-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay musharaxa madaxtinimada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa. Inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin kulankooda haddana waxaa ilo xogagaal ah ay sheegayaan inay kawada hadleen dhismaha Galmudug loo dhan yahay iyo geeddi socodka doorashooyinka soo socda. Musharaxa iyo Sheekh Shaakir waxa ay sidoo kale kawada hadleen sidii dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay faragelinta uga deyn lahayd shirka ka socda Dhuusamareeb looguna madax bannayn lahaa odayaasha dhaqanka Galmudug. Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa u sheegay Puntlandpost in musharax Odawaa uu madaxa xukuumadda Galmudug kala hadlay arrimaha ololihiisa doorashada iyo inay isku garab noqdaan marka lagu heshiisyo hanaanka dhismaha Galmudug. PUNTLANDPOST The post Maxay kawada hadleen madaxa xukuumadda Galmudug iyo musharax Odawaa. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayn dhinac ka raran ku sameeyey agaasimeyaasha iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayntan uu sameeyey waxa uu agaasime waaxeedyadii ugu badan isla markaana kuwa ugu muhiimsan ah u magacaabay shaqaale ay isku deegaan ka soo jeedaan, taas oo dhalisay dareen taban oo laga muujiyey hab dhaqanka wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa wasiir Sacad kula socda isku shaandhayntan dhinaca ka raran iyada oo wararkuna ay sheegaya inuu qayb ku lahaa go’aanka uu wasiirku ku magacaabay agaasime waaxeedyadan kala duwan ee u badan beeshiisa. Agaasime Gurxan ayaan dhankiisa hal xubin oo agaasime waaxeed ah oo ay isku deegaan yihiin aan lagu soo darin magacaabida wasiirka, taas oo su’aal galinaysa mataalada agaasime Gurxan ee deegaankiisa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa ka hadlay caqabadaha uu Madaxbanaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amar ama go’aan ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Telefishanada dalka ku amartay inay Wararka Somaliland soo horaysiiso kuwa Somalia-na ay ku daraan wararka dibada. Garyaqaan Dafac ayaa tilmaamay in sida loo kala horaysiinayo wararka uu ka hadlay xeerka Saxaafada Somaliland oo uu iska leeyahay Tifaftiraha hay’addaasi warbaahineed, wixii arintaa ka soo gudbana ay noqonayso faragalin lagu sameeyey madaxbanaanida Warbaahinta. Sidoo kale Guuleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay in go’aankani uu hoos u dhigi karo tartankii Warbaahinta Somaliland ay kula jirtay Warbaahinta kale ee Geeska Afrika, oo ay keeni doonto in dadka Soomaalida ee ku nool dalalka kale aanay eeginba Warbaahinta Somaliland ee Wararkooda oo kaliya baahiniya. Guuleed Dafac, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Garyaqaanku “Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen. Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso. Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa. Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay, markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan. Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan,” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo u waramayey Telefishanka HCTV. Source
-
Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa kulanka labaad ee is reeb reebka koobka aduunka 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar magaalada Haraare kula ciyaaray xulka wadanka Zimbabawe. Kulankii hore oo ay labada wadan ku dheeleen garoonka Al-Hagi Guleed ee dalka Jabuti waxaa 1-0 ku adkaaday xidigaha dalkeena Soomaaliya waxaana goolka u dhaliyay xidigaha Elman Anwar Sayid Cali. . Tagaareyaal badan oo Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Haraare,si ay dhiiri gelin iyo garab istaag ugu muujiyaan xidigaha xulkeena waxayna badankooda ka yimaadeen Koonfur Afrika. Wafdiga ku sugan magaalada Hareere ee ka socoda Xariirka kubbadda cagta dalka waxaa hogaaminaya Cabdisamad Sheekh Qaasim oo ah madaxa farsamada xariirka kubbadda cagta,Cali Barre oo ah guddoomiyaha kooxda Hilaac iyo Cabdullahi Cilmi oo isna ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Rajo. “Waa in aan ka *****naa hadafkeena oo ah in dalkeena u samaynaa guul taariikha ah oo lagu xasuusto xidigaha matalaya wadanka,si mustaqbalka soo socda ay ugu faanaan jiilka danbe,diyaar ayaan u nahay 100% ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamuud Cali oo ah kabtanka xulka qaranka Soomaaliya. Ogeysiiska Kulanka Tartanka- World Cup qualification Dalalka-Zimbabwe VS Somalia Tariikhda-10-09- 2019 Maalinta– Talaad0 Sacaada Kulanka-4:00pm Cimilada Xiliga Ciyaarta:-27° / 12° Garoonka-National Stadium Daawashada-FIFA TV Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Moscow)-Xisbiga haya tallada Ruushka ee loo yaqaan United Russia party, ayaa lumiyay saddex meelood meel lumiyay kursiga aqalka golaha deegaanka kadib doorashadii gobolada ee shalay dhacday. Wakaalada wararka Ruushka ayaa sheegtay in badi xisbiga haya tallada uu hantay aqlabiyada kuraasta hoose ee Barlamaanka magaalada Moscow. Xisbiga uu hoggaamiyo Putin ayaa dhanka kale ku guulleystay badhaasaabka magaalada St. Petersburg iyo 15 gobol oo kale oo ka mid ah Ruushka. Natiijada ka soo baxday doorashada ayaa waxaa saluugay xisbiyada Mucaaradka, waxaana ay ku soo aadeysaa iyadoo dibadbaxyo xooggan ay mucaaradku dhigayeen toddobaadyadii la soo Dhaafay. Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa tijaabo u ah loolan uu gali doono xisbiga haya tallada marka la gaadho sannadka 2021-da oo la qaban doono doorashada Baarlamaaniga Ruushka. Source
-
The International Monetary Fund (IMF) has suggested that the value-added tax (VAT) should be doubled from five per cent to 10 per cent in Saudi Arabia in consultation with the other Gulf countries. Analysts expect the hike in VAT rate will come only after 2021 once Kuwait and Oman will also be ready to implement it and as a customs union, the increase makes sense across the GCC countries. “The introduction of the VAT in January 2018 was a landmark achievement, with revenue collections exceeding expectations. The reduction in the registration threshold at the beginning of 2019 has also gone smoothly. Staff suggested that consideration be given to raising the VAT rate from 5 to 10 percent, in consultation with the GCC,” IMF said in a report prepared its staff after consultation with the authorities in the Kingdom. The UAE and Saudi Arabia introduced the five per cent value-added tax from January 2018 with both the countries surpassing their tax collection targets. Thaddeus Best, an analyst at Moody’s Sovereign Risk Group, said as a customs union, it is logical that GCC countries would seek to keep their VAT rates harmonised in order to prevent tax arbitrage opportunities emerging within the GCC. “However, as the hesitant implementation of five per cent VAT across the GCC since 2018 shows, there is some scope for VAT differentials to be tolerated, so long as they are relatively small and temporary, as it is currently the case in the GCC with only three out the six countries having implemented the measure so far. Nevertheless, we think it is unlikely that Saudi Arabia, the UAE and Bahrain would raise VAT rates further until the remaining GCC sovereigns have finalised their VAT frameworks,” Best told Khaleej Times. “We don’t expect Kuwait and Oman will be ready to implement VAT until 2021 at the earliest, the earliest opportunities for any further increases to the VAT rate are likely to fall after that date. The only other catalyst we see for bringing forward any increases would be if oil prices decline sharply from current levels, although this is not our baseline view,” he said. The Kingdom’s non-oil revenues last year increased by 59 per cent, buoyed by the VAT, excises, expatriate levy, and proceeds from the settlement agreements. IMF estimated that VAT rate increase will add 2.0 per cent to the Kingdom’s GDP in 2024. – waheedabbas@khaleejtimes.com Khaleej Times Qaran News
-
(SLT- Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo aan noocooda la sheegin ku gantay badda, sida laga soo xigtay millatariga Kuuriyada Koofureed. Millatariga Kuuriyada Koonureed ayaa sheegay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi laga soo ganay dhul ku yaalla Koonfurta gobolka Pyongyang isla markaasna la mariyay biyaha xeebaheeda bari. Kuuriyada Koonfureed ayaa qabanaysa kulan deg-deg ah oo ay iskugu imaanayaan golaha ammaanka qaranka iyaga oo ka jawaabaya arrinta soo korodhay. Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii dhawaa tijaabisay noocyo badan oo gantaallo ridadoodu gaaban tahay ah. Haddii kuwan la xaqiijiyana waxay noqon doonaa tijaabadii tobnaad tan iyo bishii May. Arrintan ayaa imaanaysa saacado uun ka dib markii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Choe Son-hui ay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in dalkeedu uu diyaar u yahay in uu wadahadallo dib ula furo Maraykanka dhammaadka bishan Sabtembar. Source
-
(SLT- Beijing)-Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in siyaasadda Mareykanka ee ku saleysan cadaadiska ka dhanka ah Iiraan ay sal u tahay xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan. Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu joojiyo talaabadan khaldan, oo dhalin karta in Iiraan ay ka baxdo heshiiskii Nuclear-ka. Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Beijing ayaa tilmaamay in xaaladda ay ka sii dari doonto hadii Washington ay sii wado cadaadiska Iiraan ay xiisada sii socon Doonto. Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa bishii hore u qabtay mudo lixdan maalmood ah hadii Mareykanka aanu joojin cadaadiska uu ku hayo ay ka bixi doonaan heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%. Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka korodhka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sanno ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka. “Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sannadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka laba sanno ka hodhay dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka. “Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray ee dalka Soomaaliya. Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada. Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xidhiidha amniga darro, isbedelka cimilada iyo saboolnimo. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn ballaaran oo lagu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa hadda ka socota gudaha magaaladaasi. Dadweyne fara badan oo sita boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in goob fagaare ah uu kula hadlay dadkaasi, sidoo kalena uu booqdo xarumaha ciidamada iyo goobaha muhiimka ee degmadaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu uu dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinayo halkaasi. Ammaanka ayaa loo adkeeyey, iyaoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka magaalada, maadaama booqashada Khayre ay tahay tii ugu horreysay ee gobolka Bakool. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
An impassioned storm was recently ignited on social media by reports that two chiefs had been arrested in Wajir county amidst allegations of inflating population figures in the national census, a rather interesting departure from the typical indifference that generally greets reports of wrongdoing in the conduct of public affairs. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhinaca horumarinta ah la saxiixday dowladda Ingiriiska, kadib markii ay dhowaan Somaliland ka hortimid mashuruuc loogu magac daray marxuum Injineer yariisow, kaas oo laga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Heshiiskan ayaa waxaa dowladda UK u qalinka ugu duugay madaxa hay’adda DFID, Mr. Damon Bristow. War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha uu la xariiro heshiiskaasi. Qaraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska wajigiisa labaad ee kaalmada Britain ay kaga qayb qaadaneyso sanduuqa hormarinta Somaliland iyo sidoo kale kobcinta kheyraadka Tamarta ee maamulkaasi. Heshiiskani ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xafiiskiisa kula kulmay safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender. Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ku wa Al-shabaab ayaa habeenimadii xalay ku dagaalamay degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigga degamada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac u dhaxeeyey, oo kala ah ciidamada xogga iyo kuwii weerarka soo qaaday. Qof ka mid ah bulshada ku dhaqan dagmada Garbahaareey ayaa Goobjoog News u sheegay inuu jiro khasaare ay arkeen oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalaka Gedo. Sidoo kale, waxaa uu sheegay inuu arkay meydka ku dhowaad sedex ruux oo ciidamada ammaanka ay ku sheegeyn in ay ahaayeen qolyihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo meydkoodu yaalay afaafka hore ee saldhigga degmada. Dhanka kale, waxaan jirin ilaa iyo hadda war ka soo baxay saraakiisha ciidamada oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, balse ciidamada ayaa saakay dhaqaaqyo kawada duleedka magaalada Garbahaareey oo lagu xaqiijinaayo ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud oo saaka wareysi siiyay warbaahinta Puntland post ayaa ka warbixiyay xaaladda Amni ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Bari. G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa sidoo kale faahfaahiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka Booliisku ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso iyo socdaallo ay ku soo kormeereen degaanno ka tirsan gobolka Bari oo ka baxsan laamiga sida buuraleeyda Galgala. Taliyaha ayaa ku bogaadiyay shacabka Boosaaso sida ay Booliiska uga gacan-siiyaan sugidda Amniga waxaana uu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ” waxaan leenahay shacabka si dhow aan u wada-shaqeyno waxyaabaha mugdiga ku jirana waan ka saarnay” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali . Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay hawlgallada ka socda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa xarunta qaramada midoobey ee magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in kulamadaani ay ahaayeen kuwa xog is-dhaafsi ah ayna uga xog warameen hay’adaha halka wax u marayaan. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in mudadii ay shaqada wadeen waxbadan u qabsoomeen haseyeeshee ay jiraan culaysyo badan oo soo wajahay haba u badnaadeen dhanka dhaqaalaha. Mas’uuliyiinta hay’adihii ka qaybgalay kulanka aya aad u ammaanay waxqabadka guddiga waxaana ay balan qaadeen in intii awoodooda ah ay ka gacan siin doonaan habsami u socodka doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’ado caalami ah. appeared first on Puntland Post.
-
Ujeedka safarka ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu maanta ku tagayo Xudur waxaa ka mid ah in ciidamada waddaadka Mukhtaar Roobow la qarameeyo, oo lagu soo daro ciidamada xoogga dalka. Haddaba, Ciidamadaasi waxaa ay horay u sheegeen shuruudo ay tahay in la fuliyo kahor inta aaney ku biirin ciidamada xoogga dalka. Maxamed Mursal, gudoomiyaha Goloha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaliya ayaa dhowaan Safar uu ku tagay Xudur isaga iyo madaxeynaha K/Galbeed Cabdacasis Laftagareen iyaga oo u kuulgalay xaaladda guud, waxaa kale oo ay la kulmeen ciidamada Mukhtaar Roobow. Madaxda ay ciidamada kala hadlay suurtagalnimada inay qeyb ka noqdaan ciidanka xooga dalka, waxay kulamadas ahaayeen kuwa shuruudo adag lagu soo xirey oo ay ku jiraty: in ciidanka hogaankiisa qeyb kanoqdaan iyo in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada Iyo saanadooda loo dhameystiro Waxaan shaki ku jirin in shuruudaha qeyb kanoqan noonaan in wadaadka aya ayagu ka amar qaata heshiisyadaas dhamaan qax Ka ogyahay Goobjoogna ka ahaada Heshiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Somaliland ay howlgallo ka sameeyeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa bllaaraan ayaa lagu soo qab qabtay dad la sheegay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa 10 qof oo lagu eedeeyey inay dagaal la galeen ciidamo burburin ka waday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa xalay ku hoyday saldhigga Booliska ee degmadaasi. Sidoo kale waxaa guul darro ku soo dhamaaday dadaallo ay waxgaradka deegaanku ku doonayeen in lagu soo daayo dadkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Commentary. Press releases from United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) intended to express collective view on the situation in Somalia are becoming statements of the absurd. For the last three weeks news from Somalia gave a clearer picture of the progress the Somali Federal Government has made since February 2017, when President Mohamed Abdullahi Mohamed was elected to become the second President of post-transition Somalia. The Somali President is due to visit New York to attend the UN General Assembly, this time as a citizen of Somalia. President Mohamed renounced US citizenship last month, denying his opponents the opportunity to carry on the debate about the dual citizenship. The Prime Minister, Hassan Ali Kheire, retains his Norwegian citizenship and may even run for Presidency. He faces strong opposition. The former Federal Planning Minister, Abdi Aynte, criticised both the President and the Prime Minister for pursuing a zero sum game politics in a country that can thrive on collective and consensus-based leadership. The ability with which Al-shabaab levies tax on businesses in Mogadishu and neighbouring regions puts a question mark over claims of progress made by the government. How the extremist organisation acquired the ability to levy tax despite being kicked out of Mogadishu and nearby districts seven years ago is unfathomable to many. The Chairman of the Somali Chamber of Commerce, Abdi Abshir Dhorreh, told VOA Somali Service that Al-shabaab receives details of imports and identities of importers to be able to figure out tax liabilities for each business. As if that was not enough, Al-shabaab made contacts with technicians and workers at Mogadishu stadium. It ordered them not to resume reconstruction of the stadium. They complied with the order. Since 2017 Al-shabaab assassinated more than 40 elders, who had a role in the selection of MPs and Senators for 2017 elections; it pardoned elders who went to areas controlled by the group to repent. Al-shabaab has organised seminars for more than 100 Somali elders from different parts of Somalia. The failure to protect Somali citizens against the terrorist organisation is enough to intimidate elders into toeing Al-shabaab line. The resurgence of Al-shabaab results from, among other catalysts, the policy of the Federal Government of Somalia to try to centralise power while still relying upon AMISOM. Countries in whose name UNSOM signs statements have different views. The phrase “friends of Somalia” will lose meaning if International Partners of Somalia keep covering up real challenges Somalis are facing due to poor political leadership. James Swan: UNSOM Chief and SGSR By Qaman A. Dahir The post UNSOM statements of the Abusrd appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool waxay muddo Ku dhow 10 Sanno ugu jirtay xarakada Al-shabaab, waxaana aad u adkaa nolosha aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga qeybihiisa kala duwan: Maantatahay Magaalo Go’doonsan Shabaabku Cunaqabateeyen Kama Jirto Nolosha Aasaasiga Sida Waxbarashada Caafimaadka Ganacsi Furan Iyo Wax Dhaqaala ah aysan Lahayn Sidaa Awgeed Waxaa Maanta Tagaya Raisul Wasaare Kheyre iyo MD Lafatagareen Oo Wafuud Badana oo ay kala Hogaaminayaan Waxay Dadka Iyo Maamulka Sheegayaan Inay Dareemayan Culeys Miisaankiisa leh. Maxay Tahay Ajandayaasha Safarka Kheyre Ee Magaalada Xudur: Safarka Guud uu Ku marayo Gobolada K/Galbeed Uguur galida Xaaladaha Nolosha Dadka Amaanka Sidii Halkas loo Geyn lahaa Mashaariic Hormarineyd Isku Dhafka Ciidanka Xooga Dalka Kuwa Maamulka Iyo Kuwa u Hubeysan Sida Maleyshiyo Beeleedyada dib U furiska Wadoyinka Shanta Degmo Soo Gasha Gobolka Bokool iyo Kuwa Gacanta Dowlada Kamaqan Waxaa qodobka ugu muhiimsan ka mid ah In Ciidanka Muqtaar Roobow lagu soo saro kuwa xooga dalka Lana qalabeeyo ciidamadas o ay Ku sugan yihiin Degmada Xudur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay abaare 11:00 habeeno ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Booliska ee degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa saaka soo bandhigay Meydadka illaa 3 nin oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dagaalyahannadii weerarka fuliyey. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda saaka degan, waxaan howlgallo iyo baaritaano ay ka socdaan xaafado ka tirsan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warbixin uu soo saaray maanta Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka kororka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sano ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka. Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay maanta in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%. “Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sanadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor,dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka. “Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray maanta dalka Soomaaliya. Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada. Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xiriira amniga darro,isbedelka cimilada iyo saboolnimo. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xsan madaxa xukuumadda Galmudug ayaa xalay la kulmay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulanka oo qaatay muddo saacado ayaa waxa uu dhexeeyey Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Axmed Macalin (Fiqi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ah musharrax u taagan hoggaanka dowlad goboleedka Galmudug. Ilo ku dhow shirkaasi ayaa sheegay in labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco magaaldaasi. Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku booriyey labada xildhibaan inay ka qeyb qaataan horumarka iyo dhismaha loogu jiro Galmudug oo loo dhan yahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay kulan gaar ah Dhuusamareeb kula qaatay xildhibaano ka tirsan Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaaladaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray, Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Axmed Macalin (Fiqi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ah musharrax u taagan qabashada hoggaanka dowlad gobioleedka Galmudug. Labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha ammaanka, dib u heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco halkaasi. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kula dardaarmay xildhibaanadaasi inay ka qeyb qaataan horumarka iyo dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah. Xaaladda Galmudug ayaa hadda ah mid degan, waxaana si caadi ah ku socda shirka dib u heshiisiinta oo Jimicihii uu daah-furay Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com