-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna. Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa todobaadkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay IGAD oo ka qeybgalay xaflad lagu furayey aqal ama beer la dhigo(Unity Park), oo lagu keydiyo taariikhda madaxdii Itoobiya laga soo bilaabo boqor Menelik. Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlayaa ayaa Abiy Axmed uga mahadceliyey inuu dib u dhiso goobtaas, xusana taariikhda hoggaamiyeyaasha Itoobiya, “Waxaa aqalka ku hareereysan taariikh iyo sharaf, Itoobiya waa goob ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan ganacsi iyo dalxiis”. Haddaba, waa run in hadda uu aad u wanaagsan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, laakin madaxda goobtaas lagu soo bandhigay taariikhdooda, la weyneynayo, lana maamuusayo, madaxweynaha Soomaaliyana uu ammaanay waxaa ka mid ahaa boqoradda Menelik iyo Haile Selassie, hana ka reebin Mengistu Haile Mariam. Menelik oo ahaa boqorka 1989-1935, waxaa lagu sheegaa in ahaa aasaasaha Itoobiyada cusub, mana fiicneyn aragtidiisa Soomaaliya, oo waxaa uu rumeysanaa in dadkeenna adoomo u ahaayeen Itoobiya ilaa muslimiinta xoreeyaan. Xilli uu Ingiriiska kala hadlayey cidda maamuleysa Soomaaliya, Menelik waxaa uu London ku yiri “Soomaaliya waa hore, ka hor inta aaney Muslimiinta ku soo duulin, waxaa ay raaci jireen xoolaha dadka Itoobiyaanka ee aan ku noolaan karin dhulka hooseeya”, waxaa uu qabay in Soomaalida adoomo ahaayeen, laakn Ingiriiska ayaa arrintaas ku diiday. Haile Selassie, 44 sano ayuu ahaa boqorka Itoobiya ( 1930 -1974), waxaa uu ahaa ninkii gobolka Soomaali galbeed ama Ogaden kala wareegay Ingiriiska July 24, 1948, la dagaali jiaray The Ogaden Liberation Front (OLF) iyo dagaalo badan oo midkii 64-tii qaranigii tagay ka mid ahaana Soomaaliya la galay. Mengistu Haile Mariam oo ka mid ah madaxda xarunta la dhigay waxaa uu ahaa ninkii lala galay dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed, in ka badan 10,000 ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, tilaabadan Farmaajana waxaa ay dhaawac ku tahay shuhadada iyo caruurtooda. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe. Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka. wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka. guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka. guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay. kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Kadib markii dhawaan shaqada laga ruqseeyay 9 agaasime oo katirsanaa dowladda hoose ‘Garowe’, ayaa wasaaradda arrimaha Puntland, waxay amartay in agaasimayaasha soo socda laga shan xubnood oo kaliya. Sida Puntland Post xogta ku heshay wasaaradda arrimaha gudaha waxay bayaamisay in la raaco xeerka degmooyinka Puntland iyo dowladdaha hoose oo qoraya in shan xubnood laga dhigo agaasimayaasha. Haddii sidaan laga dhigo, waxaa meesha ka bixidoono afar agaasime, iyadoo guddiga loo xilsaaray agaasimayaasha cusub lagu wado inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab-dhismeedkii hore ee agaasimayaasha lagana dhigo sida ay wasaaraddu amartay. Guddiga oo ka kooban xubno katirsan golaha degaanka iyo aqoonyahanno ah, ayaa dhawaan lagu wadaa inay imtixaanka ka qaadaan dadka soo codsaday boosaska bannaan, haddii ay buuxiyaan sharuudaha laga rabo. PUNTLAND POST The post D/hoose Garowe oo la faray in ay 5 xubnood kusoo koobto agaasimayaasheeda appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta labo gawaari oo siday Qudaar ay kooxo hubeysan ku gubeeyn agagaarka Lambar 50 ee gobolkaasi. Raggan hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay afduubteen labo nin oo la socotay gawaaridaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidkan ay ku soo wajahnaayen dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka damneysa dhacdadaasi oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta ay shaqaaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Erdogan oo ka hor hadlayey baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku taageeray howlgalka Milatari ee uu ka wado waqooyiga dalka Syria. Erdogan ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u muujisay garab istaag muhiim ah, xilli dalal badan ay ka horyimaadeen tallaabada Turkiga. “Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa ina y nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria.” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka hortimid bayaan ka dhan ahaa Turkiga oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu dhaleeceynayey howlgalka Milatari ee uu dalkaasi ka wada gudaha dalka Syria. Sidoo kale waxaa Warsaxaadeedkaasi ka dhanka ahaa Turkiga diiday inay ka mid noqoto dowladda Qatar. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu mashaariic kala duwan ka fuliyaa magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu tababaro xoogan siiyaa ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudae; Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyaydhiggiisa Dalka Jabuuti, Mudane; Ridwaan C/llaahi Bahdoon. Wasiiir warfaafinta iyo isgaadhsiinta ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Dalkeenna ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay. Labada Wasiir ayaa kawada hadli doona iskaashiga Walaaltimo iyo wax wada qabsi ee warbaahinta Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Police Commissioner General Abdi Hijar has made changes within the police force in Banaadir region. Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa ayaa la sheegay gaarigiisa loogu xiray taliyaha Saldhigga Waqooyiga Gaalkacyo, Cabdiqani Xabuun, walow uu ka badbaaday isku daygaasi dil. Taliyaha oo la hadlay warnaahinta ayaa sheegay inuu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay gaarigiisa, kadib markii uu ka shakiyey, xilli uu doonayey in uu ka baxo gurigiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in daqiiqado yar kadib uu gaariga qarxay, islamarkaana uusan geysan wax khasaare ah. Dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu si dirqi ah uga badbaadau taliyaha qeybta bartamaha ee magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliso gudaha Gaalkacyo oo ay ka howlgalaan ciidamo isku dhaf oo loo sameeyey magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-16102019.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo saacadihii la soo dhaafay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in ciidamadaani lagula eegtay waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo. Al-Shabaab oo sheegatay weeraradan ayaa baahisay in qarax koowaad ay ku dishay ilaa afar askari oo Itoobiyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigtay. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay deegaanka Mooda Moode, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamad dowladda oo ku aadan qaraxyadaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ciidamada Milatariga Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM kula beegsata gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Erdogan oo goordhow ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u mahadceliyey dalal ay ku jirto Soomaaliya sida ay u taageereen weerarrada uu ka wado gudaha dalka Suuriya. Madaxweyne Recep Erdogan oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “ Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria”. Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaanka Jaamacadda Carabta ee ku aadan in la cambaareeyo weerarada ay Turkidu ka wadaan gudana Suuriya, laguna dalbaday iney ka baxaan. Turkiga waxaa uu dowladda federaalka ah ka taageeraa miisaaniyadda, waxaa kale oo uu Muqdisho ku leeyahay saldhig militari uu ku tababaro askarta Soomaalida, maalgeshi badanna waa uu sameeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Global conservation networks have raised the alarm over the intensifying smuggling of cheetahs trafficked out of East Africa through Somaliland to meet the rising pet trade in Arabian countries. The cheetahs, according to the organisations, are suspected to be originating from Ethiopia, Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey Saadiiq Maxamuud Dhogor oo ah taliyaha ciidanka amniga garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaadarajada Gaashaanle Dhexe loogu xiray Saadiiq Dhogor oo ka mid ahaa sarakiishii sida gaarka aheyd uga shaqeysay amniga doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe. Khudbad uu Madaxweynaha Jubbaland ka jeediyey madasha ayuu ku sheegay in taliyuhu dalacsiintan ku muteystay dadaal badan iyo karti uu la yimid. Sidoo kale wuxuu ka booriyey saraakiisha kale ee Jubbaland in ay labo jibaaran shaqooyinka adag ee ay u hayaan dadka reer Jubbaland. Tallaabadan ayaa u muuqata mid uu Axmed Madoobe ugu abaal gudayo dadkii ka shaqeeyey doorashadii muranka dhalisay ee dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland.
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa ku gacan seedhay cadaadiska caalamiga ah ee lagaga dalbanayo inay joojiso hawl-galka millatari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Suuriya. Dagaal xooggan ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Suuriya ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan inay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada kale ee Syria ee Turkiga uu taageero. Weriye ka tirsan AFP ayaa sheegay in dagaalka magaalada uu weli socdo, inkasta oo Ankara ay dhowr jeer sheegtay inay gacanta ku dhigtay magaalada. Tan iyo markii dagaalka uu billowda 9-kii October, ciidamada Turkiga uu taageerayo ayaa qabsaday in ka badan 100 km oo dhulka xuduudda ah, hase yeeshee Ras al-Ain iyo Siri Kani ayaan weli gacanta usoo gelin. Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa weriyayaasha u sheegay “waxay na lee yihiin ‘xabad-joojin ku dhowaaqa’. Weligeen xabad-joojin ku dhowaaqi mayno.” “Insha Allah, waxaan dhowaan gacanta ku dhigi doonnaa dhul ku teedsan Manbij illaa xuduudeenna Ciraq,” ayuu yidh Erdogan. Hawl-galkan ayaa taageero ballaadhan ka haysta gudaha Turkiga, halkaasi oo dagaal jabhadeyn ah oo sannado badan ay wadeen Kurdiyiinta dalkaas ay ku dhinteen kumanaan qof. Source
-
(SLT- Shenzhen)-Shirkadda Huawei ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in dakhligeeda sagaalkii bilood ee hore ee sannadka uu kordhay rubac, in kasta oo ay wajaheysay cadaadis Mareykanka uu shirkaddan ka goynayo dunida inteeda kale. Dakhliga Huawei ayaa kordhay 24.4% islamarkaana gaadhay 610.8 bilyan oo Yuan, una dhiganta 86.2 bilyan oo dollar, halka faa’iideeda ay korodhay 8.7%, sida ay shirkadda sheegtay. Huawei, oo fadhigeedu yahay magaalada ku taalla koonfurta Shiinaha ee Shenzhen, ayaa ah shirkadda ugu badan ee qeybisa qalabka isku-xidhka isgaadhsiinta caalamka, halka ay kaalinta labaad kaga jirto soo saarka taleefon gacmeedyada. Hase yeeshee waxa ay sannadkan cadaadis kala kulmeysay saraakiisha Mareykanka oo dunida ka waday olole ay xulufadooda kaga dhaadhicinayaan inay ka fogaadaan qalabka shirkadda, cabsi amni darteed. Bishii May, Washington ayaa sheegtay inay liiska madow ku darayso Huawei, kana mamnuucayso suuqyada Mareykanka iyo inay iibsato qalab Mareykan ah, inkasta oo laba jeer ay muddo 90 malamood ah dib u dhigtay go’aankaas, ayada oo tii ugu dambeysay ay ahayd bishii August. Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in qalabka Huawei ay ku jiraan aalado u ogolaanaya Shiinaha inay ay basaasaan qulqulka isgaadhiisnta caalamka. Huawei marar badan ay beenisay eedeymahan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Muwaadin Mukhtaar Xuseen Cali ayaa muddo 4 sanno xukun la’aan ugu xidhan magaalada Hargeysa. Muwaadinkan ayaa waxa uu u xidhan yahay shirkadda Alxarbi ee ay mulkiyadeeda leeyihiin ee ilma faarax Xarbi sida uu sheegay garyaqaan Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela. Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook sida tan: “Mukhtaar Xuseen Cali oo u xidhan dacwad ay dhibane ka tahay shirkada Alxarbi ee ilma faarax Xarbi waxa uu xidhan yahay tan iyo 27/8/2015 oo la xidhay. Mudada intaas leeg ee uu eedeysanahaasi xidhnaa afar sano waxa uu ahaa rumaan. sharciyanna mudada u badan ee eedeysane rumaan ahaan karaa waa mudo 90 cisho ah.Taasi oo iyana aan la ogolayn sabab la’aan. Waxa taa ka daran imika oo afar bilood ka hor dhagaysiga dacwadiisa la bilaabay. Hadana ma jirto wax go’aan ah oo ilaa hadda maxkamada ka soo baxay!. Hadaba iyadoo eedeysanahaasi marka la eego danbiga loo haysto,hadiiba lagu heli lahaa uu maanta xadhiga dhamaysan lahaa, waxa aanu ugu baaqaynaa garsoorka in uu cadaalada ilaaliyo oo uu xayndaabka sharciga ku soo noqdo.Eedeysanahaas mudada intaa leeg xukun la’aanta xabsiga iskaga jiray na uu cadaalad helo,oo si dhakhso ah dacwadiisa loo dhamaystiro, islamarkaana xukun cadaaladeed uu helo. Waa ku ceeb bahda garsoorka,waana jawr iyo cadaalad daro weyn in mudo afar sano ah uu qof bilaa xukun xabsiga ugu jiro oo uu rumaan u ahaadaa. Waligeedna intii dacwado garsoorka soo maraysay,xataa kuwa argagaxisada loo haysto may dhicin in qof mudo intaas leeg uu rumaan iska ahaado. Iga dhan!.” Source
-
Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa warbaahinta Puntland post u sheegay in dib xorriyaddiisa loogu celiyay siyaasi Muuse Cali Jaamac oo maalmo ka hor lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiga loo haystay gef uu ka galay laamaha garsoorka Puntland kadib markii uu ku eedeeyay in ay laaluushka qaataan isagoo aan wax caddayn ah u haysan sidaasi darteedna maxkamadda lagu geeyay balse markii dambe cafis loo fidiyay iyadoo la tixgeliyay da’diisa iyo caafimaadkiisa. Guddoomiye Abukar ayaa xusay in maxkamadda la horkeenay muuqaal uu ka hadlayo siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kalmado ihaano ah ka sheegaya laamaha garsoorka hase ahaatee aan wax caddayna soo bandhigin sidaasi darteedna ku mutaystay xukun saddex sano oo xarig ah balse laga cafiyay markii la tixgeliyay da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad. Halkaan ka daawo wareysiga guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Maxkamadda magaalada Boosaaso oo siidaysay siyaasi Muuse Cali jaaamac appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya si dimoqraadi ah loogu doortay, Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa la dilay 15-kii October 1969-kii oo ay kasoo wareegatay muddo ku suntay 50-sano. Khaarijintiisa oo la rumeysan yahay in ay ahayd mid siyaasadeysan uuna ka dambeeyay askari boolis ah kaasoo ilaaladiisa kamid ahaa ayaa ka dhacay magaaladda Laascaanood. Gacan ku dhiiglaha ayaa durba la toogtay. Alle ha u naxariistee Sharmaake ayaa 1960-kii illaa iyo 1964-tii wuxuu wasiirka koowaad ee xukuumadda uu u ahaa Aadan Cabdulle Cismaan. Isla markii uu xilku qabtay waxa uu dhiirogeliyay dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka. Mudadii uu xafiiska joogay Soomaaliya ayaa dagaalo qaraar la gashay Itoobiya oo ciidamo iyo hub culus haysatay. Kaliya xoogaga Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay saddex kun oo bilaa hub iyo gaadiid ah balse aad u dhiiran. Hadaladdii taariikhda galay ee aadka loogu xasuusto lagana qabtay intii ay dagaaladdu socdeen oo ay Soomaaliya iska difaacday Itoobiya waxaa kamida “gacan waan ku dagaalameynaa, gacanna doorashadan ku galeynaa”. Markii dagaalku istaagay dalkana ay ka dhacday doorasho dibna uu ugu soo laabtay ra’iisul wasaare-nimadda ayaa waxa uu socdaal taageero raadis ah uu ugu baxay dalal ay ku jiraan; France, UK, Germany iyo Canada. Ujeedada ugu weyn ee safarkiisa ayaa lagu sheegay dhismaha ciidamadda xoogan oo ay Soomaaliya yeelato si ay dib ugu soo ceshato dhulalka ka maqan. Balse, socdaalkiisa wuxuu ahaa mid aanan wax miro dhan ah kasoo bixin. Heshiisyadii “sababay” dhimashadiisa Isaga oo ka qeybgalaya Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, waxa ay wada kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Russia, kaasi oo uu u bandhigay qorshihiisa dhismaha ciidan xoog leh oo ay Soomaaliya hesho. Ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Yuusuf oo dilka madaxweynaha usoo joogay ayaa wuxuu dib uga faaloodey xusuustiisa. Wada hadalo kadib ayay isla qaateen in ay u wada safraan Ruushka. Sharmaake waxaa xiligaas wehliyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya. “Miis baa loo keenay, waxaa la yiri ‘waxaad ku qortaa waxaad rabtaan’ 20-kun oo ciidan, hubkood, taangi iyo wax walbaa lagu qoray,” ayuu Yuusuf ku sheegay wareysi uu siiyey VOA-da laanta Af Soomaaliga. Maadaama uu xifaaltan ka dhaxeeyay, reer Galbeedka ayaa aad uga carooday bogga cusub ee u furmay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, waxayna cadaadis xoogan saareen madaxweynihii waqtigaas dalka xumayey. Yuusuf ayaa ka jawaabaya sababta loo dilay Sharmaake: “Midowgii Suufiyeenti [Ruushka] buu xiriir la sameeyay 17-mashruuc baa la saxiixay oo ciidanka, shirkadaha iyo waxbarashada, dabadeedna Midowgii Suufiyeenti iyo Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhawaaday, markaas ayaa nimanka reer Galbeedku ka xumaadeen dabagalna ku sameeyeen”. Kadib doorashadii qabsoontay 1964-tii, Sharmaake ayaa waxa uu waayey jagadiisa, waxaana ra’iisul wasaare noqday waqtigaas Cabdirisaaq Xaaji Xuseen xili Aadan Cabdulle Cismaan uu difaacday kursigiisa. Sidda laga soo xigtay Yuusuf, in Sharmaake la eryo waxay ka dambeysay markii ay madaxweynaha saameeysay dhabar ka taabashada reer Galbeedka oo Sharmaake u arkayey “caqabad”. – Madaxweyne – Kadib doorashadii madaxweynaha ee qabsoontay 1967-dii ayaa waxa uu Cabdirashiid Cali Sharmaake kusii baxay xilka madaxweynaha, isaga oo ra’iisul wasaare ka dhigtay Maxamuud Xaaji Cigaal, oo ka tirsanaa xisbiga SNT. “Cigaal oo xisbiga SNT ka tirsanaa ayaa intii ay reer Galbeedku la hadleen waxaa la yiri ‘SNT kasoo tag Leegada tag, Cabdirashiid baa soo bixi doono’. Cabdirashiid-na la hadleen la yiri ‘Cigaal ra’iisul wasaare ha dhig’ wax waan wada qeyb-saneynaayeen tanaasulaad buu la galay,” ayuu raaciyey hadalkiisa. Wuxuu intaasi ku daray: “Markaad kadib reer Galbeedku aad buu xirmay. Kolka maxaa dhacay? Waxaa dhacay shacabkii oo kacay, Soofiyeedku gacanta ku hayaan meeshuu doono qabsan karo. Reer Galbeedku waxay ku fekereen marka in Cabdirashiid meesha ka saaraan, ciidanka la bedelo, rag iyaga ah [reer Galbeedka] la keensado”. Dilkiisa kadib dhowr cisho waxaa taladii waddanka afgembi kula wareegay ciidamadii militariga ee uu hoggaaminayey allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Siyaad Barre, kaas oo dalka xukumayey in ka badan 30-sano. Xigasho: Garoweonline
-
(SLT-Sanaag)-Wasaarada Deegaanka iyo reer Miyiga Somaliland ayaa ka fulisay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag hawlgallo lagula dagaalamayo dadka xaalufinta ku haya deegaanka. Isuduwaha Wasaarada Deegaanka iyo Reer Miyiga ee Gobolka Sanaag Cabdi Warsame Xirsi aya sheegay in ay soo baabiyeen Beero loo ootay si Sharci darro ah waxaanu intaa ku daray in Maxkamada la soo taagi doono cidii lagu soo qabto iyadoo shidaysa dhuxusha, Cabdi Warsame Xirsi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Waxaanu soo kormeernay jiidaha Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka Sanaag waxaanan ka hortegaynaa xaalufinta deegaanka iyo nabaad guurka iyo dhuxul shidista babiinta seerayaasha la ootay ee dadku doonayaan in ay kaligood nooladaan,waxaanan soo maray 12 deegaan waxaanan soo baabiinay beero si sharci darro ah loo ootay Maxkamada ayaana la soo tagi doonaa ciddii seerayaashaa sharci darada ah oodatay ”. Sidoo kale Maamulaha Degmada Ceerigaabo ee Wasaarada Deegaanka iyo Reer Miyiga Axmed Maahir Cabdi,ayaa digniin u diry gaadiidka dhuxusha qaada,waxaanu yidhi. “Waxaanu ka hawl galnay jiidaha koonfurta gobolka Sanaag waxaana la soo qabtay shan nin oo gubayay dhirta waana la soo qabtay waxaan u mahadcelinayaa waayeelka deegaankaas iyo Ciidamada Qaranka iyo Booliska,waxa kale oo aan u mahacelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag waxaanan u digaynaa in gacan bira lagu qaban doono gaadiidka dhuxusha soo qaada ee Gobalada kale ka yimaada ee dhibaatada ku haya deegaanka haddii aanay joojin dhuxushaa ay shidayaan,cawaaqib xumo ayaanay la kulmi doonan dadka dhuxusha shidaya iyo gaadiidkaa lagu soo rarayaaba.”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland lixdii bilood ee sannadkan u horeeyay ay soo iibsatay qaad dhan 19 milyan oo kiiloo oo ay ku baxday lacag dhan 190 milyan oo dollar. Wasiir Sacad oo soo xidhayay kulan ay ardayda jaamacaduhu ku faaqidayeen caqabadaha hortaagan dhaqaalaha dalka, waxa kale oo uu ka hadlay caqabado kale oo hortaagan in dalka ay wershado ka abuurmaan, kuwaas oo samayn lahaa shaqo abuur, “Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas I gelinayaba.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas raaciyay “Imika hadaad is tidhaahdo wershad same oo hangar u baahan waa inaad dhul iibsato soo dayrto, biyo keento, laydhka keento intaas oo kugu kacaya qiyaastii milyan dollar badhkeed intaanad wershad keenin, waxa kale oo jira ma lihin xirfadihii wershadaha oo birta jabta Germany ama hindiya ayaa loo qaadayaa.” Wasiir Sacad oo ka hadlaya lacagta adag ee Somaliland qaadka kaga baxda wuxuu yidhi “Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye, mushkiladu lacagta oo keliya maaha ee waa wakhtigii; caafimaadkii, iyo dhaqankii, waxaynu nahay umad daroogo la qabsatay, waana meelaha loo baahanyahay in wax laga qabto haddaynu doonayno inaynu horumarmno.” Wuxuu intaas ku daray “Kal hore cashuur yar baan ku kordhinay, inaan cashuurtaas ku kordhino mooyee wakhtigan xaadirka ah joojinteedu waa tallo qaran, anigu waxaan qabaa inaynu joojino laakiin waa fikirkayga, xaqiiqdu waxa weeye ila toban kun oo qof ayaa ku nool oo nolol ka hela markaas waa inaynu u samaynaa ilo kale dadkaas.” Source
