Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 459755972_552784627184424_6538002796522781614_n Qaran News
  2. Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, S/ Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa tababar u soo xidhay dufcadii labaad oo ka kooban 120 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Booliska JSL oo muddooyinkii u dambeeyay tababar uga socday Jaamacadda Booliska Dalka Itoobiya ee Sandafa , Tababarkan oo ku saabsanaa Baadhista Dambiyada, Nabadgelyada waddooyinka, Xuuraanka , Isgaadhsiinta iyo Tababarka tababarayaasha . Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa ku bogaadiyay xubnaha tababarka ka qalinjebiyay dedaalka ay muujiyeen, isagoo rajeynaya in aqoontooda iyo xirfadooda cusub ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan kor u qaadida shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidamada Booliska. Xafladda xidhitaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia , Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya iyo saraakiil ka kala socotay labada Ciidan Boolis. Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu iftiimiyay ahmiyadda ay leedahay in la sii wado xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo horumarinta xirfadaha labada ciidan boolis si loo xoojiyo amniga iyo nabadgelyada gobalka. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hor istaagtay qorshe halis ah oo Itoobiya iyo Maamulka Laftagareen ay iska kaashanayaan, qorshahas ayaa ciidamo badan lagu geynayaa magaalooyinka Baraawe, Marka iyo magaalooyinka kale ee gobolka Shabeellada Hoose. Itoobiya iyo Laftagareen ayaa qorsheeyey inay ciidamo badan diyaarado uga soo qaadaan Baydhaba, isla markaana ka dejiyaan Baraawe, balse dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay, kana hortagtay qorshahaas. Shalay iyo maanta waxaa la hakiyey labo diyaaradood oo doonayey inay ciidankaas kasoo daabulaan magaalada Baydhaba, kana soo dejiyaan, lamana oga tallaabada xigta ee Laftagareen iyo Itoobiya ay qaadi doonaan. Caasimada Online waxay ogaatay sababta ka dambeysa in K/Galbeed ciidamo geyso Baraawe, halka dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay qorshahaas, maadaama ay wadato qorshe ka duwan. Laftagareen ayaa qorsheynaya inuu qabto doorasho u dhaceysa sida uu rabo, halka dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in hadii Laftagareen uu qaba waayo doorasho rasmi ah ay doorasho kale ku qabato Baraawe. Maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya oo Laftagareen kala shaqeyneysa qorshihiisa ayaa Baraawe u arka muhiim, balse dowladda ayaa ku fahantay, kana hortimid qorshahaas. Caawa waxaa Muqdisho ku shiray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka, iyagoo ka wadahadlay sida laga yeelayo Laftagareen, hadii uu diido doorashada. The post Xog: DF oo ka hortagtay qorshe halis ah oo Laftagareen iyo Itoobiya ay wateen appeared first on Caasimada Online.
  4. Kenya's auditor general has started to examine the country's debt to ascertain the amounts owed to various creditors, Finance Minister John Mbadi told Reuters on Monday. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si adag ugu jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS Saalax Shariif oo hadal ku weeraray culimada Hawaabiyada. Sheekh Bashiir oo kamid ah culimada Hawaabiyada ayaa hadana ka tirsan wasaaradda Diinta, wuxuuna si afag ugu jawaabay wasiir ku xigeenkiisa diinta. Sheekh Bashiir ayaa Wasiir Saalax ku eedeeyey in uu la kala saftay culimo isku heysa mas’alo diini ah, taasna aan looga baahneyn qof siyaasi ah. Wasiir Saalax Shariif ayaa shalay xafladii Mowliidka ee Culimada Ahlusunna ka sheegay in culimadii Wahaabiyada ay u soo kala dhuunteen dowladda, isla markaana ay ka waantoobeen ololahoodii, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in culimada Wahaabiyada ee diidan xuska dhalashada Nabiga NNKH ee Mowliidka ay sii yaraanayaan, isagoo ku hanjabay in Masaajida ay gacanta ku hayaan la garanayo oo dowladda ay u tira-kooban yihiin. Sheekh Bashiir ayaa sheegay siyaasiyiinta ay shacabka kala qeyb geli karaan munaasabadaha, balse wuxuu Wasiirka ku eedeeyey inuu ka hadlay mas’alo diini ah oo hadana uusan aqoon u laheyn. Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa ku dooday in weli ay qabaa in munaasabada mowliidka ay Bidci yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala doodaan mas’aladahaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Bashiir oo si yaab leh u weeraray Wasiir Saalax iyo khilaaf diini ah oo qarxay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta booqday hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa saxiixay Buugga tacsida Ugaaska. Madaxwaynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeey qoyska, iyo ehelada Marxuumka waxa uuna Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul firdowsa. Hoyga uu ka furan yahay buuga tacsida wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo Ugaaska qaraabadiisa ah. Arrinta cajiibka ah waa in kolanyada Madaxweynaha aan jidka loo xirin, waana tallaabo dhif iyo naadir ah. Gaadiidka Madaxweynaha iyo kan shacabka ayaa is dhex qaaday galabta, isgoysyada oo gaadiid badan ay buuxaan ayuu gaadiidka Madaxweynaha si tartiib ah u dhex maray. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan tacsi ah, lana kulmay Kheyre appeared first on Caasimada Online.
  7. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xalisinta iyo Ilaalinta Arimaha Rayidka, Mudane Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay Magalada Muqdisho Saafirka u fadhiya Midowga Yurub Soomaaliya, Marwo Karin JOHANNSON. Ergayga Ayaa sharaxaad ka bixiyey hawlgaladii ugu danbeeyey ee lagu xoreeyey deeganada Jubaland oo ay kamid yihiin Buulo Xaaji, Harboole iyo Janay Cabdalle, isagoo sidoo kale xusey dadaaladii lagu furay waddada u dhaxaysa Kismaayo iyo Afmadow. Ergayga ayaa faahfaahin ka bixiyay xasilinta laga sameeyey Deeganada Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Mudane Cumar Xaashi, ayaa dul istaagay muhiimada ay leedahay in la helo xasilin waarta iyo sidii wax looga qaban lahaa kaabayaasha dhaqalaaha; biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo sidii bulshada ku dhaqan deeganada la xoreeyey loogu tababari lahaa wax soosaarka beeraha , kaluumaysiga iyo dhaqashada xoolaha nool. Danjire Karin Johansson, ayaa soo dhawaysey dedaallada xukuumadda Federalka Soomaaliya ay ugu jirto xasilinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka, iyo sidii deeganada la xoreeyay si degdeg ah loo gaarsiin laha adeegyada xasilinta, taasi oo kor u qaadaysa horumarinta iyo kobaca deeganada. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu. Kulankan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD, xasilloonida gobolka iyo isbedalka cimillada, sida ay shaacisay Villa Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga. Sidoo kale waxa uu adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol, xilli ay aloosan tahay xiisadda xooggan oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka. Wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka. Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay xad-gudubka Itoobiya oo ayadu heshiis sharci darro ah la saxiixay Somaliland, kaas oo qeybo kamid biyaha Soomaaliya loogu gacan galinayo Soomaaliya. The post Xasan Sheekh iyo wafdiga IGAD oo kulan xasaasi ku yeeshay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol. Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka Gobolka. Source: goobjoog.com
  10. Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay fatahaado ku dhufatay bartamaha Yurub dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay, iyada oo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay dalalka Czech Republic, Poland iyo Austria. Dalka Czech Republic, hal qof ayaa ku qaraqmay tog ku dhow magaalada Bruntal ee Waqooyi-bari ee dalkaas, iyadoo ilaa hadda la la’yahay toddobo qof. Dhanka Poland Afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen , inkastoo afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha guduhu uu sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka yartahay. Dalka Austria, laba qof oo kala ah 70 jir iyo 80 jir ah ayaa ku dhintay waqooyi-bari ee dalka. Mid ka mid ah dadkaas oo deggan magaalada Höbersdorf ayaa sida muuqata isku dayayay inuu biya kasoo saaro gurigiisa markii uu daadku soo galay, sida ay ku warrantay warbaahinta Austria. Siddeed dhimasho ah ayaa la diiwaan galiyay dhamaadkii todobaadkan Poland, Romania iyo Austria, halkaas oo nin ka sahqeeya dabdemiska u uku dhintay hawlgal samata bixin ah oo uu sameynayey. Fatahaadan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee muddooyinka ka dhaca dalalka bartamaha Yurub, waxaana weli isisoo taraysa waxyeellada ay geysteen. Source: goobjoog.com
  11. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaaray Guriga General Gaafow oo ay taalo Tacsida AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara-cade. Madaxwaynaha ayaa u tacsiiyay ehelka, Qoys, Qaraabada iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed geerida ku timid ugaas Abdullahi Waxaa uuna Allah uga baryay in Janatul Firdowsa ka waraabiyo Ugaaska Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi oo kamid ahaa bahda dhaqanka Soomaaliyeed ayaa dhowaan geeriyooday, waxaana tacsidiisu ka socataa magaalada Muqdisho, ayadoo ay buugga tacsida saxiixeen madaxda dalka iyo hoggaanka qeybaha kala duwan ee bulshadu. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  12. Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay culeyska xooggan ee Gudaha iyo Dibadda uga imaanaya Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii uu fashil ku yimid wajiga saddexaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Abiy Axmed ayaa maalmihii u dambeeyay Xukuumaddiisa waxa ay sameyneysay xadgudub xooggan oo ka dhan ah Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida hadallo adag oo xiisadda sii hurinayaiyo tallaabooyin kale oo ay qaadday. Itoobiya ayaa u muuqata in ay ku adkeysaneyso heshiiskii gurracnaa ee Abiy Axmed la galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee sida cad uga hor imaanayay Dastuurka iyo jiritaan ummadda Soomaaliyeed. Turkiga oo cilaaqaad kala dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya isla markaana dhexdhexaadiye ka ah xal u helista daminta xiisaddaan ayaa u muuqda in uu ku guuldareystay in wadjiga saddexaad uu miiska wadahadalka isugu geeyo ergada kala matalaysa labada dhinac. Warbaahinta Turkiga ayaa intooda badan waxa ay aad u hadal heysaa in Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Itoobiya aanay isu dhaweyn mar haddii dhinac weliba uu doonayo inuu tanaasul sameeyo dhanka kale. Tusaalaha ugu dhow ee lasoo qaadanayo waa in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu si cad u sheegay in aanay Dalkiisu ahaan Karin bilaa deked, sida ugu fudud oo ay ku heli karaan ayuu tilmaamay inay xoogga u saarayaan. Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu mowqifkeedu yahay in Xukuumadda Abiy ay si cad u sheegto in ay burburisay heshiiskii gurracnaa ee kala dhantaalayay midnimada iyo wadajirka isla markaana meel fog ka istaagto ku xadgudubka Soomaaliya. Culeyska gudaha ka heysto xukuumadda Abiy Jabhadaha hubeysan ee ku kacsan Xukuumadda Abiy ayaa xoogga saaray in ay ku dhawaadaan Magaalada Addis Ababa oo ah goobta keliya ay si awood ah ugu faani karto in ay maamusho Dowladda 100% Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa diiwaanka geliyay kiisas badan oo la xiriira Xasuuq, Kursi, Boob iyo awood sheegasho oo Ciidanka Federaalka ku dhaqaaqay laga soo billaabo sanadkii 2020kii oo dhiig badan ku daadiso gobollo kala duwan. Culeyska dibadda Dalal badan oo caalamka ah ayaa Xukuumadda Itoobiya ku cambaareeyay tallaabooyinka kala duwan ay qaadeyso iyada oo dooneysa in Geeska Afrika marqura dhimbishu dhinac weliba iska qabsato maadaama ay ku dhaqaaqayso go’aamo culus oo salkoodu noqon kara dagaallo. Itoobiya ayaa kol hore diiday wadahadalkii uu Maraykanka garwadeynka ka ahaa ee lagu doonayay in hoos loogu dhigo xiisaddii ka dhalatay biyo xireenka ay ku sameysay Webiga Biyaha Nile oo tallaabadaas si cad uga hor yimaadeen Dalalka Suudaan iyo Masar. Isha: MM The post Abiy Ahmed oo wajahay laba culeys oo kala daran – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horeysay ku timi Puntland. Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horreysay ku timi Puntland. Kulankaasi ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarin, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Daa’uud Bisinle, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu ay kala hadleen xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya. Wasiir Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ay Muqdisho ku yimaadeen casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka. “Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad-gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wafdiga uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh ay ka hadleen arrimaha ay salka ku hayso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ah is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland la galay Abiy. “Shacabka Itoobiya dhibaato nagama dhaxeyso, laakiin nidaamka dalkaas ka jira ayaan wax isku diidnay, waxa aan rajeyneynaa waxa gobolka yaallo iska xalismo oo caqliga soo laabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Fiqi. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay wasiirka in wafdiga ay isla garteen in Soomaaliya laga sameeyo xarunta dhaqaalaha baluugga ah (Blue Economy center) ee hoos tagta IGAD, maadaama uu dalkeenna kamid yahay waddamada Afrika ugu xeebta dheer, islamarkaana looga faa’iideeyo dhammaan waddamada gobolka. Si kastaba, Wafdiga sare ee IGAD ka socda ee maanta imaaday Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu sarreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: FIQI oo shaaciyay arrin ay kala hadleen wafdiga IGAD oo la xiriirta Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa akoonada lacagta ugu jiray laga xayiray kadib markii maxkamadda sare ee Kenya ay arrintaas xukuntay. Maxkamadda ayaa akoonadda safaaradda Nairobi u xayirtay sababo la xiriira dayn dhan 25.6 milyan oo shillin oo ay ku sheegatay shirkad qandaraasle Kenyaan ah, taas oo hoggaankii hore ee safaaradda uu dafiray sax ahaanshaha lacagtaan. Shirkadda qandaraaslaha ah ayaa dacwadda ku soo oogtay dowladda Soomaaliya sannadkii 2019, iyadoo ku eedeysay inay jebisay qandaraaskii dayactirka safaaradda ay ku leedahay Nairobi, ayada oo kadib ay dowladda ka qaatay racfaan, kadib markii ay ku dooday in go’aankaasi sharci darro yahay, maadaama dowladdu leedahay xasaanad diblomaasiyeed. Hase ahaate, Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Mabeya ayaa diiday codsiga Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan adeegsan karin xasaanadda dublamaasi si ay uga fogaato mas’uuliyadda sharciga ah ee ka dhalatay hawlaheeda ganacsi. “Xaaladdan oo kale, maxkamaddu waxay caddeyneysaa in mabda’a xasaanadda qaran uusan quseynin hawlaha ganacsi. Mabda’ ahaan, marka dowlad ama hay’adaheeda ay ku lug yeeshaan heshiisyo ganacsi, waxay lumiyaan xasaanadda caadiga ah ee loo sameeyo ficillada qaran,” ayuu yiri garsooraha. Maxkamadda ayaa sidoo kale caddeysay in bangigu xaqiijiyay inuu hayo lacag ku filan si loo bixiyo deynta oo ku jirta koontada safaaradda. Halka uu Jabriil Cabdulle oo ah safiirka Soomaaliya ee Nairobi uu sheegay in akoonnada la xayiray ay ku jiraan lacagaha codsiyada iyo khidmadaha la xiriira dalbashada baasaboorrada iyo fiisooyinka ee safaaradda. Dhinaca kale, Safiirkii hore ee Soomaaliya Amb. Tarsan ayaa gebi ahaanba diiday jiritaanka wax heshiis ah oo lala galay shirkadda Kingsley, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day lagu dhacayay lacagta jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku taburucday qeyb kamid ah lacagta lagu dhisay safaaradda. Tarsan ayaa isku-deyga lunsasho u saariyay Amb. Fatxudiin Cali oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Turkiga, halka uu safiirka uu iska difaacay eedeyntaasi, isaggoo sheegay in dadaalka jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dayactirayay safaaradda uu soo billawday 2015-kii balse Tarsan uu diiday inuu sii wado howshii socotay, uuna dafiray shaqada shirkadii qabatay dayactirka safaaradda. The post Maxaa ka run ah lacagta malaayiinta ee lagu sheegtay safaaradda Somalia ee Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  16. Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee u dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo ciidanka gaarka ah ee PSF ayaa sare ku kacday saacadihii u danbeeyay. Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon oo maanta jeediyay hadal kooban ayaa xaqiijiyay xiisadda iyo amni-xumada maalmahan ka jirta magaalada Boosaaso. Guddoomiye Shaahdoon oo hadalkaasi ka jeediyay shir ku saabsan nabad-galyada Boosaaso ayaa xiisadda halkaasi ka jirta ku eedeeyay ciidanka gaarka ah ee PSF oo khilaaf kala dhexeeyo xukuumadda Deni. “Nabad-galyo xumo ayaa ku soo korortay Boosaaso maalmahan waxaana soo kordhiyay ciidankii la oron jiray PSF oo dhinaca bari ka degan magaalada” ayuu yiri guddoomiye Shaahdoon. Guddoomiyaha gobolka Bari ayas sidoo kale sheegay in aan la dugsan karin nabadgalyo xumo islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto ka hor intaan amnigu gacanta ka bixin. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ciidanka gaarka ah ee PSF ku eedaysay xiisadda ka taagan Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa loogu gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaasi uu marayo meel wanaagsan, isaggoo tilmaamay in dhaqan-galka heshiiskan ay kasoo horjeedan labada dal oo keliya oo ah Soomaaliya iyo Jabuuti, sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu sheegay in urur-goboleedka IGAD uusan kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, xilli ay ururada gobolka iyo caalamkaba si adag uga horyimaadeen heshiiskaasi, una caddeeyeen madax-banaanida iyo qarranimada Soomaaliya. “Heshiiska innaga iyo Itoobiya, adduunyada waxa kasoo horjeeda dalka Soomaaliya, sidoo waxaa kasoo horjeeda madaxweynaha Jabuuti (dalka Jabuuti). Dal kale oo kasoo horjeeda maleh, toddoba dowladood ayaa IGAD laysku yiraahda, mid qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan ma jirto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in Abiy uu shirkii Shiinaha iyo Afrika uu ka sheegay in heshiiskan uu soconayo, wallow uu Shiinaha oo saaxiib la’ah Soomaaliya uusan ku faraxsaneyn is-afgaradka, waxa uuna sheegay in aanay ka hadal. Somaliland oo weli ku dhagan heshiiskii horraantii sanadkan ay magaalada Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa isku dayeysa inay iib-geyso in uusan caalamka kasoo horjeedin heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu dhawaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd uu sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, lana dhaqan-geli lahaa, isaggoo diblumaasiyiinta caalamka ee ku sugan Hargeysa ku wargeliyay middaasi. Heshiiskan ayaa xiisad xooggan ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo ay tiraba fashilmeen laba wada-hadal oo Ankara ku dhex-maray labada dal, sidoo kalena uu dib u dhac ku yimid wejiga saddexaad ee wada-hadallada oo loo ballansanaa bishan dhexdeeda, maadaam uusan illaa hadda jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah. The post Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay heshiiska Itoobiya, kuna dhowaaqday… appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) — The Executive Secretary of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Workneh Gebeyehu, arrived in Mogadishu on Monday to hold high-level meetings with Somali leaders. Source: Hiiraan Online
  19. Nin ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa deegaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Xarardheere ee gobolka mudug. Ninkan isisoo dhiibay ayaa magiciisa lagu sheegay Maslax Maxamed Aadan oo naynaastiisa afgarashadiisu tahay Yoonis , kaas oo 26 jir ah, kuna dhashay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Maslax oo kooxda Alshabaab uga biiray deegaanada Jubbaland ayaa la sheegay inuu muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka magaalada Xarardheere, ugu dambeyna uu ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka isku soo dhiibay. Si kastaba ha ahaatee maslax ayaa la sheegay inuu Alshabaab iskiis uga soo baxay, balse lama faahfaahin howlaha uu kooxda u qaabilsanaa iyo mudada uu ka tirsanaa inta ay gaarayso. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda urur-goboleedka IGAD. Wafdigan oo uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyeh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi. Wafdiga ayaa waxaa intaas kadib loo galbiyay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, halkaasi oo ay hadda kulamo uga socdaan wasiirka arrimaha dibadda iyo xubnaha uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD. Sidoo kale waxay ay wafdiga Workneh Gebeyeh kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalka, si ay uga wada-hadalaan xaaladda ka taagan Geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta urur-goboleedka IGAD. Dhinacyadan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulankooda looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa is-afgaradkii sharci darrada ah ee xukuumadda Abiy ay la gashay Somaliland. Soomaaliya ayaa diidmada heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadeeda gaarsiiyay saaxiibadda iyo caalamka, iyada oo si weyn uga hortimid in Itoobiya loo gacan geliyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya oo xubin ka ah ururkaan ayaa xaq ku leh inay ka dhex sheegto waxyaabaha ay dooneyso ama inay ka dhiidhiso arrimaha dhibaatooyinka ku ah waana tan abuurtay in wafdiga IGAD ay soo gaaraan magaalada Muqdisho. The post Sawirro: Wafdi sare oo ka socda ururka IGAD oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo Maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho. War Qoraal ah oo ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada. “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol” aya lagu sheegay Qoraalkaasi. Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka Gobolka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo ka wada-hadlay Xiisadda Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL)— A Quran teacher has been arrested in Mogadishu for allegedly strangling a 17-year-old girl in the Warta Nabada district following a security operation, police said. Source: Hiiraan Online