waana kuwaas hadda la soo gufayo. Marka laga tago tartanka USA iyo China ee maanta ee Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ka sii aayo-daran dagaal wakiileedka ka soo gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee waddamada Khaliijka oo tartankaas ku xidhan. Abu Dhabi, Riyaad iyo Qaahiri si gaar ah ayay jaanta isu la haystaan. Afrikada Bari iyo ta Waqooyi ba waxa ay ka samaysteen saldhigyo milateri ama maalgashi dhaqaale ama labadaba. Somaliland, Eritrea ilaa Libya fadadku waa ay is haystaan. Qatar, Turkiga iyo Iiraan na waa dhinaca kale oo waa ka horjeedka qoladaas hore. Muqdisho ilaa Djibouti dabku waa isu baxayaa. Yemeni waxa ay noqotay cadaabtii dagaal wakiileedkaas. Dagaal wakiileedku waxa uu bulshooyinka u kala dhambalaa kooxo iska soo horjeeda oo labada xoog ee tartamaya ee hirdanka guud ka dhexeeyo la kala safan oo gacan-saar la kala yeesha. Iyaga (xoogagga shisheeye) oo adeegsanaya sandareerto dhaqaale ayay bulsho inteeda yar iskaga qanacsanaan jirtey “balag” uga lulaan meel fog. Kaas (dagaal wakiileedka) oo la soo waarido ama dhoofiyo ayaa la falgala is diiddooyinkii dabiiciga ahaa ee la yaalley bulshadaaasi, ayna ula noolaan jirtey qabatin ahaan sida “cudurka macaanka”, ee ay furdaamintooda u fara-dhuubnayd. Waxa soo gala oo bulshadaas la soo dersa ged cusub iyo wax aan cilinkiisa la saari karin oo meel kale iyo cid kale oo aan kuu muuqani ay maamulayso. Waa dagaal wakiileed (proxy war) waxaasi, waanay muuqdaan ifafaalayaashiisii. Hargeysa ayay iiga bidhaamayaan. Somaliland yaan loo soo rarin is diiddooyinka iyo dagaalka u dhexeeya UAE iyo Qatar. Uma hayno misko lagu qaado! Abba looma hayo. “Goldalooladaaduu nin ogi galagalaystaaye Aduun bayse kaa go’an yihiin maalmahays guraye Godan baa la yeeshaa xadhkaha haysku wada giijin”. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  19. Shir maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland ay ku yeesheen labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dhowaan la filaayo in ay ka dhacaan Soomaaliland. kulanka kadib, labada xisbi waxaa ay soo saareen warqad ay ku sheegeen in ay ku tixraacayaan warqad horay siwadajir ah u soo saareen madaxweyne Muusa Biixi oo hoggaamiya xisbiga talada haye ee Kulmiye iyo laba xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani. Warqadda sedexda xisbi ay horey u soo wada saareen ayaa lagu magacaabay labo xubnood oo xisbiyada mucaradka ah ku matalaya guddiga doorashooyinka Soomaaliland dhawaan ka qabsoomi doona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar, oo isna sidoo kale sheegtay madaxweynaha Jubaland. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ergo matalaysa Axmed Madoobe ay wada-hadalladan la leeyihiin Cabdinaasir oo laga doonayo inuu isaga baxo magaalada Kismaayo, islamarkaana aado meel kasta oo uu doonayo. “Axmed Madoobe ma doonayo mana ogolaanayo in qof madaxweyne la sheegtay uu dhinac kasii joogo magaalada Kismaayo” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Axmed Madoobe oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dalabka Axmed Madoobe uusan horseedi doonin wax dagaal ah oo ka dhaca Kismaayo, islamarkaana Axmed Madoobe uu rajeynayo in Seeraar dib ugu laabto magaalada Nairobi oo uu ka yimid ka hor doorashada. Si kastaba, Cabdinaasir Seeraar ayaa ah siyaasiga ciidan ahaan ugu awoodda badan siyaasiyiinta sheegtay xilka madaxweynaha Jubaland, waxaana laga cabsi qabaa in joogitaankiisa Kismaayo uu horseedi karo dagaal dhiig badan uu ku daato, haddii aan xal la gaarin. Wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beesha ay ka soo wada jeedaan labada siyaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baledweyne ayaa waxay si adag uga horyimaadeen amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kale dowladda ku eedeeyay fara-gelin inay ku hayso reer Hiiraan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay amartay in ciidan ku sugan magaalada Baledweyne loo kaxeeyo Gobolka Galgaduud, kuwaa oo ay sheegtay in wixii agab ah ay iyadu siin doonto. Ciidankan oo bilaa hub ah ayay dowladdu ka dalbatay inay taggaan Gobolka Galgaduud. Odayaasha Dhaqanka ee reer Baledweyne oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay ka horyimaadeen amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka. Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay kulanka ka dib sheegeen inaanay ciidamadu ka bixi doonin Magaalada Baledweyne, isla-markaana aanay tageynin Magaalada Dhuusamareeb. Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay fara-gelin ku hayso bulshada reer Hiiraan, taasoo ay sheegeen inaanay u dulqaadi doonin. Sidoo kale waxay dalbadeen in ay Magaalada Baledweyne isaga baxaan Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, C/casiis C/laahi Qooje , oo Sabtidii gaaray magaaladaasi. Saraakiishan oo iyagu Magaalada Baledweyne kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxay sheegeen inay halkaasi u yimaadeen, sidii ay uga qayb qaadan lahaayen gulufka Shabaab looga saarayo Deegaanada Hirshabelle. Saacado ka hor ayay ahayd markii Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka horyimid in ciidamada laga kaxeeyo Baledweyne, lana geeyo Gobolkaasi Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com