Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Sherin Helal, oo ah Marwo khabiirad ah oo ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka Masar, isla markaana taxliilisa arrimaha qaarada Afrika, ayaa todobaadkan waxay si gaar uga hadashay guulo siyaasadeed oo ay sheegtay inay Somaliland ku soo kordhisay qaarada Afrika. Marwo Helal ayaa sheegtay in Somaliland ay guul la taaban karo ka gaadhay hanaanka dimuquraadiyadeed ee deegaanadeeda, iyadoona ka dhawaajisay habkii ay xilka iskugu wareejiyeen Madaxweynayaashii ku kala dambeeyay talada Somaliland. Helal ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Somaliland aysan weli helin aqoonsi caalami ah, balse ay leedahay dhamaan shuruudihii looga baahna dal madax banaan oo awood u leh inuu bixiyo xuquuqaha aasaasiga ah. Sherin Helal ayaa qormadeedan oo ay cinwaan uga dhigtay ‘Tusaalayaasha siyaasadeed ee Afrika’ ayaa aheyd mid dheer oo ay ku daabacday wargeyska caanka ah ee Al-Ahraam, iyadoo ku qorneyd luuqada Ingiriiska, balse aynu soo turjumnay. Hoos ka aqriso qormada Sherin Helal oo dhameystiran: “Guusha ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland ee goonida u goosatay iyo tusaalayaal kale waxay muujinayaan gaabiska hab fekerka siyaasadeed ee reer Galbeedku ka qabaan Afrika. Halka ay Soomaaliya ka tahay dal Afrikaan ah oo ku caan baxay inay tahay tusaalaha ugu cad ee dal fashilmay iyo goobta dagaal ee ugu wayn qaaradda, dhinaca kale waxa u suurtagashay inay soo bandhigto qaab lagu dayan karo oo ah Jamhuuriyadda Somaliland ee is xukunta ee ku taal dhinaca woqooyi. Aqoonsi caalami ah may helin, balse waxaay leedahay dhamaan shuruudaha dal awood u leh inuu bixiyo xuquuqaha aasaasiga u ah nolosha iyo wada jirka. Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag. Haseyeshee, tan iyo intii ay ku dhawaaqday madax-banaanida 1991kii, Somaliland waxaay ku shaqaynaysay nidaam maamul iyo mid siyaasadeed oo madax-banaan. Waxaay ku maamushaa xuduudeheeda bad iyo dhul ciidankeedaa qaran booliiska iyo hay’adaha amni. Iyada oo shacabkeedu yahay 3.5 milyan, waxaay xidhiidho aan rasmi ahayn la leedahay dawlado badan oo ergooyin u soo dira caasimadda, Hargeysa. Itoobiya waxaay ku leedahay xafiisyo ganacsi Hargeysa, islamarkaana xidhiidhka labada dal waa mid meel heer sare ah jooga. Itoobiya waxaay sidoo kale ka samaysay tiro cusbitalo ah goobaha meeqaamka gaarka ah u leh ururada gobol iyo kuwa caalamiga ah. Dalkan cusubi wuxuu ka dhashay isutanaasul siyaasadeed iyo mid qabiileed oo ay gaadheen dadka kuwada nooli, islamarkaana hogaamiyayaasha qabiiladu door muhiim ah ayay ku leeyihiin in laga hortago dagaalo qabiileed inay dhacaan. Inkasta oo aan dalna si rasmi ah u aqoonsanayn, hadana Somaliland waxaay leedahay baasaboor u gaar ah oo dadkeedu ku tagaan dhawr dal, haseyeeshee dadka badankiisu wuxuu ku safraa baasabooro dalal shisheeye. Somaliland qayb ayay ka heshaa deeqaha loo qoondeeyo Somaliya, waxaayna ku leedahay wakiilo dalal dhawr ah. Si ku duwan dalalka ku hareeraysan, waxaay ku guulaysatay in si nabad ah awoodda la isugu wareejiyo. Dhamaan madaxwaynayaasheedu waxaay awoodda ku wareejiyeen kuwa ka danbeeyey doorasho markay dhacday kadib. Dumarka waxa loo diyaariyay inay wakiilo ku yeeshaan Baarlamaanka oo waxa taas xoojisay kooto dastuurka ku astaysan oo dhan 30% kuraasta. Midkoodna warbixinada Qaramada Midoobay ee doorashooyinka iyo warbixinada UNDP ee xuquuqal insaanka ma diiwaangelin tacadiyo waa wayn oo ka dhacay Somaliland, gaar ahaan marka la barbar dhigo xadigga tacadiyada ka dhaca Muqdisho. Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya wuxuu socdaa tobanaan sanadood, iyada oo intuu socday lagu sameeyey farogelino ciidan, kuwaas oo ka bilaabmay kii Maraykanka oo ay ka danbeeyeen kuwa ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo wadamada IGAD ee Geeska Afrika. Qadiyadda Soomaaliya waa mid dhif iyo naadir la arko, waxaana ka dhashay su’aalo in jawaabo loo helaa ay qaadan karto sanado badan. Waa fagaare ay ku barataamaan [wadamada] gobolka iyo caalamka oo u furan siyaasad, dagaal, dhaqaale iyo xitaa waxbarasho iyo sahamin [khayraad] taas oo dalal caalami ahi ay ku yeesheen cid u joogta iyaga oo wata ciidankooda, qalabkooda si ay u saameeyaan gobolka. Laga soo bilaabo quwadaha waawayn sida Maraykanka ilaa dalalka Gacanka Carbeed sida Imaaraadka Carabta, quwado shisheeye ayaa farogelin ku hayay gobolka iyaga oo isticmaalaya lacag ama farogelin ciidan oo ay ku sameeyaan dagaalada. Xitaa Turkiga ayaa qaatay go’aanka ah inuu cago dhigto [gobolka] taas oo u saamaxaysa inuu ku yeesho saamayn u muuqata inay tahay mid dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba imbaradooriyad ah. Quwado aad u tiro yar ayaa ka maqan goobta, taas oo ka dhigaysa wax adag in meel la isugu keeno si dib u heshiisiin loo gaadho. Duruufaha iyo sababaha kala duwa dalalku ku jiraan ma sharaxayso maqnaanshaha aqoonsi caalami ah marka loo eego meeqaamka siyaasadeed ee dalku hada ku sugan yahay. Ma sadaalin karno goorta aqoonsigu uu iman doono, sidoo kale wuxu noqon karaa mid soo dhaqsada oo aan raagin. Haseyeeshee, maqnaanshaha aqoonsigu wuxuu ku cadaadinayaa Muqdisho inay aqbasho danaha siyaasdeed iyo dhaqaale ee quwadaha caalamiga ahi ay leeyihiin. Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag. Qadiyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay nidaam u gaar ah oo xasilooni siyaasadeed iyo dhaqaale ah taas oo ilaa xad balaadhan gaadhsiisan, islamarkaana ka duwan dimoqraadiyadaha soo jireenka ah, haday tahay midda isu tanaasulka ku dhisan iyo ta kawada qayb qaadashada ku dhisan ba. Tani waxaay dhacday iyada oo jilayaasha siyassadeed ay uga tageen riyada wayn ee Somaliland inay ku dhex dhacdo rabitaanka kooxo qoomiyado ku dhisan iyo rabitaanka quwadaha caalamiga ah. Qadiyadda kale ee kor ku xusani waa ta Rwanda oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan kor u kacday, iyada uu mudo rubuc qarni ah xukumayay hal nin oo dikteytar ah. Reer Galbeedku way mahadiyaan tusalaasha iyo tilmaamaha Rwanda ee loo naqshadeeyey inay cabiraan dimoqraadiyadda iyo xasiloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale iyo dad. Qadiyada u danbaysa waa Morocco oo ah boqortooyo lagu tilmaamay inay tahay nidaam isku dhamaystiran, balse waa shacabka reer Morocco kuwa kursiga ku haya boqorka ee diidan farogelinta reer Galbeedka halka ay ka qayb qadanayaan si togan nidaamyada siyasadeed ee dalka. Marka la eego arimaha siyaasadeed, waxaynu u baahanahay inaynu diyaar u noqono inay ixtiraamno nidaamyada siyaasadeed ee Afrika oo aynu qiimayn ugu samayno inaga oo ka duulayna duruufohooda u gaarka ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Qormadan waxaan ku dul istaagaynaa marxalada siyaasadeed ee Dalku maanta marayo, is riix riixa iyo laacdanka siyaasiyiinta, khilaaf ka madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer federaal guud ahaan, gaar ahaana muranka jubaland iyo Dowlada dhexe kataagan. Nin kastaaba wuxuu isku taxalujinayaa inuu tiisa meel mariyo, kan kasoo horjeedana uusan wax dabac ah umuujin, waana sababta ay ugu muuqato in lagu kala adkaado siyaasada mooyee in albaabadii kale xidhmeen. Malahayga waxay maraysaa halkii qaryaan Dhoodaan jacbur kiisii kayidhi, “Bajeelo iyo dad badan baa magaalada xanaaq jaad la’iibsadaye, Basaskii Hargaysa iyo tagsigu waysu dudayaane, haddaan Dowladaa hoose iyo boolis kala gaadhin, qumanta iyo xaraash laha mid baa ooda loorogi.” Waa sida ay utaalee Dowlada dhexe iyo Dowlad goboleedyada qaybtooda siyaasad ahaan kasoo horjeeda midkood umbaa goreygu ka hadaafi doonaa, hadaan xalkale imanin. YAA GARLEH? YAASE GAFEY? 1 – (AWLADA DHEXE LAYAAB MALEH: Oo Waxaa la arki jiray Dowlad kastaaba inay Goboladeeda hogaamiso iyaguna ay adeecaan xitaa hadii aragti ahaan lagu kala duwanyahay. Markasta waxaan nidhaahnaa ama ku ducaysanaa Rabiyoow Qaran Soomaaliyeed oo xoog badan nasii! Hadaba waxaan dadka Soomaaliyeed xusuusinayaa qaranka aan Alle waydiisanayno wuxuu noqon doonaa mid xuduudihiisa iyo goboladiisa gacanta kuhaya, goboladuna waxay noqondoonaan kuwo fuliya adeeg bulsho iyo siyaasada Qaranka. Taas in si dhibyar loohelana ma fududa waxayna ubaahantahay isbadal xigmad ku dhisan. Isbadal kuna wuxuu leeyahay cidiyo dhaadheer oo uu wax ku xagto, kuna xanuujiyo. Sida ii muuqatana waatan malaha Dawlada Federaalku ku fakarayso inay madax D.G oo ugu yaraan taabaacsan ay hirgaliso bal xuduudo iyo ciidan xoog halagaadhee. Inay hawshaasi DF ka go’antahayna waxaa muujinaya magacii ” GABRE waxaa badalay GAREEN.” 2 – DAWLAD-GOBALEEDYADA LAYAABI MAAYO: Oo waxay arki jireen iyagoo umadax banaan hawlahooda oo dhan dibad iyo gudaba. Waxa ay ka gadoodsanyihiina waa xeebtoodii oo lagusoo kubaareeyey iyo dhaqankii siyaasada oo isbadalay. Waxaase haboon inay aqbalaan isbadalka, oo cidi xoog kuma muquuninaysee ay doorashooyin hufan qabtaan, markaa ama dib haloosoo doorto ama halaga guulaysto. 3 – JUBBALAND: Jubaland xaaladeedu waa Alle usiciid, waxa haatan ka jirana waa dawdhaaf siyaasadeed iyo caqligii shacabka soomaaliyeed oo lagu ciyaarayo.Waxaan odhan karaa waa dhaantadii saddeleyda la odhan jiray, saddex madaxwayne, saddex baarlamaan iyo saddex xukuumad: Maxay saas wax u noqdeen iswaydiin mayno oo waan ogayn heerarkii aysoo martay iyo sida wax u socdeen hadaba. 4 – MUDANE AXMED ISLAAM LAYAABI MAAYO: Oo wuxuu arki jiray doorasho aan lala tartamin intuu ku soobaxo, oo cidii markaa ay is hayaan natiijada qaadacdo, xoogaa is jiijiid ah ka dib, war bal halaysaga daayo layidhaahdo. Maantana matiibaa? Waxaase haboon istiraatijiyadaas inuusan mar saddexaad, 8 sano kadib, 2019 miiska la imanin. Hadii uu doorasho hufan qabto ama tanaasulo laba gooraba Waxaa sharaf iyo sumcad ugu filayd inuu ahaa ninkii maamulkan dhidibada u taagay ee aas-aasay. hadana wiyishu qaskii meel lama tagine waxaan kutalinaynaa mudane madaxwayne Dubnadda inoo baandhee oo doorasho loo dhanyahay qabo. 5 – SEERAAR IYO XIDIGNA LAYAAB MALEH: Lama yaabayo oo waxay arki jireen wax lawada leeyahay oo laga wada tashado, hadii laga wadatashan waayana ninba xeeshii tashado. LAYAABIMAAYO OO NINBA SIDUU ARKI JIRAY BAA LASAXSAN. Qalinkii: Cabdisalaam Malow: Agaasinkii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Laanta Jubaland. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Professor Hassan Keynan posted in Caasidmada Online on 7 October 2019 an Open Letter to the Emir of Qatar, His Royal Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani. The purpose of this communication as he said is to deliver a message from the besieged people of Jubaland, Somalia. As if His Royal Highness was in the dock for crimes he committed against Jubaland, Keynan asks him in no uncertain terms: “Have you heard about the brutal blockade imposed on the people of Jubaland by the rogue Mogadishu-based government that misgoverns my country with your backing and blessing? Has the news of the human tragedy unfolding in the Jubaland State of Somalia reached you? What have the poor and vulnerable people of Jubaland done to you and your country to deserve such savage and egregious assault on their humanity and dignity in the hands of the proxies of the Al-Thani ruling family in Mogadishu?” Professor Keynan’s pulls no punches in his strident concocted strictures against the Emir. His indictment against him amounts to almost crimes against humanity against what he calls the “poor and vulnerable people of Jubaland”. These crimes, the professor alleges, arise from the “the brutal blockade imposed on the people of Jubaland by the rogue Mogadishu-based government” with the Emir’s “backing”. This alleged blockade of Jubaland conjures up a situation in which the area is denied land, sea and air access to the outside world. It evokes similarity with Israeli’s merciless total blockade of Gaza and the perpetual suffering it inflicts on its helpless miserable people. This is what Qatar is doing to Jubaland, directly or indirectly, if the Professor is to be believed. Kismayo and Jubaland are not on another planet. They are part and parcel of our homeland. Of course there is no such blockade on Jubaland, pure and simple. One can simply debunk Professor Keynan’s bogus Jubaland blockade through simple logic. One has to ask whether the Emir would ever be so rash and contemplate being party to a blockage anywhere in Somalia, and if so what would his country, itself a victim of total blockade by domineering troublesome neighbours, would gain from doing the same to the “poor people” of Jubaland? This is inconceivable. Far from gaining anything, Qatar would on the contrary have much to lose. It very much appreciates the principled courageous stand taken by Somalia in defying the dictates of Saudi Arabia and the UAE to sever relations with the Sheikhdom. Why would Qatar choose to be nasty to the people of Jubaland and let all that valuable goodwill and sacrifice the Somali nation made for them, as government and people, go down the drain and? Of course they would not. Clearly, what the professor is spewing out is clearly fake specious news meant to make the Emir remorseful and terminate aid to the federal government of Somalia. If it does, it would certainly not be for his preposterous story. Coming now to the reality in Jubaland, the only restriction temporarily imposed by the federal government for its own valid reasons is direct flight to Kismayo from outside the state. This is a far cry from a blockade which implies total restrictions of access to the town and its region by land, sea and air. Flights to Kismayo are, with rare exceptions, passenger flights. Otherwise, Kismayo and its state depend on its port for external trade and on air and road transport for internal communication and commerce within Somalia. None of that is affected except imports of Kenya’s drug export (Qat) to Kismayo, a drain on the region’s meager financial resources and danger to public health(as elsewhere) To that extent, this restriction on flights, which keeps out Kenya’s drugs for the time being (but hopefully forever) is a blessing in disguise and huge gain for Jubaland and the rest of Somalia. Otherwise, all essential requirements are still accessible through the port, and through land. Manifestly, Professor Keynan’s outcry cannot be concern for the suffering people of Jubaland when the blockade he is alleging is non-existent. Rather, he is cynically using this outrageous accusation as a weapon to support Ahmed Madoobe’s presidency in Jubaland against his nemesis, President Farmaajo and his central government. It is a short-sighted mindset. Farmaajo will go sooner or later but in the meantime a lot of damage is being done to the federal government by those driven by blinkered personal political gains that undermine the President but in the longer term undermine the federal government and the State itself. To recap, Professor Keynan makes unacceptable outlandish accusations against the head of State of one of the countries that is friendly and helpful to Somalia. One might expect this sort of loose unsubstantiated and indelicate language from the likes of Faisal Ali Waraabe but is unbecoming of a Professor, and even less from a former UN official who should have been steeped in its standards of prudence, measured language and fair-mindedness By: Osman Hassan Former UN Official Geneva, Switzerland Email: Osman.hassan2@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  4. Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-19102019.mp3 View the full article
  5. JEDDAH: The Ministry of Environment, Water and Agriculture has announced a ban on importing livestock from Sudan and Djibouti. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladaha Turkiga iyo Ereteriya kala xaajooneyso sidii ay Taliyayaal ciidan ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya iyo Qalab lagula dagaalamo Al-Shabaab markii Ciidamada AMISOM ka baxan dalka Sanadka 2021. Qorshahaan hadda ah mid laba geesood ah ayaa u baahan doono in ogolaansho looga helo Qaramada Midoobay oo leh amarka ah in Ciidamada AMISOM si tartiib tartiib ah looga saaro Soomaaliya inta ay Ciidamada Soomaaliya awood u yeelanayaan inay la wareegaan guud ahaan amniga Dalka. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Dollar oo lagu maalgelinayey mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha sida waddooyinka, isbitaalada, Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho iyo iskuulada halka Ereteriya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ay dhawaan abuurteen waxa loo yaqaan Isbahaysiga Cushitic oo ah iskaashiga kobcinta arrimaha dhaqaalaha iyo amniga ee wadamada geeska Afrika. Safiirka Turkiga ee Kenya Axmed Cemil Miroglo ayaa sheegay inuusan ka warqabin wadatashiga noocan oo kale ah wuxuuna codsaday in arrintaan wax laga waydiiyo safaaradooda Soomaaliya iyo Ereteriya. Ereteriya ayaa sanadkii hore soo celisay xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya kadib ku dhawaad 15 sano oo cadaawad kala dhaxeysay markii lagu eedeeyey inay maalgeliso Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya. Haddii ay qorshaaan soo galaan Turkiga iyo Eritrea waxay noqon kartaa guul usoo hoyatay Soomaaliya maadaama AMISOM oo kaashaneyso deeq bixiyeyaasha ay ku guuldareysteen qorshihii ahaa inay tababaraan 30,000 oo askarta Soomaalida ah ka hor inta aysan dalka ka bixin, waxayna kaliya hadda tababar siiyeen 10,000 oo keliya.. “ Haddii Africa ku guuldareysato fikradda ah Africa ha xaliso dhibaatadeeda, Soomaaliya uma furno xal aan aheyn inay raadsato Turkiga iyo Eritrea ama dowladaha kale oo ay rabto” ayuu yiri Abdiwahab Sheikh Abdisamad oo ah qabiir ku takhasusay arrimaha Africa. Dr Abdisamad ayaa sheegay inay Al-Shabaab sii wadaan weli inay Ciidamada AMISOM u muujiyaan inay yihiin kuwa gumeystayaal ah oo aan aheyn kuwa dalka u joogo Nabad ilaalin. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. WASHINGTON (Reuters) — International Monetary Fund Managing Director Kristalina Georgieva said on Saturday that she supports Somalia’s efforts to achieve debt relief through the global lender’s Highly Indebted Poor Countries program. Source: Hiiraan Online
  8. WASHINGTON (Reuters) — International Monetary Fund Managing Director Kristalina Georgieva said on Saturday that she supports Somalia’s efforts to achieve debt relief through the global lender’s Highly Indebted Poor Countries program. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho-(Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay dib u dhigista dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo haatan horyaalla Maxkamadda ICJ. Waxa uu sheegay Yuusuf Garaad in xilliga lagu balamay dhageysiga kiiskaas ay Soomaaliya u tahay xiligii ugu liidatay ee loo balami lahaa kiis nuucaas ah, maadaama uu xilligaas dalku galayo waqti doorasho oo kala guur ah. Ugu horayn Yuusuf ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014, Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay”. Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu walaac ka muujiyay waqtiga lagu madal sanyahay dhageysiga kiiskaas, “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”. Ugu dambeyn waxa uu sheegay Ex wasiir Yuusuf Garaad in balanta la qabtay aysan midna u fiicneyn laba arin oo kala ah: “U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa maanta ka hadlay xariga ciidama ammaanka ay u geysteen wariye Axmed Sheekh Maxamed oo ahaa agaasimihii radiyo Daljir oo ka howlgasha deenaada Puntland oo subaxnimadii saakay ciidmada ammaanka ay xabsiga dhigeen. Xeer ilaaliyaha oo hadlay xarigga wariyaha ayaa sheegay in loo heysto dambiyo uu wariyuhu ka galay laamaha ammaanka Puntland, waxaana uu ku soo eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga. Sidoo kale xeer ilaaliha ayaa xusay in guddigii gacanta ku haayay kiiskaan ay soo dhameystireen baaritaankii kiiska loo heytay wariye Axmed Sheekh, isla markaana guddigii baaritaanka ku hayay kiisaan gacanta ay codsadeen in la soo xiro sidaas ay laamaha ammaanka ay u soo xireen wariye Axmed. Dhanka kale xeer ilaaliye Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa carabka ku dhuftay in maalinta isniinta ah loo balamay in Maxkamad la soo taago wariyaha inta ka horeysana uu xirnaado ilaa maxkamaddu ay go’aan ka gaareyso kiiskiisa. Hadalka maanta ka soo baxay xeel ilaaliyaha good ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo maanta ciidamada ammaanka ay xabsiga ay dhigeen aggaasimihii radio Daljir Axmed Sheekh, oo xeer ilaalintu ku soo eedeysay inuu u gafay sharciga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa amray in albaabada loo xiro labo xaafiis oo ay labo wasiir oo katirsan Xukuumadda Soomaaliya ka furteen degaanada ay kasoo jeedaan, kuwaas oo ay sheegeen in ay xooga ku saarayaan ogaanshaha baahiyaha ay qabaan deegaanada laga soo doortay. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka ee Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan sharciyad ku fadhiyin xaafiisyada laga furay Dhahar iyo Goldogob, oo ay leeyihiin Xildhibaano. Xaafiisyadda ay amartay in la xiro Puntland ayaa waxaa furay Wasiiradda Qorsheynta iyo Shaqadda Shaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Sadiiq Warfaa.
  12. Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qabtaan shaqooyinka horyaala. Gudoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan Xildhibaano fara-badan oo ka maqan kulamada, ay yeelanayan Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi ayuuna sheegay in looga baahan yahay in kulamada ka soo qaybgalaan. Mursal ayaa farta ku fiiqay Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, waxaana uu ku amray in laga doonayo in ay kulamada ka soo qaybgalaan. Sidoo kale afhayeenka Baarlamaanka ayaa ku celiyay in Xildhibaanadaasi uu ku amrayo in ay yimaadaan fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka. Hadalkan ayaa gudoomiyaha maanta waxa uu ka sheegay kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka oo Xildhibaanadu ku yeesheen Villa Hargeysa. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-19102019.mp3 View the full article
  14. Riyadh (Caasimadda Online) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu aqoonsan doono isla markaana caadi ka dhigi doono ganacsiga ay la galaan Israa’iil hadii Mareykanku ka caawiyo inuu “ka adkaado Iran oo uu la wareego bariga dhexe.” Hadaladaan oo lagu muujiyey dokumentiyo ay soo bandhigtay shabakadda PBS Sabtidii laguna soo bandhigay barnaamijka ‘Frontline’, ayuu Bin Salmaan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu guda jiray booqashadiisii caanka ahayd ee Riyadh bishii May 2017. Martin Smith, oo ah soo saaraha dukumiintiga, oo cinwaankiisu yahay ‘The Crown Prince’, ayaa sheegay in Mohammad bin Salman uu doonayo inuu Trump ka caawiyo sidii loo jabin lahaa Iiraan iyo in laga caawiyo hamiga amiirka oo ah inuu noqdo furaha Bariga Dhexe. Dhanka kale, Bin Salmaan wuxuu ballanqaaday inuu ka caawin doono Trump iyo wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner, xallinta khilaafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo in la hirgeliyo heshiis uu Trump diyariyey ee loo yaqaan “Heshiiska Qarniga” kaasoo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka reer Falastiin ee hadda xoogga lagu heysto. Dukumentiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadalka uu David Ignatius oo ah falanqeeyaha militariga Washington Post kasoo xigtay Boqorka Sacuudiga Bin Salman oo ahaa “Waxaan u arkaa Israel inay qeyb ka tahay Bariga Dhexe … Waxaan diyaar u ahay inaan aqoonsado oo aan xiriir ganacsi la yeesho Israel.” Ignatius ayaa sheegay in hadalka Bin Salman uu Mareykanka iyo Kushner ka caawiyey inay kusii dhiiradaan diyaarinta Heshiiska Qarniga oo ah mid ogolaanayo in la iska garab dhiso laba Dowladood oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa noqday mid aad isugu soo dhawaanayo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah nin aad u daneeyo inuu xiriir la yeesho dowladaha Reer Galbeedka. Bishii Juun ee la soo dhaafay, diblomaasi Sucuudi u dhashay ayaa u sheegay Globes in si caadi ah xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu noqon doono “waqti uun”, isagoo qiray jiritaanka xiriirka qarsoon ee Israel iyo Sacuudiga iyo in Sacuudiga uu adeegsanayo teknolojiyadda Israel. Caasimada Online Xaafiiska Riyadh Caasimada@live.com
  15. (SLT- Chile)-Madaxweynaha Chile ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah uu ku soo rogay magaalada caasimada ah Santiago, waxaana uu ugu baaqay laamaha Millatariga inay qaataan mas’uuliyada Amniga. Arintaan ayaa timid kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen caasimada Chile taasi oo la xidhiidha sare u kac ku yimid qiimaha lagu raaco Gaadiidka gaar ahaan Tareenada. Waxaan ku dhawaaqay xaalad deg deg ah si loo dhameeyo rabshada taagan waxaana u magacaabay taliyaha ciidanka difaaca Janaraal Javier Iturriaga del Campo, in ka taliyo sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada magaalada Santiago. Ciidanka booliska iyo dibadbaxayaasha ayaa Jimcihii shalay is fara saaray waxaana arintaasi ay keentay in la xidho astaanada laga raaco Tareenada. Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidanka gurmadka deg dega oo ku howlan damin dhismayaal dibadbaxayaasha dab Qabadsiiyeen. Source
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Gini, Alpha Conde ayaa markii u horeysay si yaroo kooban uga hadlay wada-hadalada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Alpha Conde oo khudbad ka jeedinayey madal qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkaasi booqasho ku tagay, ayaa waxa uu uga mahad celiyay dadaalada ay dowlada Jabuuti ka wado wada-hadaladaasi fadhiidka noqday. Conde ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jabuuti ku tilmaamay mid door muhiim ah kaga jira isku soo jiidka dalalka Geeska iyo weliba Afrika, isagoona xusay in dowladda Jabuuti ay awood buuxda u yeelato ururka Midowga Afrika. “Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan eed uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7-saacadood ah” ayuu yiri Madaxweyne Alpha Conde. Wuxuuna intaas sii raaciyey Conde “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhex-dhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland”. Waxa sidoo kale xusid mudan in Madaxweyne Geelle oo goobtaasi khudbad ka jeediyay uusan marnaba soo hadal qaadin Wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland, oo uu madaxweynaha Gini u huwiyay amaantooda, balse ay khudbadiisu ku koobneyd mahad-celinta soo dhoweyntii balaadhneed ee loo sameeyay. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray dalkaasi Gini, kadib markii uu martiqaad rasmiya ka helay Madaxweyne Alpha Conde, isagoona si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada dalkaasi. Madaxweyne Geelle ayaa u muuqda mid dar-dar gelin cusub wada, sidii ay wada-hadalada dowlada federaalka iyo Somaliland ay dib ugu furmi lahaayeen, iyadoona sanadkan dhexdiisa ay labada Madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay u safreen dalka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com …
  17. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Indho-Indho Si Adag Uga Hadlay Xeerka Is-Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Boorama)-Dood Kulul Oo Dhex-martay Kulmiye, Waddani iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Ceerigaabo)-Waxgaradka Sanaag Oo Baaq U Diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Sida Dastuurka Jubbaland qeexayobMadsxweynuhu waa inuu mudo bil gudeheed ah laga bilaabo maalinta la doorto uu kusoo dhisaa Golihiisa Wasiirada. Madaxweyne Xamed Madoobe ayaa dhowaan [...] Source
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana dhawaan sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan qaato heshiis uu la galayo Axmed Madoobe. Caasimada Online ayaa ogaatay in Cabdirashiid Xidig wadahadal mira dhal ah ku soo dhamaaday uu la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka bixin Kismaayo. Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig kala hadlay in uu ka tanaasulo sheegashada Madaxweynaha Jubbaland islamarkaana Madaxweyne Deni uu xalin doono dhammaan tabashooyinka uu qabo Xidig. Xidig ayaa loo balan qaaday Lacag, soo laabashada kursigiisa iyo in xubno wasiiro ah laga siin doono Golaha Wasiirada Jubbaland, sidoo kalane mudnaan iyo tixgelin laga siin doono arimaha Jubbaland. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in 3 qodob ay sabab u noqon doonaan tanaasulka Xildhibaan Xidig sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo wadahadalka qayb ka ahaa. Lacag, xilal laga siinayo golaha wasiirada iyo soo laabashada kursigiisa ayaa la sheegay in ay sabab u noqon doonto tanaasuka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Qodobka 2-aad ee sababta unoqon kara in uu tanaasulo Xidig ayaa lagu sheegay in uu furmay Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka taasina ay sababi doonto in uu tanaasilo ama uu iska casilo kursiga Xildhibaano maadaama uusan soo xaadiri karin fadhiyada Baarlamaanka, sidoo kalane uusan ka maqnaan karin isagoo dalka ku sugan fasaxna aan heysan. Iyo qodobka 3aad ah in hadii ay dhacdo doorasho ay wadato Xukuumadda uusan soo bixi doonin Xidig balse ay xaqiiqo tahay in uu soo bixi doono Musharaxa Xukuumadda oo loo badaniyo Wasiir Oomaar taasina ay sababi doonto in ay kursigooda waayeen Xildhibaano badan uu isaga ugu horreeyo. Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhameynta Khilaafka Jubbaland gudaheeda ka jira balse waxay qireen in ay jirto faragelin ay ku heyso Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana siyaasiinta qaar ay Xukuumadda ka dalbaneyso in aysan tanaasulin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  22. Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni uu dhowaann isku shaandheynayo Golihiisa Wasiirada. Mudo [...] Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World Oo Shaqada Ka Caydhisay 18 Shaqaale Iyo Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Over 20 Somali-based insurgent group al-Shabaab militants were killed and several weapons seized after Somali National Army (SNA) conducted a military operation in central region of Hiran, officials said on Saturday. Mohamed Nuur Agajoof, Jalalaqsi town mayor, told media that the military operation was carried out between Jalalaqsi and Bula Barde towns in Hiran region, killing over 20 al-Shabaab militants. ”We have killed over 20 al-Shabaab members during the operation and we also seized 18 guns and ammunition from al-Shabaab,” Agajoof said. The operation comes after the group attacked our bases several times and we will continue the military operation against the militant group, he added. The operation comes days after Hirshabelle State President Mohamed Abdi Ware called on the central government to support his administration in the fight against the al-Shabaab. On Oct. 07, an operation took place at the vicinity of Abdalla Birole, located some 55 kilometers (34 miles) from the port city of Kismayo, killing over 20 al-Shabaab militants. Source: Anadolu Agency