-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Cabdi Cismaan ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay mashaariicda kala duwan ee reer Yurub ay ka hirgaliyaan Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey ay saxeexa lahayd dawladda Federalka ee Somalia. “Somaliland waxay leedahay awood ay ku waydiisato caalamka wixii ay u baahantahay oo baahideeda iyadaa og Xamarna kama timaado, waxaana jira sanduuq gaar ah oo Somaliland Development Fund la yidhaa oo Somaliland baahida ay mashaariic u qabto, markaa waxaad odahay sanduuqaasi oo ilaa shan sanadood jiray in Somaliland loogu soo shubo wixii caawimo la siinayo Somaliland Muqdishana kuma xidhna,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr Cabdi Cismaan, kaas oo sidoo kale ka hadlay shir caalami ah oo uu dalka Jarmalka kaga qayb galay. “Markaa waxaanu u nimid shirkan oo ujeedadiisu ay tahay sidii dib loogu soo noolayn lahaa farsamooyinkii gacanta ee loo tababari lahaa shaqaale xirfado kala jaad jaad ah yaqaana Jarmalkuna aad ayuu nooga caawinayaa arintaasi, markaa waxaanu tagnay meesha Vocational Training Center-ka oo caalami ah oo dalka Jarmalku uu leeyahay iyo machadka khaaska ah ee lagu tabaro dadka, markaa waxa naloo tusay nooca aanu qaadan lahayn ee Somaliland ku haboon,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in jidadka qaar lagu xiray Dhagxaan iyo Carro. Ciidamada Dowldda Soomaaliya ee dhawaan halkaas la geeyey ayaa si weyn u sugayo amniga Magaalada, waxaana jidadka soo galo xarunta lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug lagu xiray Carro. Waddooyinka kale ee Dhagaxaanta iyo Carrada lagu xiray ayaa waxaa kamid ah Jidka galo Madaxtooyada Maamulkaas. Shacabka Magaalada ayaa qabo dareen ka duwan midkii hore maadaama ay Magaalada nabad ahaan jirtay iyadoo aan wax dhagxaan iyo Carro lagu xirin. Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda magan u ah Dhagxaan iyo Carro waxaana loo ekeysiiyey Magaalada Muqdisho oo jidadkeeda dhan Carro iyo Dhagxaan lagu xiray. Magaalada ayaa waxay la ciir ciireysaa Siyaasiyiin badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku qulqulayey waxaana laga cabsi qabaa inay Al-Shabaab weeraro ka fuliso. Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey Ciidamada Ahlu Sunna, waxayna ka nabad badneyd Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Ciidamada ugu badan ee Dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey. Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha katirsan ciidamada qaranka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayey, waxana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika. Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha soo qalinjebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh, “Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka digay dibin-daabyo kasta oo ciidanka qaraka ka dhan ah, islamarkaana aanay cidina jebin Karin shuruucda iyo xeerarka gaarka u ah ciidamada, waxana uu yidhi, “Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno.” Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale amar ku bixiyey in dhulka danta guud ah qaybo kamid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda, isaga oo islamaantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo. Afarta sarkaal ee kasoo qalinjebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah, Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye, Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar iyo Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan, waxana ay in muddo ah u dhabar adaygayeen waxbarasho socotay muddo sannado ah oo ay dalkaas Itoobiya ku sugnaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Harare (SMN) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican Xulkeena qaranka Soomaliya maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti. Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul ka gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay. Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartooyda Soomaalida. Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareegga groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray maalintii shalay. Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markaan tallaabo qurux badan qaaday,kadib markii ay xulka kusoo dareen dhawr ciyaartoy oo qurbaha ka ciyaarta,waana isbadalka laga dareemayo xulka oo tallaabo weyn qaaday. Dhanka qaranka Zimbabwe waxey xulkooda dib ugu yeereen saddex ka mid ah ciyaartoydooda,kuwaas oo horay looga ganaaxay qaranka maadaama lagu eedeeyay iney mas’uul ka ahaayeen gadoodkii ay sameeyeen xiddigaha wadankaas ka hor bilowgii koobka qaaradda Afrika ee lagu qabtay Masar. TAAGEERAYAASHA SOOMAALIDA: Taageerayaasha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe,iyagoo ka ambabaxay Wadanka Koonfur Afrika,si ay taageero ugu muujiyaan qarankooda oo kulan dhimasho ah la ciyaaraya dhigooda Zimbabwe,Sida uu ku soo waramay wariyaha warbaahinta qaranka Koonfurta Afrika Cabduqaadir Axad. dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa Boqolaal ayaa ka qeybgalaya daawashada ciyaartaasi oo siweyn loo sugayao,si ay taageero ugu muujiyaan Xulka qaranka Soomaliya oo maanta lugta labaad ee isreeb-reebka koobka aduunka 2022 kula ciyaaraya dhiggooda dalka Zambaabwi. Si kastaba kulankan ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo,Magaalada Haraare ee Caasimadda dalka Zambabwi ayuuna kulankan ka dhacaya galabta 4:00 PM xiliga Geeska Afrika View the full article
-
Harare (Caasimadda Online) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhigiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Djabouti. Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay. Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartoyda Soomaalida. Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray shalayto. Anwar Siid Cali ayaa xulka Soomaaliya kubad madaxa ugu dhaliyay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, goolkaas ayeyna ku dhammaatay. Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad. Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin. Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka(Koobka Aduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930- WAA GOORMA KULANKA? Kulanka waxaa geeska Afrika laga daawan doonaa 4:00 Galabnimo, sida la rajeynayo barta youtube-ka xiriirka kubadda cagta Adduunka (FIFA) ayaa laga daawan doonaa, walow ay jiri doonaan TV-yo kale oo soo tabin doona ciyaarta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo hanaankacCadaaladda dalka. Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay hirgalinta nidaamka cadaaladda dalka oo ay waddo wasaaraddiisa, islamarkaana la tashiyo kala duwan kala sameyneyso dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka ah. S idoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa tilmaamay in nidaamkan la doonayo in uu lajaan qaado kuwa Cadaaladda ee dunida ka jira, lehna awoodihii lagu fulin lahaa. “Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay hanaanka cadaaladda, asluubta iyo siyaasad weyn oo dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka ayaa nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen,hanaankaas oo la horgeeyey golaha Wasiiradda oo ay ansixiyeen.” ayuu yiri Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in hanaankan laga hirgalin doono dhammaan dalka si ay dadka Soomaaliyeed u helaan nidaam cadaaladeed oo wanaagsan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – In ka badan 250,000 oo qof ayaa ku barakacay colaadaha iyo abaarta ka jirta Soomaaliya intii u dhaxaysay January illaa July ee sanadkan 2019-ka, sida ay sheegtay hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobey. Barakaca ugu badan ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ka socdaan howlgallo military oo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Hay’adaha UNHCR iyo NRC ayaa sheegay in dadkan ay kusoo barakaceen xeryo ku yaalla duleedka Muqdisho, iyago wajahaya xaalado dhanka nolosha ah, maadaama aan wali helin gargaar bini’aadanimo. “In ka badan 250,000 oo qof ayaa waxaa soo barakiciyay dagaallada iyo abaarta ka jirta qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya, kuwaasoo 50% ka badan kuwii la diiwaangeliyay sanadkii hore,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen UNHCR iyo NRC. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay dhibaato bini’aadanimo hadii ay sii socdaan dagaallada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo ciidamada ajnabiga ah inay kala shaqeeyaan u gurmashada barakaciyaasha. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-10092019.mp3 View the full article
-
mugdiga kasoo ifbaxay wasaaradda maaliyadda Somaliland waa qaran lawada leeyahay oo lagu abqaalay dhiiga geesiyaal maanta inaga hooseeya , geesiyaashaaasi waxay udhinteen in la helo wadan xor ah oo ay u simanyihiin muwaadiniintiisu dhib iyo dheefba , waxay ka dagaalameen dulmi noocyo kala duwan ahaa , hadaba maanta ma gaadhnay cadaalad ahaan halkii aynu u halgamaynay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka mitahay wasaaradaha lafdhabarta u ah qaranka , laakiin hada waxay isu bedeshey goob lagaga aar goosto muwaadiniinta aan kasoo jeedin qoyska madax weynaha . Wasaaraddu waxay ka koobantahay 14 waaxood 7 ka mid ah waxaa haysta qoyska madaxweyne biixi , todobada soo hadhay intoodada badan waxaa ku xigeena ka ah qoyska madaxweyne biixi Waxaan iyaga ka hadal lahayn madax qaybeedada wasaarada oo aynu odhan karno bulshada kale ee reer somalilalnd waa kow iyo laba Gabiley Clan Waaxda Qolada Magaca 1) W/Maamulka iyo lacagta Sacad muuse Xuseen xasan cabdi 2) W/ Cashuuraha beriga Sacad muuse Cabdisalaan busi 3) W/ IT/IFMIS Sacad muuse Amiin abshir timo cad 4) W/ Iibka / procurement Sacad muuse Bahja yuusuf 5) W/ PFM Sacad muuse Xasan dheere 6) W/ Shuruucda Ciise muuse Hibaaq guled 7) W/ Adeega maaliyadda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay Ciise muuse Mukhtar cabdi cilmi Ku xigeenka W/ miisaaniyadda Sacad muuse Cabdicasiis dheeg 9) Ku xigeenka W/ kastamada Sacad muuse Axmed maxamed oomaar 10) Ku xigeenka W/ shuruucda Sacad muuse Cabdilahi c/raxman qaalib 11) Ku xigeenka xisaabiya guud Ciise muuse Keyse dheere 12) Ku xigeenka waaxda internal auditka Sacad muuse Cabdirisaaq 13) Gudoomiya mashruuca eafs Sacad muuse Buureed 14) Ku xigeenka adeega maaliyadda iyo ganacsiga gaarka ah Sacad muuse Ilyaas xasan barkhadle West Burco Clan Waaxda Qolada Magaca 1. W/ kastamada Habaryoonis Maxamed nuur maxamed 2. W/ Waaxda dhaqaalaha iyo tiro koobka Ciida gale Cabdirisaaq cali maxamed Awdal Clan Waaxda Qolada Magaca 1) w/ xisaabaadka Awdal Clan Axmed daauud 2) W/shaqaalaha Awdal Clan Maxamed axmed weyrax East Burco Clan Waaxda Qolada Magaca W/miisaaniyadda East Burco Clan Yaasiin ducale barre Arab Waaxda Qolada Magaca W/baadhista gudaha Arab Maxamed dhego ku xigeenka waaxda tira koobka Arab Ayuub Waaxda Qolada Magaca W/ xidhiidhka dadweynaha Ayuub Axmed muuse maxamed Dhacdadii layaabka badnayd ee uu sameeyey sacad cali shire 07/09/19 ee uu reer kiisa ugu magcaabey afarta agaasime waaxeed , oo uu ka midyahay inan uu ader uyahay ( mukhtaar cabdi cilmi ) isla markaasna uu xilkii kaga qaaday agaasimihii maamulka iyo lacagta waxay noqotay mid kasii yaabisay bulshada, Waxay kale oo bulshadu liqi la’dahay a gaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta oo sidatay shahaada heerka labaad ee jaamacadeed waxaa lagu bedeley inan kasoo jeeda raaska madaxweynaha oo xitaa aan haysan shahaado jaamacadeed , wasiir sacad intii aan loo sheegin inay kala hayb yihiin waxa uu gole ka qiray inay tahay qofka ugu kartida iyo aqoonta badan agaasime waaxeedada wasaaradda ,balse markii kitaab baal madaw wasiirka loogu akhriyey meel madaw waxaa u muuqatay inuu waaxdii keli ahayd ee beelaha barigu ku magcaabnaayeen uu reerkiisa udhiibo , waxaa xusid mudan inanka loo dhiibay maamulka iyo lacagta in aabihiina yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda beeraha , walaalkiina yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda dhalinyarada . Waaxda pfm ka waxaa haysta sidaan kor ku xusan nin sacad muuse , oo aan finance ama maaliyad meela kasoo gelin ,waa lawyer . Waxaa iyana xusid mudan in dhawrka agaasime waaxeed ee kasoo jeeda beelaha kala ay dhammaantood dhaleen qoyska madaxweyne biixi Waxaa kale oo jirta in wasiirkii hore ee maaliyadda xilligii siilaanyo cabdicasiis samaale uu madaxweynaha kala taliyo wasaaradda maaliyadda ,iyadoo aynu ognahay inuu samaale yahay ninkii bisha keliya qoray 300 boqol oo shaqaale ah oo ay isku haybyihiin , samaale isagaa leh go aanada kama danbeysta ah ee maaliyadda . Waxaa jira urur ay ku midaysanyihiin agaasime waaxeedada iyo ku xigeenada kasoo jeeda qoyska madaxweynaha oo intay is uruursadaan kolba ku qanciya cid waxay doonayaan Agaasimaha guud ee maaliyadda waxaa abti u ah samaale madaxweynaha isagaa ugeeyey, isagoo kula balamay inuu wax kasta oo usoo gudbiyo sidiisa ufuliyo . dhinca kale wax jira wiil yare oo uu madaxweyna biixi abti oo la yidhah( shucayb maxamud ciise ) oo temporary ah oo hadana ka mushahar badan agaasime waaxeedada wasaarada maliyadda inaga oo aan soo koobi karin dhacadooyinka dhiig baxa qaranka ku ah ee ka dhacay ama ka socda wasaaradda maaliyadda ,wax keliya ee aynu ku tilmaami karnaa meherad reer leeyahay ,cid kalena aanay waxba uga ogolayn . Source
-
Somalia’s economy is expected to grow by 2.9% this year, from 2.8% last year, before growth quickens to 3.2-3.5% in the medium term, the World Bank said on Monday. The Horn of Africa country has been in turmoil since 1991 when clan warlords overthrew President Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade, it has been hit by famine and sporadic terror attacks by al-Qaeda-linked militant group al Shabaab. The higher growth forecast for the next three-to-five years would depend on the country being able to sustain its current economic reform momentum, the World Bank said in a statement. Tax collection by the government increased by 29% last year, as the economy recovered from drought the previous year and the government changes its tax policies, the World Bank said. “While this progress is encouraging, the available fiscal space remains insufficient to meet expenditure needs (for) education and health sectors,” the bank said. It asked the government to form a fund dedicated to education to allow authorities in Mogadishu to mobilise more cash from regional states and other partners to support learning. In May, the International Monetary Fund said Somalia’s economy was on the right track but warned that it was still vulnerable to fragile security, climate change and poverty. Source: Reuters
-
(SLT-Washington)-Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa lahayd xog-ogaal awood u leh inuu wax badan ka ogaado aqalka Kremlin-ka Ruushka, kaasi oo kaalin weyn ka cayaaray qiimeyntii lagu sameeyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amray faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016, waxaa sidaas weriyey CNN iyo New York Times. CNN iyo New York Times ayaa labaduba sheegay in xog-ogaalkaas laga soo saaray Ruushka sanadii 2017 kadib markii uu diiday yabooh hore oo ahaa inuu ka tago dalkaas. CNN ayaa sheegtay in go’aanka lagu soo saaray shakhsi meel sidaas u muhiim ah joogay ay qeyb ka ahayd cabsi laga qabo in madaxweyne Trump iyo xubno sare oo ka mid ah maamulkiisa ay si khaldan gacmaha ula galaan akhbaar sir culus ah. CIA-da ayaa diiday warbixinta CNN-ka, waxayna sheegtay in go’aanka ay uqaadatay uu ku salaysnaa “taxliil hadaf leh iyo xog uruurin cilmi ku dhisan.” New York Times ayaa sheegtay in go’aanka jaajuuskaas lagu soo saaray ay sabab u ahayd sida warbaahinta ugu hadashay faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashada iyo warar ku saabsanaa xogo laga helay il-wareed ku dhex sugan Kremlin-ka. Warbixinada ayaa sheegay in luminta xog-ogaal sidan u qiimaha badnaa oo ku dhex sugnaa Kremlin-ka ay sirdoonka Mareykanka ka dhigaty kuwa aan wax xog ah ka haysan ficillada Ruushka ee iminka iyo qorshahooda ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka dambe ee Mareykanka. Source
-
Muddo sanad badan ficillada iyo hadallada ka imaanayay Kenya ee Soomaaliya iyo madaxdeeda quseesayay waxay ahaayeen kuwo dhiillo iyo colaad xambaarsan. Waxay Kenya u dhaqmaysay sidii kuray xoog badan oo mid uu ka adag yahay kolba dhinac u jiiray si uu falceliyo isna feer ugu boobo. Cayrinti safiirka Soomaaliya, diyaraadihi maridda Wajeer lagu qasbay, madaxdii lagu bahdilay garoonka Joomo Kenyatta iyo soo dhawaynti maamul goboleedyada iyo maqaamki ay siisay Soomaaliland iyo kaba darane doorashadii Jubbaland oo ay ka dhigtay Kenya mid ka dhacayday dagmo Nayroobi hoos tagto waxay dadkeenna ku abuureen ciil iyo caro. Waxaan jeclaysannay inay dowladdeennu mar un bixiso jawaab kulul oo Kenya ka nixiso. Waxaan jamannay inaan aragno madaxweynaha oo dagaal Kenya ka dhan ku dhawaaqay ama ugu yaraan ku hanjabay isdifaacid. Waxaan naawilnay isagoo qaadka mamnuuay, ciidamada Kenya dalka ka saaray ama xariirka oo dhan u jaray oo sidii ay safiirkeenna u cayrisay isna kooda u fiijiyay. Mase dhicin. Ma cabsibaa sida dadku qaar dhaheen? Ma badownimaa? Ma liidnaan iyo ducfi uu u dhashaa mise waa dibloomaasiyad heer sare ah iyo bisayl aynu gaarnay mise wax kaloo la xeerinayo ayaa jiro? Inta badan su’aalahaan waxaan kaga jawaabay qormadaan ee ku noqo. Halkaan waxaan ku falanqayn doonaa kaliya saddexda su’aalood ee ugu soo noqnoqoshada badan (qaadka, ciidamada iyo xariirka oo la jaro). Anigu maahi afhayeenka dowladda iyo xubin ka tirsan oo arrimaheeda hoose og toona. Haddaan ku iraahdo xogo hoosaan hayaa been baan kuu sheegay. Waxaan hadlayo waa aragtidayda iyo khibradda kooban iyo aqoonta yare e aan u leeyahay arrimaha taagan oo aan had iyo goor sida ii muuqato ka iraahdo. Barigii Imaaraat dalka laga cayrshay dadkeennu walwal badan iyo walbahaar cabsi la socoto ayaa galay. Qormo Ayaan barigaas idinla wadaagay aan ku qeexay inuusan Imaaraat waqtigaan waxba ka qaadi karin Soomaaliya, sidaan u sheegay inay dhacday iyo kale lifaaqa kore ku noqo oo go’aan ka gaar. Haddana waxaan is leeyahay qiyaas xaqa waafaqsan ayaad haysaa. Qaadka Qaadku waa gol jileeca Kenya ee sida dhaqsaha ah xanuun uga dareento. Beeralayda qaadka wax soo saarkoodu wuxuu ku dhisan yahay 90% suuqa Soomaaliya. Maalinti waxay Soomaaliya u dhoofiyaan qaad qiimihiisu gaarayo boqol milyan oo lacagta Kenya ah taasoo u dhiganta hal milyan oo doolar. Waxaa sidoo kale dhaqaale xooggan si dadban ooga helo dad milyan kor u dhaafay kuwaas ka shaqeeyo iibintiisa, dhoofintiisa, dillaalkiisa ama xamaalkiisa iyo xirxiriddiisa. Diyaaradaha qaado iyo canshuurta dowladda haddii lagu daro qaadku wuxuu noogu kacaa ugu yaraan hal bilyan sanadki. Sidaa darteed joojintiisu waa jug culus oo dhaawac xooggan gaysan karto dowladda Kenyana si dhaqso ah u dareemi lahayd. Hasa yeeshee joojintiisu dowladdu way ka baaqsatay iyadoon u danaynayn Kenya balse maslaxo kale eegtay. Kow, sida malaayiin Kenyan ah ugu tiirsan yihiin qaadka ayay kumannaan Soomaali ah ugu tiirsan yihiin. Ganacsatada qaadka keento waa Soomaali. Kuwo dillaalo, kala iibsho iyo kuwo jumlada kusoo qaadaba waa soomaali. Gudaha dalka waxaa ku tiirsan dan yar u badan hooyooyin kaligood ilmo koriyo iyo dad aan lahayn cid kale oo caawiso. Joojintiisu sida Kenya u xanuujinayo ayuu dad badan oo Soomaaliyeed u xanuujin. Muddadii asbuuca ahayd ee madexweyne Xasan uu hakiyay qaadka dadki ugu badnaa ee qayliyay waxay ahaayeen soomaalida ka ganacsan jirtay. Sidoo kale Feebaraayo 2017’ki marki dowladdu canshuurta qaadka ay kordhisay ganacsatadi soomaaliyeed ee qaadka keeni jirtay ayaa shaqo joojin sameeyay ilaa ay dowladda ku qasbeen inay dhinto canshuurta. In la mamnuuco waxaa dalkeenna ooga faaiido badan in canshuur badan la saaro. Mar dowladda ayaa lacag fiican ka heli marna dadka cunayo ayaa yaraan lahaa oo iibsigiisa kari waayi lahaa. Mar haddii middii faaiida badnayd ay soomaalidu u dulqaadan wayday ma waxay u qaadan doonaan mid ka daran? Waxaa raaco in dowladda oo joojiso qaadka Kenya uusan ku joogsan doonin. Dowladdu Xamar unbay ka mamnuuci kartaa qaadka. Sidii 2017’ki dhacdayba qaadka waxaa laga soo dajin gobollada dalka qaar ka mid ah. Xataa haddii ay dowladdu diyaaradaha ciqaabto waxaa lasoo marin dhulka. Wuxuu dalka imaan isagoo sidii hore ka qaalisan, ka khatar badan kana dhib iyo mushkilad badan. Waxaa suuragal ah inuu ka dhasho kacdoon iyo rabshado dowladda gilgilo. Meelihii ugu horreeyay ee mucaaradka dowladdi Kacaanka xoojiyay waxaa ka mid ahaa qaadki ay xarrintay. Haddii middii awoodda badnayd ee dalkoo dhan xukuntay gacan laga baqana lahayd ay joojin wayday mucaarad iyo kacdoonna ka faaiidday maxaa loo fili karaa middaan taagta daran ee udubkeedu ul booco yahay? Maadaama qaadku yahay hubka ugu culus ee dowladda soomaaliya ay isticmaali karto, waxaa siyaasad xumo ah inay ku billow kii ugu weynaa ee ay haystay. Waa inay jiraan wax lagaaga baqo oo la isleeyahay waxaas ayaa u dhimman. Haddii wixii ugu danbeeyay aad isticmaashay maxaa kuu haray oo aad ku hanjabi ama qalbi lagu hayn inaad isticmaali karto? Kenya waxa fashilay waxaa ugu weynaa diidmadii baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaalida waayo wuxuu ahaa hubka ugu culus ay soomaaliya u haysatay. Isagii haddiiba ay mar ridday maxaa dhimman oo dowladdu ka baridaa? Ciidamada Kenya ee Soomaaliya joogo Ciidan afar kun gaarayo ayaa Kenya soomaaliya ka joogo. Ciidankaan wuxuu sitaa magaca nabad ilaalin iyo diyrayska iyo calanka Midowga Afrika. Xaaladda uu ku joogo iyo qawaaniinta uu isticmaalo waxay ka dhigeen ciidan uu leeyahay Midowga Afrika. Midowga Afrika ciidankoodu, sida ay iyagu u arkaan, waa mid ka badax bannaan siyaasad iyo dano gaar ah oo dalal u dhaxeeyo. Waa ciidan waajibaadkiisa u guto si caddaalad iyo karaamo leh, ilaaliya sharciga dalka uu joogo iyo sharafta dadkiisa, ay u simanyihiin dalkiisa iyo kan uu shaqada u joogo kana amar qaato Midowga Afrika ee aan fulin doonidda dalkiisa. Marki mowqofka midowga Afrika ee ku aaddan ciidama Kenya ee joogo Jubbaland sidaas yahay, Midowga Yurub oo dhaqaalahooda bixiyana la aragti yihiin, caydiisa, dhaliishiisa iyo weerarkiisu wuxuu ku dhacyaa Midowga Afrika. Macnaha dowladda Soomaaliya oo eedo usoo jeediso ciidamada Kenya waxay la mid tahay iyadoo eed usoo jeedisay Midowga Afrika. Taasi kama dhigna dowladdu ciidamada Kenya oo xadgudbayo kama hadli karto. way ka hadli kartaa dhaliili kartaa oo waliba dalka ka saari kartaa laakiin waxay u baahantahay caddayn la hubo oo mugdi iyo muran aan gali karin Midowga Afrikana dood la’aan uu ku qanco. Ilaalinta karaamada ciidamada AMISOM oo kuwo Kenya ku jiraan waxay dowladda ka dhigtay mid qaan gaar ah, taqaan marka eedda la jeediyo iyo goobta laga jeediyo iyo sababta loo jeediyo. Waxay caddaysay inaysan cadaawaad gaar ah u hayn ree Kenya ee arrimo kooban oo xal laga gaari karo la isku hayo. Tani dowladda soomaaliya waxay siisay taageero iyo kaaramayn ugu kaalmeeyay inay kaga guulaysato Kenya baratankii diblomaasiyadda dibadda. Tusaale usoo qaado inay taqaan goobta laga hadlo iyo goorta la hadlo maalintii la isla tagay Qaramida Midoobay ee Kenya doonaysay inay mariso sharci Soomaalida oo dhan argagixiso ka dhigi lahaa. Safriirka Soomaaliya si cilmiyaysan ayuu Kenya iyo ciidankeeda ugu dhammeeyay isagoo wax eed ah saarin Midowga Afrika. Dib u dhaqgayso khubaddii Amb Abuukar Baalle. Asbuuci hore wuxuu joornaalka The Star ee Kenya kasoo baxo qoray in madaxweyne Uhuru uu ka niyad jabsan yahay wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu shaqada ka qaadana qarka u saaran yahay. Arriamaha lagu eedayay waxaa ka mid ah inay ku fashilantay dumashada dalal kale. Arriamha guuldarradaas u keenay qaar ka mid ah ayuu joornaalku ku sheegay inay ku mashquushay sidii ay u karaama tiri lahayd Soomaaliya halki ay ku ekaan lahayd waxa la isku hayo isuna muujin lahayd mid aan waxba u qabin Soomaaliya balse doonayso xal u helid arrinta la isku hayo si nabad iyo walaaltinnimo loogu wada noolaado. Joornaalka ayaa soo xigtay diblamoosi u dhashay mid ka ah dalalka Kenya saaxiibka la ah kaasoo yiri “waxaan garan waynay waxa ay Kenya doonayso si aan u caawinno”. Halkaas waxaa kaaga cad in dunida hadda la joogo ee ay yartahay cid ciidan iyo cudud wax ku maquunin karto ay u baahantahay diblomaasiyad wajiyadeeda muuqdo duman karaan saaxiibbo badan. Haddii Soomaaliya waqti galin lahayd sidii iin iyo ceeb ugu heli lahayd ciidamada Kenya dalka si dalka looga saaro, waxay kusoo dhici lahayd bannaan cidla ah waxayna u badnaan lahayd inay lumin lahayd taageerada Midowga Yurub iyo kan Afrika oo hadda xaggeeda maray. Sidoo kale waxaa furan doorka baarlamaanka oo ah inay mooshan ka keeni karaa ciidamada Kenya si dalka looga saaro. Go’aannada baarlamaanku waa ka madax bannaan yihiin kuwa dowladda. Haddu baarlamaanku go’aamiyo in ciidamada la saaro, madaxweynaha waxaa u furan inuu saxiixo oo sidaas dalka looga saaro ama inuu ku gorgortamo oo suu rabo isagu loo yeelo si ciidamadu u sii joogaan. Xariirka oo loo jaro Xiriir dal loo jaro waxay la mid tahay bilcaan la furay. Waa meesha ugu danbayso ee dagaal. Waan yaan la isku soo noqon. Haddii la isku noqdana baxdinti soo baxday bogsan mayso oo waxaa lagu wada noolaan tuhun iyi utuno la isu hayo. Xaal halkaas inuu gaaro soomaalida dan uma aha sababahaan owgood. Kenya waa dal aan daris nahay dhul ballaaranna naga haysto. Dhulka uu naga haysto waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo xariir dhow oo dhalasho la leh Soomaalida kale. Sidoo kale, waxaa dagay dhul weynaha kale ee Kenya Soomaali malyan ka badan oo qax iyo tabac u tagtay. Soomaalidaan waxay qaateen dhalashada dalkaas waxay la xaq iyo xuquuq noqdeen kuwii hore ee dagganaa. Sidoo kale, waxaa kusoo guuray oo warasaadoodi keenay Kenya Soomaalidii debadda jirtay. Dadkaas horay u sii joogay iyo kuwa gadaal ka yimidba Kenya waxay galiyeen maalgalin aan caadi ahayn. Wixii la heli karay oo dhan ayaa lagu shubay Kenya. Waa ay yartahay in la helo ruux wax un lacag ah heli karo oo aan Kenya guri ka iibsan. Tuulo yar oo aan daganahay soomaaliduna ku yartahay waxaan ka aqaan dad labaatan dhaafay oo falaatyo Nayroobi ka iibsaday iyagoo wali dibadda ku nool. Malaayiinta soomaaliyeed ee waxay adduunka naxeen Kenya u taal marnaba kama raalli noqonayaan xiriirka Kenya oo la jaro (waxaan idiin xaqiijin in aan anigu shaqsiyan guri iyo kumi kale toona Kenya iga oollin). Dalka sidaasi Soomaalidu isugu aamintay in xariirka loo jaro iyadoo laga maarmi karo ama maslaxo qaran oo muuqataa aysan jirin waa mid is-halligid iyo qar iska tuurnimo ah. Midda labaad Kenya inkasta oo ay dhul naga haysato hadda wixii ka horreeyay ma lahayn han dhaafsiisan gudaheeda. Awal kuma jirin qabsashada dhul soomaaliyeed haddana uma diyaarsana. Waa dal gondo-fiiris ah (inward looking) oo ku danbeeyo xagga saamaynta arriamaha dibadda. Tusaale, 10 sano ka badan oo dalka dowlad aysan ka jirin Kenya waxay isku ballaarin kartay dhul badan iyadoo cidna ogaan. Iyadoo lagu siqayo oo xuddeed beenaadkeedi la galay ayaysan yac waligeed dhihin. Soomaalida daggan Baladxaawo waxay dagtay dhulkii loo aqoon jiray lama-yeeshaanka (No man’s land). Askartu iyadoo tuban oo eegayso ayaa shan mitir ka yar halka ay waardiyaha ka galaan guryo laga dhistay joojiyana aysan dhihi jirin. Arrinta badda ee hadda toosisay qudheedu waxaa abaabulkeeda lahaa dowladda Norway ee waligeed ma aysan damaaciseen baan qabaa ama maba ku baraarugteen. Dalka noocaas ah cadaawaddiisu ma foga mana mudna in laga raadiyo colaad raagto hadduusan isagu soo doonan. Duuduub, Kenya waa na hujuuntay, noo hanjabtay, na handatay daandaansi iyo dagaalna doontay. Dhinaceenna dowladda na matasho waxay muujisay dulqaad, daganaan iyo diblomaasiyad waqtigeedi joogto muraadkeedana gaarsiin kara. Saddexda arrimood ee aan halkaan ku faaqiday dowladdu kama dammana laakiin waa hub waqtigii la isticmaali lahaa aan la gaarin inta laga maarmana in aan la isticmaalin mudan. Haddii inta maxkamaddu noo xunto badda Kenya isku daydo inay ciidamo gayso oo ku dhawaaqdo inay xoog ku qabsatay, markaas waxaysan hurayn istimaalka qaar ka mid ah hubkaan. WQ: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Over a quarter-million Somalis have been displaced largely due to drought and conflict in Somalia in January-July period of this year, the UN humanitarian agencies said on Tuesday. Most of the conflict-related displacement occurred in Lower Shabelle region where armed operations by Somali security forces backed by international partners against the Al-Shabaab group resumed in April 2019, according to Protection Return and Monitoring Network, a project implemented led by the UN Refuges Agency in partnership with the Norwegian Refugee Council. “More than a quarter of a million Somalis have been displaced between January and July this year largely due to drought and conflict,” said the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs in Somalia in a Twitter statement. “More than 100,000 people were newly displaced by drought in 2019. This is 50 percent lower than recorded for the same period in 2018. However, an increase was reported in July with an estimated 28,000 people newly displaced – a 57 percent increase compared to June,” the statement said. Armed conflict and insecurity have also uprooted an estimated 126,000 people from their homes as of July, it added. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Waftigaan uu hogaaminayo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horudhac u ah Wafdi uu Hogaaminaayo Ra”isul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo la filayo in daqiiqadaha oo socda uu gaaro degmada Xudur. Boqolaal shacab ah ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Xudur si ay qayb uga noqdaan soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaarey Xudur. appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s economy is expected to grow by 2.9% this year, from 2.8% last year, before growth quickens to 3.2-3.5% in the medium term, the World Bank said on Monday. The Horn of Africa country has been in turmoil since 1991 when clan warlords overthrew President Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade, it has been hit by famine and sporadic terror attacks by al Qaeda-linked militant group al Shabaab. The higher growth forecast for the next three-to-five years would depend on the country being able to sustain its current economic reform momentum, the World Bank said in a statement. Tax collection by the government increased by 29% last year, as the economy recovered from drought the previous year and the government changes its tax policies, the World Bank said. “While this progress is encouraging, the available fiscal space remains insufficient to meet expenditure needs (for) education and health sectors,” the bank said. It asked the government to form a fund dedicated to education to allow authorities in Mogadishu to mobilize more cash from regional states and other partners to support learning. In May, the International Monetary Fund said Somalia’s economy was on the right track but warned that it was still vulnerable to fragile security, climate change, and poverty. View the full article
-
Kaaf iyo Kala Dheeri: 24 July 201 Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Heshiis Madaxtooyadda kula Galay Wasiirka Ingiriiska ee Afrika, Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu ahaa Goob-joog. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay wuxuu heshiis la saxeexday sarkaal ka tirsan waaxadda horumarinta caalamiga ah ee Ingriiska oo loo soo gaabiyo DFID Mr. Damon Bristow, taas oo u qaabilsan dalkaas kaalmaha caalamiga ah, kaas oo sida ay madaxtooyadu sheegtay uu nuxurkiisu ahaa kaalinta uu Ingrisku kaga qeyb qaato sanduuqa horumarinta somaliland SDF. Waxaa kale oo ay madaxtooyadu sheegtay in Madaxweyne Biixi iyo Sarkaalkani ay kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinta khayraadka tamarta Jsl. Ma Tahay Talaabo Haboon? Dad badan ayaa baraha bulshada ku dhaliilay in Madaxweyne Biixi uu heshiis la saxeexdo sarkaalkan. Madaxtooyadu waxay sheegtay in Mr. Damon Bristow, uu ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayo safiirka Ingriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Danjire Ben Fender. Sarjaalka uu Madaxaweyne Muuse Biixi heshiiska la saxeexday wuxuu Xafiiska arrimaha dibada iyo bawaaqa sooranka (FCO) ee Ingriisku sheegay in Mr. Bristow uu u qaabilsanyahay waaxda horumatinta caalamiga ah ee DFID dalka Soomaliya, inkastoo aanay madaxtiiyadu sheegin. waxaanu xilkan la wareegay bishii June ee sannadkan. DFID waxa madax ka ah wasiir, waxaayna leedahay waaxyo. Xilka Mr Bristow wuxuu u dhigmaa agaasime unug, haddii la barbar dhigo qaab dhimseedka wasaaradaha somaliland. Haddaba, dad badan ayaa talaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay in Madaxweynaha qaranku uu sarkaal ka tirsa wasaarad la saxeexdo heshiis iyadoo uu madaxsha joogay wasiirkii arrimaha dibadu somaliland Yaasiin Xiir Faratoon, islamrkaana ay jiraan waaxyo kala duwan oo ay leeyihiin wasaaradda qorshaynta oo kale. Siilaanyo iyo 2015 Marka uu shalay madaxweyne Muuse Biixi Cbadi heshiiska la saxeexday sarkaalkan Ingriiska ah, waxa xusid mudan in afar sannadood ka hor ay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee xilka ku wareejisay Madaxweyne Biixi heshiis dawladda Ingriiska kula gashay isla goobtan Madaxtooyada ee uu Bixii kula galay. Heshiiskaas oo sida sawirka ka muuqata uu madaxweyne Siilaanyo goob-joog ka ahaa waxaa 24 july 2015 kala saxeexday wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaas maxamed Biixi Yoomis iyo Wasiirka ingriiska ee Afrika u qaabilsanaa wakhtigaas Mr. Grant Shapps oo socdaal ku yimid Hargeisa. Heshiiska ayuu nuxurkiisu daarnaa biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa iyo horumarinta tamarta iyo korontadda Hargeysa. Gunaanad Dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo hab maamuska ayaa talaabadan uu Madaxweyne Biixi heshiiska kula sxeexday sarkaal ka tirsan waaxda DFID u arkaa mid aan ku haboonayan haybada madaxweynenimo. sidaas horaba u dhacday ee uu Madaxweynihii hore ee Siilaanyo goobjooga uga noqday oo waliba lala galay wasiir, waxa ay ku haboonayd in heshiiskan ay kala saxeexdaan madaxada DFID iyo wasaaradda arrimaaha dibadda ama wasaaradda Qorshayanta. Waxa ay dad badani u arkaan in arrintani nusqaaan ku noqon karto haybad kursiga Madaxweynaha. Source
-
Darawalada gaadiidka u kala goosha deegaamada Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey burburka soo gaarey qaybo kamid ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso. Wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ay meelo badan ka go’antahay ayna halis ku tahay gaadiidka, badeecadaha saaran iyo dadka intaba. Waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Puntland inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato burburka laamiga, ayna dib ugu soo celiso canshuuraha laga qaado gaadiidleyda iyo dhammaan umadda Puntland si uusan u joogsan isu socodka gaadiidka guud ahaan Puntland. Dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Galkacyo ayaa horay u joogsadey, inkastoo xukuumadda hadda jirta ay dedaal badan ku bixisay sidii dib loogu bilaabi lahaa. PUNTLANDPOST The post Darawalada gaadiidka oo ka cabanaya burburka wadada isku xirta Boosaaso iyo Galkacyo. appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaaleynta iyo dimoqoraadiyadda dowlad gobaleedka Puntland Maxmed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baasaboorka Soomaaliya lagu muujiyo in dalka uu qaatay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo inuu hirgalay. Wasiirka oo la hadlay Goobooog News ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Baasaboorka Soomaaliga ah inuu ka dhex muuqdo nidaamka federaalka ee dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen burburkii ka dib, asaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri” Maadaama dalka uu ku heshiiyay nidaamka federaalka ah, xukunkiisana lagu dhisay, laakiin arrintu waxaa waaye Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa wali ku yaala Baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya, lakiin kuma taallo Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, waxaa ayna tahay maadaama dalku uu halkaas uu u guuray oo nidaamkaas qaatay oo lagu heshiiyay oo dhameystirkiisii lagu jiro in laga run sheego oo dhinac waliba dadkii loo carbiyo, Baasaboorku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha astaanta dalka ah marka waxaa la rabaa in lagu qoro Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya”. Sidoo kale wasiir Dhabancad oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in Baasaboorka lagu caddeeyo inuu dalku federaal uu yahay ay tahay muhiimad weyn iyo in bulshada caalamka ay ogaato nidaamka dalku ka jira inuu federaal yahay waxaana uu yiri” Arrintu ma ahan arrin looga hadlaayo dowlad ama dowladaha xubnaha ka ah Baasaboorku waa Baasaboorkii qaranka, qarankii Soomaaliya waxaa uu ku heshiiyay oo lagu dhisay dowladnimadiisii inuu noqdo dal federaal ah, marka si taas loo gaaro waxaa Baasaboorkuna xusayaa Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya uu Baasaboorkeedii uu yahay, marka haddii la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliya Baasaboorkeedii, taas macnaheedu waxaa waaye in meel arrinu ka qaldan tahay oo meeshii la rabay in dalka loo diyaariyo dhan waliba uu wali wax ka dhiman yihiin”. Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Punland ayaa sheegay in hadda xiligaan dadka Soomaaliyeed si wanaagsan ay u fahamsan yihiin nidaamka federaalka, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in ay muhiim tahay in laga run sheego waxaana uu yiri” Dadka Soomaaliyeed nimaadka qof kasta nidaamka inuu yahay nimaad la qaatay, laguna heshiiyay haddana lagu jiro dhameystirkiisii, lakiin meesha ay wax is ka diidanyihiin waxaa waaye shaqsiyaad ayagu danahooda aysan ka dhex arkin in dalkaan uu noqdo dano dal federaal ah oo awoodu qeybsan yihiin oo adeegii qeybsan yahay oo dadka la gaarsiiyo qof waliba meesha uu joogo talada uu wax ku yeesho ayadoo la raacayo hanaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ”. Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda arrimaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegay si loo dhameystiro nidaamka federaalka loo baahan yahay in lagu cadeeyo wax waliba ee soo baxa nidaamka federaalka waxaana uu yiri” Marka lagu heshiiyo nidaamka federaalka oo dhidibada loo aaso waa in dhan waliba waxa quseeya ay ku taalo qoraalada ka soo baxaayo ay ku taalo inuu dalkaani yahay dal federaal ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool ayaa waxaa safarkiisa ku geedaaman arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan kuwa muhiim ah. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la filayaa inuu booqdo xeryaha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed, iyo ciidanka daacadda u ah Sheekh Mukkhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur. Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ugu muhiimsan, sidii loo Qarameyn lahaa ciidamada Abuu Mansuur oo qeyb ka ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ayaa waxa ay horay shuruudo adag ugu xireen in la Qarameenyo, kadibna lagu biiriyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Shuruudahaasi oo ay hordhigeen guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa waxaa ka mid ahaa: 1– in ciidanka hoggaankiisa ay qeyb ka noqdaan 2– in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada iyo saanadooda loo dhameystiro. Haddaba waxa ay dad badan is weydiinayaan, sida uu Ra’iisul wasaaruhu u fulin doono shuruudahaasi oo uu wax badan ka ogyahay hoggaamiyaha ay ka amar qaataan. Roobow ayaa hadda u xiran dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka soo xireen isagoo musharrax ahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Lama oga sida ay wax noqo doonaan, balse Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamadii Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad ku suganaa deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com