-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maanta oo Isniin ah waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo aanu jirin gaari dadweyne oo waddooyinka xiran maraya. Ciidamada ammaanka ayaa taagan waddooyinka, islamarkaana celinaya gaadiidka dadweynaha, una sheegaya in wadadu xiran tahay. Dhammaan waddooyinka soo gala Wadada Makka Al-mukarrama ayaa ah kuwo si adag loo xiray, iyadoo shacabka ay cagta maalayaan. Sababta maanta loo xirey waddooyinka ayaa ah, Xuska 14 October oo lagu qabanayo bartamaha Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in madax sare oo DFS iyo shacab badan halkaasi isugu yimaadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2019, waxaana Labo sano kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah. Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe. Qaraxaasi ayaa sababay geerida ku dhowaad Kun qof qof oo shacab ah, iyo dhaawac aad u badan, sidoo kalena waxaa halkaasi ku burburay hanti gaareysa malaayiin doolar. Maalintaan waa maalin aysan iloobin shacabka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin mideysan qalbiyada dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan. Maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah laga xusayaa maalintan madow, waxaana la filayaa in dad isugu jira shacabiyo mas’uuliyiin isugu yimaadaan bartamaha Isgoyska Zoobe oo laga taagay Taallo loogu talogalay in xilli walbo lagu xusuusto dhacdadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa war ka soo saaray weerarkii xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeelaha Dhexe, Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam lagu weeraray hoygooda Jowhar. Waare ayaa ugu horreyn tacsi u diray shacabka HirShabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumka. Sidoo kale wuxuu sheegay in marxuumka uu ahaa Xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulkiisa iyo shacabka HirShabelle. Waxaa kale uu faray hey’adaha ammaanka HirShabelle in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi, sharcigana la soo taago kooxihii ka dambeeyey. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh/Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado. Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dadkii ka dambeeyay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa cambaareeyey weerar gaadma ahaa oo xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeelaha Dhexe, Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh/Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado. Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dadkii ka dambeeyay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-14102019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland. Kulanka oo is xog-wareysi ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka Soomaaliya. Ugu horreyn Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay dhaqanka Jubbaland, isagoona kula dar daaarmay inay la shaqeeyaan maamulka uu hoggaamiyo, Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu ku booriyey inay ka qeyb qaataan illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka Jubbaland. “Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hoggaanka dhaqanka Jubbaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland.” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Garoowe, kadib ka qeyb galkii caleema saarka, Axmed Madoobe oo uu tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaciyay inuu soo wado buug cusub oo uu kaga warami doono dhacdooyinkii uu la kulmay waqtigii uu ahaa madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay buuggaan inuu si gaar ah ugu muujin doono dhacdooyin uu tilmaamay in ay ka qorsoonaayeen indhaha dadka reer Puntland, laakiin wuxuu iska fogeeyay inuu ka hadli doono beelo, shakhsiyaad ama gobol. Mar la weydiiyay sababaha uu u qoray buuggiisa ugu dambeeyay, ayuu kaga jawaabay, “Dadka kugu waqtiga ah ama aad madaxda u tahay wax badan uma sheegi jirtay, gaar ahaan waxyaabaha ka dhacaya miiska gadaashiisa. Gaas, ayaa ugu baaqay dadkii horey u dhibsaday waxyaabaha ku jira buugga uu dhawaan soo bandhigay, inay ka hadlaan, haddii uu khalad jirana, wuxuu sheegay inuu sixi doono. Buugga madaxweyne Gaas uu ka qoray caqabadihii kala guurka Soomaaliya iyo safar uu ku tagay Puntland sanadkii 2012, ayaa waxaa kasoo muuqday sheekooyin xasaasi ah oo dhex maray isaga iyo siyaasiyiin badan oo qaarkood madaxweynayaal noqday. PUNTLAND POST The post Cabdiweli Gaas oo shaaciyay inuu soo wado buug ka hadlaya waayihiisii Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Arab governments criticising Turkey's operation in northeastern Syria don't have a leg to stand on. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Kenya iyo Ethiopia ayaa kala qeybsaday labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalabkii iyo rabitaankii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqeyn waayey. Kenya ayaa toddobaadkan heshay oo si rasmi ah ula wareegtay gudoonka urur goboleedka IGAD, kadib shir ay dhowaan madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkan ay ku yeesheen Addis Ababa, kaasi oo uu ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gudoonka IGAD kala wareegaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilkan hayey tan iyo bishii April, xiligii xafiiska uu la wareegay. Jagada guddoonka IGAD ayaa ah mid meerto ah, waxaana dalalkii ugu dambeeyay ee maamulayey tan iyo 2008-dii ay ahaayeen wadamadda Kenya iyo Itoobiya. Hogaamiyeyaasha IGAD ayaa sidoo kale isku raacay in Itoobiya ay noqoto murashaxa ugu muhiimsan ee xilka xoghayaha fulinta oo ah jago kale oo muhiimad gaar ah leh. La wareegitaanka Kenya ayaa soo afjareysa dalabkii Soomaaliya ee ahaa in ay dooneyso xilkaas. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sanadkii hore xusay in dalku quudareynayo booskaas. Sanadihii u dambeeyay, Itoobiya, Uganda iyo Eritrea ayaa xilkan qabtay min 5-jeer, Suudaan oo 8-jeer ah iyo Kenya oo 11-jeer ah, halka Soomaaliya oo aas-aastay ururkan ayaaney abid gacanta ku dhigin. IGAD ayaa waxaa la aas-aasay 1986-kii. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey isbahaysina la ahaa Itoobiya, hase yeeshee Addis Ababa wax taageero ah kuma siin rabitaankiisa guddoonka IGAD, waxayna la safatay Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ganacsato, hogaan dhaqan iyo xubno ka socda ururada Bulshada. Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka. “Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani). Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa intuu halkan joogay kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo Madaxda Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Kurdiyiinta iyo Xukumada Suuriya oo ku heshiiyey iska caabbinta dagaalka Turkiga Ciidamada Suuriya ayaa laga howl geliyey waqooyiga Turkiga si ay isaga caabbiyaan dagaalka Turkiga uu halkaasi ka wado iyaga oo heshiis la galay Kurdiyiinta si ay dagaalka isaga kaashadaan. Warbaahinta afka xukumadda Dimishiq ku hadasha ayaa baahiyey iney dowladda ciidamada dalka Suuriya ka howl gelisay waqooyiga dalka uu Turkiga dagaalka ka wado. Arrintan ayaa ka dambeysay marki uu Mareykanka go’an ku gaaray in ciidamadiisa haray laga saaro halkaasi deegaannada ay dagaalladu ka socdaan. Turkiga ayaa toddobaadki hore weerar uu uga gol leeyahay xoogagga Kurdiyiinta ee xadka Suuriya ku sugan si uu ka nadiifiyo ku qaaday waqooyiga dalkaasi. Waqooyiga dalka Suuriya ee ku teedsan xadka Turkiga uu la wadago waxaa gacanta ku haya xoogagga dimuqraadiyadda Suuriya ee SDF oo ay hoggaaminayaan kurdiyiinta, xoogaggaasi oo ah xulafada ugu muhiimsan uu Mareykanka halkaasi ku lahaa. Iyada oo Turkiga uu halkaasi ka wado dagaal xooggan uuna ku qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo xadka ku taallo. Inta uu Turkiga dagaalkaasi billaabay ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen tobannaan qof oo isugu jira shacab iyo dagaallamayaal labada dhinac ee dagaalamaya ka wada tirsan. Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabada dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS. Weerarka uu Turkiga qaaday iyo ka bixitaanka Mareykanka uu deegaannadaasi ciidamadiisa kala baxay ayaa caalamka Muran ka dhalisay, maadaamaa ay xoogagga SDF ahaayeen xulafada reer galbeedka oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka lagula jiray IS ee dalka Suuriya. Balse, Turkiga ayaa dhankiisa kooxaha Kurdiyiinta ee gacanta ku hayo waqooyiga Suuriya ku tilmaamay argagixiso halis ku ah qaranimada dalka Turkiga dagaalkana uu u qaaday si uu abuuro aag ammaan ah oo kooxahaasi laga nadiifiyey waxayna ciidamada Turkiga gudaha Suuriya ay u galeen ilaa iyo 30 km. Haddaba heshiiska muxuu yahay? Maamulka ay kurdiyiintu hoggaaminayaan ee ka jira waqooyiga Suuriya ayaa sheegay ciidamada Suuriya in laga howl geliyey dhammaan xudduudda uu Suuriya la wadaago dalka Turkiga. Iyada oo howlgelinta ciidamada Suuriya aagga dagaalka uu ka socdo ay xukumadda Dimishiq uga gol leedahay iney xoogagga kurdiyiinta ka caawiyaan iska caabbinta dagaalka uu Turkiga ku soo qaaday. Ciidamada Turkiga iyo Mileeshiyaad Turkiga gacan saar la leh oo gudaha Suuriya ka dagaallama ayaa dagaal ay Kurdiyiinta ku qaadeen 2018-kii oo laba bilood socday waxay kurdiyiintu ka saareen magaalada Afrin. Hase yeeshee heshiiskaasi xukumadda Suuriya kama aysan hadal. Inkasta oo Madaxa SDF Mazloum Abdi uu sheegay heshiiska xukumadda Asad oo xulafa la ah Ruushka inaan kalsooni badan lagu qabi karin. “Kuma kalsoonin ballanqaadyadooda. Si daacadnimo ah marka aan u hadlana wey adag tahay inaad ogaato cidda aad ku kalsoonaan karo” ayuuna sii raaciyey. Maxaa keenay iney ciidamada Mareykanka ka baxaan aaggasi? Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu mar sii horreysay sheegay inuu Mareykanka 10,000 askari uu kala baxayo waqooyiga Suuriya xilli la filayey inuu Turkiga deegaannadaasi uu dagaal ku qaado. Isaga oo sharraxaya xaalada halkaa ka jirta waa “lama-huraan”, wuxuu sheegay in SDF ay “indhaha ku haysay inay kala goyso heshiiska” dowladda Siiriya iyo Ruushka si looga hortago weerarka Turkiga. Wuxuuna Mareykanka uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo waqooyiga Suuriya oo uu ku sii badanayey “khilaafka labada ciidan u dhaxeeya”. Axaddina wuxuu madaxweyne Trump uu bartiisa Tweetarka uu ku qoray “waa fikir caqli badan” inaan dagaalkaasi qayb laga noqon isaga oo weli raaciyey, dagaallada ka socda Bariga Dhexe in laga qayb qaatana ay tahay khalad. Turkiga guul intee dhan ayaa u soo hayatay? Axaddi Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in ciidamadiisa durbadiba qabsadeen 109 kiilo mitir (42 mile oo isku wareeg ah) iyo 21 tuulo oo ka mid ah dhulki aan damacsaneyn inaan qabanno. Wuxuuna warfidiyeennada u sheegay magaalada muhiimka ee Ras-al-Ceyn ee ku taalla xadka Turkiga oo ay gacanta ku hayeen xoogagga SDF iney gacanta ku dhigeen ciidamada Turkiga dagaalkana la iskala baxay magaalada gudaheed oo bannaanka magaalada uu ka socdo. Mr Edrogan wuxuu sida oo kale sheegay iney ciidamada Turkiga isku hareeyeen magaalada Tal Abyad, oo jirta masaafa dhan 120 km. Magaalooyinka Ras al-Ceyn iyo Tal Abyad-na ay ka mid yihiin magaalooyinka ugu muhiimsan uu Turkiga doonayo inuu gacanta ku qabto. Maxay yihiin waxyeellada dagaalka ka dhashay? Waxaa isa soo tiraya tirada dadka rayadka ah ee ku dhimanaya deegaannada xadka labada dal ku teedsan sida ay wararku sheegayaan: In ka badan 50 qof oo rayad ah iyo 100 dabley oo ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa lagu dilay waqooyiga-bari ee Suuriya sida ay sheegtay SOHR SDF waxay sheegtay dableyda laga dilay SDF iney yihiin 56 halka uu Turkiga tiradaasi ku sheegay 440 18 qof oo rayad ah ayaa lagu dilay Koonfurta Turkiga, sida ay sheegtay dowladda Turkiga Turiga waxaa kale oo uu sheegay 4 asakari oo ka tirsan ciidamada turkiga iyo 16 dableey oo ka tirsan maleeshiyaadka suuriya ee xulafada la ah Turkiga Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bani aadaminimada ee UN -OCHA waxay sheegtay deegaannada ay dagaalladu k asocdaan iney ka barakaceen dad rayad ah oo ka badan 160,000, iyada oo tiradaasi l afilayo iney sii korodho. Xaaladda IS waa sidee? Dagaalka wuxuu ku sii ballaartay xerooyinka lagu haya xubnaha iyo dableyda ka tirsanaa ururka IS. Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabadi dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS. Halka ay hay’ada xuquuqda aadanaha suuriya u doodda ee SOHR ay sheegtay dadka baxsaday tiradooda iney gaareyso 100. Xerooyinkaasi oo ay lagu hayo in ka badan 12,000 oo qof o barakacayaal ah oo ay ka mid yihiin 1,000 qof oo dumar iyo carruur ajaanib ah isugu jira oo lala xiriiranaya kooxaha jihaad doonka ah? SDF waxay gacanta ku hayaan 12,00 oo qof oo looga shakisan yahay iney IS ka tirsanaayeen, iyada 4,000 oo dadkaasi ka mid ahna ay yihiin ajanib. Turkiguna wuxuu sheegay inuu qaadayo mas’uuliyadda macabiista IS oo uu la kulmo inta uu weerarka wado. Qaran News
-
Cabdishakur M. Shahaad oo 7 bilood ka hor ku geeriyooday burburka dayaaraddii Ethiopian Airlines ET302 ayaa meydkiisa Isniin maant ah la geynayaa magaalada Muqdisho. Sheybaarka dheecaanada jirka ee loo yaqaano Foreensig Saynis ayaa lagu helay meydka. Marxuumkaan ayaa ahaa sarkaal katirsan xafiiska raysal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku jiray 157 qof oo shilka diyaaradeed naftooda ku waayay bishii march ee sanadkaan. Dhammaan dalalka ay kasoo jeedaan dadka ku dhintay shilkaas diyaaradeed, ayaa haraadiga maydadkooda lagu wareejiyay. Dowladda Kenya oo kamid ahayd dowladdaha muwaadiniinta ugu badan uga dhinteen shilkaas, ayaa shaacisay in khamiista todobaadkaan aas qaran u sameynayso maydadkii lagu wareejiyay. PUNTLAND POST The post Soomaaligii ku dhintay dayaaraddii Ethiopian Airline oo maanta Maydkiisa Muqdisho la geynayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka jawaabto go’aankii ay Kenya ku jebisay xayiraaddii duulimaadka ee saarneyd magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xalay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay kulan gaar ah ka yeesheen jawaabta uu dalkaan ka bixin doono xadgudubka lagu sameeyay, taas oo wax u dhimeysa madaxbanaanida dalka. Warar aan ka helnay xubno lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in dowladda ay ka fakareyso laba qodob midkood oo kala ah, in dalka laga eryo safiirka Kenya, ama in la joojiyo qaadka soo gala dalka, si looga jaaabo xadgudubyada dowladda Kenya. “Xukuumaddu waxay dhowaan eryi doonaa safiirka Kenya ama joojiin doontaa qaadka dalka soo gala ee ka yimaada Kenya si looga jawaabo xadgudubyadii dhacay ee dhanka duulimaadka ah” ayuu yiri qof ka tirsan Villa Somalia oo aan la hadalnay. Illaa hadda ma cadda midka ay qaadan doonto dowladda labada go’aan. Waxaa sidoo kale macquul ah in dowladda aysan labada tallaabo midkood qaadin, ayna dacwad caalami ah oo ka dhan ah Kenya u gudbiso Midowga Afrika iyo QM. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalin kadib markii ay mamnuucday duulimaadka Kismaayo iyo Nairobi ayaa amarkaas waxaa jebiyay dowladda Kenya kadib markii wafdi sare oo ka socda dalkaasi ay ka qayb galeen caleema saarka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay canshuurta qasabka ah ee kooxda Al-Shabaab ka qaado dadka reer miyiga ee ku nool dhulka ay maamulaan. Warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammanka ayaa lagu sheegay canshuurta sharci darrada ah inay sababtay barakac xoogan iyo in ay hoos u dhigtay dhiirrigelinta wax soo saarkii beeraha. Boqolaal qoys oo ku tiirsanaa xoolaha iyo Beeralayda ayaa guryahooda uga cararay cabsi soo wajahday kadib markii Shabaabku weydiisteen inay qasab ah ku bixiyaan lacago ay ku sheegeen canshuur, sida warbixinta ay tiri.. Qoysaskaan oo ay horey u saameeyeen abaarihii ka dhashay roob yarida, ayaa ku qasbanaaday inay u baracakaan dhulka magaalooyinka, halkaas oo hay’adda safamalku ku caawiyaan. Sidoo kale, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan looga muujiyay askaraynta carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sheegay inay ka socoto gobolka Bari oo ka tirsan Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Laga soo bilaabo Janaayo ilaa Luulyo 2019, guddiga la socodka howshaan, ayaa ogaaday in 869 caruur ah, oo ay ku jiraan 8 gabdhood, la askareeyay ayna adeegsadeen ciidamada qalabka iyo kooxaha xagjiriinta ah. Sanadkii 2018, Sanduuqa Qaramada Midoobay ee caruurta (UNICEF) iyo hay’adaha la shaqeeya ayaa dhaqan celin u sameeyay 1,466 carruur ah oo ku nool magaalooyinka Afgooye, Baydhabo, Dhuusamarreeb, Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laga bilaabo Kalfadhigaan 6aad ee xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan warbaahinta ka qaybgali doonin shirarka Baarlamaanka, waxaana arintaasi ka dhashay doodo kulul. Joojinta warbaahinta oo aan si rasmi ah loo shaacin balse xogtii la helay ayaa xaqiijineysaa in Warbaahinta sanadka soo socda ka qaybgali doonin fadhiyada Golaha Shacabka, balse lama oga sanad kadib markii la doorto Baarlamaan cusub sida uu xaalka noqon doono. Caasimada Online ayaa ogaatay sababta Baarlamaanka looga joojiyay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxaana sababay arintaan. Sanadka uga harsan muddo xiloodkooda Golaha Shacabka waxay ku shaqayn doonaan xarunta guddiyada ee Villa Hargeysa taas oo ka dhaxtaalla madaxtooyada Soomaaliya waxaana la dhisi doonaa xaruntii wayneed ee Golaha Shacabka. Turkiga ayaa la sheegay in uu si qaldan u dhisay xarunta Villa Hargeysa waxaana meesha ka baxay kuraas badan iyo qayba kale oo muhiim u ahaa shaqada Golaha Shacabka. Caasimada Online ayaa ogaatay in kuraasta xaruntaan lagu soo koobay 243 kursi halka Baarlamaanka ay yihiin 275. Kuraasta martida kaliya waxaa laga dhigay 7 kursi halka markii hore ay intaas ka badnaayeen kuraasta shaqaalaha Baarlamaanka oo ka badnaa 30 ayaa hada lagu koobay 4 qof oo kaliya halka meesha laga saaray qaybta warbaahinta iyo kuraas kale oo muhiim u aheyd shaqada Baarlamaanka. Arintaan ayaa la sheegay in ay sababtay sababta loogu diiday warbaahinta, waxaana dib loo wacay Shirkadii dhistay xarunta iyadoo cadeysay in aysan ku laabasho laheyn. Sidoo kale qaybtii Baakinka gaadiidka xildhibaanada ayaa gabi ahaanba meesha ka maqan waxaana jira dooda ku saabsan halka la dhigan doono gaadiidka Xildhibaanada. Hal kaamiramaan oo ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa la sheegay in uu soo duubi doono muuqaalada iyo codadka baarlamaanka sanadka soo socda hadii aysan xaalada isbadalin. Dhinaca dowladda Turkiga ayaa dhismo casri ah maalmaha soo socda ku billaabi doonto xarunta Golaha Shacabka ee Guriga Umadda waxa uuna dhismahaasi la sheegay in uu qaadan doono muddo dhan 2 sano. Waxa uu dhismahaasi dhamaan doonaa sanad kadib markii la doorto Baarlamaanka 11-aad ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa sheegaya in Haweeney ay xalay si arxan darro ah u dishay Sayigeedii hore. Haweenaydan ayaa Ninkeedii hore ku dishay habeen hore fiidkii bartamaha suuqa Wajaale, kadib markii ay la dhacday Toorey dhowr jeer, isla markaan ay dhaawac gaadhsiisay haweenay la socotay Ninkeedii hore ee ay kala tageen. Ninkan la dilay oo lagu sheegay magaciisa Maxamuud Aw Jamaac ayaa dhowaan waxa uu la aqal galay haweenaydan kale ee lala dhaawacay, isagoona ka soo guursaday magaalada Bahar-daar ee Ismaamulka amxaarada Itoobiya. Falkan ayaa waxa lagu sheegay in uu xiriir la leeyahay arrimo maseer (Hinaaso), kaasi oo daba socday kadib markii uu Ninkaasi uu dhawaan guursaday haweeneyda xalay la socotay markii la tooreynayey. Wararka ayaa intaas waxay ku sii darayaan in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Haweeneydii falkaasi arxan darada ah geystay, kadib markii ay isku-dayday inay goobtaasi ka baxsato. Haweenaydan ayaa isla markiiba waxay ciidamadu u gudbiyeen saldhiga booliska ee magaalada Wajaale, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa. Waxaana dhacdadan aad looga hadal hayey saacadihii u dambeeyay baraha bulshada iyo meelaha ay ku kulmaan dadweynuhu ee deegaanada Somaliland, iyadoona qaabab kala duwan ay dadku uga faaloonayeen falkan arxan darada ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu la kulmay Odoyaadha Dhaqanka Jubbaland oo ay is Xog wareysteen. “Reer Jubbaland aad ayaa u nasiib [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-13102019.mp3 View the full article
