-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka nabad sugida Puntland ee (PSF) ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay Buuraha Cal-Madow ee Gobolka Bari. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Buuraha Cal-Madow ee Gobolka Bari. Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo walaac xoogan laga qabo warbixin cusub oo sheegaysa inay sii kordhayaan tirada maleyshiyaadka Daacish iyo Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya dhulka buuralayda ee Puntland. Wargeyska caalamiga ah ee la yiraahdo longwarjournal ayaa lagu daabacay sawirro muujinayay xubno katirsan Daacish oo tababar milatari ku qaadanaya dhul qarar ah oo kuyaala koonfurta magaalada Bosaso. Inkastoo Shabab iyo Daacish laftoodu ku dagaalamayaan awooda iyo saameynta uu mid waliba ku leeyahay gudaha Puntland hadana waxay ka midaysan yihiin dagaalka ay kula jiraan dowladda Puntland. Warbixinta laga qoray Daacish waxay ka digaysaa halista Puntland kagasoo wajahan is arursiga kooxahaan oo ka faa’idaysanaya habac sanaanta amni ee ka jirta gobolka Bari, inkastoo beryahaan tilaabooyin la qaaday. Puntland Post The post Ciidanka PSf-ta Puntland oo sheegay inay dileen xubno katirsan kooxda Alshabab appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta Jubaland, Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa sheegay in mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan maamulkaas labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayiran yihiin magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Aw Xirsi ayaa sheegay in dowr howlwadeen oo ka tirsan wasaaraddiisa ay ku xaniban yihiin yihiin Muqdisho, kuwaas oo howlo shaqo u joogay Caasimada. “Dhowr hawl-wadeen oo u shaqeeya wasaaradda qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar.” ayuu yiri wasiirka qorsheynta ee maamulka Jubbaland. Shalay ayey aheyd markii amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hay’adda hawada lagu joojiyey dhammaan duulimaadyadii magaalada Kismaayo. Go’aankan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa garoonka magaaladaasi oo hakad jira maalintii labaad. Arrintan ayaa daba socota khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, taas oo ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Finland ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu deeqday ilaa EUR 8.1 million ($8.9 million) iyada oo u soo marineysa sanduuqa MPF ee bangiga adduunka. Lacagtan ayaa loogu talo galay in lagu taageero hey’adaha dowladda sida dib u dhiska iyo horumarinta, waxaa kale oo jirtay EUR 4 million ($4.4 million), oo ay horay u bixisay dalkan Finland “Waxaan ku faraxsnahay horumarka laga gaaray dhismaha hey’adaha iyo dib u habeyntooda tan 2012-kii” sidaasi waxaa yiri Ambassador Erik Lundberg oo ah wasiirka arrimaha dibadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Dhanka kle Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi. Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. View the full article
-
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland, loona yaqaan PSF ayaa howlgallo waxay ka sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay deegaanno ku yaalla buuraha Cal-madow ee gobolka Bari. Howlgalkan ayaa intii ay ciidankan wadeen waxa ay dagaal kala kulmeen xubno la sheegay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab, balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Saraakiil ka tirsan Puntland, qeybna ka ahayd howlgalkan ayaa si kooban ugu sheegay warbaahinta ay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaab, welina howlgalka uu yahay mid socda. Ciidanka Puntland ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ay ka wadaan dhulalka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Maalin ka hor ayeey ahayd markii ay kooxda Daacish halkaasi kusoo bandhigeen xubno ay sheegeen in tababar usoo gabagaboobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka maamulkaasi. Wareegtada ayaa u qorneyd sidan: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay: Datuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Source: goobjoog.com
-
Shilalka Gaadiidku waa dhib dhici doonta inta Gaadhi jiro xalka loo hayaana waa mid u baahan in la fuliyo oo la joogteeyo. Maalinkasta, Goorkasta, Goobkasta, Shilalka Gaadiidku way ka dhacayaan waanna ay sii badanayaan waxaanna sabab u ah Horumarka laga gaadhey xagga Dhaqaalaha maxaa yeellay qofkasta marka uu dhaqaalihiisu kobco waxa kaliya ee uu ka fikirayaa waa Gaadhi Iibso!. Nimcokastaa Nusqaan lagama waayo, fikirkeennu wuxuu noqday gaadhi Iibso, kaxayso ka dibna ku baro waddistiisa, Iyada oo ay ka horreysay inuu Qofku gaadhiga barto intaannu Iibsan. Dadka qaarkood marka aad la sheekaysatid waxay ku odhanayaan Ilaa aad Shil gashid Gaadhi baranmaysid taas oo kugu dhiirrigalinaysa innaad iska kaxaysatid Barasho la’aan. Baabuurtu waa baahi loo baahan yahay wax-wayna ka taray isku socodka bulshooyinka iyo magaalooyinka iyadoo ay muhiimad badan inoo leeyihiin oo aynaan la’aantood waxba inoo qabsoomeen ayaa haddana waxa badan dhibka dhimasho iyo dhaawac leh ee ay maalin kasta inoo geystaan oo ay sabab u yihiin Darawal xumo iyo Waddo xumo. Tallooyinka aan hayo waxaa ay noqonayaan:– 1. Wacyi-galinta oo la badiyo 2. Waddooyinka oo la dayactiro 3. Gaadiidka oo laga shaqeeyo bad-qabkooda 4. Darawalnimadda iyo shuruucda waddooyinka oo la barto. 5. Wakhtiyadda waddista oo feejigni badan la sammeeyo lagana fogaado isticmaalka Telefoon, cunista iyo cabistaba. 5. Joojinta Is-dhaafka deg-dega ah ee aan aqoon iyo waayo-aragnimo ku dhisnayn adigoo sugi karaa maxaa shil ku galinaya. 6. Taxadirka la’aanta joogtadda ah. 7. Dhimista Xawaaraha Xad dhaafka ah. Xal waa aynu haynaa kaliya waxa aynu u baahan nahay fulin iyo Joogtayn. Rakad Mxd Sultan Danneeya Bulsho. Berbera Farxaanmxd@gmail.com Rakad Mxd Sultan Facebook. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyey shirkii jaraa’id ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uga hadlay xayiraadii lagu sameeyey iyo xaaladda maamulkaasi. Xidig ayaa sheegay in Sheekh Shariif uusan si daacadnimo ah uga hadlin xaaladda cakiran ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu xusay inuu taageero siinayo Madaxweyne aan sharci aheyn, islamarkaana uu doonayo inuu ka qabgalo xafladda caleema saarkiisa, sida uu hadalka u dhigay. Dhankiisa Cabdinaasir Seeraar Maax oo isna sheegta inuu Madaxweyne ka yahay Jubbaland ayaa eedeeyey Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd. Seeraar ayaa sheegay in Sheekh Shariif uusan marnaba ka hadlin saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda oo horay laga celiyay Kismaayo, intii lagu guda jiray ololaha doorashada maamulkaasi. Ugu dambeyn wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in taageero loo raadiyo maamulka Axmed Madoobe oo uu sheegay in dhibaato uu ku haya deegaanada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweyne Farmaajo oo la guddoon siiyay Abaalmarinta Concardia Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoon siiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki, waxayna abaalmarinta ku muteysteen kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kan Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sanadkii hore heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea. Heshiiskaas ayaa lagu qeexay in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar. Hogaamiyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale dhowr jeer oo kale yeeshay kulamo kala duwan. PUNTLAND POST The post Maxay tahay abaalmarinta la guddoon siiyay Farmaajo? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey deegaano dhaca xadka dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay illaa 7 qof oo si sharci darro ah ku galayey gudaha dalkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in haatan dadkaasi lagu hayo xabsi ku yaalla deegaanka Libooya ee dalka Kenya. Dadkan ayaa lagu soo warramayaa in ay isug jiraaan ganacsato iyo arday dano kala duwan ku lahaa dalkaasi. Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay saartay xiyaarada hawada Jubbaland, waxaa sii xoogeysanayey dadka ka tallaabada xadka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shahaado sharaf ku maamuusay mid ka mid ah ciidamadda Booliska ee Gobolka Canfarta. Askarigan oo lagu magacaabo Siraj Abdalla ayaa todobaadkan qabsaday warbaahinta, ka dib markii uu koox budhcad ah ka diiday aduun lacageed oo gaadhaa 40,000 oo Bir “Waxa aan diiday laaluush,maxaa yeelay waxa ay wax yeelaysay mustaqbalka wadankayga Ethiopia” ayuu u sheegay EBC. Ra’isal Wasaare Abiye Oo Siraj ku Qaabilay xafiiskiisa ayaa ku tilmaamay in uu yahay geesi,waxaanu xusay in uu tusaale nool u yahay saaxiibadiisa kale, kaas oo uu ugu baaqay in lagaga daydo geesinimadda. Siraj Abdalla ayaa lacagtan ku diiday koox damacsanayd in ay hub geliyaan dalkaasi, waxaanu halkaasi ku fashiliyay hawl galkii ay wadeen. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Jabuuti ayaa Isbuucii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar saree e xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti. “Hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaakey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yiri Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka. “Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yiri Ducaale. Aadan Ducaale: Soomaali baan ahay oo muwaadin ka ah Kenya, mana aqbalayo in Soomaaliya ay qaadato baddeenna Jabuuti oo Sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin amaanka gobolka Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yiri: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah” Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yiri, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sano, miltarigoodana ay isfiirinayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”. Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa kulan la yeeshay safiirrada ka socda waddamada Ajnabiga ah ee ku sugan dalkiisa Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka. “Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”. Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato. Xigasho: BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-New York)-War ay si wadajir ah uga soo saareen magaalada New York wadamada Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Boqortoyada Sacudi Carabiya. Weerarka oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin 14kii bishan ayaa khasaare lagu gaadhsiiyay ceelasha saliida ee Abqaiq iyo Warshad lagu sifeeyo saliida ee Khurais ee Boqortoyada Sacudi Carabiya. “Waa ay noo cadahay annaga in Iran ay mas’uul ka ahayd weerarka,mana jiro marmarsiinyo kale.”ayay saddexda hogaamiye ee wadamada soo saaray bayaankan ay ku sheegeen iyagoo ku sugan xarunta qaramada midoobay ee New York. Sidoo kale wadamadan ayaa ugu baaqay dowlada Iran inay oggolaato in wadahadal ay ka gasho arrimaha Niyukliyerka, barnaamijyada gantaalada iyo ammaanka gobolkaba. Xiisad ka dhalatay duqeyntan ayaa heer sare gaadhay toddobaadkan iyadoo inkabadan kalabadh saliidii laga soo saari jirey Sacudiga Carabiya ay hoos ugu dhacday. Kooxda ka dhisan dalka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyada duqeynta balse dowlada Maraykanka ayaa ku eedeysay Iran inay weerarkan ka dambeysay maalin kadib markii uu weerarkan dhacay. Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Javad Zarif ayaa sheegay in haddii ay dowlada Iran duqeyn lahayd ceelasha iyo warshada lagu sifeeyo saliida ay gebi ahaanba baabi’in lahayd. Zarif ayaa sheegay in ayna jirin sabab loo rumeysan waayo in Xuutiyiintu ka dambeeyeen weerarada. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa raalligelin buuxda hadal ka dhan ahaa shacabka iyo maamulka K/Galbeed. Sheekh Shariif ayaa maamulka Koon Galbeed ugu yeeray Bay iyo Bakool, xilli uu shalay shir jaraa’id ku qabanayey gudaha magaalada Muqdisho Dad badan ayaa ka carooday hadalkaasi, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada maamulkaasi. “Waxaan rabaa inaan ka cudurdaarto hadal maanta aan si u iri, si kalena laga yaabo in loo qaatay oo ahayd markii aan magacyada maamul goboleedyada tirinayay oo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed aan iri Bay iyo Bakool. Ujeedkeygu wuxuu ahaa Koonfur Galbeed Mahadsanidiin..” ayuu yiri Sheekh Shariif. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/777.mp3 View the full article
-
(SLT- Virginia)-Madaxweynihii hore Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay Buug uu ugu magacdarey “A Challenging Transition in Somalia” Caqabadihii Xil-Iskuwareejin ee Soomaaliya. Buggaan ayaa waxuu madaxweynihi Puntland, ka qorey arrimaha siyaasada dalka iyo xaaladihiisii nololeed ee tan iyo markii uu yimid dalka Mareykanka. Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee gobolka Virginia ayaa ka qeyb-galey xafladda daah-furka buuggaan. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa ka warramay buuggiisan “A Challenging Transition in Somalia” iyo arrimaha uu kaga hadlayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Jeesow ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay qorsheynayaan inay tegaan Kenya, kadibna ay ka galaan Kismaayo, iyadoo halkaasi looga qaadayo diyaarado Helicopter ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in taasi haddii ay ku dhaqaaqaan ay dhaaweyso sharafka dowladnimo ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Jees.mp3 View the full article
-
(SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rajo ka qabo heshiis wadajir ah oo wadamada Pakistan iyo Hindiya ka gaadhaan xaaladda cakiran iyo kala duwanaashada ka taagan gobolka Kashmiir. Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa hore u sheegay in uu jeclaan lahaa in Trump uu ka qeyb qaato xalinta khilaafka labada dal kadib kulan bishii hore uu kula qaatay aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka. Labada hoggaamiye ayaa dhanka kale la filayaa in kulan ay yeeshaan toddobaadkan inta lagu guda jiro shirka hoggaamiyeyaasha dunida ee ka dhacaya magaalada New York. Hindiya ayaa bishii hore cunaqabateyn dhanka socdaalka iyo isgaadhsiinta ah ku soo rogtay gobolka muslimiinta ee Kashmiir, waxaana ka dhashay xaalado dhanka nolosha iyadoo ay u sii dheertahay in ciidanka amniga Delhi ay xidheen boqolaal qof kuwaasi oo qaarkood jidh-dil loo geystay. Source
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, (Farmaajo) oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, islamarkaana ka qeyb galay shirka Concodia Summit ayaa la guddoonsiyey billad hoggaan wanaag ah. Sidoo kale waxaa billadan la siiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Saddexda mas’uul ee haatan hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa billadahan ku muteystay dib u habeynta iyo is dhexgalka bulsho ee ay ka sameeyeen Bariga Afrika. Isbedalladan ayaa soo billowday 2018-kii, iyadoo si weyn looga dareemay guud ahaan Qaaradda Africa. Waxa kale oo uu isbedalkan horseeday soo nooleynta xiriirkii muddada go’naa ee Itoobiya iyo Eritrea, iyadoona Soomaaliya door muuqda ku laheyd dadaalladaasi. Dowladda federaalka ah ee Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa si xoogan u xoojisay xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo hadda door fir-fircoon ku leh dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka iyo guud ahaan dalalka caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda Jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Jabuuti ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeedhay Jabuuti. “Hadalkii kasoo yeedhay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaalkey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yidhi Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka. “Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yidhi Ducaale. Aadan Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay cod aqlabiyad leh uga guuleysatay Jabuuti markii ay hanashada kursiga Afrika loogu matalayo gobolka ugu tartameen ururka Midowga Afrika gudihiisa, wuxuuna yidhi: “Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah” Aden Bare oo hadalkiisii sii watay ayaa yidhi, “Hadduu leeyahay Kenya nabad galyo ma jirtana, Jabuuti iyo Eretariya ayaa is hor fadhiya dhowr iyo toban sanno, millatarigoodana ay is-eegayaan, Kenyana waa waddanka kaliya ee nabad loo soo doonto qaxootigana marti galisa, waana meesha kaliya ee lagu soo cararo. Marka haddii aad isbarbar dhigto Jabuuti iyo Kenya kee baa lagu aamni karaa amniga gobolka?”. Source
-
New York (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi. Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Popular Contributors
