-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Riyadh)-Dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka jawaabayaan marka ay qiimaynta lagama maarmaanka ah ay ku sameeyaan weerarkii lagu qaaday laba carumood oo loo adeegsado Shidaalka dalkaasi. Wasiirka Arimaha dibada Sucuudiga Cadel al-Jubeyr ayaa sheegay in hubkii loo isticmaalay weerarkaasi uu ahaa Hubka Iran, waxaanu wacad ku maray inay baahin doonaan xaqiiqo buuxda oo ku saabsan baadhitaanka dhacdadaasi. Mar sii horaysay oo maanta ah ayaa sarkaa sare oo ka tirsan milatariga dalka Iran uu sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay burburiso Gardarada kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay inay ciidamo u diyarayaan Sucuudiga. Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo Iran ay taageero ayaa iyagu sheegtay masuuliyada weerar diyaarad aan nooca duuliyaha lahayn iyo Gantaal lagu duqeeyey 14-kii September xarumaha shidaalka loo adeegsado ee dalkaasi. Xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu joojiyey heshiis dhinaca Nuclear-ka ah oo hore loola galay Iran, Cunaqabatayno dheeraad ahna uu dul dhigay dalkaasi Iran. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray qaraxyo ay sheegeen in ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya iyo sidoo kale askar ka tirsaneed AMISOM, kuwaas oo ka kala dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo ka dhacay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayey sheegeen Al-Shabaab in ay ku dileen labo sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya iyo labo askari oo ilaalo u ahaa. Mid ka mid ah saraakiishaas ayey Al-Shabaab war kooda ku sheegeen in uu ahaa nin caan ah oo lagu magacaabi jiray Aadan Cali Macallim, kaas oo ku magac dheeraa Musmaar, halka sarkaalka kale oo ay sheegteen dilkiisa aysan soo ban dhigin magaciisa. Sidoo kale waxa ay sheegeen in qarax miino oo ay la beegsadeen gaari ay Saaruf ah oo ay wateen ay ku dhaawaceen labo askari oo ilaalo u aheyd saraakiisha la dilay. Dhanka kale warka kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegteen qarax kale oo ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Siinka-Dheer, kaas oo ay sheegeen in ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda. Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ciidamada AMISOM ee qaraxa miino ay kula beegsadeen duleedka Muqdisho ay ahaayeen kuwa kala gudbiya saadka ciidamada AMISOM ee ku kala sugan Muqdisho iyo deegaanada duleedka ah. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wasiir Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga aduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaa d eewajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa. Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeeran wajiga afaraad ee barnaamijka dayn cafinta ,waxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada dayn cafinta. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadalada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta. Geedi socodka wada hadallada dayn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-21092019-Ok-Sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” iyo guddigii uu u magacaabay ka shaqeynta furitaanka wadooyinka Muqdisho ayaa dejiyay qorshe lagu furi doono wadooyinka Muqdisho qaarkood. Guddigaan ayaa soo jeediyay in magaalada Muqdisho in sideeda ay u sii xirnaato ilaa amar dambe balse la furo afar wado oo kaliya oo ay ka soo gaalaan gaadiidka iyo dadweynaha iyo goobaha hadda ka caagan gaadiidka oo dhan ee xaafadaha qaar. Guddigaan ayaa isku raacay in laga soo bilaabo Mirinaayo ilaa Isbitaalka Digfeer laga furo laba kontarool oo kaliya oo ay ka soo galaan gaadiidka u soo gudbaya Xamar-wayne, KM4 iyo goobaha kale ee aan hadda loo gudbi karin. Sidoo kalane hal wado loo furo gaadiidka ka yimaada dhinaca Afgooye ee ka soo gala Zeybiyaano, iyo hal wado oo laga sameyn doono dhinaca Madiina. Dhamaan barahaan kontaroolka ayaa waxaa la geyn doonaa Ciidamo Booliis ah oo ka amar qaata Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxaana loo qori doonaa lacag ka dheeraad ah mushaarka ay qaataan, sida ay ogaatay Caasimada Online. “Gaari kasta waa soo geli doonaa balse waxa uu mari doonaa baaritaan dheer oo loo aeegsan doono qalab iyo ciidan xirfadeysan oo la siiyo mushaar ku fulin” ayuu yiri qof ka tirsan gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin. “Soo gelidda ama gaadiidka imaanaya kuma xirnaan doonaan aqoonsi dowlad iyo mid kalaba balse waxay mari doonaan baaritaan adag, waana laga yaabaa in qorshaha sidaan iska badalo waayo wali go’aan lama gaarin” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay. Dad badan ayaa ku taliyay in aan gabi-ahaanba la furin wadooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay yaraadeen weeraradii Al-Shabaab iyo qatartii badneed, waxaana soo baxaya talooyin ku saabsan sugida amniga oo u badan in wadooyinka qaar la furo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xirsi Calli Xaaji Xasan oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani hore u ahaa Wasiirkii Madaxtooyada xiligii xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, islamarkaana lagu tiring jiray inuu ahaa wasiirkii ugu awoodda badnaa cahdigaasi dabayaaqadii sannadkii 2015 maalin keliya ku dhawaaqay inuu iskaga tegay xukuumaddii uu ka tirsanaa isaga iyo badiba haldoorkii wasiirada ahaa ee xukuumadaasi, arrintaasi oo fajac iyo amankaag ku noqotay bulshada. Haddaba horraantii sannadkii 2016 mar uu Xirsi Xaaji Cali bixinayey waraysi uu kaha hadlaayey ujeedada isaga iyo raggii wasiirada ah ee raacay oo la baxay wakhtigaasi Garabka Isbahaysiga, ayaa sheegay hadal taariikhda galay markaasi ay fahmaysay dadka inta indheer garad ahi, balse caamada ka dednaa, waxaana uu si cad u qeexay ujeedadooda iyo waxay doonayaan, waxaa uu xusay inay waddanka ka bad baadinayaan guul darooyin siyaasadeed oo ay keensato hoggaan xumo. Astaamaha hoggaamiyaha wanaagsan ayey ka mid tahay inuu meel dheer wax ka arko islamarkaana uu saadaalin karo isbedelka mustaqbalka, waxaana uu wakhti badan u bixiyey inuu dalka ka bad baadiyo marxalada qalafsan ee uu ku jiro, taasi oo la odhan karo, waxaa maanta rumoobay wixii uu maalintaasi xirsi ka tigaayey balse dadka qaarkii u arkayeen wax isaga ku kooban. Xukuumada maanta talada haysa waxay jirtaa muddo ku dhaw saddex sanno ilaa maantana Madaxweynaheenu wuu midayn kari la’ayahay bulshadii doorasahda ku kala irdhowday, sidoo kalena wuu dhaafi kari la’ayahay Imaaraadka,Itoobiya iyo Jabuuti, sidoo kalena waxaa dalka ilaa hadda lagaga dhawaaqay saddex jabhadood, sidoo kalena gebi ahaanba waxa meesha kasii baxaysa dabaqadii nolosha ee dhexe iyadoo ay ku dhawdahay inay dadku noqdaan dabaq sare iyo mid hoose, waana guul daradii siyaasadeed ee uu maalintaasi xirsi ka digaayey. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dekedda Berbera ku tilmaamay mid muhiim u ah inta badan dalalka Afrika. Wakaalada wararka ee Euro News, ayaa warbixin muuqaal iyo qoraal ah toddobaadkan ka diyaarisay dekedda Berbera, iyadoo uu saxafi ka socday wakaladaadani la kulmay Madaxeyne Biixi, Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo madaxa DP world. Warbixinta oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa waxay u dhignayd sidan “Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay Somaliya 28 sanadood ka hor, Somaliland waxay la halgantay maaligelin la’aan, faqri iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo liita. Balse marshuuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera ayaa ka dhigi kara jamhuuriyadda shacabkeedu yahay 4 milyan xarun caalami ah oo maraakiibtu iskugu timaado islamarkaana iridaha u furi karta awoodda baaxadda ah ee ay leedahay. Berbera waxaay dhacda xeebta koonfureed ee Gacanka Cadan. Waxaay kaga taal Geeska Afrika goob istiraaji ah, islamarkaan waxaay dhacdaa marin mashquul badan oo ay maraan maraakiibta ku socda iyo kuwa ka yimaadda Bariga Dhexe iyo bariga Afrika. Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku tilmaamay Berbera “albaabka ku xidha dalal badan oo Afrika ah dunida.” ““Berbera waxay muhiim u tahay Somaliland, Geeska Afrika iyo inta badan ee dalalka badhtamaha Afrika. “Dhinaca bari, ilaa Eeshiya, qaarad yaraha Hindiya, ilaa Shiinaha. Dhinaca kale Kanaalka Suwiiska marka la sii dhex maro, waxaay isku xidhaa dalal badan oo Afrikaan ah Bariga Dhexe, Yurub, ilaa Woqooyiga Ameerika.” Sanadkii 1991 ayay Somaliland ka goosatay Somaliya, ilaa xiligaasna si madax banaan ayay u shaqaynaysay. Waxaay leedahay baarlamaankeeda u gaarka ah, doorashooyin, lacag u gaar ah, baasaboor, calan, ciidan militari, iyo xududoodo. Balse looma aqoosana dal, taas oo meesha ka saaraysa inay ka hesho caawimo ama dayn toos ah inta badan hay’adaha caaamiga ah. May 2016 kii, DP World waxaay saxeexday heshiis qiimihiisu yahay 400 milyan Euro si ay u maamusho ganacsi heer gobol oo ay ka abuurto Berbera. Tan iyo xiligaas, awoodda dekedda Berbera waxaay kor ugu gacday 50%. Maanta waxaay maamushaa 13, 000 oo kontiinar bishii. Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta ee dekedda, ayaa yidhi “hadafkayagu waa inaanu ka dhigno Berbera xarun badeed oo heer gobol ah iyo albaab u furan Itoobiya, iyo sidoo kale inaanu u furno dadka Somaliland suuqyo cusub.” Waxa qayb ka ah heshiiska in la dhiso wadooyin si dekedda loogu xidho dhul waynaha. Taasi waxaay ku xidhaysaa Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo shacabkiisu ka badan yahay 100 Milyan islamarkaana ah dal si degdeg ah u yeelanaya wershado. Iyada oo ay yar tahay maalgashiga shisheeye, dawladda Somaliland iyo ururo kale ayaa isku dayaya inay abuuraan shaqooyin cusub. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, wuxuu sheegay in rajadu tahay in marshuuca dekeddu uu u keeno faa’iidooyin badan guud ahaan dhaqaalaha. “Waxaannu qabaa in mustaqbalku soo ifayo. Maalgelinta dekedda lagu sameeyey waxaay furfuraysaa wax badan oo Somaliland ka dhacaya kuwaas oo ay xaqiiq tahay inay abuurayaan shaqooyin, ayna gelinayaan rajo dhalinyaro faro badan.” “Shacabkayagu waa mid aad u da’ yar. Ilaa 70% waxaay ka yar yihiin 30 jir. Waxaannu aaminsanahay in marka la isku daro dekedda iyo wadada Berbera ee isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya, iyo aagga xorta ah oo lagu sii daro gegida diyaaradaha ee caalamiga ah, kaabayaashaas dhaqaalaha oo dhan markaad isku gayso waxa abuurmaya awoodda loo baahan yahay si loo daboolo baahida loojistik ee gobolku qabo.” Shamis Adan Cawaale waxaay dhar ka soo dhoofisaa Bariga Dhexe iyo Shiinaha, waxaayna rajaynaysaa inay ka faa’iido. Waxaay u sheegtay Connecting Africa: “dib u dhacyo ayaanu kala kulanaa dekedda. Marka alaabtu timaado waa inaad mudo sugtaa sababta oo ah dekeddau way yar tahay mana haysato qalab casri ah. Waxaannu maqalnay in marka la balaadhiyo in dib u dhacyadaasi ay gebi ahaanba meesha ka baxayaan.” Source
-
An Iranian sailor held hostage by Somali pirates for more than four years has been released with the help of the United Nations and a humanitarian group, Iran’s Foreign Ministry said on Saturday. Ministry Spokesman Abbas Mousavi thanked the Hostage Support Partnership group, U.N. officials in Somalia, and authorities in Somalia’s semi-autonomous Puntland and in Ethiopia for their help in winning the release of Mohammad Sharif Panahandeh, the state news agency IRNA said. Three Iranians sailors are still being held, Mousavi said. “We are happy to announce we have obtained the release of one of the last hostages of Somali piracy … 3 more seafarers remain who need our help,” Hostage Support Partnership tweeted. Earlier, Iranian media reports said Panahandeh was among 21 crew members of a boat hijacked in March 2015. Eight of the hostages died, five escaped, and four were freed in a security operation by Iran last year, the reports said. Piracy off Somalia’s coast has subsided in the past few years, mainly due to shipping firms hiring private security and the presence of international warships. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa Garoonka DIyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ka ceyriyey Shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO ee halkaas ka howlgeli jiray. Somaliland ayaa shaqaalahaan usoo ceyrisay sababo la xiriiro inay Dowladda Federaalka Soomaaliya hey’adaan ku wareejisay Maamulka Hawada. Shaqaalahaan lasoo ceyriyey ayaa si deg deg ah u gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland sida uu xaqiijiyey Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor Gabiley. Wasiirka ayaa shaaciyey in Maamulka Somaliland uu shaqo joojin ku sameeyey dhammaan Shaqaalihii Hey’addaan sidaas darteedna ay uga howlgaleen Garoonka Diyaaradaha Garoowe. Wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Garoowe laga shaqaaleysiiyey 9 kamid ah shaqaalaha Hey’adda ICAO oo 7 kamid ah ay yihiin kuwii laga soo ceyriyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa. 28 December 2017 ICAO ayaa si rasmi ah maamulka Hawada Soomaaliya ugu wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hey’adaan ayaa Hawada Soomaaliya maamuleysay tan iyo burburkii Dowladda uu hoggaamiyaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay maamulka Hawada Soomaaliya kusoo celiso gudaha Soomaaliya, waxayna taas keentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Somaliland iyo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sagaal Bil oo ka tirsan Sanadkaan dhamaadka ah ee 2019 ayaa tiro ahaan ka badan duqeymaha Mareykanka uu ka geystay Soomaaliya sanadkii 2018 sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International. Duqeymaha Mareykanka uu ka fulinayo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray tan iyo sanadkii 2016 markaas oo Soomaaliya laga fuliyey 14 Duqeyn, halka sanadkii 2018 ay gaartay tirada duqeymaha illaa 47 howlgal oo dhanka cirka ah. Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 5 Duqeyn oo ka dhacday Gobolka Shabeelada Hoose Bishii April ee 2017 lagu dilay 14 qof oo Shacab ah. Sidoo kale Hey’adda ayaa sheegtay in Duqeymahaas lagu dhaawacay in ka badan 8 qof oo Shacab ah. Hey’adda ayaa duqeymahaas sheegtay inay mas’uul ka aheyd Mareykanka inkastoo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afirca ee loo yaqaan AFRICOM uu iska fogeeyey in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay dad Shacab ah. Amnesty ayaa ku baaqday in baaritaan xaqiiqo raadin ah lagu sameeyo saameynta ay dadka Shacabka ah ku yeelatay duqeymaha Mareykanka . Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey 120 duqeyn seddexdii sano ee ugu dambeysay, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah. Dowladda Soomaaliya ayaan wax mas’uuliyad ah iska saarin dhibaatada Dadka Shacabka ah kasoo gaarto duqeyaha Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaan. War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda Diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya. Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta sharikadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale dowladda Kenya u tababarayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya. Diyaaradahan ayey Kenya sheegtay in ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, daabulidda Ciidanka iyo agabkooda iyo wixii la mid ah. Saraakiisha u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo Garoonka Ciidanka Cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla Mombasa. Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in ay iibsatay 12 diyaaradood kana iibsatay Mareykanka hayeeshee aan wali la gaarsiin dalkaas. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wasiir Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga aduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaa d eewajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa. Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeeran wajiga afaraad ee barnaamijka dayn cafinta ,waxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada dayn cafinta. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadalada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta. Geedi socodka wada hadallada dayn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha. View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Maamul-gobolleedka Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), ayaa xaqiijiyey in shaqaale ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda Maamulka Hawada ee ICAO oo laga eryey Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa qaarkood la geeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe. Wasiirka Duulista Hawada oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Shaqaalahaasi ma ahayn kuwo u shaqeeya Somaliland ee waxay ahaayeen kuwo u shaqeeya Hay’adda ICAO, dhammaantoodna ahaa Shaqaale Soomaaliyeed oo kuwa Puntland ahi ku jireen, kuwo Somaliland ahi ku jireen, kuwo reer Muqdisho ahina ku jireen.” Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ahaan ay ICAO kaga maqnaayeen aqoonsi badan oo la xidhiidha Madaarrada Puntland, sidaasi darteed ay fursad u arkaan in Shaqaalihii ICAO ee Somaliland eriday loo soo wareejiyo Puntland “ICAO waxa nagaga maqnaa aqoonsi badan oo Madaarku leeyahay oo Derajada ICAO ah, markaa awalba annaga oo sugaynay oo muddo daba joognay, markii Maamulka hawada lagu wareejiyey Soomaaliya ayaa Maamulka Somaliland ay shaqada ka joojiyeen Shaqaalihii Caalamiga ahaa ee ICAO u shaqaynayey, annagu fursad baanu u aragnay, aniguna waanigii ka hadlay ee idhi Puntland diyaar bay u tahay in shaqaalahaasi noo soo wareegaan (Shaqaalihii ICAO ee Madaarka Hargeysa laga caydhiyey), markaa shaqaalihii qayb ka mid ahi way noo yimaaddeen, waxayna ka hawl-galeen Madaarka Garoowe.”ayuu yidhi. Source
-
Ceel-Afweyne (SMN) – Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo wada dega agagaarka degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay arrimo la xariira dhul daaqsimeed oo ay isku heystaan maleeshiyaadkaasi. Guddoomiye gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay dagan tahay, islamarkaana labada maleeshiyo beeleed ay kala dhex galeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga ee maamulka Somaliland. Gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceel-Afweyn ayaa waxaa ku soo laab laabtay dagaallo xoogan oo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo wada daga halkaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa ka warramay mujaahid uu sheegay in sannadkii 1993 lagu dilay guri ku yaalla magaalada Hargeysa waxaanu weerar lagu kacay carruurtii uu dhalay mujaahidku, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=QbFicHBVgWc Source
-
Muqdisho (SMN) – Ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye. Kulankan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho. Dhanka kale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ciidanka huwanta ee ka socda gobollada Shabeelooyinka ee maamulladaasi. Waare iyo Lafta Gareen oo maalmo ku sugan Muqdisho ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dowladda fedederaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir , Cumar Filish oo ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in maanta magaalada Boorama ay kulan xasaasiya ku yeeshen mid kamid ah beelaha dega gobolada galbeedka Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Awdal. Kulankan ayaa waxa uu dhexmaray Badhasaabka gobolka iyo beesha Reer Nuur, iyadoona diirada lagu saarayey kulankaasi sidii loo dajin lahaa xaalada amaanka guud ee gobolka Awdal. Kulankan maanta ayaa waxa uu daba socdaa kadib markii ay soo shaac baxday in Jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi ka dilaacday deegaanada Dilla, midaasi oo lala xiriirinayo haybta beeshan uu maanta la kulmay Badhasaabku. Kulankan oo ahaa mid xasaasiya, isla markaana dhamaan ay warbaahintu dibad joog ka aheyd, ayaa waxaan marnaba lagu soo hadal qaadin xariga xildhibaanadii ama sii-deyntooda, kuwaasi oo ay xukuumadu u xirtay Jabhadaasi oo beel ahaan kasoo jeeda beeshan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen xubno goobjoog ahaa. Sida ay Caasimada Online ogaatay Xildhibaanadan ayaa xukuumada Biixi waxay xabsiga ugu taxaabtay, kuna eedeynaysaa inay maal-galin iyo raashin u geeyen Jabhadan cusub ee ka dilaacday gobolada bariga Awdal ee Dilla. Kulankaasi ayaa waxa uu u daarna sidii Beesha reer Nuur ay xukuumada gacan uga siin laheyd sidii ay u kala diri lahaayen wax ay ugu yeeren ‘Dhalinyarada hubeysan’ oo ay ula jeedaan ‘Jabhadan cusub’ ee ka dilaacday deegaanadaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay jahwareer siyaasadeed oo dhanka amniga ah uu ka jiro gobolka Awdal, iyadoona lagu soo waramayo in Jabhadii Suldaan Wabar ay soo gaartay deegaano kamid ah gudaha gobolka Awdal, oo qiyaastii dhanka waqooyi u jirta magaalada Boorama 60-KM. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaano. HQUKTF-2008-249-054 War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya. Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta shirkadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale dowladda Kenya u tababarayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya. Diyaaradahan ayey Kenya sheegtay inay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Saraakiisha u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo Garoonka Ciidanka Cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla Mombasa. Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay inay iibsatay 12 diyaaradood kana iibsatay Mareykanka hayeeshee aan wali la gaadhsiin dalkaas. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo maanta kulan la yeeshay golaha wakiillada Somaliland ayaa warbaahintu su’aalo kala duwan ka waydiiyeen shaqaale dawladdeed oo ay hay’addo ka tirsan xukuumadda Somaliland caydhiyeen iyo wareejinta hawadda Somaliland ee ay la wareegtay Soomaaliya iyo xiligii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda duulista, Halkan hoose ka DAAWO Source