Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed C/casiis Maxamed Laftagareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed u magacaabey maamul cusub. Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dowlad gobaleedka looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in markii Madaxweynuhu uu arkay baahida loo qabo in degmada Beydhabo ay hesho maamul cusub oo dardargelin kara howlaha balaaran ee socda, ayuu gartay inuu u soo magacaabo maamul cusub. Madaxweynaha ayaana sheegay markii uu arkay kartidooda iyo khibradda ay u leeyihiin shaqadaan in uu u magacaabay isaga oona kula dardaarmay in su hufan ay uga soo dhalaalaan shaqada loo igmaday. Xasan Macali Axned guddoomiyaha degabamada Baydhabo, Isxaaq Maxamed Cali goddoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo, Cabdifitaax Cali Mursal guddoomiye ku-xigeenka maalika iyo maaliyadda Cabdulqaadir Cali Xasan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha. Mukhtaar Sharmaake Cali Xoghayaha dowladda hoose ee Koonfur galbeed Sidoo kale Madaxweyme Cabdicasiis Laftagareen ayaa shacabka degmada Baydhabo ugu baaqay in si dhow ay u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo dhisay degmada Baydhabo ee gobalka Baay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. The IFJ was at the UN Human Rights Council's 42nd session in Geneva this week. Together with its affiliate the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) the federation addressed the situation of journalists in Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka gudbaan khilaafyada, kana wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaan hanaanka siyaasadda dalka, loo xoojin lahaa dadaallada dib u heshiisiinta qaranka, loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa, sare loogu qaadi xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha aas-aasiga. Qatar ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay mideeyaan dadaalladooda si ay taageero farsamo iyo mid maaliyadeed u siiyaan horumarinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso soo gaba-gebeynta iyo talooyinka ku jira warbixinta khabiirka madax banaan Bahame Tom Nyanduga uu ka diyaariyey xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in inkasta oo waxa ugu muhiimsan ee argagixisada ay beegsaneyso ay yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliya, haddana dowladda federaalka ay ku guuleysatay inay guulo dhowr ah ka gaarto arrimaha amniga, siyaasadda, bani aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha. La-taliyaha waaxda xuquuqda aadanaha ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Dr. Turki Al Mahmoud ayaa ku baaqay in la ilaaliyo guulahan, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa wejiga xiga. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in 27-ka October ay marti-gelin doonto kulanka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Soomaaliya. Dr. Turki Al Mahmoud ayaa xusay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay inay xushmeyso madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagto dadka Soomaalida, ayna sii wadi doonto taageerada ay siisso dowladda. Caasimada Online Xafiiska Doha caasimada@live.com
  4. A bomb attack that hit a vehicle carrying personnel of Turkey's Maarif Foundation in Somalian capital Mogadishu injured three people. Source: Hiiraan Online
  5. Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo & Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyinka Baardheere, Ceelwaaq & Garbahaarrey. Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata. Dadkaan oo u badan haween iyo caruur ayaa intooda badan isaga soo barakacay Deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun oo ka kala tirsan Degmooyinka Baardheere, Garbahaarrey & Beledxaawo ee Goboka Gedo, waxayna lug ku tageen magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen. Barakacayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda. Mid ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa yiri “Waxaa ka soo barakacnay nmabar koow deegaano kala duwan, anagoo ah dadwaynaha ku nool gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Deeraq, fax-faxdhuun, Daarusalaam Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar ayaa ka soo kala qaxnay. Dadkaas oo gaaraya 3000, illaa 4000 oo qoys lug ayaana ku soo galnay Baardheeere”. Hooyooyin la hadlay saxaafadda ayaa intaas ku daray “Baardheere waxaa nagu haysata guri la’aan shalay ayaa u dambsay roob ayaa da’ayey ilmihii iyo dumarkii waa la isku qoyey, bac ma leh, wax lagu seexdo ma leh, guri la galaayo ma leh, dhibkaas ayaa na haysta allaha naga bad baadiyee”. Geesta kale waxgaradka iyo odoyaasha ku dhaqan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka loola soo gaaro gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed halkaasi.
  6. Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska,Jacques Chirac ayaa ku geeriyooday da’da 86. Qoyska Jacques Chirac ayaa xaqiijiyay in subaxnimadi saaka uu geeriyooday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Jacques Chirac waxaa uu xilka madaxtinimada hayay laga bilaabo sannadkii 1995-tii ilaa 2007-dii. Waxaa sanidihii dambe loo heystay fadeexad musuq maasuq. Chirac wuxuu dhashay sannadkii 1932-kii, waa uu xannuunsanaa tan iyo markii uu xilka ka degay. Baarlamaanka Faransiiska ayaa hal daqiiqo aamusay si loo xuso geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalkaas. Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub,Jean-Claude Juncker ayaa sheegay inuu ka naxay markii uu soo gaaray warka ku saabsan geerida ku timid Jacques Chirac. Sannadkii 2003-dii, waxaa uu kasoo horjeeday duullaankii uu Mareynkanka Ciraaq. Qaran News
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in maanta dhacdo murugo leh ay ka dhacday degmada Hobyo ee gobolkaasi, kadib markii Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ay toogasho ku dishay Sayigeedii. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Geeri, kaas oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug. Wararka ayaa sheegay in dilka askarigan uu sababay khilaaf ka dhashay arrimo la xariira Qoys, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Haweeneyda dilka geysatay oo goobta ka baxsatay ayaa la sheegay in dilka marxuumka ay u adeegsatay Qoray AK47 ah oo uu isagu lahaa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hobyo iyo Galmudug oo ku aadan dilkaasi. Dhacdadan oo ah mid argagax leh ayaa waxaa haatan si aad ah looga hadal hayaa magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, iyo guud ahaan deegaanada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  8. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Safiirka, masuuliyiinta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi uga mahadceliyey soo dhowaynta ballaaran ee ay u sameeyeen isaga iyo weftigiisa. Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadandoonaa masuuliyiinta dalkaasi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga. The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  9. The World Health Organization (WHO) said it has seen a reduction in the number of cases of cholera and related deaths in Somalia since December 2017. The UN health agency in its latest report released on Thursday attributed the reduction to improved disease surveillance and case management. “The overall reduction in the number of new cholera cases is attributed to improved implementation of preventive interventions including OCV (oral cholera vaccination) and the strengthening of water, sanitation, and hygiene (WASH) activities in the hot spots,” WHO said. The Ministry of Health of Somalia announced 39 new suspected cases of cholera, with no deaths for epidemiological week 37 (9 to 15 September) in 2019. “During this period, all of the cases were reported from a total of 17 districts in Banadir region. Of the 39 cases reported during this last epidemiological week, 17 cases (44%) are children below 5 years of age,” it added. Somalia and the UN carried out a week-long immunization campaign in June using oral cholera vaccines (OCV) in high-risk districts to prevent recurring cholera outbreaks in the country, vaccinating more than 650,000 people aged one year and above. The UN health agency said cholera outbreak has been contained in the districts of Jubaland, Hirshabelle and southwest States following the implementation of oral cholera vaccination (OCV) campaigns and other health interventions in these areas. According to WHO, the country faced one of the largest outbreaks in its history in 2017 with 78,784 cases, including 1,159 deaths being reported. In 2018, Somalia saw a reduction in reported cases of cholera and related deaths, largely due to improved disease surveillance and case management, with the reported number of cases standing at 6,448, including 45 deaths. View the full article
  10. Jowhar (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Hantiwadaag degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Booliska ay ku leeyihiin halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay sheegtay in ay ku dishay labo askari, kuna dhaawacday mid kale. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay horay u sii qaateen dagaalyahannadooda hubka ay wateen askartaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. View the full article
  11. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has held constructive talks with the United Nations Secretary-General, Antonio Guterres in the New York on the sidelines of UNGA. The United Nations is playing a vital role in the establishment and strengthening of government institutions, and Farmajo hopes this collaboration will be accelerated. Farmajo and Gutteres have agreed to enhance the cooperation and support provided by the UN to Mogadishu. The UN Secretary-General commended the federal government’s security and economic reform efforts and urged it to move on from there. The meeting came to an end with understanding. The President is in the United States to attend the United Nations General Assembly, which recently opened. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka, kadib muuqaal laga soo duubay. Xasan Daahir Aweys ayaa ka jawaabay hadalladii eedeynta u badnaa ee ka soo yeeray Madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo danaha dadka iyo dalka, lagana fogaado dhaliilaha wax duminaya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/daa.mp3 View the full article
  13. Cadaado (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay labo qof oo rayid ahaa ku dileen duleedka M/Cadaado ee gobolkaasi. Labada qof ee la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Kooxda dilka geysAtay ayaa la sheegay inay wateen gawaari gaashaaman, kuwaas oo goobta isaga dhaqaaqeen dilka kadib. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan dilalka ka dhaca gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolladaasi. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan ku saabsan inuu shaqada u fasaxo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka. Guddigaan ayaa waxaa horey u kala diray Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo soo saaray waraaq. Guddoomiye Mursal ayaa shaqada u fasaxay Guddigaan oo horey loo sheegay in kala diray taasoo ay ka dhalatay muran badan. Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa dood badan ka dhax dhaliyay fadhiga Baarlamaanka sifoo kale waxay mudo maalmo walaac ah geliyeen xukuumada kadib markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq. Lama ogo haddii Guddoomiye Mursal uu arrintaan la ogyahay ku xigeenkiisa oo horey u kala diray guddigaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay agagaarka isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ahaa mid gaari lagu soo xiray, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayaa in qaraxaas ay waxyeelo ay ka soo gaartay Macalimiin Tirkiyaan ah iyo labo Soomaali ah. Ciidamoka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana caadi ku soo laabta dhaq dhaqaaqa guud ee waddadaasi oo ah mid mashquul badan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duullimaadyada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Ontario ee Dalka Kanada kaga qeyb galay shir weynaha Waddamada xubnaha ka ah hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan duullimaadyada Rayidka ah ee ICAO. Wasiirka oo uu ka qeyb galka shirkaasi ku wehliyo Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, maaddaama ay Soomaaliya saaxaadda ka maqnayd muddo dheer. “Soomaaliya runtii waxaa naloo arkayay Waddan yar oo ay ICAO xukunto, wixii saxiix ah ee looga baahda hawada Soomaaliyana hay’addaas ayaa loo mari jira, balse hadda Dowladda ayaa ahmiyadda leh” ayuu yiri Wasiirku. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Waddamada kulmayaba uu shirkani u leeyahay ahmiyad ballaaran, sida isku xirka, is barashada, is caawinaadda , heshiisyada, bixinta tababarrada iyo soo bandhigidda Technolojiyadda cusub ee ku aaddan duulista Rayidka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan xisaab xir ku aaddan dhowr iyo Labaatankii Sano ee ay hay’addani Hawada Soomaaliya ka maamulaysay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO ayaa Saddexdii Sanaba mar ka dhaca xarunta hay’adda duullimaadyada Rayidka ah ee Ontario Canada, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho tan iyo 1991-kii. Shirka ayaa la filayaa in ay ku biiraan wufuud kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Saacadaha soo socda. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacada Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-26092019.mp3 View the full article
  18. The Somali military confirmed on Thursday its forces have killed 30 al-Shabab militants and injured 40 others in an offensive in the country's Lower Shabelle region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeeyay Soomaaliya in ay oggolaato wada-hadallada ku saabsan dhul baddeedka lagu muransan yahay ee Badweynta Hindiya. Isaga oo ka hadlayey doodda shirka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, ayaa Uhuru wuxuu sheegay in Kenya ay wali ka go’an tahay dadaalkeeda nabadeed iyo xasilloonida gobolka. Uhuru ayaa sheegay in dadaalka noocan oo kale ahi yahay waxa wadamada dariska ay ku gaadhaan qorshahooda horumarineed. “Go’aanka ah in la raaco nabadda iyo amniga ayaa xudunta u ah Siyaasadda Arimaha Dibadda ee Kenya. Waan ku faraxsanahay inaa iraahdo dadaallada wadajirka ah ee lagu hormarinayo nabadda iyo amniga gobolka way sii socondoonaan illaa ay miro dhalaan,” ayuu yidhi Uhuru. “Isla dareenkaas, maamulkaygu wuxuu sii wadayaa inuu la xiriiro Soomaaliya isaga oo isku dayaya sidii uu ku heli lahaa xal waara oo loo helo muranka xudduudda badda ee inaga dhexeysa,” ayuu yidhi. Uhuru wuxuu sheegay in Axdiga Qaramada Midoobay in uu mudnaanta siinayo isticmaalida gorgortanka oo ah habka ugu door bidida xallinta khilaafaadka. Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in lagu kala bixidoono maxkamada cadaalada aduunka, si xal buuxa looga gaaro muranka badda ee labada dal. Puntland Post The post Madaxweyne Uhuru Kenyatta: Soomaaliya waa in ay wada hadal ka gasho muranka badda. appeared first on Puntland Post.
  20. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay magaalada New York, oo ah goobta uu ka socdo shirka Golaha Guud ee QM. Kulankan ayaa waxa fududeeyey madaxweynaha Masar Cabdifataax Asiisi, oo hadda haya xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika. Villa Somalia ayaa sheegtay in kulankaas “la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.” Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan.” Haddaba, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa idaacadda VOA-da waxa uu faah-faahin ka siiyey kulankii labada madaxweyne iyo waxyaabaha uu madaxweyne Farmaajo kusoo qaadayo khudbadiisa QM. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/32111517-1d24-40d4-99ff-4452fb1ed980_48k.mp3 Xigasho: VOA
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso maamulkiisa lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta. Inkastoo madaxweynuhu sheegin magaca shirkadaan, hadana wuxuu kalsooni weyn ka muujiyay in shirkaddani ay dhaqaale xoogan ku maalgalin doonto madaarka Boosaaso islamarkaana suurto galindoonto in duulimaadyo casri ah ay kusoo xirtaan Puntland. Madaxweyne Deni waxaa uu dhanka kale difaacay go’aanka ay ku wareejiyeen maamulka madaarka Boosaaso, isaga oo sheegay dalku inuu u baahan yahay maalgashi uu ku horumaro meel kasta haka yimaadee. “Haddii aan dalka shirkaddo lagu wareejin ma sidaan ayaa la ahaanayaa? mala hayaa dad Soomaaliyeed oo maalgashanaya? Looma baahna in la iska hadlo, dalkaan masuuliyad ayaa iga saaran horumarkiisa,” ayuu yidhi madaxweynuhu. Ma caddayn madaxweynuhu muddada ay shirkaddaan maamuli doonto madaarka Bosaso iyo goorta ay si rasmi ah u bilaabi doonto maalgalinteeda. Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo aan weli la bilaabin maalgalintii lagu sameyn lahaa dekeda Boosaaso oo ay haatan maamusho shirkada DP-World. Dad badan ayaa dhaliilsan in Emaratka gacanta loo galiyo madaarka Bosaso, inkastoo dowladdu ku andacootay maalgalintii Imaaraatku ku sameyn lahaa dekeda Bosaso inay dib u dhigtay dilka loo geystay agaasimihii dekeda Bosaso ee DP-World, Paul Farmosa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si adag u difaacay go’aanka ay ku wareejiyeen madaarka Bosaso appeared first on Puntland Post.