Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay dhismeyaal u iibiso safaaraddaha saddex dal, sida ay sheegeen illo aad loogu kalsoon yahay. Safaaraddaha dhulalka loo beecinayo ayaa waxay kala yihiin; Mareykanka, Koonfur Afrika iyo waddanka deriska ah ee Kenya. Xafiiska wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo xaqiijiyey jiritaanka xogtan ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah bixiyo. Waxyaabaha aan weli laga jawaabin ayaa waxaa ka mid ah: goorta la bilaabayo, qarashka loo qoon-deeyay mid walba iyo hadii ay yihiin dhismeyaal dhisan ama dhul kaliya. Qorshahan oo Khamiistii, 19-ka September 2019, ay ka doodeen Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu daray Miisaaniyada guud ee dalka sanadkan. Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh. Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh. Miisaaniyadda oo markii hore ahayd 344.2 Milyan ayaa waxaa ku korortay 45.9 Milyan oo doollar, taasi oo ka timid dakhliga gudaha. “Ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ayaa ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar,” ayuu yiri xubin ka tirsan Laanta Fulinta. Mashruuca dhismeyaasha loogu iibinayo safaaradahaas ayaa wuxuu qeyb ka yahay 8 milyan oo Doollar [4,640,000,000 Shilin Soomaali] oo loo jiheyn doono dayactir iyo dhisme iibinta safaaradaha dibadda qaar. Safaaradda Koonfur Afrika waa madax ka ah Jamal Maxamed Barow; halka tan Kenya uu hogaamiyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan; Cali Shariif Axmed uu yahay diblumaasiga ugu sareeya howlgalka Washington. Xigasho: Garowe Online
  2. Dowladda Mareykanka ayaa xoojinaysa ololeheeda ku aadan sidii ay u heli lahayd wadiiqo u sahlaysa duulaan lagu qaado dalkaasi Iiraan,iyadoo Washington ay raadinayso dowlado ay la kaashato weerarkaasi. Madaxweynaha Mareykanka Donalda Jey Trump ayaa wada dadaalo uu wadamada Khaliijka uu kaga dhaadhicinayo in ay qeyb ka noqdaan isxulufeysiga ka dhanka ah dalka Iiraan,oo ah wadan dagaal siyaasadeed oo soo jireen ah kala dhexeeyo Mareykanka. Mr Trump wuxuu amray xoojinta cunnaqabateynta dhaqaale ee Tehran saaran, iyo sii adkeynta “cadaadiska xoogga leh” ee ka dhanka ah Iiraan taas oo Mareykanka uu ku adkeysanayo in saameyn weyn ay ku yeelatay dalkaas. Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyey in ay ka dambeyso weerarada dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo ceelasha shidaalka ee dalkaasi,taasi oo madaxweyne Trumo uu doonayo in uu mar marsiyo uga dhigto weerar lagu qaado Iiraan iyo in ay khatar ku tahay isticmaalka marin Biyoodka Hormuz oo ah marin Biyood dhaca mandiqadda Khaliijka,ahna meel istratiijiyada u ah maraakiibta ganacsi ee Shidaalka isaga kala goosha Caalamka. Dowladda Iiraan oo ka kajawaabaysa dhaq dhaqaaqa Washington ayaa iska fogaysay eedeymaha loo soo jeediyay,waxaana ay sheegtay in ay iska difaacayso gar daro kasta oo kaga timaado Mareykanka iyo xulufadiisa. Xiisadaha Mareykanak iyo Iiraan oo salka ku haya barnaamijkeeda Nuclearka ah ayaa muddo soo jiitamayay,waxaana Iiraan ay xulufo la leedahay wadamo ka soo horjeeda siyaasadda Mareykanka,sida Turkiga iyo Dalka Ruushka. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo dalalka Khaliijka Carbeed oo isbahaysi u samaysanaya dagaalka Iiraan appeared first on Puntland Post.
  3. Xudur (SMN) – Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo waxay ka wadaa degaano iyo degmooyin dhaca gobolka Bakool. Saraakiil ka tirsan xoogaga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadaas ay yihiin amni xaqiijin. Howlgaladda ayaa ka dambeeyay markii shalay ay aagaas ku dagaalameen dad shacab, oo markii dambe garab ka helay ciidanka, iyo AlShabaab. Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xariiqay in howlgaladda ay sii socon doonan, qeybna ka yihiin kuwa ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda. AlShabaab ayaa maamusha qaybo kamid ah gobolada hoostaga Koonfur Galbeed, halkaasi oo qorsheyaasha looga xorreynayo ay socdaan. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shaaca ka qaadey in ay ka go’an tahay in adeegyadda dowladda la gaarsiiyo degaanada fogfog. Si gaar ah, Ibraahim Aadan Najax, ayaa waxa uu farta ku fiiqay tuulooyinka gobolka hoos-yimaada oo ay haatan kawadaa ciidamadda howlgalo balaaran. Mr Najax oo sii hadlaya ayaa ka codsaday shacabka in ay qayb ka noqdaan dedaalada dowladdu wado ee AlShabaab looga saarayo meelaha ay ku sugan tahay. Hadalkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo ciidanka ay mar sii horeysay qabsadeen Awdheegle, Bariire, Sabiid, Caanoole iyo degaano kale. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Shabellaha-Hoose.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ku sugan Muqdisho ayaa tababar siiyey xubno ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab. Askarta tababarta la siiyey ayaa ah qeybtii afaraad, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kaasoo baxay EU-da oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey idaacadda Shabelle. “Waxaan barnay sidda meelaha fog-fog wax looga liisho iyo farsamooyin kale oo looga baahan yaahy ciidamadda,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ciidamada dowlada federaalka oo tababaro ka hela reer Galbeedka ayaa haatan howlgalo kawada gobolada qaar ee waddanka. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa goor-dhow lagu dilay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu ku dhaawacmay. Dilka askarigaan ayaa waxaa uu ka dhacay bar-koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Cali Kamiin, waxana ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan askarta dowladda. Qof goobjooge ahaa xilliga dilka uu dhacayay ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga la dilay uu isku dayay in bajaaj uu marsiiyo waddada oo ciidamada u xirneyd, hase yeeshee taasi ay muran ka dhalatay. “Waxaa xirneed waddada, wiilka bajaajta watay ayaa arkay askari uu yaqaan kadibna waxaa uu ka codsaday in uu ka gudbiyo askarta, waxayna isku raaceen oo ay isku afgarteen in askariga bajaajta uu wado, wiilka bajaajta lahaana gadaal ayuu raacay, waxaa uuna iska dhigay qof bajaajta saaran, kadibna waxaa ay gaareen askartii, kuwaasi oo diiday in ay bajaajtu gudubto, muran dheer kadib askartii bajaajta ayay rasaas u fureen.” Ayuu yiri goobjoogaha. Goobjoogaha waxaa uu sheegay in rasaastii bajaajta lagu furay uu ku dhintay askarigii mootada waday ee doonayay in uu gudbiyo, iyada oo sidoo kale-na ninkii mootada horay u watay uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Askarta joogta agagaarka isgoyska Cali Kamiin ayaa inta badan waddada iska xirta, ayaga oo bajaale-yaasha ku qasba inay bixiyaan lacag baad ah, ama dib u noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay waydiisatay Beesha Calaamka in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga. Xasan Cali Maxamed, wasiirka gaashaandhiga, ayaa tibaaxay in saaxiibadda caalamka ay bogaadiyeen guulihii ugu dambeeyay ee xoogaga difaaca. Mr Amar Dambe oo warbaahinta la hadlay ayaa dhanka kale shaaciyey in la xoojinayo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab. Qaar kamid ah goboladda dalka ayaa waxaa ka socda howlgalo balaaran oo ay ciidamadda ku qabsadeen degaano horleh oo wali baaqi ku ah gacantooda. Tuullooyinka ay xorreeyeen ayaa waxaa kamid ah; Awdheegle, Sabiid, Caanoole, Bariire iyo degaano kale oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya(First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga. Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga,lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga. Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska,sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada,Ceymiska baabuurta,Guryaha IWL. Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur,ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga. Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid,mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga. View the full article
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-20092019-sax.mp3 View the full article
  10. Ankara (Caasimadda Online) – Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya (First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga. Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga, lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga. Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska, sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada, Ceymiska baabuurta, Guryaha IWL. Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur, ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga. Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid, mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.
  11. Ninkaas boorsada wataa waa Xildhibaan Dawlada Federalka Somaaliyeed Cabdishakuur Cali Mire oo ah Madaxweyne Farmaajo Ina adeerkiis. Waa ninka Musharax Madaxweyne ee Maamulka Galmudug Mudane [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Sidda ay sheegeen dadka degaanka, weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degaanka Bariire. AlShabaab oo mas’uuliyadda sheegatay ayaa tilmaamtay in ay ku khaarijisay todoba kamid ah xoogaga difaaca dowladda. Balse, saraakiisha ciidamadda oo ay idaacadda Shabelle la xiriirtay waxay xaqiijiyeen geerida laba askari oo milatariga ka tirsan. Dhinaca kale, ciidanka ayaa kadib falkaas waxay howlgalo ka sameeyeen degaanada ku teedsan Bariire sidda tuuladda Awdheegle. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay dib u dayactir ku sameyneyso qaar kamid ah safaaradaha dibadda. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda dalka, ayaa shaaca ka qaadey in safaaradaha qaarkood uu haatan ka muuqdo burbur xoogan. Mr Bayle ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in ay jirto miisaaniyad gaar u ah dib u dayactir oo uu xusay inay gaari doonto safaaradahaasi. Khamiistii ayey ahayd markii Golaha Wasiiradda ay meel-mariyeen ku noqoshadda Miisaaniyadda 2019-ka iyo xisaab xirkii 2018-kii. View the full article
  14. Baardheere (SMN) – Gudoomiyaha magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo, Cabdullaahi Xasan Nuur [Cadow] ayaa waxa uu dib ugu laabtey degmadaasi. Mr Cadow oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta diiraan oo ay u sameeyeen mas’uuliyiinta iyo shacabka. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shacabka ka codsadey in ay kala shaqeeyaan sidii amniga sarre loogu qaadi lahaa. Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadda oo ciidanka xooga ay degaano dhaca Gedo ka wadaa howlgalo ka dhan ah AlShabaab. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Gedo.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa shaaciyey in isbedel weyn lagu sameeyay howlihii maalinlaha ee hay’adda CID-da. Sidda laga soo xigtay Mr Xijaar, xarunta hay’adda ayaa waxaa kaliya loo tegi doonaa wixi hadda ka dambeeyay baaritaanka muwaadinka. Warqaaha Sugnaanta iyo Dhalashadda ayuu carabka ku adkeeyay in laga qaadan doono xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir. Tani ayuu hoosta ka xariiqay in ay sahleyso in la ogaado goobta uu degan yahay muwaadinka, qeybna ka qaadaneyso xaqiijinta amniga caasimadda. Hadalkan ayuu ka jeediyay taliyaha munaasabad shalay ka dhacdey Muqdisho oo dib loogu howlgelinayey hay’adda dambi baarista oo dib u habeyn lagu sameeyay. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/CID.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Warbixin ay hay’adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta (SMP4). “Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta” ayaa lagu yiri Warbixinta IMF. Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri “Dooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas’uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay’adda Lacaga Adduunka “ “Kobaca dhaqaalaha waa mid deggen 2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada” ayay tiri IMF. “Hay’adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad” “Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha “ “waxaan ku faraxsannahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka deyn dhaafka iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda. Hay’adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan” “Mas’uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro shirweynaha go’aan gaarista deyn cafinta, mas’uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray” “Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay’adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka” “Inta lagu jiray booqashada wafdiga hay’adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen. Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta” “Kooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-20092019.mp3 View the full article
  18. On the southern coast of the Gulf of Aden, sits Somaliland’s Berbera port. It occupies a strategic position in the Horn of Africa and lies on a busy shipping route for traffic to and from the Middle East and eastern Africa. Muse Bihi Abdi, President of Somaliland states that “Berbera is important to Somaliland, to the Horn of Africa and to most of the Central African countries. It is a gateway that connects many African countries to the world. To the east, all the way to Asia, the sub-continent of India all the way to China. On the other side through the Suez canal, it connects many African countries to the Middle East, to Europe and all the way to North America. “ DP World is working to expand and modernize the port of Berbera, to transform it into a major shipping hub. Over the last wo years, Berbera’s capacity has grown by 50%.These Mobile harbour cranes are the latest addition to the port. “Our vision is to make Berbera a regional marine hub, a gateway for Ethiopia and to open new markets for the Somaliland people” said Supachai Wattanaveerachai who is Chief Executive Officer, with DP World Berbera. DP World has also invested in personnel training and safety to improve productivity. The first phase of the $400 expansion project aims to create a berth for bigger vessels and a vast container terminal. The second phase will move the port’s container capacity to one million TEU. “In terms of the value, before DP World came, we were handling something like 4,000 to 5,000 TEU (containers) a month. But now during this period, the bill goes as high as possible, we have increased more than 50% or even 60%. Now, each month we handle something like 12,000 to 15,000. Last month we hit a new record, over 13,000 TEU, said Said Hassan Abdullahi , the director-general of the Somaliland Ports Authority. The Berbera port project adds the much-needed impetus not just to Somaliland’s economy but also its politics as it continues to press for international recognition. A network of roads is set to be built to connect the port with its hinterland which also includes Ethiopia, a land-locked country of over 100m people that is fast industrializing. Africanews Qaran News
  19. Maalin hore waxaan kulannay nin aan muddo kor iska naqaannay oo madaxa Xiriirka Bulshada(PR) ka ah jaamacad Muqdisho ku taalla, oo ku dhowaad 10 sano shaqeyneysa. Shaqada iyo waxbarashada ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aan isbarashada ku wadaagnay, waxaana u sheegay in aan shahaadada koobaad ee jaamacadda ka qaatay cilmiga Kumbiyuutarka, darajada labaadna aan ka qaatay maamulka ganacsiga oo ah takhasus guud oo u furan qof kaste oo Bachelor heysta, maadaama ay dadka takhasusyada kale bartay ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfad maamul. Ninkii wuxuu igula taliyay in maadaama aan maamulka ka heysto shahaadada labaad, aan sidoo kalena ka qaato shahaadada koobaad, wuxuuna intaas ii raaciyay in uu arinkaas ii fududeyn karo oo uu shahaado iiga heli karo jaamacadda uu masuulka ka yahay, aniga oo aan jaamacadda tegin oo aan hal xiso xaadirin, shardiga kaliya ee iiga xiranna uu yahay in aan bixiyo $465 oo ah qarashka xafladda qalinjebinta, la iguna darayo ardayda sanadkaan ka qalin-jebineysa jaamacaddooda. Wuxuu intaas iigu daray in uu isaguba shahaadada koobaad ka qaatay cilmiga Sheybaarka, balse uu jaamacadda ka qaatay shahaado kale oo Maamulka Dadweynaha(PA) ah oo uusan xiso u xaadirin. Ninkii waxaan u sheegay in aan shahaadadaas ka qaadanayo, lacagtana bixinayo, haddii ay keenaan hab ay aqoontaas iigu shubi karaan, maadaama aan lacag bixinayo, ayna i siinayaan shahaado ka marqaati kaceysa in aan aqoontaas leeyahay. Nin weyn oo wax aqrisan kara, waxna isbari kara ayaad tahay ayuuna jawaab iiga dhigay. Jaamacado badan oo caalamka ku kala yaalla way ka dhacdaa in aan qofka si wanaagsan wax loo barin, oo aysan tabartooda iyo tayadoodu gaarin heerkii loo baahnaa, waxaana sidoo kale dhici karta in uu qofku suuqa ka sameysto shahaado been-abuur ah, isaga oo aan jaamacad ka qaadan! Waxaanse in muddo ah maqli jiray, caqligeyguna diidi jiray in ay dalka ka jiraan jaamacado ku shaqeeya sharci iyo fasax dowladeed oo qofkii raba inta tago oo lacag bixiyo uu ka dalbanayo shahaadada, takhasuska iyo dhibcaha uu rabo!! Ka dibna uu ka qalinjebiyo jaamacad uusan weligiis dhigan. Aniga oo jecel in ay xantaasi been noqoto, ayaa dareenkii uu i geliyay ninkii igula taliyay in aan shahaado been-abuur ah ka iibsado wuxuu igu dhaliyay in aan baaritaan sameeyo, waxaana la kulmay qof shahaado shaqo looga xiray, ee shahaado ka qaatay jaamacad uusan aqoonin meesha ay ku taallo!! Ustaad Prof. Maxamuud Axmed Jimcaale oo aan jaamacaddaan uga sheekeeyay wuxuu u bixiyay Xabaal University(XU). Waa run, oo waa qabri dadka oo nool-nool lagu duugayo, weliba waa xabaal-wadareed ummad dhan lagu aasayo, waayo dadka shahaadooyinkaas wata waxay gelayaan suuqa, waxayna umadda ugu shaqeynayaan aqoon aysan laheyn, balse ay u heestaan shahaado sax ah, oo been-abuur ah!! Sidaas ayuuna bukaanku ugu dhimanayaa gacanta Dhaqtar wata shahaado been-abuur ah, guryuha iyo waddooyinku ku burburayaan gacanta Injineer heysta shahaado bug ah, hantida umadddu ku lumeysaa gacanta Xisaabiye qaatay shahaado been-abuur ah, caddaaladdu ku lumeysaa gacanta Garsoore heesta shahaado bug ah, jahliguna ku faafayaa sababka Macallin wata shahaado been-abuur ah. Todobaadkii hore, wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu magacaabay guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare, oo sida la sheegay ka shaqeyn doona tayeynta Tacliinta Sare ee dalka. Waxaan guddigaas ka rejeynaynaa in uusan maqaar-saar noqan ee uu si dhab ah u guto masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray, ayna la yimaadaan hannaan hufan oo lagu tayeynayo laguna kala saarayo boqolaalka jaamacadood ee dalka ku yaalla, ayna meesha ka saaraan jaamacadaha aan u qalmin in ay waxbarasho ka shaqeeyaan ee ka ganacsanaya masiirka ardaydeenna, waxaana,rejeynayaa in la gaaro maalin maamulka jaamacaddaas iyo kuwa la midka ah ay dacwo ku soo oogaan dadkii ay nolosha ku aaseen oo gacmaha ku wada sita shahaadooyinkii been-abuurka ahaa ee ay siiyeen, iyagana lugu duugo xabaashii ay ummadda u qodeen Alle idankii!! Waxaa qoray: Hussein Sabrie Email: Husseinsabrie@gmail.com
  20. DUBAI: The US wants a peaceful solution to the crisis sparked by attacks on Saudi oil facilities, Secretary of State Mike Pompeo said on Thursday (Sep 19), after Iran raised the prospect of "all-out war". Source: Hiiraan Online
  21. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaa dalka Mareykanka uu kusoo bandhigyo Buug uu qoray,kaasi oo lagu magacaabo “Caqabadihii kalaguurka Soomaaliya” (A Challenging Transition in Somalia). Buuga uu qoray Cabdiweli gaas ayaa waxaa uu uga sheekeynayan xili uu doonayay inuu socdaal ku tego Magaalada Boosaaso ay ishor istaag ku sameeyeen Xukuumaddii Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole,waxaana xiligaas uu wareejiyay xilka Ra’isal Wasaarenimo ee Soomaaliya. Nuqul kamid ah buuga uu qoray Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa u qoran sidan. “Waxaan wacay Faroole, kama uusan jawaabin Telephonekayga, dabcan wuu yaqaaney lambarkayga laakiin sida muuqata markan wuu naqdiyey wicistayda, deedna waxaan go’aansaday in aan waco mi kamid ah dadka ugu dhow kooxdiisa oo ah Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) wasiir kuxigeenkii arrimaha gudaha. waa mid kamid ah koox ka kooban ilaa 12 qof oo loo yaqaano Aaran Jaan ama “Iskaashatada Shaydaanka” caadi ahaanna waa kooxda hoggaanka Faroole ku xeeran oo aad saamayn ugu leh xukunka jira iyo go’aamada, xataa waxay aad uga awood badan yihiin Wasiirradda Faroole. Waxay ahaayeen wasiiradiisa daaha gadaashiisa istaagan. Cali si deg deg ah ayuu Telefoonka iiga qabtay waxaana ku iri, “Cali waan filayaa inaad ogtahay waxa ka socda Boosaaso. ii sheeg sababta aad xoogga ugu faanayso iyo sababta ciidamadu guriga ugu hareeraysan yihiin.” Sidoo kale waxaan u sheegay inuu wacay Madaxweynaha balse uu iga qaban waayey telefoonka.Wuxuu ii sheegay in badanaa ”Madaxweynuhu mashquul yahay” ama hadii kale uu qayb ka yahay arinka ee i sug aan hubiyee. Daqiiqado kaddib wuu isoo wacay, wuxuu san se ii sheegin ayaa ahayd in wiilka Faroole ee Maxamed uu dhegaysanayey wada hadalkeenna. Xigasho: Radio Daljir
  22. Muqdisho (SMN) – Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo howla shaqo u joogo Magaaladda Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/Xakiim Moxamed Axmed {Dhoobo} iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda. Guddiga ayaa ayaa u sharaxay gudoomiyaha golaha wakiiladda puntland iyo guddiga joogtada cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab ) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah sida wanaagsan oo ay soodhaweyn Guddiga iyo sida ay u dhageysteen sharaxaadii ay guddiga ay ka bixiyeen Cutubyada uu ka kooban-yahay Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland C/xakiim Maxamed Axmed {dhoobo} ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka kaga mahadceliyay sharaxaada ay ka siiyeen cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddiga iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa ku balamay in ay mar kale ay dib u kulmaan si ay guddiga ugu soo bandhigaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka. View the full article
  23. With a parliamentary election producing a deadlock, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu is facing the prospect of an electoral defeat for the first time in more than a decade. Source: Hiiraan Online
  24. Civil Aviation Safety Authority says it will make its own call on the 737 Max, which was grounded after two crashes left 346 dead Source: Hiiraan Online
  25. At just 23, Hawa Adan Hassan, a university student in Somalia, is fast realizing her dream of becoming the best fashion designer in Africa. Source: Hiiraan Online