-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nin si Khaldan loo xidhay Muddo 19 sandooda oo magdhow helay David Eastman Nin u dhashay dalka Australia oo soo qaatay 19 sano oo xabsi ah si qaldan kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay sargaal sare oo booliiska ah ayaa hadda heley magdhow lacageed oo dhan $4.8 milyan oo doolar. David Eastman ayaa sanadkii 1995-tii lagu xukumay xabsi daa’in, isaga oo lagu heystay dilka Colin Winchester oo 6 sano markaas ka hor la dilay, ahaan ku xigeenta taliyaha booliiska federaalka Australia. Dilka sargaalkan ayaa Australia ka dhalisay qalalaase sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana lagu furey baaristii ugu weynayd ebed. Mr Winchester ayaa labo xabadood lagaga dhuftay madaxa isaga ooh or taagan gurigiisa oo ku yaala magaalada Canberra ee caasimadda ah, wuxuuna noqday sargaalkii ugu sareeyay ee la dilo booliiska Australia. Kadib Mr Eastman ayaa loo xirey dilka, balse 19 sano kadib ayay maxkamadda rafcaanka xukuntay in si qaldan loo xukumay, tahayna in la siidaayo, lana siiyo magdhow. 100 qof oo marqaati ah ayaa la dhagaystay qiraalkooda xilligii rafcaanka. Intii uu xabsiga ku jirey waxaa dhintay waalidkiis iyo walaalihiis. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la Wadaagay Xusuusta Dhibaatadii ka dhacday isgoyska soobe ee magaalada muqdisho, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo ku hadlaya Magaca Guddoonka iyo guud ahaan Golaha Aqalka Sare in uu Tacsi u Dirayo dadkii Soomaaliyeed ee ehelkood ku dhinteen iyo kuwii hantidooda uga baaba’aday Qaraxaasi, wuxuuna Eebe uga baryay dadkii ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo , Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa kuwii ka danbeeyay qaraxii Soobe ee waxyeelada loogu geystay shacabkii soomaaliyeed in uu rabi ka jaasiyo. 2-sano ayaa maanta laga joogaa markii Kooxda arxan laawayaasha ee u soo dhigtay gumaadka ummadda Soomaaliyeed ay dad badan ku xasuuqeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dadka dhibanayaasha u ah Qaraxaasi ula qeybsan lahayd waxyeelada soo gaartay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-14102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhalleeceeyey in xuska labaad ee qaraxii 14-kii October loo adeegsaday olole doorasho oo madaxweyne Farmaajo sare loogu qaadayo, xilli sanad iyo dhowr bil ay ka harsan tahay muddo xileedkiisa. Isgoyska Zoobe oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa maanta lagu soo bandhigay laba baabuur oo lagu dhejiyey sawirrada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha, oo dhiig u shubaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi, si loogu ammaano. Arrintan ayaa sidoo kale carro ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadweyne badan ay wareejinayaan sawirradaas oo ay ku dhalleeceeyey madaxweynaha iyo taageerayaashiisa. Ma cadda in arrintan ay ku lug leedahay Villa Somalia iyo inay tahay wax ku kooban taageerayaashiisa. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Fiqi. 14 Oktoobar 2017 waa Maalin Murugo iyo mahadhooyin xanuun badan ku reebtey qoysas badan iyo umadda Soomaaliyeed, Allaha u naxariisto shuhadadii halkaan ku dhimatay.. Waa ka xumahay in maalintaas olole suyaasadeed ahaan loo adeegsado, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa dhiig shubtey, oo uu ugu Horeeyey guddoomiyihii hore ee gobolka. Xuska ugu weyn ee dhacdadaas loo dhigayo waxey aheyd in umadda laga dulqaado kooxaha argagixisada ah oo laba sano ka dib shaley hoobiyaal la dhacayey garoonka Aadan Cadde iyo xaafadaha u dhow. Maxey umadda ugu tooran tahay in sanad walba dhacdadaas la xuso ayadoo dilkii umaddu uu meeshii ka sii socdo, dadkii dad ka badanna labadii sano gudaheeda la diley. 14 Oktoobar ma ahan maalin olole siyaasadeed waa maalin murugo iyo xanuun reebtey, madaxda fadhiidka ah ee Villa Somalia waa In ay waxqabad muuqda oo dhiigga dadka lagu badnaadinayo ay la yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
On the second anniversary of the deadly October 14, 2017 suicide bombings in Somalia, the United Nations envoy to the country today remembered the victims of the attack and reaffirmed the world body’s solidarity with and commitment to all Somalis. “Two years have passed since the tragic events of 14 October 2017, in which so many innocent civilians were killed and injured in a senseless attack by violent extremists. The memory is still fresh in our minds. Our thoughts go out to the families of those lost in the attack, as well as to the survivors. Their resilience and strength in the face of such adversity is a testament to the Somali spirit,” said the Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “Despite such senseless acts of terrorism, Mogadishu and the rest of the country have continued on their path towards peace and prosperity. The United Nations remains committed to supporting all Somalis on this journey” he added. The attack killed at least 587 people and ranks as the deadliest ever terrorist bombing in Africa involving the use of improvised explosive devices (IEDs). Hundreds more were injured in the blast. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beelaha Biciide Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa si adag uga hor yimid qorshaha cusub ee lagu dhammaynayo colaadda Ceelafweyn muddada dheer ka taagnayd. Waxa uu madaxweynaha iyo wasiirkiisa Daakhiliga Maxamed Kaahin ku eedeeyay in ay siyaasadaynayaan hannaanka nabadaynta kadib markii beelaha hoose ee colaaddu u dhexayso lagu koobay arrinta nabadaynta. Waxa uu sheegay in aanay beelaha hadda wada hadalku u socdo oo kaliya saamayn colaadda Ceelafweyn laakiin, dadyow kale dad kaga dhinteen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynihii hore ee Dalka Kenya, Daniel Arap Moi ayaa Fiidnimadii Axaddii ee Shalay loo qaaday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi. Ujeeddada Cisbitaalka loo geeyay ayaa Qoyska Daniel Arap Moi ku sheegeen inay tahay in Xaaladdiisa Caafimaad lagu sameeyo hubin, taasi oo si joogto ah loogu sameeyo. Xoghayaha Saxaafadda ee Daniel Arap Moi ayaa Wargeyska Nation u sheegay in Sababta Moi loo geeyay Cisbitaalku tahay inuu arko Dhakhtarkiisa gaarka ah Dr David Silverstein oo uu baadhitaan ugu sameeyo, ulana socdo Xaaladdiisa. Xoghayaha Saxaafadda ee Moi wuxuu meesha ka saaray inuu jiro wax wer-wer ah oo laga qabo Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Kenya, “Waan xaqiijin karaa in Moi uu booqday Cisbitaalka, si loo baadho Caafimaadkiisa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay arrin iska dabiici ah tahay in Qof walba uu baadhitaan Caafimaad maro, laakiin aanay jirin wax wer-wer ah oo qabo Xaaladda Caafimaad ee Moi oo xilligan da’ ah. Xanuunada uu ka cawdo Moi ayaa waxa ka mid ah mid ka haya Jilibka, kaasi oo ka soo bilaabmay Shil uu sannadkii 2006-kii ku galay deegaanka Limuru. Mr Moi oo Dalka Kenya xukumayey muddo 24 Sanadood ah oo u dhaxaysey 1978 illaa 2002-dii ayaan xilligan ka dhex muuqan siyaasadda Dalkiisa Kenya. Source
-
(SLT- Tunisia)-Aqoonyahanka diinta ku adag ee Qays Saciid, oo siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaadhay doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah. Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tunis, si ay ugu dabaal degaan guusha Saciid, ayaga oo heesayey astaanta qaranka. “Waa maalin taariikhi u ah Tunisia, Tunisa waxay guraneysaa mirihii kacdoonka,” waxaa sidaas yiri Boussairi Abidi oo ah 39 jir makaanik ah. “Qays Saciid wuxuu soo afjari doonaa musuq-maasuqa, wuxuuna noqon doonaa madaxweyne caddaalad ah.” Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo maanta. Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka “inay bog cusub fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso “Tunisia cusub”. Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25 ayaa u codeeyey Saciid, sida ay muujisay ra’yi uruurin uu sameeyey machadka Sigma. Source
-
(SLT- Syria)-Ciidamada Syria ayaa maanta galay magaalo ku taalla meel ku dhow xuduudda Turkiga, maalin kadib markii ay dowladda heshiis la gaadhay Kurdiyiinta, si looga hortago howl-galka Turkiga. Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada ay dhaqdhaqaaqyo ka samaynayaan magaalada Tal Tamr oo 20km u jirta xuduudda Turkiga. Waxay sheegtay in ciidamada ay qaadeen tallaabadan “si loo hor-istaago gardarrada Turkish-ka” ayna soo dhoweeyeen shacaka halkaas ku sugan. Heshiiskan aan caadiga ahayn ee ay gaadheen Kurdiyiinta, Syria, iyo Ruuska — xulufada ugu weyn ee dowladda Syria – ayaa yimid afar maalmood kadib markii ciidamada Turkiga ay waqooyiga Syria ka billaabeen howlgal ka dhan ah Kurdiyiinta, kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka. “Si looga hortago oo loo joojiyo duullaankan, heshiis ayaan la gaarnay dowladda Syria, oo waajibkeedu yahay inay ilaaliso xuduudaha iyo madax-bannaanida Syria, si ciidamada Syria u tagaan xuduudda ku teedsan Turkiga,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan ay soo saareen Kurdiyiinta. Kurdiyiinta Syria ayaa sheegay inay dareemayaan in Mareykanka uu cidleeyey kadib markii ay kala dhinac dagaalameen xagjiriinta Daacish ee Syria. Madaxweyne Donald Trump ayaa shalay amray in dhammaan ciidamada Mareykanka ee ku hadhsanaa waqooyiga Syria ay ka baxaan halkaas. Source
-
(SLT- Australia)-Nin u dhashay dalka Australia oo soo qaatay 19 sano oo xabsi ah si qaldan kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay sargaal sare oo booliiska ah ayaa hadda heley magdhow lacageed oo dhan $4.8 milyan oo doolar. David Eastman ayaa sanadkii 1995-tii lagu xukumay xabsi daa’in, isaga oo lagu heystay dilka Colin Winchester oo 6 sano markaas ka hor la dilay, ahaan ku xigeenta taliyaha booliiska federaalka Australia. Dilka sargaalkan ayaa Australia ka dhalisay qalalaase sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana lagu furey baaristii ugu weynayd ebed. Mr Winchester ayaa labo xabadood lagaga dhuftay madaxa isaga ooh or taagan gurigiisa oo ku yaala magaalada Canberra ee caasimadda ah, wuxuuna noqday sargaalkii ugu sareeyay ee la dilo booliiska Australia. Kadib Mr Eastman ayaa loo xirey dilka, balse 19 sano kadib ayay maxkamadda rafcaanka xukuntay in si qaldan loo xukumay, tahayna in la siidaayo, lana siiyo magdhow. 100 qof oo marqaati ah ayaa la dhagaystay qiraalkooda xilligii rafcaanka. Intii uu xabsiga ku jirey waxaa dhintay waalidkiis iyo walaalihiis. Source
-
(SLT- Spain)-Maxkamada sare ee dalka Spain ayaa Isniinta maanta ah xukuno xabsi ah ku riday sagaal ka mid ah 12 eedeysane oo loo haysto dhiiri galinta doorkii ay ku lahaayeen sanadkii 2017-dii ololihii fashilmay ee gobolka Catalan madaxbanaanida ku qaadanayay. Xukunada lagu riday shaqsiyaadkan oo iskugu jira 13 ilaa sagaal sanno ayaa ka hooseeya midkii ay dalbanayeen dacwad oogayaasha oo dhan 25 Sanno. Dadka xukunada lagu riday ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Catalan Oriel Junqueras kaasi oo qeyb ka ahaa ololaha gobolkan uu ku doonayay in uu kaga go’o Spain. Xukunkan ayaa waxaa canbaareeyay madaxii hore ee gobolka Carles Puigdemont waxaana uu sheegay in la gaadhay waqtigii laga jawaab Celin lahaa Arintaan. Mr Puigdemont oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Belguim-ka ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray waa in aa ka fikirnaa mustaqbalka nolosha ee wiilashayada iyo Gabdhaheena. Source
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay isgooyska Zoobbe sanadkii 2017, inuu dhiirri galiyo sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan. Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta dhigaysa xus loogu duceynayo dadkii ku dhintay xasuuqii Soobe ka dhacay labo sano kahor, laakiin waxaa dowladda lagu dhaleecayay inaanu jirin qorshe looga gaashaamanayo inaanu dhicin xasuuq lamid ah midkaan. Madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta dowladda kasii daayay farriin ku saabsan maalin, ayaa sheegay in xoojiyeen hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe: Xasuuqii Soobbe wuxuu nagu dhiirri galinayaa inaan u midowno dagaalka Argigixisada appeared first on Puntland Post.
-
Madxaweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan xuska 14-ka October oo maanta ku beegan. Halkan hoose ka aqriso: 14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna. Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu. Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool. Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa ka hadlay qaraxii maanta oo kale 14-kii October 2017-kii ka dhacay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan xuska labo sano guuradii ka soo wareegtay maalintan oo lagu laayey dad badan oo rayid ahaa. Sidoo kale Madxaweynaha ayaa sheegay, tan iyo wixii ka dambeeeyey qaraxii 14-ka October dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Halkan hoose ka aqriso 14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna. Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu. Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool. Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Jubbaland, kaas oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cumar Daqal (Taqiyudiin), sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Mas’uuliyadda dilkan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, sida ay ku baahisay barteeda Internet-ka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay Cumar Daqal uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan wasaaradda amniga Jubbaland. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaasi uu la shaqeynayey sirdoonada Mareykanka iyo Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Taqiyudiin ayaa sanad ka hor ka soo goostay Al-Shabaab, wuxuuna ka tirsanaa xafiiska dacwada ee kooxdaasi Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dilka sarkaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidanka amniga ay howlgallo ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay nin hubeysnaa ciidanka amniga ay ku toogteen magaaladaasi. Toogashada ayaa timid, kadib markii uu ninkaasi isku dayey inuu gudaha u galo saldhigga Booliska Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka uu ka biyo diiday inuu istaago, islamarkaana uu rasaas ku furay ciidankii saldhigga joogay, taas oo keentay in durbo la toogto Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Dhuusamareeb ayaa ahaa mid degan, iyadoona ay ka socdeen howlgallo ballaaran. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka goobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka sheekeeyey xasuustiisa ku aadan qaraxii xooganaa ee 14 October oo maanta laga joogo muddo 2 sano ah. Taabid oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Taabid oo xiliggaasi ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in weli uu xusuusto gurmadkii loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi iyo sida ay ugu midoobeen Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale uu sheegay in laga gaabiyey in la fuliyo ballan qaadyadii iyo talo soo jeedintii Guddigii Gurmad Qaran, si loogu diyaar garoobo ama looga gaashaanto dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. “Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soow ada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan,”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed. Qaraxan oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale ayaan weli ka go’in xasuusta dad badan, iyadoona maanta labo snao kaidb laga xusayo gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa hadda socota munaasabad lagu xusayo dadkii ku waxyeeloobey xasuuqii October 14, 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen gobolka Banaadir waxaa khudbadi ka jeediyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka. Waxaa sidoo kale goobta ku sugan dadweyne badan oo ay ka muuqato murugo, una badan dhalinyaro ka xumaa wixii maalintaas dhacay. Dadka ehaladooda wax ku noqdeen qaraxa ayaa goobta joogay, caroor gaareysa ilaa 3,000 ayaa ku agoontoobey, dhaawaca waa uu ahaa in ka badan 300 halka ay ku dhinteen 687 qof. Haddaba, Sawirada Munaasabadda: Source: goobjoog.com
-
Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay Oday da’ah oo wade ka ahaa Gaari BL ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Kuube, iyadoona raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen. Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Toogashada ayaa timid, kadib markii nin hubeysnaa uu isku dayey inuu xoog ku galo gudaha saldhigga Booliska magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Saldhigga ay toogasho ku dileen ninkaasi, kadib markii uu diiday inuu istaago. Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi iyo sidoo kale waxa uu damacsanaa. Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii dambe la xoojiyey, iyadoona la filayo in dhowaan lagu qabto doorashada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka October ayaa waxaa 2 sano laga joogaa qaraxii xooganaa ee maanta oo kale sanad-kii 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Munaasabad lagu xusayo maalintan Madow ayaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo isgoyskaasi oo laga taagay taallo lagu xasuusanayo dhammaan dadkii lagu laayey dhacdadaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb galaya xuska maalintan. Qaraxii 14-ka October ayaa dowladdu waxa ay xaqiijisay inay ku dhinteen in ka badan lix boqol oo qof oo u badan dad rayid ah. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee K/Somalia. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheeegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa saddex askari, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidanka Jubbaland ayaa howlgallo ka bilaabay agagaarka magaalada Kismaayo. View the full article
