Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)- Sida ay ogaatay Caasimadda Online, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu ka taqaluso xildhibaanka jufadiisa ku matala Golaha Shacabka Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, kaas oo waqti dheer ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Labada nin ayaa la sheegaya in aaney mudooyinkii lasoo dhaafay isku fiicaneyn. Xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii Xasan Cali Kheyre uu kala hadlay qaar ka mid ah odayaasha Habar Ceyno sidii Mustaf looga qaadi laha xildhibaanimada 2021. Wuxuu Ra’iisul wasaare Kheyre doonaya in kursiga la siiyo Cabdikariin Gaambe oo ah maamulaha Hotelka Jaziira ee ku yaala Muqdisho. Gaambe oo ka mid ah dalaaliinta waaweyn ee Villa Soomaaliya la shaqeysta xiligaan, waxey ilmo adeero dhow yihiin Ra’iisul wasaare Kheyre. Gaambe ayaa siyaasadda ku milmay tan iyo markii uu Dalka Ra’isul wasaare ka noqday Xasan Cali Khyere ,waxayna taas u suurta gelisay inuu helo fursado badan oo uu ku qaato Mashaariic, waxaana sidoo kale si weyn usii saaciday xaaska Madaxweyne Farmaajo. Loollan addag ayaa durba soo baxaya oo la xiriira kursiga xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow. Beesha Habar Ceyno waxey Golaha Shacabka ku leedahay labo kursi. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa ku fadhiya Cabdulaahi Gaafoow, oo muxaafid weyn u ah Kheyre. Sababta Gaambe u raadinaayo kursiga Dhuxuloow waxaa lagu sheegay inuu doonaayo inuu qeyb ka noqdo ololaha Xasan Cali Kheyre uu ku doonaayo inuu madaxweyne kaga noqdo Soomaaliya 2021. Sida ay dad xogogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, waxaa arrintaan ku kala jabay odayaasha beesha Habar Ceyno, oo qaar badan ay soo jeediyeen inuuu Mustaf Dhuxuloow wax badan qabtay intii uu xilkaas hayay uuna mudanyahay inuu sii joogo, halka qaar kale oo Ra’iisul wasaaraha iyo Gaambe la kulmay ay ku doodayaan in la gaaray xiligii uu bixi lahaa. Wixii kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Ammaanka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa siweyn loo adkeeyey xilli uu halkaasi ku wajahan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Cutubyo katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa inta badan waddooyinka magaalada iyadoona laga taagey tabeelayaal la suray sawirrada Ra’iisul wasaare Khayre. Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ka helayso Xudur waxa ay sheegayaan inay saacadaha soo socda ku wahan yihiin wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lafilayaa in ra’iisul wasaaruhu uu booqdo xeryaha ciidanka dowladda ee duleedka Xudur isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed sida ay sheegeen maamulka deegaamadaasi. PUNTLANDPOST The post Ammaanka Xudur oo siweyn loo adkeeyey iyo ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan. appeared first on Puntland Post.
  3. Sida se Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog rasmi ah ku hayaan waxaa hor istaagay Madaxweyne Farmaajo in lasii Daayo wasiir Cabdirasgiid Janan. Jamcadii ayaa ladiidaynlahaabwasiirka laakiin [...] Source
  4. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka Baydhabo kula kulmay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Ugu horreyn dhalinyarada ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey baahyahooda dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto. Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay is abaabulaan, islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale wuxuu u ballan qaaday in xukuumaddiisa ay siin doonto fursad, islamarkaana ay garab taagnaan doonto mar weliba. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-09092019.mp3 View the full article
  6. Five hundred families fleeing severe drought in central Somalia’s northern Galgadud region have arrived in Dabad town, 40 km from Abudwaq, over the past month. Source: Hiiraan Online
  7. At least 5 people including African Union peacekeeping mission forces in Somalia (AMISOM) were killed and several others wounded when a double roadside blasts targeted Amisom convoy in Somalia’s Middle Shabelle region on Sunday, local media reported. Source: Hiiraan Online
  8. Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland. “Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin. Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qirtay in ay is-bahaysi la yihiin Somaliland appeared first on Puntland Post.
  9. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay fashiliyey qaraxyo lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Qaraxyada oo ahaa Miino ah ayaa waxa ay saraakiishu u soo bandhigeen warbaahinta, kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in qaraxyadaasi lagu aasay suuq lagu iibiyo qaadka, kuna guuleysteen in ay soo saaraan miinooyinkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in shacabku ay la soo wadaageen xogta qaraxyadaasi, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen degmada Buulo-Burte oo inta badan weeraro culus ay ku qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  10. Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay shuruudo siyaasadeed oo adag ku xirtay siidaynta wasiirka amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Gudoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inay la kulmeen saraakiil iyo wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya haseyeeshee ay siidaynta wasiir Janan ku xireen shuruudo siyaasadeed oo qalafsan. “Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Guddoomiye Axmed Maxamuud Cumar, ayaa intaasi ku sii daray in dhammaan shuruudaha la hordhigay ay yihiin kuwa lagu kala qaybinayo bulshada kunool deegaamada Jubbaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Farmaajo oo shuruudo adag hordhigay siidaynta wasiir Janan. appeared first on Puntland Post.
  11. While a lot of contemporary menswear is about revisiting and adapting essential codes for the new markets, it is also of great importance that there are developed brands that are most certainly iconoclastic in their business approach and conceptual in their creative output. Source: Hiiraan Online
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan. Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan. “Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland. Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Alibaba Group has extended its partnership with Rwanda and pledged to increase imports from the East African nation. Source: Hiiraan Online
  14. ABOARD THE OCEAN VIKING - A charity ship run by humanitarian groups in the Mediterranean spent a rainy Sunday searching open waters for a fragile rubber boat overloaded with migrants before finally plucking 50 people to safety not far off Libya’s coast. Source: Hiiraan Online
  15. Not every driving instructor can claim to have been part of one of the biggest upsets in the history of international football. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho-(Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay guud ahaan dhismihii Garoonka. Al-Shabaab ayaa ku amray shirkadda ay dowladda federaalku siisay qandaraaska lagu dayactirayo garoonka in ay joojiso dhismaha ay ka wado halkaasi. Shaqaalaha ayaa sheegay in mid-mid loola soo xariiray iyadoo loogu goodiyay in la dilayo haddii ay soo xaadiraan shaqada dhismaha garoonka. Waxaa sidoo kale amar la siiyey madaxda shirkadda. Talaabadaan ayaa sababtay in gabi ahaanba uu joogsado dhismihii dib u dayactirka ee ka socday garoonka Stadium Muqdisho. Sidoo kale xubnaha ka tirsan shaqaalaha shirkadda ayaa xiqiijiyay inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo mas’uuliyiinta shirkadda oo doonaya in ay wada xaajood la galaan Al-Shabaab, si loogu fasaxo dhismaha ay qandaraaska ku qaateen ee ka socday garoonka cayaaraha. Garoonka ayaa waxaa hadda dagan ciidamo Boolis ah, kuwaas oo u babac dhigi waayay hanjabaada Al-Shabaab kaga imaaneysa shirkadda iyo shaqaaleheeda ku howlanaa dhisnmaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqduisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada AMISOM sanadkii hore kala wareegtay garoonka, kuwaas oo daganaa in ka badan Todoba sano, waxeyna dajisay ciidamo boolis ah, iyadoo balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dayactir loogu sameyn doono. Al-Shabaab ayaa ku dhiirada in ay hakiyaan dhismayaasha ay gacanta ku hayaan dowladda iyo shirkadaha xariirka la-leh, waxeyna ku xujeeyaan in ay bixiyaan lacag si loogu fasaxo dhismahooda. Shaqaalaha iyo shirkadaha dhismooyinka oo naftooda u baqaya iyo ayaga oo og in dowladda aysan ka bad-baadin karin Al-Shabaab, ayaa inta badan qaata amarka Shabaab. Xigasho: Universal TV Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Saldhiga Degmadaasi uu ka baxsaday nin ka mid ahaa maxaabiista ku xirnaa. Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen irida hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa eryaday mid ka mid ah askartii banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qaban waayay. Askari kale oo aan aheyn kii xabada dusha sare u riday ayaa la sheegay inuu qabtay ninka maxbuuska ah, balse muddo Shan daqiiqo ah oo ay dagaalamayeen askariga iyo m axbuuska, islamarkaana shaqsiga maxbuuska uu la qabsaday qoriga ugu dambeen uu mar kale baxsaday maxbuuskii. Maxbuuska ah ayaa la sheegay inuuka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay u suuragashay gabi ahaanba gacanta Ciidanka & Saldhiga inuu ka baxsado. Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi oo lagu magacaabo Maxamed Mooshin, ayaa la sheegay inuu 20 daqiiqo kadib yimid, isla-markaana uu canaan ku bilaabay askartii shaqada ku qornayd iyo askarigii haayay furaha qolka maxbuuska ku xirnaa. Saldhiga Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa aad u habacsan, waxaana askarta ku sugan lagu eedeeya kuwa aanay feejignaan ka muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Booliska magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xadhig u dhaxeeya 14 ilaa 18 sano ku xukumay saddex walaalo-mataano ah kuwaas oo ay boolisku ku wareereen kadib markii uu mid ka mid ah faldambiyeed geystay. Mataanahan oo da`da 28 jira ayaa lagu eedeynayaa in ay ku heshiiyeen in ay faldambyeedyo geystaan iyagoo ka faa`iideysanaya isku-ekaanshaha dheecaankooda DNA-ga ee dadka lagu kala garto, waxaana ay sidoo kale isaga egyihiin muuqaalka. Faldambiyeedyada lagu haysto ayaa waxaa ka mid ah dhac, hub haysasho iyo faldambiyeedyo yar-yar oo kale kuwaas oo uu geystay mid iyaga ka mid ah islamarkaana uusan boolisku sheegi karin kan uu yahay. Booliska ayaa markii ay ku wareereen islamarkaana ay caddeyn waayeen ninka dambiga leh ayay dhammaantood xabsi ku wada xukumeen. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usii adkaanaya nolasha shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo aan wax lacag ah qaadan muddo dhan saddex bil, iyadoo ay wajahayaan daruufo aad u adag. Shaqaalahaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in ay wajahayaan nolal aad u adag ayna u baahanyihiin in cabashadooda la gudbiyo. Dhibaatada kale ee heysata shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa kalaba, waxaa waaye in aysan si shaacsan warbaahinta uga hadli karin oo aysan gudbin karin tabashadooda, waxayna ku waynayaan shaqada ay hayaan (ruqseyn). Dhowr qof oo kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa waxay ka siman yihiin mushaar la’aan iyo in aysan ka hadli karin dhibkooda oo loogu hanjabay in shaqada laga ruqseyn doono hadii ay hadlaan oo ay soo bandhigaan dhibaatada ay qabaan. Mushaar laga qaato gobalka Banaadir waxaa ugu dambeysay 20-kii bishii Juun ee sanadkaan, waxaana tan iyo markaas aysan helin xuquuqda iyo mushaarka ay leeyihiin. Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ayaa laga saaray guryihii ay daganaayeen halka qaar kalane ay qarka u saaran yihiin sidaas oo kale. Isbadal maamul oo gobalka ka dhacay iyo musiibadii ka horreysay ayaa la’aaminsan yahay in ay sabab u tahay dib u dhaca mushaarka oo markii horaba 50-kii maalmoodba mar la bixin jiray. Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qasnadda dowladda hoose aysan hadda lacag ku filan shaqaalaha ku jirin, balse ay ku jirto lacag kooban oo loogu sii wadi doono shaqada gobalka Banaadir. Lama oga sida ay uga soo kaban doonaan dhibaatooyinka heesta shaqaalahada dowladda hoose oo maamulkii cusub-ba qaab gaar ah ula dhaqmo, maadaama aysan meesho laheyn nidaam saxan oo lagu maamulo shaqada gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si adag uga hadashay eedihii ay maamulka Puntland ula xiriiriyen kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab. Cabdirisaaq Siciid Bullaale, Abbaanduulaha koowaad ee ciidammada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba xiriir la laheyn kooxda Al-shabaab, isagoona xusay in kooxdaasi aysan saldhig ku laheyn deegaanadooda. Abbaanduulaha koowaad ee ciidammada Somaliland oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Badhan ayaa waxa uu yiri “Waxaanu ka jawaabaynaa hadalladii deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan” “Midaa haddii aan ka jawaabo runtii Caalamku wuu ogyahay in Dawladda Somaliland aanay Al-shabaab iyo Budhcad-badeed midna Saldhig ku lahayn, deegaanna ku lahayn, Xidhiidhna la lahayn, kana Caagan yihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Taliyaha Ciidammada Puntland waxaan leeyahay hoos u eeg degaankaaga, halkay deggan yihiin, intay kuu jiraan iyo inta goobood ee ay ku leeyihiin halka aad sheeganayso iyo Ciidanka aad xukunto intay u jiraan”. “Waxaan ka hadlayaa inuu Badhan ku sheegay Caasimadda labaad ee Puntland, maanta ka hadli mayno in Badhan ay Somaliland tahay, laakiin waxaan u sheegaynaa Taliyahaa in Xadka Somaliland uu Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM, Garoowe-na uu u jiro 5KM”. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) ayaa dhawaan waxa uu Somaliland ku eedeyay inay kaashaneyso kooxda Al-shabaab, isla markaana ay duulaan ku yihiin degmada Badhan, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan marnaba Puntland weerar aheyn oo ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada. Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaasi oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobolada Sool iyo Sanaag, oo ay ka taagantahay xiisada labada maamul. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Bishii labo iyo tobaandaad 2018 waxaa magaalada baydhabo oo ah xaruunta ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koofur galbeed Soomaaliya ka dhacaday doorasho aan xor iyo xalaal midna aan lagu tilmaami Karin ilaa maanta ay dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay jawaab waafi ah u la’ yihiin wixii meeshaas ka dhacay. Wixii meeshaas ka dhacay dib ugu laaban meeyno sharaxaadeeda laakin aan is weydiino (DOORASHADAII GUMAADKA IYO DHIIGA BADAN DARTEEDA LOO DAADIYEY KADIB MAXAA U QABSOOMAY KGS?). Doorashadaas dhiiga badan darteeda loo diiday waxaa lagu cimaamday ama maqaar saar ahaan loogu doortay Mudane C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) oo ahaa wasiir ka tirsan xukuumada Raisul wasaare Xasan Cali khayre ka hor inta aan dhiiga loo daadin si loogu doorto Madaxweynaha Koofur Galbeed. Aan u I maano jawaabta ah waxa u qabsoomay iyo wixii kaloo aan ka ogahay dhammaan balan qaadyadii uu sameeyey Mudane C/casiis Laftagareen hal mid ah oo uu sameeyey majirto markii la eego dhanka Amniga, Dhaqaalaha, Maamul Wanaaga, Cadaalada iyo Sinaanta Metelaada Qabiilada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Amniga Maxaa ka hirgalay? Amniga koofur galbeed soomaaliya wuxuu kacanta ka baxay maalintii C/casiis lafta gareen sida qasabka iyo jujuubka ah ay ku doorteen Xildhibaanada koofur galbeed oo awood ka tan weyn loo adeegsaday, Maxaa dhacay inta uu joogay dhanka aminga dhacdooyinka ugu waayen ee dhacay waxaa ka mid in qaar ka mid qaabiilada koofur galbeed soomaaliyeed hogaaminta aan wanaagsaneeyn ee C/casiis laftagreen ay sababtay mudo sanada ah kadib in maagalada baydhabo labo qabiil dagaal sookeye ah soo kala dhex galo aan ilaa hada wax xal ah lakala dhex dhigin, Dilalka bartilmaameedka ah ee haladoor reer koofur galbeed oo ku soo batay dhammaan deeganada koofur galbeed Tusaale AHN Mudane siyaasi Marguusi oo beertiisa lagu dhex dilay oo xitaa la aasi waayey dagaal socodo darteesa. Waxaa in mudo ah kadib magalaada baydhabo iyo magaalooyinka waa weyn ee koofur galbeed ka dhaqan galay amarada Ururka UGUS, magalada baydhabo mudo isbuuc ah waxay korantada magaalada ay dansaneed amar ka yimi Ururka UGUS, dhacdooyinka amniga ku saabsan intaas waa ka badan yihiin. Dhaqaalaah maxaa ka qabsoomay? Mudane C/casiis laftagreen afkiisa yuu igu sheegay wax dhaqaalaha in aysan koofur galbeed ka jiran ayna adag tahay sida ay ku noolaan lahaayeen shacabka koofu galbeed balse aysan isaga dhib ku hayn oo bil awalba uu helaayo $150,000 (Boqol iyo Konton kun oo Dollars ah) oo ka timaado Dowlada Federalka Soomaaliyeed ee wakiil ugu yahay koofur galbeed Soomaaliya, waa inta aan afkiisa ka maqlay anagoo wada fadhina. Maamul Wanaaga maxaa ka hirgalay? Waxa maamul wanaag ah ee ka jir koofur galbeed ma jiro mudo sanad ku dhowaad ayuu jooga C/casii laftagareen maamulka uu hogaamiyo jooga weli su’aal la iskama weydiin away MADAXWEYNE KU XIGEEN? Taasi ayaa cadeeyn kugu filan in uu san wax maamul wanaag ah ka jirin maamulkaas. Cadaalada maxaa ka hirgalay? Cadalada waa wax keliya ay umadi ay ku kala badbaadi karto laakin maamulka koofur galbeed uu mudane C/casiis lafta gareen u hogaamiye xita waxay hilmaameen erayga “CADAALAD” maxaa yeelay shacabka koofur galbeed sii joogta ayey ciidamad koofur galbeed u dilaan ilaa maanta shaqsi maxakaamad lasoo taagay malahan, taasi waxaa marqaati iga ah mudane C/casiis lafta gareen mar uu la hadlaayey ciidamada uu sheegay qof rayid ah oo muruq maalato ah loo dilay 5,000 shiling soomaali ah oo ila hada askarigii dilay aan maxkamad lasoo taagin. Waa side Awood qeybsiga maamulka koofur galbeed Soomaaliya ama ma jirtaa sinaan metelaada qaabiilaada maamulka? Majirto wax metelaad ah oo ay u dhan yihhin qaabaailada dega koofur galbeed waxa keliya meesha ka taliye waa hal reer oo kuli ku heyb ah la qabiil ah Madaxewyne Mudane C/casiis lafta gareen Tusaale aad ku qanacdaan aan idin siiyo. Mudane C/casiis Laftagareen Madaxweyne KGS Zamzam Mahad C/raxmaan madaxa xafiiska Madaxweynaha Dhanka habeenka waana xaaska madaxweynaha hal reer ayey kasoo wada jeedaan (Isku beel) Ibrahim Baafo Agaasimaha Madaxatooyda koofur galbeed (Isku Beel) General Mahad oo mar dhow loo magacaaabay taliye ciidamada asluubta qaranka soo jeedin uu sameeyey c/casiis laftagareen waan sudogiisa ka hor wuxuu taliyaha ciidamada booliska koofur galbeed waa shaqsigii sida cad u yiri xabad Ayaan idin kugu jawaabeynaa hadii aad soo banana baxdaan wuxuun u qaabilsnaa ololaha c/casiis laftagareen dhanka amniga iyo caburinta shacbka (isku Beel) C/fataax Mahad C/raxmaan waa xoghayaha madaxweynaha waana seedigii (Isku Beel) Intaas Iyo in kabadan ayaa jirto sidaas darteed maqaalkaan kuma soo koobi karo ee hadii Alle idmo maqaalo kale Ayaan ku soo bandhigi doonaa. Waxa keliya ee shacabka koofur galbeed Soomaaliya u qabsoomay waa Maamulkii oo isku bedelay maamul ay hal reer ah leeyihiin hadii shacabka sidaa ku daawadaan waxaa faraha ka bixi doono inta yar ee u harsan fadlan kaca oo baraaruga oo uu sheega cida hada talada hayso in sidaan wax ka bedelaan hadii aysan suuro gal aheyn in sidaan lagu wada joog karin. Waxaan kuleeyahay Mudane C/casiis Laftagareen wakhtiga kuu harsan waa 3 sano wax badan ayaad ka bedeli kartaa dhammaan wixii aan soo sheegay hadii ay daacad kaa tahay fursad dahabi ah ayaa ku hortaalo wakhtiga iyo geediga aad ayey u fog yihiin laakin waxa keliya kugu simi karo hayaan guul ku soo idlaada waa adigoo garabhaaga iyo hareerahaaga sii fiican u hagaajiya. Mahadsanidiin W/Q: Mohamed Ali Barre Email: Moaliybarre@gmail.com Nairobi, Kenya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland oo kaasi oo ku hanjabay in Somaliland ay dib u qabsan doonto magaalada Badhan iyo degaannada kale ee gacanta u galay Puntland. Taliye Canshuur ayaa Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland ku tilmaamay mid dulmane u ah saraakiil ka soo jeedda magaalada Hargeysa oo sida uu xusay cabsi-gelin iyo xoog wax ugu yeeriya maadaama isagu uu yahay nin reer Awdal ah balse aysan niyad ka ahayn hanjabaaddiisa ku aaddan Badhan. Gen Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in degmada Badhan dadkii lahaa ay Somaliland ka eryeen islamarkaana aysan dib dambe u soo hawaysan karin maadaama raggii u dhashay ay heegan u yihiin in ay difaacan. Halkaan hoose ka daawo hadalka taliye Canshuur PUNTLAND POST The post Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo u jawaabay Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland appeared first on Puntland Post.
  23. Dr. Max’ed Yuusuf Ismaaciil (Dr.Burhaan)ayaa waxaa la guddoonsiiyay abaal marinta ay bixiso hay’adda Kiimikada ee dalka Maraykanka ee American Chemical Society (ACS )Dr. Max’ed ayaa [...] Source