Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) -Three people were killed separately in Mogadishu’s Waberi district Wednesday night under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
  2. Ankara (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa dib u eegaya qorshooyinka ah in la daadgureeyo illaa 50 bambaanooyin oo Nukliyeer ah oo muddo dheer lagu keydinayey Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Turkiga ka dib howlgalka militari ee Ankara ee waqooyiga Syria, sida lagu sheegay warbixin. Saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta Mareykanka ayaa maalma ka hor waxay ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan sida uu daabacay Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa biloway inay ka fakarto waxa laga sameenayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga kadib markii laba dowladood uu soo kala dhex galay mugdi. Hubkaas Mareykanka u yaalo dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan oo diiday inuu Mareykanka la baxo hubkiisa halkaas yaalo. Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya. Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn. Dhanka kale Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xadka Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”. Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya. Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”. Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada. Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka. Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa. Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  4. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Maxamed axmed oo hogaaminaya xubno ka tirsan Guddig jogtada ah ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta dib ugu soo Laabtay Magaalada Garowe Kadib mudda Saddex Bari oo ay safar ugu maqnaayeen waddanka Uganda. Safarka Guddoomiyaha iyo xildhibaannada weheliyay ayaa ku saabsana Tababar iyo aqoon iswaydraasi la xiriira Arrimaha Golayaasha Xeer-dejinta kaasi ay uga qeyb-galeen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Dhoobo ayaa ka warbixiyay aqoon kororsi dalka Ugandha ugusoo dhamaaday xubno ka socday Baarlamanka Puntland iyo kuwa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. “Aqoon kororsigu wuxuu ku saabsanaa habka Baarlamanku shaqadiisa u gudanayo ama korjoogtaynta ha noqoto ama matalaadda ha noqoto iyo xiriirada Baarlamaannada kale lala yeelanayo” ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo. Hoos ka daawo muuqalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  5. Nairobi (SMN) – Siyaasiyiinta dalka Kenya ayaa ku tartarsiiyey madaxweynaha wadankaas, Uhuru Kenyatta in uu ciidamadooda ka saaro Soomaaliya. Boni Khalwale, oo kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan Kenya horeyna u soo noqday Xildhibaan, ayaa baaqan u jeediyay Kenyatta. Waxaa uu soo jeediyay in Ciidamada difaaca Kenya ay muddo 8 Sano ah ku jiraan gudaha Soomaaliya islamarkaana sababihii ay u galeen aan wax natiijo ah laga gaarin. Ciidamada Kenya oo Soomaaliya si sharci darro ku soo galay 2011kii ayaa laba sano kaddib qeyb ka mid ah lagu daray AMISOM halka inta kale ay wali ku jiraan gudaha dalka. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa nan hagaagsaneyn waxayna ka dambeysay markii ay Nairobi jebisay amar kasoo baxay dowladda oo ku aadan socdaalka Kismaayo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Kenyatta.mp3 View the full article
  6. Beledxaawo (Caasimada Online) – Ilaa 3 qof oo kamid ah ganacsatada ugu caansan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa loo xiray kiiska Cabdirashiid Janan, waxaana xarigga raggan ka dambeeyay Taliska Ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobalka Gedo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka. Dadka la xiray ayaa ka soo jeeda heybta Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xarigooda amray taliyaha nabad sugidda Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Xasan Deer, kuna heyb ah wasiirka amniga Jubbaland. Dadka la xiray ee 3-da qof ah ayaa 2 kamid ah waxay kala heesteen shirkado ka shaqeeya biya gelinta Beladxaawo iyo Shirkad dhismooyinka qaabilsan. Shirkadaha iyo ganacsiga ragaan kuma koobna oo kaliya Beladxaawo balse waxay caan sidoo kale ka yihiin Gedo waxaana ka shaqeeyo shirkado ay leeyihiin. Xarigga masuuliyiintaan oo si wayn looga dareemay Gedo ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh talihii ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Gedo, sidoo kalane mar kamid noqday Baarlamaankii 8-aad ee dalka Jamaal Xasan Faree iyo Guddoomiyaha Haweenka Beladxaawo Canab Kululi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobalka. Ehellada dadka xiran oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay jiraan dad kale oo ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya oo ku xiran degmada Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo isugu jira cuqaal iyo aqoonyahaano reer Gedo ah. Guud ahaan gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay aad looga dareemaya arrintaan waxaana isa soo taraya baaqa iyo qayla dhaanta dhaqanka gobalka Gedo taas oo ku saabsan in aan qabiil lagu saleynin Xarigga Wasiir Janan oo u xiran dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana noo suurta gelin xariiro aan la sameynay hay’adaha amaanka Jubbaland iyo kuwa maamulka Gedo si aan wax uga waydiino xiisada gobalka ka taagan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Gabadh Soomaali ah oo ka mid noqotay 100 haweenka BBC ee 2019-ka Jawaahir Rooble waxay noqotay gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo noqotay garsoore kubadda cagta ah. Jawaahir marka ay ciyaaraha dhexdhexaadineyso waxay ku labisataa dhar xijaaban. Markii ay Ingiriiska timid iyadoo 10 jir ah, waxay aragtay in kubadda cagta ay tahay xirfaddii ay ku hamineysay , taasina waxay u horseeday inay noqoto garsoore kubadda cagta ah. Hadda waxay barata climiga garsoorka kubadda cagta iyo maamulka, waxay ku rajo weyn tahay in shahaadada koowaad ee jaamacadda ay dhameyso sannadka 2020-ka. Qaran News
  8. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo kala duwan ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay markii shalay xarunta gobolka Mudug qarax Miino lagula eegtay taliyihii saldhiga bartamaha. Taliyaha ayaa ka badbaaday falkaas oo ka dhex-dhacay hoygiisa. Lama soo warin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas. Xoogaga maamul goboleedkaas ayaa howlgaladooda waxay sheegeen in ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay weerarkaas. Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa kala maamula Puntland oo dhanka waqooyi ah iyo Galmudug oo dhanka koonfur ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Amni.mp3 View the full article
  9. Muslimiin ku guda jiray gudashada Cumrada oo ku dhintay Shil Goobta uu shilka ka dhacay 35 qof oo ajnabi ah ayaa ku dintay afar kalana way ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay meel u dhaw magaalada barakeysan ee Madiina ee dalka Sacuudiga. Baska ayaa waxa uu ku dhacay gaari ah nooca qaada xamuulka goobta lagu magacaabo xarunta al-Akhal Centre. Shilkan wuxuu dhacay shalay ,sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Rakaabka saarnaa Baska ayaa isugu jiray Carab iyo dad ka soo jeedia Aasiya oo ka soo safray magaalada Madiina kuna sii jeeday magaalada Makka halkaasi oo ay ku soo cumreysan rabeen. Ma kala cadda ilaa iyo imika dalalka ay u kala dhasheen ,balse rai’sul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay “in uu aad uga naxay” warkaasi. Barasaabka gobolka Madiina Faisal bin Salman Al Sacuud, ayaa sidoo kale ka tacsiiyeeyay geerida ka dhalatay shilkaasi. 5 qof oo ka badbaaday shilka ayaa loo qaaday isbataalka al-Hamna ee magaalada Madiina islamarkana waxay xukuumadda Sacuudiga bilawday baaritaano. Sawiro lagu daabacay warbaahinta gudaha Sacudiga ayaa muujinaya gaariga Baska oo gubtay islamarka daaqadaha ay burbureen. Wargeyska Okaz ayaa ku waramay in rakaabka Baskaasi ay gudanayeen cumrada. Qaran News
  10. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay safiir cusub u magacowday dalka Koonfur Afrika, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay. Danjiraha cusub, Maxamed Cali Nabadoonka ayaa wuxuu bedelayaa Jamaal Maxamed Barow kaasoo in muddo ah xafiiska joogay. Nabadoonka ayaa wuxuu ku xigeeno u soo noqday Mr Barow iyo Sayid Shariif, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey South Africa. Si lamid ah, Mr Nabadoonka ayaa wuxuu mar soo noqday qunsulkii Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ah dal muhiim u ah xiriirka arrimaha dibadda ee dalkeena. Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo ku haysta ganacsiyo kala duwan, kuwaas oo la kulmay dilal iyo boob hantiyadeed. Isbedelka ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda federaalka ah ayaa dhowaan shaaca ka qaadey in ay dhisme u iibineyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatuma State ee ku biiray Somaliland islamarkaana ka dhisnaa gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkiisa. Caasimada Online ayaa ogaatay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Cali Khaliif Galyr oo maalmo ku sugan caasiamda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaal uu uga yimid dalka Itoobiya. Madaxweynihii Khaatuma State Mr Cali Khaliif Galyr ayaa magaalada Muqdisho u yimid sababo caafimaad kadib xanuun uu dareemay, ayada oo ay qoyskiisa kula taliyeen in uu aado Muqdisho si loo daaweeyo. Ehallada Mr Galayr ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku jiro Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho islamarkaana laga daaweynayo kiliyada, sidoo kalane lagu sameynayo baaritaano caafimaad. Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa warar sheegaya in Cali Khaliif Galayr uu u yimid Muqdisho marti-qaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana loo adeegsan doono kicin dadweyne oo ka bilaawda gobaladii Khaatuma State ee ku biiray Somaliland kadib markii ay la heshiiyeen hogaaankii Madaxweyne Siilaanyo, balse taas ma muuqato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidammada Qalabka Sida. Xubnahan ayaa waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, marxuum Cabdirashiid Cusmaan Carab. Carab oo uu la dhintay sarkaal kale oo gaariga la saarnaa ayaa waxaa la qarxiyey bishii April ee sanadkan 2019. Weerarkaas waxaa dusha saaratay xarakada Al-Shabaab oo baraheeda Internet-ka ku baahisay. Qaraxaas ayaa dhaliyey tuhuno kala duwan, waxaana ay sababtay in lasoo xiro labaddan ruux kadib baaritaano qoto dheer. Dhageysiga kiiskooda ayaa socon doona maalmaha soo aadan, waxaana lagu wadaa in kadib xukun laga soo saaro. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay warbixino iyo caddeymaha, kuwaas oo kiiska horey u sii wadaya loona baahan yahay fadhiyo kale oo lagu dhageysto dhinacyadda ay ka dhaxeysa dooda galkan. View the full article
  13. Beled-xaawo (SMN) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu waramayaa in ay magaaladda Beled-xaawo ku afduubteen laba shaqsi. Laba qof oo ganacsato ah ayna kala baxeen hoygooda ayaa waxaa la sheegayaa in qaraabo dhow yihiin madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha afduubka geystay ayaa waxaa la sheegayaa in ay kasoo jeeda Beesha Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland. Janan oo Muqdisho ku xiran ayaa waxaa loo haystaa in uu geystay dilal, waxaana si rasmi ah u bilaabatay maxkamadeyntiisa. Illo wareedyo ayaaa sheegaya in saraakiisha afduubka geystay ay shuruud kaga dhigeen sii deynta ganacsatadda in xorriyadiisa uu helo Janan. “Janan wuxuu xiran yahay Farmaajo,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha oo ku dhaqaaqay fal ku cusub guud ahaan dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Afduub.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-17102019.mp3 View the full article
  15. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha qashinka ku riday waraaq uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Warqadaan uu Erdogan qashinka ku riday ayaa waxaa la qoray markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Suuriya oo ku beegneyd 9-ka Bishaan October. Madaxweyne Trump ayaa Erdogan u sheegay inuusan is adkeyn oo uusan noqon doqon “Ha is adkeynin. Doqon Ha noqon “. Illo wareedyo u dhow madaxtooyada Ankara ayaa BBC u sheegay inuu Erdogan iska diiday waraaqdii uga timid Trump. Waxaa xusid mudan in Maalintii uu Trump waraaqda usoo diray Erdogan inay Ciidamada Turkiga bilaabeen howlgalkooda ka socdo gudaha dalka Siiriya. Waraaqda uu Trump usoo diray Madaxweynaha Turkiga ayaa u qorneyd sidaan: “Heshiis fiican Aan ka wada shaqeyno! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga , Waana sameyn doonaa”. “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.” “ Waana kusoo wici doonaa” ayuu kuso gabagabeeyey Trump waraaqda uu u qoray dhigiisa Turkiga. Madaxweyne Trump ayaa la kulmay dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Siiriya taasoo la sheegay inay Turkiga fursad u siisay howlgalkooda ka socdo Siiriya. Dhaleeceynta ugu badan ayaa wuxuu Trump kala kulmaya Xisbigiisa. Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Xuska Maalinta Shuhadada SNM Oo Si Weyn Looga Xusay Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in uu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota ee 2021. Shariif Sheikh Aadan, oo haatan ah siyaasi madax bananan tan iyo markuu xilka ka dagay, ayaa wareysi uu siiyay Jubbaland Tv, wuxuu ku sheegay in dalka aysan xilligaan ka dhici karin doorasho dadweyne. Wuxuu sheegay madaxda dowladda federalka in aysan waxba ka qaban amniga iyo dastuurka oo ahaa tilaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah. Shariifku wuxuu soo jeediyay in hadda heshiis la isku raacsan yahay laga gaaro sida ay noqonayso doorashada soo socota. Wuxuu isagu xal u arkaa doorashooyinkii dadbanaa in dib loogu laabto. Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka u dhaliisan xukuumada Villa Soomaaliya. HALKAAN KA DAAWO PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo ka hadlay damaciisa doorashada 2021 appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT- Ras al-Ain)-Ciidamada Turkiga iyo xulufadooda Suuriya ayaa qabsaday dhul badan oo ka mid ah magaalada muhiimka ah ee Ras al-Ain, halkaasi oo dagaal-yahannada Kurdiyiinta ay iska cabin xoogan ka sameynayeen, waxaa sidaas sheegtay hay’ad la socota dagaallada Suuriya. “Duqeyn xooggan ayaa ku socotay Ras al-Ain saddexdii maalmood ee tagay,” waxaa sidaas yidhi Rami Abdel Rahman oo ah madaxa hay’adda fadhigeedu yahay Britain ee la socoshada xuquuqda aadanaha Suuriya. Ciidammada Turkiga iyo dagaal-yahannada ay taageerayaan ee Carabta iyo Turkmen-ka Suuriya ayaa “la wareegay kala bar magaalada Ras al-Ain, sida uu sheegay Rami. Ciidamada Kuridiyiinta ay hogaamiyaan ee koxoda SDF, oo ay ka awood badiyeen ciidammada Turkiga ee dhulka iyo cirka ayaa lumiyey dhul ballaadhan oo ku teedsan xuduudda Turkiga, tan iyo markii hawl-galka uu billowday 9-kii October. Hase yeeshee, waxay daafac xooggan ka galeen magaalada Ras al-Ain, ayaga oo dhistay aagag dhulka hoostiisa ah oo adag, taasi oo awood u siisay in muddo toddobaad ah ay iska caabiyaan ciidamada Turkiga hoggaaminayo. Si kastaba, iska caabintaas ayaa qarka u saaran inay soo geba gebowdo, ayada oo maanta ay ciidamada Turkiga gacanta ku hayaan bar ka mid ah magaalada. Source
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Howlgalloa ballaaran oo socday muddo laba maalmood ah ayaa si wanaagsan ugu qabsoomay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada booliiska dowladda HirShabelle State. Ciidamada ayaa ka billaabay howlgalka labada maalmood socday tuulooyinka hoos yimaada caasimadda HirShabelle State ee Jowhar illaa tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad. “Sida aad ka war qabtaan dhawaanahaan kooxaha Kawaarijta ayaa kasoo hayaamay gulufkii dagaalka oo ay ku qaadeen ciidamada xoogga dalka qaybahooda kala duwan, taasoo sababtay in ay soo aadaan goblka Shabellaha Dhexe” waxaa sidaas yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey oo la-taliyaha dhinaca warbaahinta madaxweynaha HirShabelle. Muudeey ayaa sheegay in dowladda federaaalka aysan la iman qorshe dhameystiran oo loogu talo-galay labada Shabelle oo cadaaladeysneeyn, taasoo sababtay in Shabaabkii ka cararay Shabeellaha Hoose ay fursad u helaan in ay gaaraan gobalka Shabellaha Dhexe, taasina ay tahay ayaan darrada keentay in Shabellaha Dhexe oo daris la ah Shabellaha Hoose ay ku bataan weerarada Al-Shabaab. Taliyaha guud ee ciidamada booliiska dowladda HirShabelle State Colonel Xasan Dhicisoow iyo gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Ahmed Meyre Makaraan ayaa hoggaaminayey howlgallada qaadtay labada maalmood ee ka socda dhammaan tuulooyinka u dhaxeeya caasimadda HirShabelle State ee Jowhar iyo Balcad. Waxaa howlgallada lagu soo qab qabtay qaar ka mid maleeshiyada Al-Shabaab oo gaaraya tobaneeyo, sida uu sheegay Muudey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com