Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa Minada ayaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi waxa ay baahisay inay ku dhaawacday illaa labo ka tirsanaa ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay in qaraxan ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Jabuutu, sida ay hadalka ay u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in hub iyo saanad Milatari ay ka dajisay degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi oo aad u fara badan ay dowladdu doomo dheereeya ku geysay dekedda magaaladaasi, kuwaas oo hubka ka qaaday dekedda Muqdisho. Sidoo kale wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in hubkaasi iyo saanada Milatari loogu tala galay ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ee ka howlgala Galmudug. Lama oga sababta ah ay dowladda federaalka ay hubkan u geysay halkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in loogu tala galay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doono gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Arrimahan waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb oo lagu qaban doono doorashada maamulka Galmudug. Dowladda Soomaaliya oo dhowaan magacowday guddiga farsamada maamulkaasi ayaa wada qorshihii ugu dambeeyey ee dhismaha Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  3. Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horraanta 2020. “Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha,iyadaoo ay jireen caqabado badan,Waxaan is-weydaarsannay muhiimadda ay leedahay in deynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan,iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen. Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC). “Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw. Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka. Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay degmada Hodan ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Seybiyaano ay dil qorsheysan ugu geysteen Muuse Abuukar Maxamed Nuuroow oo ay tilmaamtay inuu ka tirsanaa ciidamada Bangaraafta Soomaaliya. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalka ay dishay uu la shaqeynayey ciidamada Mareykanka, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale ma jiro illaa wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amni darro oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-20102019-ok-sax.mp3 View the full article
  6. Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilkii xubinnimo ka qaaday Aadan Cali oo ka mid ahaa guddiga xuduudaha Hirshabelle oo dhowaan isaga magacaabay. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in xilka laga qaado Aadan Cali, balse wuxuu warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka arrintaasi. Dhowaan ayeey ahayd markii mid ka mid ah guddigan uu shaaciyey inuu iska casilay xubinnimadiisa. Wasiir Caadle ayaa booskii uu ka eryey Aadan Cali waxa uu ku bedalay Xildhibaan Axmed Cabdi oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Senator Maxamuud Mashruuc oo katirsan senatorada Puntland u matala aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha gudaha Puntland oo lagu mamnuucay in wax xafiis ah ay Puntland ka furtaan cid katirsan dowladda federalka. Go’aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii wasiirka qorshaynta Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan barlamaanka aqalka hoose, Jamaal Maxamed Xasan uu xafiiska xiriirka bulshada ka furtay gobolka Sanaag. Senator Mashruuc ayaa sheegay go’aankaan inuu hor imaanayo dastuurka Dawladda Federalka Soomaliya qodobkiisa 61aad farqadiisa 2aad oo qeexaysa waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada. “Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 ama in mudanahu ka fikir siyaasad duwan yahay xukuumadda Puntland looma adeegsan karo is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo deegaan doorashadooda,” ayuu yidhi Mashruuc. Wuxuu ugu baaqay xukuumadda Puntland inay ka fogaato wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xasuusiyay in Puntland xubin ka tahay dawladaha xubnaha ka ah Dawaldda Federalka Soomaaliya ayna ku leedahay xubno matalaad. HALKAAN HOOSE KA AQRISO GO’AANKA WASAARADDA PUNTLAND POST The post Senator Mashruuc oo sharci darro weyn ku tilmaamay go’aan kasoo baxay Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Kenya’s opened a $1.5 billion Chinese-built railway line linking Nairobi to Naivasha on Wednesday, despite delays in building an industrial park in the Rift Valley town to encourage freight. The extension links to another Chinese funded and built $3.2 billion line between the port of Mombasa and Nairobi that opened in 2017 but is so far underutilized for cargo services. Upgrading Kenyan railways has been part of Beijing’s “One Belt, One Road” initiative, multi-billion dollar infrastructure projects aimed at improving land and maritime trade routes between China and Europe, Asia and Africa. Reuters Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Saybiyaano ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay,Muuse Abuukar Maxamed Nuuroow, waxaana ay tilmaamtay inuu wada shaqeyn la lahaa ciidamada Mareykanka. Sidoo kale waxa ay sheegtay in sarkaalkaasi uu AFRICOM u qaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo ee gobolka Sh/Hoose “Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka Murtadiinta Bangaraafta wuxuu ahaa murtad cadowga ku hoggaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Wasiirada maaliyada ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in muranka xuduuda badda ee udhaxeeya labada wadan uusan joojin doonin socodka gargaarka bini’aadanimo iyo ganacsiga. C / raxmaan Ducaale Beileh iyo ku simaha Xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa hadalkaan ka sheegay shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ee ka socda Washington D.C. Kenya oo kamid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururro badan oo gargaar siiya Soomaaliya, oo ka soo kabanaysa ku dhawaad 30 sano oo dagaal sokeeye ah. In ka badan 250,000 oo qaxooti Soomaali iyo magangalyo-doon ah ayaa ku sugan Kenya, sida lagu sheegay xog ka soo baxday Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sanadkaan hay’addaha caalamiga ee wada shaqayntu kala dhexeyso ka dalbatay in shirarka arimaha binu’aadanimada ee lagu qaban jiray Kenya loo wareejiyo meelo kale, maadaama xidhiidhka labada waddan uu xun yahay. PUNTLAND POST The post Kenya iyo Somalia oo sheegay dacwada ICJ inaysan hakin doonin xiriirkooda appeared first on Puntland Post.
  11. Police on high alert to ward off any new violence from protests over Turkish assault after clashes erupt on sidelines of a pro-Kurdish demonstration in western city of Herne Source: Hiiraan Online
  12. Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horraanta 2020. “Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha,iyadaoo ay jireen caqabado badan,Waxaan is-weydaarsannay muhiimadda ay leedahay in deynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan,iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen. Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC). “Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw. Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka. Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka. Source: goobjoog.com
  13. Somalia is negotiating with Turkey and Eritrea for deployment of their military commanders and supply of equipment for the war against Al-Shabaab when the African peacekeepers under Amisom, finally withdraw in 2021. Source: Hiiraan Online
  14. Qantas Airlines completed a record-breaking commercial flight Sunday morning when one of its Boeing 787-9s landed in Sydney at 7:42 a.m. Source: Hiiraan Online
  15. (Bloomberg) -- The finance ministers of Kenya and Somalia insist that a maritime-border dispute between the two nations won’t stop the cross-border flow of humanitarian aid and trade. Source: Hiiraan Online
  16. Days after the recent killings of civilians in the Afar as well as in Somali Regional States, the federal government has finally broke its silence, whereby Prime Minster Abiy Ahmed (PhD) has met with the leadership of the two regions to discuss over the issue, The Reporter has learnt. Source: Hiiraan Online
  17. Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay xilliga maxkamada ICJ ku beegtay dhegeysiga wareegga 2aad ee dacwadda badda ee Somalia oo ah june 2020, in ay tahay xilli waddanku ku jiro olole doorasho. Yuusuf Garaad wuxuu sheegay xilligaas in uusan jirin xilli uga xun Soomaaliya, maadaama muxaafid iyo mucaaradba ay ku mashquusalsan yihiin herdanka o’lolaha doorashada madaxtinimada. Dhinaca kale, koox Kenya ah, ayaa ka codsaday maxkamadda sare Kenya inay ku khasabto dowladda in ay ka laabato muranka baddeed ee ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, iyaga oo ku dooday in go’aanka ka qeybgalka dacwadan uu ahaa mid khaldan. Kooxdaan oo ay qareeno ku jiraan, ayaa cabsi weyn ka muujiyay waxa dhici kara haddii maxkamada cadaaladdu Soomaaliya u xukunto dhul badeedka lagu muransan yahay, markaas dowladda Kenya waxay ku qasban tahay inay u hogaansanaato go’aanka maxkamada. Waxay sheegaan sababta kaliya ee wax looga qaban kara arintaas.’ waa In Kenya mudnaanta siiso danaha qarankeeda ioo sharafteedu ku jirto. PUNTLAND POST The post Yuusuf Garaad: Dib-u-dhigga June 2020 Ma jiro xilli Somalia uga xun appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ku jira xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay joojisay dacwaddii uu gudbiyey xisbiga Himilo-Qaran. Xubnahaan ayaa noo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay joojisay in Maxkmadda Sare ee dalka ay guda-gasho waajibka ka saaran dacwada ay soo gudbiyeen xubnaha xisbiga Himilo Qaran kadib markii laga hor istaagay safar uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ku aadi lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed inkastoo markii dambe ay u suurta gashay. “Maxkamadda ugu badnaan 48 saac ayey aheyd in ay guda-gasho kiiskaan sababtoo ah waa ka duwan-yahay dacwadaha kale balse ilaa hadda ma furin waxaana joojiyay Xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran oo la hadlay Caasimada Online. “Dacwadaha nuucaan ah ma qaataan waqti badan 28 Saac ilaa iyo 48 saac ayey aheyd in ay soo saarto go’aan maxkamadda ama ugu yaraan guda-gasho dacwada balse ilaa hadda lama furin doodii aan geynay” ayuu yiri Xildhibaankaan aan la hadalnay islamarkaana ka gaabsaday magaciisa iyo codkiisa. Waxay aheyd markii ugu horreysay oo ay siyaasiinta Soomaalida qaataan tallaabo ah in sharci lagu kala baxo balse waxay u muuqaataa in albaabkaas cusub ee la furay islamarkiiba la xiray. In doodaha siyaasiinta lagu xaliyo Sharciga iyo Garsoorka dalka waxay aheyd rajo la sugayay muddo fog, balse waxaa muuqata in ay wali ku hor gudban yihiin caqabado xoog badan oo dhanka Xukuumadda ah. Hay’adaha garsoorka dalka ayaa laheyn madaxbanaani ay umadda Soomaaliyeed ugu adeegaan waxaana ku dhax-milan hay’adda fulinta Soomaaliya balse ma ahan oo kaliya Xukuumadaan waxayna soo jirtay tan iyo bur burkii dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Maxamed Bin Salmaan oo ballan-qaaday aqoonsiga Israel, haddii Mareykanka ay hal arrin u sameeyaan Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu aqoonsan doono isla markaana caadi ka dhigi doono ganacsiga ay la galaan Israa’iil hadii Mareykanku ka caawiyo inuu “ka adkaado Iran oo uu la wareego bariga dhexe.” Hadaladaan oo lagu muujiyey dokumentiyo ay soo bandhigtay shabakadda PBS Sabtidii laguna soo bandhigay barnaamijka ‘Frontline’, ayuu Bin Salmaan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu guda jiray booqashadiisii caanka ahayd ee Riyadh bishii May 2017. Martin Smith, oo ah soo saaraha dukumiintiga, oo cinwaankiisu yahay ‘The Crown Prince’, ayaa sheegay in Mohammad bin Salman uu doonayo inuu Trump ka caawiyo sidii loo jabin lahaa Iiraan iyo in laga caawiyo hamiga amiirka oo ah inuu noqdo furaha Bariga Dhexe. Dhanka kale, Bin Salmaan wuxuu ballanqaaday inuu ka caawin doono Trump iyo wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner, xallinta khilaafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo in la hirgeliyo heshiis uu Trump diyariyey ee loo yaqaan “Heshiiska Qarniga” kaasoo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka reer Falastiin ee hadda xoogga lagu heysto. Dukumentiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadalka uu David Ignatius oo ah falanqeeyaha militariga Washington Post kasoo xigtay Boqorka Sacuudiga Bin Salman oo ahaa “Waxaan u arkaa Israel inay qeyb ka tahay Bariga Dhexe … Waxaan diyaar u ahay inaan aqoonsado oo aan xiriir ganacsi la yeesho Israel.” Ignatius ayaa sheegay in hadalka Bin Salman uu Mareykanka iyo Kushner ka caawiyey inay kusii dhiiradaan diyaarinta Heshiiska Qarniga oo ah mid ogolaanayo in la iska garab dhiso laba Dowladood oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa noqday mid aad isugu soo dhawaanayo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah nin aad u daneeyo inuu xiriir la yeesho dowladaha Reer Galbeedka. Bishii Juun ee la soo dhaafay, diblomaasi Sucuudi u dhashay ayaa u sheegay Globes in si caadi ah xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu noqon doono “waqti uun”, isagoo qiray jiritaanka xiriirka qarsoon ee Israel iyo Sacuudiga iyo in Sacuudiga uu adeegsanayo teknolojiyadda Israel. Qaran News
  20. Macalinkii xishoodka badnaa ee madaxweynaha noqdayLahaanshaha sawirkaREUTERS Macalinkii hore ee jaamacadda ayaa u muuqday inay ku adagatahay inuu soo jiidto qalbiyada da,yarta reer Tunisiya ee shaqa doonka ah. Haseyeeshee 61 jirkaan Qays Saciid ayaa lagu naanaysay “mashiin” kadib markii laga yaabay habka uu wax u maamulo. Haatan waa madaxweynaha cusub ee dalkaasi Tunisiya waxaana doortay dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa iyo 25 sano jir. “Waxaanu u hamuun qabnaa hab cusub oo waxaanu doonaynaa nidaam ka badalan kii hore,” Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Youssef Bejaoui oo ah arday dhigta kuliyadda ingineernimada. Inta badan wey dhacdaa in siyaasiyiin tiro ah ay ku guuleystaan codad badan hase yeeshee Mr Zelensky iyo Donald Trump ayaa waxaa caawiyay caanimadii ay ka heleen muuqaaladii telefishanada. Kais Saied Jawaabaha uu ka bixiyay shaqa la’aanta dalka Jirta Maadaamaa usan ahayn mid kulamada ololaha doorashada ku saabsan qabta, balse wuxuu safar ku tagay 100 magaalo oo dalka Tunisia ku yaalla isaga oo cod bixiyeyaasha fool ka fool ula kulmayey. Mr Saciid xoogag shisheeya ama gacan dibadeed taageero kama haysan, isaga oo sheegay xitaa inuu baasboor uu dalka kaga baxa haysan. Marka uu dadka la kulmo gaar ahaan da’yarta ayaa waxay wey diinayeen sida uu wax uga qabanayo shaqala’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada. Waxa uuna ugu jawaabi jiray hab cilmiyeeysan oo ay ku wada qancaan oo ma ahayn nin isla weyn. Tunisia ayaa la daalaa dhacayso shaqa la’aanta baahsan Fasallada uu dhigayay Qeys Saciid ayaa waxaa buux-dhaafiyay ardayda kuwaas oo xitaa qaarkood ka imanayay jaamacadaha kale. Mr Saciid waxaa u diyaar ah qorshe ballaaran uu hay’adaha kala duwan isbeddel uu ugu sameyn karo, isaga oo sheegay inuu awoodda daka uu hoos u dhaadhicyo isla-markaana uu doonayo isbeddel ballaadhan inuu ku sameeyo dalka Tunisia. Waa kuma Qeys Saciid? Madaxweynaha cusub ee Tunisia Qeys Saciid waa barafasoor sharciga bartay oo 61 jir ah, waana madaxweynihi ugu horreyey oo xilka madaxweynanimada ku guuleysta tani iyo markii uu geeriyooday madaxweynihi hore ee dalkaasi Beyji Caa’id Eseybsi 25-kii bishi July. Mr Qeys oo ah madaxweyne madax bannaan oo aan ku tiirsaneen xisbi siyaasadeed wuxuu doorashada ka helay 72.71, cod bixinta doorashada wareeggeeda labaad ee la qabtay 13-ki bisha Oktobar. Wuxuuna si la yaab leh uu uga guuleystay musharrixii la tartamayay Nabiil Qarwiy oo ah hoggaamiyaha xisbiga weyn ee baarlamaanka Tunisia ku leh tirada kuraasta xildhibaannada ugu badan. Taariiqdu markay ahayd 22-kii bishi Fabraayo 1958-kii ayuu Mr Saciid ku dhashay magaalada Bani-khiyaar oo ka tirsan gobolka Nabuul. Wuxuuna Mr Saciid leeyahay seddex carruur ah. Shahaadada Degree koobaad wuxuu ku haystaa sharciga caalamiga ah wuxuuna ka soo baxay kulliyadda sharciga iyo siyaasadda ee jaamacadda Tunis. Shahaadada Diploma wuxuu sida oo kale uu ka haystaa sharciga dastuurka, isaga jaamacadda Tunis ka ahaa barafasoor dhiga culuunta sharciga. Wuxuuna noqday xoghayaha guud ee ururka sharciyada dastuurka ee Tunisa inti u dhaxeysay 1990 ilaa 1995-kii, waxyar kaddibna wuxuu noqday madaxweyne-ku xigeenka ururka. 1990-yadi Mr Saciid wuxuu noqday agaasimaha waaxda cilmiga sharciyada ee jaamacadda Tunisia, isaga oo ka mid noqday khubaro jaamacadda carabta uga shaqeysa machadka xuquuqda aadanaha ee jaamacadda carabta. Mr Siciid ayaa ka mid ahaa guddiga khubarrada arrimaha sharciga ka caawinayey baarlamaanka Tunisia wax ka beddelka dastuurka, sanadkii 2014. Wuxuu mararka qaar ka soo muuqan jiray telefishinnada isagoo siyaasadda ka hadli jiray. Marki ugu horreysayna wuxuu TV uu ka kala hadlay shacabka dalkaasi isaga oo ku hadlayey hadal caadi ah oo la xiriira dastuurka dalkaasi, wixi markaa ka dambeeyeyna ma ahayn mid siyaasadda ka soo muuqda. Qaran News
  21. Washignton (Caasimada Online) – Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Somaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay horraanta 2020. “Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xoogan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyadaoo ay jireen caqabado badan, Waxaan is-weydaarsanay muhiimadda ay leedahay in daynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan, iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u daymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Somaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta, iyadaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhameystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen. Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC). “Joogteynta shaqo wanaagga xoogan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay wadada u xaareysaa Somaliya in daynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhow.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaalada Somaliya ee dayn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah dayn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta. Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaalada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Somaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay, si ay ugu furmaan albaabbada hay’adaha dhaqaalaha adduunka.
  22. Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo hal sabab darteed walaac ka muujiyay waqtiga loo ballamay dhegaysiga Dacwada “kiiska” badda ee ka dhex oogan Somalia & Kenya Wasiirkii hore ee arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay dib u dhigista dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo haatan horyaalla Maxkamadda ICJ. Waxa uu sheegay Yuusuf Garaad in xilliga lagu balamay dhageysiga kiiskaas ay Soomaaliya u tahay xiligii ugu liidatay ee loo balami lahaa kiis nuucaas ah, maadaama uu xilligaas dalku galayo waqti doorasho oo kala guur ah. Ugu horayn Yuusuf ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014, Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay”. Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu walaac ka muujiyay waqtiga lagu madal sanyahay dhageysiga kiiskaas, “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”. Ugu dambeyn waxa uu sheegay Ex wasiir Yuusuf Garaad in balanta la qabtay aysan midna u fiicneyn laba arin oo kala ah: “U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay” Qaran News
  23. Khudbadaha Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe qabsaday baraha bulshada, khudbadahaas oo dad badan soo jiitay, aadna looga hadal hayo baraha bulshada. Sheekh Cabdi Xayi oo inta badan khudbadaha uu jeediyo maalmaha salaadda Jimcaha la duubo, ayaa waxaa la soo dhigaa baraha bulshada, taas na ay keentay in dad badan ay xiiseeyaan qaabka uu uga hadlo waxyaabaha markaas ka taagan dalka iyo sida uu gaar ah isu waafajiyo shareecada Islaamka iyo qaabka aftahannimada ee uu dadka ugu gudbiyo. “Dabcan aniga khudbada aan dadka u jeediya waxaan marwalba ku saleeyaa dareenka dadka iyo waaqica markaas horyaalla, khudbadana aslan waxaa loogu talo galay dada isu imanaya maalinta Jimcaha ee toddobaadka iyo in wixii dantooda ah oo noolashooda la xiriira loo sheego, marka anigu sidaas ayaa ku saleeyaa khudbadda oo waxaan eegaa maanta maxay ummadda u baahan tahay, haddii ay ahaan lahayd arrimo bulsho, marka waxaa laga yaaba in dadka ay daneynayaan qeybta dareenkoooda la hadleysa oo ay xiiseynayaan”, ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi oo la hadlay BBC-da. Waxyaabaha dadka isticmaalla baraha bulshada sida gaarka ah u soo jiitay ee u Sheek Xayi ka hadlay waxaa ka mid ah: Khilafka mamaul goboleedyada iyo dowladda faderaalka Dastuurka iyo diinta Islaamka Mucaaaradada Muranka badda Soomaaliya iyo Kenya Sheekha wuxuu sheegay in labada khudbad ee mimbarka salaadda jimcaha uu luuqadda Carabiga ku akhriya, kadib marka salaada laga baxana uu Afsoomaali ku fasiraa khudbadda. Khudbadda qeybta Soomaaliga ayuu sheegay in dadka ay aad u daneeyaan, maadaama khudbadaha uu jeedinayo iyo tusaalooyinka uu u soo qaadanayo ay yihiin kuwa inta badan la xiriira xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay in baahida ka dhex jirta bulshada ay ku dhalisay in uu jeediyo khudbado noocaas oo kale ah. “Dabcan waxaa igu dhaliyay markaan akhriyay qiirada iyo taariikhdii hore ee dadka Muslimiinta iyo farriinta misaajidka oo ah meesha ummadda laga hogaamiyo iyo meesha dadka ay aadka ugu xiran yihiin ayaa waxay igu dhalisay inay misaajidka uu yahay halka dadka laga hagaajin karo, marka waxaan go’ansaday in maalin walba oo jimca ah aan kala hadlo misaajidka”, ayuu raaciyay. Dadka qaar ayaa khudbadaha Cabdi Xayi ka dhadhamiya in uu ku weeraro dadka siyaasad ahaan ka so horjeedo dowladda Soomaaliya, hasayeeshee waxaa uu sheegay in dad gaar ah uusan weerarin. Wuxuu intaa ku daray in khudbadihiisa uu inta badan diiradda ku saaro mabaadi’da guud iyo khilaafaadka ka jira dalka. Soomaalida qaar ee adeegsada baraha bulshada ayaa khdbadaha Sheekh Cabdi Xayi u adeegsada inay ku weeraraan shakhsiyaad ama siyaasiyiin gaar ah, kuwaa oo inta badan isku aadiya muuqaallada khudbadaha uu jeedinayo Cabdi Xayi iyo siyaasiyiin qaar. “Marka aan baraha bulshada ku arko khudbadii aan Jimcaha jeediyay oo afkaarteeda ay ahayd mid caam ah ayaa waxaa dhaceysa mararka qaar in dad meelo gaar ah daneynayay ay ka dhex arkaan, oo ay cinwano cusub u sameystaan, taas aan ka hadlay”, ayuu ku daray. Waxaa kale oo uu sheegay in uu yahay shakhsi dhexdhexaad ah, waxwalba oo uu ka hadlayana aysan ahayn wax dad loogu xaglinayo ama dad kale looga soo horjeedo, balse ay tahay mid khuseysa danta guud. Khudbadaha Sheekh Cabdi Xayi ayaa caan ka noqday baraha bulshada, oo mowduucyada uu ka hadlo iyo qaabka uu u sababeeyo xaaladda ayaa soo jiidatay dad badan, muuqaladaas oo ay dadka ku wadaagaan baraha bulshada. Xigasho: BBC Somali