-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballaarisay cunaqabateynta saaran maamulka Jubaland oo markii hore ku koobneed dhinaca duulimaadka oo kaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda federaalka Soomaaliya ay cunaqabateynta Jubaland ku kordhisay ilaa afar heer oo kale oo cunaqabateyn ah, kuwaas oo ay ka dhalan karto dhibaatooyin daran oo saameeya shacabka degaanka. Shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la kordhiyo cadaadiska Jubaland waxaana lagu daray afartaan qodob oo kale ah. Gabi ahaanba waxaa la joojiyay wadashaqeynta wasiirada xukuumadda Kheyre kala dhaxeysay wasiirada kale ee maamulka Jubaland ilaa inta laga xalinayo khilaafka labada dhinac. Waxaa meesha laga saaray in maamulka Jubaland la siiyo lacago maamul gobaleedyada loo soo marsiiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay helaan maamulada oo dhan, marka laga reebo Galmudug oo ku jirta soo kabasho iyo dhismaha maamul cusub. Dowladda Soomaaliya waxay si KMG ah hakad u gelisay dhamaanba mashaariicdii hormarineed ee Jubaland, oo ay ku jiraan dhismaha saldhigyo ciidan iyo adeegyo kale oo dheeraad ah hadii la helo iyo kuwii hadda socday. Iyo go’aanka ugu dambeeyo oo ah in la joojiyo dhamaan tababarada, taageerada iyo ka warqabka ciidamada ku sugan Jubaland ee aan ka amar qaadan dowladda federaalka Soomaaliya, ilaa inta laga xalinayo khilaafka taagan. Go’aanadaan oo lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada, ayaa lagu darin waxyaabihii ay xukuumadda faah faahisay markii uu shirkooda soo dhamaaday, waxaana dibad joog ka ahaa dhamaan wixii aan ka tirsaneyn golaha wasiirada, sida kaamira-maanada, shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xog-heynida oo dhan. Xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay saarnaan doonto Jubaland muddo dhowr bil ah, kadibna lagu dari doono cunaqabateyno kale oo intaan ka ballaaran sida ay noo sheegeyn qaar kamid ah wasiirada goobta joogay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kaas oo shalay barqadii ka dhacay wadada hor marta dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay qaraxaas dhaawac halis ah ku gaarsiiyeen Jeneral Maxamed Cabdullaahi Dhoore, oo ay sheegeen in uu Booliska Soomaaliya u qaabilsanaa arimaha dibadda. Al-Shabaab ayaa sidoo kale warka kasoo baxay waxa ay ku sheegeen in salkaalka ay qaraxaas ku bar-tilmaameedsadeen uu ahaa isku xiraha booliska Soomaaliya iyo booliiska caalamiga ah ee INTERPOL. Al-Shabaab ma sheegin in qaraxaasi uu ahaa mid sarkaalka loogu xiray gaarigiisa iyo in uu ahaa mid lagu sii diyaariyay wadada, balse waxa ay sheegeen in qaraxaas ay kula beegsadeen goob si weyn loo ilaaliyo oo ay ku sugnaayeen askar ka kala tirsan booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda ka hadal qaraxii shalay iyo xaaladda caafimaad ee Jeneral Maxamed Dhoore. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-10092019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo shalay kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada. Hadaba, Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Dafac” oo daba socday amarkaa yaabka leh ee ay soo saartay xukuumada Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay caqabadaha uu Madax-banaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amarkaasi ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka dhawaajiyey in xeerka saxaafada Somaliland uu awooda xulashada wararka iyo kala horeysiinteedaba uu siiyay Tifaftiraha hay’adaha warbaahineed ee kala duwan, isagoona amarka wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid uu fara-galin ku sameeynayo madax-banaanida warbaahinta. Garyaqaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Amarkaasi uu hoos dhac weyn ku keeni karo tartankii ka dhaxeeyay warbaahinta Somaliland iyo kuwa kale Geeska Afrika, midaasi oo ku tilmaamay inay lumin doonaan Soomaali badan oo dunida daafaheeda ka fiirsan jirey wararkooda, wuxuuna yiri: “Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen”. “Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso”. “Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay”. “Markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan”. “Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT- Zimbabwe)-Xulka kubadda cagta Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, ciyaar galabta ka dhacday Harare National Sports Stadium ee dalka Zimbabwe. Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee ciyaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed. Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay ciyaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay usoo gudubto waxayna u eekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaado daqiiqadaha yar ee cayaarta ka hadhay. Hase yeeshee Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee ciyaarta, kuna adkaatay 3-1. Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maadaama Soomaaliya ay lugtii koowaad kusoo adkaatay 1-0. Source
-
(SLT-Dubai)-Diblumaasi sare oo Masri ah ayaa Isniintii sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Quwadaha Adduunku ugala shaqayn lahaayeen in Maraykanku uu Suudaan ka saaro Liiska Dalalka Maalgeliya Argagixisada. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar, Sameh Shoukry ayaa sheegay inuu taageero Caalamiya la rabo Dawladda Rayidka ah ee ka dhalatay Suudaan, waxaanu xaqiijiyey in Qaahira ka shaqaynayso sidii Maraykanka iyo Dalalka kale ay Suudaan uga saari lahaayeen Liiska Dalalka Argagixisada Maalgeliya, taasi oo lagu daray Xilligii uu Suudaan xukumayey Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir. “Masar waxay ka taageeraysaa Suudaan sidii looga saari lahaa Liiska Argagixisada..” ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masaru u Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan, waxaanu intaa ku daray “Sidoo kale, waxaanu xoojinaynaa arrinta Maraykanka (Liiska Argagixisada ee Suudaan ugu jirto Maraykanka), waanuna sii wadaynaa riixiddeeda (Si looga saaro Liiskaa), annaga oo kala shaqaynayna Madaxda Suudaan.” Maraykanka ayaa Suudaan ku daray Liiska Dalalka Maalgeliya Argagixisada 1993-kii ama Afar Sanadood ka dib, markii Cumar Xasan Al-bashiir uu xukunka ku qabsaday Afgambi. Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar Sameh Shoukry ayaa booqasho ku tagay Isniintii Shalay Magaalada Khartoum, waxaanu halkaa kula kulmay dhiggiisa Suudaan, haweenayda lagu Magacaabo Asmaa Abdalla. Source
-
(SLT-Iran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa eedayn culus u jeedisay Dawladda Isreal. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee IRAN Javad Zarif, ayaa Isreal ku eedeeyay inay dagaal raadinayso, ka dib markii Raysal-wasaaraha Isreal uu toddobaadkan sheegay inay IRAN leedahay goob sir ah oo ay ku kaydsato ama ku samaysato hubka Nuklear-ka. Wasiir Javad Zarif ayaa sheegay in Isreal raadinayso Dagaal, isagoo hadalka Benjamin Netanyahu ku tilmaamay ‘Oohinta yeyga’ Xiisadda labada Dal ee IRAN iyo Isreal ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Isniintii Shalay uu Raysal-wasaaraha Isreal Mr. Netanyahu uu sheegay in Isreal ogaatay in qalab loo adeegsado hubka Nuklear-ka ay ku arkeen Magaalo ku taalla badhtamaha Dalka IRAN oo Magaceedu yahay Abadeh. Mr. Netanyahu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Basaasiinta Isreal ay Sannadkii hore dhukumantiyo la xidhiidha Nuklear-ka Iran ka soo xadeen bakhaar ku yaalla Gudaha IRAN, arrimahaas oo dhamina muujinayaan tuhunka la qabo ee ah IRAN leedahay Hubka wax gumaada ee Nuklear-ka. Laakiin, Wasiirka arrimaha dibedda IRAN oo hadalkaa daba socda ayaa Maanta sheegay in Isreal raadinayso dagaal, hadalkeeduna la mid yahay ‘Oohinta Yeyga’. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya, Baasha Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Muqdisho, wuxuu kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka, Donald Y. Yamamoto. Kulanka oo ka qabsoomay safaaradda xukuumadda Washington ee magaala madaxda waddanka ayaa waxaa looga arrin-sadey arrimo ay kamid yihiin xaalada garsoorka dalka iyo dib habeynta ku socota. Mr Baashe ayaa waxa uu u sheegay diblumaasiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo celin lahaayeen kalsoonida ay bulshadu ku qabaan Maxkamadda dowladda iyo nidaamka cadaaladeed ee qaranka. Yamamoto oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay soo celinta kalsoonida dadweynaha ayaa waxa uu u balanqaadey gudoomiyaha in ay kala shaqeyn doonan qorsheyaashi ay wadaan. Garsooreyaasha federaalka ayaa waxaa aad loogu dhaliilaa “in ay qaataan laaluush, ayna cadaalado darro u xukmiyaan muwaadinka sharciga u lahaa gal-dacwadeedka”. Tani ayaa dhabaha u xaartay in rayidka qaarkii ku nool magaaladda caasimadda ah ay cadaalad u raadsadaan dhanka argagixisadda AlShabaab, taasi oo xukuumadda digniin horey uga soo saartay. Inta badan dadka garsoorka u doonta xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxaa la wariyaa in ay isku hayaan lahaanshiyaha dhul ama kiisas kale. Yamamoto oo qadiyaddan kusoo qaadey Baashe ayaa lagu waramayaa in uu kula taliyey in “qaabka kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dowladda”. Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, dhaqaalaha iyo barnaamjiyadda horumarinta oo ay kamid tahay arrimaha bini’aadanimadda iyo kobcinta dakhliga. AlShabaab oo Muqdisho laga saarey 2007-dii kadib guluf balaaran ayaa wali saameyn ku leh, waxayna ka fulisaa weeraro dhiig ku daato xili ay sanad walba ka hesho malaayiin dollar, iyagoo u maray canshuur uruurin. Xigasho: Garowe Online
-
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Sheegay In Dhowaan ay Bilaabanayaan Howlgallo la isugu furayo wadooyinka go’doonsan ee deeganda Hirshabeelle, kuwaas oo muddo ay go’doon ay ku hayeen Alshabab. Dr Maxamed Cabdi Waare oo maanta xerada iidamada Amisom gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad qada sharaf ah oo ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo Heer degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida qeybihiisa kale duwan. Sidoo kale Madaxweynaha oo Sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inta ammaanka Soomaaliya uusan oo hagaagsaneyn uusan geeska Africa aysan nabad noqoneynin taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan ammaanka gobolka uu hagaagayo Dhanka kale Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah ciidamada Amisom ee naftooda u huray sidii deegaanada Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka uu nabad u noqon lahaa , si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira. Ugu dambeynta madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan wadashaqeynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaan in uu maalinta bari ah booqasho k tago magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri. Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa sannadkan waxa la isweydiinayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda. Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan. Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus. Source
-
Qaahira (Caasimada Online)– Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somalia, Dr. Abdullahi Ali Hassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal. Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale. Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Xigasho: mubasher.info, Egypt Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “qoone” ayaa si kulul uga hadlay dooda ka dhalatay ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaas oo dhowaan odayaasha gobalka diideen in loo diro Galgaduud. Xildhibaan Qoone, ayaa sheegay in ay qalad weyn tahay in ciidamo arradan, islamarkaana aan hubeesneen una badan carruur sida odayaasha sheegeen ay dowladda Soomaaliya u dirto goobo dagaal, asagoo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay dhagaysto baaqa odayaasha. “Hiiraan, isagaa u baahan ciidan iyo taageero ee ma’ahan in ciidan laga qaado sababtoo ah Beladweyne meel u jirta 3 KM waxaa u jooga Al-Shabaab” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho. “Xukuumadda malahan dhaga wax-maqla balse waxaan uga digayaa in ay maqli weyso hadalka ugaas-ka iyo dhaqanka kale, sababtoo ah waxaa ka imaan kara culeesyo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo hadalkiisa sii wata xildhibaano Qoone, ayuu sheegay in dalka uu qaatay nidaamka federaalka islamarkaana aysan hadda jirin ciidan ka howlgala degaan ka baxsan gobalkooda ama halkii laga qoray, taasina ay muujineyso xadgudub kale sida uu hadalka u dhigay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone. “Ma aragtay ciidanka Puntland oo ka howlgala Beladweyne ama Jowhar, ma aragtay kuwa Galgaduud oo ka howlgalaya Baydhaba, sidee kuwa wiilasha Hiiraan loogu qaadayaa meel kale” ayuu yiri xildhibaan Qoone Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa shalay iyo dorraad diiday in magaalada Beladweyne laga qaado ciidamo gaaraya ilaa 400 oo askari, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadan lahaayeen howlgal ka bilaabanaya degmada Ceel-buur ee gobalka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
At least four people were killed in an attack happened in Garbaharey, the capital city of Gedo region in Somalia around 11 PM on Monday. Reports say that Al-Shabaab attacked the police station in Garbaharey, prompting to face to face fights between the government forces and militants. Sources told Radio Shabelle that one civilian was among the casualties. They’re also three militants who died in the counter-attack, according to the Somali Army Officials in the region. There is no statement from Al-Shabaab militants regarding the attack and the claim of the Somali Army Officials. On Tuesday morning, the situation in the region returned to a calm, but the Somali army continues searches in the area of the incident and other villages located on the outskirts of Garbaharey. The region hosts both Somali National Armies along with Ethiopian troops who are not serving under African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Al-Shabaab Militants. View the full article
-
Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta booqday qaar kamid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe. Xarumaha uu booqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxaa kamid ah bangiga dhexe ee dowladda waxaana uu warbixino ka dhegeystey guddoomiyaha bangiga iyo howl wadeenada kale. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kormeeray xarumo dowladeed. appeared first on Puntland Post.
-
Xudur (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool,halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Garoonka diyaaradaha magaalada Xudur waxaa ku soo dhaweyeey R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre madaxweynaah maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed(Laftagareen) xubanaha golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka maamulkaasi,maamulka gobolka Bokool,kan degmada Xudur iyo qeybaha bulshada. Inta uu joogo magaalada Xudur raiisul wasaare Khayre waxaa uu kulamo la yelan doonnaa madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,iyo qeybaha bulshada,si lamid ah safar uu ku tagay magaalada Baydhabo. Amaanka magaalada Xudur ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. View the full article