-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay soo afjarto colaad dhiig fara badan ku daartay oo beelo walaalo ah ku dhexmartay gobolka Galgaduud gaar ahaan Huurshe iyo Xeraale. Heshiiska oo ay kala saxiixdeen beelaha ayaa waxa uu ka kooban yahay dhowr qodobo, kuwaasi oo warbaahinta loosoo bandhigay. Mudane Yaxye Cali Hereeri, lataliyaha ra’iisul wasaaraha ahna xiriiriyaha tubta siyaasadda loo dhan yahay ayaa saxaafada u mariyey. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo muddo saddex bilood ah ku sugnaa degaanadda Galmudug ayaa ku guuleystay dhowr arrimood waxaana arrintan ay kamid tahay guulaha miro dhalka ah ee kasoo baxay socdaalkiisa. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Heshiisyo.mp3 View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubadda Hoose. Dagaalka oo uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah isla markaana yimid markii ay AlShabaaku weerar soo qaadeen ayaa waxaa dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira. AlShabaab ayaa sheegatay in ay dishay saddex kamid ah ciidanka Jubbaland ayna ku furatay qoryo PKM ah iyo AK 47. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka saraakiisha amniga Jubbaland. Ciidamada dowlad goboleedkaas ayaa mudooyinkii dambe waxay degaanada ka tirsan gobolka Jubadda Hoose kawadeen guluf ka dhan ah AlShabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan hoose waxaad ka dhageysan kartaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-26092019.mp3 View the full article
-
New York (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna. “Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee dalka, iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay. “Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyaga oo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtiganna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. View the full article
-
Somalia’s Minister of Labour and Social Affairs, Sadik Warfa has announced the East African country’s interest to enhance economic relations with Qatar and to forge joint co-operation in the field of labour and skills development Source: Hiiraan Online
-
Donald Trump: Sidee xilka looga qaadi karaa madaxweynaha Mareykanka? Dimuqraaddiyiinta ayaa u xusul duubaya in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump Xisbiga Dimuqraadiga ayaa qorsheynaya in baaritaanno la sameeyo, si loo ogaado in Madaxweyne Trump uu mudan yahay in xilka looga qaado xiriirkii uu dowladda Ukraine kala sameeyay arrinta ku saabsan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden. Way jireen baaqyo ku saabsan in Trump xil ka qaadis lagu sameeyo intii ay socdeen baaritaannadii sannadaha qaatay ee ku saabsanaa xiriirkiisa Ruushka, laakiin markan haweeneyda afhayeenka ka ah aqalka wakiillada ee Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa qaadday tallaabo dheeri ah waxayna sameysay koox u kuurgasha arrintan. Aqoonyahannada dhinaca sharciga ayaa sheegaya in madaxweyneyaasha aan dacwad lagu soo oogi karin ama la maxkamadeyn karin iyagoo xilka haya, sidaas darteed qaabka kaliya ee xafiiska looga saari karo waa in xil ka qaadis sharci ah lagu sameeyo. Hase yeeshee, sidey arrintaas ku dhici kartaa? Yaase horay xil ka qaadis loogu sameeyay? Jawaabaha su’aalahan waxaa laga yaabaa inay aad kaaga yaabiyaan. Ugu horreyn, waa maxay mooshinka xil ka qaadista? Qaabkee mooshin looga keeni karaa Madaxweyne Trump? Marka uu erayga “mooshinka xil ka qaadista” ku jiro mowduuca aan hadda ka hadleyno micnihiisu waa in dacwad la geeyo aqalka Congress-ka, taasina waxay abuuri doontaa maxkamadeyn ka dhan ah madaxweynaha oo gudaha aqalka lagu falanqeeyo. Dastuurka dalka Mareykanka wuxuu dhigayaa “in madaxweyne mooshin xil ka qaadis ah laga keeni karo marka lagu helo dambiyada kala ah: Khiyaano Qaran, Musuqmaasuq ama laaluush qaadasho iyo waliba dambiyada kale ee kuwaas kasii waaweyn”. Hannaanka mooshinka xil ka qaadista waa inuu billaabo aqalka wakiillada wuxuuna u baahan yahay aqlabiyad fudud oo lagu ansixiyo. Laakiin maxkamadeynta waxaa lagu sameyn karaa aqalka odayaasha ee Senate-ka. Laakiin markii halkaas la geeyo, in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo waxay u baahaneysaa codadka saddex meelood labo meel oo ka mid ah xildhibaannada – arrintaasna wali kama dhicin taariikhda Mareykanka. Yaa horay looga gudbiyay mooshinka xil ka qaadista? Inkastoo marar badan lagu hanjabay mooshinka xil ka qaadista, labo madaxweyne oo kaliya ayaa horay looga gudbiyay abid taariikhda dalka Mareykanka. Kii ugu dambeyay wuxuu ahaa Bill Clinton, madaxweynihii 42-aad ee Mareykanka – wuxuuna mooshinka xil ka qaadista la kulmay ka dib markii lagu helay inuu ku xadgudbay habsami u socodka hannaanka caddaaladda. Mr Clinton ayaa ka been sheegay xiriirka kala dhaxeeyay haweeney lagu magacaabo Monica Lewinsky, iyadana wuxuu ka dalbaday inay sidoo kale ka been sheegto, sida lagu eedeeyay. Markii ugu dambeysay aqalka wakiillada Mareykanka wuxuu mooshin xil ka qaadis ah ka keenay – Bill Clinton – sanadkii 1998-kii Aqalka ayaa markii ugu horreysay codad kala ah 228 iyo 206 ugu codeeyay in mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyo madaxweyne Clinton, markii labaadna waxay ugu kala codeeyeen 221 iyo 212. Waxaa xusid mudan in xilligaas oo ahayd bishii December ee sanadkii 1998-kii, heerka qiimeynta madaxweyne Clinton wuxuu ahaa 72%. Hase ahaatee markii dacwaddu ay gaartay aqalka Senate-ka sanadkii 1999-kii, way ku guul darreysatay inay hesho saddex meelood labo ka mid ah codadka senetor-rada. Yuu ahaa madaxweynaha labaad? Qish: ma ahayn Richard Nixon. hoos usii soco, oo arag qofka uu ahaa. Si ka duwan Mr Trump, qiimeynta heerka maamul wanaagga madaxweynenimo ee Mr Clinton waxay ku shareerneyd cirka. Sawirka waxaa ka muuqda Clinton, xaaskiisa Hillary iyo hoggaamiyaha tirada laga badan yahay ee aqalka wakiillada Dick Gephardt Xaqiiqdii, madaxweynaha kale ee mooshinka xil ka qaadista ah laga keenay wuxuu ahaa Andrew Johnson, kaasoo muddo afar sano ah xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1865 – 1869, wuxuuna ahaa madaxweynihii 17-aad ee soo maray Mareykanka. Marka, Mooshin xil ka qaadis ah malaga keeni karaa Mr Trump? Waxaa falanqeynaya- Anthony Zurcher, wariyaha BBC News, ee ku sugan magaalada Washington Muddo dhowr bilood ah, hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee xisbiga Dimuqraaddiga ee ku sugan aqalka wakiillada waxay ciyaarayeen shax ballaaran. Waxay rabeen in kuwa taageersan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Trump iyo kuwa kasoo horjeedaba ay helaan waxa ay doonayaan. Qorshahan wuxuu keenay cabsi ay afhayeenka aqalka Nancy Pelosi iyo siyaasiyiin kaleba ka muujiyeen in xildhibaannada dimuqraaddiga ee dhexdhexaadka ah uu u horseedi karo khatar ku saabsan in dib loo soo dooran waayo marka la gaaro doorashada 2020-ka. Balse arrintaas waxay isbaddashay markii hadda ay soo baxeen eedeymo loo heli karo caddeymo waaweyn oo ku saabsan xiriirka telefoonka uu Trump la sameeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, kaasoo sharci darro lagu tilmaamayo. Hadda siyaasiyiintii ka laba labeynayay arrintan xitaa waxay diyaar u yihiin inay u codeeyaan mooshinka xil ka qaadista ah ee ka dhanka ah madaxweyne Trump. The impeachment trial of President Andrew Johnson Haddii xitaa Trump laga soo gudbiyo mooshin xil ka qaadis ah… malaga yaabaa in xafiiska laga eryo? Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ah ee uu kasoo jeedo madaxweynaha ayaa maamulka aqalka odayaasha ee Senate-ka, sidaas awgeedna Mr Trump xilka lagama qaadi doono, marka laga reebo in siyaasiyiinta xisbigiisa ka tirsan ay kusoo kala fireeyaan, kana soo horjeestaan. Waxaase la ogyahay in tirada ugu badan ee siyaasiyiinta Jamhuurigu ay wali daacad u yihiin Donald Trump. Qaran News
-
Shacabka iyo dadkii doortay ama madax-weynaha uu ahaa haddii ay maant ku abaal marin lahaayeen macno la garan karo bay ahaan lahayd laakiin abaal marinta Concordia Leadership Award ay siisay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay ku tusaysaa oo keliya in Concordia Leadership Award ay tahay hay’ad aan macaash ku shaqayn oo qabka ay u adeegto ay tahay iyo abaal marinta ay bixinayso ay siyaasada ahaan wax ka go’aamiyaan dowladaha iyo dadka deeq bixiyeyaasha ah ee iyada kaba tassoo aan ka madax bannaanayn u adeegsita siyaasadaha hadba dalalka iyo dadka iyada maal geliya waana qaabka hay’ado badan oo iyada oo kale ah ama kuwo sama-fal sheegta ay taageeraan siyaasadaha ay dowladaha iyaga maal geliya wataan!…waxayna abaal marintan caay ku tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo iyaga u haysta in Farmaajo abaal marinta lagu siiyay dhagarta iyo khayaannada uu ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Hay’adda abaal marintan oo la aasaasay 2011ayaa aasaaskeed lagu beegay sanad guurradii 10aad ee ka soo wareegtay September 11, ujeeddada loo aasaasayna waxay ahayd in la dhiso hay’ado qayb ka noqda la dagaalanka wax loogu yeero Xag-Jirnimmada, siiba in lala dagaalo oo laga hor tago in Xag-Jirnimmada ay ka aasaasanto dalalka dowladaha fashilmay (Failed States) dalalka saboolka ah, ama mujtamacooda aqoon yaryahay. Hay’addaan shaki la’aan waxay aad uga war haysaa in madax-weyne Farmaajo uu ku shaqeeyo talooyinka dalalka deriska ah gaar ahaan dalka Itoobiya, abaal marintana waxay dhiiri gelin u tahay hawlo qarsoon oo ka dhexeeya Farmaajo iyo Abi Axmed oo labadaba dalalka aad moodo in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay siinayso Hab-Maamuus (Protocol) isku mid ah meeshii ay tagaanba si laysugu hayo, waxaan iyadana ka war haynaa oo aan arrin qarsoon ahayn in Farmaajo uusan ummadda uu madax-weynaha u yahay aba yaraatee uusan ku soo kordhin wax aan ka ahayn inu isku diro, inuu kala qaybiyay, inuu dastuukii iyo cahdigii ay ku heshiiyeen uu laalay, walina uu dagaal kula jiro waxyaabihii taabo galka u ahaa ee ummadnimmada iyo dowladnimmada Soomaaliya!… Waxaa iyadana xusid mudan in Abiy Axmed uu sidaasoo kale dagaal bareer ah uu ku qaaday dhammaan qawaaniintii iyo nidaamkii federal-ka ahaa ee Itoobiya, mana jirto Xag-Jirnimo ka dhex jirta dalka Itoobiya oo uu la dagaalamayo halka Soomaaliya loohu marmarsooniyo Al-SHabaab, laaakiin wuxuu burburin ku wadaa maamul-goboleeddadii iyo nidaamkii ahaa in qoomiyaduhu is maamulaan si gaar ahna isha ugu haya maamul-goboleedka Tigray oo uu rumaysanyahay in ka adkaanshihiisa ay ku xirantahay awooddiisa iyo riyadiisa ah inuu noqdo hoggaamiye ku-amar-ku-taagleeya guud ahaan Bariga iyo Geeska Afrika. Marka aad fiiriso abaal marinta la siiyay madax-weyne Farmaajo oo magaceedu yahay Concordia Leadership Award oo macnaheedu yahay Abaal-Marinta Konkoordiya ee Hoggaaminta isla markaasna aad fiiriso dhibaatada iyo burburka uu u geystay hoggaamintii iyo siyaasaddii dalka waxaad fahmaysaa in abaal-marintaas ay dhacday meel aan munaasab ahayn ama ujeeddo taas ka duwan oo la xiriira arrimo ama dano innaga qarsoon lagu siiyay, mise annagaan ogeynee meel kale buu hoggaamiye ka ahaa?!…mise mugdiyo aanan la arkayn baa hoggaaminta macnaheedu yahay?! Mise waa waraaqaha khaanadda Farmaajo ku jira ee ay wada saxiixdeen isaga Abiy Axmed?! Mise waa heshiisyada shikadaha shidaalka iyo Xasan Cali KHeyre?!…Mise waa lacagaha Qadar?! Waxayse jawaabta waafiga ah ay tahay “Nin kasta qofkuu abaal gashto baa abaal mariya!” waxaana hubaal ah wax kastaba ha lagu saleeyee inay jirto sabab abaal marintaas loo siiyay Farmaajo xaqiiqduse waxay tahay oo aan wax shaki ah ku jirin inaysan ku salaysnayn hoggaamintiisa! Wax kalaba ha laynoo sheego, laakiin Hoggaamin?! Abaal marintan waxay dadka Soomaaliyeed taraysaa oo keliya inay fahmaan macnaha iyo ujeedooyinka abaal marinnada la baxsho iyo in dhammaantood aan lagu bixin sababaha iyo ujeeddooyinka dadka loo sheego in lagu baxsho!… Waxaa la gudboon qofka Soomaaliga ah, ee dalkiisa burbursanyahay, ee ummaddiisa dhibka haysta ay xanuun ku hayso, inuu marka hore madaxa ku hayo in siyaasiyiinta madaxda u sheeganaya ee ay maalin kasta ay shisheeyaha siinayaan abaal marinta, inaysan abaal marintaas ka turjumayn ama lagu qiimayn waxa ay dalkiisa iyo dadkiisa ka tabanayaan ama uu taraya siyaasigaas, mar haddii ay sidaas tahay maxay abaal marintaas qiimo kugu leedahay?!…uma malayniyo in madax-weyne Farmaajo uu ku farxay Abaal Marinta Concordia, maxaa yeelay xaqiiqda uu ogyahay ee dalka dhex taal ayaa ah mid si weyn uga duwan waxa lagu abaal mariyay!…Abaal dadkii kaa mudnaa aysan kaa helin oo nin kale kaa abaal marinayo!…kolayba waxaa shaki la’aan ah inay jirto sabab ay ku abaal mariyeen ha weynaato ama ha yaraato (maba yaree!)… Madax Dalal Kale Xilka U Haya Soomaaliyana Xukuma?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay Cadaalad darada iyo dhibaatooyinka ka jiro Adduunka xilli uu khubad xasaasi ah ka jeedinayey Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay Talaadadii Shalay aheyd. “ Beesha Caalamka waxay lumineysaa awooddii ay u laheyd xal u helidda caqabadaha sida argaggixisannimada, Gaajada, Musiibada iyo isbedelka Cimilada” ayuu yiri Erdogan. Wuxuu Qaramada Midoobay ku eedeeyey inay ku guuledareystay inay qaado tallaabooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinkaas. “Dunidu way illowday Qaxootiga Siiriya iyo kuwa Aylan Kurdi si dhakhso ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ku booriyey hoggaamiyeyaasha Adduunka inay taageeraan qorshaha la soo jeediyay ee aag nabdoon laga dhisi doono Syria. “ Waan daabuli karnaa tirada Siiriyaanka si amaan ah, si dalkooda loogu celiyo 3 milyan hadii wadada nabada loo dheereeyo ee khadka Deir el-Zor-Raqqa, waxaan ugu baaqayaa xubnaha Qaramada Midoobay inay taageeraan dadaalada Turkiga ee sugida amniga ee Idlib Syria, ” ayuu yiri madaxweynaha. Erdogan oo ka hadlayey dagaalka Israa’iil iyo Falastiin ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyey inay ka jiifatay arrintaas isla markaasna horteeda lagu boobay dhulkii ay lahaayeen dadka Reer Falastiin. Wuxuu Qaramada Midoobay horteeda kusoo bandhigay boobka lagu hayo dhulka reer Falastiin iyo halkii ay markii hore kala joogeen Israa’iil iyo Falastiin sanadkii 1967. Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah Falastiin loogu dhiso dowlad loo dhan yahay isla markaasna xuduuda Israa’iil iyo Falastiin lagu soo celiyo sidii ay aheyd sanadkii 1967 meeshana laga saaro in Qudus tahay Caasimadda Israa’iil. Khudbadda Erdogan oo aad u dheereyd ayaa noqotay mid xamaasad ka dhex dhalisay shirka Qaramada Midoobay, wuxuuna noqday hoggaamiyaha kaliya ee sida dhabta ah uga hadlay dhibaatada lagu hayo dadka Muslimiinta ah. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
-
Xog Xasaasiya: Imaaraadka Carabta oo la wareegay Madaarka Boosaaso iyo hogaanka Hayada Sirdoonka Puntland Khilaafkii u dhexeeyay imaaraadka Carabta iyo Puntland ayaa u muuqda mid la xaliyay kadib markii Puntland ay ogolaatay inay fuliso dalabyo ay wadatay Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadku ay ballan-qaadeen mashaariic dhowr ah. Waxyaabaha Imaaaraadka Carabta ku guuleysteen waxaa ka mid ah in sarkaal ay aad isugu dhow yihiin loo magacaabo Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Jeyte, waana xubin firfricoon oo aad ugu dhow sirdoonka Imaaraadka ee Soomaaliya. Dikreeko ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Mukhtaar Jeyte loogu magacaabay agaasimaha nabad sugida 20-kii bishan taas oo kalsooni gelisay Imaaraadka. Puntland ayaa sidoo kale ogolaatay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo maamulkiisa iyo amaankiisa shirkad ay mas’uul ka yihiin Imaaraadka Carabta, ayada oo Imaaraadkuna ay maal-gelinayaan mashruuc lagu ballaadhinayo garoonkaas. Magaalada Boosaaso, waxaa ku sugnaa labadii Berri ee u dambeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo daba joogay fulinta dhammaan qodobada ay daneynayaan. Xubno ka soo jeeda qoyska Madaxweyne Deni oo lagu kala magacaabo Xasan Deni, Mahad Deni iyo Cabdi Rabi ayaa si weyn gadaal uga riixaya fullinta qorshaha Imaaraadka Carabtu ka leedahay Puntland. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamada booliska Somaliland ay dhaawac culus u geysteen muwaadin ay dhulkiisa xooga kaga qaadayeen. Ciidamadaasi oo ka tirsanaa kuwa Somaliland ayaa rasaas ku furay nin lagu magacaabo Cali Aw Maxamed Jaamac, kadib markii uu diiday in uu dhulkiisa dajiyo dad ay ciidamada boolisku ay ka soo rareen xero ay daganayeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qoyska muwaadinka dhaawaca culus loo geystay. Dhaawacan culus ee ay ciidamadu u geysteen Cali ayaa imanaya kadib markii uu si weyn uga hor-yimid dalabka ay ciidamadu ku rabeen in dadkaasi ay dhulkiisa dajiyaan, kaasi oo ku yaala Koonfurta magaalada Hargeysa. Ninkan iska leh dhulka ay ciidamadu dadka dajinayeen iyo weliba qoyskiisa ayaa diidmo adag kagala horyimida ciidamada, midaasi oo sababtay inay ciidamadu furaan rasaas sababtay in Cali lagu sameeyo qaliin culus oo saacado dhowr ah qaatay. Qoyska Cali Aw Maxamed ayaa qaylo dhaan iyo baaq u soo jeediyay Mas’uulka ugu sareeya xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi, iyagoona ka dalbaday in laga soo gaaro ciidamada rasaasta ugu adeegsanaya dhulkooga. Ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo laamaha am oo ku aadan iska hor-imaadkan sababay dhaawacaasi culus. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna. “Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee dalka, iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay. “Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyaga oo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtiganna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. Hoos ka aqriso khudbadda oo dhameystiran Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo dhammaan saaxiibbada Soomaaliya Waxaa sharaf weyn ii ah in aan dhammaantiin idin kala soo qayb-galo kulankan heerkiisu sarreeyo ee arrimaha Soomaaliya kaas oo hareer socda kulanweyanaha guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa sida aad u garab taagan tihiin dalkayga iyo shacabkiisa adkaysiga badan. Kulankan waxa uu ku soo beegmay maalmo ka hor Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmi doonta, waxaanan rajeynayaa in inta aan kulankan ku guda-jirno yeellan doonno wadahadallo iyo aragti isweydaarsi dhab ah oo ku aaddan horumarka dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, ka hor shirar wadatashi ah oo intan ka ba;laaran oo aynu ku yeellan doonno magaalada Muqdisho. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waa muhiim in aynu isla ogaanno in Soomaaliya ay soo martay dariiq aad u dheer. runtii waa dhab middaasi. Heerkan aan joogno waxa sabab u ah dadaalka aan dhammaadka lahayn oo ay ku jirto dowladda aan hadda hoggaamiyo, taasi oo ay si daacadnimo ah uga go’an in la gaaro ahmiyadaha qarankeenna ee xasiloonida, soo kabashada dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo siyaasad loo dhan yahay. Caqabadaha Soomaaliya horyaalla ma ahan kuwo si fudud looga gudbi karo, balse dadaalkeenna dhinacyada badan leh ayaa caddeyn u ah in gaaritaanka guushu ay suurtagal haddii aan si wadajir ah ula shaqaynno shacabkeenna iyo saaxiibbadeenna caalamka si aan natiijo la taaban karo u wada gaarno. Tani waxaa daliil u ah horumarka muuqda ee aan ka samaynayno dib-u-habaynta dhaqaalaha, siyaasadda loo dhan yahay iyo dowlad wanaagga. Mudanayaal iyo Marwooyin, Dhawrkii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya si isdaba-joog ah ayay u soo kabanaysay iyada oo gacan ka heleysa beesha caalamka, iyo shacabka Soomaaliyeed oo garwaaqsaday in dhabbadii na soo gaartay ay ahayd mid aan lagu sii jiri karin. Tan iyo markii aan xafiiska imid, dowladdaydu waxay si wax-ku-ool ah u kaashatay beesha caalamka, oo ay ku jiraan Hay’adaha Maaliyadda ee Adduun-weynaha iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka. Waxaan hadda ku jirnaa heerka 4aad ee barnaamijka Hay’adda Lacagta Adduunka ee dayn cafinta, waxaanan ka barannay hawshan in isbeddello la sameeyo iyada oo marxalad adag lagu jiro aanay ahayn wax sahlan. Iyada oo an u marayno qorshaha geeddi-socodka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, waxaan xoojinnay awooddeenna maareynta maaliyadda iyo maamulka guud ee dhaqaalaha annaga oo ujeedkeennu yahay inaan kor u qaadno soo xeraynta dakhli gudaha ku filan oo aan ku daboolno kharashaadka ku baxa socodsiinta howlaha Dowladda Federaalka. Dadaalladeennu waxay horseedeen in sannad walba uu kordho dakhliga gudaha iyadoo si joogta ahna loo bixiyo dhammaan mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada qalabka sida. Waxaan sidoo kale ku guulaysannay in aan ugu dambeyntii si rasmi ah u diiwaangelino dhammaan ciidamadeenna qalabka sida oo aan hadda ku jirno habkii aan dhammaantood u wada xaqiijin lahayn. Hadda, waxaan haynaa xogtii aannu u baahnayn si aan ugu jaan-goyno go’aannada maaliyadeed iyo kan dhaqaale ee daruuriga u ah sii wadidda isbeddelladan muhiimka ah si aan u gaarno ahmiyadda qaran ee xasilloonida iyo horumarka dhaqaale. Miisaaniyadda iyo kharash bixintayadu waa mid hadda la isku halleyn karo oo ku saleysan arrimo la isku raacsan yahay iyada oo aan ka cab bir qaadanno aragtida bulshada. Nidaamyada wax soo iibsiga ee dalka, oo uu sharcigu aas-aas u yahay, ayaa oggolaanaya tartan caddaalad ah in lagu saleeyo alaabada iyo adeegyada dowladdu iibsanayso. Shuruucda muhiimka ah ee maareynta dhaqaalaha oo qaarkood horyaallaan Baarlamaanka halka kuwa kalena la meelmariyay, ayaa xaqiijinaya in la helo horumar dhaqaale oo loo dhan yahay isla markaana waara. Dib-u-habeyn dhaqaale iyo maaliyadeed suurtagal ma ahan haddii aanay jirin kalsoonida shacabka. Dowladdaydu waxay mudnaanta siisay maamul-wanaagga iyo wada-shaqayn buuxda oo lala yeesho muwaaddiniinta oo ay ku jiraan ganacsiga gaarka loo leeyahay middaas oo horseedday in dakhligeenna gudaha ee soo gala dowladda uu si xawli ah u kordho. Waxaa si buuxda nooga go’an inaan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo inaan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta. Waxaan jecelahay inaan idinla wadaago inaan Sabti, 21-kii Sebtember 2019, saxiixay Sharciga La-dagaallanka Musuqmaasuqa kaddib markii Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare ay ansixiyeen. Mudanayaal iyo Marwooyin, Dadaalka aan ugu jirno dib u yagleelidda xiriirka aan la leennahay Hay’adaha Maaliyadeed ee caalamku waa mid miradhalaya, waxaanuna si adag uga hawlgelaynaa inaan xiriir buuxda dib ula yeelanno hay’adahaas, ka dib marka deynta nalaga cafiyo. Dowladdayda waxaa ka go’an inay ka shaqayso dhammaan dhinacyada dib-u-habeynta u baahan si aynu u gaarno deyn cafin iyadoo aan raacayno nidaamka dalalka saboolka ee deymaha lagu leeyahay. In deynta la innaga cafiyo waxay mudnaan asaasi ah u tahay Soomaaliya, gaaritaanka hiigsiganina waxay ka mid tahay yoolka Dowladdan. Dhinacayaga, waxaa naga go’an inaan si guul leh u dhammaystirno shuruudaha barnaamijka deyn cafinta ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo inaan dhisno hay’adaha lagama maarmaanka u ah daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka si loo joogteeyo horumarka dhaqaale iyo midka dhanka kobaca. Si kastaba ha ahaatee, waxaan sidoo kale ognahay in tani kaligeed aysan dammaanad qaadayn deyn cafinta. Qodobbada kale ee door weyn ka ciyaari doona deyn cafinta waa hadba sida ay uga go’an tahay deyn bixiyeyaasha inay sii wadaan inay Soomaaliya ku gacan siiyaan sidii aynu u gaari lahayn hiigsigan. Waxaan aad ugu faraxsanahay in ilaa iyo hadda, falcelinta ka dhalatay hirgelinta dib-u-habaynta miradhalka ah ee aan helaynno ay tahay mid dhiirrigelin leh. Si ay u suurtagasho deyn cafintu, waxaa lagama marmaan ah in falcelintan wanaagsan loo beddelo ficillo ay ka mid yihiin bixinta qoondada lacagaha deymaha Soomaaliya lagu leeyahay ‘Xilliga Go’aan Gaarista’ oo aan rajeynayno in ay tahay sannadka dambe horraantiisa, si waafaqsan Barnaamijka SMP ee Hay’adda Lacagta Adduunka. Sidaa darteed waxaan ka codsanayaa dhammaan saaxiibbadeenna qiimaha badan, kuwaasi oo ay qaarkood deyn-bixiyeyaal yihiin, inay hormuud ka noqdaan dadaalka deyn cafinta ee Soomaaliya si ay noogu suurtagasho inaan dadka Soomaaliyeed gaarsiinno horumar waara. Mudanayaal iyo Marwooyin, Caqabadaha soo noqnoqda ee dhanka bini’aadamnimada ee ka dhaca Soomaaliya ayaa saameyn ku leh nolosha dadkayga. Waxaan uga mahadcelineynaa qurba-joogteenna, shacabkeenna dalka ku nool iyo beesha caalamka taageeradooda ku aaddan sidii looga hortagi lahaa caqabadaha iyo xaaladaha degdegga ah ee dhanka bani’aadamnimada. Aad ayaan uga xumahay in caqabadaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya ay soo noqnoqdaan, walow aan dadaal badan ugu jirno inaan xoojinno adkaysiga dadkeenna iyo ilaalintooda, haddana suurtagal ma aha inaan keligayo wax ka qabanno caqabadaha jira maadaama oo loo baahan yahay dhaqaale joogto ah. Haa, waa run, dhaqaalaheenna ayaa la saadaalinayaa inuu sannadkan kobco 2.9% laakiin tan kaliya kuma filna inay daboosho baahiyaheenna. Sidaa darteed, biyo nadiif ah, nafaqo, wax-ka-qabashada cimilada, adeegyada guud ee bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo in la helo hay’ado awood leh oo maareeya baahiyaheenna ayaa laga dheefayaa deyn cafinta Soomaaliya maadaama oo Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah laga helo doono dhaqaale. Sidaa darteed waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa dhammaan xubnaha sharafta leh inay nagala shaqeeyaan sidii aynu u gaari lahayn yoolkan qiimaha leh si dadkeennu uga baxsadaan dabinka horumar la’aanta iyo nugullaanta iyada oo lagu jaan-goynayo ahmiyadaha Qorshaha Horumarinta Qarankeenna. Mudanayaal iyo Marwooyin, Iyada oo la raacayo Qorshe Hawleedka Siyaasadda loo dhan yahay ee Dowladda Federaalka, waxaa naga go’an inaan qabanno doorasho Baarlamaan oo cod ah dabayaaqada sannadka 2020-ka. Tani waa mid ka mid ah qodobbada hortabinta u leh Dowladda ee 2020, isla markaana Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinku wuxuu ku socdaa dariiqii dalka lagu gaarsiin lahaa iyadoo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo qorsheeyay in la sameeyo Maarso ilaa May 2020, kaddibna ay codeyntu qabsoonto ka hor dhadmaadka sannadka. illaa iyo hadda, boqolaal goobood oo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ayaa la sahmiyey oo ku kala yaalla Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir. Guddiga Doorashadu waxa uu rajeynayaan in uu dhawaan jaan-gooyo goobaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Dabcan, goobahani waxay u baahan doonaan in laammaha amnigu hubiyaan ka hor intaan la daabacin liiska goobaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee kama dambaysta ah. Guddigu waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen muqulka qoraalka horu-dhaca ah ee hawlaha iyo kharashaadka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay, iyada oo la kaashanayo beesha caalamka, inay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah. Waqtigan xaadirka ah, Sharciga Doorashada iyo Xeerka Xisbiyada Siyaasadda ee wax ka beddelka lagu sameeyay, waxa ay horyaallaan Baarlamaanka waxayna sugayaan in la meel-mariyo ka hor dhammaadka sannadkan si loo suurtageliyo in Guddiga Doorashada ay bilaabaan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Dowladdu waxay kala shaqeyn doontaa Baarlamaanka sidii loo xaqiijin lahaa in Dowlad Goboleedyadu taageero siyaasadeed ka muujiyaan Sharciga Doorashada, iyo in la sameeyo wax ka beddelka lagama maarmaanka ah ee ay codsadeen Guddiga Doorashadu, si loogu ogolaado in ay doorashooyinka u qabtaan sida ugu hufan uguna qarash yar. Amniga ayaa muhiim u ah hirgelinta doorashadan, laga bilaabo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Dowladda Federaalku waxay ku hawlan tahay magacaabista Guddiga Amniga Doorashada si loogu gogol-xaaro qorsheynta amniga doorashada ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo codaynta. Doorasho nabdoon, lagu kalsoon yahay, waqtigeeda ku qabsoonta isla markaana hufan ayaa aas-aas u ah siyaasadda loo dhan yahay. In kasta oo aan dadaal badan ku bixin doonno in aan annagu maalgelinno doorashadaas, haddana waxaan kalsooni ku qabnaa taageerada saaxiibbadayada caalamka ee hawshan. Mudanayaal iyo Marwooyin, Amnigu waxa uu ka mid yahay arrimaha mudnaanta u leh Dowladdan, wax badan ayaanna qabsoomay in laga adkaado Al-Shabaab, militari ahaan iyo fikir ahaanba. Hawsha diiwaangelinta 19,000 ee askari waxa barbar socday guullo aan ka gaarnay xoreynta iyo dib u qabsashada deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Shabeellada Hoose iyo deegaannada ku xeeran sida Sabiid, Mareeray, Caanoole, Bariire, Xarshanley, Ceel-Saliin iyo Aw-Dheegle. Marka laga soo tago dadaallada militariga, Dowladdeennu waxay bulshooyinka deegaanka kala shaqayneysaa sidii deegaannadaas gacanta loogu sii hayn lahaa, dibna loogu dhisi lahaa, iyaga oo si buuxda looga talagelinayo, mudnaantoodana maskaxda lagu hayo. Dhisidda ciidan qalabaysan oo si fiican u tababbaran oo la wareega mas’uuliyadda sugidda amniga Soomaaliya waa arrin waajib ah, Dowladdeenna oo kaashanaysa AMISOM iyo saxiibbada kale ee caalamka, waxay ku dadaaleysaa sidii ay uga miradhalin lahayd arrinkan iyada oo loo marayo Qorshaha Amniga Qaranka. Waxa sidoo kale socda isku-dhafka Ciidamada Qaranka taasi oo xaqiijinaysa amniga Soomaaliya iyo bedqabka shacabkeenna iyada oo loo marayo dadaallada ballaaran ee Dowladda ee dhinacyada kobcinta kartida bulshada, maaraynta maaliyadda, la dagaalanka musuqmaasuqa, dib u habaynta iyo dowlad wanaagga. Waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliya, AMISOM iyo saxiibbada kale dhiirranaanta, ka go’naanta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan ku faraxsanahay tallaabooyinka muuqda ee ay Dowladdaydu qaadayso si sare loogu qaado hannaanka doorashada, loo dardargeliyo dib u soo kabashada dhaqaalaha loona dhaqangeliyo Qorshaha Amniga Qaranka. Dhammaan saddexdaas dhinacba horumar badan ayaa laga sameeyay, waxaanna naga go’an inaan kuwo kale xaqiijinno. Ugu dambayntii waxa ugu muhiimsan waa in Dowladda Soomaaliya, shacabkeenna iyo saxiibbadeenna qiimaha badan ee beesha caalamku ay sii wadaan wada shaqeynta dhow ee ay Soomaaliya la leeyihiin. Dabcan, Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedu mar walba iyaga ayaa howsha culeyskeeda qaadan doona si ay u horumariyaan dalkooda, balse waxaan sidoo kale kalsooni ku qabnaa taageerada joogtada ah ee beesha caalamka eek u aaddan in mustaqbalka la helo Soomaaliya oo aan deyn lagu lahayn oo ku sifaysan rajo, horumar iyo barwaaqo. Mahadsanidiin dhamaantiin.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-25092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xaaskiisa Zeynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhoweyn ah oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u sameeyey madaxda caalamka. Kulanka uu Farmaajo ka qeyb-galay ayaa ahaa mid guud oo Donald Trump u sameeyay dhammaan madaxda ka qeyb gashay kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee New York, maadaama dalkiisa ay ku taallo xarunta QM. Kadib kulanka ayaa Trump waxa uu sawirro mid mid ula galay dhammaan madaxdii ka qeyb-gashay oo Farmaajo uu ku jiro. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaskiisa oo la sawiran Donald Trump iyo Xaaskiisa, kaasi oo lagu baahiyey barta Facebook ee Villa Somalia. Madaxda ka qeyb gashay kulanka soo dhoweynta ah ee Trump uu sameeyey waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Kulanka Qaramada Midoobey, taasoo noqoneysa tii u horeysay oo isagoo Madaxweyne ah uu fadhiga Golaha ka jeediyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heleysa kulankii xalay magaalada New York ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee looga hadlay soo celinta xiriirka labada dal iyo muranka badda. Kulankaas oo uu soo agaasimay madaxweynaha Masar, Abdifatah Al-Sisi oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa yimid xilli ay Soomaaliya horey uga diiday ururka Midowga Afrika in kiiska badda looga hadlo meel aan ahayn maxkamadda caalamiga ah. Si kastaba kulanka ayaa lagu soo qaaday arirmaha badda, balse Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweynaha ku adkeystay in labada dal ay kiiska badda u daayaan maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, balse laga heshiiyo arrimaha kale, taasi oo la isku raacay. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in markii kulanka uu furmay, in shuruudda koowaad ee madaxweyne Farmaajo hordhigay Kenyatta ay ahayd in marka hore Kenya ay faraha kala baxdo arrinta Jubaland, islamarkaana meesha ka saarto Axmed Madoobe, kadibna madaxweyne uu u furan yahay inuu wada-hadal ka galo arrinta badda. Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu ka meer-meeray, islamarkaana Farmaajo u sheegay in kiiska Axmed Madoobe uusan u fududeyn sida la moodo, uuna saameyn xooggan ku leeyahay gudaha dalka Kenya, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan wafdiga la socda madaxweynaha Waxyaabaha walaaca uu ka muujiyey Kenyatta ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe ay taageerayaan siyaasiyiin awood ku leh siyaasadda Kenya oo ku beel ah, ayna adag tahay inuu qaato go’aan ka dhan ah Axmed Madoobe. Si kastaba Kenyatta ayaa ogolaaday in guddiga ay isku raaceen labada dal in la dhiso, ay kasoo talo bixiyaan arrintan. Ma cadda in Farmaajo ogolaan doono inuu wada-xaajood ku dhameeyo muranka badda, haddii Kenyatta ogolaado rabitaankiisa ah in Axmed Madoobe meesha laga saaro, hase yeeshee xubno wafdigiisa ka mid ah oo kulanka fadhiyey ayaa Caasimada Online u sheegeen inay la-yaabeen in madaxweynaha uu kiiska badda ku xiro dagaalka uu kula jiro Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyneyso weerar ay AlShabaab maalmo kahor ku qaadey degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gaashaanle Sarre, Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha Maxkamadda, oo kormeer ku tegay tuuladaas ayaa shaaca ka qaade ka qaaday in ay baarayaan hadii weerarku yimid dayac iyo cidda mas’uuliyadda leh. Xarakadda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarkaas, waxayna tilmaamtay in ay ku furatay saanad ciidan iyo gaadiid. Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa dhankiisa wuxuu ku adkeystay in ciidanka ay iska caabiyeen gulufkaas. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/10000000_135749477737879_650083447547000755_n.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-25092019.mp3 View the full article
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Khilaafkii u dhexeeyay imaaraadka Carabta iyo Puntland ayaa u muuqda mid la xaliyay kadib markii Puntland ay ogolaatay inay fuliso dalabyo ay wadatay Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadka ay ballan-qaadeen mashaariic dhowr ah. Waxyaabaha Imaaaraadka Carabta ku guuleysteen waxaa ka mid ah in sarkaal ay aad isugu dhow yihiin loo magacaabo Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Jeyte, waana xubin firfricoon oo aad ugu dhow sirdoonka Imaaraadka ee Soomaaliya. Dikreetko ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Mukhtaar Jeyte loogu magacaabay agaasimaha nabad sugida 20-kii bishaan, iyada oo la shaaciyay 22-kii bisha, taas oo kalsooni gelisay Imaaraadka. Puntland ayaa sidoo kale ogolaatay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo maamulkiisa iyo amaankiisa shirkad ay mas’uul ka yihiin Imaaraadka Carabta, ayada oo Imaaraadkana ay maal-gelinayaan mashruuc lagu ballaarinayo garoonkaas. Magaalada Boosaaso, waxaa ku sugnaa labadii Berri ee u dambeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo daba joogay fulinta dhammaan qodobada ay daneynayaan. Xubno ka soo jeeda qoyska Madaxweyne Deni oo lagu kala magacaabo Xasan Deni, Mahad Deni iyo Cabdi Rabi ayaa si weyn gadaal uga riixaya fullinta qorshaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay Puntland. Imaaraadka Carabta ayaa faragelin toos ah ku heyso Soomaaliya, waxayna heshiisyo aan sharci aheyn la gashaa Maamul Goboleedyada iyadoo aysan ka war heyn Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Popular Contributors
